site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

NABIGA (sallahu alyhi wa sallam) *RAACA* OO BIDCO HA LA IMAANINA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): NABIGA (sallahu alyhi wa sallam) *RAACA* OO BIDCO HA LA IMAANINA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umhaanim

Unrecorded Date
Bismillah Wasalatu Wasalamu 'Alaa Rasulillah

Innalxamda lillahi, naxmadahu wa nastaciinuhu wanastagfiruhu wana udubika minshuruuri anfusinaa wa siyaati acmaalinaa man yahdihillahu falaa mudhilalah waman yudhlil falaa haadiyalah wa ashhadu anlaa ilaa ha ilallaah wa ashhadu ana muhamadan rasulullah,.....................

Alhamdulillahi laddii hadanaa lihadaa wamankunaa linahtadiya lawlaa anhadanallah

Assalamu alykum warahamtulahi wabarakatuh ya ikhawani, waxaan jeclaaday inaan idunku baraarujiyo, in aanu RAACNO Sunnada Nabiga (saw) Kana tagno BID'AH (innovation)........

Waxaa yaaba inaad markaad damacdo inaad kadigto bidcada ay dadka kuyiraahdaan "technology or prescription glasses are bid'ah (innovation" Jawaabtu waxay noqonaysaa technology and things like eye glasses ma aha wax kamid ah diinta, waase HORUMAR ADDUUNEED, Nabiga (scw) wuxuu yiri: ( Antum aclam bi amri dunyaakum) meaning: "ADINKAA U OGAAN BADAN ARINKA ADDUUNKIINA".

Horumarkaa lagaarey wuxuu lamid yahay hub laba afleh, raadiyaha (radio) oo kale haddaad ku dhageysato Quraanka iyo Axaadiista Nebiga (scw) wuxuu noqonayaa xalaal loo baahan yahay, haddaadse ku dhageysato music iyo xeeso then wuxuu noqonayaa xaaraan, waayo wuxuu fasaadinayaa Akhalaaqda wuxuuna wax u dhimayaa bulshada.

Bidcada diintu: waa wixii aan Quraanka iyo sunnada Nebiga (scw) midna daliil looga haysan, waan tan ku lug leh cibaadooyinka iyo diinta, noocaan bidcada ahina waa tan islaamku diidey kuna xukumey in ay tahay marin habow.

Allah (swt) wuxuu yiri "Am lahum shurakaa'u sharacuu lahum minadiina maa lam ya'adana bi idnillah"

"Ma waxay leeyihiin Ilaahyo u sharciyeeyey waxaan Allah (swt) u idmin"

wuxu Nebigu (scw) fii sahiihul muslim: " Man camila camalan laysa calayhi amrunaa wahuwa radun"
"Qofkii ku camal fala waxaan diinta Islaamka ku sugnayn laga aqbalimaayo"

Also the Prophet (peace be upon him) said: " Iyyaakkum wal muxdathaatul umuur fa ina kulu muxdathatin bid'ah wa kulu bidcatin dhalaalah" (Tirmidhi)

"Waxaan idinkaga digayaa wax yaalah diinta lagu soo kordhiyey, waayo wax kasta oo diinta lagu soo kordhiyo waa bidco, bidcadu dhamaanteedna waa baadinimo.

in another Hadith Nebiga wuxuu kuyiri (scw: " Innallaha xajaba tawbah can kulu saahib bidcatu yadcuhaa" sahiih rawahu dhabaranii

Meaning: " Ilaahay towbadda wuxuu ka xidhay qof kastoo bidci ah illaa intuu bidcadaa iska dhaafayo".

Ibn cumar oo kamid ah, saxabadii nebiga (scw) (ridhiyallahu anhu) wuxuu yiri: " BIDCO OO DHAMI WAA BAADINIMO, HABA U ARKEEN DADKU IN AY FIICAN TAHAYE."

Also Imaam Maalik (rh) wuxuu yiri: "Qofkii ku soo dara islaamka bidco lafiican wuxuu sheegtay In Nebi Muhammed diinta khiyaamay (yacni: usan nasoo gaarsiin) wana udubillah, waayo Allah (swt) wuxuu yiri fii suratul Ma'idah
" Al yawma akmaltu lakum diinakum wa atmamtu calykum nicmatii wa radhiitu lakumul islaama diinaa."
Macnaheeduna yahay "MAANTA AYAAN WAXAAN DHAMEYSTIRAY DIINTIINII, OO IDINKU TAAM YEELAY NIMCADAYDII WAXAANUN IDIINKAGA RAALLI NOQONNAY ISLAAMKA DIIN AHAAN."

