site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"""TAXRIIRU MARŽAL MUSLIMA......."""

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): """TAXRIIRU MARŽAL MUSLIMA......."""
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu salama

Unrecorded Date
BISMILLAAH WASALAATU WASALAAMU CALAA RASUULILLAAH.

SALAANTA ISLAAMKA EE QAALIGAŽAH KADIB,WALAAL FADLAN WADA AKHRI MARKA HORE MAWDUUCAAN INTAADAN KA NIXIN DHEERIDIISA AMA AADAN ISKA QORIN WAX ADOON FAHMIN WUXUU KU SAABSAN YAHAY.!!

Dabayaaqadii qarnigii tagay hada iyo kan hada bilawdaba waxaa caalamka Islaamka maskaxda lagaga qaadayey arin markaad caqli leedahay aad kuu cajab galinaysa, markaad caqliga soo yara aastana ku yididiilo galinaysa, arintaas oo ah {TAXRIIRUL MARŽAL MUSLIMA} OO MACNAHEEDU YAHAY XORAYNTA HAWEENAYDA MUSLIMADAŽAH.

Hadaba waxaa is waydiin mudan arintaan yaa wata ,yaaka danbeeya, yey maslaxad uugu jirtaa maxayse tahay arintaani.

Hadii aan isku dayo waxay tahay arintaani,waa kalmad cadawga Islaamku ay ka dhigteen hubkooda uugu muhiimsan ee ay kula dagaalami karaan umada Islaamka hadii uu uŽhirgalo.

Hadaba intayna kalamadaan macaanideedu ku cajabinin waxaa haboon inaad isa suŽaashid Dumarkaan la xoraynayaa ma kuwo diintu gumaysataybaa mise maya,
kalmadaani waa kalmad daahirkeedu uu raxmad & yididiilo galinayo qofkasta oo aan u fiirsanin,dhadhaminin,ursanin,taabanin,dhuganin,hadalada ay dadku sida basiidkaŽah isooga qaataan iyagoon is waydiinin gay ka timid xagayse u jeedaa.

Hadii aynu guda heeda galnana waxaad ogaanaysaa inuu yahay dariiqii Jahannama oo lagu goglay sijaayado dhalaalaya.

markaa hadaba walaalahayga runta moodoow khusuusan Dumarka,waxaad ogaataa in waxa lagaa xoraynayaa uuyahay diinta Rabbi(swt) oo ay rabaan sidii aad uula qaybsan lahayd waajibaad kiisa adoo kaagiina uu kaarabo inaad u gudatid siduu ahaa kiisana laqabatid isagoon kuunaxaynin marnaba, tusaale markaad soo shaqaynaysid saw kaama rabo inaad biilka labixisid,marka uu rabo inuu maryaha kaa khafiifiyana sawma rabo sidii uu jidhkaaga qaaligaŽah uuku daawan lahaa isagoon shilin bixin,iwm, tusaalana waxaa intaasoo dhan inoogaga filan fiiri sida ay u noolyihiin dumarka gaaladu maanta,waxaa laga rabaa inay nin& naagba wada ahaato markaliya matalan markay shaqada joogto waa inay sidii ninka u labisataa iyadoo hadana lagarabo inay qaabkii haweenka muujiso, markay guriga joogtana inay dhaqdo kariso koriso caruurtii isagoon isagu intaas waxba haba yaraatee ka caawinayn.

Markaa xoriyada lasiiyey maxay tahay hadiiba xataa mushaharkeeda iyo kiisuba ayna is leekayn iyadoo waliba ka shaqo badan.

waxaan sugayaa inaad fikradihiina igu dar sataan idinkoo daacad hadlaya.


igana raali ahaada aad ayaan idiinku badiyayeyŽe.

umu salama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CARMALEboston

Unrecorded Date
Umu salama walaal rabi baan waxaan kaaga baryayaa inuu fahamkaaga iyo fikradaada wanaagsan uu kuugu daro miisaankaaga maalinta xisaabta isla mar ahaantaana uu qalbigaaga ku sugo fahamkan (camiiqa) ah.
waqtiga ayaa aad iigu yar oo waxaan ka tegi kari waayey cinwaanka markaan arkay laakiin waxaan ku talin lahaa dhalinta aan khayrka ku tuhmayaa inay xusaan QABLA ISLAAM WA BACDA ISLAAM.
Wxaaan idin leeyahay guulaysta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Daahir

Unrecorded Date
SALAAMULAAHI CALAYKUM

Walaal umu salama waxa sharaf iyo wanaagmudan inaad si hufan oo caqli fiicani kudheehanyahay aad u aragtay adoo gabadh muslim ah cadawga diintu waxay isticmaalayaan oo ah inay dhinackasta oo ay diinta islaamka ay isleeyihiin waad kasoo geli kartaan ay isku dayayaan
tana ay tahay tusaalaha ugu horeeya ee ay iskudayaan inay kasoo galaan gaalada uu rabi kusheegay (swt) quraankiisa in aanay idinka raali noqonayn ilaa aad raacdaan miladooda(diintooda)
hase ahaatee diinteena Islaamka ee Xaniifka ahi way unimcaysay ruuxa muslimka ee haweenka ah waana wax lawada ogyahay oo nasiib wanaag dhamaan hablaha muslimka ahi way kuqanacsanyihiin xaqa aysiisay ha ahaato mid kudhaqanta diinta iyo mid aan kudhaqmin oo arki maysid qofdumara oo muslima oo udoodaysa waxay diintu kareebtay in ay xalaalnoqoto ama diintu aykamamnuucday waxwanaagsan taasina waanasiib wanaagsan. Hase ahaatee waxay gaaladu sawirkaa xun uga bixinayaan
waxaytahay si aan dadkoodu usoo raacin diinta sharafta badan ee islaamka iyo si kuwii caqliga yar ee inaga mida ay uduufsanlahaayeen
waxaana ugu wayn ooo abaabula xamladahan ama campainka lagu qaadayo arimahaa ugu horeeya waa dadka ilaahay nacladay ee yuhuuda layiraahdo

