site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

NIMANKA AL-ITIXAADKA AHI MAXAY UGU U LUGOOYAAN GABDHAHA WALAALAHEEN AH MARKA AY NOQOTO XAGA GUURKA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): NIMANKA AL-ITIXAADKA AHI MAXAY UGU U LUGOOYAAN GABDHAHA WALAALAHEEN AH MARKA AY NOQOTO XAGA GUURKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM

waxaa in dhawaydba sii shaac baxaysay in Nimanka ka tirsan ururka AL ITIXAAD ay gabdhaha walaaleheen ah ee qurxaha badan ku soo galaan UKHTIII,,,, UKHTII, kadib marka ay gabadhii is tidhaahdo wiilkan wadaadka ah ee wanaagsan yaan lagaaga horayna ay markiiba la guursadaan iyada oo xataa mararka qaarkood aan aqal gaysan. Waxaan arkay nin aanu saaxiib nahay oo gabadh aad u wanaagsan oo aanu daris ahayn guursaday oo isaga oo aan wali la aqal galin laba kale ka dambaysiiyay, Markii ay yara masayrtayna ku yiri UKTII (LAAYUKALIFU LAAHU NAFSAN ILAA WUSCAHAA) oo ah aayad Quraan ah, macnaheeduna yahay Nafna wax aanay karin ama awoodin ilaahay kuma dhibin (Markaa UKHTIIII NAFTAA KU DIIDAY) oo caado u noqotay ITIXAADKA.

BAL hadaba Gabdhihii wada garoobaysa e ma sidan baa wanaag moodeen waar hooy sida halaysu dhaamo oo haweenka lugooyada halaga dhaafo.

Tani waa dood furan marka fadlan maxaa xal ah gaar ahaan gabdhahoow. Waxaan dareemay in baryahan ragii ITIXAADKA ahaa gabdhihii laftoodii ku kululeeyeen MEHERKII oo ay 1 kiilo---5 kilo oo dahab ah meher u qabsadaan. marka ay guursanayaan raga kale ee aan ITIXADKA ahayna ay KITAABKA QURAANKA QABSADAAN!

RAG IS GURAYEEEE

ka baxaye bulshooy qabo

xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxay ahayd qof jin yar hadana caato ah oo dar yeelo xumo badani ka muuqato. Iyadoo saddex jir ah ayay hooyadeed dhimatay reerkooduna
wuxuu ahaa reer baadiye. Markay shan jirsatay ayay xoola raac bilowday ilaa dagaalkii dhacayna weligeed tuulo ma arag.

Ayadoon weli 17 gaarin ayuu aabaheed nin ku daray. Wuxuu ahaa wiil dhawr iyo labaatan jira oo dherer dhexa ah, aad u cas oo gar aan haareed
lahayn buu lahaa. Wuxuu ka tirsanaa Jamaacadda oo hay'ado carab ah ayaa raashin iyo macaawinooyin kale masaakiinta ugu dhiibi jiray.

Isagu wuxuu ka mid ahaa saraakiisha Jamaacadda waxaan lagu magaacabay Taliye qaybeed. Wuxuu xirtaa sarwaal anqawga korkiisa afar farood
in le'eg jooga iyo shaati weyn oo jilbaha soo gaara, cimaamad guduudan oo baro baro cad leh madaxuu ku duubtaa. Abu Laith (Libaax) ayaa
loogu yeeraa. Jamaacadoodu goobaha dagaalka ugu ba'an bay u diraan oo geesi aan baqan oo Shahaado doon ah.

Labo bilood ayuu la joogay tuuladooda, ka dibna aag cusub ayaa waajib looga diray. Labo bilood oo keli ah ayay xaas u ahayd. Isla markiiba uur
baa ku soo baxay.

Aad bay walacii ugu xanuunsatay, markay afar bilood ahayd ayay ilmihii ka dilmeen iyaduna xanuun ayna weligeed arag baa qabtay. Waa eedin
baa lagu yiri. Siddeed bilood ayay sidaa ahayd isagana ayna war ka helin.

Hay'ad samafal ah ayaa tuuladii timid markii ay u tagtayna waxay u sheegeen in ay cudurka Tb (Qaaxo) qabto aynu tahay in ay si deg deg ah
Isbitaalka weyn u tagto.

