site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

AL ITAXAAD.............

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): AL ITAXAAD.............
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL BROTHER.

Unrecorded Date
maxaad u aragtaa nimanka yiri ama u yaqaana waxaa
aan iyaga ahayn inuusan islaam ahayn.mase u aragtaa niman culima ah oo diinta u gargaaraya,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Foodcade

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum.
Walaalle real brother hadalkaaga qudhiisu maaha mid diitna u gargaaraya,aqoon badan baana kuugu dhiman al-itixaad.
Way dhici kartaa in xarako dhaliil yeelan karto laakiin arrintaadu waa xad kasaarid.
Itixaadka waxaan ku aqaanaa inay yihiin culimo intii awoodoooda ah ku dayda selefkii,waxayna aad u bartaan tafsiirka iyo axaadiista.Sideedaba dadka islaamka ahi one billion bay ku dhow yihiin oo inbadan oo ka mid ahi iyaggoo sunniyiin ah hadana khaladaad badn baa ku jira habkay islaamka ugu dhaqmaan.Itixaadka oo salafiyiinta qolooyinka labaxay ka mid ahina waxay aad isugu mashquuliyaan inay dadka muslimiinta ah kasaaraan khaladaadkaas.
Dhinaca islaam u gargaaridana waaba ay ku ammaanan yihiin waayo saxwada islaamka somalia kusoo xoogeystay doorka ugu weyn iyagaa ka ciyaaray.
Anigu shakhsiyan waxaan ku dhaliilayaa inuu sabarkoodu yayahay oo ay jecel yihiin inay xoog wax kuwadaan.Waxaan kale oon ku dhaliilayaa arrintan,sunniyiintu way isku raacsan yihiin usuusha laakiin way ku kala tegi karaan furuucda,hase ahaatee iyagu furuucdaas ma ay ogola in lagu kala duwanaado oo waxay aad ujecel yihiin in furuucdana lagu wada midoobo,taasina waa saabuun xoor laga waayey
iyo sacabkoo timo yeeshay
iyo dameer san madow oo
sina loo arki maayo
Waayo salafiyiintii qudhooda ayaa isku khilaafay furuucda,Hase ahaatee gob bay ahaayeenoo kumaanay colloobi jirin arrintaas oo safkoodu mid qudha buu ahaa.
Wabillaahi tawfiiq
Foodcade

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shire

Unrecorded Date
real brother,

salaan kadib walaal marka hore waxaa soomaalida qaarkeed u caada ah in ay markay maqlaan urur islaam ama wadaada ay yiraahdaan waa seef afkeeda.
walaal waa marka hore wadankaaga ethiopian baa ka taliya oo si dadban uga taliya ama diid ama yeel al itixaadna waa niman muslim ah lana dagaalamaya gaalo ku adoonsi dahsoon iyo mid muuqda kugu adoosata marka wadaadadu iyagoo ay yoolkoodu tahay in islamic goverment ay ka dhaliyaan soomaaliya oo intii ay xornimada ku jirtay aan urinin wax cadaalad ah aan ka ahayn corruption and dictatorship. Mida kale horta waxaad ogaataa in maalita qiyaame lagu horjoojin doono lord's court sababtoo ah hadii aad al itixaad aad ku been abuuranayso waxa aad tiri un adiga unbaa ka masuul ah> Anigu al itaxaad kama mid ahi laakiin waxaa la iga shidaa dacaayadaha raqiiska ee lagu sheegayo wadaada oo ciqaab joogto ah lagu hayey intii uu wadanku xornimo helay ilaa iyo maanta.

wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL BROTHER

Unrecorded Date
mr Foodcadde iyo Shire,waan idin salaamay marka hore.
waxaad isku raacdeen in Al Itixaad ay culimo diinta u gargaarta ay yihiin.haddaba waxaan atintaas ka qabaa su'aallo ay ka mid yihiin:
1-ciddii aan AL ITIXAAD ahyn islaam ma tahay?
2-in lagu sheego ama lagu xukumo qof islaam
ah ehlu naar ma banaan tahay?
3-gabdhaha islaamka ah in laguursado markii labikro jebiyo la furo ma banaan atahay?
waxaan ka codsanaya cid kasta oo boggan akhrisa
inay ka jawwabaan su"aalahaas kor ku xusan.gaar ahaan Foodcadde iyo Shire.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umhaanim

Unrecorded Date
Bismillah wasalatu wasalamu alaa Rasulillah

salamu alykum warahmatulahi wabarakatuh


Ikhwanifillah, I have some questions to ask u before anything...........

Who among U will explain to me WHere ITixaad came from? is it The manhaj of the Prophet (peace be upon him)? or what? Yacni, what's there Aqiidah?
Did the Prophet (sallahu alyhi wasalam) and his companions legislated such thing? Is Itixaad the sunnah of our beloved messenger (saw)?

I will appreciate if one of u will explain by using the Quran and the authentic ahadith's of the prophet (peace be upon him).


Wasalamu alykum warahmatulahi wabarakatuh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shire

Unrecorded Date
bismilah,

real brother,

suaalaha aad i waydiisay ahdaan kaaga jawaabo
1-Alitixaad hady yihiin kuwa kitaabka Alle swt iyo hab dhaqankii Nebiga css raba in ay wadanka ku dhaqaan oo aad kasoo hor jeesatid munaafaq baa tahay inaad gaal noqon kartidna Alle ayaa ka warqaba. Lakiin hadaadan waxba ku darsan ama aadan dhaleecayn,meesha mayaalaan wax lagugu tilmaamo

2-maxay kula tahay qof diinta alle swt ladaagalamaya wax lagu tilmaamo? maxay kula tahay haduu yahay ass licker wax lagu tilmaamo

3-su'aasha sedexaad clarification ayaan kaa rabaa sababtoo ah ma cada su'aashaada inaan meel cidla iska qabsado doonimaayo

wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shire

Unrecorded Date
umahaanin,

Alitaxaad waa urur islaam ah oo ka operate gareeya soomaaliya iyo ethiopia si ay u gaarsiiyaan xornimo buuuxda oo ay ka mid tahay in somalia ay noqoto islamic state oo ay dadku ka baxaan mugdiga haysta.iyo in ethiopia ay ayaduna noqoto islamic state sababtoo ah majority of ethiopians are muslims. sharciga ay ku dhaqmaana kuuma sheegi karo sababtoo ah mahayo constitutiopnal mandate kooda lakiinse waxaad ogaataa,in qof diinta alle yaqaano uu uga cabsi badan yahay ilaahay swt qofka kale sababtoo ah diinta islaamku sharciyadeeda iyo constitutions keeda way cad yihiin oo nin manipulation ku
samaynkara majiro ama advantage ka qaadankaro sababtoo ah Ilaahay swt ayaa balan qaaday taa.

wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL BROTHER

Unrecorded Date
TO shire.

waxaa la yaab leh jaahilkaagaas oo kale ayaa meel walba joga dadka ku gaalnimo xukumaya,ma ka wr haysaa in nabiga la waydiiyey:qofkii qof muslin ah dhaha waa gaal wuxuu mutaysanayo.nabigu wuxuu ku jawaabay isaga ayaa gaal ah.
soo baro sida dadka loola doodo wakhti badan ma qaadato ka dibna isku day inaad rag la doodi karto
waxaase laga yaabaa inaad tahay kuwii waddanka dadka ku soo laayey oo hadda yiri waxaan ahay wadaad.ma tihid mana u dhawid ee diinta barasho ayey u baahan tahaye soo baro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shire

Unrecorded Date
salaan,

anigu ku aflagaadayn maayo oo waaba iska cadahay labada yada qofkii jaahil ah,hadaba waxa meesha jira wuxuu yahay waxaad doonaysaa in muran cidlo leh aan kuugula murmo oo aan alitixaad waxayna aheen ku iraahdo way yihiin anigoo adiga kaa difaacaya lakiin charactarkaas malihi hadaad adigu sidaa doonaysana helimaysid hadaadse diinta taqaano maxaa kugu kalifay in aad su'aal bilaa macno meesha la imaato? mida kale meeshan waa forums oo aragti iwaydaarsi baa loo furay hadaad qofka wax isla qaadi waydaan,cay looma baahna nin wayna waad u egtahay ee dib ha u noqon jaahinimadayda iyo caqligatga adiga kuuma yaalan oo Alle ayaa garan kan caqliga leh labadayada

salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Marqaati.

Unrecorded Date
Shire.

walaalkiis, waxaa wax isweydaarsi mudan qof kula cilmi ah ama xaq doon ah ama raba si habwanaagsan inuu wax dadka ula wadaago xagga ra'yiga.

Real brother waa jaahil kana eeg arrintaas hadalkiisa"DIINTA MARKEY SUUFI INNO HEYSEY" caqligiisa oo idil wuxuu kusoo koobmey diin baa la innoo hayaa oo dad kale wakiil looga dhigtey iyadoo qof walboo muslim ah laga rabo inuu naftiisa wakiil ka noqdo. Sidaa daraaddeed yaannu ku wasaqeyn JAAHILKAN diinta aan waxba ka aqoon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillah

To: Real brother and his friends

Fadlan iskadhaafa mantagga waxbaa lafuray iyo waxbaa lagaaleeyey iwm, waxaa kaloo iimuuqato inaad ceeb diineed isku ogtihiin, sababtoo ah waxaan micno lahayn lalama warwareego ee war cadbaa meel lalasoo istaagaa.

hadduu qof kugaaleeyey haddee waa labo mid inuu run sheegay iyo inuu asaga gaaloobay. marka fadlan kayska lugugu gaaleeyey noosoo gudbi aan garta qaadnee, haddii kale magacyo lawarwareeg.

lanasoco waxaa jiro dadbadan oo isu haysto muslimiin balse gaalo noqonaya.

waxyaabaha lugu gaaloobo waxaa kamid ah hadal, niyo iyo ficil intaba.

Marka urur ladabo ordaa qiimo yeelanmayso,
diinta sifiican ubaro si'ayna shaki kaaga galin waxaad tahay.

wassalam


Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADE

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum!

Walaal jirde waxaad u hadashay sidii nin macquul ah. haseyeeshee waanad sheegaysa waanad shareeraysaa. waxaa hubaal ah
in ay umada soomaliyeed u baahnayn xabad lala dhaco ha ahaato •••••••• ama ha ahaato kooxo xukunka diinta ugu soo
gabanayee (Al-Imtxaan al Islaam).

Walaal shacbiga soomaliyeed wuu ka daalay colaad iyo qalalaaso, uma baahnin in Cabdilaahi Cali xaashi figradihiisa ku dhisan in
shacabka soomaliyeed ee baaba'ay xabad lagu toosiyo oo uu sidaa madaxwayne noogu noqdo.

Walaal, Walaahi Bilaahi talaahi baan kuugu dhaartaye in aanu jirin wax laysku xukumo oo ka wanaagsan DIINTA MUQADASKA AH
EE ILAAH WAYNE SWT. Shacbiga soomaliyeedna waxay saqiir iyo kabiir heegan u yihiin in laga takhaluso Mooryaanta
wadankeenii wanaagsanaa ka dhigtay goob hoog iyo halaag. Hase ahate sidaan hore kuugu soo sheegay dagaalkii Garoowe ay
ku soo Qaadeen ururka Al-imtixaan bilowgii 1992 ee ay ku dileen dadka faraha badan kuna xidhxidheen dadkii iyaga ku wareejiyay
furaha magaalooyinkaas miyaad ileedahay waa dad ISLAM-NIMO u socda; jawaabtu waa maya. waxaan xogogaal u ahaa
maalintii la qabqabtay maxaabiistoodii oo uu ku jiray Gacamay in aan mid qudha laga laynin ee gacamay loo soo masstaafuriyay
Kenaya! Walaal waxaa cad inta ay cabdilaahi cali xaashi iyo dhalinyarada uu marinhabaabiyay ku haliilayaan dhiiga daadanaya ee
umada soomaliyeed si ay u helaan XUKUN waxay u dhigantaa sidii tii Macaawiye bin abuu sufyaan ama mid ka sii daran.

Jirde, walaal waxaa cad inaad ka gaabsatay in aad ka hadasho sidii loogu soo dhaweeyay BOOSAASO iyada oo kalsooni diineed
dadku qabaan aaminsanyihiina in aan wax diinta ale la dhaafsan karaa jirin. Waxaa kale oo aad ka gaabsatay sidii wanagsanayd
ee loogu soo dhaweeyay Luuq iyo wixii cawaaqibkeedii ku dambeeyeen. Hadii aan kuugu noqdo Afqanistaan arinteeda walaal u
fiirso Haweenka loo diiday ganacsiga ma waxaasaa islaamnimo ah Sowtii xiligii nabigeenii suubanaa scw e dumarku xataa
lahaayeen ganacsiga sida Khadiija oo uu rasuulku u shaqayn jiray, sowtii dumarku lahaayeen POLICE-ka ka ururiya
cashuuraha(Zakada) dhamaan ganacsiyada haweenka; Ha noo amaanin meel ay noloshu maanta ka miciin liidato Somalia;
waxaan doonaynaa anigoo ku hadlaya dawaynaha sharafta leh ee soomaliyeed inaan yeelano haween Dhakhaatir ah, Macalimiin
ah, Driving lisence leh (unlike Saudi Traditions), Haween Asturan oo diintu wax kasta oo ay fartay adeeca, Waxaanu doonaynaa
haween mutacalimiin ah oo ka qayb qaata dhismaha wadanka. Tusaale, ka soo qaad somaliland/puntland raga waxaa loo
yaqaanaa RUUBAA RAQAA oo wax ay qabtaan ma jirto halka hooyadu soo xasiliso quutal yoomiyaha qoyska, waadiga leh
Daalimiin ayaa sax ahe sidee ayay hooyooyiniku ugu iibin karan suuqyada badeecooyinka kala duwan si ay u quudiyaan
caruurtooda gaajaysan? Hadii aan indhaha lays qabanayn Islaamka yaan been iyo Khurufaad kooxi ku andacoonayso dadka lagu
marin habaabin.

Al-imtixaan waxay dhalinyarada somaliyeed ee casiiska ah ee wax baratay ugu yeedhaan calmaaniyiin! illaaahoow adigu na astur!


Gababadii xalka umada somaliyeed waa SHAREECADA ISLAAMKA oo ay hogaamiyaan Dad akhyaar ah oo ay shacbiga soomaliyeed
ee xalaasha ahi si xornimo leh ku doorteen. Mise jirde waxaad iga dhaadhicinaysaa in xukun ku soo booday oo laayay shacbiigaba
kala badh ayaa soomaaliya doonaya inuu Islaam ku xukumo! huh! waa kaa hayaa saxiibkeey!

la iskuma hayo Dastuurka Qaranka Soomaliyeed oo waa SHAREECADA ISLAAMKA. waxaa laysku hayaa ma gacan ku dhiiglaa
wadaya mise akhayaarta nabada Jecel! nin kasta oo ka qayb qaatay gumaadkii soomaaliyeed sida ururka al-imtixaan oo halaag
ka riday gobolada waqooyi-bari, Gado, Jubaland marnaba ka yeeli mayno waxaanu nahay wadaado, no no no!. shacbiga miskiinka
ah akhii, iyo ukhtii been beeneey ah oo AK-47 hoosta ku wadata diide

Wa bilaahi Tawfiiq
Cade

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CADE

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum!

Waxaan uga digayaa dhalinyarada somaliyeed oo jecel midnimada iyo walaaltinimda shacbiga miskiinka ah ee soomaliyeed inayan
marnaba dhagaysan probogandada ay URURKA AL-IMTIXAAN ku sheeganayaa in ay yihiin dad salafi ah oo doonaya in ay somalia
nabad ku soo celiyaan!

waxaa tusaale inoogu filan markii uu kismaanyo soo weerarayay caydiid waxay digniin ku siiyeen in hadii uu soo dhaafo buundada
araare la kulmi doono dagaal ba'an iyaga oo quud daraynayay inay wax la qaybsadaan dadkii joogay kismaanyo! waxaa cadaalad
xumo wayn ahayd inay marka dadka reer kismaanyo ku sii duulayaan caydiid aanay ururka al imtixaan la hadli jirin, laakiin caydiid
la dagaalameen markuu soo gaadhay araare!