waxaa kaloo kamida waxyaabaha ugu horeeya ee ay kusoo gabadan diinta islaamku waxay fasaxday in ninku 4 naag guursado dumarkana 1 nin ayay kukoobtay
waana arin aan ninkaan ama qofkan caqli iyo fahamdiineed ilaahay siin ay kujiidan karaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mustafa ugaas

Unrecorded Date
Asalaamucaleyku
inkasta oo ay tahay late, hadan waxa aan jeclaan lahaa inaan wax ka iraahdo sida loo xoreynaayo dumarka muslimka, waxaa layiraa Carabi inta ku nabto ayey nabiga kaaga hotmartaa!. markaa walaalaheyga Islaamka ahow ma is weydiiseen xadgudubka ay geystaan raggu, marka, hadii aan fiirino, ragga soomaalidu intooda badan waxa ay gumeysi ba'an ku hayaan dumarka qaas ahaan kuwa ay dhaleen iyo kuwa ay khabaan ilaa nin Allah u gargaare moogiye, marka waxaan taageersanahay in laga xoreeyo dumarka Islaamka dhibaatada!!!!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU

Ukhti umu Salama barakalaaahu fik wa jazaakalaahu bilkuli kheer wakatharalaahu amthalak walaal ilaahay ayaan ku waydiinaynaa in uu kugu daro miisanka xasanaadka walaal hadii aan ana waxyar ku darsado mowducan sida aad sheegtay walaal waa dhab oo waxaa ayaantan dumarkii madaxa ka qabsaday taxriir al marah lakiin su'aasha meesha taal waa maxaa laga xoraynayaa maxayse tahay xoriyada la doonayaa in ay qaatato?
saynu ognahayba hadaan ku noqoto waqtii hore ee qabla islaam gabdhaha waa la aasi jiray taas diinta islaamka ahi way ka hadashay oo waa la diiday waxaana ilaahay ku soo dejiyey aayado qur'aan ah
waa la dhaxli jiray sida xoolaha taasna diintu way joojisay
intas iyo ka badan ayaa jirtay qablal Islam
samankan aan joognana waxayba noqotay silca lagu gado waxkasta oo la rabo in lagado xataa makiinada nimanku ku xiirtaan haday damcaan in ay xayeeysiiyan waxaa la keenataa naag
dagaalka kale oo lagu wado umada islaamka ah waa in la ogaaday waxkasta in ay leeyihiin asaas asaaska umada islaamka ah waa hooyada haday hooyadu wanaagsanaato waxay soo saaraysaa jiil wanagsan haday gefto shaqadeedana jiilkaasi waa baabayaa waana ta haysata umada ilaamka ah maanta ilaahay oo u maceena mooye marka walaalahayga musliminta ah waxaan ilaahay uga rajaynayaa in aanay rumaysan riwaayadan ay noodhigayaan Yuhuuda iyo acwaanta la shaqaystaa ay ogaadan in aa ku jirto saman la rabo in labaabiyo magaceena waxa ugu wayna waa ilmaheena khaasatan dumarka soomaaliyeed waxaan ku guubaabinaaya in aanay rumaysan sheeka gaalada oo ay ogaadan in waxa larabaa ay yihiin ilmahiina sidii laydiinaka leexinlahaa tusaale dowladahaan gaalada ee loo qaxay cashaan si ay adiga wax kuu siiyan ma gaadheen heer aanay laheen qof baahan ilaa islamnimo kuma siinayaan iyaga oo naftooda ka qabanaya sida diintu sheegtaye? waad aragteen shawaaricda magaalooyinka maraykanka ama canada waa kuwa dadkoodi jiifjiifa jidadka iyaga oo goglan karaatiin iyo joornaalo su'aasha marka ku soo baxay waxa waaye maxay u siin waayeen dadkaas oo adiga oo ah somali muslim ah ay kuu siinayan? jawaabtu waa in ay rabaan in ay kugu beeraan dad leh dhaqankooda iyo fikradooda oo kadibna qaata diintooda waadna aragtaan hada kuwa ku doodaya waxaan nahay gaalo somaliya aniga oo ku dheeraatay hadalkaygii waxaan ilaahay ka rajaynayaa in u gargaaro umada muslimka ah meel ay joogtaba diinta islaamkana inagu dilo aamiin

waxaan walaashay uma salama ilahay kaaga baryaraa in uu ku xifdiyo oo cilmigana ku siyaadiyo noona soo ducee yaa ukhtii alcaziiza wa barakalaahu fik

