site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

" SU`AASHAAN IIGA JAWAABA IDNLOO AAN IGA XANAAQIN AMA ILA YAABINBA QOFKII YAQAANOOW."

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): " SU`AASHAAN IIGA JAWAABA IDNLOO AAN IGA XANAAQIN AMA ILA YAABINBA QOFKII YAQAANOOW."
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM

WALAALAYAAL IDINKOON ILA YAABIN IIGA JAWAABA SU´AASHAN OO AANAN AAD UUGA AQOON INTEE BANAAN IYO INTEE AANAN BANAANAYN.
MARKAA SU´UAASHAYDU WAA.

MAXAA UBANAAN LABADA ISQABTA MARKAY KALA XAAJO GUDANAYAAN MAXAASE ANAN U BANAANAYN ASALBA?

IGA SOO JAHLI TIRA WALAALYAAL WAA ARIN AAD IIGU MUHIIMEE AADNA IIGU SOO FAAH FAAHIYA.

KHAYR ALLE HAYDIN SIIYO GIDIGIINBA.

WABILLAAHI TAW FIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xirsi

Unrecorded Date
Everything about sex between a husband and his wife is good if they agree and if there is no harm, except two things:

___ANAL SEX___ & ____MENSTRUATION___.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBNU-cumar

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatulaah.

salaan kadib walaalka/ walaasha soo qortay su'aashaan dabcan waxaad moodaa inaysan cadayn waxa loo ljeedo balse sidaan u fahmay ayaa waxay tahay xagee looga tagi ama galmoon karaa? taas ayaana kajawaabaa intii ilaah iga garan siiyo.

waxaa banaan in qofka dumarkaa looga tago meesha loogu tala galay dabcan waa meesha ay kadhalaan, oo aysan banaanayn in meel kale looga tago habka meeshaas uu qofku uga xaaja gudanayo oo wax qofka asaga khusaysa.

Allah (swt) aayad qur'aan ah oo kujirta suuratul' baqara ayuu wuxuu kuleeyahay. ( Nisaa'ukum xarthu lakum fatuu xarthakum anaa shi'tum waqadimuu li anfusikum:: ilaa aayada dhamad keeda)
waxaa aayadu mic neheedu yahay dumarku beer ayay idiin yihii ee beertiina uga imaada meeshaad doontaan::::::
sida culumada tafsiirka ay cadaynayaan meesha looga imaanayana waa makaanka ay kadhalaan.

NB. makaankaas wixii dhaafsana hadii looga galmoodo waxay keeni kartaa danbi tusaale ahaan hadii gadaal looga tago qofka dumarkaa waa shay aad khatar u ah diinta islaamka marka halaysaka ilaallyo.

intaas ayaan kusoo gaban gabaynayaa wixii aan qaldayna naftayda iyo sheydaan ayay ka ahaatay wixii aan asiibayna ilaah hayga abaal mariyo.

Asalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

CORRECTION: Abu Cumar wuxuu qoray; "waxaa aayadu mic neheedu yahay dumarku beer ayay idiin yihii ee beertiina uga imaada meeshaad doontaan:::::: ." Waxaan u maleynayaa inuu walaalkey ula kac u qaldin ee ay farta kaga dhacay. Micnaha aayada wuu saxan yahay laakiin erayga khaladka keenaya waa "MEESHAAD DOONTAAN" micnaha kuma cada eraygaas waxaana dhici karta inuuba danta laga leeyahay aayada khaldo oo dambi keeno. Fasirka aayada waa sidan: Haweenkiina beer ayeey idiin yihiin ee ugu taga beetiina SAAD DOONTAAN (meel walba ma ah ee waa si walba). Hal meel uunbaa banaan in lagu xaajo guto laakin qaabka iyo siyaabaha aad u xaajo gudanayso qof walba asaga ayey khuseysaa. Waad taqaan maxalu-shaahidka ee kayfiyada aad rabtid meeshaas ugu tag.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBNU-cumar

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

to muslim

walaal ilaah kheyr hakaasiiyo sida wanaaga badan ee aad usaxday inkastoo sida aad sheegtayba uusan ulajeedku ahayn sidaad rabtaan kayeela laakiin aan gadaal kusheegay oo iri waxaa lagala jeedaa halmeel oo kaliya.

Asalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kenadid

Unrecorded Date
Walaalayaal waad ku mahadsantihiin jawaabta aad kaga jaahil bixiseen walaalken ,waxaase iga xusid mudan innaan ereyada diinta ku saabsan aanu si fiican ooga fikirnaa oo ereyba ereyga ooga haboon u xulanaa si aanu ooga hortagno QALAD FAHAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Enough intelligent

Unrecorded Date
To: Anon,

aniguna waxaan aayadda qur'aanka ah raacinayaa axaadiista leh (lacana LLAAhu man aataa dubura imra'atin aw xaa'idin)oo micnihiisu yahay Ilaahay ha ka fogeeyo naxariistiisa ninkii naag dabadeeda gala, ama iyadoo xayd leh(dhiig)!!!
Dabada waad fahanteen ayaan jecelahay, waa xagga dambe.
Wuxuu kaloo nacaladay N.N.K.H.( Lacana LLaahu shaaribul kahmrri, waxaamilihi, wa baayicihi,Lacana laahu man aataa curraafan fasadaqahu bimaa yaquulu).
Oo macnahoodu yahay ( ILAAHAY HA NACALADO MIDKA KHAMRRADA CABA, MIDKA QAAD QAADA, MIDKA IIBIYA, ILAAHAY HA NACALADO MIDKA QOFKA WAX UUMIYA EE CURRAAFIGA LOO YAQAAN EE WAX SAADAALIYA U YIMAADA OO RUMAYSTA WUXUU LEEYAHAY)
Anigu ma aqaanno in la xaaraantinnimeeyey in dumarka Afka looga tago, laakiin naftaydu ma jecla, sidaa daraadeed waxba kama odhan karo.
Naagtaada naasaha waad ka nuugi kartaa ama ka jaqi kartaa oo dhibaato malaha, laakiin in laga tagaa ka khayr badan.
AL cilmu cindallaahi tacaalaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ADEN