Imaam SHafici (rh) asagana wuxuu yiri: " Qofkii wixii la wanaagsan diin ahaan u haysta wuxuu lamid yahay isagoo bidco diinta ku soo daray, hadday bannaan tahay in qof waliba wixii la wanaagsan uu diin ka dhigto waxay taasi u bannaanaan lahayd dadka caqliga isticmaala oo Muminiinta ahayn, waxaana bannaanaan lahayd in baabkasta oo sharciga ka mid ah wax lagu soo kordhiyo, qof kastaana naftiisa sharci cusub u samaysto.

Wuxuu yiri Qaddiif: Haddii shey bidco ah soo baxdo waxaa laga tagaa lamid ah oo sunno ah

Wuxu yiri Xasanul Basri: Halla Fadhiisannina qofka bidciga ah, qalbigu yaanu kaa bukoone.

Wuxu yiri Xudayfa: Cibaado kasta oo aany ku cibaadaysan asxaabta nebigu ha ku cibaadaysanina.

Ikhwani, we can see clearly that Following Our beloved Prophet Muhammed(scw) is essential in order to save oursouls from the HEll fire.... Allahuma inaa nas alukal fawza bil janati wama qaraba ilayhaa min qawlin wa camal wana udubika minanaari wama qaraba ilayhaa min qawlin wacamal.....

For today, this how much I am able to share with U......but Insha'allah I will continue to post if i find anthing that relates to this topic.

Wa aquuli qawlihadaa wa astaghfirullahu lii walakum

Till next time fee amanillah

Wasallamu calykum warahmatulahi wabarakatuh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Umuhaanim.

Thanks. May god give you his blessings.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umhaanim

Unrecorded Date
Salamu Alykum Waraxmatulahi Wabarkatuh

To: Bashir wa iyaka and May allah (swt)grant u jannah

Ikhwani to continue the topic insha'allah i will discuss with u some common innovations that are practised today which are as following

1. Mowliidka Nebiga iyo habeenka dheelminta(israa wal micraaj) iwm.
2. Qoob ka ciyaarka, sacabba tunka,dikriga durbaanka lagu tumo, iyo codka oo kor loo qaado iyo magacyada Allah (swt) oo la bedelo, sida: ah, ah, ah, huu hii iwm.

3. Khitmooyinka, Culimada oo la isugu keeno si ay quraanka u akhriyaan marka laga dhinto reer kadib iwm.

Also, maanta waa ad arkay saa inay dad badan markay qurank aqrintiis dhameyaan ay yiraahdaan "SADAQALLAHUL CADDIIM" Allah (swt) run ayyuu sheegay. Indeed Allah (swt) has uttered the Truth coz His ASDAQUL QAA ILIIN but, the question is, is this sunnah or bid'ah?..........

Waa bid'ah maxaa yeelay kama aysan sug naanin Nebiga (sallahu Alyhi wasallam) nor His companion and the tabiciin.

Quranka akhrintiisa waa cibaado mana banaana in wax lagu siyaadiyo. "Qofkii ku soo dara diinta wax aan ka mid ahayn laga aqbali maayo."

Arinkaa ay samaynayaan dadka Quraanka akhriya, wax daliil ah ugama sugnaanin kitaabka, iyo sunnada Nebiga (saw), Asxaabtuna ma dhihi jirin sidaa ee waa arin ay bilowdeen dadkii danbe.

Rasuulka ayaa ka dhegeystay Ibnu Mascuud oo akhriyaya suratu nissaa bilowgeeda markuu gaaray ayah aqirkeedu yahay "wa ji'naa bika calaa haa ulaa'i shahiidaa" ayuu nebiga (saw) kuyiri ibn Mascuud "Xasbuka" man uusan oran nebiga "Sadaqallahu caddiim" mana uusan amrin inla dhaho sidaas..

Those of Us who aren't aware of this to be bid'ah say it during salah thinking it's an ayah in the quran.

The ayah in surah al imran which is similar to this is "Qul sadaqallahu fatabicuu milata ibrahima hanifaa" waa jawaab loo celinayo Yuhuudda Nebiga beenisay, waxaan daliil u ah ayada ka horeysa oo ah "Faman iftaraa calallahil kadiba." Nebiga(saw) wuu ogaa ayyadan, mana oran jirin markuu quranka akhriyo ka dib, sidoo kale asxaabtii iyo salafkii hore oo wanagsanaa ma oran jirin.

