site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

!TRIBUTE TO AL ALIM ALMUJAAHID SHAYKHUL ISLAM MUHAMMED IBNU ABDULWAHAAB (RAHIMAHULLAH)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): !TRIBUTE TO AL ALIM ALMUJAAHID SHAYKHUL ISLAM MUHAMMED IBNU ABDULWAHAAB (RAHIMAHULLAH)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
BISMILLAH

Ayuhal ikhwa wal akhwaat

Waxaan jeclaystay inaan halkan kuxuso Imaamkii caalimka ahaa ee kasoo baxay jaziiradda Carabta xilligay ugu liidatay xagga diinta.

Sida lalawadosocdo culumo badan ayuu islaamku leeyahay oo jiilba jiilkuu kadnbeeyo diinta usoo gudbinaysey waxaana kamida Imaam Shaafici, Maaliki, Xanafi, xanbali, shaykhul islam Ibnu Taymiyah, Alxaafid Ibnukathiir,Ibnul Qayam, Ibnu Xajar,Imaam Albukhaari,Imaam Almuslim iyo kuwo kale oo badan dhammantood Allah u wada naxariistee.

Wuxuu Caalimkan kaga duwanaa culimada inteeda kale inuu culayska saaray dacwo kulul oon innaba hayaraatee uusan u dabcin khuraafiyiintii iyo bidcadii Jaziiradda Carabta qabsaday asagoo isugudaray dacwo iyo jihaad labadaba sifiicanna xididaha ugu siibay wixii fasahaad ahaa ee ay Carada kabuuxiyeen. Wuxuu ahaa nin geesi ah oon waligii dib uga noqon kalimada xaqa ah sida lasoo wariyey waloow naftiisu halis kugali wuxuu kukhasbay khuraafiyiin oo dhan inay markay Sheekha magaciisa maqlaan badda katallaabaan oyan dib soo eegin, illaahna wuxuu xukmiyey maanta ina Jaamacadaha iyi macaahidda ugu fiicanee diinta Islaamka lugu narto ay kusalaysan yihiin cilmibaadhistii uu kusammeeyey diinta islaamka, asagoo usoo bandhigay sidii ugu macaanayd uguna habboonayd.

waxaan xusuustaa anigoo kow iyo toban jiro oo diinta la'ibaro akhristana kutub uu allifay Imaam Shaafici sida Qaasimiga, Safiinu salaadka iyo kutubo kale inuu nin hadiyad iisiiyey kitaab cusub oo yar markaan dusha kafiiriyey waxaa kuqorrayd (THALAATHATU USUUL) gurigaan la'imdoo maalmo kadib is isdhi akhri markaan bogii ugu horreeyey billaabay ayey maskaxda i waynaatay sida uu kitaabku u qoran yahay, iyo waxa kuqoran illaa iyo haddoon waynaaday waxaan hilmaami la'ahay sidaa wadaadku kubillabay kitaabka (iclam raximakallaahu)inta hoos kaqosalaybaan idhi waa nin asagoon i'aqoon iiducayniyee bal eega.

Markaan wado akhriyey kitaabkii waxaan malaysan waayey yarida kitaabka iyo macnaha uu banii'aadamka usido balaadhkiisa, waxayna dantu igu kalliftay inaan raadiyo kitaabbo kale oo uu qoray Caalimkaas bal kitaabba kakale kadaran(Kashfu shubuhaat) waa (Fatxulmujiib)waalla hubaa inuu nikaas mucjizo ahaa!

Waxyaabaha uu sheekhu kudheereeyey ayaa waxay ahayd inuu islaamka u kalasaaray siduu ukala muhiimsanaa asagoo kabillaabay (ALTAWXIID)oo ah albaabkii islaamka oo hadduusan qofku iska toosin xagga tawxiidka wax cibaado ah oo laga aqbalayaa aysan jirin. Sheekhu sifiican ayuu ugu dheeraaday una kaladhigdhigay una caddeey Tawxiidka isagoon iska hadlinee mas'alo kasta adillo saaray.

Dacawadiisiina Alle waa barakeeyey oo ibliis iyo kaafir midna maanta mamaqli karaan magaciisa oo aadbay uga cabsoon waayo indhuhuu faraha kagaliyey.

Heer waxay gaadheen ay Reer Yurub si gaar ah u arkaan Sheekha iyo Xertiisaba sabtoo ah wuxuu soo nooleeyey in Islaamku yahay (ADDIIN WADDOWLAH)ama siday maanta kumagacaabeen (ALISLAAM ASSIYAASII).

RAXIMAKALLAAH YAA IMAAMANAA AL FAADIL

WASSALAAM

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir abdi.

Unrecorded Date
Xareed.

Saaxiib ducada sheeqa ilaahey ha kaa aqbalo. Nin
tawxiid kacarar ah uunbaa wax ka sheega sheeqa. He is one of my best sheeqs.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
assalaama calaykum.
xareed.
marka hore waxaan kugu bararujinayaa khalad yar oo aan rajaynayo in ka'ahaaday xaga qoraalka laakiin ay kadhalankarto in laga qaato fikrad qalad ah waa meesha aad tiri:.waxaan akhrisan jiray kutub uu alifay imaamu shaafici sida safiinaha iyo qaasimiga, waxaan filayaa in aad kawaday kutub laga'alifay fiqu shaafici, hadiikale shaafici ma'alifin kutubtaas.
midalabaad qoraalkaagu wuxuu taabtay meel aan kataahayay oo waxaan rabay in aan sooqoro casharo kusabsan usuulu thalaatha, marka maadaama aad bilaawday maad ixil furatid.
assalaama calykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calykum

ALLAALE way dhici kartaa inaan khaladkaa sammeeyey, sababtana waxaa weeye inay muhimmadu ahayd in kutubtu yihiin kutub kusalaysan Madhabta ama dadaalkii diineed ee Alimaam Alshaafici raximahullaah, marka waxaad mooddaa inuusan khladkaygii meelfog kudhicinee uu islaxeradii kusoo dhacay, waxaa adduunyada ugu daran qof yidhi waxbaan sheegi oo wuxuu usocday ma'ahee hawd cidla ah cagta saaray.