To:mustafe

mustafow walaal ilaahay xaqa haku tuso kalmadan xoriyadana ilaahay macnaheeda runta ah ha ku haleeshiiyo walaal anaga ayaaka mid ah gabdhaha somaliyeed una aragna in ay tahay sheeko quraafi ah xoriyada la doonayaa iyo si nalooga furo xijaabka iyo xayad iyo sharafta islamku na siiyey walaal fi dil al islaam waxaan ku nahay JAWHARA MAKNUUNA yanci jowharad la dhooro marka walaal xoriyada aan ku waayey islamka dhexdiisa ku helimaayo xoriyada ay yuhuudi iyo acwaanteedu doonayaan.
wa bilaahi towfiiq

wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

Ukhtukum filaah
Yaasmiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Ilaahey ha idinka abaal mariyo Umu salama & Yaasmiin. Waxaa loo baahan yahay dumar soomaaliyeed oo fahankaas oo kale leh kana fakaraya duleelka muslimiinta laga soo galayo oo ah in dumarka aysan xuquuq dhameystiran ku leheyn diinta Islaamka. Aad iyo aad ayaan ugu farxay markaan arkay gabdho soomaaliyeed oo xog ogaal u ah arinkaan kuna baraarugsan dhibta ay bari la iman doonto. Ilaahey ayaan idinkaga rajeynayaa inuu wanaag aduun & mid aakhiro idiin jamciyo janooyina idinkula waariyo haweenkii ku dayashada fiican inoogu sugneyd ee hooyooyinka inoo ahaa.

Mowduucaan wuxuu ka mid yahay waxyaalaha ay gaalada (yahuuda) ku fakartay in looga guuleysan karo Islaamka ka dib markii ay cadaatay inaan dagaal fool ka fool ah wax looga qaadi karin balse lagu dayo qiwatul-fikri. Waxyaalihii muslimiinta laga dhaadhiciyay ayaa ka mid ah in dumarka aysan darajo wacan siin diinta Islaamka. Waxaana badanaa loo adeegsadaa dad gaar ah oo ay ugu horeeyaan CIMLAAMIYIINTA iyo HUMAN RIGHTS or CIVIL RIGHTSka. Qolyahaas oo dhami waxay xambaarsan yihiin afkaar ku saleysan xoriyada dumarka waxaana la ogsoon yahay inaan waxaan Islaam aheyn xoriyad ama dan ugu jiran dumarka iyo bini'aadamka oo dhan. Cadownimada loo qabo muslimiinta ayaa la rabaa in ay gurigooda ka bilaabato oo haweenkii Islaamka la kiciyo laguna diro diinta ay u nasab sheeganayaan. Waxaa wax laga yaabo ah in qaarkeen ay u doodaan arrimahaan ayagoon ogeyn cida ka dambeysa, dadka soo darxiyay fikradaaan oo ah yahuud iyo mushrikiin, iyo wiliba arrinta meesha ay isugu biyo shubaneyso. Waxaa kaloo waayadaan badatay dad badan oo muslimiin ah oo arrimo ku saabsan dumarka wada oo mar walba ka hadlaya. Sheik caalim aha ayaa yiri "Yahuud cadowtinimada aad ii qabtid ayaa Alle ii sheegay markaas ayaa ledahay dumarkiina ayaa xaquuq u raadinayaa." Si fiican u eega xataa dadka soo islaama waxay hadal kaaga bilaabayaan dumarka muxuu islaamka ka yiri. Kuwaas ayaa ka roon kuwa islaamka sheeganaya maxaa yeelay kan wuxuu raadinayaa waxay diinta ka tiri laakiin kan muslimka ahi wuxuu ku ancoonayaa xaquuq dumar ayaa lagu dheelay asagoonba ogeyn waxay diinta ka qabto uuna xujo ka dhiganaayo wax reer gaar ah ama dadyow gaar ah suubiyaan. Waxaa u maleynayaa xoriyada la doonayo inaysan aheyn mid cad ee tahay diinta oo qeyb la diido amaba la inkiro, Islaamka cid ka xoroobi karta ma jirto oo awaamirta Alle & rasuulkiisa diidi karta. Hadii xaq dumarna la inkiro u doodideeda iyo soo celinteed Muslimiinta ayuu u yaal oo gaalo meesha boos ugama banaana. After all, rag iyo dumar meel lagu kala saaray ma jiraan. Quraan iyo Axaadiisba isku mid ayey u yihiin, hadey noqoto cibaado, axkaam, iyo sharaa'ic. Waa isku mid rag iyo dumar hadey dambi wada galaan iyo hadey Alle u hogaansamaan. Xagey codow ku noqdeen labadaan jansi? Bal iskaba daaye, Alle ayaa inoo sheegay waxay isu yihiin dhar. Su'aashu waa adiga iyo mardaada ma dagaal baa idinka dhexeeya? Haduu dagaal yimaadona yaa haboon inuu idin dhexdhexaadiyo adiga iyo maradaada, ma walaalkaa mise gaal najis ah oo shishe idinkaga yimid?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KKK

Unrecorded Date
.