Unrecorded Date
AS SALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUHU
WALAAL SU"AASHAADA IN LALA YAABO MA AHA SHARCIGA
ISLAAMKANA WAA IN LA IS WAYDIIYAA IN BADAN
ISUTAGITAANKA LABADA IS QABTA WAA ARIN UU QABO ISLAAMKA LAAKIIN MA AHAN IN HAWEENKA LOOGA TAGO
MEEL KA BAXSAN HALKA ILAAHAY UGU TALA GALAY
WAA MAM"NUUC IN LOOGA TAGO HAWEENKA GADAAL AMA
LAGA ISTICMAALO MEELO KALE SIDA AY SAMEEYAANBA QOLOOYINKA AAN ISLAAMKA AHAYN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaukum,

Waad ku mahadsantihiin dhamaantiin, sida aad ugu heega tihiin in aad caawisaan walaalihiina waxa aad ku dhaantaan ama ilaahay idinka garansiiyey diinta.

To Anonymous;
Waxaan jeclaan lahaa walaal in aad bal noo yara faahfaahisid gun u dhaca su'aashaadda, si ay walaalaha ugu sahlanaato in ay jawaab ku haboon ka bixiyaan. Ilaa iyo iminka waxay ku jawaabeen oo qura SIDAY U FAHMEEN SU*AASHAADDA!! markaa maxaa maxaad waydiisay arinta ay ka jawaabeen mise waxaad ula jeeday wax kale?

Haddii aad si guud ula jeedid from A to Z, inta amuurahaasi socdaan, markaa waxaan u malaynayaa in ay jiraan marjicyo arimahaas loogu laabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO KENADID,aboowo shibis ma daganaan jirteen? xaafadii seylaani?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
SALAAN "ISLAAM" KA DIB:

WALAALAYAAL AAD IYO AAD BAAD UGU MAHADSANTIHIIN SIDA ANSHAXA LEH EED U FAAQIDDEEN SU'AASHII GABADHU AY CODSATAY IN LAGA JAAHILBIXIYO...MARKAAN MILICSADAY GOLAHAAN(PAGE_KAN) WAXAAN JECLEYSTAY IN "QOOQAANI" GA SOOMAALIDU(SOMALI WARLORDS), KOLLEY YEELI MAAYAANE,SIDAN OO KALE U KALA JAAHILBAXAAN..

BAL MALEE HADDEY YEELI LAHAAYEEN?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

walaalayaal khayr ALLE (swt) haydin kasiiyo sida wacan eed iigaga jawaabteen su´aashaydii.

KU: Yaska
walaalo waad mahad san tahay oo su´aasha saas iyo si kale ba waan uula jeeday laakiin hadaan kuu cadeeyo waxa weeye, waxaa waa yahan dan be la dhex galay gaaladii oo iyagu aan waxba ka tagayn markaa su´aashaydu waa ma banaan tahay in ninku uu jaqo farjiga haweenaydiisa iyo in gabadhu iyana saas oo kale samayso, igana raali noqo haday ku cajabin waydo habka aan wax kuu way diiyey.

wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Aleukum

To Anonymous,

Marka hore aad baad walaal u mahadsantahay in aad mar labaad ku soo noqotay oo aad si cad noogu soo gudbisay su'aashadii. Ceebna ma aha in aad weydiisid waxa aad jeceshay in aad ogaatid...Culimaddi horena waxay dhihi jireen "Su'aashu waa Furaha Cilmiga".

Way banaan tahay iyo ma banaana inta aanan u gudagalin waxaan sheclaan lahaa adiga oo iga raali ah in aan bal marka hore yar guud maro Mabaadidda Islaamka ee ku saabsaan galmoodka jinsiga ee aadamaha ah.

Waa maxay ujeedaddu galmoodku marka hore? Ilaahay isaga ayaa abuuray Banii'adamka, sababta loo abuurayna waan ka wada dheregsanahay ayaan u malaynayaa hadii aan muslimiin nahay(An acbu-Laah). Ilaahay wuxuu ku abuuray Banii'aadamiga baahiyo farabadan oo iskugu jira qaar jismi ah iyo qaar macnawi ahba. Baahiyadaas waxaa ka mid ah Mid Cunto, mid Hurdo, Mid nafsi iyo mid Jinsi ahba.

Ilaahay Binii'aadamiga wuxuu siiyey dhamaan waxay u baahnaayeen ha ahaato tawjiihin, wax u sheegid iyo garaadba, Isla mar ahaantaana wuu imtixaamay si uu u kala saaro Midka camalka waangsan la yimaadda iyo midka daalimka ahba isaga oo horeba u sii ogaa.

Intaa kadib ayuu haddan waxaa uu abuuray waxa layiraahdo XALAAL iyo XARAAM si u adoomadiisa u jiribo/imtixaamo. Si loo ogaysiiyo ama loogu sheego banii'aadimiga in ay jiraan wax la Ilaahay ogol yahay iyo wax aanu ogolayn loona xusuusiyo banii'aadimiga Ujeedadda jiritaankooda ayuu ilaahay RUSUL iyo DIIN u soo diray dadka.