Markii caydiid ku jabiyay dagaalkii Jamaame ayay la baxsadeen doonyo iyo maraakiib ay ka biliqaysteen dakada kismaanyo iyaga
oo dhacay raashinkii dadwaynaha.

waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada boosaaso oo loo dhiibay furihii dakada iyo airport-ka. dhaawacoodiina
waa loo daweeyay, mudo yar ka dib magaaladu waxay ku heshiisay in xukunka loo dhiibo Al imtixaanul Islaam. Wax yar ka dib
waxay bilaabeen hub inay siistaan wixii dakada ka soo gali jiray boosaaso, halkii ay kaga dhisi lahaayeen schoolo iyo dhakhtaro
waxay ku soo iibsadeen cashuurtii dakada madaafiic iyo hubka wax gumaada, inyar kadibna waxay weerar ku soo qaadeen
magaalada garoowe oo ay ku xasuuqeen mushtamacii daganaa magaalada iyo xertii meesha daganaan jirtay.

Markii ay bulshadu fahantahay inaan Al imtixaan al islaam ahayn urur diineed ee uu yahay koox la mid ah Qawlaysatada
daadinaysa dhiiga somaliyeed si ay u helaan xukun dawladeed oo uu hormood u yahay ABDILAAHI CALI XAASHI ayaa
mushtamacu hubka qaatay ilaa intii laga jabinayay.

kadib waxaa lagu soo dhaweeyay magaalooyinka gobolka gado oo ay dadkii soo dhaweeyay ku bilaabeen inay ka qaadan xukunkii
iyo maamulkii meesha ilaa intii ay iska hor imanayeen maamulkii bulshada.

hadaba waxaa inoo cad inay doonayaan in meeshii nabadi ka jirto ee soomalia ahba ay dab galiyaan.
qofka diinta wadaa waa kii ilaahay swt ka cabsan jiray ee aan fidnada oogi jirin. waxay doonayaan inay soomaliya ka dhigaan
sida ururka Daalimiin ee ku amarku taagleeya AFQANISTAAN.

ISKA ILAALIYA YAANAY BEEN AAN DIINKU SALAYSNAYAN INGU MAAWEELINE

By xalwo on Sunday, January 30, 2000 - 05:59 am:

to cade

aboowe waxa aad qortay oo dhan waa run afka ha waayin dadkan diinta waa gabanooyiin waxaa kuu cadaynayso maxay
meeshay tagaanba u gubaayaan haday muslim yihiin? Maxay u caawin waayeen masaakiinta gaajaysan intay xabada la
dhacaayaan?

sowtii nabigu yiri scw magaalo yaan lagu duulin hadii aadaan ka baxo maxaa waaye magaalooyinkaan ay sidii mooryaanta
burburinaayaan?

waar ilaahay halaga baqo oo diinta yaan been laga sheegine diinta hor ilaahay haloo qabsado ilaahay halaga cabsado

walaashiin xalwo

By jiracle on Sunday, January 30, 2000 - 03:11 pm:

cade,

waxaa dan hubin haku danbaabin waxaad naga dhaadhicinaysaa al itixaad baa dad rayid ah oo wax ba galabsanin ku duulayoo
xasuuqay oo been iyo propagan soomaali ku maaweelinaya. waa run in alitaxaad uu hayey dhaqaalaha ee gobolka bari laakiin
sida dagaalku u dhacay iyo waxa dhaliyey baadan runta ka sheegin sababtoo ah rag xukun u ooman baa dhulkaa u soo
cararay,oo doonayey in ay wax xukumaan markaa bay waxay layimaadeen in ay propogan ka furaan dhulkaa si ay u marin
habaabiyaan shacabka masaankiinta ah ee dagaaladu iyo dabeecaduba wax yeelo soo gaarsiiyeeen iyagoo taageero dhankasta
ka haysta outside body meesha waxaa ka dhacay loolan awoodeed iyo mid siyaasadeed oo waa lagu jabiyey alitixaad maadaama
ay munaafiqiin ay meesha joogaan kismaayo arinteedana waxay ahayd nimankii larabay in ay wax ka difaacaan baa cagaha wax
kadayey oo al itixaadbaa ku kaliyowday meesha ee walaal waxa aad sheegayso shaahid baan u ahaa ee dadka ha marin
habaabin arinta afgahanistan waxa ay talibaan meesha ka wado waa wax ay dadka meesha degenaa ay ku nasteen yeyna ku
wareerin waxa ay CNN,NBC,CBS iyo ku badan oo cadawga islaamka lidi ku ah ma isku mid baa afgahanistantii ruushku uu
haystay,tii ay labaatameeyada jabhadood ay dhagta dhiiga isku darayeen iyo maanta oo talibaan ay majaraha wadanka ay
hayso? maxaase chechnia loo xasuuqayaa maanta muslinimo mise waa siyaasad? walaal meel dheer wax ka arag ee ha iska
dhigin dammy.mida kale maamulka ka jira bari maxaa ku kalifay in ay amxaaro ku soo hogaamiyaan dhulka ay iyagu leeyihiin oo
xitaa alitixaad aysan joogin?
jawaab baan kaa sugayaa!

salaamu calaykum

By Cade on Sunday, January 30, 2000 - 08:48 pm:

Asalaamu Calaykum!

Walaal jirde waxaad u hadashay sidii nin macquul ah. haseyeeshee waanad sheegaysa waanad shareeraysaa. waxaa hubaal ah
in ay umada soomaliyeed u baahnayn xabad lala dhaco ha ahaato •••••••• ama ha ahaato kooxo xukunka diinta ugu soo
gabanayee (Al-Imtxaan al Islaam).

Walaal shacbiga soomaliyeed wuu ka daalay colaad iyo qalalaaso, uma baahnin in Cabdilaahi Cali xaashi figradihiisa ku dhisan in
shacabka soomaliyeed ee baaba'ay xabad lagu toosiyo oo uu sidaa madaxwayne noogu noqdo.

Walaal, Walaahi Bilaahi talaahi baan kuugu dhaartaye in aanu jirin wax laysku xukumo oo ka wanaagsan DIINTA MUQADASKA AH
EE ILAAH WAYNE SWT. Shacbiga soomaliyeedna waxay saqiir iyo kabiir heegan u yihiin in laga takhaluso Mooryaanta
wadankeenii wanaagsanaa ka dhigtay goob hoog iyo halaag. Hase ahate sidaan hore kuugu soo sheegay dagaalkii Garoowe ay
ku soo Qaadeen ururka Al-imtixaan bilowgii 1992 ee ay ku dileen dadka faraha badan kuna xidhxidheen dadkii iyaga ku wareejiyay
furaha magaalooyinkaas miyaad ileedahay waa dad ISLAM-NIMO u socda; jawaabtu waa maya. waxaan xogogaal u ahaa
maalintii la qabqabtay maxaabiistoodii oo uu ku jiray Gacamay in aan mid qudha laga laynin ee gacamay loo soo masstaafuriyay
Kenaya! Walaal waxaa cad inta ay cabdilaahi cali xaashi iyo dhalinyarada uu marinhabaabiyay ku haliilayaan dhiiga daadanaya ee
umada soomaliyeed si ay u helaan XUKUN waxay u dhigantaa sidii tii Macaawiye bin abuu sufyaan ama mid ka sii daran.

Jirde, walaal waxaa cad inaad ka gaabsatay in aad ka hadasho sidii loogu soo dhaweeyay BOOSAASO iyada oo kalsooni diineed
dadku qabaan aaminsanyihiina in aan wax diinta ale la dhaafsan karaa jirin. Waxaa kale oo aad ka gaabsatay sidii wanagsanayd
ee loogu soo dhaweeyay Luuq iyo wixii cawaaqibkeedii ku dambeeyeen. Hadii aan kuugu noqdo Afqanistaan arinteeda walaal u
fiirso Haweenka loo diiday ganacsiga ma waxaasaa islaamnimo ah Sowtii xiligii nabigeenii suubanaa scw e dumarku xataa
lahaayeen ganacsiga sida Khadiija oo uu rasuulku u shaqayn jiray, sowtii dumarku lahaayeen POLICE-ka ka ururiya
cashuuraha(Zakada) dhamaan ganacsiyada haweenka; Ha noo amaanin meel ay noloshu maanta ka miciin liidato Somalia;
waxaan doonaynaa anigoo ku hadlaya dawaynaha sharafta leh ee soomaliyeed inaan yeelano haween Dhakhaatir ah, Macalimiin
ah, Driving lisence leh (unlike Saudi Traditions), Haween Asturan oo diintu wax kasta oo ay fartay adeeca, Waxaanu doonaynaa
haween mutacalimiin ah oo ka qayb qaata dhismaha wadanka. Tusaale, ka soo qaad somaliland/puntland raga waxaa loo
yaqaanaa RUUBAA RAQAA oo wax ay qabtaan ma jirto halka hooyadu soo xasiliso quutal yoomiyaha qoyska, waadiga leh
Daalimiin ayaa sax ahe sidee ayay hooyooyiniku ugu iibin karan suuqyada badeecooyinka kala duwan si ay u quudiyaan
caruurtooda gaajaysan? Hadii aan indhaha lays qabanayn Islaamka yaan been iyo Khurufaad kooxi ku andacoonayso dadka lagu
marin habaabin.

Al-imtixaan waxay dhalinyarada somaliyeed ee casiiska ah ee wax baratay ugu yeedhaan calmaaniyiin! illaaahoow adigu na astur!


Gababadii xalka umada somaliyeed waa SHAREECADA ISLAAMKA oo ay hogaamiyaan Dad akhyaar ah oo ay shacbiga soomaliyeed
ee xalaasha ahi si xornimo leh ku doorteen. Mise jirde waxaad iga dhaadhicinaysaa in xukun ku soo booday oo laayay shacbiigaba
kala badh ayaa soomaaliya doonaya inuu Islaam ku xukumo! huh! waa kaa hayaa saxiibkeey!

la iskuma hayo Dastuurka Qaranka Soomaliyeed oo waa SHAREECADA ISLAAMKA. waxaa laysku hayaa ma gacan ku dhiiglaa
wadaya mise akhayaarta nabada Jecel! nin kasta oo ka qayb qaatay gumaadkii soomaaliyeed sida ururka al-imtixaan oo halaag
ka riday gobolada waqooyi-bari, Gado, Jubaland marnaba ka yeeli mayno waxaanu nahay wadaado, no no no!. shacbiga miskiinka
ah akhii, iyo ukhtii been beeneey ah oo AK-47 hoosta ku wadata diide

Wa bilaahi Tawfiiq
Cade

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gelle

Unrecorded Date
as-salaamu calaykum dhamaantiin

walaalayaal markaan akhriyey fikradihiina ayaan jeclaystay fikrad yar kusoo ku so darsado

waxaan idin weydiinayaa su,aalahan

1-nebigeena(scw)habkee inoo baray diinta?
2-sidee ugu bisleeyey diinta bulsho juhalo ah ooasnaamta caabuda gabdhahoodana ayaga oo nool aasa?
3-sidee u tarbiyeeyey,xageese kabilaabay tarbiyada,inteese qaadatay tarbiyadaas?
4-sidee ku sameeyey dowladii islaamka ahayd?
5-sababahee keenay dagaaladii uu nabiga(scw) galay?
6-marka ay fitno timaado sideebuu nabigu(scw) inoogu sharaxay sida looga hotagu fitnada?
7-sidee saxaabadu(rc)u hirgeliyeen habkaas nebiga ka dib(scw)?
8-sidee ay uga hortageen fitnooyinkii dhacay?
9-jiilki kuxigay iyo inta wadaas raacday sidee u qaateen manhajkaa wanaagsan?

marka dadka leh soomaaliyaan dowlad islaam ah ka taageynaa dib ugu laabta kutubta axaadiista ah,taariikhda nebiga(scw),asxaabta(rc)iyo salafkeenii wanagsanaa manhajkooda marka aad intaas samaysaan aan idin weydiiyo
10-wadadaa quruxda badan ee dulqaadka iyo tarbiyada badan ee wax barida ka bilaabato diyaar ma u tahay inaad ku dhaqaaqdo?
dadka ayagu diinta wadaadada uun u lexinaya yaan la iska hadlinee DIINTA BARTA.

wa bilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Foodcade

Unrecorded Date
Aasalaamu caleykum.
To{Real brother}
walaal marka hore raalli iga ahaw sida aan jawaabta kaala daahay,beryahan baanan eegin geedka e.
Dhammaanteen walaalayaal aynu maskaxda ku hayno in waxaynu ku hadalno oo dhan laqorayo.
Arrimaha aad real brother sheegtay ee itixaadka aad ku dhaliishay waan maqmaqlaa hase ahaatee Allaah baa iiga xogogaalsan.
Nebigeennii suubanaa wuu inooga digey qiila waqaala, markaa jawaab kaama siin karo hadhow aanan garaneyn waxa laygu xukumi doono Allaah hortiis.

Qolooyinka itixaadka dhaliilayoow walaalayaal caddaalada haka tegina waayo dee wanaagooda maxaad u arki weydeen.
Anigu shakhsiyan itixaad ma ihi hase ahaatee waxay iila siman yihiin walaalaha kale ee islaamka ee dunida ka jira.
Hadalkayga waxaan kusoo xidhayaa itixaad waxaan khayr ahayn kuma ogi
Foodcade
Wabillaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL BROTHER

Unrecorded Date
TO:CADE iyo XALWO.

waxaan marqaati idiinka ahay inaad saxan tihiin oo nimanka la magac baxay ay yihiin ku tala galsan inay qaldaan dadkka wax ma garatada ah.simply haddii aan wax idiinka sheego qaladaadka ay ku hayaan gabdhaha soomaaliyeed waxaa ka mid ah
inay u guur sadaan gabdhaha yar yarka ah ee markaas qaan gaaray inay ku raaxaystaan kaliya oo dan tooda ka dhamaystaan ay dhahaan xag alle ayey kasooo dhamaataye bax.waa beentood ujeeddadooda waxay ahayd inay bur buriyaan mustaqbalka gabdhaha islamka ah.XALWOOY ISKA ILAALLI NIMANKAAS UGUNA DIG GABDHAHA SAAXIIBADA TIHIIN.
CADE:ogow xilbaa inaga saaran inaan diinta ilaahay ka run sheegno ciddii isku dayda inay been ka sheegaanna aan ka qabano intii tabarteen ah sida AL IMTIXAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SABUUL

Unrecorded Date
REALBROTHER= RAELLCIYAALSUUQ.


salaamu calaykum dhamaantiin.


aniga fikradeyda waxay ila tahay in ururka alitixaad yahay urur islaam ah oo u gargaaray islaamka qaasatan somaliya waana yeelan karaa qaladaad walow ay dad badan buunbuuniyaan laakiin xaqiiqada saaas ma aha waa dad wanaagsan ilaahay yaqaan.


walaalkey realciyaalsuuq waxaan dhihi lahaa beerta aa ku jirtaa alitixaadna waa kuwii kaa saaray umada qurufaadkii ay aaminsanaayeen tusaale somaliya waxaa ka jiri jiray wax la yiraafdo abaay abaay kur oo naaguhu markey galaan 9 ay sameysan jireen sikta aa layska tumi jiray waxaas oo dhan hada somaliya maka jiraan waana ilaahay xamdigiis
hadey jiraana waxaan u maleynayaa realciyaalsuuq aa aaminsan qabuur lagu dawaafo siyaaro la aado mowliid la dhigto itixaad aa iga waaniyey waana iska dhaafay sxb ilaahayna waa ii gargaaray nimco aan hada ku jiraa marka dad intaas oo dhan qabtay aa rabtaa in aad wax ka sheegto acuudiyoow adiga madax faluuq maa qabtaa mise adigoo yar aa sariir ka soo dhacday afkaaga aad uu u kakan yahay walaakiis waxaa iga waanao ah in aadan wax u dhimin dadka ilaahay yaqaana ama wadaada nooc kasto ha ahadaan adiga taada ka adkoow markaas oo somali wax u qaban kartaa laakiin adigii aabo beerta ku jira is xisaabi intaan lagu xisaabi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CORNCERNED MUSLIM

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum!

