site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

MAXAAN LA OGOLEEYN?!!!!!!!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): MAXAAN LA OGOLEEYN?!!!!!!!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Saan ognahay isdhexgalka ragga iyo dumarka waa xaaraan, laakiin ilaa xadkee?
Waxaa isweeydiiyaa su aalahaan
1-Gabadha muslinka qaraabadeeda salaamitaankooda,soo dhaweentooda i.w.m?
2-Maxaa diin ah maxaase dhaqan carbeed ah?
3-Maxaa dhaqankeena ku dabaqan karnaa ooay aqbalaysaa diinteena?
iyo malaayiin kale oo su aalood.
Bal ani wax baa si iigu muuqda waxaan rajeeynaa idinkana inaa idin maqlo.

Wasalaaaaaaaaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Su'aalahaan waa wax jira oo laga yaabo in qof walba uu hal mar is waydiiyo laakiin waxaa adag sidii loo jari lahaa waxaad dhaqan u haysatay oo diin ahaana ku khaldan laakiin Allaan ka rajeyneynaa inuu inoo cafiyo wixii aan jaahilnimo u suubinay. Hadii aan isku dayo jawaabaha su'aalaha waxaan ka oran lahaa sidan, ogow waa ra'yigeyga ma aha inuu saxan yahay diiniyana haduu khaldan yahay daaqada ka tuur aniga Ilaahey ha iga cafiyo wixii aan ku dhaldamo.
1. Is dhexgalka ama waxa la yiraahdo IKHTILAAD waa waxa ay diinta ka hadashay culumadana ay kutub badan ka qoreen dadkana ay ku baraarugsan yihiin inaysan fiicnayn. Hadaan wax yar ka iraahdo isdhexgalka islaamku waa ku xaaraan oo wiliba mowqif adag ayey diinta ka istaagtay. Wuxuu suubanaha gaarsiiyay heer uusan wax kale gaarsiin. Salaada waa shey cibaado ah oo qofka waajib ku ah, markii uu ka hadlayay wuxuu nabiga yiri (scw) safafka haweenka waxaa ugu khery badan kuwa ugu dambeeya safafka ragana waxaa ugu khery badan kuwa ugu horeeya. Meeshaas waxaa ka cad in isdhexgal ama isu soo dhawaasho la diidayo ayadoo wiliba aan looga shaki qabin inay dacdo maxaa yeelay qof Alle hor taagan wey adagtahay siduu waxaa uga fakaro hadan bin'aamadka wax walba ayaa ka suurtowda suubanaha waxyi ayuu ku hadlayay. Laakiin qaraaba xiriirinta diinta waa la is faray oo wiliba la isku booriyay ilaa la gaarsiisay inuu Alle barakeeyo cimriga qofka qaraabadiisa xiriiriya. Arrinka isdhexgalka marka xiriirinta qaraabada joojin mayso maxaa yeelay labadaba diinta xad ayey u yeesha oo midna midka kale kuma xad gudbi karo. Taasi waxaan uga jeedaa ma ah in gabadha ina adeerkeed, ina abtigeed, ina habreedkeed iyo raga geeya inay ikhtilaad ama khalwo la suubiso iyaduu ku fakaraysa qaraabo xiriirin. Amaa sheyga salaanta ahi waaba awlaa asaga oo waxaa haboon in salaanta la faafiyo taas oo ah amarkii nabiga uu bixiyay. Laakiin salaantu waa mida diinta ku sugan ee ma ah in hug la isa siiyo, rag iyo dumar gacanta isla galaan. Waxaa cajiib ah nin salaamaya gabar ajnabi ka ha xaaskiisan gacanta aan ku salaameyn. Marka hadii gabadhu hesho hab ay ku xiriirin karto raga qaraabada la ah ikhtilaadna ka maran yahay; waa tii la rabay amaa hadii ay meeshu dambi weyn ka imanayo labada maslaxo tan haboon ayaa la eegayaa.
2. Diin waxaa inoo ah quraanka iyo sunada nabiga. Sunada nabigan sadex waxyaalood ayaa lagu koobaa. Wixii nabig dadka faray inay suubiyaan, wixii uu asaga suubiyay oo laga arkay (haba ahaato inuu maalin meel istaagay), iyo wax intuu arkay uu ka aamusay. Laakiin dhaqanka carabta waxaa ka mid ah waxyaalo badan oo aan inaga agteena ka yaqyaqsano oo ayaga dhaqan u ah. Waxaa ka mid ah inay dumarkooda dilaan, inay dumar guryahooda ka shaqeeya isticmaalaan, inay caruurta fawaaxish ku suubiyaan iyo kuwo kale oo aan afkeyga soo mari karin. Waxaa xusuus mudan in aan la oran wax diinta sheegtay oo lagu qasban yahay in la suubiyo carab ayaa leh. waxaan filayaa tusaale inaysan u baahneyn arrintaan dambe.
3. Dhaqankeena waxaa lagu dabakhi karaa amaba ku khasban in lagu dabakho wax walba oo diinta sheegtay waxaana taasi inoo horseedaysaa inaan noqono dad diintooda run ka sheegay oo islaam dhab ah noqday. Hadii aan tusaale idiin keeno waxaan soomaalida dhaqan ahaan u haysanaa waxyaalo badan oo diinta ka soo horjeeda mana aha ceeb ee badanaa jahli ayaa keenaya. Tusaale ahaan, guurka, muhimadiisa, axkaamtiisa, iyo faa'iidooyinka dhismaha qoyska wax badan ayaa nusuusta lagu sheegay soomaali ahaana waan naqaan meeshaan ka joogno. Hadii midkeen u baahdo guur, simply, heblaayo ayuu shukaansadaa deedna aroosaa. Aaway axkaamtii iyo aaraaa'dii habooneyd in la maro oo laga barto. Fiiriya gaalada markey rabaan inay wax bilaabaan, cilmigeeda ayey raadiyaan, haduu qof rabo inuu business bilaabo siminaar ayuu aadaa. Qofkii guur raba haduu kutubta guurka ka hadleya akhriyoba waxaa laga yaabaa inay dadka ku qoslaan. Laakiin waxaan hubaa hadii mid walba uu daraasaad ku suubin lahaa oo erayga loo yaqaan "SHUKAANSI" ka haajiri lahaa oo ay say diinta u dajisay raaci lahaa waxaa hubaal ah in furiinka dadkeena ku yaraan lahaa. Marka diinta ayaa haboon tilaabo walba in lagu dabakho oo nolosha oo dhami diinta lagu maamulo. Iga raali ahaada wixii aan ka tagay walaalayaal ayaa raacinaya. WALAAHUL MUWAFIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