Rusushu waxay dadka barayeen waxa uu Ilaahay u soo diray sidii loogu dhaqmi lahaa ee loo raaci lahaa, Diintuna waxay dadka u sharciyeysaa wixii banaa ee uu Ilaahay ka raali yahay iyo wixii aan banaanay ee aan la ogolayn. Tusaale ahaan Gaajaddu waa baahi uu ilaahay ku abuuray dadka, laakiin ma banaantahay in aad Dadka woxooga xadid ama xoogtid markasta oo ay baahi ku qabato?Baahi kale oo dadka ku abuuran ayaa waxay tahay in uu qofku "Happy" noqdo, hadaba si aan happy and cool u noqono ma in ayno drug isku mudnaa miyaa mise waa in ayno is deldelnaa si aan hapy u noqono?

Baahidda shahwadeedku waa la mid, oo qofkasta waxaa ku abuuran baahidaas, Haddaba su'aasha isweydiinta mudani waxay tahay Sidee qofku haddaba baahidiisa shahwadeed u gudanayaa? Yaa noo sheegaya sida loo gudanayo?

Intaanan kuu soo gudbin jawaabtaydda waxaan jeclaan lahaa in aad bal iiga soo jawaabtid su'aalahan kor ku xusan si ay iigu sahlanaato in aan jawaab ku haboon ka bixiyo mowduuca. Raali ka ahow dheeridda qoraalkeygana, waan hadal jecelahaye.

by Yaska

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashiir35

Unrecorded Date
asalaamu caleykum walaalayaal waxaan jeclaystay inaan bal kajawaabo su.aashan iyadoo walaalihii iga horeeyay ay siwanaagsan uga jawaabeen kaliya waxaan rabaa bal inaan sheego aayada sababu nazuulkeedii yuhuuda lacnatulaahi caleyhim meel ayjoogaanba ayaa xiligii rasuulka .c.s.w. waxa ay yiraahdeen haddii uu ninku naagtiisa iyadoo rogan uga tago farjiga waxaa dhalanaya ilmo cawaran oo nacas ah oo aan fiicneyn markaas ayuu alaah yiri [nisaaukum xathulakum fatuu xarthakum anaashitum oo ah dumarkiina beerbay idiin yihiin ee beertiina meeshaad doonyaan kaga imaada macnuhuna ma.aha dabada uga galmoodee waa meeshii loogu tala galay hadhaafina idinku dhankaad doontaan kaga imaada bale waxa uu rasuulku.c.s.w. xadiith saxiix ah ku leeyahay waa malcuun qofka xaaskiisa gadaal uga galmooda waa nacdalan yahay markaa walalayaal allaah.sw.t.dhamaanteen xaqa hanawada fahansiiyo asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdirahman

Unrecorded Date
waxaan idinku salaamay salaamta eebbe ee qaaliga ah.

walaalayaal aad ayaan waxaan ula yaabay sida asluubta leh eed u wada hadlaysaan, goormay soomaalidii heerkaas gaaratay, waa arrin farax leh
walaalayaal waxa aynu ku doodayno iyo cilmigeennii wuxuu ku soo ururay qodobkan iyo qodobbo la mida. allaa nastahan cizina leh.
walaayaaal dib ma u fiirinnaa xadiiskii caanka ahaa ee uu rasuulku yiri S.C.W. "al-ithmu maa xaaka fii sadrika wa takrahu an yaddalica calayka naasu....." inteennaan wada hadlaysaa ma inagu jiraa qof ku sheekeyn kara budciga xaaskayga ayaan nuugaa ama jaqaa iyaduna dakarkayga ayey nuugtaa!? allaw xayaaga ha inaga qaadin. walaalayaal aad uga fekera qodobkan hoose.
-arrinkani waa arrin sal u ah ka hortagga dhalmada iyo taranka.
xadiiskan korena aynu isu caddayno.
wallaahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

OTHMAN

Unrecorded Date
walaalayaal asalaamu calaykum waraxmatulaah wabarakaat.
INTAAS KA DIB AAD AYAAAN UGU FARAX SANAHAY SIDA FIICAN EE LA ISKU IXTIRAAMAYO LA ISKUNA DHAGAYSANAYO.
INTAAS KA DIB QOFKII SU'AASHA SOO JEEDIYAY AMA NIN HA AHAADO AMA NAAG HA AHAATO WAXAA FIICAN INAAD KU QANACDID JAWAABAHA FIICAN OO AYAD QUR'AAN & XADIISKA RASUULKA (C.S.W.) MAXAA YEELAY INTAAS WIXII KA DAMBEEYA WAA SU'AAL AAN XAQ IN LAGU OGAADO AAN LA RABIN LAGUNA CANAANTAY UMADIHII NAGA HOREEYAY (ISRAA'IIL) EE AH SU'AAL BADAN & IN LAQILAAFO RASUULKA. ARINTA KALE MEESHAAN AAN JOOGNAA WAA ADUUN WAXAANA SAMAYNAA WAXAAN DOONO WAXAAN NALA JOOGO MALAGYO OO AAN FAARUQIN OO QORO WAX ALLA WAXAA SAMAYNO AMA FICIL HA NOQOTO AMA HADAL WAXAAN NATIIJADA HELEYSAA MARKAA DHIMATO SUURTO GAL WAXAA AH INAAD SAACAD KASTA DHIMAN KARTID EE HALA XISAABTAMO OOWAXAAD QORAYSID U FIIRSO HADDII AY QAYRTAHAY SHEEG HADDII KALE WAA ADIGA!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã.
ÇáÍãÏááå æßÝì æÇáÕáÇÊ æÇáÓáÇã Úáì ÚÈÇÏå ÇáÐíä ÇÕØÝì. ÇáÓáÇã Úáíßã æÑÍãÉ Çááå æÈÑßÇÊå æÈÚÏ
walaalayaal salaan ka dib mawduucan danbe waa xassaasi sababtoo ah soomaalidii beryahan danbe
waxay dhex gashay ummado kale taasoo keentay in ay meeshii yimaado suaalo aanan iman jirin marki waddanka la joogay.
waxaa kaloo jirta in dadka qaarkis haddii la waydiiyo ay ka lalaboonayaan suaashan saa wax aynan aqoon.
marka haddaan usoo dhaadhaco gunta diinta waxaa asal ah wax walba inay bannaan yihiin ilaa wuxuu sharciga xaaraan ka dhigo mooyee oo waxaa ballaaran xerada xalaasha oo taas waa qaacido asaasi ah.
marka anniga kuma qancin jawaabta walaalkeen cusmaan laakiin anoon deg degin baan waxaan ulaaban doonaa culimadii iyo wixi laga qoray arrintaas oo jawaab danbe baan soo qori doonaa
hadduu eebbe idmo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
sorry
waxaan ka wadaa cabdiraxman

