site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Tolkii nin jecel oo aan ka dhex bixin baan ahaa,imminkana waan ka goay.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Tolkii nin jecel oo aan ka dhex bixin baan ahaa,imminkana waan ka goay.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gadhyare.

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum.
Dadka waxaan ka mid ahaa aad tolkooda ujecel oo waxaan u haystey inaanan noolaan karin la aantood.Intaan ku dhex jirey marna iim aanay muuqan khaladkoodu,hase ahaatee qabiilooyinka kale aadb uu gefkoodu iigu muuqan jirey.Waxyaabha aan ku ducaysan jirey waxaa ka mid ahaa Ilaahayooy tol la aan hanna dhigin.Taas waxaa kasii daran marka aan dhegeysanayo gabayada qoladaydu kufaanayso sidii aayad iyo xadiis oo kale baan u rumayn jirey.
Dabadeed waxaa dhacday in qaar tolkay ka mid ah aan is qabannay,kadib colaaddayadii markii ay meel xun gaadhey baan jilibkaygii raacay oo aan jilibbadii kale ee qoladayda ahaa ee aan is qabanay aan la colloobay.
Ilaahaay wuxuu qaddaray in aan jilibkaygii is qabannay.Imminka tolkii oo dhan cidla ayaan ka taaganahay.
Bal haddaba arrintan aan wax iska weydaarsanno oo talana aan iska siinno waayo dad badan oo ila qaba ayaa jira.
Wabillaahi tawfiiq
Gadhyare.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kusow

Unrecorded Date
To: Garyare

Assalamu calaykum,

War garyare walaalow waxaad sheeg waa dhab jirta oo aan haba yaraatee jirin nin maanta dhihi kara waxuu garyare sheegi waa "huf iyo been".

Waxu mar haduu qabiil ku dhisan yahay akhirkiisa waxuu ku dhamadaa sidaad shegi. oo Malinba sidey qolof u fuqi baa marka danbe loo tagi "Lafti" qudheeda. Aniga Kusow ahaana waan kula qabaa arinkaas lakiin nasiib wanaag waa hore ayaan ku kufriyey 'qabiilkaygi' oo hadaba ilaa iyo mudo dhan 10 sano "kaafir qabiil baan ahay". Wagii horana lukta kulama jirin ee ayaga unbaa u maleeyn jiray inaan xoga raacsanahay. hadana officially baan ugu shegay inaan aheyn qabiil oo dhan.Alxamdulilaah. waxaan ogaaday iney nolosha macaankeeda tahay inaadan haba yaratee qalbigaaga aadan gelin qabiil oo qof walba oo Somali oo "camal wanaagsan" aad ka dhigato walaal iyo saxiib.

Sideen ugu kufriyey? sidan:-
Ma bixiya qaraan oo ah "tawxiidka qabiilka'
Ma tago shirkooda iyo meel ay isugu imadan oo ah "salaadooda"
Ma u soo booqda li ajli qabiil oo ah "Soonkooda'
Ma neco ama wax uma geysto dadka somaliyeed ee walaalahay oo ah " Xajkooda".

Markaa walaal aad baan ugu farxay inaan maqlo hadalkaas oon helo qof anigoo kale ah oon isku ra'yi aamin sanahay.

Walaalka
Kusow "Safirka reer baydhabo markuuna joogin ruux kale oo mathala"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cajabo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

To Kusow:

That was an excellent example and analogy you made with the 5 pillars of Islam. But I have a question and it has nothing to do with my personal standpoint. What form of tribalism was practiced by the Prophet (SAW) and the Saxaaba. I am not insinuating that our Prophet (SAW) ever placed the Quraysh above all Muslims. Just that it was a common practice to be proud to belong to a certain tribe and to associate with fellow tribesmen.

And before you jump the gun, I hope you will not, I just wish to let you know the following. I did not grow up in Somalia. I never knew my "qabiil" until I came to Canada in 1990. I don't hate my people for they have given me the utmost respect and welcomed me with open arms. On the other hand, my parents are the ones who forged who I am with Allah's approval. As a woman, my "tol" never asked me to pay "qaaran". I rarely see any of my clan members. And I am not one to associate with people just because they belong to a certain tribe.

The reason I ask is because it is hard for many to renounce to tribalism because the Somali society won't allow it. So how can it be positively used? And when in doubt go to the Quran and the Sunnah of the Prophet (SAW). Also, in Toronto I have noticed that even the religious figures are accused of biais towards their own. And I have heard with my own ears, some "wadaad" say no matter what "qabiil hebel" will get no favors from me.

We all agree qabiil is not good the way it is setup in our society. How can we make it better? I believe you and Gadhyare are a minority.

To Gadhyare:

Walaal runtii arin fiicaan baad sheegtay. Waad ku mahadsantahay. Laakiin ehelkaaga ha ka go'in. Ilahay ma jecla ninka ehelkiisa goo'ya. Laakiin kan qabyaalad ku dhaqma u sheeg inaad raali ka ahayn. Insha Allah khayr.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Kusow, I admire the stand you take, and i wish more of us had the guts to stand for their principles, rather than a clan agenda.

Cajaabo, lucky you, you don't pay qaaraan. I pay for 2 reasons....on the occassions I have rejected to pay qaran, family memebers pay on my behalf inorder to "save the invisible face of the reer); the other reason I pay, is in order to have peace from my "eedoyin", who prefer to call/harrass/scold me on weekends mornings.
I have stood my ground on one thing, i have never shown my face at a meeting that had a "cosa nostra clan agenda".

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
KUUSOOW,,,,,,,,TOLKII MOOGE MARA DUUGA HORTEED BUU DHAMMAADAA EE HA INA GOYN,,,EHELKII IYO QARAABADIIS GOOYE WALAANAN U HEYSAN INUU QARAN IYO QOWMIYAD TOOY U HAYO,,QAARAAN TOL DIIDE MA ANIGA SIDEEY ILA TAHAY INAANU CANSHUUR QOPWMIYAD IYO QARAN AANU BIXINAHEYN,,,KUUSOOW WARKAD TIRI DIB UGU NOQO waana la iilaga fiicanyahay murtad nimada aad reer tolkaa ku heyso ....hooooy uni waaa ee day arlaadiii ooteeeey,,,,,,,(shariif shantii ooteey)


neeefooowkaniiiiiiiiniiiiiii

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Qaaraan

neeefooowkaniiiiiiiiniiiiiii yoooooow aan wax kuu sheego. Cunug yar anoo ah ayaan weydiiyay QAARAN waa maxay Marxuumaddii Ayayday ahayd.

Allaha U Naxariistee waxay tiri Qaaraan lama diido haddii lagu waydiisto oo waa mar ah qofka ku waydiiyay ixtiraam buu mudan yahay waa tan kale ah baahiduu kuu waydiiyayna way jirtaa waxaase intaa ka muhiimsan xiriirinta ehel iyo qaraabo iyo kal gacalka iyo wanaagga ay abuurto.

Waxayse tiri Qabrigeeda Ilaahay Ha Nuuriyee Mandhoow ogow haddii qaaraankaas loo qaadayo in lagu dulmiyo qof kale HA KA QAYB GELIN.

Qabiil

Anigu ma diidin qabiil. Markii aan dhalanay la ima waydiin yaad aabe u rabtaa? Hadana la igama yeelayo aabahay ma rabo oo waan iska bedeli! Abtirsiinyo waa sumadayda iyo qof ahaan waxaan ahay.

Haayoo Ingriis, Maraykan, Kanadiyaan, Finish iyo quruumo kale jinsiyadooda waan qaadan karaa Aabahayse waa mid waan sidaa sidaan qabiil u arko.

Qabyaalad

Qurun waaye iyo qaraabo gooyse. Diid oo ku kufri Qabyaalad iyo qawmka wata.

Mar haddii aad ma qasho 'YAA TOL AH' cagaha wax ka day baan ku dhihi waxaa ku xigta ma taqaan "hooyadaa kaa dilnee" iyo "wiilka walaashaa gawrac."

Wuxuu yiri anaa dad kuugu xiga. Haddii aad caawo go'do anaa godka ku dhigi oo gogoshaada la wareegi.

Yacni. Waxaan la wareegi gurigaaga, naagtaada, lacagtaada. Adigana ciid baan kugu shubi. Nin dhintay kabihiisaa dhaama.

Hadaba haddii aad maqasho dhawaaq "yaa tol ah" hooy naftaada la carar waxa loo socdo waa lafahaaga.

Maxaa haray QARAN IYO QAWMIYAD
Kaalay ila raadi Qaran Soomaaliyeed iyo Qawmiyad haybad leh. Soo booqo rugta suggidda QARAN iyo QAWMIYAD SOOMAALIYEED

www.network54.com/forums/32067

Intaa markay joogto SOOMAALIYEEY TOOSA

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cukaash Madakallaay

Unrecorded Date
Salaamintiin;

Salaan ba'dijeey lan soor diidi ma jare;

Made hore geeke waliibaa ogaadeey Aw kuus reer arlaade etaa maa madii hore gaal qaadaa haade jarte, awkweey qudheedene mey haayte?