Waxaan idiin soo dirayaa salaan qaali ah dhamaantiin akhyaarta sharafta lehyeey waxaan si dhab ah ugu raacsanahay sida ay walaalaha badani uga hadleen sida Geele, Cade Xalwo in ay ikhwaanku yihiin dhawr nooc.

ISLAAAX..... oo ah nimanka uu ka tirsan yahay sheekh cabdirashiid cali SUUFI iyo IBRAAHIN DUSUQI,IYO SHARIIF CABDI NUUR oo ah niman aad iyo aad u dagan diinta ilaahayna sidii ay ku faafi lahayd xil wayn wayn iska saara nabadan jecel oo aan doonayn in umada waran iyo seef qoorta lagaga guro.

TABLIIQ.... OO ah niman culimo dhab ah oo Islaami ah guntigana dhiisha uga dhigtay sidii ay ku gaadhsiin lahaayeen gaal iyo muslimba, waa niman ku taagan sifihii Culimada Islaamka lagu yaqaanay oo ahayd Dalabal Cilmi wal kaana bi'siin (cilmiga dalbo china xataa haduu yaalo) waa akhyaar maskax furan oo aad iyo aad u karaamo iyo ciso badan waxay islaamka ugu yeedhaan in diinta boodhaka laga jafjafo saladana la oogo ilaahayna xaq lagu caabudo. Sida Islaaxa waxay iyaguna jecelyihiin nabada oo waa culimo lilaahi ah, culimada diinta ee mad-habaha kalena gaalo kuma sheegaan waa dad salafi ah xaquna ka soo daahiray. kooxdan waa kooxda wareegta ee ugu faafinta badan diinta islaamka wadamada Muslinka iyo Kuwa gaalada, Waakuwa guryaha soo booqda ee dadka fara cabsida ILAH WAYNE SWT. waxaan lagu garan waayin cumaamad cad iyo akhyaarnimo iyo hadal dabacsan oo naxariis badan!

AL-ITIXAAD. .... waxaan ku raacsanahay walaalkeen Cade oo maqaal dheer ka qoray waaa dhalinyaro loo akhriyay Fadxul majiid iyo waxoogaa siiro ah oo ay marin habaabiyeen kooxo xukun doon ah oo guryaha islaamka dab inay qabdsiiyaan aan ka baqanayn. Waxay la qamaamayaan hub culus oo naafeeyay dhaqaalihii iyo naftii dadka soomaliyeed ee gaajaysnaa. sidii walaalkeen cade u sheegay waxay jabiyeen xaqii ilaahay oo ahaa in hadii magaalo islaamtahay aan weerar lagu qaadin.

waxay burburiyeen magaalooyinka Kismaanyo, Marka, Boosaaso, Luuq, Garoowe, Garbo haaray, Soomali galbeed oo dhan, Balad xaawo. diinta ilaahay ee xaqa lagu caabudi jiray waxay u badaleen falsafad xukunka lagu doonto oo dhiiga islaamka lagu xalaalaysto iyada oo loogu yeedho dhalinyarada wax baratay ee soomaliyeed Calmaaniyiin oo u Qalanta Mulxid ama Cawaan. Kooxdan Islaam uma jeedo Wadaado qofkii ugu yeedhaana sharafta Wadadnimada ayuu qoon wayn u gaysanayaa. Dadka aan iyaga kooxdaa dhiiga cabidiisa u heelahan aan ahayna waxay u yaqaanaan Gaal ama Munaafaq. WAXAYNA ISU HAYSTAAN INAY KALIGOOD MUSLIM YIHIIN.

kooxdani waxay u badan yihiin Askartii Dawladii Siyaad Bare ee Koofiyad casta ahayd oo si fiican loo qabadsiiyay Tawjiidka, Naxwaha carabigana aan waxba ka aqoon. Waxaan lagu garan waayin Cumaamad Guduudan iyo Muran Badan iyo Aflagadayn culimada kale ee ISLAAMIGA AH. Waxaa kaaga muuqanaysa Kakanaan badan iyo Naxariis Daro, waa kooxdii uu Madaxda u yahay Cabdilaahi Cali Xaashi oo Saldhigiisu yahay muqdisho waa kooxda sida tooska ah ugu xidhan Argagixisada Caalamiga ah oo La shaqaysa Osaama bin Laadin oo Laayay dad african ah oo ka badan 500 iyo 11 maraykan ah iyagoo ku andacoonaya inay laayeen Maraykan! 500 oo ku dhimatay safaaradii maraykanka ugu yaraan 45 qof soomali ayay ahaayeen. dadka muslinka ah ee ku dhintay waxay ahaayeen guud ahaan 79 ruux qarxintii Safaaradihii KYA iyo TZ waxaa ku dhaawacmay dad africaan masakiin ah oo kor u dhaafay 5000! waa kooxda burburisay gobolka gado oo xabashida dhagax ku tuur tuur tay si ay u qabsato Soomaliya kadibana uga Cararay!

TAKFIIR...... waa koox aad ugu tiro yar dalka SOOMALIYA WAA kooxdii ugu horaysay ee IKHWAAN ahayd ee timi soomaliya. Waxay aaminsan yihiin in aan Jamaca salaada masaajida aanay iyagu joogin lagu tukan karin, Sadexda kooxood ee ikhwaanka ah ee aan kor ku soo sheegnayba waxay u yaqaaniin Gaalo sida umada kale ay gaalo ugu yidhaahdaan.
Waxay aaminsan yihiin in Gabadhu aabeheed waysada ka jabiso oo uu gayo hadii AANU TAKFIIR AHAYN.

WAXAY aaminsan yihiin in gabdhaha Takfiirka ah ee Qodban aan Salaadu ka ansaxayn hadii aan la kala goyn! Waxay aaminsan yihiin inaan xitaa xajka la aadi karin maadaama ay haystaan Dad Kufaar ahi!! (mijayna mina naar)! Waxay aamin san yihiin in lala jahaado dadka Gaalada ah oo ay ku jiraan cidii aan ahayn TAKFIIR. xoolaha aanay gawricin TAKFIIRKU waxay u yaqaanaan Bakhti... kooxdan soomaliya barigii ay soo gashay Aakhirkii 70 neeyadii bulshada ayaa ka hor tagtay soomaliyana way ku faafi wayday.. waxaa soomaliya looga yaqaanaa HILIB MA CUNAYAAL! Waxay aad ugu badan yihiin Libiya iyo Jabhada Aljeeriya ee GIA iyo Uganda.

Hadaba walaal waxaa fiican inaynu u fiirsano kooxan kala duwan ee IKHWAANKA WADA sheeganaya oo aynu kooxwalba siday tahay ula dhaqano!

naxariis iyo nabad galyo korkiina ha ahaato!
CONCERNED MUSLIM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL BROTHER

Unrecorded Date
CONCERNED MUSLIM:

marka hore kusoo dhowow forumska.waxaa kuugu mahad celinayaa figradda fiican eed ka qabto al itixaad
iyo sida wanaagsan eed u soo bandhigtay dagaaladii waxashnimada ahaa ay ka dhigeen gobalada aad soo sheektay.waxaaan kaa codsanayaa in haddii aad hayso waxyaabo kale aad noo soo gudbisid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nabad-doon

Unrecorded Date
to :real brother iyo akhyaarta kale


Walaalayaal marka iga guddooma salaan qiimo badan.

maalmaahanba waqti badan uma aanan helin ka qayb qaadashada wadahadalka ka socda halkan.

marka hore waxaan jeclaan lahaa inay wanaagsan tahay ineynu ogaanno waxa ay na farayso diintayada
qiimaha badan, tan kelana waxaa habboon inaynu is weydiinno halka uu wadahadalkaan ina geyn doono.
Taasi waxaan ula jeedaa , anigu nabad-doon ahaan waxaan qabaa inaynu (maadaama aynu nahay shacbigii soomaaliyeed) iska saamaxno, oo aynu caafinno walaalahayga qaladkii ka dhacay (oo ay iyaguba qirteen), si markaa dadkuba u nicin ducaadda iyo diinta. Dabcan waynu saxaynaa wixii qaladaad ah aynu ku aragno, oo waynu hor istaageynaa wixii munkar ah, laakiin waa bini aadam , wayna qaldami karaan ee aynu saamaxno inta aynu awoodno.(tan kalena dhammaaan uma ay sinneyn qaladaadkaas).

bal xalwo, cadde & real brother yara dabciya dooddiinna.


Wa ilallaaahi masiiiiir !!!!

nabad-doon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

concerned muslim

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM

TO REAL BROTHER

walaal aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay inaad igu soo dhawaysay forums-ka.

Marka labaad ilaahay subxaanah watacaalaa hadii aanaan xaqiisa umada walaalaheen ah u sheegin dibin-daabyooyinka iyo dabinada TAALIBAAN ee loo dhigayo shacbiga miskiinka ahna aanaan ka damqan walaal ilaaha weyn ee casiiska ah ee ina uumay ayaa inagu ciqaabaya.

horaa loo yiri RUN SHEEG WAA BALO SHEEG marka walaal Diinta ilaahay waa inay sida ay tahay loo wadaa oo loo fidiyaa iyadoo aan Dagaal iyo BAASUUKE toona laysla dhicin. Marka ugu horaysa suaashu waxay tahay shacbiga soomaliyeed ma carabaa intay noo timi seef nagu muslimisay mise culimaa'udiin haybad iyo Kitaab wata ayaa noo yimi si ay diinta loo baraan? culimadii islaamka ee soomaliya diinta ka fidin jirtay ee ka timi JASIIRADA CARABTA waxaa ka mid ahaa SHEEKH YUSUF AL KAWNAYN oo qarnigii 10 yimi soomaliya si uu WAAJIBAADKA ALE WAYNE U GUTO.

walaal waxaa qof kasta oo islaam ah ku waajib ah inuu ilaahay sida xaqa ah u caabudo oo barto diintiisa Muqadaska ah. Waxaa intaa soo raaca waxaa loo baahan yahay in umada soomaliyeed ay iska iloowdo Baroordiiqda ay ku andacoodaan kooxo WAX MAHUBSATO DOOXATO AH OO KU QARAABTA MAGACA ALLE WAYNE!!

WARHOOY AAKHIRAA DARAN WAX LAGU GABADO XAQDARANA MAGACA ILLAAHAY BAA UGU CIQAAB BADAN

wa bilaahi tawfiiq

concerned muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waciid

Unrecorded Date
Masjidka Khalid Bin Waliid ee Toronto dhawaan la Furay Imaamkisa Dhalinyarde Masaakiinta ah oo diintooda jecel oo ugu Fatwooday in ay Jamacadaha wadamadaan galada ay san wax ka baranin, oo wuxuu leehay denyka waxbarasho loo qaato waa Ribo. Imaamkaasi Wabarashada uma arko Daruuri halkaas waxay iska shaabaheen nin gaal ah oo Gobolka Ontario Raisul Wasaare u ah oo la yiraahdo Mike Haris. Mike Haris wuxuu qaybaa in waxbarashadu qofkii awoodo ay furantahay ay san ahaan wax Daruuri ah.
Bal aan is waydiina wadaadku aqoon uu Fatwa ku bixyo miyuu leehay mise Jahli ayaa ka hadalsiinayo. Fatwadaas Fahmi xumada selka ku hayso waxay sababtay in dhalinyaro qaarkood ay Jamacadahii ka soo tageen kuwa u socodayna ay isaga joogeen. Haddii aan wadaadkaas iyo kuwa la mid ah dadka laga qabanin dhalinyaro fara badan oo uu Jahli ku Habsaday ayaa la arki doonaa.
Waa ayaan daro

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyar.

Unrecorded Date
Waciid.

Wax xaaraan ilaahey ka dhigey daruuri kama dhigin.
Dhammaan shey kasta oo la xaaraantimeeyey diinta dhexdeeda waa arrin laga maarmo.

Ribada dambigeeda ugu yar WAA ADIGOO HOOYADAA LA SEEXDAY OO KALE. Marka adigu haddaad doorbiddey inaad iska dhego tirto ilaahey wuxuu faray oo aad u aragtey deen aad qaadato iney tahay lagama maarmaan ha oran dadka kalee muslimiinta ayaa qaldan.

Adiga wax baro oo marka hore ha u talo saaran diintaada qof wuxuu yiri ee adiga ogow ilaahey wuxuu xaaraantinnimeeyey.

Aniga mareykankaan ku noolahay wax barashadana anigaa iska bixya. Halkii quarter waxaan bixiyaa 1000$ waanan shaqeystaa oo cidna ma baryo ilaahey inuu ii barakeeyo dadaalkeyga ayaan rajeynayaa.

Saaxiib haddaad xaaraan u bareerto waa adiga iyo yeelkaa laakiin dadka muslimka waxna ma xalaaleeyaan. Waa run ninkii AWOODO OO ISKA BIXIN KARA WAX HA BARTO KII KALENA CILMI DIINI AH OO BILAASH ;AGU BARTO AYAA BUUXA.

Hal semister iska bixi kan kalena u goo oo lacag aruurso waa haddaad waxbarasho rabto.

Haddii kale zinada waa raaxee samee.
Khamrada dhibkaa lagu illobaayee cab.
Bangiyada dhac waa lacag fufdeyd kugu soo galee.
iyo wixii aad u aragto inaad ka faa'iideyso oo xaaraan ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Y1K

Unrecorded Date
Asalaamun Calaa man Ibacal Hudaa!