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam 'aleukum

Cabdiraxman;

waa runtaa oo xeradda xaraanta ayaa la soo koobi karaa marka loo barbardhigo xalaasha, laakiin arintan ayno ka hadlaynaa waa very fundamental issue ayaan u malaynayaa, umana baahna in ayno iminka culimo u raadino.Muhiimadduna waxay tahay in ayno ka eegno dhanka qofka su'aasha soo weydiiyey uu ka eegayo, isla mar ahaantaana ayno barbardhigno fahamka guud ee islaamka.

Waxaan kale oo ayno u baahanahay in ayno bal eegno kala duwanaashaha waa Xaaraam iyo Ma banaana, Ma nahyi baa ku soo arooray, Ma xaaraan qadci ahbaa iyo wixii la mid ah.

Waanan sugaynaa jawaabtaadda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
assalamu calaykum
yaska
walaalow waad ku mahadsan tahay jawaabtaada waana dareemayaa arrinta iyo xajmigeeda marka igana raalli ahaw wax jawaab ah anoon wadin awgeed anoo mashquulsan awgeed maalmahan.
laakinn wax walba waxay u baahan yihiin in loo bandhigo dadkeeda waxna waan ka maq maqlay rag culimo ah marka iga warsuga ilaa goor dhow inshaalaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali omer

Unrecorded Date
aad baan uga xumahay in aad suàllo noocaas ah aad ku fekerta, taas waxey cadeyneysaa in uu ku haayo waxa lagu magacaabo sex forstration. wallal qofna hakala teshenin the sex abaut you`re wife please
Asalam.caley.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
salaan walal.
waxaa jira sex dabiici ah iyo mid aan aheyn, sida caadiga ah wax shaki ah kamataagna galmada caadiga oo ka dhexeeye labada qof ee isqaba, marka adiga ayaa goàn ka garaya midkaad rabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REERMAGAL

Unrecorded Date
REERMAGAAL
TO TALODOONE

WAXAA XAA RAAN AH IN CARABKA LOO ISTICMAALO FAJRIGA AMA LANUUGO DAKARKA


NABADEY

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

jarule

Unrecorded Date
to: reermagaal
beentaa maha
hana sameynin wixii sameynaayo ayagay utaal
bybyyyyyyyyyyyyyy

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nin_Alle

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

marka hore aad iyo aad baad ugu mahadsantihiin marka labaad, markaad ledihiin xaga dambe ma waxaad u jeedan Futada aynu arinta cadeene diintu xishood malehee dadaka jahiil sara, oo qofka oo sii jeeda aya makanka howsha laga gudaan kara marka ma tasaad uu jeedaan mise ta kale?

jaza'akumulaahu kheyran.

wasalaamu calykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Salaamad dabadeed,

Waxaad kala ogaataan waxa saxda ah iyo waxaan ahayn.
Haddii aayad ama xaddiith laguu sheego inaad ku qanacdo ayaa wanaagsan haddii ay taasi dhiciweydo khatar ayaad ku jirtaa.
Su'aashan haddaan markii labaad ku soo noqdo, waxaan uga jawaabayaa sida aan aayadaha ku aragnnay iyo axaaddiista.
Marka ILAAHAY leeyahay " nisaa'ukum xarthun lakum fa'tuu xarthakum annaa shi'tum" maaha u jeedadu ama aayadda micnaheedu dumarka uga taga meesha ay ka saxaroodaan.
Aayadda micnaheedu wuxuu yahay sidan( DUMARKIINNU WAXAY IDIINYIHIIN BEER, BEERTIINNA UGU KAALAYA SIDAAD DOONTAAN) laakiin meesha beerta lagu tilmaamay waa meesha ilmuhu ka dhasho, dhiiga caadaduna ka soo baxo.
Haddii aan dib ugu yare noqdo biology ahaan halkan, sidaan ognnahay, dumarku waxay leeyihiin laba dhuumood oo midina ugxanta (oval)ayaa soo marta markay intay wax bacrrimiya weydo ay dillaacdo waana middo dhiiga caadada loo yaqaan noqota, waana dhuunta shahwada ama biyaha raggu maraan marka ay ilmo galeenka ku socdaan xilliga lagu jiro howsha taranka hadhowna uu ilmuhu soo maro markuu dhalanayo; midda kalana waa midda kaadida caadiga ahi soo marto.
Waxaa jira xaddiith uu N.N.K.H. ku leeyahay rasuulku waa in la maydhaa gabadha yar kaadideeda markay ku jirto xaaladda caano dhanka ee aanay raashinka gaadhin (infant) meesha wiilka ay isku da'da yihiin biyo qudha lagu shubayo ee aan la maydhayn meesha uu ku kaajo, ilaa hadda xikmadda cilmiyeysan ee ku jirta maan gaadhin laakiin waxay ka mid tahay waxyaalaha fartu iigu godantahay.
Haddaba, aayadda aan soo aragnnay ee ka sheekaynaysa galmada sida dumarka loogu tegayo waxaa weeye in adigu haddaad doonto aad xaas kaaga foorarin karto haddii aad isku raacsantihiin, ama aad dhinac u jiifin karto ama aad istaajin karo, ama aad iska kormarin karto ama aad lugaha labada garab saaran karto, laakiin meesha inaad tagto loo baahanyahay waxaytahay meesha marka dib loo akhrriyo noqonaysa (liis), haddii meel aan meeshaa ahayn aad tagto, adigaa xaajow ku dhib qaba.
Dhinaca afka oo dumarka looga tago (oral sex) maahan galmo ee waa arrin kale waxaana halis ah in cudurro ay dhalliso ay ka midyihiin unugyada dhadhanka ee carrabka oo dhinta oo markaa qofku aanu dareemi karin dareenka dhadhanka carrabka markuu wax cunayo, biyaha dumarka oo huruud xigeen ah iyo kuwa ragga oo caddaan ah marka ay midba midka kale afkiisa galaan, maaddaama ay labadii qof ka tageen meeshii loo sameeyey inay aadaan.
Haddaba, qof walbow ku samir inaad aaddo meeshii Ilaahay kuu banneeyey oo aadan aadin meel khatar iyo cudur leh.
Ilaa xilli dambe, salaama.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