Sheik Ibn Baaz(Rh)markii lawaydiiyay odhaahdaasu wuxuu yiri waa bidco.....

Bidcadaasu waxay dishay sunna ahhayd in uu Nebigu (saw) yiri:

" man qara'al qur'ana fal yas allullahu bih" (rawahu tirmidhi)
"Qofkii quranka akhriyaa Allah wax ha ku weydisto.

Ruuxii quraanka akhriya waxaa laga rabaa in uu ilaahay weydiisto waxii uu rabo, markuu akhriska dhammeyo, oo akhrinta quranka Allah (swt) ugu tawasulo, maxaa yeelay waa camal wanaagsan oo sababinay in ducada la aqbalo. Waxana haboon akhrinta ducadan.
Wuxu nebigu yiri (saw)
"Ma asaba cabda hama wala xazana faqala: Allahuma inii cabduka wabna cabduka wabna umatika naasiyatii biyadika madhin fiya xukmuka cadlun fiya qadha uka as aluka bikuli ismin huwa laka samayta bihi nafsaka aw anzalta fii kitaabika ow calamta axadun min qalqik awista tharta bihi fii cilmin gaybi cindaka, antajcallal qur'ana rabiica qalbii wanuura basrii or sadrii, wajalaa xaznii wadahaba hamii" Haduu ruuxaa sidaas yiraahdo Allah (swt) wuxuu ka kaxeeyaa welwelka iyo murugada wuxuuna ugubadelaa farxad.......


wa aquuli qawlihadaa wa astagfirullahu lii walakum

Wa alykum salam wr wb

till next time fee amanillah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum Umhaanim.

Jazakallahu kheyran yaa ukhtee.

Illaahey hakuu faa'iideeyo waad noo faa'ideysay. Annagana Alle ha inaga dhigo kuwo ku waano qaato.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

Uxibukam Filaah;

Waxaan oran lahaa walaalkey Ansaari ayaa ii yiri. Umhaanim, Bashiir, & ansaari kuligiin Ilaahey firdowsa camalkeeda ha idiin sahlo hana idinku hanuuniyo. Xayaakumulaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxamtulaahi wabarakaatu

To: ukhti Umhaanim

Jazaakalaahu khayran yaa ukhti al caziiza ilaahay khayr ha kaasiiyo cilmiga aad noo soo gudbisay iyo wanadaba walaal ilaahay waxaan kaaga barayaraa in uu kugu daro miisanka xasanaadkaaga insha allah wazadaka allahu cilman wa taqwa walaal ilaahay ha inoo sahlo dariiqa firdowsal acla insha allah
walaalahayga kalena dhamaan waad salaaman tihiin ilaahay janadii ha inagu kulmiyo aamiin
wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

ukhtukum filaah

uma ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Awliyadii ilaahay isu ducaysay
Allaha awooda leh ha'idinka aqbalo

Aaminn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umhaanim

Unrecorded Date
Assalamu calykum warahmatulahi wabarakatuh

Jazaka'allahu ya ikhwani: Um ahmed(yasmiin), Ansaari,Muslim,Bashiir and Xareed. UHUBUKA FIllahi ladii ahbabtanii fiih, ALlahuma inaa nas allukal fawza bil jannah wamaa qaraba ilayhaa minqawlin wacamal wana udu bika minanaari wama qaraba ilayhaa minqawlin wacamal.

To: Yasmin, habibti i would appreciate if we could communicate throught email insha'allah.
Leave ur email account next time.........

KEEP StRIVING TO Please ALLAH (SWT).
Wassalamu alykum warhmatulahi wabarakatuh
Fee amanillah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

Walaal Umhaanim Allaha kaa abaal mariyo mowduuca aad ka hadashay,Allaahna waxaan kuu waydiinayaa inuu ku siiyo liibaanta aduunka iyo midda aakhiro ciribtaadana uu hagaajiyo kuuna barakeeyo cilmigaaga iyo cimrigaagaba.

ALLAAHUMANFACNAA BIMAA CALAMTANAA WACALIMNAA BIMAA YANFACUNAA WAZIDNAA CILMAN YANFACUNAA.

Mar kalana waxaan Allaah inoo wada waydiinayaa inuu nagu kulmiyo anaga iyo walaalaha u taagan "LITAKUUNA KALIMATULLAAHI HIYAL CULYAA" FARDOWSAL ACLAA.

Deggan

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.