Waligeen soomaali ahaan dabeecadaha xun-xun waa nalaku yaqiin mana iskabadalno markaan dibahada nimaano. Midkaan la baxay WACIID
Waxaan ku oran lahaa hadaad sheekhaas taqaan oradoo la dood uu u sheeg asaga. Meeshaan umar furna xan iyo umad islaam ah in dhiigooda lagu baneysto, waxaan u maleynayaa inaad ka mid tahay dadka culumada dhagesta oo markii banaanka loo soo boxona wax ka sheega oo sheekha saas ayuu yiri magaalada la mara. Calaamatul-munaafiq ayaad wadatee ee is ilaali. RIBO waxay ka mid tahay KABAA'IRTA meel lagu baneeyayna ma jirto CULUMADA muslimiinta eee aduunka oo dhan ku nool ayaa fatwada sheekha la qaba marka culumada afka ha ku taaginee wax baro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdi

Unrecorded Date
waciid.
hadii aad fahansantahay micnaha magaca aad labaxday waciid ribadu waxay kamid tahay wax yaalaha waciidka adag kusoo arooray taasoo ah in uu diyaargaroobo qofka ribda kudhaqmo dagaalka ilaahay iyo rasuulkiisa!.
cilmiga aad ribo kusoo barato meel kugayn maayo ileen waxaa sugaayo dagaal ilaahay iyo rasuulkiisa aayad quraana ayaa sheegaysa in laahay baabi'inaayo ribada marka lafhaaaga hadaadan ubaqayn umada ha baxarayn saaxiibo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL BROTHER

Unrecorded Date
ribadu waa xaaraaan ilaahay xarimay cidii bannaysatana ilaahay ayuu ka helayaa ciqaabta uu mudan yahay.waxaan filayaa in aynu leenahay culimo aan ahyn kuwana iyagu isku sheega wadaaddo AL ITIXAADKA.culimadaas oo si macno iyo daliil ku jirta kaaga dhaahdicin kara wixii ilaahay xarimay oo dhan.markaa waxaan kula talin lahaa cidii doonaysa in ay wax yaabahaas oo kale ogaadaan ay la xiriiraan caalimka ugu sokeeya.waxaana ugu digayaa muslimiinta inay iska ilaaliyaan AL IMTIXAAN iyo wixii la hal maalla.maxaa yeelay waxaa doonaan ayey ku lee yihiin waa xaaraan iyaga oo aan wax daliil ah u hayn.
MR.CONCERNED MUSLIM halkaa ka wad inaad xaqa sheegto hana la cabsanin.CADE war ninyahow ku aaway waa lagu waayeye.XALWO qofyahay intee ka baxday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waciid

Unrecorded Date
Waxaa ayaan daro kale ah Markaad ka haddasho arrin muhiim ah oo saameynasyo bulshadeena ku nool North America waxaa kaa dhabqinayo dooda kuwa waxa laga hadlayo aan fahamsaneyn. La isku ma hayo in ay ribadu xaraan tahay lakiin ku dhowaad toban kun oo arday Soomaali ah ayaa ku nool Canada ma waxaan laanahay waa sidaas oo guryahiin iska fadhiya mise Xal baan u raadinaa.
Waxaa jirto in aan badideen baabuur leenahay oo aan INSURANCE ku jurno oo bil kasto lacag nalaga qaado oo aan diinta islamku waafaqsanayn. Mark la isweydiiyeyna waa loo cudurdaarayaa oo waxaa la yiraahdaa waa wax lagu gu khasbay baabuurkuna waa daruuri bal iswediiya baabuurku siduu daruuri u noqaday oo aad heli karto in aad raacdo Public Transport, maxaa shabaab Muslimiin ah oo islamka wax ugu tari lahaa Cilmigooda loogu yiri Waxbarashadiina Daruuri ma ah. ma la jiifaa banaanba sideed wax ku wadaan? Arrintaan waa arrin muhiim ah kii ILLAAHEY wax fahamsiiyow ka talo bixi midka kaloow fadlan ha naga dhabqinin dooda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guleed

Unrecorded Date
Walaal Waciid waad ku mahadsantahay arrinta muhiim ka ah oo aad nagu baraarujisay. diinteena Islamka waa diin aad iyo aad waasic u ah oo waqti kasto la socoto. Waxaa jiro wax la yiraahdo Fiqul-waaqic. waa in aan la kaashano arrintaan Culumada Fiqiga ku xeeldheer, arrinkan na seef la bood iyo mid caadifi ah waxba ka ma qaban karo maxaa yeelay dhibaatada meesha jirta ba ma fahamsano.
waxaan ku dadaalayaa in aan raadiyo waxaay culumada fiqiga ku xeeldheer ka daheen arrintaan.
Walaal waad mahadsantahay mar labaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Concerned Muslim

Unrecorded Date
Assalaamu Calaykum!

To Waciid; Guuleed; Real brother!

Dhamaantiin waxaan idinku salaamaya salaanta islaamaka ee kor ku qoran.

kadib, Waciid walaal waxaad aad iyo aad ugu mahadsnan tahay sida wanaagsan ee waadixa ah ee aad ra'yigaaga saliimka ah noogu soo bandhigtay.

hadaba waxbarashada diintu maxay ka aaminsan tahay?
waakii hore u yiri nabigu scw(Cilmiga ka dalab ardal shiinahana haku yaalee)saxiix. Cali Binu abiidaalibna wuxuu yiri rc(man calamanii xarfan kuntu cabdan)qofkii hal xaraf i bara adoon baa'aaban u noqon lahaa. nabigu wuxuu scw e yiri sidoo kale (cilmi la barto waxa ugu xun Sixirka isaguna wuxuu dhaamaa jaahiliyada) ilaahayna wuxux yiri swt (Al acraabu ashadu kufru wa nifaaq) reer baadiyenimadu/(jaahiliyadu) waxay ka xuntahay Gaalnimad iyo Munaafqnimada.

Walaal anigu ma ihi sheekh iftooda hase-yeeshee waxaan aaminsanahay diinta islaamka ee ku quran kutubta (Alqu'raan wal axaadiith). sheekh wayn oo sheekhii oo culimadii caamka ahayd ka mid ahaa ayaa yiri (Al xaqul bayaan, wa baadilul bayaan, wa baynahumaa mushtabihaat, wa-man istaxjaa qaala sheekhii waqaca fil baadil)ilaahay haka raali ahaadee sheekhu wuxuu yiri. Xaqu waa cad yahay Baadilkuna waa cadyahay, waxaana u dhexeeya waxyaalo aan cadanyn oo labada dhinac aan loo kala saari karin, hadaba qofkii yiraahda sheekh-aygu sidaasuu i yiri oo waan qaadanayaa daliilna ka soo dhigta oo xujaystaa isaga ayaa ku dhacay baadilka(waxaa laga hadlayaa waa mushtabihaadka).

Walaalayaal waxaan anigu aaminsanahay in qofkii sheekhaasi waxbarasho tiro mushtabihaad dartiis isaga ayaa aakhiro ka masuul ah. Waxaan ogaa barigii utaan-ga nala oran jiray ninkii taga USA Airport-ka ayaa niman khaniisiin ahi ka af duubayaan oo markiiba raga waa la guursadaa. Hadba waxa hada jooga USA ninkii dadka ka habari jiray masaajidada oo dadka badankiisii dartiis uga baaqdeen inay isboonsarka ku soo baxaan. Waxaan markhaati ka ahay in ninkii barigaa loo soo diray Sponser magaciisu ku qoran yahay uu maalin dhawayd nairobi ka iibsaday mid magac qalaad ah oo uu ugu kicitimay Eurupe isagoo ay ka baxday lacag ka badan $5000 ayna ka khasaartay mudo ku dhaw 6 sano. Taasi waxay ahayd Propogando Rakhiis ah oo ay soo afuufayeen ururka Al-imtixaan a- Islaam si aanay ugu tegin raga dagaalamaya ee naafaynayay shacbiga soomaliyeed.

Waxaan aad ugu qoslaa markaan soo xusuusto sidii wanaagsanayad ee walaalkeen Waciid u sheegay ee yiri diinta ma la jiifiyaana banaan baa oo Car Insurance waa la bixinayaa Student Loan kana waa la reebayaa.. hhmmm. Hadii hadalkaasi aanu qalbigeena galin markaa qalbigaasi waa mid Qafilan. Baabuur waa daruuri?? Waxbarasho daruuru maaha?? mmmmmmh ?? cajiib!!! Waxaan xusuustaa akhyaareey hadaad xusuusataan barigii xawaaladaha la furay soomaliye ee jida laga soo xawili jiray lacagaha soo tii Al-imtixaan na dhihi jireen Lacag kiro laga qaato waa xaaraan! Hadana goormaa ale wayne soo ogolaaday waa tan oo laba cali isma waydiiso inay xalaal tahaye! Walaalayaal hadaad xusuusataan sowtii barigii aynu soomaliya joognay Sarifka lacagtu ahayd xaaraanta ee la daliishan jiray waa ribo lacag la iibiyo oo lacag dul saar ah laga helo!! oo la daliishan jiray xitaa inuu rasuulku yiri la iskuma badalan karo Ri iyo Lax waayo maha laba wax oo isku nooc ah waayo waa ribo! goormaa Mordarate-ka la wada noqday soowtii la adadkaa! cajiib!!

Akhyaarta sida wanaagsan u Jawaabtay oo walaalaheen ah waxaan idinkula talin lahaa ribada bank-yada hala iska ilaaliyo oo dulsaarka idinka soo gala ha cunina ee qof walaalkiin ah oo soomaliya jooga oo baahan ku nafaqeeya. jaamacadahana yaan la idinka dareerine wax barta oo magaca ilaahay ku quweeya Science-ka Computer-ka iyo cilmiga kale ee maadiga ah ee aad baranaysaan Hadii kale dhagayso tixdan.

BOODADA ARDAAYADA HADAAD ASLIGII MOODAYSO ADUUN BAA AWAARAHA KU LUMI OO ILKA CADAYNE!

ka baxaye bulshooy qabo!

wa bilaahi tawfiiq

concerned muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyar.

Unrecorded Date
Concerned muslim.

Goormee ribadu mushabbahaat ka mid noqotey?. Cajiib badanaa. Ma fatwoodo iyo ribada waa mushabaahaat isku meel ma galaan. Teeda kale sow tan aayao cad cad ku soo arooreen maahan arrinta.

Waxaan ikhlaas ku dhisneyd qurun kama marna kolley meeshey idinka saarto aan aragno. Sunaada inaad ku tumataan baa la iinku ogaaye goormaad u dallacdeen inaad wax xalaaleysaan?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
Slmu alykum……
Dhammaan akhyaarta rag iyo dumarba waxaan hawada idiin soo mariyay salaan kal iyo laab ah.. ka bacdi:
"Aqoon la'aani waa iftiin la'aan"
"Jahli, Gaajo iyo Cudur waa dilaa (DILAYAAL) ay waajib tahay in lala dagaalamo"
Sababaha dhaliyay dib-u-dhaca caalamul-islaam shaki kuma jiro in ay ka mid tahay dadyowga muslimka ah oo ka ooman axkaamta diinta ilaaheey iyo culuumta dunyawiga ah.
Barta hogaanka beni'aadamku (Headquarter of Human-being) waa qalbiga (Niyada), sida ku cad nusuusta diinteennana waa meesha uu rabigeen-sareeye ka qiimeeyo acmaasheenna (Falalkeenna). Sidoo kale, waxa ay diinteennu ahmiyad gaar ah siisay duruufta nolosha iyo xaaladda nololeed ee ay bashariyadu ku sugan tahay.
Baahi weyn ayey Dunida Muslimku u qabtaa helitaanka madax iyo aqoonyahanno mutadayiniin (Religious) ah oo ka xureeya umaddooda heeryada gumeystaha. Maanta waxa ay Dunida Muslimku u buktaa jiil (Fac) dib u soo celiya Calankii laga heybeysan jiray! Dhalinta Soomaaliyeedna, si gaar ah, waxaaba waajib ku ah in ay la tartammaan facooda si ay Soomaaliya u haleesho safarka dayaxa ku-degistiisa loogu tartamayo!
Walaalaha inta yar ka ifsaday diinta ilaaheey, waa ineynan umaddoodu ku lumin magaca ilaaheey! Dib-u-qiimeeya baahida waqtiga, masaalixda caamka ah, tayada cadowgeenna iyo caqliga wanaagsan….
Sayid Cumar (Radiyallaahu Canhu), abaaro gallaaftay geyigii islaamka awgood, wuxuu sanad wax ku dhowdhow joojiyay oofinta xadka xatooyada!
Ilaaheey wuxuu yiri:
"Iqra Bismi rabbika-lladii qalaqa…."
Cilmigu waa daruuri!

ALAAHU-AKBAR……

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MUSLIM..

Unrecorded Date
SALAAMU ALYKUM...
WADANIYOOW, CAANO MAC AFKAADA LAGU QABAY; RABIGEEY ISLAAMKU HAKUGU CISEEYO.... FASAAXADDAADA IYO ARAGTIDAADA SALIIMKA AH WAA LOO BOGAY!!!!

JAAAAAW AKHYAAREEY... WASALAAMU CALEYKUM...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyar.

Unrecorded Date
Waddani.

waad mahad san tahay walaal. Wax baan ka faa'iideystey hadalkaaga oo ah inaan muhimmad ka dhigan qof islaam ah ceebtiisa oo aan ku mashquulo oo aan wax ka sheego anigoo eegaaya dano gaar ahaaneed. Saaxiib ilaahey hakaa abaal mariyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

TO: Muslim

Walaaloow; waxaan ku oran lahaa magacaan qof ayaan leh ee mid kale la imoow; dadka magacyadooda ama usernamedad dadka lagama isticmaalo. Nin ayaa lagu yaqaan magacaan ee marka iska daa. Iga raali ahoow

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

concerned muslim

Unrecorded Date
Asalaamu calayku

Wadani walaal qowl la yaqaano oo xalaal ah ayaad ku hadashay marka ilaahay hakaa abaal mariyo. waligaa cadaalada ayaan kugu ogahay walaal.

Akhyaar

walaal horta waxaa kaa muuqata inaad jibaysan tahay ayna kuu weheliso aqoon daro!

Marka adigoon waxba colaad u qaadin dadka aan ku raacsanayan WA MAN ISTAXJA QAALA SHEEKHII WAQACA FIL BAADIL.. ee aan cilmina lahayn dadka walaalahood ah ee cadalada u sheegana yiraahda sheekhaygii baa diidan markaa ma yeeli karo walaal kuwaas ayaa ka tagan xaqa.

bal markaa walaal kula noqo ra'ayigayaga sheekhaagii inuu ku soo fasaxo ileen adigu waxba noo sheegiwaydaye.

concerned muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyar.

Unrecorded Date
Concerned muslim.

Brother, waxaad run ku sheegtey inaan JAAHIL AHAY oo kaa liito adiga.

Sheekh ma lihi oo Xizbi kama tirsani inkastoo abtiyaashey ISLAAX iyo Itixaadba kala taageeraan oo aan labadoodaba si fiican u aqaan haddana It is ridiculous to belong to any and fight a fellow muslim like some of you are doing here. Cinwaanka eeg iyo sidaad ugu soo deg degtey inaad labadaada kumi ka tuurato meesha.

Concerned muslim haddad tahay forumska meelo badan oo lagaaga baahan yahay baa jira oo wax dambi ah kaaga imaneyn haddad wax ka sheegto. Halkaanse maxaa lagu hayaa bal iisheeg adiga?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyar.

Unrecorded Date
Concerned- muslim.

Assalaamu caleykum.

I didn't have much time earlier and remembered now their saying-----The best prescription for ignorance is knowledge- .In that light and the fact that you sensed MY IGNORANCE from my earlier posting gave me all the more reason to acquire knowledge from you----- Remember I told you I had no SHIEKH so rest assured that you will not be rejected since I am not confined to anyone's opinions--Wamaa towfiiqii ilaa billah.

KOOW---- Brother I attend university and know very well the student loan system and how much interest one will have to pay after gratuation----- beyond the grace period.

I would like very much to get the money ------and facilitate my education with it but since the QURAN forbids in these verses.

----*Those who eat riba(USURY) will not stand(on the day of resurrection) except like the standing of a person beaten by satan leading him to insanity.That is because they say: "Trading is only like riba(usury)," whereas Allah has permitted trading and forbidden usury*

----*--Allah will destroy riba(usury) and will give increase for sadaqat(deeds of charity,alms, etc)---And Allah likes not the disbelievers,sinners*

-----*O' you who believe! be afraid of Allah and give up what remains(due to you) from riba(usury)(from now on ward) if you are (really) believers*---- And if you do not do it, then take a notice of war from Allah and his messenger, but if you repent, you shall have your capital sums.---- Deal not unjustly(by asking more than your capital sums), and you shall not be dealt with unjustly.* al baqra 275,276,2780.


...There is another another verse brother I found out---here it is---------------------------------- *O you who believe! eat not riba(usury) doubled and multiplied, but fear allah that you may be successful.*al imran-130

-----bear with me bro, I got another one coming

--*And their taking of riba(usury) though they were forbidden from taking it and their devouring of men's substance wrongfully (bribery). And we have prepared for the disbelievers among them a painful torment*......Al nisa- 161.

Brother concerned, look at this coming one from TAFSIIR ibnu kathiir Volume 30:39-- And he is not allied with anyone as far as I recall was he?----
Which indicates the gifts people give--Such as loan and expect in return benefit on it-RIBO----lOOK AT THIS YARXAMUKALLAH yaa akhii--

---*And that which you give in gift(to others), In order that you may increase(your wealth by expecting to get a better one in return from other people's property), Has no increase with Allah, but that which you give in ZAKAT seeking Allah's Countenance then those they shall have manifold increase**---- Ar-rum-39.