1990#####

Unrecorded Date
SALAAMA CALAYKUM DHAMAAN:

TO enough intelegent:

Ina adeer waad ku sugtay thanks a lot na for your information.

and thanks to all,kuwa ka shaqaynaya wanaaga

WABILAAHI TOWFIIQ

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abumuscab

Unrecorded Date
aad bay u fiican tahay su aalaha ka faaiidaysigoodu.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DULMI DIID

Unrecorded Date
kulan wanaagsan :

Saaxiibayaal sidaawanaagsan aan

iskugudayno in aan ukalafaa,iidaaysanaa


mahad sanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SH.MASHAAKIL

Sunday, September 03, 2000 - 03:46 am
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI .
SUAASHA AY SOO WAYDIISAY WALAASHEEN QOF KA JAWAABAY MA JIRTO OO WAXAAD U QAYBSATEEN QOF WACDI CAAM AH KA HADLA IYO QOF LA AADA MOWDUUCA KHAARIJKIISA .

JAWAABTU WAXAY TAHAY MA BANAANA QOOLKA UGU SAXSAN CULIMADA LABA ARRINBA ;
1-MARKA HORE WAXAA NALAGA REEBAY IN AAN RAACNO GAALADA (QUR,AANKA IYO SUNNAHA SAXIIXA AH).
2-WAXAA UU ILAAH NA AMRAY IN AAN ISTICMAALNO WANAAGA ,NAGANA REEBAY WIXII DHIBAATO KEENAYA, NAJAASTANA LAGA FOGAADO , MARKA WAXAAKA SOO BAXA RAGA DAKARKOODA (MADI) OO AH NAJAAS FARJIGA HAWEENKAN WAA LA ISKU QILAAFAY (RUDUUBADIISA)=QOYAANKAIISA .
WAXAA JIRA MADHABTA MAALIKIYADA SHEEKH KA MID AH IN UU BANEEYE MANA AHAN NIN LOO ICTIMAADO MADHABTA SIDA UU KU SHEEGAY SH, IBNU CARABI KITAABKIISA (AXKAAMA AL-QUR,AAN).

WASALAAMU CALAYKUM
WAA SH.MASHAAKIL .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Tuesday, September 26, 2000 - 01:54 pm
as-salaamu calaykum.

Walaalayaal xaqa in laga jaahilbaxo ceeb malaha.
waxaana jira kuwo ku ababay ku dayashada kuwa aan haba yaraatee waxba ka ogayn Diinteena daahirka ah.

jawaab anigu mabixinayo waayo rag iga cilmi badan ayaa halkan kaga jawaabay,
laakiin waxaan jeclaystay walaalayaal waxaa jirta inaan ogaaday arimo khatar ah idinkuna intiina reer galbeedka soo galayoow ila ogtihiin.

waa xanuunada lays qabad siiyo galmada ku faafa inta badan oo aad ugu fidsan kana dhasha FAAXISHADA ay xalaalaysyteen.
kuwaas ood moodo inay dadkeeniina wax kasoo gaadheen.Ilaahay ka inaga nabad galaiyo.

waxaan walaalkasta oo rag iyo dumar iyo waalid carrurtooda u guurinayaba kula talinayaa inay,aad ugu adkeeyaan labada dhinacba inay isa soo baadhaan.intaan lays guursan,dadkana lafahamsiiyo inaanay ceebi ku jirin ee ay TAXADIR uun tahay.
waayo dadkeenu arimahaa aad uma fahamsana.

waayo gabadh wax soo qastay ayaa wiil dhawrsan masiibadaa u keeni karta!
sidoo kale nin wax soo qasay ayaa isaguna gabadh dhawrsan masiibadaa sabab ugu noqonkara!

arimo dhacdooyin ah ayaan ogaaday,DIGTOONAADA WALAALAYAAL DIGTOONAADA!!!!!!!
adduunku sidii hore maaha.
wa biLAAHI TAWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Raaqiya