Qabiil mal diidi kore, lankii ere diideene quraanke Ilaahay baabe diide Ilaahay waliibaa ereey
"inaa jacalnaakum shucuuban wa qabaaila li tacaarafuu" waliibaa siinku weelneey umade ii qabiilli qabiili si iniis gorotaan. wal ilaahey suubiyi wal li diidi kore me eh. Ilaahay waliibaa hatene ereey "ina akramakum cinda laahi atqaakum" ilaahey oroodiis kan siiki karaame ii sharaf badan lanke siiki taqwe bangwuu, waliibaa ki tusaasee inii qabiil qabiil ku sharaf badan in lahaayne.

Mashaqade hate soomaaliye ku dhiidi hoobe awkeey been li iniis sheegaane qof walbe waliibaa ki badbaadeey Ilaahey orodiis qabiilkiis wuu, hoobe qabiilkiis tabar in haayne walaage isin aragdeen yaa ki dhiyee, hoobe qabiiljeey wal isku reebi koroone wal ku heybeysidee. Hatebe walaage meele yaale waliibuwaa side ariirtaane Cajabe in teri sidee si feyle liin adeegsedeewu?

Rasuulke salalaahu aleyhi wasalma, waliibaa ereey "dacuuhaa fa'inahaa min da'wal jaahiliyati" qabyaalade ku tabe boorkii waqtigii jaahiliyidi wuu, walii kaloo ereey "wadanul mu'mini caqiidatuhu" lanke muslinke eh beledjeey caqiididiisu wuu, hatebe rasuulke reebe inii qabyaaled wal li iski weele, wadan ii qaran walaage la eraawne lanke muslinke eh meelii usi aqiididiis ki badbaadaasu wuu, lanke muslinke eh wal Soomaaliye la eraaw walii ku mariyee wal muslim la eraaw.

Weh! burureey wal dheeraa abtukeey oo raali haade, Aw kuusoowne runtiisaa safiirkaayne wuu, awkeey niike kufridooy.

Salaamintiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisal

Unrecorded Date
Gadhyare/kusow - isku doon ayaan saaranahay. ani waligey kama qayb gelin qaaraan lacgti dadka aan isku qabiilka nahayna liiska uguma jiro. Maalin hore waxaa isoo wacay nin aan isku xaafad ahayn iina shegay inuu hal sano kabadan talefonkayga raadinaysay anagoo isku magaalo joogna. khaladkuu samayay waa asoo tolka iga raadiya iyo anigoo aan buugaagtooda ku jirin. Qofkii ugu dhowaa ayaa ku yiri scarboro (Tororno qeyb kamida) ayaa laga sheegayey.

Cajabo: anigoo aan kasoo horjeedin in qabiil quraanka iyo xadiithyada ka buuxo hadana waxaan kuu sheegayaa in dadka markaa noolaa uu qabiil walba meel lagu yaqaan deganaa oo aan sida hada la isugu dhex jirin. Qabiilkii markaa waxaa badalay isku magaalo, isku xaafad ama isku gobol. Ani walaahi inaan qabiil raadsado waxaa iiga fiican inaan ciyaal xaafadii ama dadkii aan deriska ahayn raadsado. Dumar qaaraan ma bixiyo? Waxaa isoo xusuusisay gabar aan isku fiicnayn ayaa hooyadeed isbitaal ku jirtay magaalada toronto wiilasha la dhashayna afternoon shift ayey shaqeyn jireen. maalintii danbe ayaan wacay waxayna ii sheegtay in hooyo weli isbitaalkii ku jirto. Anoo dhag la qabto leheen ayaan gurigeedii tagay. ma ogeyne ilaa dumarka toronto ee lafteeda ayaa ballan ku lahaa meesha. Albaabkaan qaraacay - Soo gal ayaa cod dumar igu yiri. Albaabkii ayaan furay waxaana hal mar isoo fiiriyey indho boqol igala badnaa. Fadhiga intay kuraastii ka qaadeen ayaa shir culusi meesha ka socdaa. Wiilashii mid kamida ayaan iri majoogaa maya ayana la iigu jawaabay. Waa iska baxay. Qoftii ayaa subaxdii danbe iskuulka iigu sheegtay in dumarka tolku balan lahaayeen iskana aruuriyeen 5,000.00 oo dollar habeenkaa. Marka dumar qaaraan ma bixiyo kaama siisan macalimada. hadii kale noo sheeg qabiilka aan dumarkooda qaaraanka ka aadin si'aan uga guursano ileen caymis joogta ah ma bixin karnee.

Xaali: Waxaa noo sheegtay inaa qaaraanka u bixisid si'aad amaan uga hesho eedooyin. Waxaan kugula talin lahaa waxayan nafsadaadu raali ka aheen ha sameen. Qaaraanka aad bixiso waa laaluush dad aad ka xishonaysid siisid laaluushna waa xaaraan. hadaa qalbiga ka bixinaysid waa OK laakin laaluushka iska daa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cajabo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

To Xaali:

Walaal walee kuwaad sheegtay qaar ii reer abti ah baad moodaa. LOL. Habaryarahay gacan aan ugu taagay alaabtaa. LOL.

To Walaalkiin:

Ma xuma laakiin qabyaalad iyo qabiil sidee loo kala saaraa?

To Cukaash Madakallay:

Walaal hada ka hor ayaan ku idhi bal afkaa i bar. Jawaabna kaama helin. Laakiin jawaabtaan rabay adaa i siiyay ee bal ii jilci adoo raali ah walaal.

To Faisal:

Walaal macaan kuma odhon dumarka qaaran ma dhiibaan, Canada dumar ayaaba ka taliya! (kaftan) Laakiin waxaan ku idhi tolkayga nagama qaadaan. Marka soomali way badantahay.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
Tusbax go'ay ,kala qubtay ee isdoonahayn oo aanan suurtoobayn baan u arkaa arrinka ah qowmiyad iyo qarran soomaali weyn oo isu soo noqdaa leh MADAXWEYNE la soo doortay,DASTUUR loo dhanyahay ee la ansaxiyay,SHARUUC iyo XEER, MAXKAMADO iyo xeer fuliyayal.....
Marka waa aniga iyo aragtideydee maxaan ku diidaa QAARAAN iyo QABIIL is oggol,,,maxaan ku diidaa inaan bixiyo qaaraan wax loogu qabanaayo wanaagga bulshada qeybta aan ka tirsanahay ee iyaga is oggol ha ahaato caafimaad ,difaac ,,waxbarasho,,horumar etc,,,,,,,......
WALAALKIIN noooooooow maxaa aniga aragtideyda ku koobay uun qarran soomali la oran jiray oo aanan kolna loo yaabin inuu ka soo raayo meesha uu taaganyahay,, maxaan xadkeyga ooga dhigi kari waayay bedelkii QARAN inaan ku bedelo QABIILKA aan ahay inaan ka shaqeeyo wanaagiisa iyo wax qabadkiisa ,,,,,
waa aragtideydee,,,,maalin hore iney eheyd baanu arkaa maalinkii la oran jiray PAN SOMALISM, PAN AFRICANISM,,,PAN ARABISM,,....
Aniga WALAALKIINOOW haddaad xasuusato nin la oran jiray BADGAL oo NSYL raggii wax ka soo dhisay ka mid ahaa aad baan fikradihiisa ola dhacsanaaa oo ah reerkan soomaali weyn afartii israacsaniba dhinacooda wax ha u sameystaan kol haddaan xeerada lagu heshiinaheyn....


KUUSOOW,,,,,aawkeey adi heerka ki kufridii maa,, alloow inii erdaal ete may is widiyaaw,, istakhfuralaah!!!!!ahahahahahahahahah...

MADAKALEEY CUKASH ,,,,,,eed ii eed aa iinki bogi wallii ad meela ki aktubti aawkeey,,,didhig!! didhig!!!!!!didig,,,,,bururoohaaye,,

XAALI never give up helping your kinsmen,,never give up the qaaraan,,,,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHUCEEY

Unrecorded Date
SAXXIBAYAALOW CAJAAIB BAA I HEESTA WALIGAY QABIILKAYGA SHIR IYO QAARAAN MALA BIXIN OO WAABA KA XISHOONJIREY. MARKA MAGAALADA AAN JOOGO AYAA WAXAY TAHAY MAGAALO SOOMAALIDA KU BADAN OO QABIILKASTA AYAAN SAAXIIB LA'AHAY MARKII QOF AAN SAAXIIB LA'AHAY AY I ARKAAN ANIGOO NINKAY ISKU QABIILKA AHAAYEEN LA SOCDA AYEY WAXAY I YIRAAHDAA QAARAAN BIXI IYGOON I WAYDIIN QABIILKA AAN AHAY ANIGOO QOSLAAYA AYAAN KA SOO TAGAA MARKA SOOMAALIDA XITAA HADII KIMOTHERAPHY LOOGA DAAWEEYO QABIILNA KA DAAWAYMIMAYSO EE INTA DHALINTA YAR EEN ADUUN MEESHUU U JEEDO AMA KA SOO JEEDO KASEEYN AAN U DUCAYNO IN ILAAH KA KORIYO KU DHAQMID QABIIL SHIMAAN QABIIL ARKEY RUN AHAANTII MARKII AY KUWOO ADEERYAAL AAN NAHNAY AY XAAFADA IMAADAAN WAAN KU DHEEL DHEELI JIRAY ADINKANA QABIIL BAAN KA GO'AY BAY IDINKA TAAGAN TAHAY SEEWAAYE WIDAAYAALOW HADAMAA FIKRADII SHAALALAYDA QAADANAYNAA. YES, ILAAHAY WAXUU YIRI (WAJACALNAA SHUCUUBAN WA QABAAILAN LI TACAARAFU)LAKIIN QABIIL ISKU XIR DHOORANIMO AHAA.