.
.
.
.
.
.
.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
slmu alykum....
Dhamaan akhyaarta rag iyo dumarba salaan wacan iga guddooma.
Mowduuca ay walaasheen SALAMA soo bandhigtay waa topic loo baahan yahay in ay dunida muslimku deristo, si looga badbaado hagardaamooyinka cadowga iyo musiibooyinka waqtiga. Dhammaan walaalaha waxgaradka ahi wey ka war-qabaan mowjadda TAXRIIRUL MAR'A marxaladihii ay soo martay iyo sidii ay u soo hano-qaaday. Xusuusashada taariiqda iyo waayaha tagay waa duruus loo baahan yahay in uu beni'aadamku ku howlgalo, si uu mustaqbalkiisa ugu tabaabusheysto.
Sebenkii nebigeenna (scw), haweenkii asxaabiyaatka ahaa waxey ahaayeen xubin firfircoon oo dowr weyn ka ciyaarta noloshii waqtigaa, ha ahaato xagga caafimaadka, xagga cilmiga, iyo qeybaha kale ee nolosha. Si uu cadowga islaamku fursad ugu helin dacaayaddeenna, waxaan ku talin lahaa in ay dumarkeennu kordhiyaan wacyigooda iyo culuumtooda dunyawiga ah. Waa inaan helno gabdho muslimiin ah, soomaali ah, mutadayiniin ah, oo dhaqaatiir ah, kuwo kalkaaliyayaal ah, kuwo macalimiin ah... iwm. Ma aha hooyada ama gabadha soomaaliga ahi iney ku ekaato maamanimo, waan ka xumahay haddii uu hadalkeygu u dhadhamo si kale, ujeedadeyduse waxa ay tahay: in annaga oo dhowreyna xuduudaha ilaaheey aan haddana dowr weyn ka ciyaarno noloshan. Ilaaheey (sareeye) wuxuu yiri: "WALAA TANSA NASIIBAKA MINA-DUNYAA".
Taxriirul Mar'a, asal ahaan waa erey daqiil (soo-galooti) ku ah dunida muslimka, waxa uu xambaarsan yahay ideolajiyad lid ku ah diinteenna, dhaqankeenna, iyo beni'aadamnimadeenna.
Ugu danbeyn, waxaan mahad u soo jeedinayaa Ukhtii Umu-Salama oo makarafoonka nagu soo dhaweysay, iyo sidoo kale walaalaha ka qeyb-galay dooddan sharafta badan.
Ilaa iyo is-maqal danbe, isma dhaafin.. wasalamu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleiman

Unrecorded Date
Dear: Brother

Asalaama Caleykum


Walaal waxaan akhriyey maqaalka umu Salam oo
cajiibka ah, waxaan ayaan gabar aan school isla
dhigano ku iri walaal madax qarso, waxay iigu
jawaabtay dark age miyaad igu celin, marka waxaan
layaaba meesha loo wado iyo waxa ka horeeya,
dumarka maanta dharka ayaa lagu xayiisiiyaa iyo
waxun oo kaliya. Maanti fiiri dumarka Soomalida
lagama yaqaan ku gaalada kuwo Allaah u naxariisto
maahee, waxaa loo baahan yahay Umu Salama oo kale
iyo hablahakale iney wax u sheegaan walaalha
aan weli islaamku siciin u baran.


To: Mustafa Walaal Diinta baro
Walaalkiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaqsheege

Unrecorded Date
Culimooy runtii dagaal qiyaali ah baad ku jirtaan aniga waan garan waayey sadbursiga idinka dhexeeyo
Axumdu liaahi ilaahey diin waa ibarey waana ku dhaqmaa intuu ilaahey ii qorey inaan ka dhaqmo,
laakiin walalyaal adinkoon is caayin ama wax iska sheegin wax isku sheegi kartaan miyaa,
wwaxaa jirta hadey2 qof ay waxaqoon ah is weydaarsanayaan waa iney labada ay galin ninkan yaanu kaa badin oo uu meeshaas difaac ka galin, ogow maanta waxad ku hadasho hadad ka dhimato iney bari dadka kaa dan beeyo laga yaabee iney diin ka dhigtan waa hadey qalad ahey waxaad ku hadashey sidaa awadeed walaalayaal ilaah ka cabsada oo isu naseexeya

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu Salama

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM

KU: XAQ SHEEGE

Walaal waad ku mahad san tahay nasteexadaa aad noo soo jeedisay,laakiin walaal qofna layskama tuhmo adigoon ku hayn wax cadaana markaa walaal aniga shakhsiŽahaan cid is cayday meesha iigama muuqato hada.

YAASMIIN.IYO WALAALAHAYGA KALOO IDIL. walaalayaal khayr Alle (swt) haydin siiyo Allena haynoo siyaadiyo fahanka,

KU. WADANI
WALAALO BAARAKALLAAHU VIIK, waxaad sheegtay hadal uu dhiigu ka dhaqaaqo oo ah in dumarka mutadayiniintaŽahi ay wax bartaan aad iyo aad ayaanan kuugu raac sanahay arintaa,oo waxaabad moodaa in dumarkii mutadayiniinta ahaa la yidhi iska jooga,igana raali ahaada haday walaalahay ka xumaadaan hadaladaydaan,uulama jeedo yasitaan iyo dhaleecayn midna.

WAXAAN KU DARSAN LAHAA ARINTAA,
sida uu walaalo Wadani inoo sheegayba waxaa haboon in laynaga helo haween wax kasta oo ay haweenka Islaamku u baahan yihiin u qabta dhinac kastaba,waxaanan odhan lahaa.
Ukhtii muslima lama joogo saman aad ahaato mutakhalifad iska dhagwayn oo aan aduunka waxba kala socon,ukhtii muslima lama joogo saman aad iska ahaato dameeri dhaan raacday,ukhtii muslima lama joogo saman aad ku jirto sanadna dhal sanadna qaad, adoonba u aabo yeeleyn tolow seen ilmahaan uugu rabeeyaa dariiqasaxdaŽah dariiqii jihaadka, ukhtii muslima lama joogo saman aad ka fakartid kaliya dasadahaan baas ee lays sudh sudho iyo dirac hebel iyo aduunyo dhamaanaysa,ukhtii muslima waa samankaad soo saari lahayd jiil Alle dartii u dagaalama,jiil Islaamka cisadiisa sooceliya,jiil noqda sidii KHAALID iyo kooxihii kadan beeyey.