Bal walaaloow aayadahaan iga jaahil bixi adigoo eegaaya lacagta aan bixinaayo haddan student loan qaato oo la iga rabo dul saar ku saleysan PERCENTAGE both FEDERAL and localba la iga rabo.


Xaddiska aad daliishatey "Al xalaalu bayin" waxaa ku dhex jirta---Waa haddaan ribadaan aayadahaan ku aragney xaaraanteeda aan dhahno SHUBUHAAT- Wal cayaadu billah min aftiya dalik--- Inuu rasuulka yiri. " And those who avoid the SHUBUHAAT, surely has protected and purified HIS FAITH, And those who tumble in the SHUBUHAAT are like shepherd grazing his herd around fence, And O for every fence there is A KING, And the fence or Limit(xad) of ALLAH IS WHAT HE FORBADE" mARKA WALAALOW QOFKII XITAA RIBADA XAARAANTA AH SHUBUHAAT AHAAN UGA FOGAADA SOW KAMA FIICNA KAN adduunyo jaceyl iyo wax badsi aaqaradiisa u seegey?.

Waxaaba kasii daran ninka fidyoonaaya iney banaantahay arrin ilaahey yiri"Dagaal ha isu diyaariyo ninkii sameeyo" Bal walaaloow intaad sheeq warkiisa iga deyso adigu AYYADAHAA II FASIR.

Oo waliba shubuhaadka aad ku shegtey ma wacan tahay in la sameeyo mise in laga fogaado siduu rasuulku sheegey?..

Bal cilmigaaga wax iiga faa'iidee illeyn JAAHILKAAS DHEGAHA XIRAN BAAN AHAY EE MISKIINKA AHE.

Concerned muslim bal JACEYLKA DIINTA KA DHABEEYOO IGA JAAHIL BIXI ARRINKAAS haddi eebbe idmo oo waan ku sugi doonaa intaad doonto. I am around and expect your contribution to the subject.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Timsaax.

Unrecorded Date
Awoow concerned muslim xaggeed ka baxdey waa adiga wax isku taataabtey kana cararey meesha.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

conerned muslim

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

Aqyar

waad salaamantahay marka hore walaal

Waxaan ku waydiiyey suaalo dhawar ah oo runtii midna kamaad soo jawaabin ee waxaad ku dheeraatay inay tahay ribadu xaaraan.

aboowe cid ka muransan majirto ribo inay tahay xaaraan; hase yeeshe waxaad ka gaabsatay inaad sheegto ribada darajooyinkeeda.

Waxaynu ka wada munaaqishonaynay daruuriya wal mubaax mid walbana waad garab martay adiga oo ku celcelinaya Daliiladii ka sheekaynayay xaramnimda Ribada oo aan cid isku haysaaba jirin.

Walaal waxaan ku waydiiyay
-cashuur ma bixisaaa? waa ribo!
-lacag ma xawishaaa? waa ribo!
-Police waligaa ticket ma kuu jaray? waa ribo
-lacag waligaa ma sarifatay oo malagaa macaashay? waaribo!
-Bill mala soo daahday waligaa? waa ribo!
-libarary book maka qaadatay mala daahday? ribo!
-Overdraft ma qortay check? waa ribo ganaxasa!

Hadba walaal waxaan ku waydiiyay adigoo isticmalaya caqliga saliimka ah xiligii diinteenu soo dagaysay waxyaalahan midna ma jireen?. Markaa hadii ay muslaxaada Mulimiintu ku jirto waxay soo galayan mubaaxa!

Hadii kale oo aadan ku qanacsanayn inay Somalidu barato cilmiga maadiga ah oo aad doonayso inaynu wada jaahiliin ahaano walaal taasi maaha muslaxada islaamka.

Hadii xawilaada la bixiyo boqolkiiba 5-10% oo ay mubaax noqotay maxay mubaax u noqon wayday ninka islamka u baranaya hubkii ay isku difaaci lahaayeen? ama gabadha u baranaysa dhakhtarnimada si ay ugu gargaarto dadka duumada iyo jadeecadu laayaan sanad walba ee islaamka ah?

Dhamaan daliilada aad kor ku soo sheegtay waxay wada quseeyaan waxyaalaha aan kor ku soo sheegnay markaa xusuuso inuu cumar bin khadaab xataa xiligiisii markii abaarta xumi dhacday goyn jirin gacanta qofkii wax xada! Soomaliya iminka qofkii gaajaysan ee wax xada ma gacan baynu goynaa mise sidii cumar bin khidaab baynu yeelaa?

mise adigu walaal gacaliye hadii aad sidaad noo sheegtay jaamacad ka baxday inta kale waxba kaama quseeyaan?

waan sugayaa jawaabahaaga walaal

concerned muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kukuman

Unrecorded Date
salaamu calaykum kuluhum,

1-walaalayaal waxaan rabaa in aan ogaado hadii aan loan qaato oo aan isku dayo in aan dib u bixiyo inta laigu lahaa oo aan ribada percentagekeeda ka jaro oo exactly intii laigu lahaa aan bixiyo maxaa ku jaban?

2- adigoon raali ka ahayn hadii ribo lagaa qaado ma danbi baa

3- hadii lagugu qasbo in aad dayntii iyo entrestigii lagugu lahaa in aad wada bixiso oo aadan bixin sababtoo ah adigoo ka cararaya bixinta intreska ma danbi baa sideena solution loogu helikaraa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waciid

Unrecorded Date
Aqyar

Illaahay nimcadiis waasica ah waxaa ka mid ah inuu Muslim iyo gaalayba uu siiyo cilmi. Illaahay
adoomadiisa qaar ka mid ah cilmigood wuxuu oo gu daraa faham saxiix ah. Illaahy waxaan ka barayeynaa in aqoonteen fahami saxiix ah noo gu daro AAmiin.
Walaal arrintu meesha mataalo Itixaad iyo Islaax ee waxaan ka hadleeyno waa kumayaal dhalinyaro ah waxbarashadooda. Fadhlan cid ku murmaysan ma jiro in Ribadu ay xaaraantahay. Su'aasha laga munaaqishoonayaa waa waxbarashadu ma daruubaa? oo aan filayo in aad adigu huhoray ooga jawaabtay.

Concerned Muslim iyo wadani

Aad iyo aad ayaad u mahadsantahiin sida wanaagsan oo aad ra'yigiina uga dhiibateen arrintan idinka iyo kuwa la mid ah ayey Soomaali baahantahay.
Jasaakumu Allaaho Khayre

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waciid

Unrecorded Date
Aqyar

Illaahay nimcadiis waasica ah waxaa ka mid ah inuu Muslim iyo gaalayba uu siiyo cilmi. Illaahay
adoomadiisa qaar ka mid ah cilmigood wuxuu oo gu daraa faham saxiix ah. Illaahy waxaan ka barayeynaa in aqoonteen fahami saxiix ah noo gu daro AAmiin.
Walaal arrintu meesha mataalo Itixaad iyo Islaax ee waxaan ka hadleeyno waa kumayaal dhalinyaro ah waxbarashadooda. Fadhlan cid ku murmaysan ma jiro in Ribadu ay xaaraantahay. Su'aasha laga munaaqishoonayaa waa waxbarashadu ma daruuri baa? oo aan filayo in aad adigu huhoray ooga jawaabtay.

Concerned Muslim iyo wadani

Aad iyo aad ayaad u mahadsantahiin sida wanaagsan oo aad ra'yigiina uga dhiibateen arrintan idinka iyo kuwa la mid ah ayey Soomaali baahantahay.
Jasaakumu Allaaho Khayre

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdi

Unrecorded Date
waciid.
waxaad tiri soomaali waxay sugaysaa raga idinlamid ah(wadani,concerned muslim).
raga fahankoodu intaas le'egyahay hadii soomaali sugayso somaali gablatan hooyadood!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gelle

Unrecorded Date
as-salaamu calaykum


maxaa daruuri noqon kara?shuruuda uu shay daruuri ku noqon kara maxay tahay?

waxbarashada daruuri ma aha sababta oo ah tusaale waxaa idin kaga filan nin baa halkan idin kugu sheegay oo yiri wax baan bartaa waana is ka bixiyaa waxbarashadayda oo waan shaqaystaa.

SOOMAALI WAXAY UBAAHAN TAHAY NINKAAS DIINTIISA DHOWRTAY OO AAKHIRADIISA U SHAQAYSTO KU HOWLAN ADUUNKIISANA SHAQAYSTA WAXNA BARTA OO DOONAYA INUU HORUMAR GAARO.

marka hadaad rabtaan inaad seexataan oo dayn iska dhuuqdaan ooaydan isa shuqlin waa gooni laakiin hadal ha ka dhiganina waxbarasho waa daruuri waxaad rabtaan oo kaliya diinta inaad ku fushataan maslaxadiina gaarka ama caqligiinu sida uu diintu u arko inaad raacdaan.

sababtoo ah ninkaaba daruuri kuma noqon why ay adinka daruuri idin kugu noqotay?!! waxbarashada daynka ah hadaad waxbarasho doonayso tag jaamacada soo ogow inta ku kacaysa waxbarashadaada inta sano aad doonayso ka dib u shaqayso lacagta waxbarashadada soo laabo oo wax baro.

waxaad leedihiin umada islaamka hoos udhacday waayo?idinkoo kale ayaa ugu wacnaa inay hoos u dhacdo markay ku badesheen waxay diintu fartay aduunyo riqiis ah amaba bilaash ah.
fiiri taariikhda islaamka markay diintooda ay ilaalinayeen oo naftooda ka dhowray wuxuu ilaahay xarimay kana ilaaliyeen gaalada rabta inay baabi,iso oo ka difaaceen heerka ay gaareen sida loo sharfi jiray oo looga haybaysan oo cilmiga aduunyo ayaga loo soo raadsan jiray oo gaaladu ay imaan jireen DIMISHIQ,BAGHDAD,QAAHIRA oolaga baran jiray xisaabta, dhaqtarnimada,cilmi falaga maanta ay gaaladu kugu maamulaan oo meel walba dayax gamceed lugugu fiirsanyo cilmiyadaas ayagaa laga soo gaaray.

marka diintaada siday ku farayso iyo sida ay kaa reebayso ku dhaqanto ayaad hurumar gaaraysaa alle garabkaaga taaganyahay ee joojiya beenta aad dadka u akhrinaysaan ama kuwa akhrinaya dhageysaneysaan iyo caqliga yar idin kaba aan idinku filnayn aad diinta alle ka hormarinaysaan
waxaasna qofka daciifka ah ayaa ku hadla
TALO:raadi oo soobaar diintu siday qabto marka shay DARUURI NOQON KARO IYO SHURUUDA UU KU NOQON KARO culimada waydii

wabilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyar.

Unrecorded Date
Concerned Muslim.

You said----"Waxaan ku waydiiyey suaalo dhawar ah oo runtii midna kamaad soo jawaabin ee waxaad ku
dheeraatay inay tahay ribadu xaaraan."

So I went back to your previous message and found this----"walaal horta waxaa kaa muuqata inaad jibaysan tahay ayna kuu weheliso aqoon daro!".

---In the same message you said "WA MAN ISTAXJA QAALA SHEEKHII WAQACA FIL BAADIL.. ee aan cilmina lahayn dadka walaalahood ah ee cadalada u sheegana yiraahda sheekhaygii baa diidan markaa ma yeeli karo walaal kuwaas ayaa ka tagan
xaqa."---- Were these the questions you were directing to me or something in between the lines that I didn't get?----I need to know.


You continued by adding----"bal markaa walaal kula noqo ra'ayigayaga sheekhaagii inuu ku soo fasaxo ileen adigu waxba noo sheegiwaydaye."----Was that a question or the customary attack you aim at THE USUAL SUSPECTS THAT YOU GUYS LIKE SMEAR?...

Brother, Tell me whether those were questions.

Aniga waxna ma xalaaleeyo waxna ma xaaraantinnimeeyo that is Allah's field "All ruling is for god and he ordered that we don't worship except him".

To accept someone's opinion when it contradicts what ALLAH forbade is SHIRK and I can't associate that with myself---I keep my distance from anything that is clouded by SHUBUHAAT as you like to call it and the GIMMICKS that are involved with such things. Marka meeshaas ha inogu ekaato aniga iyo adiga.

Waciid.

Ihope someday you will understand your username and what it details. You said--"Illaahay nimcadiis waasica ah waxaa ka mid ah inuu Muslim iyo gaalayba uu siiyo cilmi."---True but HOW DO YOU ACHEIVE THAT KNOWLEDGE is the million dollar question that brought the FRICTION in the first place. NO YUO CAN'T EDUCATE YOURSELF WITH XAARAAN MONEY PERIOD. Yaa ku yiri dhul gaalo imoow marka hore? Qofna. Ma lagu soo qafaaley? Maya. Walaal marka cudurdaar ma jiro DIINTA ILAAHEYNA KUBBAD SIDII LADOONO LOO LAADO MAAHAN.

You said--"Walaal arrintu meesha mataalo Itixaad iyo Islaax ee waxaan ka hadleeyno"--Dad baa ka dhigey AL ITIXAAD iney wax xaaraantinnimeeyaan taasaana meesha keentey arinta meeshay mareyso.

Waxaan quraanka ku aragney "WASSULXU KHEYR" laakiin waxaan heynaa bil caksigeedii. Marka abboowe arrinka meeshaa iyadana ha innoogu ekaato.

GEELLE.

Brother thanks.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Waxaa mahad leh Alihii inoo baneeyay waxa na anfacaya nagana xaaraantimeeyay wixii dhibteena ka sugnaaday xaga diinteena, aduunkeena iyo aakhiradeenaba. Waa Alihii inoo baneeyay waxyaalaha wanaagasa ee waxtarka inoo ah inagana xaaraatimeeyay waxyaalaha xunxun ee dhibka u leh jirkeena, caafimaadkeena, xooleheena iyo cirib dambeedkeena naxariis iyo axsaana inooga dhigay xageena.