Tuuladii dadka joogay ayaa qaaraan iska uruuriyay ninkeedii wuxuu joogaa magaalad weyn ee isbitaalku ku yaal. Markii ay magaaladii timid
waxay Jamaacaddu u sheegeen in uu meel aan fogayn gaaray toban ilaa iyo shan toban maalmood ayuu ku soo noqon doonaa Haddii Ilaahay
Idmo ayaa lagu yiri.

Waxay tagtay Isbitaalkii oo loo sheegay in uu buuxo. Gabar kalkaaliso ah ayaa ku tiri bal wax yar isug. Dhakhtarkii bay u tagtay oo ku tiri
waxaan kaa codsanayaa in aad gabadhan aragto.

Dhakhtarkii markuu arkay wuxuu sheegay in cudurka Tb ay u weheliyaan cuduro kale iyo nafaqo xumo. Markiiba meel baa loo goglay. Saddex
bilood ayay isbitaalka ku jirtay isna maalin keli ah ma soo booqan. Hadda waxay ku mehersan tahay 18 bilood.

Lix bilood oo kale ayay magaalada joogtay. Isbitaalka ayay deganayd oo shaqo nadiifiso ah laga siiyay. Labo sano ayaa dhamaatay welina may
arkin. Markay Jamaacadda u tagto hadda ayuu soo noqon ayaa lagu yiraahdo waxaase loo sheegay in uu magaalada jooga xaas kelena ku
leeyahay.

Tuuladoodii bay ku noqotay. Saddex Sano ka dib ayaa mid cimaamad guduudan reerka duleedkooda soo istaagay:

As-Salaamu Calaykum
Wa Calaykum As-Salaam
Yaa Akhii Ukhtii ma joogtaa?
Yaa doonaya?
Alaab baan u sidaa?

Bac cagaaran oo kutubo iyo warqad ku jiraan ayuu deedka korkiisa ka soo dhiibay. Wuuna diiday in uu soo galo aqalka.

Warqaddii markii la furay ayaa loo akhriyay.

Waad furan tahay Meherkaagii oo ah Kitaab Qur'aan ah iyo dhawr kitaab oo kale ayaan kuu soo diray. Ilaahay ka baq!


Ilaahayow Noo Naxariiso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous.

Unrecorded Date
Walaalkiin.

Si sahlan maad isaga aflagaadeysid dadka muslimka ah. Ilaahey baa cabsi kaa mudan. Kolley waad jeceshahay dadka muslimka inad hilibkooda cunto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous.

Unrecorded Date
Munaafaq walba intuu wadaad iska dhigo isagoo ilaahoow noo naxariiso leh misana addoomada ilaahey wax haka sheego. Dulli ilaahey ha saaro ninkii nin muslim ah ogaaan wax uga sheega isagoo u dan leh inuu ceebeeyo oo waxaan jirin dusha ka saaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NEEFOOWKANIINI

Unrecorded Date
Wallee !!!!ehe!!!!Wallee la isla arag baan is iri waar meeye kuwii meelayowga la taagtaagnaa UKHTII AKHII baa kuu taagan,, Waar dubaakhdu idin saaran ee bal nacnacdiinii halkan la yara imaada oo is difaaca waakan hugunka la idiinka kiciyee,,,wagac oo haddanna wagac ,,,wagac ,, meeye wixii !!! ehe


neefoowkaniiiiiiiiini,,,,,,,NEEFOOWKANIINI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
niman siday qaad iyo balwad ugu siijeedeen gabdhihii naceen baa meeshaan isku jiibinaaya balkan wuxuu qoray fiiri.
-gabdhihii quraxda badnaa bay guurasadeen....
-gabdhaha walaaleheena!!, goormaad gabar wadaad ah walaalo noqteen walaashaa waa tan disco-ga kuu raacdee.
gabdhuhu haka hadlaan mawduuca ee iska aamusa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

alicade

Unrecorded Date
Walee waad facshirantihiin tii aakhirona way idin sugaysaa hadeydaan Ilaahey u soo laabanin. Alle wuxuu balan ku qaadan inuu la dagaalamo kii adoomadiisa wan-wanaagsan dhiba marka dagaalka Ilaahey u diyaar garooba cida guulaysan doontana shaki kuma jiro. Umada Muslimiintana wax sheegsheeg wax kama dhibo ee ogaada inaysan cudur daar idiin noqoneyn waxaad sheegaysaan. Islaamku meel cad ayuu ka istaagay xanta, xinta iyo munaafaqnimada, Allena ma cafiyo xanta dhamaanteed ee cida cirdigooda la baneystay ayuu cafika u yaal. Ma jaahilnimo ayaa heerkaas idinku qaaday mise maseer ayaa idiin gaysay, dadka aad wax ka sheegaysaan aduun iyo aakhiroba way hormareen ee adinku maxaad haysaan,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous.