Tuesday, September 26, 2000 - 04:51 pm
ASALAAMU CALEYKUM

WALAALAYAAL
AAD BEY U FIICAN TAHAY IN LAYS WAYDAARSADO
AQOON CILMI KU DHISAN. MARKA WALAALAYAAL
WAXAA ANIGA SHAKI IGAGA JIRA IN NAASAHA
DUMARKA LA NUUGI KARO MARKAA WALAALAYAAL
HADII AAD DALIIL AAD HAYSAAN INEY BANAAN TAHAY
IYO IN KALE.WALAALAYAAL ARINTAA IGA JAAHIL BIXIYA.
WA SALAAMU CALEYKUM WARAXMATULAAH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Tuesday, September 26, 2000 - 08:44 pm
Asalaamu Caleykum

Waxaan marka hore ka cudur daaranayaa inaan halkaan wax ku qoro anigoon cilmigeed laheyn ayna xun tahay dad iga cilmi badan inaan hortooda wax ka iraahdo balse ha la iiga cudur daaro arrinkaas;

Marka xigta arrinta meeshaan lagu falanqeeyay jawaabteeda dhamaanteed waa la isku raacsan yahay laakiin qof cadeeyay ayaaba iska yar anigana aan mowqifkeyga ka eego laga yaabaa in Alle i garansiiyo. Oral Sex waxa loo yaqaan oo ay gaaladu ku dhaqanto ayaa maanta Muslimiinta caado u noqday balse waxaaba ceeb ah in qof Muslim ahi uu ku hadlo amaba uu waxaas oo kale niyadiisa ku soo dhaco laakiin su'aashu cilmiga ayey kordhisaa waa hadii loola dan leeyahay. Falkaan xun diinteenu wax xaaraatimeysay waxaan daliil u ah aayad qur'aanka ku jirta oo oraneysa "Walaqad karamnaa banii'aadama waxamnaahun......." Suratul-israa. Aayad micnaheedu waxay tahay waanu karaameynay aadanaha waxaana ku xambaarnay badda iyo bariga waana ku irzaaqnay waxyaalah fiicfiican. Sheekh caalim ah ayaa la weydiiyay su'aashaas saas ayuuna uga jawaabay cidii taqaan ayaa og waxaa lagu weydiiday Islamic conference ka dhacay CHICAGO, USA (AINA 7TH ANNUAL CONVENTION, on May 26-29, 2000). Su'aasha u baahan in la is weydiiyo waxay tahay "KARAAMO MA LEEYAHAY qofka ku dhaqmaya waxaan? Karaamadii lagu sheegay qur'aanka asaga ayaa iska qaaday. Sideedana ma fiicna waxa loo yaqaan ISHAAFALATADA....wixii lagaa reebo ka har wixii lagu amorana waxaad awoodo kala imow. Reer banii'israa'iil ayey ahaayeen kuwii ishaafalateeyay kaluunkii laga reebay deedna Alle ku halaagay.

NAAS NUUJINTA:

Waxaa su'aashaas hada ka hor la weydiiyay Sheikh Max'ed Saalix CUTHEYMIIN, wuxuuna ku jawaabay sidatan: waxba yanan ku faahfaahin ee indhahaaga ku qanac, waxaad taabataa linkigaan ka dibna su'aasha numberkeeda gali http://www.islam-qa.com numberku waa 2864. Hope that helps.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 27, 2000 - 01:11 am
WALAALAYAA WAXAAN IDINKU SALAAMEY SALAANTA ISLAMKA WALALAYAAL WAXANA JECLEYSATEY IN AAN SU'AAL KALE OO AAN MIDAAN QUSEYN IDIN WEYDIIYO. SU'AAHSAAS OO AH NIN IYO NAAG MA IS GUURSAN KARAAN AYGA OO AAN TUKANIN LABADOODABA AMA TUKADO MID KA MIDA? MIDA KALE WAA NINKA HADII UU FURU NAAG IYADA OO UUR LEH KU FURO HAL DALAAQO. MA SOO CESHAN KARAA MARKA AY DHASHO KADIB.IYADA OO AAN SOO GUURSAN NIN KALE????
WALALAAYAA AADIYO AAD AYAAN UGU FARXI LAHAA HADII AAD II SOO JAWAABTAA JAWAAB SAX AH..
WASALAAMU CALEYKUM....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Wednesday, September 27, 2000 - 06:24 am
Asalaamu Caleykum

Waxaan u maleynayaa inay fiicnaan laheyd hadii aad su'aalaha aad qabtid si personal ah ula tagi laheyd culumada localka ah ee degan meeshaad joogtid hadeysan jirin waxaad heli kartaa websites and 1-800 numbers oo loogu talagalay FATAAWA kuwaasoo la hubo raga ka jawaabaya laguna kalsoon yahay source-ga ay kala imanayaan daliisha su'aalaha. Waxaa intaas ii dheer inaan kaaga digo dadyowga aad weydiineysid su'aalaha cilmigooda meesha uu gaaarsiisan yahay iyo qaabka su'aasha loo weydiinayo maxaa yeelay dad ayaa jecel inay su'aasha soo celceliyaan ilaa looga jawaabo qaabkey rabeen amaba culimada iska horkeena taasna kama wado adigaa saas suubinaya ee waa waaqica maanta lagu hayo umadeena soomaaliyeed. Cilmi yaraanteyda ayaan ka cudur daaranayaa balse ogaada in su'aal ka jawaabida aysan wax yar aheyn maxaa yeelay Imaam Maalik ayaa waxaa dhici jirtay in 40 su'aalood la weydiiyo una ka jawaabo hal ama labo marka iska ilaaliya hana ku dagdagin jawaabaha.