Akhii muslim lama joogo saman aad ahaato maqane jooga,lama joogo saman aad maqaa xiyaha la fadhidid haweenkiibaa kibray iyo xan oo raguba ka khashaafi jireen waagii ragu rag ahaayeen,lama joogo saman aad fiirsatid cirdigaagii oo hortaada lagu fara xumaynaayo,lama joogo saman aad ubad kaagii ka dhigto agoon aabahood joogo,lama joogo saman aad faraxdid iyadoo wixii aad ku farxi lahaydba aad soo aastayba.Akhii muslim toos oo hurdada ka kac oo cisadaadii raadso oo cirdigaaga difaac waloowba ay xataa kugu kalifto naftoo lagaa qaadee.

Umad hadii rageedii seexdaan Haweenkeediina jilcaan umadaasi waa mid hoogtay oo baŽdaye aynu baraarugno oo ay nu dhagarta gaalada tu kadaran ku celino Alle (swt)wuxuu yidhi ( walaa yaxiiqul makru sayiŽu ilaa biŽahli).

AAD IYO AAD HALAYGA RAALINOQDO WAXAAN AHAY MID IDUNKU HADAL BADATAYE ISOONA SAAMAXA HADAAN CIRDIGIINII KU XAD GUDBAY UULA KAC IGAMA AHEE
IGANA RAALI NOQDA WAAN IDINKU BADIYEE.

UMU SALAMA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdulaahi@forums.dk

Unrecorded Date
To Ummu Salama:
Aad ayaad ugu mahadsantahay sida hufnaanta leh ee aad uga hadashay dulliga iyo dulmiga ku hoos qarsoon "Xorriyada gabadha Muslimadda", waana loo baahnaa in la helo dhowr dumar soomaaliyeed oo leh fahamkaaga oo kale. Waxaan kuugu darayaa intaad sheegtay in reer galbeedka dadka ugu yeeraya xoreynta gabadha muslimadda ah ay iyaga ugu horeeyaan kuwa addoonsada oo meel weyn uga dhaca xuquuqda dumarka. Soow maydaan arag in haweenka reer galbeedku loo isticmaalo si sharaf darro ah kolka ay sameenayaan xayeesiin iwm, waxaad arkaysaa iyadoo loo gelinayo nigis ama funaanad yar, danta arrinkaa laga leeyahayna ay tahay oo keliya "ganacsi". Haddaba taas miyaynan ahayn meel ka dhac xuquuqda iyo sharafta dumarka.
Sida ay diinteenna muqaddaska u siisay xuquuqda dumarka ma helaysid meel kale oo sidaa sameeyay. Ugu danbeyntii Illaah ha kaaga abaaliyo kheyr. Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

Umusalama walaal sida walaalaheey horay kuu yiraahdeenba miisaanka aaqiro alaha kuugu daro wax kale oo aan ku iraahdo oo ka wanaagsan garan maayee. Fahanka aad fahansan tahay islaamkana alaha ku siyaadiyo, hadii aad E_Mail ii soo diri kartana waa haboonaan lahayd.


Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
slmu alykum....
Akhyaarta sharafta leh salaan wacan iga guddooma.
Ka bacdi, aan kaftamee, Xusseenoow dood ayaa socotee shukaansi ayaad meesha la soo gashay, waad ku keekeentay Umusalama! Lol.. waan kaftamaayaa saaxiib.... jaaaaaaaaaaaw.. slmu alykum....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

Ku: Wadani

Walaal iga raali noqo marka hore, mida xigta ma shukaansibaa hadii E_Mailka lays weydiiyo, ma garanayo waxa aad ula jeedo, hadaan isaga kaa waramo waxaan ahay family, hase yeeshee waxaan jeclahay in familkayga uu la xiriiro haweenka muslimaadka ah ee soomaaliaga ah oo wanaagsan oo idil meel kasta ay joogaanba ee sidaas iga akoobi marka hore.

Hadaad ku aflagaadayayna i soo cafi.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Asmaa

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum warax matu laahi wabara kaatu.