ISMA DHAAFNO HEE!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaaraandiid.

Unrecorded Date
Neefoowkaniini.

Kuusoow baa adiga kaa fiican saaxiib. Seef labood
baad tahay. Beydhabo waad ka warheysaa baan u maleynayaa waxa ka socda just to give you a hint.
Soomaali qabiilka dugaag buu kasoo saarey. Waa been qabiil baa wax lagu xalliyaa. Waa interst meesha. Ina adeerkaa baa ku cunaaya hadduu u arku inaad hor taagan tahay. Heer waxaa la gaarey dadka dhiiggiisii lagu gorgortamo.

Kuusoow.

Go brother go. Ha dhegeysan canaanta neefowkaniini meesha kuugu qorey. Qabiil hadduu horumar leeyahay
soomaali meel hagarsiiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIIINI

Unrecorded Date
QAARAANDIIDDOOW,,,,qarankii qaaraan iyo qabiil toona ma burburin ee waxa burburiyay,,kuwa dantooda gaarahaaneed ka horumariyay tii guud,isu soo noqoshana waxeey iska noqotay calaacashaa oo timmo ka soo baxeen haba ugu weynaato is aamin darro ka jirta qabiilada ama beelaha soomaaliyeed dhammaantood,oo beel walibana ay taagantahay sideen anigu beel hebel ammuurtayda ooga walli yeelaa,,iyo kuwa iyaga yiri haddii waxi xasiloonaadaan dib baa la idiinla xisaabtamaya oo waxaad gasheen baa la idinka abaal marinayaa oo cardaadiqada la idinka dhigayaa...


Beelahaasina ay had iyo gooraale ay ku jiraan GAW IYO GASH ma leh ,,waa haddaad xasuusato kuwa waagii ciyaalnimada haddii la yiraaho 'macallinka adiga dharka sii celli oo qeybta dambe baad banooniga cayaareysaa' dhihi jiray "maya walaahi GAW II GASH ma leh,wax cayaaraya ma jirto maanta" oo haddana tiitiin iyo qarsho soo jabsha ama ku xaara garoonka si aan lo cayaarin,, cub iyo cir aan aqoonin oo iska makaroofi dhib badan oo maalin walbo si baad ah inuu u dheela raba..


Marka ninkii yiraaha inteena is fahmeena oo cub ii cirka ku wada go'i karta aan tartiibteena banoonigeena iska laanjeesano,,walaahi ilama khaldanno aniga waa qof ahaanteeye,,


QAARAANDIIDOOW makaroofi bacaaw ah wax badan aa la sugaayay inuu isgarto ama wax fahmo ,, marka aaw makaroofi intiis joogo shenterka , banooniga ha laga laanjeesto koo bacaadka ku soo dheelo ii kuwoo isla tago kaawada ,,,kuwoo kaampada isla tago ,,,kuwoo wabiga jiinkliisa ku dheelo,,kuwoo garbada isla tago ,,kuwoo yameeska ha ku soo dheelaan ,,kuwoo kale sharad ha ku dheelaan gacan libaax ,,baargaal ha lagu moleesto,,jariiban shillin shillin ha lagu dheelo,,abaa calanleey koobka ha la geeyo,,,...


Bacdigeed labadii isu soo hilowdo QAARAANKOOD hal ha ka dhigtaan ,,,,,labadii is rabin ha ahaadaan sidii jabuuti iyo somali land ,,,,warba intaas aas ku egyahay,,,,,,.......


Kuusoow,,,,alanki aadeey intee ku bati ,,,,arwuu, arwuuuuuuuuuuuuuw awkeey ,,,ani gaalaa i deerteey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qaaraandiid.

Unrecorded Date
Neefoowkaniini.

Aniba gaalaa in deerteey. Saaxiib, Qabiil wax tarkiisa waa la'arkey. Wuxuu naga soo saareyna waan aragney.

Hadda xorriyad baa la heystaa. Canshuur ma oggolin, Oo nin tuug ah taladiisa ma rabno.

Qabiil waan ku gaaloowney, Dawlad ma rabno ilaa dawlad islaam ah la helo. Inta ka horeysa qorigeennaa degta innoo saaran. Ninkii xoog badan reerka ha u haro.

Bulshadii waan idinka afduubney oo innagey nagu daba feyshan tahay oo waata baryada siyiaasiyiin ku sheegta markaan meelaha la taagtaagn. Mar dhow
tiirka dadka lagu toogto ayaan saari doonnaa kulligood. Seefat kacaanka cusub yeysan idin qaadin adiga iyo raggiinna qabiilka casriyeysan wada.
Adiga iyo jamaacadaada qabiilka ku tasbiixsada wixii kasoo haro yaan rabnaa inaan u talinno.
Waaad i fahamtey baan maleynayaa.

Midkoo adeerkey ahna beydhabuu ku dhashey oo eelaay baannu u naqaan naaneystiisa. Xoogaa intaan kasoo bowsado aan iskugu imaanno meesha reer baydhabo ha dhawaaw ku qorontahay.

Inta ka horreysa KUUSOOW iidaa. Macallinka waa raggeedii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Foodcadde.

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum.
Foodcadde.

Dadku guud ahaan fikradaha wuu ku kala duwanaan karaa iyadoo kol walba toosnaantu ay qolo unn raacayso.
mawdiicani waa mid xaasaasi ah oo mudnaantiisana leh,waana hubaal haddii dad badan oo wax garad ahi ay goobtan kasoo qayb galaan inay dad badan oo tollimada aaminsan ay dawo u noqon karto.
Anigu waxaan la fikrad ahay qolooyinka kasoo horjeeda waxa tlliimada layidhaaho.Tolku asal ahaan marka laga reebo abtirsiimada waa dad meel wada dega oo biyaha iyo daaqu ka dhexeeyo.
Maadaama ay degaan kuwada noolyihiin way is sheeko fahmayaan oo way is macaamil garanayaan.
Markii muddo lawada dhaqmayey ayaa dhexdooda kalgacal aan cilmiyeysnayni ku beermay maadaama ay inbadan duullaamo wada qaadeen.
Wada dhaqankaasu wuxuu keenay inay isu arkaan inay dadka kale iska xigaan.hadallada iga qosliya waxaa ka mid ah:Tolkaa dhinacaaga jilicsan baa latusaa,shisheeyahana dhinacaaga adag baa la tusaa(hadda shisheeyuhu waa qabiil kale oo somaliyeed ee gaal maaha).Arrin baan idiin sheegayaa na dhex martay aniga iyo nin aan waxa tolka lagu sheego wadaagno,maalin baan annagoo farakacayaarayna baan gacantta midig xoog uqabtay markaasuu intuu xanuunsaday igu yidhi waar gacanta beri baan ka jabaye isii daa laakiin shisheeyaha uma sheego ee adiguun baan kuu sheegayaa.
Si aynu isla fahanno tollimada khayaaligeeda,waxaad arkaysaa nin tolkii aad u ammaanayo oo ay leeyihiin waa nin wanaagsan oo aammin ah,dadka ma xanto,waa nin dhiig leh,dadkana ma dulmiyo.Hadda ninkaa wanaaga lagu sheegayaa dadka kale oo dhan xumaan oo dhan buu ku sameeyaa ee qoladaa ay isku tolka sheegtaan uun buu wanaagaa lagu sheegayo marmar ummuujiyaa.

Caqligu sidiisaba miisaan buu leeyahay,laakiin ruuxii bahashaa ku dhaqma si sax ah uma fekeri karo oo mar walba waxbaa si ka ah.
Somalidu waxay tidhaahdaa waalli ninkii waashay baa laga waraystaaye anigu waxaan ahaan jirey qolooyinka bahashu ku xumaatay ee ay jaanjaamisay imminkase Allaah mahadiis weeyee aad baan xanuunkaas uga ladanahay.Waxaan goob joo u ahaa labo nin oo ilma abti ahaa laakin kala qabiil ah baa guri kuwada noolaa ,Maalintii dambe uu uun baa laga sheekaysta arrimo labadooda qabiil ku saabsan dabadeedna markay sheekadii xumaatay buu kii guriga lahaa ina abtigii ku yidhi orodoo magaalada jiif udoono.Bal idinkaan idin weydiiyaye ma ina abtigii bay is xigaan mise midka aanay is aqoon ee ay odayga shan iyo tobnaad isugu yimaaddaan.
Asalaamu caleykum.
Foodcadde

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
Cajabo.

