site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ISLAAMKU MUXUU KA QABAA DADKA ADOONTA AH, AMA HALA SOO QAFASHO AMABA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): ISLAAMKU MUXUU KA QABAA DADKA ADOONTA AH, AMA HALA SOO QAFASHO AMABA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SDR

Unrecorded Date
Waxaad marar badan arkaysaa in dad sida adoonta ah, islaamka laga dhex helaayo, dadkaasi oo boqorada ama dad awood badan u shaqayn jiray, dadkaasi muxuu islaamku ka qabaa???????
miyaa la ogol yahay islaamka adoonsiga dadka???
fadlan ha igu eedayn gaalayn iyo inan islaanka meel uga dhacayo, keliya jawaab ayaa doonayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

player

Unrecorded Date
ADIGU SIDEE KULA TAHAY??


Walee dadkii muslimiinta u dhashay ayaaba su'aalo noocaan ah dadka weydiinaye kuwii kale xagey joogaan, war orodo su'aal laga faa'iidaysano dadka ula tag. ma ogin in su'aasha badan islaamku reebay. gaalo ayaa human rights iyo wax kale ka soo maqashay markaasaad diintaada ula soo noqotay. Xadiis baa waxaa ku cad in dambigu uu yahay waxa qofka uu ka baqayo inay dadka ku arkaan adigana waxaa su'aashaada ku cad inaad ka baqeysid eedeyn iyo dhaleeceyn marka inay su'aashu dambi tahay saas ku ogoow. use ur brain nextime

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu caleykum!
SDR,
Walaal Islaamku ma ogola in inta dad lasoo xir-xirto ama lasoo qabsado la yiraa waa "adoomahaygii". Maya, saxiib!.

Mida kale ma jirto dad "race" ama jinsi qura oo loogu talagalay ama loo abuurey in la adoonsado. Waxaan u maleynayaa, jirtana in sabankan aan joogno la heleynin wax la yiraahdo "ADOON".

Waqtigii saxaabada, adoomaha aad maqashay ee dagaalka lagu qabsado "qaniimo ahaan" waxeey isugu jiri jireen "race" walba, cadaan, carab & madoowba.

Walaal, wixii inta saida ah, weeydii oo iga dhaadhiciya dheh culumada joogta meeshaada.

F.G. Haddii aanu soomali nahay & weliba dadku badankiis (inkl. carabta badankood) Waxa aanu u naqaan ADOON & waxa uu xag diin ahaan yahay isma lahan.

W/salaamu.....

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.