Asalka hadii aan ka eegno su'aasha hore, labada qof aanan tukan guurkooda ama nikaaxooda siduu noqonayo, culumadu wey isku khilaafeen waxayna qaarkood yiraahdeen ka tagida salaada waxay keentaa gaalnimo qaarka kalena waxay yiraahdeen gaalnimadaas ma ah mid diinta looga baxayo ee waa KUFRI DUUNA KUFRI. Marka hadba kaad tiraahdo gaal ama gaal midaan ka fogeen; gabar Muslimad ahi gaal guri uma gali karto. Tan ma keenayso dad wada dagan hada in lagu kala eryo ee waxay u baahan tahay sidaan sheegay qofka qaabka su'aasha uu weydiinayo culumada qaabka iyo erayada uu isticmaalayo ayaa loo baahan yahay in la eego lana fahmo danta iyo meesh ay dhibta ka jirto. Amaa mida kale, naagtu wuxuu furi karaa markey uurka dhigto oo ay sadex caado ku dhacdo kana daahirto uuna mudadaas wax jamaac ah la suubin markaas ayuu furiinka ansaxayaa (waxaa jirta c/laahi ibn omar inay arrintaas ku dhacday nabigana amray inuu soo ceshado uuna furo markey dhasho ka dib) hadii kale wixii intaas dhaafsiisan raga iga cilmiga badan ayaan rajeynayaa inay is saxaan; wixii khalad ahna Alle ha iga cafiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Wednesday, September 27, 2000 - 06:46 am
asalaalmu calaykum.

walaalaha halkan su`aalaha kusoo qorayoow anigoo aan dacninayn culimada iyo walaalaha juhdiga galiyey inay idiin soo jawaabaan,hadan waxaan idinleeyahay arimaha sidaa oo kale ah sidii walaalkeen Muslim idiinku naseexeeyey culimada aad meel la joogtaan waydiiya.

Qofkii isagu aan cilmi doonid ahayn ee arimahaa ay ka tahay inuu iska jecelyahay inlaga hadlo,waxaanu leenahay guur ayuu u baahan yahay ee haku dadaalo siduu wehel SAALIX AH u samaysan lahaa!!!!

..................................................
Walaalka Muslim labaxayoow Ilaahay hakaa dhigo Muslim,Mu`min iyo MUxsin isku jira waaanad ogtahay inay sii kala darajo sareeyaan.oo IXSAAN-ku ugu sareeyo,

walaal waxaan ku leeyahay ZAADAKAL-LAAHU CILMA.

waxa kaliya oon kaa saxayaa Quraanka weligaaa afsoomaali iyo luqad kale toona haku qorin,sida aayadii ku saabsanayd in banii Aadamka la karaaameeyey.
Sh.aanan hada magaciisii xasuusnayan ayaa yidhi waxaa haboon in lagubo dhamaan kutubta lagu qoro luqadaha kale ee aan ahayn sidii uu Ilaahay ku soo dejiyey.LUQATUL-CARABIYYA,WA LUQATUS-SUNNAH.
iga raali ahaw.

sidaa oo kale hadiyo jeer noogu faa`iidee una dulqaado waxmagaratada!!!

umalkhair

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

martihore.

Wednesday, September 27, 2000 - 05:58 pm
Ummulkhair.(salamun caleykum).

1- Sidee dadkaan carabiga aqoon kitaabka quraanka ku ogaan karaan micnihiisa isagoon loo fasirin?.


2- Ma waxaad leedahay waa qalad in quraanka lagu fasiro luqad kale oo lagu jamciyo sida la yeelo dhinacna carabigii dhinaca kalena luqaddii kale?.

3- Sheeqa sidaa yiri ma la tusey wanaagga lagu gaarey fasiraadda quraanka lagu fasirey luqadaha kale?.

4- Mise waxaad ula jeeddaa lafthiga quraanka inaan lagu qorin xarfo aan aheyn xarfaha carabiga sida kor ku xusan?.

5- Haddii la gubo kitaabbada ku qoran luqadaha kale ee dadka lagu gaarsiiyo islaamka, Dawlad islaamna ayan jirin islaamka gaarsiisa dadka sida diintu qabto oo jihad u gasha kalimadda ilaahey iney sara ahaato, Waddadee hartey marka islaamka in loogu adeego.?

6- Maxey ka yiraahdeen arrintaa Al-bani, Bin baz, iyo mashaayiqda ogeyd in kitabka lagu tarjumo luqado badan si dacwada loo gaarsiiyo dunida mar haddii ayan jirin dowlad ku saleysan khilafah islaamiya oo u adeegta diinta ilaahey oo ku duusha ama ka duusha islaamka dartii?. (ogow meesha ugu badan ee lagu tarjumo kitaabbada waa sucuudiga markazkeda dacwada).

7- Sheeqa sidaa yiri waa sheeq cutheymin jazahullahu kheyran. In sidaad u tiri uu yirina makuu sheegi karo oo maanan dhegeysan muxaadaradiisa waxaase ii sheegey hadda ka hor halkan somalinet forumskeeda walaal la yiraahdo abuumucaad ama walaal kale oo aan xusuusan usernamekiisa.

8- Ninkaan sheeqa ku raacin warkaa isna sideed u aragtaa oo ka keena su'aalo sidan anigaba yeeley ma salafi baa isna mise salafinimmadii waa kabaxay?.

formerguest.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Thursday, September 28, 2000 - 03:47 am
asalaamu calaykum.
walaal martihore: waxaan ula jeeday inaan Quraanka lagu qori karin lafdigiisa luqadkale.

u fiirso walaalkii kor ku qoray aayada Ilaahay leeyahay "xaqiiqdii waanu karaamaynay banii AADAMka wuxuu ku qoray lafdigii luqadeena.

ta kale waxaan kuugu bushaaraynayaa inaanan dhagaysanin,waxna ka baranin SHEEKH aan haysanin ,ku dhaqmin manhajkii SALAFKII SAALAXA AHAA.