Cajabo igarteey runtaa weeyo oo runtii way adagtahay in qof soomali ah uu daayo qabiil. Anigu kuma lihi nac dadkaaga ee lakiin aniga waxaan ka hadli qabiil. Kama hadlayo “Qaraabo” ama “Ehel”oo ka duwan Qabiil. Somaali hadaanu nahayna waxaa na kala gaabiyey “finished” bahalkaas qabiilka ah. Shaqsi ahaan waxaan qabiil u garan micnahan. Waa qof aadan waligaa arag oodan isku awoow ahayn isku ayeyna ahayn, waxaan ka wadaa markaad sheekto magacaaga ma soo gala awoowgaa (XXXXX) sadax awoow xataa taas way yara fogtahay oo waa inuu ahadaa afar digit kaliya ( X-adiga X-abahaa- X- awoogaga kowaad X- kalabaad) waxii ka fog qabiil inta u dhaxaysa awoowgaaga kowaad iyo ka labaad “Qaraabo” ama “Ehel”.

Marka walaalay waxaan nacay ama ku kufriyey mid wareersan oo markaad shaqada ka imaato oo ma shaqaysta ah intuu kuu imaadi inuu ku dhaho war hebelow, dee adigu waxaa lagugu soo adiyey intan, oo qaraan ah, ma ogid ee dhulki baanu sii balarsan ama dhulbaan xoreyneynaa kale. “Balaayo qabuhu maxuu xoreeyn, yuusa ka xoreyn”. Markaasuu afkiisa huurada badan waayo maantoo dhanbuu garaaabo ama wax la mid ah cunahayey ama yuusan cuninba uu kugu sharxi wax been ah oon sal laheeyn.

Intuu geyn lacagta hadii lacala aad siiso? Marka ugu horeysay waxaa lagu gadi Hub iyo wax la mid ah. Markii la gadana waxaa lagu layn ‘caruur agoon ah oo walaalahaa somaliyeed ah, oo laga yaaba inuu yahay dariskaagi, Hooyo soomaliyeed ama gabarsoomaliyeed oon waligeed wax galabsan maskiin ah oo meelaha buulkeeda isaga jirta. Adigana halkan baad Biyo kulul ku qabaysan shilinkagana waxaa lagu layn qof walaalkaa oo somaliyeed, oo malin kasta is leh, war “barita inteed ku dhaqaajisa iyo inteed ka heshaa waxaad cunta” Bila caleeg war ma waxaasbaa wax la taageero. Intaas waa in yar oo ka mid ah wax lagu sameeyn hadii aad qaran bixiso. Wali kama hadlin bur burka kale iyo sida ayna xal ugu aheyn wadankeena dhisidiisa. Waayo hadii aan Qabiil takeerno oo Qaraan bixino, waligiis dagaal wuu socon. Lakiin hadii aan joojina waxaa laga yaabi lahaa inay isku garab dhacaan “Dhiigya cabyada Agoonta iyo haweenka layn” oo ay dan u run sheegto, dhigaana qoryaha.

Markaa walaalay anigu saasbaan ku nacay qabiil uguna kuf riyey.

To Xaali

Walaal waan fahmi positionkaga lakiin isku day inaad dhisto wacyiga waalidka ama family members-ka oo aad u shegta where these evil contribution will end up. Aad baanan ugu farxay atleast inaad garan khaladka. Lana soco hadii aad diido oo ay kugu ogadaan inaad qaraan qabiil dii tahay,waxay kuu arki inaad tahay qof leh principles oo kuguma saqajamayaa mar danbe.

To Nefoowkaniiiiiiiiiiiiiin
Ah ah ah ar qosol aa igu dishay nefooow, saxiibkiis Tolkeey aan kuu sheega hee waxuu yahay. Tolkeey waa laba nooc, mid waa kaan kor ku soo shegay oo ilaa iyo awoow labaad ah. Kuwaas hadii aan ku arko iney xaar qasan “Qabiil qaran bixin” waan la taliyaa intaan awood oo ma goyn hayi madaama ay yihiin eehelka diintu shegtay. Lakiin lagama yaaba inaan la qasto dhiiqada. Tolka kale waa kuwaan ahayn daris “baydhabo”sida adoo kale ama aanu nahay daris “hada” oo aanu wadaagno walaaltinimo Somaliyeed iyo Islaanimo isku mabda’ana aanu nahay sida “Gardheera”. Lakiiin walaalow Qaaran qabiil qaran ma dhisa ee Agoon buu layaa Qarana wuu dumiyaaaaaaaaaaaaaaaaa. “sharif shantii oota” wali waa qoslaayaa.

Nefookaniin bro waxaan ku qosli “ku isbartiimada ku xaaro” ku dhala ku jabsho ku tiintiin ku daadiya. Walaahi been kuma shegayi intaba waayeelay. Xamar aan aad u imaan jiray waayo qoyskaa qardaganaa markii la ii diido ayaga qodax mahaystaan Titiin leyn u soo guran jiray. Baydhabo lakiin very easy waayo “Ki Dhudiyi jari” ah ah waxaan u maleen adi lee garanaa ereygaa iyo makalay.

To Walaalkiin

Duqa ayeeyo Allaha Janadi Fardowsa ka waraabshee way sax saneeyd. Qaraan ma xuma sidiisaba oo wasadaqo fiican. Lakiin waa qarankee weeyo su’aasha? Ayeeyana waxay ogeyd qaraan si fiican loo bixiya ee mayna ogeyn musiibada dhacday. Haa waanu bixin Qaran qabri, mid ticket ka go’ay, dhalinyaro la xiray oo somaliyeed oo cawinaad u baahan. Agoon la caawin, Schoola la furi back africa, iyo ceelal la qodi. Wax walba oo keyraad ah. Lakiin Qabiil naaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa!

Walaalkiin walaalow sumadaadi waa Somaali, waxii ka sokeeyana waa Ina Hebel hebel ee ma aha ina Qansax iyo Ina Qurac oo hadaad fiiriso Somaliweyn uun aad isku tihiin. Marka Walaalo sidaad shektay maaban ku abtirsano Midka Weyn ee Sharafta leh “Somaali” oo hadii aad laan dheernimo rabtid Somali oo dhan ka dhigatid Qabiilkaga. Maxaaba meelahan soke kugu cel celin.

Halkaas ayaan Walaalkiin aad u la dhacay sidaad u asiibtay runta “war yaa tol aheey” markay ku dhahaan waxaa la dhahaa “tolkaa ba’” ee ha i furan tuug yahow.

To: Cukaash

Widayow cukaash waa ka xumahay “for fair go” daraaadeed ayaan meshan Maxaatiri ugu qori maanta lakiin mar marka kale igu ogow inaan afkii hooyo ku hadalnaa.

Hadaan u soo noqda shekadan “Qudheedana” aad aan ugu qoslay runtii sidaa wax u kala shaan dhesay. Cukaash widayow aniga ma ihiyoo ruux afka Somaalida oo dhan yaaqaan. Midkasta waxaan fili inaan si toos ah ugu hadli karo what is more inaan dhaqankoodana fahmi. Markaa saas ayaan ereygaa u soo geliyey.

Cukaash widayow bin aadanka waa iska xukun jecelyahay waa ku farxay inaad ii ogolaatay safiirnimada. Sida kale waa sidaad shegtay ee waxaan ugu kufriyey qabiilka si xun u isticmaalida. Sidaad shektayna rasuulku waxuu leeyay ka taga qabiilka, markaa walaal Makalaay aniga saas ayaan bahalka ku nacay. Tan ah haduusan qabiilka xooglahay aad leedahay walaalow hadii aan la adeegsan lahaynba waxan oo dhan ma dhaceen ee waxa noo kenay waa Qabiilka. Ayada quraanka waxay ayadana leeday isku garasho ee ma laha isku dila oo agoonta iyo haweenka ku laaya bi macnal qabiil. Markaa anigu kama soo horjedi ayada iyo xadiithka midna mana khilafsani ee waxaan khilafsanahay waxay somali u yaqanaan qabiil iyo siday u isticmaali. $$$ cukaash qolki imow hee beryahan waxba ma soo qorin oo wan ku cajisnay meshee@@

To Faisal

Walaalow faisal isku mid ayaanu nahay aniga iyo adiga. Meela badan. Runtii waxaan aad iyo aad uga jeclahay ruux aan qabiil ku bartay dhalinyaradii aan isku schoolka ahayn, ama isku xafada aheyn. Kharashka ugu badan ee xaga telephonadaydaa waa radin saaxiib iyo ciyaalki xaafada aan isku aheyn.