astaqfiru laaha lii alukum wali jamiicil muslimiin. salaan kadib walaahayga Umu salama iyo yaasmiin walaala yaal ilaah ha idin ka ajar siiyo sida wanaagsan ee aad uga hadasheen dumarka islaamka waxa lala damacsanyahay walaalayaal ilaah baa sharfay mar'ada muslimada ah kuna sharfay kitaabkiisa munazalka'ah yaa ukhtal muslimiin gaalo wax ay xoriyad haysato majirto wax aan ahayn duli iyo dacdaro waxaa xoroobaayo gabadhii asturta korkeeda kuna ekaata gurgeeda adeecda waalidkeed hady mutazawish tahayna adeecda zawjkeeda adeecdana ALAAH IYO RASUULKIISA MUXAMAD(SCW) OOGTA SALAAdeeda 5,waqti suunta bisha ramadaan sadaqaysata waxay helikarto. carabkeeda laga amaan helo. dhowrta jaarkeeda kajeesata munkarka iyo waxay gaalo ladamacsantahay Yaa ukhtafilaah ilaah hanadhowra hadaanahy dumar maxaayeelay dumarku waa dad daciif'ah waxaana taa dheer dalkaan ah Westernka waa lagu daciifay ilaah hanoo naxariisto hana nagugaladaysto iimaan meel aan joognaba xaqana ilaah hanatuso hana nagayeelo kuwuu ilaah kutilmaayay Mu'minaad qaanitaat saalixaad dhayibaat iyo kuwo xifdiya furuujtooda kuna dayan gaalada xun xun ee xaqu uu kadaboolanyahay una maleeya aduunyadaan in aytahay nolashii runta ahayd laakiin (wamalxayaatu dunyaa lacibun walahwun waziinatun watakaathurun fil amwaali wal awlaadi wamalxayaatu dunyaa ilaa mataaculquruur .) marka walaalayaal waqtiga ayaan iimasaaxin in aan intaa kabadiyo waa inoo kulan danbe insha alaah ina cafiya hadaan wax idiin dhibay angi walaalo wanaagsan baad iitihiin oo xaqa ixasuusiyey ina dhiirigaliyey salaama calaykum waraxma Alaahu macalimnaa minhu maa jahilnaa wadakirnaa minhu maa'nasiinaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
O MUSLIM!!!!!!
JOIN ME INTHE BATTERFIEL! , YOUR BROTHERS SISTERS AND MOTHERS ARE RAPED AND KILLED IN THE EDGE OF EUROPE {CHECHNIA} ONLY THEY SAID "OUR LORD IS ALLAH"
MAKE DUA FOR THE MUJAHIDIIN, SPEND YOUR WEALTH FOR THE SEEK OF ALLAH , READ THE DIALY NEWS FROM FRONTLINE www.qoqaz.net

somali brother , age 20

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DEEQO

Unrecorded Date
SALAAMU CALAYKUM DHAMAAN

salaantaas qiimiga badan kadib walaala yaal dhamaan waxaan alle idiin waydiinayaa inuu miisaanka xasanaadka idan kugu daro wanaaga aad ka hadasheen.

waxaan ku daro garan mayo oo wanaagii oo dhan adinkaaba naga boobay waxaana ka xumahay inaan too lite soo booqday halkaan.

run ahaantii, waa nimca cadiima inaan hadaan gabdho muslimaada aanahay aan iska aragno cadawgeeno waxaana alle kun iyo kabadan uga mahad celinayaa awalan islaamnimada iyo iimaanka uu nasiiyay li'anahu wax ka qaalisan oo alle uu adoomadiisa siin lahaa ma jiraan waxuu alle xadiisul qudsi ku yiri adoomadayda wax walba waan siiyaa micnaha( caafimaad, risiq, maal, iwm) balse iimaanka waxaan siiyaa oo kalliya adoonka aan jeclahay. (all xamdulilaahi jamiicaa))
runtii waa moduuc qiimo badan walaashaya noo furtayna waxaanu lee nahay alle ha kugu daro kuwa darajada sare alle agtiisa kalleh waa kuwa uu alle gacantiisa ku waraabin doonae'

waxaan ku dari lahaa inyar oo kooban
runtii hadii taariiqdii gaalada dib loo gu noqdo waanu lawada soconaa foolxumada ay ku samayn jireen dumarka heer gabadha iayda oo nool la aaso la'nolol xabaalo waxa loo nolol xabaali jirayna waa la soconaa
hadaba walaashayda muslimada ahay heerkan iyo inuu magac dumar jiro waxaa ku soo gaar siiyay waa islaamka alxamdu lilaah.
kama liidato dumarka xoriyay haystaan ama qaateen la leeyahay waxii kuwii hore lagu samayn jiray aniguse waxaanba qabaa inay tan ka liidato sida uu akhuuna ABDULAHI inoo sheegayba

mida kalle gaaladu waxay ku dhaartaan ooy yiraahdaan diinta islaamka inaan la dagaalano oon dhamayno waxaa ka fudud oo lagu bur burin karaa inaan koob qamri ah iyo gabar qaawan u adeegsano. hubaalna taa ayada ah waa mida kaliya ee guusha ay gaalo maanta haysataa gaarsiisay.


waxaa iigu qaracan badnayd markii gabar soomaaliyeed oo runtii jirkeedo dayacan yahay aan ku iri walaaleey allihii ku abuurtay kabaq oo is astur waxani waa aduunyo jirkaagan quruxda badan cadaw aan iil iyo abaal kuugu hayn ha tusin!
waxay iigu jawaabtay-------------------------
NAA ANIGA XIJAAB IYO IS DAD DA DOOW WAXUU YAHAY WAAN SOO ARKAY EE ADIGA HALKUU KULA GAARO AAN ARKO HALKAN YURUB AYAA LAYIRAAHdaa!!

runtii hadalkaas hadal idamqiyay ayuu ahaa
sidaan gabadha hadalkeeda ka dha dhamiyayna, waxay ahayd inan xijaab sidan jirtay iminkana tuurtay
wal ciyaadu bilaah))
alaahu akbar ukhitil muslima illaahay karaamuu kuu yeelay karaamada ha iska qaadin illaahay jawhar buu kaa matalay ee qashin ha iska dhigin.

waxaa la arki jiray badanaa ruux siduu u tumanayo wanaagsanaada hada waxaynu haynaa dad wadankii culimo ku ahaa halkana aan xaaraanta xataa looga horayn heer gaaladii la yaabtay.