FALILAAHIL XAMDU WALMANNA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

martihore.

Thursday, September 28, 2000 - 09:43 am
Ummulkhair.

Wacaleykum Assalaam.

Waa kuu kheyr inaad salaf wax ka barato. Su'aal.
Aragtida islaamka uu qabo waxaa ka mid ah gaar ahaan salafka inannu jirin axad macsuum ah oo aan qalad ka dhici karin.

1- Maad aamminsan tahay mashaayiqdaada iney macsuumiin yihiin ayagu ?.

2- Masa'alo maad ku khilaafi kartaa mashaayiqda ?. Haddey dhacdana waa noocee mas'alada aad ku qilaafi karto.?.

3- Goormaad jamaacada ka bixi kartaa oo lagu goyn karaa haddad mukhaalif tahay?.

4- Salaad malagula tukan karaa haddaad saxeyso saladda maca sunnah caqiidadaadana la og yahay waxey tahay?. Macal mukhaalafah.


Isku dey inaad waqti usoo hesho arrimahan si aan uga faa'iideysto. wassalaamu caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Friday, September 29, 2000 - 03:18 pm
Ummulkheyr.

Walaal arrimahan maad ka baqdey jawaabahooda inaad iisoo raadiso. Waa laga wada faa'iideysan lahaa ee bal ku dadaal inaad ama adiga ka jawaabto ama sheeqaaga adigoo halkan kusoo bandhigi doona daliilka. Haddad ka cabsaneyso in jawaabta ay keeneyso in sidaad u dhaqantaan xujada ku oogantana fasax baad tahay. Aniga waxaan heystaa miqyaaska qofka la saaro inkastoo cilmi badan aanan laheyn. Ilaa aan arkayo qofka dhaqankiisa diineed inuusan ka baxsaneyn kii ilsaamka farayey caqqidadna kasaaristeeda howsheyda maahan, La tukan maayana oran maayo ilaa ay salaadda sidii rasuulka scw u oogayaan, Cilimigana markaan aarko iney ka duwayaan dariiqii salafka haddee taa qof kastoo wax u billaban yihiin waa garan kara inuu yiraahdo:

1- MADDALIILU CALAA DALIK?

Xusuuso in qofina uusan aheyn macsuum illa rasuulka ilaahey oo aan marnaba la caasin karin. Cumar ibnu khattaab yaa lagu raddin jirey mas'alo haddii laga gar leeyahay dadka muslimmiintana muusan oran jirin waad caqiido xuntihiin. Aniga nafteydaan mas'uul ka ahay intaan idinka arkeyna Waxaa ugu fiican Kitaabka alle iyo axaadiista ad aqrisaan. Amma shuxshuxdiinna hoose iyo sidaad u rabtaan in islaamka loola dhaqmo waa waxaan aakhiro la iila kiin soo safi doonin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHAALIBUL-CILMI

Saturday, October 07, 2000 - 07:20 pm
TO:SH.MASHAAKIL:
WALAAL WAXAAN KA MAQAN MACRIFADII ILEEN WAXAAD TIRI IBNU-CARABI WAXAYNA KU DHACAYSAA NINKII SUUFIGA AHAA LAAKIIN WAA IBNUL-CARABI AL-MAALIKI.
TO:MARTI
WALAAL XAGEED KALA QAADAY INANTA MEESHASE SU'AALO IYO JAWAABAA LOOGU TALAGALAYE XAGEEBUU KA SOCDAA WEERARKAAGU?
TO:YASKA
WALAAL MA CAQLIGEENA AYAAD YASAYSAA WAA MAXAY YASKU,MEELA KALANA WAAN KU ARKAYE!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SH.MASHAAKIL

Wednesday, October 18, 2000 - 08:32 am
TO ;DAALIBU CILMI;
WALAAL WAAD KU MAHADSAN TAHAY BARAARUJINTAADA EE OGOW IN KITAABKA AH [AXKAAMUL ALQUR,AAN ] UU LEEYAHAY ABUU BAKAR IBNU AL CARABI.MARKAA WAA MAFHUUM OO WAX ISHKAAL KAMA GELAAYO CULUMADA LAAKIIN WAA SUURTA GAL ARDAYDA IN AY KALA SAARI KARI WAAYAAN.
WA SALAAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Wednesday, October 18, 2000 - 09:08 pm
Dhaalibu-cilmi.

Ummulkhair yaa awlaa iney i weydiiso meeshaan kala dagaalsanahay. Sow maadan arag afka soomaaliga iyo diintaba sidey u qori taqaan?. Adigana waa inaad ka jawaabtaa su'aalaheyga kore haddeynaan kula aheyn su'aalo. Intaan wax ka badan oo bayaamiya ulajeeddadeyda haddad rabto waan hayaa falacallahaa takun fitnah wafasaad sidaa daraaddeed inta hore hadal ha iga ahaado. Haddaadse iga dalabto tafaasiil dheeraad ah waan hayaa ee bal soo jawaab. Ama tag oo booqo meesha loo furtey in wax looga sheego salafiya iyadoo gadaal laga raaciyey jadiidah. Meeshaa yaan ka dhiibtey waxaan ka rabo Ummulkhair iyo walaalha la midka ah. I hope that helps.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Wednesday, October 18, 2000 - 09:30 pm
Ama tag meeshaan oo arag waxaan qorey. Waxaa laga yaabaa sidaad tiri weerarkeyga inaad fahamto. Ee aqri meeshan. Warka inaan meeshan uga haro yaan jeclahay dood badan waxba ma faa'iideyso. Haddaadan qanacsaneyn laakiin tafathal.

http://somalinet.com/forums_archives/4669/8835.html

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.