Lakiin walaalow Somalidi wax badan baa iska badalay. Si daacad ayaa noogu warantay markaa waa inaan anigana hal tusaale ku siyaa. Wiil aan aad saxiiba u aheyn baan raadiyey waxaan radiyaba malinti danbe ayaan helay markasaan telephone kula hadlay asna waxuu jogaa ‘ardi qurbaha” sidaydoo kale. Wiilki markaan salaamay, aniga iyo asagaba reer baydhabaan aheen, walaahi baan ku dharan ee maanan aqoon waxuu yahay ilaa hadana garan maayo, waxuu iigu salaamay waryaa “Kusow” wuu bood boday madaama aan saaxibo aheyn ana runtii aad iiyo aad baan ugu farxay inaan codkiisa maqlo. Widayow kusow ma ogtahay gabar Ina adeertaa aan gursaday waa ina Qudhac oo waxay ka tahay Titiin, titiina waxay ka tahay Geed talaal, aniga yaab markaasan iri waryaa widayow maxaa waxan ku baray. War nin yahow sow ‘hebel’ ma tihid miyaad walatay. Markaa cudurka qabiilka waa ka daran yahay AIDS ilaahay labadooduba naguma ridee. Markaa saxibkey inuu qaran bixiyo halkaabayba iiga cadahay!!!! Just joking.

Tan haweenka cajaba ayaadaa nasiib badan oo laga qadin moyee, waa iska caadi meshay awal hore ka dhihi jireen “abaay fadumaay” aa jirta arbacada soo socota hada waxay dhahaan “Dhul xoreen” aa jirtee xawaleey ha la is arko.musiiba ka dhacday

Faysal walaalow sidaada ka ahow o ha dhaxgalin, aad baanan ugu farxay mowqifkaada.

To: Dhuceey

Igaartay waa asiibtay meshaas. Aniga xataa way igu dhacday madaama aaban la socon wax aan isku qabiil nahay malintoo ayaan la socday yarkoo aan saaxiiba nahay oo xataa dadka qarkood noo maleyaan inaan walaalo nahay. Markaa waxaan tagnay guri, markii xogaa la jooga aa “huraalahoo” i mean qaraan aruuriya soo istaagay ayuu yiri qaran keena “xataa waan xasuustaa siduu ugu dhawaaqay” ma sheegi kari madaama lahjada lagaran oo anan rabin inaan offensive ku noqda qofna lakiin waligay ma ilooba arintaas.

Igarteey shimeen qabiil ka hadlaynaa waagi waaba beryee, dhorinima iy subaynimalay ahaaaaaaa.

To: Qaaran diid
Igu ogow duqa inaan u jixin jixin qabiil, lakiin, Nefoowkaniini saxiibkeey waaya waxaan isku dayi inaan dhinacayga u soo jiido, insha allah , wuu turi donaa waxaas.

Qaraan diid runtaa waayo Haday qabiilkaga kaa nixi bal ku dheh intaad u tagtid, Qabiilow Gabar Quruxsan baan soo arkay ama Jamacad baa Scholarship la iga siiyey ee gacan isiiya. Laba geed bay ka kala boodi. Waayo marka horaba mayna isku kaashan xaq ee Baadhil buu ahaa, waxay isku wateen ee.

Aad baan uga xumahay inaan dheereyo waayo dhiga i dhaqaaqay, waa "jubooday"

Iga raali ahaada qolyaha Ingiriiska ku qoray ee aanan uga soo jawaabin ingriis waayo waxaan rabaa inan kuwa aanan aqoon ay nala akhristaan ama nala wadaagaan shekada.

Kusow
safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Caafi

Unrecorded Date
You felt Safe and sound among your fellow clan's man and women because you lacked personal confidence and the ability to make you own personal decision. I am glad now you freed your self from that nasty handicap which disables alot of people.

If you ever come across someone who feels proud of their clan affiliation, it's not normally due to the greatness of their clan, its just that the person cannot stand on his/her two feet. So he/she has to resort to the artificial business of supplement his/her personal image with bits and pops from the clan nonsense.

Now don't think just because you can't get on with few dodge fellow clan's man you can't move on. Actually you stand better chance of fulfilling your hopes and dreams of living more satisfying life now, then you were before. Good on you chief and never go back to that bonkers cave. Move on bro...!!!


All the best……..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE.

Unrecorded Date
ASSALAAMA CALAYKUM.
ku.dhamaan.
waa ilaamahadiis hadii la helaayo dadbdan oo qabiilkii fahmay micnihiisii waan calaamad fiican oo narajagalinaysa mustaqbalka.
waa kumahadsanyihiin wlaalaha sidawanaagsan wax nootasay.
waagii hore waxaaba loo adeegi jiray arimo qabiil hada xataa arintii qabiika waxay noqtay intrast dad shaqsyaad ah!.
waxaan kusoogabagabaynayaa ABIYALA ISLAAMU LAA'ABA LII SIWAAHU INIFTAKHARUU BAQAYSIN AWTAMIIM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Unrecorded Date
Somalis a people with many words with little action, preaching what they dont practice, what a complex people. Yes they are great thinkers but always lack the implementation to match it. Do I know they are trying to show off their great ability of thinking or they are handicapped to implement anything that is fairly reasonable? All these great thinking always going to waste. Yes going to the rubbish bin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Waa dood xiiso leh!!!!!!!
Tiis daryeelaaaaaa tu kale ku daro. Bal nin caruurtiisa diif leedahay oo jaahiliin yihiin hadana reer hebel difaacaayo idinkaan idin weeydiiyee asaga iyo doorada yaa caqli badan?!!

Kuwa qabiilka iyo qaaraanka iyo waxa la midka difaacaayo sadexdaan suaalood iiga soo jawaaba

1-AAWAY AGOONTII AABAYAALKOOD QABIILKA U SOO DHINTEEN?!!!
2-AAWAY HOOYOOYINKII ASAAYDA LOO SAARAY IYO GABDHIHII LA FARA XUMEEYEEN QABIILKA DARTIIS?!!
3-AAWAY INTII WAX MA GARAD TUUG IYO DIIFLE AHAA?!!

Hadaa jawaabta ku wareertaan anaa idiin sheegi doono. Waxaan jeclaan lahaa ereyga qabiil inuu afsoomaaliga ka maqanyahay, waxaana aaminsanahay qabiiladaan is cayrsanaayo ineey kulligood isku meel ka soo jeedaan magacyadana ay yihiin wax ay awoowayaalkeen iska bixbixiyeen kumanaal sano ka hor.
Waxaa aaminsanahay in intii isku meel dagta oo isku dan ahaydba ay isku magac la bexeen(reer qurac iyo reer qansax) si ay magta iyo isula bixiyaan maadaama ay dad reer baadiye ahaayeen.

wasalaaaaaaaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Assalaamu caleykum All.

Qaaraandiid.

Right me in your rank dud. I will fight along side with you when the big bang comes.

Kuusoow.

Caafimaadka qalibigaaga ilaahey caafimaad ka dheer hakuugu daro. Saaxiib waligey qaaraan aabbahey xitaa ma bixin. Wuxuu ii shegi jirey in qaaraanku
dadka lowlifeka ay bixiyaan aannu gurigaba ka furin ninkii qaaraan doon ah.

Sidaa daraaddeed dadkii famil ahaan noogu sokeeyey
waaba na gooyeen oo isu sheegsheen in aabbahey iyo reerkiisa tolka neceb yihiin. (fiicanaa haddii shilinkaaga kaaga nabad galo meel baas).

U fiirso dadka qaaraanka aruuriya waxey u badan yihiin dad tooda gabay oo iney wax isku diraan maahane aan diin kale aqoon. Extortion iyo indha faragalis bey caan ku yihiin. Gurigaaga yeysan immaan.

Walaalaha/walaalada kale.

Qabiilka diinta laga dhigtey waakan ummad baas naga soo saarey ee halagu gaaloobo. Haddii aan laga maarminna sida wanaagsan haloo adeegsado sida haddaba dadka qaarkiis yeelaan. Soo duufsashada dhanka wanagsan ma xuma iyo in runta loo sheego qofkii qabiil islaameed caaya ama xanta ama ka dhigta cadaw. Ilaahey soomaaloo idil ha u gargaaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
BISMILLAAH

Dhallinyaro

Assalaamu calykum waraxmatullah

Waa dood aad u xiiso leh runtii fikrado badan oo saliim ah ayaa ladhiibtay dadkoo dhan markaan akhriyey qoraaladooda aadbay uwado fiicnaayeen qof wax qaabdaran kuhadlay ma'arag, waxaan hadalkayga kubillaabay sidan:

Qabiilka marna waa xaq oo quraankaa sheegay inuu jiro marna waa lugu gaaloobi waa hadduu qiyaas kuunoqdo oo aad xalaasha iyo xaaraanta asaga kaqaadato intaad ilaahay eegi lahayd wuxuu xarrimay iyo wuxuu xallilay.