Gabogabadii aan kacudaardaarto khaladkaa dhacay anigoo kuu mahad naqaya inaad iqabatay intaanan fogaan, waxaanan filayaa inay ugu wacan tahay khaladkayg xusuusta fog een is idhi kasheekee.

Arrinta kusaabsan kitaabka walaal noo billow wax kutaxmana anaa ugu horreyn hana igusoo leexin xilka aad qaaday, waxaan kabaqi inaanan aniga kabixi karin xilkaas sababo jiro awgood.

Marka soo dhawoow inasoo wargeli markaad hawsha u diyaar garowdo hana ii qaadan nin caalima, waxaa igu kallifay inaan qoraalkan sammeeyo kusaabsan Sheekha kadib markaan arkay meel mu'minkaa lagu durayo. Aadbaana ulayaabay marka waxaan iskudayey inaan dadka kumashquulsan ladoodidda ninkaa xadgudbay aan bal wax yar kasoo jeediyo dhinacaa, waayo dadkaasoo kale lalama doodi karo oo waxna waa dood waxna durid.

Wassalaamu calaykum

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
BISMILLAAH

Assalaamu calaykum

Bashiir Cabdi salaantaa islaamka kadib, waa sidaad u sheegtayoo dadka waxyaabo badanbaa isaga qasan. Iskadhaaf islaamkee dhaqanka soomaalida xitaa ma'oggola in qof muslin ah oo mootan boqollaal sano dusha looga dhaco oo lagaadho heer xitaa lagadhigo inuu ahaa nin aan shaqo kulahayn diinta islaamka iyadoo la'ogyahay inayna sal iyo raad toona lahayn.

Sideedana diinta waxaa leh ilaahay waxaa loo haystana waa ilaah dartii (Mukhlisiina lahuddiina)
(Alaa lillaahi diinul khaalisi)waxa kaliya oo noo habboon inaanan tafaraaruq diinta kusiyaadin ee ay noqoto inaan midnimo usiyaadinno, qofkii nagamida oo khaldama ama gafo aynu ladoodno siwanaagsanna usaxno anagoo caddaynayno qodobka aan kuhaysanno iyo waxa caddaynayo inuu khaldan yahay labadaba haddii kale sheekadu waxay kusoo bixi sidii qabyaaladdii kajirtay soomaalida dhaxdeeda oo kale.

Diintase way kaduwan tahay arimaha dunyaawiga ah oo iyadu waxay leedahay meel ay kabillaabato iyo meelay kudhammaato innaba hayaraatee fawdo manoqon karto, waa in maskax (objective) ah lalasoo galo luguna dhaxjoogo.

Wassalaamu calaykum

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
O MUSLIMS !!!!!!!
A CALL TO MUSLIM WHO SAY LA'ILAH ILLAH!
WHERE ARE YOU! WHEN MUJAHIIN BROTHERS ARE CALLING YOU TO JOIN THE BATTERFEILD !! THEY EXPELLET,KILLIED, RAPED IN CHECHNIA BY THE FILTHY RUSSAINS , ARE YOU NOT PART OF THE UMMAH MAHAMED? FRIGHT THE ENMY OF ALLAH BY
MAKING SUPPLICATION {DUA} ,SPENDING YOUR WEALTHY AND READING THE DIALY NEWS FROM FRONTLINE MUJAHIDIIN www.qoqaz.net

KNOW THE SALVATION TO SOAMLIA AND MUSLIM COUNTRIES IS QUAAN AND SUNAH OF OUR BELOVED PROTHET-NOTHING WILL SAVE US,UNIT US THIS WORLD AND HERE AFTER ACCEPT ISLAM.

YOUR BROTHER IN DEEN (Somali)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
O MUSLIMS !!!!!!!
A CALL TO MUSLIM WHO SAY LA'ILAH ILLAH!
WHERE ARE YOU! WHEN MUJAHIIN BROTHERS ARE CALLING YOU TO JOIN THE BATTERFEILD !! THEY EXPELLET,KILLIED, RAPED IN CHECHNIA BY THE FILTHY RUSSAINS , ARE YOU NOT PART OF THE UMMAH MAHAMED? FRIGHT THE ENMY OF ALLAH BY
MAKING SUPPLICATION {DUA} ,SPENDING YOUR WEALTHY AND READING THE DIALY NEWS FROM FRONTLINE MUJAHIDIIN www.qoqaz.net

KNOW THE SALVATION TO SOAMLIA AND MUSLIM COUNTRIES IS QUAAN AND SUNAH OF OUR BELOVED PROTHET-NOTHING WILL SAVE US,UNIT US THIS WORLD AND HERE AFTER ACCEPT ISLAM.

YOUR BROTHER IN DEEN (Somali)

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.