AHLU-RIBAA waxay umada kaga duwan yihiin inay ALLE sw ay dagaal kula jiraan. Taas waxay inoo cadeysay in ribadu xaaraan tahay waxaana xadiiskii nabiga ka faa'iidaysanay inay ribadu isku mid tahay kan qaadanaya, kan cunaya, kan qoraya, kan shaahidka ka ah. Kuligood waa isku mid waxaana cadey xadiiskii Jaabir oo ahaa "LACANA rasuululaahi scw AAKILU RIBAA, WAMU'KILUH, WAKAATIBUH, WASHAAHIDUH...waqaala <<HUM SAWAA>>" Halkaas waxaa inooga cadaaday ribada meesha ay Islaamka ka taagan tahay. Dad baa laga yaabaa inay yiraahdaan DARUURA. Sheyga daruuriga ah waxaa lagama maarmaan ah inuu shuruud leeyahay. Waxaan ogsoonahay joogitaanka wadamada gaalada inuu yahay wax diinta xaaraantimaysay laakiin dadka qaar ay exceptional ama daruuri u tahay. Daruuradaas ayaa waxay culumada yiraahdaan waxay leedahay shuruud. Tusaale, hadii aad rabtid inaad joogtid wadan gaalo waxaa daruur kuu noqon kara waxyaalaha soo socda midkood, inaad leedahay waxaan u socdaa cilmi inaan soo barto kaasoo aan wadama islaamka laga helin, inaad raadinayso daawo taasoo wadamada islaamka laga helin, inaad leedahay tijaaro ayaan u socdaa taasoo aanan oolin caalamka islaamka, inaad diin faafinayso oo aad dacwo Islaami u socotid. Waxaa intaas dheer qofkii nafsadiisa u gayso ama u baqanay inuu wadama islaamka ku badbaadi waayo hadii ay tahay political reasons, special cirmustances sida qoxootimino ama xaalada soomaalida oo ah inaysan jirin wadan Islaam aha oo qaabilaya waana daruuri ilaa waqti ku eg. Kuwaas ayaa daruuriyaad shuruud wata ah laakiin ribo ayadu way adag tahay sida exceptional loogu yeelo. Shardiga ugu dambeeya oo soomaalida taabanaya ayaa wuxuu wataa shuruud muhiim ah in la buuxiyo. Culumada waxay yiraahdaan waa in sadex shardi laga helaa qofka wadan gaalo aadaya sababtuu doono haba ku baneystee, inaysan shahwo oo aduun jeceyl aysan qaadeyn oo uusan diintiisa uga tageyn, in uu leeyahay cilmi ku filan oo uu iskaga ilaaliyo waxyalaha keena shakiga iyo ducfinimada iimaanka iyo.....tii kale waan hilmaansanahay. Marka ribada waxbarasha ah intaad ayaga ka soo tagtid waxaa taas ka daran mida "CREDIT CARDSka" culumada way reebeen waxay cadeeyeen in credit cards oo dhan ay xaaraan yihiin yar iyo waynba. Arrinkaasna waxaa laga qaatay sheik Bin Baaz (raximahulaah) Waxaan ogsoonahay inay jiraan organization badan oo muslimiin ah hadana isticmaala credit cards waxaana kuwaan ka mid ah kuwo North America ka jiraan sida ISNA iyo kuwo kale oo caalamka islaamka ka jira. Taas ayaga ayey u taal laakiin inagu xageena xaaraan ayey ka yihiin. Amaa tan waxbarasho, ribo waa xaaraan wixii ribo ku jira dagaal Alle ayay u ban yaaliin, jir xaaraan dhadhamiyayna naar ayaa ugu horeysa (Acaadanalaahu minaa) diintana ma eegto danta qofka ee qofka ayaa eega siduu maslaxadiisa iyo diintiisa u ilaashan lahaa. Ma oran karono soomaalida ayaa jaahiliin noqonaya marka ribada ha la fasaxo ee waxaanu leenahay Alla naga og meesha ay maslaxadeenu ku jirto ee aanu asaga u hogaansano. Ribadu waxay ka mid tahay KABAA'IRTA marka wax sahlan maha in daruuri laga dhigo. Hal dolar oo ribo ah iyo hal bilion oo ribo ahna Ilaahey xagiisa isku mid ayey ka yihiin waana dambi ribawi ah. Dadku wax yar bartaan waxbarasho aan caalamaka islaamiga oolina wadan gaalo ma taal ee ribo yaanan been been lagu baneysan. Waad la yaabi lahyed haduu jiro qof dadka ribada u baneeyay oo markaas la yiraahdo dadka hebel ayey caabudaan oo Ilaahey ka dhigteen. Waxaa la mid ah hadii qof uu ribada ama wax ilaahey xaaraan timeeyay baneeyo oo dadka ku raacaan inay dadka qofkaas caabudeen oo diintii Alle ka tageen. Waxaa taas cadeynay markii uu nabiga dhahayey "YAHUUD iyo NASAARO ruhbaantooda ayey ka dhigteen rabiyo Alle ka soo haray. Cadiyi bin Xaatim wuxuu ku yiri nabiga.."Nabi Allow maysan aheyn kuwo caabuda.."Nabiga scw wuxuu ku jawaabay 'Waxay ahaayeey kuwo u xalaaleeyay wuxuu Alle xaaraatimeeyay deedna dadka xalaal ka dhigteen kuwo xaaraan ka dhiga wuxuu Alle xalaaleeyay ka dibna ku raaceen oo xaaraan ka dhigteen...taasi ayaa cibaadadooda aheyd. Walaahu waliyu towfiiq

To: conerned muslim
Anigu ma fahmid analogy-ga cashuurta iyo ribada schoolka siday isugu mid yihiin. Canshuurta waa dhac iyo burcadnimo cad laakiin schoolka ma adigaa doontay misa waa lagugu qasbay? "Police waligaa ticket ma kuu jaray? waa ribo, libarary book maka qaadatay mala daahday? ribo" Maxaa ribo kuwaan ka dhigay? Sidee ribo ku noqdeen saaxiib ii sharax? Ma waxaad wadataa oo daliil ka dhiganeysaa SHEIKH ...... fatwadii uu ka bixiyay EUROPE mise daliil kale ayaad haysataa?


To: conerned muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
salaamu caleykum....
Concerned Muslim, akhii....
JAZAAKALLAAHU QEYRAN tafaasiisha iyo muqaaranada wanaagsan ee aad topic-gan ka baxsatay. Ma aha ammaan haddii aan dhaho, Soomaalidu maanta waxa ay u baahan tahay FAQIIH MUCAASAR oo sidaada oo kale isugu fiiriya xuduudaha ilaaheey, xikamta islaamka iyo daruuriyaatka bulshadeenna. Shukran, akhii mar kale.

Wacdi,
Walaalkeyow, qof walba waxa uu xaq u leeyahay in uu dhiibto aragtidiisa based on what he/she knows from the SOURCES OF THE ISLAM. Xaq uma lihid, usluubta doodana ka mid ma aha in aad (shaqsiyan) ka dabo-qaadato qof kaa aragti duwan. Waad la dagaalami kartaa aragti aad aaminsan tahay in ay dhaawac ku tahay bulshada!
Ilaaheey wuxuu yiri: "FAKULLUN CALAA SHAAKILATIHI"

To: akhyaarta doodda,
Sheeq ka mid ah the famous scholars of this century wuxuu iftooday: "In aan ribada lagu reebin bankiyada oo uu qofku ku bixiyo wadooyinka qeyraatka...." Yes, rabigeey wuxuu aqbalaa wixii wanaagsan (al-xadiis..) Hase yeeshee isweydiiyoo, halkee ayey tageysee haddii aan uga tagno bankiyada? Shaki kuma jiro in uu cadowgu dib ugu fund-gareynayo dagaalka uu islaamka kula jiro nooc walba ha ahaadee.
Cid ku muransan ma leh xaaraantinimada ribada, hase yeeshee diinteennu waxa ay leedahay AWLAWIYAAD IYO DARUURIYAAT. Tusaale, dalkeygii wuxuu burburay anigoo arday dugsiga sare ah. Awood uma lihi shaqo iyo heer aan jeebkeyga wax kaga barto; berina waxaan ku talo-jiraa inaan diinteyda iyo dalkeygaba anfaco, ma waxaan u shaqo tagaa warshadaha? Ma dhaceyso mana dhici doonto, waxaanse u ooyaa dhalinyarada ila-midka ah ee magaca ilaaheey fursado waaweyn lagu dhaafsiiyay!
Daawo ahaan waxaan walaalaha dooda u qori lahaa in ay aqristaan FIQHUL AWLAWIYAAT By Dr, Sh, Qardaawi

By Waddani....
Wasalaam...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyar.

Unrecorded Date
RIBO WAA LAGA MAARMAA EE YAAN BEEN LA ISU SHEEGIN.


1- Shaqee part time oo dawladda haku kabto.
2-shaqee full time oo part time waxbaro.
3-Haddaad xaas leedahay kaba fiican oo dawladdaa in badan kaa bixineysa waliba carrurta nink leh kaba fiican.


Waxaad adigu sameyso DADKA KALEETO MADAXA HA U GALIN. Ninkii XAARAAN QUUDANAAYA ISAGEY JIRTAA YAANSE DADKA LAGA IIBIN SHEEKADA RAQIISAK AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guleed

Unrecorded Date
Ku: Aqyar iyo wixii sidii soo kala u af xun

Markaan sidaad u hadleeyso fiiriyey labo mid uun baa ku sifoobaysaa in aad DOQON tahay am AQLIGAAGA wax u dhimanyahay. marka lagu yiri arrinkaan jahil baat ka tahay waxaad noo soo qortay afar xaboo Ingiriisi ah si aad isu muujiso in aad aqoon leedahay taa soo muujinayso in aadan isku kalsooneen. Waxaa meesha ka cad in aad dooda adiga iyo kuwa kula mid ah aad garab marsantihin
markaad ku soo celcelisaan Ribadu in ay xaarantahay oo aan cidna ku murasaneen.

Haddi aad rabto in aad ka ogaatid waxay culumada North America jooga ka yiraahdeen Student Loan gal Website kaan www.pakistanlink.com/religion/98/re-07-31.html
ama waxaad tirihaadaan sida caadada idiin ah wadaad Bakistaan diin ka dhageysni maayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CONCERNED MUSLIM

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum!

sheekadan waxaan doorbidayaa in si akhyarnimo ah loo falanqeeyo hadii ay jiraan dad aan u dul qaadan karin qiimaha wanaagasan ee diinteena suuban waa in aanay marka horeba dhiig kar-ka isku kicin.

Wadani

walaal si sharaf leh oo cilmiyaysan ayaad runtii u hadashay ilaahayna dadaalka aad diinta iyo horumarka umada ugu jirtaba garabkaaga haku galo if iyo aakhiraba!


guuleed!

walaal waxaad leedahay gar marka hore inaad ka hadasho xaqa ilaahay swt iyo xoriyatul qawlka uu kuu siiyay inaad ka qayb qaadato diinteena Muqadaska ah dood cilmiyeedka ku saabsan. Hase yeeshee sidii ninkii caytamay inaad adiguna la qasato maahayn oo diinta islaamku waxay dhigaysaa in asluubta islaamku tahay tiir dhexaadka bulshada marka walaal kumaan farxin aflagaadada aad celisay

Muslim (?)

so called Muslim wrote:Arrinkaasna waxaa laga
qaatay sheik Bin Baaz (raximahulaah) Waxaan ogsoonahay inay jiraan organization badan oo muslimiin ah hadana isticmaala
credit cards waxaana kuwaan ka mid ah kuwo North America ka jiraan sida ISNA iyo kuwo kale oo caalamka islaamka ka jira.
Taas ayaga ayey u taal laakiin inagu xageena xaaraan ayey ka yihiin. Amaa tan waxbarasho, ribo waa xaaraan wixii ribo ku jira
dagaal Alle ayay u ban yaaliin.

hmmmm?? cajiib!!! waad cadaysatay walaal inaad sheegtay sidii Alitixaadka inaad tiraahdo umada islamka dagaal bay u baahan yihiin!!! DAGAAL! DAGAAL! DAGAAL! oo hadii aad wali u ciil qabtid dhiig kugu filan malaa wali kumaad qubin Gado, Boosaaso, Gaalkacyo, Balad xaawo, Araare, Jamaame, Lasqoray, Xamar, Garoowe, Saliid, ??? ma waxaad tiri culimada islaamka ee ISNA waa in North America oo ku dhex sugan Yuhuud iyo Nasaaro waa in dhiigooda la daadiyaa! waxad ka wadid hadii aanan fahmin fadlan ii soo sheeg?????????????

Yuhuud oo Masaajidkii 3aad ee Islaamka haysata xataa biyo kuma sayraysid miyaa ee sidii Sadaam ayaad intaad sidiinii ALAAHU AK BAR tiraahdaan ku ridaan maato masaakin ah oo Islaam ah, sida Kuwait, Kurdish, Iran, Sacuudi Arabia, Shaadal carab. cajiiiiiiib!!! walee aw cumaamad guduudoowow waxaad wadaba intaad dadka nabad ugu baaqi lahayd dhiig baa kuu hilaacay mu'min ah.... warhoooooooooy Aakhiro iyo Macbuudka hala xusuusto

ILAAHAY XAQA HA U GARGAARO OO KUWO DHIIGA ISLAAMKA XALAALEEYA EE SIYAASAD MACANGAGNIMO AH SHACBIGA KU MADAL HUFIYA XAQA HANOO SOO TUSO.. AAMIIIN!!!!

CONCERNED MUSLIM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqyar.

Unrecorded Date
Guuleed.

Yes I am "DOQON" and yes I am "Retarded". Waxaan filayaa inaad nafistey xagga qalbiga oo dulmigaan ku dulmiyey aad aarsatey illeyn waan kugu afxumoodey anigoon xitaa magacaaga meesha ku arag.

Walaalaha kale. concerned-muslim, Waddani, iyo pro-student loanka dhammantood, waxaan idin leeyahay aan is cafinno, Aniga teydaan ku madax adeygayaa nabi maxmmed cid kasoo hartey oo aan ka aqrisanaayo RIBO DARUURI AH MA JIRTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdi

Unrecorded Date
to.wadani.
saaxiib waad mahadsantahay hadii aad iinastexaysay,waxaanse layaabay waa caadada bini,aadamkee sida amaanta aan looqalmin loojecyahay dhaliil yarna ama aflaagaadana aan loogu adkaysankarin waliba dadka qaarkiis aflagaadadoodu ay kabuuxdo forums-ka.

to.asxaabta banaysanaaya studnet loan-ka.

rag badan baa waxay kusoo celcekiyeen waa daruuri ayadoon lafiirinayn shuruudeeda.
hadaba waxaa jira qaacido oranaysa (al-daruuratu tuqadaru biqadirihaa)taasna culumada ayaa qadaraysa ma'ahan si nin walba wuxuu rabo uusan u oran waa daruuro, midakale waxaa jirta sida naloo sheegay alternative farabadan oo aad oogafakan karto intrest-ga ninkii aymeel ucadahay waa gaar!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waciid

Unrecorded Date
To: Real Brother

Maxaa kugu dhacay war kaaga cadday arrintaani miyaadan u arga mid muhiim ah.


Ma ogtihiin wadankan Canada Markaad sannaka xarreneyso INCOME TAX in Student Loan Interst kaad ku bixiso aad CLIAM kareen karto.

Arday/Ardayd jiro/jirto 18 sano oo raba inay bartaan MEDICINE OR NUCLEAR SCIENCE iwm oo ku jiro ( in their prime time) in aan warshad u tirno xal uma ah. mark walaal xalkaaga kuwaan kor ku soo sheegay ku ma haboon.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

geele

Unrecorded Date
as-salaamu calaykum


to:waciid

walaal ma waxaad leedahay aniga ayaan doonayn inaan si xalaal ah warshad uga shaqaysto marka waxaan doonayaa inaan RIBO aan ku barto MIDICINE OR NUCLEAR SCIENCE?!!!! maadaama aan ku jiro MY PRIME TIME) RIBO INAAN WAX KU BARTO DARUURI BAY II NOQONAYSAA

arinkaaga wuxuu u muuqdo ma aqaan?ma diin baad ku wacyi gelinaysaa mise in wadada alle laga leexdo ayaad ku wacyi gelinaysaa dadka?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wabs

Unrecorded Date
Arinku waa see!

Waxaan maalin hore la hadlayey ina adeertey, oo aan ka waaninayey arimo yar yar oo familigu ka tirsanayey. Markaan arintu sida ay tahay u sheegay ay tiri waa maxay in markii aan wax sameeyo aad adinku dhami aad ii soo aadaan, balse markii aan wanaag ku jiro ama aan ku aflaxo arin aad nan ii garab taagnayn!


Markaa waxay ila tahay in dhamaan soomali oo dhami ay arintan u siman tahay. Dadku way ku "Judge" gareen markaad wax qaldan gasho balse markaad wanaag ku jirto kuuma awoodaan hadal. So to those of you brother and sister who are involved in this issue of education and borrowing money, I suggest to you not to listen to these low live under achievers and to listen your guts and deal with the consequence that it leads to. Don't let between Allah and you someone else. Talk ot him and he will hear. Educate yourself, but don't follow others blindly. Allah best owed you the best gift of all, intellegence, use it and it will lead to you to live of hormany. Sheekh or Sheekh or Sheekh, what is he! He is a person just like you who is able to make mistakes just like you. So don't trust everything they say and trust your guts. After all you will be asked of what you did not what others did or told you to do or didn't.

Wabs

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CONCERNED MUSLIM

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum!

aqyar wrote:
---
1- Shaqee part time oo dawladda haku kabto.
2-shaqee full time oo part time waxbaro.
3-Haddaad xaas leedahay kaba fiican oo dawladdaa in badan kaa bixineysa waliba carrurta nink leh kaba fiican.