sida walaa sheey um'salama sheegtay
hadii bulsho rageedii seexday dumarkoodiina jilicsan yihiin toloow alle unbaa u maqan,

akhuunaa m/ axmad boqolsoon(r,x,h) ayaan soo xasuustay mar uu lahaa rijaashii ku cajab galin mayaan (ma'wanaagsana) dumarkiina waaba ka sii xag jiraan(ka'daran)

hadaba ikhwaanii filaah waxaad arkaysaa nin haweenaydiisi allaha u soo hadeeyee arooskii la arkaba ka niikisa banaanka markay aadayso is qaawinaysa gabdhihii uu dhalay kadaalika
salaad ma tukanayaan asagana qawduu ku hayaa waxaaba laga yaabaa inaysan hal salaad oo ka tagta aysan jirin isla markaana masjidka ku soo tukado marka ay tumasho aadnaan uu isaga guriga howshiisa sii qabto markaas ayuu ku andacoonayaa wadan xora ayay joogaane seen ka yeelaa seenka yeelaa alle kaa yeelimaayo ee adiga ayaa xoriyada dhinacaaga xataa qayb kasiiyay

1) markaad u jeedo inay haweentaadii iyo caruur taadiiba is badalayaan hel inaad meeshay ku bad baadi lahaayeen ula qaxdo dagaal markuu kuhaystaba waad qaxdaa dagaal kan ka xumi majiro bilxaqiiqa salaada aad tukanaysana waxuu alle yiri wax aan ka aqbalayo ma jiraan waxaana weeye ninkaas (dayuus) dayuusna meesha u danbeeysana waan garan karnaa. waxaan idan kula talin lahaa raga caynkaas ahoow arinkaa wax ka bada shaan li'anahu mas uul ayaad tahay waxaad mas'uulka ka tahayna oo lagu raacshayna bari lagaa yeeli maayo ma'ogi iyo awood uma aanan lahayn. alla maxaad kurbootay(oo tiiraan yootay) markaad lainka ay ku imaan lahaayeen goobaysay(raadinaysay)
ma ka kurbootay marka ay diintii dayaceen oo isaga tageen (ALLAAHU'ACLAM)


2) to ukhtil muslima
walaal ilaahay ka cabso oo dhag ha u dhigin taxriirul'mar'a runtii wax lagaa xoraynayo majiraan waxii ugu wanaag sanaa buu alle ku siiyay(oo islaamnimo ah) ilaahay wuu ku darajeeyay ha is qiimo tirin, wuu ku asturay ha is qaawin(dayacin) magacaaga ayuu kor yeelay ha isku cayaarin, adiga

A)TUSAALE= CUNTO DABOOLAN IYO TU AAN DABOOL NAYN KEED CUNI LAHAYD?
hadaba minu aadamku waxa ka qarsoon waa u dahab
waxa banaana haday wax badan ka fiican yihiin kan qarsoon wax qiima ah ay ku fadhiyaan malaha
waxaa in badan uu binu aadanka ka jecel yahay inuu ogaado malaha waxa laga qariyo

B)runtii waxaa hubaala oo lahayaa binu aadamka dhamaan tiis sida ay u cisaan ama uga xishoodaan una awoodin faaxisho inay kula dhacaan gabadha xijaaban. ay u fududahay inay waxay doonaan ku sameeyaan gabadha qaawan hadaba waxaad ogaataa in xag allena aad ka caayan tahay hadaadan ka toobad keenin xag binu aadana aadan sharaf ku haysan. C) ninka nimanka ugu xun haduu guursanayo waxuu jecel yahay inuu gabar, xijaaban inuu guursado

tusaalooyinkaas oodhan waxaan siinayaa walaashay aan jeclahay aanan ka cabsanayo dhagarta gaalada inay run moodo oo u dhaga nulays.


hadaan meel idan kaga dhacay waxaan idan ka cod sanayaa inaad iska kay cafidaa
hadaan qalad qorayna ka raali ahaa taan waxaa laga yaabaa duruufo igu kalifay inay jiraan

salaamu calaykum

DEEQO
DEGAN SWEDEN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Ma fiicana in Islamka lagu dhuunto in badan oo ka mid ah dumarka soomaliyees ayaa dhiban, dheh 90%, raga soomaaliyeed maba yaqaanan qiimaha dumarka haduu diinta yaqaan iyo hadii uu ka dhaga xiranyahayba.
Raga soomalidu maba u ogola dumarka xoriyada islamku siiyey, waxanay u arkaan in naagtu tahay adoon loogu talagaley isaga oo aan wax cod ah ku laheyn xataa maamulka guriga ilaa in ay amar qaadato maahee.
Ma arkin meel Islamku u diidayo dumarka in ay waxbartaan, shaqeeyan, talo ay ka dhiibtan arin aduun wuxuu dooniba ha noqdee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