Haddaan soomali nahay qabiilku wax waynbuu noo taray xag ummad ahaan iyo xag diin ahaanba asaga ayaana annagoo nool naduugay oo waataa aad aragto in meel walba oo lugusoo ururo asaga dartii looga kala carari.

Sidaad lasocotaan adduunyada wax walba wuxuu leeyahay NEGETIVE iyo POSITIVE sida ugu fiicanna waa in la'isu miisaamo oon qabiilkana lugu dheeraanoo aan dartiis loo xadgudbin aanan lagafogaanoon qaraabadii lagoyn.

Tobankii sano ee aannu rafaadsanayn ayaa dad badan qaarna tolkii siyaasadiisa diin kadhigteen qaarna tolkii jareen, midkii tolka jaray dhibato adduunyo mooyee mid aakhiro wuu kabadbaaday waa hadduu cabsi ilaahay dartii ujaray kiikalena wuuba halaagsamay oo meel baasbuu kudanbeeyey.

Gabogabadii waxaannu iskuraacnay dhamman inuusan bahalku xal keenaynna oo uu yahay dhibaato afar addin leh. Sidaad lasocotaanse dadka intooda badan inay bahalka kudhaqmaan way kukhasbanyihiin kadibna markay cabbaar kujiraanbay laqabsadaan oo uu unoqdaa wax nolosha kamid ah.

Haddii lahelo dawlad dadka kala celiso oo xuquuqdooda ilaaliso kalana saarto markay iska horyimaaddaan, cunsiriyadda, yasidda, eexashada iwm cidhibgooyso Qabiilkana inyar inyarbuu uqiimo beeli kadibna waxaad arki magaalooyinkiiyoo cammirmay iyo dadkiiyoo miyirkii kusoo noqonaya.

Maadaama ay diintan yari soo jirtay kumaan kun oo sano hal mar madabargoyn karro ee waa inaynu inyar inyar xididdada ugusiibno anagoo sirayno oo aan cadaawad u muujinayn.
Waxaana ugu horreyso inaan bahalka lagoynee lala doodo oo aan laga dhaxbixin inkastooy halisteeda leedahay haddana waa lagamamaarmaan inaan laga cararin oo xaqa iyo logiggaba lala dhextaagnaado, haddii kale kuwa kudhaqmo waxay moodi inay kaligood yihiinoo ay boqolkiiba boqol sax yihiin laakiin haddii had iyo goor laxusuusiyo khaladka ay kujiraan wuxu dhagaxaan ma'aha ee waa bani aadam way jilci marka ay arkaan dad siibadanhayo oo kasoo horjeedo caqiidada qabiilka, sidaasaannu kujabin karraa xayndaabka qabiilka, dhibaatada ugu waynee taaganbaa waxay tahay waxaannu kusoo wado korray caqiido qabiil marka marka qabiilka waxaa kushaqaysto ibliis asagana wuu ogyahay in haddaynnu soomaali nahay uu bahalkaas sifiican noo jiciyey oo uu nagadhigay dad aad ujilicsan siduu Caafi kagadhawaajiyey.

Arrinta QAARAANKA hadhiibin fadlan gabadh walaashaa ahna waa lugu kufsan wiil walaalkaa ahna waa lugu dili ilmo walaalahaa ahna waa lugu agoomayn guri walaalaheenna waa lugu dumin "please donn't pay" haddaan aniga bixin lahaa qaaraan intii dagaalku socday wallaahi inaan waligay iscafiyeen mar alla markaan arko dhibaato uu sababay qabiilku intaan naxo ayaan moodi lahaa inaan aniga sababay, qof i waydiiyeyna ma'rag intaan noolaa qaaraan qofkii iskudayo waxaan dhihi lahaa ninyahoow sadaqo keen dad masaakiin ah ayaan wax u aruurinayaaye waana wax jiro"AN ATTACK vs COUNTERATTACK THEN TRUCE".

FADLAN! kafeker waxaan idhi inteennaa masaakiinta ah ee meelaha taagtaagan unbaa umaddii kale ee mugdiga kuluntay arxan u ah "TOGETHER WE CAN ACHIEVE SOMETHING EVEN A DEBATE LIKE THIS WILL DO GOOD"

Waad mahadsantihii

Siiba Ninkii billabay

Wassalaamu calykum

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaukum;

Salaanka Islaamka kadib, Waaba yaab iyo wax ka weyn!! Qabiildiid iyo Qaaraandiid miiran baaba halkan isku arkay.

Ma xuma in aad shey ka soo horjeesatid oo aad diidid adiga oo aan haysan wax ka soo horjeedda ama alternative aad kaga hortagaysid waxa aad diidan tahay. Qabiilbaan ku gaaloobey waa kalimad Xaq ah then what?

Qofkasta oo maanta duniddan joogga aragtidiisu meel bay gaadhsiisan tahay oo ku kooban tahay. Hadal xigmad leh ayaa wuxuu ahaa "Great minds waxay kawaramaan oo ka hadlaan IDEAS,ama ra'yiyadda cusub ee aan dhicin ayey faaqideeyaan oo ka hadlaan..... Ordinary Minds waxay gaadhsiisan yihiin oo ka hadlaan EVENTS, ama dhacdooyinka dhaca ayey faaqideeyaan oo ka hadlaaan....Boor Minds waxay ka hadlan OTHER PEOPLES,ama waxay gaadhsiisan tahay uun in ay dadkale ka sheekeeyaan, waxay yidhaahdeen ama samaeeyeen uun...LOW minds, ama maskaxda ugu liidatana waxay ka hadlaan uun THEM SELFS, ama iyaga uun baa iska hadlan, oo maba dhaafsiisana naftooda.....(dirac cusub baan soo iibsaday, jeegaan soo jartay noo, maclanka buufkaan ka xirtay surwaalka, alla oo kabo cusub baad soo iibsatee,,bla bla bla,, etc).

Hadaan u soo noqdo arintii dadka iyo hadba halka ay gaadhsiisan tahay aragtidooddu iyo hamigooduba, Waxaa jira qof aan isagu naftiisa ka badnayn oo isaguun isku filan, iskana fikira baahidiisa shaqsi ahaaneed uun, sida dadka reer yurub intooda badan. Waxaa jira qaar kale oo inta yara dhaama oo garaadkooddu intaa yara dhaamo oo QOYSKIISA(xaaskiisa iyo caruurtiisa) uun ku filan, oo aan ka badin karin. Waxaa kale oo jira dad wuxuuga yara dhaama oo ilaa heer REER(TRIB), soo gaadha oo aragtidoodda iyo waxqabadkiiddu ku kooban tahay uu reerkiisa./reerahoodda.

Waxaa kale oo jira dad woxooga aragtidooddu intaa ka sarayso oo ilaa heer QARAN(Nation) aragtidooddu gaarsiisan tahay oo ka fikira arimaha qarankoodda. Waxaa kale oo jira dad ishooddu qabato meesha u saraysa oo iyagu aragtiddu gaarsiisan tahay ilaa HEER CAALAMI(INTERNATIONAL). waxay ka fikiraan caalamka oo dhan, waxqabadkooduna kuma koobna uu meel gaabane ilaa caalamka oo dhan ayey ka fikiraan oo ka howl galaan.


Lastly but not leastly IT IS UP TO YOU TO BE COME xxxxxxxxxxxx or to stay in the dark!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Faisal

Unrecorded Date
Duqii doona ducana ugu dara - Siyaad kama wadee waxaa jira nin cajiib ah oo lagu magacaabo Abdiwali waxna ku soo qori jirey soc.culture.somalia Abdiwali dad aad u badan ayaa la yaabanaa markuu la baxay la baxay magac aan aad u jeclaa "QABIIL DIID"

Reer Ottawa, Abdiwali u shega wuxuu 1995 ka hadlayey inay hadda dadkii qaar ku baraarugeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Sadexdii suaalood ee aan idin weediiyey ma aydaan ka jawaabin taasna macneheedu waxaa waaye qof kasta inuu garanaayo jawaabta shaki laaan laakiin ay nagu adagtahay inaa runta indhaha ku kala qaadno!!!!
Tan kale markaa aqrisid taariiqda umadaha kale, ee soo maray dhibaato teena la mid ah waxaad arkaysaa inayna dadku gacmaha ayagoo isku korsaaran yihiin dhibkii ka bixin, ee ay jireen dad naftooda iyo maalkoodii u soo hureen sidii ay dib ugu soo kabsan lahaayeen. Tusaale markaan u soo qaadano dagaaalkii 2aad ee aduunka waxaa jiray wadamo badan oo faqri ahaa isla markaasna dagaalku uu sii baabiiyey, hadana markii uu dhamaaday dagaalku waxa qof walba xil iska saaray sidii ay dhibka uga bixi lahaayeen waana ka bexeen ileen DADAALAA WAA GAARAA ABUURTAANA WAA GOOSTAAYE.