Cajiib!! yaabaye walaal siduu waciid kuu sheegay ma waxaad doonaysaa in welfare iyo seprate-lagu noolaado markaad leedahay hadaad xaas leedahay kaba fiican!! xoolo ribo lagaga soo gooyay qof kale sow ma aha welfare-ku???? ISLAMKU MUXUU KA QABAA WELFARE??? TAX?? TAX-KA LAGA QAADAY GAMBLING, GIRL SCOT, HOLLYWOOD (ADULT- BOOKS, AND ADULT-MOVIES ETC) waxaad leedahay hadii xoolaha wax lagu barto oo caruurta lagu masruufo waa xalaal laakiin ta aad adigu iska bixinayso ee dhididkaagii aad ku shaqaynayso xalaal maaha miyaa?? mhhm.

to
inta xaqa jecel inay ogaato:


Waxba yaan dood aan cilmi ku dhisnayn oo dad aan horumarka islaamka danayn oo idinleh welfare qaata oo warashadaha ka shaqeeya idin habsaaminine, qofkii doonayoow sidii walaalkeen GUULEED ilaahay khayr ha siiyee inoo sheegay soo booqo

www.pakistanlink.com/religion/98/re-07-31.html

hadii aad leedahay wadaad pakistan ah waxba kama dhagaystana adiga iyo nasiibkaa ee umada Jaahiliyad ha u horseedina walaal.

XAQA ILAAH BAA OG!

CONCERNED MUSLIM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AQYAR.

Unrecorded Date
Haddaad single tahay waxaa laguu oggolyahay oo lagu kabayaa ila 15000 income le'eg markad leedahay inkastoo shopping loo baahan yahay oo magaalooyinka ay kala duwan yihiin, Matalan qaarkood 7000 ka badan ma oggola oo policyga sikuulkey ku xiran tahay.

Haddaad xaas iyo carruur leedahayna ilaa 30,000 baa laguu oggol yahay, aniga 1998 waxaan sameeyey 28,000 waxaana la ii oggolaadey ilaa kun dollar in federalka iga bixiyo statekana shan boqol. Alxamdu lilaahi "Waman yattaqillah yaj cal lahu maqrajaa".
hal carruur ahna waa inna weheliyey aniga iyo xaaska anigaana shaqeeya kaligeey oo waa incomekeenna oo idil maadaama xaasku iskuul evening ah iyo guri joog iska tahay si ilamaha an loo geyn day care. Taas wa eedeyntii xagga ceyrta inaan qaato uu giu eedeeyey WALAALKEY CONCERNED-MUSLIM "Inna Bacdha dani ithmu" "Wa inna danaa laa yugnii minal xaqi shey'aa"
Teeda kale WALAAL IYO CEYTAN ISKU MEEL MAGALAAN. Aniga sideedaba CUQDADA WAAN KA FIICNAHAY ALXAMDU LILAAH. Habeenna ninna ciil uguma seexan, meel dad walaalo muslimiin ahna kuwada sheekeystaan been dadka kama sheego oo maxaan ka helayaa nin MUSLIM KALE INAAN FARTA KU TAAGO "WAMAN SATARA CEYBA MUSLIMIN SATARAHULLAAH".

Teeda kale naseexada hab cilmiyeyesan bey leedahay maahan in canaawiin meelaha inta laga furo DAD IN LA TOOSIYO U BAAHAN LALA HOOBIYO HEELLADA, Hebel ku aawey, iyo hebel baa ku sheegey, hebelka igama kaa xigo waa ii siman tihiin siduu laba erey iigu tuurey adba maad iigu tuurtid kolley tuurateyba eh?.

"Rabbanaa laa tajcal fii quluubinaa gillan lilladiina aamanuu" malaha taas waa xuxuusin mudan.

Waad aragteen in cadawgu meesha ku badan yahay oo gaalo iyo dad afkaar kale wataba meesha waa iskugu yimaaddaan, marka intiinna islaamka ku abtirsata, gaar ahaan WALAALKEY LA BAXAY CONCERNED-MUSLIM waxaa ku habboon inuu iska illoobo cuqdadda walaalihii uu u qabo oo ilaahey qalibiga uga buuxiyo nuur "Al muslimu aqul muslim, laa yadlimihu walaa yaqduluh" "al muslimu lil muslimi kal bunyaan, yashuddu bacluhu baclaa" hadalkaan fiicanaa oo wanaagsanaa.

Aqyaarta, aniga ma jecli inaan meesha kusoo laalaabto si aan ula doodo walaala kale waxaanse awalkii horeba u imid in XARAANTA laga fiican yahay SHURUUDDEEDADANA LA RAACO HADDII LA BANNEYSANAAYO OO DADKA AHALKA U AH LA WEYDIIYO, waxaa la yiri website pakistani "wa intanaazactum fii sheyin faruduuhu ilalaahi warasuulihi" ANIGA IYO ADIGABA MA GO'AAMIN KARNO. WABILLAAHI TAWFIIQ"WA'AAQIRU DACWAANAA ANIL XAMDU LILAAH"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdi

Unrecorded Date
AQYAR.
BAARAKALLAAAHU FIIKA WAAD BAYAANISAY ARINTA, intaas wixii kasoohadha waa kaalay aan muranee!:
LAQAD ASMACTA IN NAADAYTA XAYA WALAAKIN LAAXAYAATA LIMAN TUNAADII.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
slmu caleykum....
To: Wacdi..
Akhii, maxaad xayaatada uga qaaday aqyaarta aan safkaada ku jirin? Come on bro, and be friendly..

Slmu...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

concerned muslim

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

walaal aad iyo aad waxaa u mahadsan ilaaha awooda balaaran leh.

aqyar.

walaal waxaan ku waydiiyay lacagta dawlada ee cashuur celinta ah ma xalaal baa, mise waa ribo laga soo ururiyay dadyaw kala duwan oo faasuq iyo daalinba leh? waxaan uga jeedaa ma ihi inaan durayo dadka qaata Tax returnka (cashuur celinta)laakiin waxaan diidayaa oo aanan aqbalaynin laba gardaaq nimada (double standrads)oo ribada qaarna laysku dhiiri galinayo kuwa mubaaxa ah ee waxbarashada diinta islaamka lagu quwaynayana dadka laga xaarinimaynayo (student loan)

Teeda labaad walaal maxaad uga hadli wayday xaajada meesha laga sheekaysanayay ee ahayd student loan, anigu shaqsiyadaada maan odhan waxaad qaadataa welfare ee waxaan iri waxaad ku dhiiri galinaysaa Islamku inay welfare qaataan.

walaal waxaad qortay inuu ilaah wayne swt yiri
"wa intanaazactum fii sheyin faruduuhu ilalaahi warasuulihi" waxaan ku waydiiyay Pakistantu miyaanay ehelka diinta Islaamka ahayn mise mar hadii aanu cumaamad guuduudow ahayn waxba kama akhrisatid?

hadii aad si wanaagsan ugu jawaabi kartid walaal oo cilmiyaysan uga jawaab hadii kale Salaam.

concerned muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

concerned muslim

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum!

Walaal aqyaar waxaan kaa iloobay in aan waadix kaaga dhigo waxa ay culimada Islaam-ka ka aamin santay amaahda lacagta ardaynimo (student loan).

La iskuma hayo inuu dheef korku yahay ribo(interest) la iskuma hayo inay ribo xaaran tahay; laakiin suaashu waa maxaa muslaxada islaamku ku jirtaa. Diinta islaamka oo ah diin aad iyo aad u waasic ah oo ku dhisan fahan iyo dadaal waxay marwalba fiirisaa daruuriyaad-ka iyo muhiimada shayga

tusaale waxaa kuugu filan hadii sidaan hore u soo sheegnay Omar Bin Khidab joojiyay gacan goyntii xiligii abaaruhu jireen si aan umada loo curyaamin kadib markay xatooyadii badatay; miyaanay muhiim ahayn in umada la baro cilmga waxbarashada casriga ah sida dhakhtarnimada, ingeneer nimda, umilisada, macalimka, etc etc, iwm?

Hadii ilaah wayne swt bakhtiga ogolaaday in la cuno marka qofku naftiisa u yaabo miyaanay daruuriya noqonayn in jaahiliyada laga saaro umada?

walaal akhriso bal waxay culimada Islaamku ka qabaan arintan doodeedu dheeraatay.

www.pakistanlink.com/religion/98/re-07-31.html


Q 5. I just want to thank you for answering the Muslim peoples' questions in Pakistan Link. May Allah reward you immensely. My question
is What is the Islamic position on taking financial aid (a loan) for a college education?

A 5. If a loan does not involve interest then there is no prohibition from taking that loan. But most of the financial aid loans available in this country
involve interest (riba) and it is Haram according to the Shari'ah to get involved in interest. It is the duty of rich Muslims to establish interest free
educational loans for Muslim students. There are very few scholarships and interest free educational loan programs available for Muslim students in this
country. This should be our priority and we must establish such programs in every community and all over this country. However, it will take time and,
realistically speaking, we shall not be in a position to have enough money in near future to have interest free loans available for all our needy Muslim
students. Meanwhile we have thousands of our youth who need help now. We cannot say to our students to leave education. Education is a must for
the survival and progress of our community. Lack of education will put us backward, make us second class people and we shall never be able to
establish ourselves and our Islamic programs in this land.

It is for this reason, I say that if one tried his/her best to get interest free loan and was not able to get one, then it is permissible for the person to take
any loan available for his/her education. However, the person who is taking such loan must observe two important rules 1. Take as little loan as
possible, 2. Have the intention to pay it back as soon as possible with as little interest as possible.

May Allah help us to provide Halal means for the education of our students.

xaqa ilaahay baa og waynaanina u sugnaatay!

concerned muslim!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdi.

Unrecorded Date
CAJIIB!!.
bal eeg xataa cidii banaysay(student loan) waxay kuxidhay shuruuhaas.
adinkaaba daliilkii isku oogaya, horaybaa loo sheegay noocyo badan oo aad ooga fakan kadho arintaas.
waakuma qofka loan uu qaatay dib u bixiya inta uu noolyahay?.
eebe halga dhawrsado asagaa wada inoo firiye.

to. wadani.
waa shicir take it easy.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waciid

Unrecorded Date
Ku: Wacdi


Ma ogtahay dhibaatada adiga iyo kuwa kula mid ah haysato, degdeg iyo waxaad akhrinaysaan oo adan fahmaynin. hadaan FAR WAAWEYN KUU GU QORO WAXA SHIEKH YIRI, "haddi aad weyso deyn aan riba lahayn oo aad wax ku barto(Student Loan) waxaa kuu banaan in aad deynta ribada ku jirtu qaadato adigoo fulinaya shuruuda ah soo socod 1)in aad deyntaas in waxbarashaada ku filan oo kali ah ka qaadato 2) in aad ku talagasho in aad deynkaas sida oo gu dhaqsi badan oo gu na rib yar aad u bixiso" laakin Shiekh Ka ma hadlin in ay Warshad u xamaal tagaan.

Masjidka Khaalid Bin Waliid oo ku yaalo Magaalada Toronto waxaa ku baxday seddex Milyan oo Dollar oo lagu disay caadifad ah Masjid Soomaali ayaan u baahanahay. Masjidkaa meeshuu ku yaalo waxaa ku wareegsan Seddex Masaajid. Lacag Masjidkaas la galayey waxay Jaamacado ka soo saari lahayd 200 Araday Muslimiin oo Soomali ah !!LAAKIIN CAQLI AAWAY!!

Waxaan Ilaahay ka baryayaa in uu Fiq-ul-awliyadka idin fahamsiiyo.

Waxaan WACIID oo la baxay waxay tahay in aan ooga digo ummada nimakiina fahmiga xun la dhibaatada aad Islaamka iyo Muslimiinta ku haysaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m/ed Shariif

Unrecorded Date
ASSALAMU CALAYKUM WARAXMATULLAH WABARAKATUH

Walaalayaal, inkasta oo aanan cilmi lahayn haddana sida nalooga sheegay kitaabka iyo sunnada nabiga NNK in aanu qofka muslimka ah is dhowro, yaanan la nooqon sida kuwa qabqablayasha dagalka oo kale la iskuma barbardhigi karo ASXAABTII dagalladii dhexdooda dhacay iyo kuwa maanata dunida muslimka ah ka dhex socda. Nabgeenni NNK wuxuu yiri WAR ASXAABTAYDA WAR ASXAABTAYDA II DHAAFA HADDII AAD SADAQAYSATAAN BUURTA UXUD OO DAHAB MA GAARI KARAYSAAN KIILO QAMADI AH OO AY SADAQAYSTEEN.

Waxaa waano iyo tusaale inoogu filan jidkii NAbigeennii NNK iyo asxaabtiisii hanuunsanaa ilaahayna ka barrino in jidkoodii oo kale nagu hanuuniyo, adduuunyadan ma soomarayso dad la iimaan ah ama la camal ah. Aan isu dardaaranno in cilmiga la barto isaga yaa ku kala tusinaya qofka galdan iyo qofka saxsan

Wassalamu calaykum
M/ed Shariif C/nuur

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdi

Unrecorded Date
to.waciid.
xagee noorartay waxaan kahadlaynay student loan markaasaad nala'aaday masjidka khaalid iyo hawlokale iyo in aad durto umad dhan, laabtaada u waasici walaalahaa mar hadii aytahay arintu ulawiyaad, waxaa lagayaabaa in uuqofba meel wax ka'arko.
arinta fatwada miyuunan oran shiikhu qofku haku dadaalo inta uu awoodu in uusan qaadan loan intrest ah, maku dadaalnay in aan raadino alternative?.sidahoray loosheegayna waa badanyihiin fursadahu.
RUBA XAAMILU FAQHIN LAYSA BIFAQIIH!!.
ALLAAHUMAA AATINAA FIQHAN SALIIMAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Concerned Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Calayku!

Wacdi

Walaal waligeedba waa lagu yaqaan bini'aadanka in uu ka madax adaygo marka xaqiiqada loo sheego hadii aad jeceshahay waxa sheekhu ka hadlay in aad macne kale noogu yeesho dadku wuu wada arkaa. Hadii aadan ka raali ahayn oo aad wali marmarsiiyo iyo sidaa maahaa sidaa ayuu ka wadaa xaalkaagu yahay HA HABSAAMIN DHALINYARADA WAX BARASHADA JECEL. sheekhu wuxuu sheegay in aan loo baahnayn in shacbiga islaamka ah dib loo rido oo ay wax barashadu daruuriyaadka ka mid tahay.

Xaqa laa garan

Concerned Muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wadi

Unrecorded Date
concerned muslim.
wacalaykumasaal.
waxaa tiri hahabsaanin, waxaan uqaatay walaal soomaaliyeed oo waxbarasho ilaajecel laakiin ninwalba asagaa yaqaan wixii udan ah waxaan rajaynayaa in aan waxbarto anigoon ribo qaadan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

Nibanyahow marka hore aad ayaad ugu mahadsan tihiin fikrada iyo doodaba, laakiin waxaa reeban aflagaadada. Mida kale waxaa haboon qofka bini'aadamka ah markii loo sheego diin(aayad ama xadiis) inuu aqbalo maxaa yeelay waa halis arimahaas oo laga soo dood celsho. Ribada inay xaaraan tahay waa wax acad oon laysku heysan. Aniga waxaan ahay arday iskandaneefiyanka dagan, wadankan aan joogo shaqo sidaas ah lagama heli jirin markii aan imid, waxaan bilaabay inaan wax barto anigoo ribadii is hilmaansiiyay(calaashaan aan saas qiimo u siin), waxaan ka baxay 1998 Computer Engineering, mar alle markii aan sii dhameynayeey ayey talo igu cadaatay oo ribadii isoo hor istaagtay (jiif waan ka tagay, maxaa yeelay waxaan mar walba soo xasuustaa halkii uu rabi ka istaagay), nin aan saaxiibo nahay oo diinta jecel ayaan tashanay, waxaana go'aansaday inaan waxbarshada sii wato Civil Engineer oon hada ku dhex jiro, inta aan ku jirana aan lacagtii aruuriyo, si aan lacagtii aan ku wax ku bartay horay uga celsho, rabina waxaan ka baryay inuu ila garabgalo aniga oo ujeedada aan wax ugu bartay ay ka mid tahay umada islaamka ah. waqtigan oon weli ku dhexjiro waxaan illaah ka rajeynayaa inaan hadaan ugu yaraado bar aruursho (Familna waan ahay ), mida kale waxaan Somaliya ka gaday boos above $10000, hadii aan dhameystiri waayo si kale waxaa iga go'an inaan booskaas ku dhameystiro, marka ragoow waxaan idin oran lahaay ribada waa laga deeryay aduunkana waa gaaban yahay, hab aad uga badbaadi karto qof walbow sameey, waxna baro, isku day inta aad waxbarshada ku jirto xataa inaad investment sameysid.

