site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ilaahayow! Eeboow!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Ilaahayow! Eeboow!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariiso Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Ramadan Kariim iyo Ciid Mubarak

Ilaahayow Adiga Mooyee Rabbi Kale ma lihin
Ilaahayow Adigaa Magan iyo Maciin noo ah
Ilaahayow Naftayadaan dulminay Haddaadan Noo Naxariiso Eeboow Rabbi Kale ma lihin.

Ilaahii Cabadnaaka (waan ku caabudnay)
Ilaahii Halalnaaka (waan Ashahaadanay)
Ilaahii Xamadnaaka (waan kuu mahad celinay)
Ilaahii Sabaxnaaka (waan kuu Tasbiixnay)
Ilaahii Dacawnaaka (waan ku barinay)

Ilaahayow Haddii aan Adiga Kaa Cararno yaa noo ciidmi?
Ilaahayow Haddaan Albaabkaaga aanan garaacin Yaa Na Quudin?
Ilaahayow Haddaan Toobiyahaaga ka leexano Yaa Na Toosin?

Eeboow markaan oonno Adaa Na Waraabiya
Eeboow markaan gaajoono Adaa Na Quudiya
Eeboow markaan bukoonno Adaa Na Baanta
Eeboow markaan walbahaarno Adaa Na Weheliya
Eeboow markaan baqano Adaa Na Badbaadiya

Eeboow mas'alo culus baan na qabsatee Noo Miciin

Ilaahayoow waan is-qaybinay markaasuu qalbigii naga madoobaaday

Ilaahayoow nasab iyo nasab dhiman baan isugu yeernay markaasaan Ku Ilawnay

Eeboow nasab waa kan xaday, xoogay oo Xadkaagii Gudbay,

Eeboow nasab waa kan xaquusan lahayn oo xaaraanta badsaday

Eeboow nasab waa kan xool ragga kale iyo xilahooda boobay

Eeboow nasab waa kan xidid iyo xigaal gooyoo xabaalaha qoday

Eeboow laaluush buu bixiyaa nasab ama qaataa

Eeboow macsida iska dhawr nasab iyo mariid naareed

Eeboow nasab dhiman baan niri kii dhawrsade
Eeboow nasab dhiman baa la yiri kaan walaalkii ku dhiiran e
Eeboow nasab dhiman baa loogu yeeray kaan dhunsan boolida e
Eeboow nasab dhiman baad tahaa la yiri dhiig laawa kaan dhibin walaalkiis e
Eeboow dumarkaa ku dhaamaa lagu yiri kaan dhicin dariskiisa

Eeboow dhulkaan gubnay gurigaan degi jirnay

Ilaahayow jifo iyo tol baan ka dooranayo Janadii aakhiro e

Ilaahayow umulo doox baan noqonay admiga dhiba e
Ilaahayow Kuwaad tiri xiriirayaan xabad u sidanaa

Wiilkii walaashaa dil buu ku yiri tol ahaan nahay
oo labo kaad ka tirsaa ku leh adi iyo naftaadaba oo habayn kuu kaa xiguu ku dhihi kadabkii aan goyno

Hadana Ilaahayow beri buu birta adigana kuu soofaysan

Ilaahayow ummad luntaan nahay e Naxariistaa
Ilaahayow Aakhiro iyo Adduun labada daaroodba
Ilaahayow tacab seegnay ee Toobada Nagu toosi.

Ilaahayow dambi baan guranay dulmi aan dhamaan
Ilaahayow dad iyo duunyo iyo daarba waxba maana raaban

Ilaahaygii cirka iyo dhulkoow
Ilaahaygii bari iyo galbeedoow
Ilaahaygii Keliga Ahaayoow
Eeboow Adiga Mooyee Rabbi Kale Ma Lihin

Eeboow Nooga Tur Dulmigaan falnay

Ilaahayow Qalbiga Noo Xaar oo Na walaalee
Ilaahayow XAQA Noo Tus XAQ inuu yahay
Ilaahayow Baadilkana Noo Tus UF inuu yahay

Ilaahayow Toobiyahaaga Toosan Nagu Du

Ilaahayow MUSLIMIINTA
Ilaahayow MUSLIMIINTA
Ilaahayow MUSLIMIINTA

Adiga Mooyee Rabbi Kale Ma Lihin

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum!

Jaza`akallah, Brother! You're the only one who has
something worth-while to contribute here! I hope that
you write more of these wonderful, inspiring articles.
It's most beautiful, Brother...inside-out!


Ramadan Mubarak!

...and may you meet the night of power(laylatul-Qadr!)


Peace, Ahmad!

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.