site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

QARAWGA ILMAHA YAA WAX IIGA SHEEGI KARA ?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): QARAWGA ILMAHA YAA WAX IIGA SHEEGI KARA ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AABE WAREERSAN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM
MIN FADLAN YAA WAX IIGA SHEEGI KARA QARAWGA CARUURTA YAR YAR SABABTA OO AH WAXAAN QABAA CUNNUG YAR OO AFAR JIR AH HABEEN WALBA SAQDA DHEXE AYEEY SOO TOOSTAA AYADOO AAD U QAYLINEESA OO OOYEESA MARKAAS AYEEY KU TILMAAMEESA DHINAC SIDII INAAY WAX U JEEDO.WAXAAN ISKU DAYAY INAAN QURAAN SAARO WAX ISBEDEL AH KUMA ARAG,MARKA AAY ROON TAHAY WAXAA WEEYE MARKEEY ANIGA IYO HOOYADEED AAY NALA SEEXATO TAAS DHIBAATO AYEEY KEENTA SABATA OO WAXAAN QABNAA LABO CARUUR KALE OO YAR YAR OO 6JIR IYO 3JIR WAAY ISKU DAYANAAYAN KULLIGOO OO HABEEN WALBA WAA DOOD AABE ANIGA AYAA KULA SEXANAYA....
MIN FADLAN QOFKI II CAAWINI KARA WIXI TALO AH WAAN U BAAHANAY.MAHADSANIDIIN KULLIKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Walaal waxaa jirta caruurta iney aaminsanyihiin waalidka ayaa wax walba iga celinaya oo hadaan waalid key la joogo wax dhibaato ah ma arkayo. Mid kale caruurto waxey raadiyaa security, waxaana u la jeedaa la hadal intaada una sheeg wax dhibaato ah iney san gaarin oo ey aamiin tahay. Mida kale kitaab quraan ah dhinaceeda dhig habeen una sheeg ineysan wax xun ak teeda imaneyn oo aamintahay. walaal waxaaa aad muhim u ah inaad caruurta taada ka ilaaliso iney daawadaan Telefishinka markey wax dagaal ah ku jiraan ama markaey wax naxdin ah ku jiraan, sababtoo ah ilmuhu intooda badan waxay arkaan wax yaalaha violenciga markaas ayey moodaan iney run ugu dhacaan. waxaad telefishinkaada kurakibtaa Parental control. Waxaad kaloo isku daydaa inaad dhakhtar u geyso inanta yar. Walaal inata la sheykeeso waydii waxa ey ka cabsaneyso laga yaabo iney kuu sheegto waayo waalid ey ku kalsoontahya ayaad tahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saadeq

Unrecorded Date
Waxaan maalin dhow dhegaysanayay muxaadaro Islaami ah. Sheekha magaciisa maxusuusto laakiin wuxuu tilmaamay in Nebiga (SCW) uu ka hadlay duco loogu talagalay caruurta sasta ama qarawda. Caruurtii aan ducadaa xafidi karinna, in intii laqoro lagu xiro markay seexanayaan. Nasiib xumo ducada kor kama xafidsani ee qofkii garanaya ha inoo soo gudbiyo.

Wasalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AABE WAREERSAN

Unrecorded Date
ASALAAMA CALEYKUM WALAAL ANON WAAD MAHADSAN TAHAY TALADA AAD I SIISAY MARKA UGU HORREYSA WAXAAN KUU SHEEGAYA INAAN TAKHTAR U GEEYAY GABHA YAR WUXUUNA IIGU YIDHI WAX MA QABTO EE WAXEEY RABTA OO KELIYA SI AAY WAALIDKA ULA SEEXATO EE HA KA YEELINA KU ADKEESTA IN AAY SARIIRTEEDA SEEXATO.
MARKA LABAAD WAAN SU'AALAY WAXA AAY ARAGTO OO AAY KA CABSANEEYSO MARKII UGU DAMBEEYSAY WAXEEY IGU TIRI AABE WAXAAN ARKAYA SHIMBIR WAYN OO MADOW OO I ERYANEESA WAANA RUN OO MARARKA QAARKOOD WAXAAD ISLEEDAHAY WAXBA HORTAAGAN SIDA AAY FARTA UUGU FIIQEYSO WAAD KA NAXEEEYSA ADIGA XITAA.
MARKA SADDEXAAD GURIGA ILMAHA TV KUMA SIIDEENO OO WAXAAN ISKU DAYNAA INAAN KONTROL ADAG KU SAMEEYNO WAXA AAY FIIRSANAYAAN MARKA XIGA WAXAAN U SOO IIBINAA CAJALADAHA WALT DISNEY IYO CIYAARAHA PLAY STATION EE WALT DISNEY IYO CAJALADAHA XAYAWAANKA KA SHEEKENAYA OO AQOON KORORSIGA AH WAXAA KALE GURIGA U YAAL COMPUTER SI AAY COLOR IYO XISAAB YAR YAR UUGU BARTAAN MICNAHA SI AAN U MASHQUULINO SABTIGA IYO AXADANA WAXEEY BARTAAN QURAANKA OO DUGSI BAAY AADAN MEEL FIICANA KA GAAREN ALXAMDULLILAHI.HOOYADOOD AAD BAAY UUGU DADAASHA SIDII AAY WAX KU BARI LAHEED SADDEXDA CARUUR AAN LEEYAHAY AF SOMAALIGA SI FIICAN AYEEY U YAQAANAN OO GURIGA AF SOMALI KELIYA AYAA LAGULA HADLAA.
WALAAL SADEEQ MIN FADLAN HADDAD HESHO AAYADAHA II SOO GUDBI AAN KA FAAIDESTEE.AJAR IYO XASANAAD ALLAHA KAA SIIYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaah

Assalaamu calykum

Jaalle Aabbe

Haddaan talo yar kagaysto mawduuca:

Horta arrintu waa arrin dhacdo oon shaki kujirin
waxa sababay waa wax ilmaha soo maray oo markaa cabsi daran galiyey ilmaha markaa mar alla markuu seexdo maskaxdiisa ayaa dib usoo tufayso wuxuuna u qaadanayaa wax dhaba, waxaa arrinta sii kicinaya asagoo cabsi kuseexanayo.

Qarawga sidiisaba wuxuu kuyimaadaa labo: dhaxal inuu waalidka kadhaxalay waa waxa layidhaa "Genetic" ama wax ilmaha toos ugu dhacay "experience" labadaba dhakhtar wax kama qaban karo ee waa inaad ilmaha latcaasho adigoo cabsida kabi'inayo si'aad uga bi'saba.

Aniga kulahadlayo anigoo yar ayey igu dhacday arrintaa, anigoo lix jiro ayaan magaalada kudhax arkay madax libaax oo lugu dhaxwado oo dadku kuxoonsan yahay kadibna anigoo kayaro cabsoonayo ayaan eegay, wixii wakhtigaa kadanbeeyey habeen badhkii unbaan arki libaax afka kalahayo oo dariisha madaxa kasoo dhiibi intii muddo ah ayaan gam'i waayi jiray illaa uu Aabahay ibaray labo duco:

1- Acuudi bikalimaatillaahi taammaat min sharri makhalaqa.

2- Inaan sidoo kale habeen walba akhriyo Birabbil falaq iyo Birabbi naas intaanan seexan.

Xoogaa sidoo kale waxaa la'iga ilaaliyey inaan kaligay seexdo illeen mariid baan aheyee oo tartiib tartiib la'ii dhiirri galiyey inaan dhib jirin.

Alxamdu lillaah waan kacaafimaaday muddo yar kadib.

Marka ducooyinkaa bal uyara akhri habeenkii intuu kagam'ayana lajoog haddii kale asaga muhiimadda sii madaama uu jirran yahay oo hakula seexdo haddii kale oodan latacaalin waxay ubadan tahay inuu sii darsado oo gaadho heer "phobia" waxa loo yaqaanno taasoon kahadhayn noloshiisa.

Waxaan kuu rajayn inuu alle kuu sahlo.

Wassalaam

Xareed

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.