To: Muslim

walaal jazaakalaahu kula kheer sida fiican ee ad uga jawaabtay arinta ay waydiisay walaasheen ladan ilaahayna cilmiga ha noo siyaadiyo aamiin


To: Ladan

walaal ladaneey horta ilaahay ayaa ladnaan leh su'aal aad u wanaagsana waad keentay ilaahayna khayr haka siiyo walaalkeen sida uu uga jawaabay walaal ana in yar ayaan ku darayaa walaal marka ugu horaysa hadaan ku bilaabo ilaahay subxaanu watacaala waxa uu ka yidhi arintan bal akhri<<WA IDA SALATUMUHUNA MATAACAN FAS'ALUHUNA MIN WARAA'I XIJAAB>> oo ah hadaad u baahataan in aad wax waydiisataan ka waydiista xijaabka gadaashiisa yacni albaabka ama daaha taasi waa Qunaanka hadaan u noqono dhinaca axaadiista waxa uu yidhi Nabigii salalaahu calayhi wasalam <<IYAAKUM WA DUKHUUL CALA NISAA FAQAAL RAJUL MINAL ANSAAR AFARAYTA ALXAMU? QAAL ALXAMU ALMOWT>> (XAMUNA WAA NINKA WALAALKII AMA INA ADEERKII AMA WIILKA UU DHALAY WALAALKII) marka waxaad ka arkaysaa sida diinta islamku u adkeesay in nin iyo naaga kala ajanibi keligood noqodaan sidoo kale Nabiga waxaa laga wariyey in uu yidhi xadiiskan << LAA YAKHLOWNA AXADAKUM BI'IMRA'AT ILA MACA DIMAXRAM>> bal fiiri sida diinta islaamu u adkaysay in aanay dhicin wax haba yaraate shaki keena ama xumaan keena sida aan ognahayna shaydaanu waxa uu maraa xididada dhiga qada markastana waxa uu xaawilaa siduu bini aadanka ugu ridilahaa jahanama siduu balan qaaday marka waxkasta oo keenaya cadho ilaahay waxaa fiican in aan ka fogaano oo iska ilaalino intii aan awoodno ogowna walaashayey inta aad ku dadaalayso in aad oofiso awamirtii ilaahay in ilaahay agtiisa aad ku leedahay wanaag sidoo kale ladaney ilaahay waxa uu inagu tilmaamay in aan nahay umadii is faraysay wanaaga iskana reebaysay xumaanta taas oo inoo ah faan beenal umam marka walaaashayey somali caadadeeda waxyaabo badan ayaa u baahan in layska daayo ogowna cayarkuma tagayaan oo dadkii ma wada fahamsana in ay tahay diin oo hadaad tidhado diintu ma ogola in aan kula fadhiisto qof qaraabadaada ah oo ku yimi wax ayaa lagaa sheegayaa marka walaal diintiina saas ayey ka taagan tahay marka waa nin iyo naftiis suu ku badbaadi lahaa ilaahayna ha inabadbaadiyo dhamaanteen hana ina xifdiyo dhamaan, waxii qalad ah waa aniga dhinacaga ee halay cafiyo


wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wa barakaatu

ukhtukum filaah
Yaasmiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
assalaama calaykum.
waa muuduuc dadka aad iyo aad isaga qasan runtii inbadana dhinacyada qaar ka mid ah labuubuuniyay.
soo duuduub ujeedada waxaa loobaahanyahay in uu qofku ogaada maxaa diin ah maxaa dhaqan ah cidii doonta halahaatee?, taas waxaa loogabixi karaa in diinta labarto si aad wax ukala saarto hadiikale waligaa wareer kabixi maysid.
diintu way kahadashay mawduucaas waxaana jira fiqiga baabab arimahaas looga hadlo iyo qawaacid ay culumada udajiyeen.
waxaa arintaas inta badan sookoobata qaacidadaan waxaa ladhahaa"AL CAADAATU MUXAKKAMA MAALAM TUKHAALIF AL-ASHARCA", caadooyinku waa shay la'isku xukumo hadii aynan sharciga khilaafayn.
laakiin hadaan nahay soomaali waxaa laga yabaa in aan loo aaba yeelin caadada ama dhaqanka in uu khilaafo sharciga iyo inkale oo ladhaho caado lago tago caro allay ledahay, xaqiiqaduna carada alle waxay kujiraa sharcigiisa oo lakhilaafo.
baryahaan danbena waxaa batay waxyaalo badan oo diinta kamid ah in lagu sheego dhaqan carbeed hala'is ilaaliyo!.
FG.waxaa xusid mudan dhaqanka soomaalidu waa kii kahoreeyay lixdankii kaas baa wixii saxana laqaadan wixii qaldana latuurayaa laakiin ma'ahan sida dhalinyarada qaAr u haystaan wixii ay soomaali ku arki jireen oo dhan in ahaayeen dhaqan soomaaliyeed gaar ahaan arimaha mawduucan ku saabsan waxaa jira dhaqamo farabadan oolaga keenay guumaystihii iyo reer galbeedka oolarabo in dhaqan nalooga dhigo.
waan idaiku badiyay cafwan.
wixii khalad ah waa waa xagayga.
wasalaama calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Waa ku mahadsantihiin kuligiina sida fiican ee aa u soo qorteen jawaabihiina, runtiina idinkuma qilaafsani, laakiin waxaad moodaa dad badan ineey diinta iyo dhaqanka carabta is dhex galiyaan.
Tusaale ahaan gabdho soomaliyeed ayaa maqabiyooyin noqda markay diinta wax ka bartaan, aan waligood la kulmin nimanka dumaashiyaalkood ah ama nimanka kaloo ajnabiga ka ah qoyska.

Hadii gabadha ninkeeda ama maxaarimteeda kale ay joogaan ma dhex gali karto miyaa qaraabadeeda iyo dadka uu islaamka riximka ku sheegay ee ajnabiga ka ah?!!

Waxaan moodaayey maqabiyo nimmada inay tahay waxa ugu dambeeyo oo gabar soomaaliyeed rabto inee sameeso.

wasalaamualeekum

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.