site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dadka isqaba oo qaarkood oo caruurta u dhalaya in ay dhaqalaha ku kororsadaan!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Dadka isqaba oo qaarkood oo caruurta u dhalaya in ay dhaqalaha ku kororsadaan!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SomaliGuy

Unrecorded Date
waxaan joogaa galbeedka , waanan yaabanahay oo maalin walba waxaan maqlaa wax iga yaabiya, waxaa meesha aan joogo aad ugu badan furiinka iyo hooyooyinka keliogood ah, rag badanina waxa ay fadhiyaan makhaayadha oo qaad ku cunayaan iyaga oo ku murmaya arin qabiil , islamarkaana hadaad sheekadooda dhegaysatid waxaad maqlayaa qaar kshadlaya dhibaato kahaysata social worker, arimihiisa ka mas,uulka ah oo welfare kii ka goosatay iwm, waxaa ika caadi ah inaad maqasho qaar badan oo murugaysay oo dumarka nacalad dusha uga xooraya oo leh naagtii baanu xlaya isdilnay oo dibaday ii xoortay , oo hadana sii raacinaya war ninyahow waddanka naagahan baanba loo joogi karin, oo waxaa intaas iiga sii daran naagtii socialka ahaydna weeyba lasafatay oo dawlada oo dhan baaba dhinac iiga soo wada jeeda!!!
sidoo kale waxaa caadi iska inaad maqashid hebel xaaskiisii waa ay isku noqdeen markii(..,) yaa garanaya tiradaba, sidoo kale saaxiib layaabi maysid hadaad argato hawenay ku doodaysa waxaan u baahanahay caruur badan si qarashkeenu u dheeli tirmo oo aan biilasha isaga bixino, islamarkaana reerkayaga lacag ugu dirno,
mararka qaarkood waxaad is odhanaysaa waxan oo dhami lacag uun baabay ku saabsan yihiin, laakiinse marka tirada caruurtu koradho hadana haweenku waxa ay u baahan yihiin in ay lacagtaasi ku keliyeeysataan markaa waxaad maqlaysaa hebelkii lahaa raxanta ciyaalka ah banaanka yaa xalay loo xooray.
waa murugo iyo layaab waxaasi oo isbedel ahi waxaa ay si weyn u saameeynayaan caruurta, dhibanayaashu waa dhalaanka wareeray .
waxaan qoraalkaygan ku soo gebabgabaynayaa dadoow sidani maslaxadi kuma jirtee maad dantiina garataan, diinta aad kudhaqantan, dhalaankiina dhaqalayataan, midnimo aad dhawrtaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalaama calaykum, dadka aad ka hadleyso waa dad aan iimaankooda kaafi aheyn waayo naagta u dhaleysa in ay kaliya lacag ku hesho u maleyn maayo in ay ku xisaabtantey dhibka ay ka mareyso misna waxey ila tahey in ayen ku darin talada ilmahu in ay u baahan yihiin arimo tiro badan ay ka mid tahay hooyo jecel ee ka walwaasha, dhaqaale waxey jecel yihiin ama ilaa xad ay uga haqabtirto needs kooda, aabe ag fadhiya ee waano iyo wax usheeg ku taageera. Hoy nabada oo aabe iyo hooyo is jecel ee kala dambeeya baa ubadkooda wanaagsanaadaa, ninka isna ku fakaraya in caanihi ilmihiisa lacagtii loogu gadi lahaa ka qaadanaya ee ku qayilaya aaba la'aan baa dhaanta waayo habeenkiina waa qayilayaa subaxiina waa hurdaa habartiina waxuu kula dagaalayaa raashin iyo hurdo wanaagsan iyo lacag keen, maaha nolol taasi hadhowna waxuu danbiga saarayaa lacagta shabta iyo naagti woorkarada iyo wadankaan waxaan oran lahaa ka kac hurdada oo naagtaada iyo ilmahaaga wax la qeybsa nina ha ku eedin hawla aad adiga gabtey.
dumarkana waxaan oran lahaa ragiina dhaqda oo sida u dhaama bal waana iyo wax u dheeg iyo dulqaad ku kaalmeeya . Inkastoo dad badan oo rag iyo dumarba leh oo wanaagsan ay buuxaan misana inta yarta ah een xaquuqda labada is qabta aqoon yaanu sumcada soomaaliyeed iyo tan muslinkaba ku ciyaarin.

haawo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wareer

Unrecorded Date
somaliguy iyo anonymous arin fiicaan baad ka hadasheen. iminka soomalida garan mayso laakiin goor aan wax laga qaban karin ayey is garan doonan. too bad.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.