Unrecorded Date
Wax kasta waxaa kaliita midkaan walaalkiin isku sheega oo inta ilaaahoow noo naxariiso yiraahda haddana si cad u garab mara "barkiin yuusan xaman barka kale, miyuu jecel yahay midkiin inuu hilibka walaalkii cuno".

Bal sheekadiisa oo uu ka cabbirey dadoo idil hal nin wuxuu sameeyey oo ilaahay ogyahay iney jirto iyadana eega. Jaahil waaba loo cudur daari karaa illeyn nimaan nabi maxammed magaciisa aqoon oo iska jidbeysan waxba hadal ma mudno. Laakiin midka intuu diin bartey misana cuqdad iyo naceyb qalbigiisa ka buuxo ka warrama?. Ilaahey haku caafiyo walaalkiis.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabar caraysan

Unrecorded Date
Walaalkiin plah plah plah..... walaalkey ma tihid ee sheekooyinka maraxa ah meesha kala tag ....wax kaa dhugta inta weysay ayaad malin walba dadka muslimiinta ah wax ka sheegtaa....you look like geel jire aan waligiis diin wax ka arag.... taada ka soo bax markaas dadka muslimiinta ah wax ka sheeg Istaqfurulaah, teeda kale sheekooyinkaagu naxwe ma laha ee hays daalin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Unrecorded Date
TO; ninka iska hadlay
abaalkaa maku haystaa hota cagtii joogsa waydaa marbay ceeb lakulantaa adkayso

waxaan layaabay isga lee isu nacamlaynayee qofku raacsan majiro wuxuu qoray

waxaan u malaynayaa hada isagaa isla yaaban wuxuu ku hadlana wuu garan la yahay

anaa kuu sheegaayee alla u toobad keen dadkana cafis ka dalab dibna waxaan ha ugu laabanin haduu ilaahay kaa nabad saaro

ilaahay kacabso nin yohow hada ka horna marbaan sheekada gabadha sadex jirka ah inta ka akhriyay adaana soo qoraan u malaynayaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous.

Unrecorded Date
Walaalkiin Aka dhoorre. Good reason why Allah sent messengers from MAGAALO. I guess to avoid like walaalkiin. Marax marax kale jirin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RAAQIYO

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

abooweyaal waxaan ayaantaan la yaabanahay Nimankaan oo Alitixaad ka ah maxay gabdhaha markiiba u furaan horta. meekha gabar oo aan is nakhaano aa goroob laga dhigay ay midoo kale ka daba keeneen. wah wah wah gabdhaha ukhtii ukhtii beenta ah halaga dhaafo Walaalkiin waa saxsan yahay.

waxaan ogsoonahay qofkaaneeyto marna ahmed la soo baxaayo marna anon marba magac intoow soo khoro dhahaayo xaqa haweeenka saan waaye isla yaab aboowe oo adiga toobad keen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TIMA-FARAS

Unrecorded Date
Ruqiyo intaadan islaamka wax ka sheegin
eeg hoostaada,meeqa gabdhood ayaa la furay
magaalada aad joogto?u fiirso 90% waa gabdho
aan wadaado aheen.waxaad kaloo fiirisaa
guryaha dhisan 90% waa guryaha wadaadada
walaal isa sax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,,Ceeb weeye TIMA FARASOOW,,,,ceeb,,,ceeb dumarkana laguma yiraaho "hoostaada eeg",,ceeb weeye maandhow ee doodu meesheedee aflagaadadu reeban,, TIMA FARAS aashaa !!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

hassan dheere

Unrecorded Date
to neefoow kaniini
waxaan mooday in aad tahay reer mudug oo afsomaliga si fiican u taqaan laakiin waxaan ogaday in aad tahay reer xamar jajab iyaga ayaan afka si fiican u aqoon.e
hoos taada fiiri ma aha adigu hoostaada fiiri ee waa dadka deriskaaga ah fiiri
timo faras
adiga gabadha ka daa daadiska wax dhibaato ah meysan sheegine