Rabina ii barya walaalaheyga islaamka ahoow inuusan ribadaas igu dilin oon sida aan u qorsheystay ilaaheey(swt) iigu aqbalo..AAMIIN.

waa walaalkiin oo idinkaga dardaarmaya wax walba uu ilaah (swt) xaarintinimeeyay.

Asalamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

gelle

Unrecorded Date
as-salaamu calaykum


dhamaan dadkiinaan u doodaya in la qaato daynta wax barashada waxaa tusaale idin kaga filan dhibaatada ninkaa walaalkeen ah haysata.alle waxaan kaaga baryayaa inuu alle kuu fududeeyo arinkaaga si uu alle kugu danbi dhaafo tawbad wanaagsan la imaw oo sharuudeeda wadata hadii aadan aqoon shuruudaha towbada laxiriir culimada meesha aad degan tahay sababtoo ah tawbad aan sharuudeeda lala iman tawbad ma aha.walaalaha halkan soo booqdana qofkii waqti heli karana ha usooqoro shuruudahaas,hadii aad garanaysona al-xamdu lilaah alle kula garab galo arinkaaga.

to:walaaha daynka u doodaya

cilmi aad ribo ku baratay oo waliba dadka ku booriso umada islaamka horumar ku gaarsiin maysid ee waad ku hoojinaysaa mooyee

waqti ma hayo waan ka xumahay innaan hadalkayga sii wado laakiin waan dhamays tiri doonaa in shaa,a laah

wa billahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuuraani

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Alaah wuxuu yiri, "WALADIINA TAKHADUU MASJIDAN DIRAARAN WAKUFRAN WATAFRIIQAN BAYNAL MU'MINIINA WA IRSAADAN LIMAN XAARABALAAHA WARASUULLAH....." Kuwa pagekan furayoo I hope inaysan aayadaan idin camimin markaad meeshaan u furteen inaad umada islaamka magacyo u kala bixisaan oo aad tafaraaruq ukala yeeshaan. Anagu waxaan oranayaa ninkii UMAD islaam ah dhib la doona..."ALAAHUMA AJCAL THA'RANAA CALAA MAN DALAMANAA." Waxaa meesha ka cad raga meesha dooda keenaya inaysan xaqiiqdu aheyn STUDENT LOAD ama RIBO ee ay tahay in umad islaam ah lagu kala kexeeyo ama midba midka kale toosh ku foorariyo. Raga u doodaya ISLAAX, ogaada inaydaan idinku aheyn anbiyo ama malaa'ik ee aad tihiin bini aadam khalad gali kara aadna la mid noqon kartaa kuwa soomaaliya ku dagaalamaya. Dhab ahaan ninka xarako u doodaya oo ku xiran SUUDAAN, ama MASAR asagu ma ah mid fikrad leh ee waa nin ku xiran cid aan aaraa aan tiisa aheyn wadata oo ayagu maalmulka u kali noqday taasina waxaa tusaale inoogu filan wixii XAMAR ka dhacay sanadkii hore. Culumadii radisay badankood waxay cadeeyeen inay sheekadu ka timid wadamo kale xarakadana ay ku raacday ayadoon khaladaadka simply dhag jalaq u siin. ISLAAX waxaad tihiin umad fiican hadana waxaad ibtilo ku dhigteen inaydaan umada khaladka ka qabanin amaba aad shuyuukhdiina JAC dhihin markay simbiririxdaan. ITIXAADna waa umad fiican laakiin ceebtiina waa dagdag badan tihiin oo umada ayaad qalinka kula oradaan. Hadaba waxaan idin oran lahaa ka tanaasula waxaad ku jirtaan oo umada soomaaliyeed jah wareerka ka saara isuna imaada oo diinta waa halee ka run sheega waxaad aaminsan tihiin.

STUDENT LOAD SUPPORTERS:
Waan ogahay fikrada meeshaad kala timaadeen iyo cilmi la'aanta idin haysta ee kitaabka Alle u laabta culuumtana darsa. Waxaanan jecleen inaan dad dhaleeceeyo ma ahee waa hore ayaan runta idiin sheegi lahaa. Ilaahey ka yaaba oo diinta say tahay u raaca HEBEL IYO HEBLAAYO bari xujo kuu noqon mayso. STUDEN LOAD iyo GURI RIBO lagu gato shuyuukhda baneysay waa la yaqaan waana XARAKATU IKHWAAN MUSLIMIIN (branchiga soomaaliya u fadhiyana waa ISLAAX) waa rag cadidan oo masar sal dhig u yahay (magacooda waxba muhiim ma ah) waana la yaqaan waxay ka macno yihiin ama danta ay leeyihiin ee raga soomaaliyeedoow sheikh walba sheikh ha u qaadanee raga diinta Alle qab u qaatay raadso oo ka cilmi qaado. Ragaas waxaa ku jira rag rususha ALLE dacniya waadna iga badisaan kuligiin ee cilmiga aan ka qaadano dad ayagu diinta run ka sheegaya oo xarako aan ku saleysneyn. WALAAHI hadaad baarto waxyaalaha ay qoreen iyo taariikhdooda waxaad is oranaysaa Muslinimada ayaa idinka dhexeysa, ilaahey ayaan dambi dhaaf u waydiinaynaa kuligood laakiin cid ayada taabacsan ragaas waxaan uga digayaa jahliga inay ka baxaan oo diinta aysan u qaadan RAGGA isakaga difaac laakiin ay u qaataan sidii axsaabadii oo kale. Student loan iyo guri ribo lagu gato iyo credit card la qaato kuligood waa isku mid waana XARAAM cidii suubisana AMAAMALAAHI JAWAAB ha la diyaar noqoto maalin ay wajiyadu dulaysan yihiin hadalna cidaan ALLE aheyn u furneyn.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waciid

Unrecorded Date
Ku: Nuuraani (Nuurkaaga haduu sidaas yahay mugdigaaga siduu noqodoonaa).

Markaan hadal kaaga u kuur galay waxaad u egtahay LAA JAMEYCI OO AH KUWA KA SOO HORJEEDA JAMEECOOYINKA.
Dad baad ku sheegaysaa in ay jaahiliin yahiin adigana is ma argtid, Al-itixaad iyo Islaax waxay umada soomaliyeed u qabteen waxaad gaari karto ma ah. Islaax haday ku xirantahay ama ay fikradaha ka qaadato Al-axwaanu Muslimiin waa wax loo riyaaqo maxaa yeelay waxay ku xiran yihiin walaalahood Musliniinta ah. Ma ogtahay kuwiina ka soo horjeeda Jameecooyinka in aad fulinaysaan qorshe ay dajisay Mukhaabaraadka Sucuudiga iyo CIA oo loogu talagay in uu Islaamka marna uu kor u soo kicin, waa kuu doqonimo in aad wax ka sheegto dad walaalahood ku dhex jiro adigoo fulinaayo qorsha GAALADU oo gu talagashay in ay islaamka ku burburiyaan.
Aan mar labaad jahliga kaa saareee ma ogtahay in uu islaamku ku dhisanyahay nidaam jameeci ah laga bilaab Salaada oo Jameeco lagu tukado iyo xataa laba qof oo muslin ah hadday wada socodaan in la faraayo in ay jameeco noqdaan oo uu mid madax u noqdo. mase ogtahay in Amiir-ul mu'miniin OMAR BIN KHATAAB UU YIRI "ISLAAM MA JIRI KARO HADAYSAN JAMEECO JIRIN. Waxaan hadalka kuu gu soo koobayaa in aad ceeb u raadinin Axwaanu-Muslimiin oo badakood sida ay taariikhdu qorayso naftooda u huray siday Islaamku sharaftuu lahaa oo gu soo celin lahaayeen. Adigana waxaa kaa digayaa in aadan noqon SEEFTII Islaamka lagu burburinaayey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

farodheer.

Unrecorded Date
Waciid.

Warkaaga macquul buu noqon lahaa haddaadan xaaraanta jecleysaten oo ad u dooddeen wuxuu ilaahey xaraan ka dhigey. Marka hore walaal ilaahey ka xigso adduunyo oo hawada iyo naf jecleysiga ka hormari tii rabbi. walaal taqwaa adduunyada horumar lagu gaaraa oo lagu kala tagaa. Intaad ilaahey ka xigsaneyso dano kalena ogow dadaalkaaga inuu meel cidlo ah kusoo dhacayo maxaa yeeley ilaahey ma barakeeyo wuxuu xaaraan ka dhigey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuuraani

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

To: Waciid

Soomaalida waxay tiraahdaa "DOQON WALIGEED HAL MAR BEY DAB QAADEY MAALINTAASNA GURIGII HOOYADEEY AYEY KU GUBTAY" La yaab ma leh inaan salaad jamaaco lagu tukado iyo qowl diiday jamaaco la'aan iyo hadal amiirul mu'miniin inaad maanta u soo qaadatid firaq aan ku saleyneyn diin ee ku saleysan siyaasad iyo loolan dad lagula jiro sida ISLAAXA aad u doodeysid. In qeyb qeyb loo kala go'o oo mid walba magac la baxdo waa wax diinta lagu soo daray ee diintu waxay taqaan hal jameeco taasoo ah AHLU SUNNAH WAL JAMAACA CALAA MANHAJI SALAFI SAALIX. Jameeco hadaad u taqaanin Islaax, Itixaad, Ikhwaan, Takfiir iyo iwm hadaba waxbaa isaga kaa yaacsan ee wax soo xaqiijiso. Hadaad Islaax u doodaysid u maleynmaayo inaad iga badisid dhibta iyo khaldaadka ay dabaalanayaana waa la yaqaan ikhwaana hadad is leedahay waa walaalahaa bal cilmigaaga eegnee taariikhdeeda wax ka sheeg iyo cida bilowday iyo sidii ay u soo shaac bexeen. Diintu firqo ma taqaan Allaana yiri "INNA LADIINA FARAQUU DIINAHUM WAKAANUU SHIYACAA...." wax loo doodo islaax iyo itixaad ma ahee loan-na ha ku gabanee runta cadee raga runta kama nixisee.

Midbaa qoray "ISLAAAX..... oo ah nimanka uu ka tirsan yahay sheekh cabdirashiid cali SUUFI iyo IBRAAHIN DUSUQI,IYO SHARIIF CABDI NUUR oo ah niman aad iyo aad u dagan diinta ilaahayna sidii ay ku faafi lahayd xil wayn wayn iska saara nabadan jecel oo aan doonayn in umada waran iyo seef qoorta lagaga guro." Bal caaqaan eega wuxu meesha la yimid. Shariif CABDI NUUR iy DASUUQI isku meel ma istaagi karaan? C/RASHIID CALI SUUFI iyo DASUUQI ma isku cilmi baa mise waa isku caqiido. Dasuuqi waxaan u maleynayaa inuusan sharax iga rabin saa wuxuu yahayaa la yaqaanee. Shariif cabdi nuur meel baad uga dhacdeen ee culumada ha ku cayaarina sheekhu xarako ka mid ma ah waligeyna kama maqal asagoo xarako ayidaya ee culumada afka ha ku taagina. Mise waxaad u maleysay sida DASUUQI inuu rayi dad ku shaqeeyo. Shariifka XAFIDAHULAAH waa mufti wayn kana mid ah raga aduunka cilmiga diinta maanta looga dambeeyo dasuuqina wuxuu yahay Alla yaqaan.
YAA SALAAM SALIMNAA MINAL BALAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waciid

Unrecorded Date
Ku: Nuuraani

Aniga waxaan weli ku gu la talinayaa in aadan noqon SEEFTII ISLAAMKA LAGU BURBURINAAYEY "LAA JAMEECIYOW"

Al-axwaanu Musliniin taarkhiideeda mid qarsoon ma ah oo meel kasta ayaa laga helayaa wax laga qoray.

Culimada afkaaga ka dhoorso war moog ba tahayee ee dadka nin wax og ha saga dhigin.

Waxaan kaaga digayaa in aadan la soo shirtagin kutubka xun oo aan filaayo in aad akhrisay oo ay qoreen Mukhaabaraada Sacuudiga oo CIA ku adeegato oo lagu ceebaynayo Axwaanu muslimiin.

Mar labaad waxaan ku gu waaninayaa IN AADAN NOQON HUBKII LAGU BURBURINAYEY ISLAAMKA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddani

Unrecorded Date
slmu calaykum..........
To: Nuuraani....
Brother, culimadu waxay ay joogaan booskii ambiyada (nebiyada), waa iftiinka ummadda, waa indhihii ummadda, waa af-hayeennada diinta ilaaheey. Dr Disuuqi iyo kuwo la midka ahba, waa culimo, aqoonyahanno, waxgarad, waa qureyshtii walwaashay qaranka, miskiinkana murugada la wadaagtay, waxay doorbideen iney dadkooda la noolaadaan iyagoo awood u lahaa nolol midda ugu sarreysa in ay ku noolaadaan. Rabigeey wuu og yahay, soomaaliduna wey ka war-qabtaa dowrka uu ka ciyaaray baraaruga islaamka ee Soomaaliya. Wuxuu kugu leeyahay heybad, maamuus iyo sharaf, u'ogoloow ama ha u ogolaan. Fadlan soo luqluqo, astaqfirullaahina raaci, si rabigeey uu kaaga cafiyo qadafka (gefka) aad gashay! Waad mahadsan tahay.....
slmu.......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL BROTHER

Unrecorded Date
waan idn salaamay dhamaantiin.
waxaan u malaynayaa in ay diinta islaamka eersanayso
nimanka la yiraahdo al AL-ITIXAAD in kastoo ilaahay uu
ilaashanayo diintiisa haddana waxaad mooddaa in ay u
malaynayaan inay wax ka qaadayaan.
dhalin yarada soomaliyeed waxaan uga digayaa inay iska
hubiyaan wixii diinta ku saabsan,waydiisaana cidii u cilmi leh.
waxaa kale oo xil wayn idinka saaran inaad ka ilaalisaan
diinta ciddii xumaan ku wadda.

waa mahadsanti

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cali-Holland

Friday, August 11, 2000 - 06:19 am
Asalama Caleykum

To:Dhamaan dadka Somaaliyeed ee doodan dheer dhexmartay.

Walaalayaal ugu horeyntii Alle aan ka cabsano oo waxa inaga dambeeya waa geeri,Qabri mugdi ah,iyo Su'aasha maalinta Aakhiro.

Walaalayaal waxaan idin wada leeyahay dhamaantiina Jidka xaqa ah ee Rabi uu ka raali ka yahay ha idin qaadsiiyo meel walba oo aad dunidan ka joogtaa. eaxaan idin lee yahay Af lagaadada iska dhaafa iyo magacyada kale duwan oo aad isku haysataan oo aan isticmaalno magaaca MUSLIM.

oo waxaan rabnaa inaan kala faa'ideysano.

Asalama Caleykum: Cali-Holland

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

diindoon

Thursday, August 17, 2000 - 04:41 pm
assalamu alaykum

inan idinlaxiriro lakin see

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.