munira

Unrecorded Date
asalaamu calaykum from munira inal xamdulilaahi
naxmuduhu wanastaciinuhu nastaqfiruhu wanacuudu
bilaahi minshuruuri an fusínaa waminsayi aati
acmaalinaa manyahdilaahu falaamudilah waman yudilil falaa haadilah wa ashahadu an laa ilaaha
ilalaahu waxdulasharikalah waashahadu ana muxamadan cabduhu warasulih walaala yaal
dadkiina xaqa kahadlay dhammaantin ilaahay haydinka abaalmariyo waxaan ahay kabadh yar oo
ardayad waanan ubogay sida aad u baraarujiseen
dumar keena soamaliyed waxaan idileeyahay halkaa
kasii wada alaahna hadila qabto waxaan ogsoonahay
in ay markasta doonayso si ay gaaladu inooga faa
iidaysato iyadoo sida qudhaan jada kolba dhinac
inaga soo galaysa gaalada ilaahay xadigiisa gosay
ilaahayna jahanama ubalan qaaday hadaba iyadoo saas
ah ayeyna dadkeenu inta badan ogayn gaalo iyo ibliis waxay ladamacsanyihiin aanayna ku hodmayaan
qurbaha inyar oo ilaahay u naxariistay mooye iyadoo
aakhiro labaduba ay ku dafiri aananay waxba kuu
qabanayn ibliisna uu naarta dhaxdeeda kuugu jawaabi
(inii barii u minka inii akhaafulaaha rabal camiin)ilaahayna inooga digay shaydaan iyo gaalo
sirtooda hadaba waxaan kulatalinlahaa dhalinyarada
isgoolayda ah iyo dumarkeena soomliyeed ee muslimiinta ah inaad kadigtoonatan gaalo iyo sirteeda waxba yeey dhaldhalaalka aduunyo idiku
mashuuline xayaatada noloshu way gaabantahaye
sidaasa yaan naftayda iyo tiinaba kuwaaninayaa
wixii aan khalday waa naftayda iyo shaydaan xagooda wixii aan asiibayna ilaahay xagiisa ayey
ka ahaatay ilaahayna danbi dhaaf inoo waydiiya
wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabara kaatu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, July 05, 2000 - 04:44 am
Salaamu alaikum

walaal rabi kheyr iyo ajar ha kaa siiyo, miisankaagana ha kuugu daro maalinta uu qof walinba u baahan yahah naxariista Rabi!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalamu alaykum.

War Illaahay halaga baqo oo ha la iska ilaa liyo hadalka cantara baqashka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMMED

Unrecorded Date
Asalaamu Aleekum Warahmatullahi Wabarakaatuhu(AAWW.
Walaal waad salaamantihiin salaan kadid waxaan idinkugu dhiiri gelin lahaa inaad dadaalkiina halkaas ka wadaan sababtoo dhammaan walaalaha idin duceynayo ducadooda (ajarkooda)waxaad heli doontaa waqti aad u baahantihiin oo ah[YOOMU LAA YAFACU MAALAN WALAA BANUUNAN ILLA MAN ATTA'LLAHA BI QALBI SALIIMAN], laakiin shartiga buuxiyo oo ah inaad niyada sameysataan.

Waxaase fiicnaan laheyd in labadii isbuucba mar mawduuc cusub la keeno.


mahadsanidiin Dhammaaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed hassan

Wednesday, August 09, 2000 - 09:38 am
Asalaamu Calaykum waraxmatulahi...
Walaalyaal waad ku mahadsantihiin mawduucii aad soo jeediseen oo ku saabsanaa[HaweenkaMuslimka]
Walaahi anigu si fiican baan u farxay maxaayeel waxow ahaay mawduuc aad iyo aad u wanaagsan Rabi ha,idinka abaalmariyo dhamaantiinba. Marka hore waa sax arintii ay sheegtay umu-salama ee ahayd kelmada [taxriirul mara]waxaa kadanbeeyay gaalada
iyo kuwa iyaga u shaqeeya taa waarun..
Laakin walaalayaal waxaad hoosta ka hariiqdaan
arimihii soomaaliya ka jiri jiray oo ahayd sida gabadha soomaaliyeed diinta loo baro, waxaan xasuustaa 1976 Dugsi quraan ayaan dhiga jiray waxaa dugsiga quraanka ila dhiganaayay ilaa iyo 40
caruur ah, su,aashu waxay tahay meeqaa gabdho ahayd???????? waa tan jawaabtii: in ka yar 8...
walaalayaal oran maayo gabdhaha wax lama baro, laakin meeqaa wax labaraa?
Su,aal maxay tahay sababta wiilka loo gaynayo dugsiga quraanka, gabadhana loo diraayo canjeerada??????????????
walaal gabdhaha wax hala baro hadii kale waxaa inagu dhacaya waxaa maanta ina haysta oo kale..
Xasuuso xadiiskii nabiga,s.c.w:
DALABUL CILMI FARIILATUN CALAA KULI MUSLIM OW MUSLIMAH...QOF WALBA WAXAA KU WAA JIB AH IN UU BARTO DIINTA ISLAAKA.
Waad mahadsantihiin...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mulima

Tuesday, August 15, 2000 - 03:10 am
Waa wilka is magacabay Mustafa oo yiri waxa lagu hayaa dumarka somaalida gumeysi. walaal waxaan ku dhihi lahaa malahaa adaa gumeysatid kuwaad masuulka katahay mise waxaa ku geyay inaad saas tiraah aqli xumo?

Hadii lafiriyo dumarka soomaliyeed dumarada kale waxaan anigu amin sanahay iney xoornimo wey heystaan, wayo dadka masuulka ka ah dumarka saas uma dibaan hadey noqoto xaga shaqada, guur, wax barashada iyo melkastaba, dumaarka soomaliyeed dumar xoornimadoodo kale iyo sharaftoodo kale leh waxaan umaleynaa wey yay yihiin.
inta ku dhaqanto diinta ISlaamka runtii intooda badan wey yaqanaan xaquuqdey kuledahay xaskoodu.

Bal watey leyihin galadu waa in laxoreyaa dumarka waxey rabaan iney galiyaan dhibatadey kijiraan, oo ey kabixiyaan nolosha fican eey kunool yihiin, ma is weydisay ama war ma uheysaa xaladey ku nool yihiin dumarka reer gabeedka, waxey ku nool yihiin nolosha xoolaha balse wey kasii litadaa noloshadu.

wabilaahi towfiiq

walashiin muslima

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.