Waxa laga yaabaa inaa qaarkiin tiraahdaan kaasi maaheeyn dagaal sokeeye, markaasna waxaa tusaale noogu filan RUWANDA. Gumaadkeey isku sameeyeen taariikhda aduunka ma soo marin sanad barkiis ayey dhinteen sadex meelood oolabo ku dhawaad nimankii wadankaas, haddana sideenoo kale uma kala bixin PUNTLAND, JINILAND, SOMALILAND IYO BELO LAND ee waxay ku dadaalayaan sidii ay mar kale qaran u noqon lahaayeen dhalinyaradoodiiayaa dhexda xiratay waxaana la rajeeynaayaa qarnigaan in la arko RUWANDA cusub, dhaqaale ahaan iyo maamul ahaanba.


Ugu danbeey waxaan rajeeynaayaa DHALINYARADOOY(IYO DADKA WAAWEENBA) inaa dhexda xirano oo ileen XAGLO LAABAN XOOLO KUMA YIMAADAANE aanaan 10sanoo dambe sugin inaan ahaaano dal laawaayaal, tuugsadayaal,aan damiir lahaynoo caada qaatayaal ah, wax kasta u samaynaayo si ay sadaqada gaalada u kala qayaameeyaan

wasalaaaaaaam.............
LADANEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Foodcadde.

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum.
Walaalayaalow si loo baahnaa baad ukala faaideysateen ee bal anna aan arrinta si kale u beddelo,maaddaamo mawduucu dood iyo aqoon isweydaarsi ubadnaa.
Waxaan rabaa inaan soo gudbiyo sheeko aqoon isweydaarsi ah.
Sheekooyinkan aan soo gudbinayaa waa kuwo aan live usoo taagnaa ,kuwo dadkii sameeyey ay iiga sheekeeyeen iyo qaar dad la rumaaysan karaa iiga sheekeeyeen.
Waxaa dhacday in oday somaliyeed oo reer iyo carruurba leh ay habari utimi iyadoo kuleh,waxaa xaafaddayada yimi inan aad abti u tahay ee wuxuu rabaa inuu kuu yimaaddo ee bal kawarran.
Odaygii si cadho ku jirto buu islaantii ku yidhi ha ii keenin,mana rabo inaan arko,dabadeed duqdii dib bay isaga laabtay.Haddaba wax kale madhex marine odayga iyo inanka e labadooda qabiil uun baa dagaallansnaa.
Waxaa kale oo dhacday in beri nin weyni ii sheekeeyey oo uu igu yidhi waxaan ka qayb galay dagaal aan qabiil ku qaadnay,kaddib markii aan ka adkaannay baan meydkoodii dul istaagnay mise waxaa ku jira abtigay,markaasaan odaygii waxaan weydiiyey inuu kannaxay iyo inkale hase ahaatee waxuu iigu jawaabay inaanuu habayaraatee kannixin.
Iyana waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa arrin kadhacday magaalo ka mid ah shanta soomaaliyeed.
Labo qabiil oo magaaladaa wada degenaa baa colaaddoodu ku koobnayd inay habeenkii is shiidaan yar iyo weynba.Dabadeed habeen baa guri aad loo shiiday,markaasaa ciddii guriga deggenayd dibadda usoo baxeen mise dadka wax shiidaya waxaa ku jira inan ay ilamaabti yihiin oo weliba guriga laseexda.
Waxaan rajeynayaa inay qisooyinkaasi aad uga turjumayaan tollimada xaqiiqda ka fog.
Waxaanna rajeynayaa inaan dhacdooyin wax lagu qaato is weydaarsan doonno haddii Allaah yidhaahdo.
Wabillaahi tawfiiq.
Foodcadde.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cajabo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

To Kusow:

Walaal waad ku mahadsantahay jawaabtaad i soo siisay. Waan kuugu raacsanahay oo qabyaalada mid fiicaan ma aha. Laakiin waa wax yar sidaa waxa u fekera soomali dhexdooda ee maxaa daawo ah? Ilaahow inoo sahal.

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

h-wadaag

Unrecorded Date
Foodacade:
Waxaa dadka arinkaa ku kalifa waa aqoon daro iyo jahilnimo. Maalin ayaa oday aan wax isku nahay guriga igu soo booqday anoo dhegeysanaya majaajilo maki Xaaji Banaadir, saaxiibkayna ila fadhiyo. Wuxuu naga codsaday inaan cajalada demino oo aan CNN u geyno TV-ga laakiin cable ka noogu jira basic ayaa lagu magacaabaa CNN-na ma qabto. Xoogaa ayaan meeshii ku sheekeysanay kadibna wuu iska tagay. Gurigiisa ayuu iga soo wacay su'aashii u horeysey ee uu i weydiiyeyna waxay ahayd ninku yuu ahaa? waxaan ugu jawaabay qabiil x Intuu aad u yaabay ayuu igu jawaabay "maxaa maska noogu qarisay?" Wax badana labadooda yarka saaxiibkay ayaan jeclahay. hadda ka horna adeerkey ayaan la deganaa gurigana waxaa ila imaan jirey wiil Soomaali ah oo aan saaxiib nahay. maalintii danbe adeerkay ayaa i weydiiyey qabiilka saaxiibkay waxaana ugu jawaabay ma aqaan. Waxaa la igu amray inaan su'aashaas ka jawaabo next time la i weydiiyo. Saaxiibkay inaan qabiilkiisa waydiiyo aad ayey iila adkaaday marka nin kale oo yaqaan ayaan arrinta u sheegay kaas ayaana ii soo ogaaday qabiilka saaxiibkay. Maalintii danbe ayaan adeerkay u sheegay anoo filaya inay jawaabtu ku filnaan doonto. aad ayuu iigu qayliey waana maalintii aan go'aan ku gaaray inaan qurbaha ka dabaasho - Sidee qabiil hebel gurigeyga u soo gelin kartaa ku lahaa! Qabiilkaa dhan waa tuugo marka fargeetooyinka iyo qaadooyinka ayuu naga xadayaa haduu wax kale waayo ee mar danbe yaanan arkin hadaa wanaag rabtid. From that day, adeerkey aad ayaan u nebcahay sababtoo ah halkii qof oo aan hubay inuu mar walba i dhinac istaagi lahaa dhib iyo khayrba ayuu not only him laakiin cidiisa oo dhan tuugo ku sheegay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cukaash Madakallaay

Unrecorded Date
Akhyaarte Salaamintiin;

Aw Yaska

Maskata ade shal sheegdi si in kale wiinyiin hikmad eed in fayle wuu, aniine waliibaa ki dareey; MASKETI INKE WIIN SHIB IYEE EH YAA SHAGEEYAASE.

Aw Foodcade ii Aw H-wadaag

Sheekooyinke isin sheegdeen runtii eedaa in hunte, aniine waliibaa sheegeey sheeke kale oo lan ani aamine kore ku dheegi.

Lankoowaa walii iin sheegeey inii degaal lame qabiil iski qaadeen qabiilkoo mahaabiis lahaku qobide, lankii askarte mahaabiiste ha qobseti wededi yaa walii arageey inii mahaabiiste ki jare lan use goredaaw, lankii use goredaaye isku dhiiyi askar usi ki kalsoonye yaa kidare si meel qabiilkiis rooge liin deersiiye, mahaabiistii kalene askartii ku sareeyte yaa in gudbiyi, wedaay dagaal kalii dhiiyi waliibaa eebeheey qadareey inii askarigii usi haaye mahaabiis haatoow liin qobside, waliibaane qobsideey askar in madah haaye lankii use hate ku hor ha dhiiyi, aw mahaabiis farahi waliibaa is ereey sidii ade inke nahariisiti yaa geeki usiini kiinki nahariisidi doone, dadke Ilaahay isku too me ku weelne, lankii isu haaye waliibaa weeleey inii mahaabiistii kale askartiis ki dalbade si rasaas inki furaan asa oo lankii saahiibkiis haaye fiirsadaaw, mahaabiistii oo dhan madii dhimiti yaa waliibaa saahiibkiis ki ereey "hoobe ade geekii ha iin dhiyi lahaayne intaas oo qabiilkaa eh geeki me dhimiteen" lankii saahiibkiis haayini askarte me ki dalbine ee isu laftijeey yaa galantiis ki dili.

Wedaay lankii ajashiis dhamaate leey dhimidee, lankoo dadkii askarti liki dalbadi ku mid eh oo inii dhimideen taawiyaayeen yaa Ilaahay inii badbaadiyi sheekudun ku sheekeeyi.

Wedaayaal, dadke iski too me eh, qabiilidine iski too me eh, waliibaane feylahaa inii runte ii haqe Ilaahey le sheegi.

Qabiiloo iski too me eh waliibaa ku wedee, qaf walbe ogyi inii qabiilne meel use in degenaayne, dadsheeyne in degenaayne gee ii hamiin weerar ki haaye, inii bililiqi ii bilaan kufsi ii cabiidsi fadaaw, qabiilne nafte Ilaahey yaa haayte inii is difaaca oo naftiis badbaadiye fadaaw maa daame dawlad geeki in jarne, hoobe dawlad dadke shal reebte kooyte walaangun dhan mal in baahadi fadne, laakiin intii dawledaas iyee eh ku kooyaase waliibaa feylan inii Ilaahay hortiis walaagii haq eh li sheege oo qabiilkii fitnidi wedi runti liin sheegi kii nafjeey inii badbaadiyi oo difaacene fadaaw liin sheegi inii haq in leyi inii is difaace.

Salaamintiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axoow (Axoow)

Unrecorded Date
TO:Cajabo

abaayo macaan su'aal aad weeydiisay Walaalkiin aan rabaa inaan ka jawaabo.

Walaashee Qabiil iyo Qabyaalad waa labo sheey oo kale duwan.

Qabiil waa summad aan la tirtiri karin.
Qabyaaladneh waa quwad la isticmaaliyo.

Qabiil meel buu taagan yahay.
Qabyaalad weey soconeeysaa.

Qabiil qof ma dilo.
Qabyaalad qofbee dishaa.

Qabiil ma xuma.
Qabyaalad weey xuntahay.

Qabiil lama joojin karo.
Qabyaalad waa la joojin karaa.

Ps.....Raali haleeyga noqdo haddii aan qaldamay!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Foodcade.

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum.
To/H/wadaag iyo Cukaasha inkastoo walaalkay cukaash aanan fahmi luqada mayga ee uu ku qoray
hase ahaatee cid taqaan baan haystaa oo ii fasiri doonta.
Walaalayaalow waad ku mahadsantihiin sida aad qisooyinka lagu cibra qaadan karo aad usoo gudbiseen.
Bal anna qisadan iga hooya.
Nin aan isku cid nahay baa wuxuu damcay inuu iga dhaadhiciyo inay daruuri tahay qofku inuu marwalba ku dhex jiro tolkii.
Wuxuu iiga sheekeeyey nin raaci jiey shisheeye(macnuhu axmaaro maahee waa somali qabiil kale ah).Ninkii caynkaa ahaa waxaa dhacday inuu xanuunsaday oo uu dhakhtar galay oo uu in muddo ah ku jirey.
Ninka xanuunsan tolkii uun baa soo booqan jirey,dabadeed ninkii waxaa laweydiiyey inay saaxiibadiis soo booqdeen iyo inkale,ninkii bukay wuxuu yidhi wax ii yimid majiraan.
Ninkii xanuunsadaay aad buu uga muragooday arrintaa iyada ah,dabadeed ninkii bukay wuxuu goaan ku gaaray inaanuu nolashiisa inta kahadhay raacin cid aan tolkii ahayn.
Haddaba aan ra yigayga cabbiree sow suuragal maaha inay sheekadan allifeen dadka qabiilka u ololeeya,ama miyaanay suuragal ahayn in sheekadani dhab tahay hase ahaatee ay ninka xanuunsaday saaxiibadiis kuwo xun ahaayeen
Meeshanoo kaloo waxaa inooga caddaanaysa in ruuxa qabiilku waalay aanuu marnaba caqligiisa si xor ah u adeegsan karin ee kolwalba waxa uu wax ku cabbirayaa ee miisaanka u ahi uu yahay qabiilka.
Wabillaahi tawfiiq.
Foodcade.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum wa raxmatulaahi wa barakatuhu
Akhyaareey goobtiba waxaa isugu wada yimmi qaaraandiid iyo qabiil diid se anigana iga dhan ah, aniga se qaaraan iyo qabiil waxaan u heysta halbowlahii nolosha dadka soomaaliyeed aan ka tirsanahay,,aniga qofa ahaanteey waxaan u heystaa qaaraanka inuu yahay canshuur xalaal ah ee la iga qaado iguna qasab ah kolkaan awoodo waxna la igu taro kolkaanan waxba heysan oo maxeysatada aan ka mid ahay oo caafimaadkeyga, difaaceyga, waxbarashadeyda intaba kaafiya,,,,maxaa yeelay qaran isagu weyska zuulay oo micnihii qarran waxaa galay qabiil isaga is raba oo guda ahaantiis iska war haya oo ka fakaraya dantii qabiil....


Haddaan soo qaato tusaale soomaaliya meeshii la oran jiray waxaa ka dhacday aafo aad u weyn oo dhibaato aad u weyn baa dhacday iyo qaran la,aan oo runtii haddad u fiirsato aad arkeyso waxii dhacayay sanadihii 1991 kii iyo 1992gii iyo abarihii ka dhacayay,,haddaan u fiirsano hab dhismeedka qabiilada soomaliyeed waxeey ahaayeen qabiilo xoola dhaqata ah iyo kuwa beeraleey ah,, kuwa xoolaha dhaqda waxeey ahaayeen kuwa aad isaga war haya oo qaaraankooda mid taagan ah oo isu dagaala iskana war haya oo kolka tolbeelayeey yeerto isu soo gurmada oo waranleeyda meeshaa ay hugun ka kiciyaan,,,halkaasina ay cadawgooda ka dhigaan huf iyo halaan jirin,, qaaraan mideysan iyo gurmad aan kala go' laheyn,,,midi kolkuu xoola beelana isu xoola gooya,,mid kolkuu guursanayana isu kaala oo meeshasi lagu damaashaado wax aanu kaligii awoodin kii guursanayay..


Kuwa beeraleyduna waa dad aad u farabadan oo aanan isticmaalin geedkan qabiilka la yiraaho ooba ay dhici karto in labada seddexda kala tirsada ayan isu aqoon iney wax isu yihiin,,qaaraan horta isaga warkii daa ,,kaalana haba sheegin,,isu xoola gooyna waa waxaan dhimmirkaba ku soo dhicin ....


Marka haddii ay dowladi jirto waa iska OKEY oo hannaan wanaagsan baa loo arkaa inan la is qabiilsan oo an la qaaraan wadagin oo canshuuri ay gashaa iyo ceymis halkii qaaraan inoo galli lahaa oo maxkamadi noqotaa halkii loo geed fariisan jiray,,,oo qaran noqdaa halkii qabiil noqon lahaa,,...



Waxaa dhacday soomaaliya halkii la oran jiray kolkaanu qaran beelnay iney abaaro xoog leh ay dhacaan se aanu ka wada war heyno wixii ku dhacay dadkii beeraleyda ahaa ee dagganaa inta ugu wanaagsaneyd waddanka oo ugu barwaaqada badneyd o abaaraha xoogoodu inta uu ku dhacay waxeey ahaayeen dadkii beeraleyda ahaa oo aan wada xasuusan karno wixii ku dhacay BEYDHABO,,,beydhabo kama kheyraad yara waddanka intiisa kale kamana dad yara ee wixii ku habsaday waxeey aheyd oo kaliya hanaanka qabiilka ay u heystaan oo ka duwaneyd sida ay u heystan reer boorama iyo boosaaso iyo beled xaawo,, oo intaba uu ka jiro nadaamka aan horey u soo sheegay ee aheyd qabiil isu gurmada ee cadowgiisana iska caabiya,,,,, mida kale waa runteeye ma arag kolka nin reer GALKACYO xoola beelo inuu XAMAR u dawarsi yimaado ee bil caksi ina adeertii baa u xoola goysa,,,,reer beydhabana haddaad xoola beesho wallee waxaanad fursaneyn AAWKEEY meggen alla,,maggan rasuul,,,midda kale reer BEYDHABOOD ama raxanweyn kama tira iyo taya yara soomaalida inteeda kale ama kuwii ku amarku taagleynahayay ilaa iyo 1992 gii,, marka reerkii is moog ee aan tagtooda iyo tamartooda mideyn wallee waxii ku dhaca la arki...........


Kolka mar haddaanu QARAN iyo QOWMIYADI toona jirin maxaan ku diiidaa QABIIL iyo QAARAAN,,,,,,, weyga talo soomaalaay QARANKII dumminee ila dhisa QABIIL,,, OOO haddaan waayay Caalam mideysan ma waxaan waayay Qaarad mideysan ,, oo haddaan waayay Qaarad mideysan ma waxaan waayay QARAN mideysan oo haddaan waayay QARAN mideysan ma waxan waayay QABIIL mideysan,,,,KALAA thamma KALAA THAMMA KALAAA ,,, waxaan u maleynayaa inaan wada heyno qabiilo dhisan ee eebahay dhisay ee iyaga uun anu mideyno oo kolleey dadku weys oggol yahee aanu u sameyno QAARAAN sax ah ee lagu xisaabtammo oo xuduudyo ay kala leeyihiin kuwoodii is oggolna ha isku darsadeen,, kuwii aanan is rabinna sidooda ha u kala joogaan,,,,,,


weyga intaa wa bilaahi towfiiq,,,

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.