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

nabad-doon

Unrecorded Date
to:dhammaan akhyaarta oo dhan

waxba yaan dood laga dhigan waxaan oo kale , waxaan ka codsanayaa in walaalkeen (hadda ka hor waan iri) uu yara caddaalad sameeyo, way dhici kartaa arrinka uu sheegay, laakiin ma dhici karto iney dadku wada sameeyaan, sidaa daraadeed waxaa habboon inaan nacayb la abuurin. (dabcan gabdhahana yaanan looga faa'iideysan dacwada, waayo dacwaduna waa gaar, guurkuna waa gaar).

neefoowkaniini waxaan kuu magacaabay odaykii goobtan !!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qamar

Unrecorded Date
asalaamu calaykum

Nabadoon

aboowe waa ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee sheekada u qortay hase yeeshee hadii dhibaato jirto in ilaahoow ceeb astur la yiraahdo waxaa ka fiican in xal loo raadiyo sidii looga bixi lahaa oo ay dadka waxaas caadaystay mushtamaca loogu sheegi lahaa sidii ay ugu hari lahayeen oo aanay gabdhaha somaliyeed lugooyo ugu gaysan lahay.

Timo faras

inaad Raaqiyo caydo kadib markay codkeeda si xalaal ah u dhiibatay waa khalad oo aad tiraaahdo Hoostaada Fiiri!!! sida uu kuu sheegay walaalkeen neefoowkiniini afkaaga suubiso oo hadaad ka xuntahay waxyaalaha Itixaadka haweenka kula kaceen aboowe la tali si ay isu saxaan. laakiin waxaa ceeeeeeeeeeeeeeeeb ah aflagaadada hablaha soomaliyeed hadii aad doonaysid in aad xaqiiqada dafirto oo aad is indhotaraysidna xuux.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,Looma kala hadhine,,meeye iyagii,,, waa ragga godobta hablihii soomaaliyeed cantuuga jugux ka siiyay,,,waa gar ilaah ,,,oo waa gar ilaah ,,,waa gar ilaah nin waliba wuxuu geystay baa laga gudayaa,,,Maansha ma anaanan yaabin kolkii ay u suxul duubayeen iyagoo indhaha haliilyo ku leh ,,,waa quraafi ,,mayee waa timma weyn,,maahane waa xertii Sheikh Maxamad Rabiic, inlee waxa loo soo qamaamayayba waa koluun qudba sireedka ii tuur ,,kolkeey yaraha dabac keentana waa UKHTII naftan baan ku doonin,,afar iyo laba khudba sira ah kolley waa iska masmuux,,..waar nimankoo hadmaa sidatan wax loo rogay,,,xeerada salkeedii,,Abuu Cabaas iyo Abuu khaalid,,Abuu waliid ,,,,iyo Abaa Jahal**********


EEBBOOW naxariistaa,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

To: Dhamaan

bacda salaan waxaan in mudo ah akhrinaayey sheekada ka socota meeshan runtiina waan idinla yaabanahay ilaa hada

walaalkayga soo dhigay sheekadan ama mowduucan ma waxaad wayday waxka wanaagsan oo aad ka dhigto wax laga doodo? mase iloowday in malaag korkaaga saaran tahay oo uu kaa danbeeyo maalin laysxisaabinaayo? Ilaahay subxaanu wa tacaala waxa uu inoo sheegay in qofka la horkeenayo buugii laga qoray isaga oo aanu ka tegin mid yar ama mid wayn waxa uu yiri Ilaahay subxaanu wa tacaala( LAQAD KHALAQNA AL INSAANA WA NACLAMU MA TUWASWISU BIHI NAFSU WAXNU AQRABU ILAYHI MIN XABLIL WARIID..................LAQAD KUNA FI QAFLATIN MIN HADA FAKASHAFNA CANKA QIDAA'AKA FABASARUKA AL YOWM AL XADIID) ilaa laga soo gaadhayo aayadaas meesha ay ku dhamaatay ayna ku tusayso sida waxkasta lagaaga dhowyahay bal iskaba daaye waxaad naftaada kula hadashay ee aadan banaanka u soo saarin lala socdo marka walaalkayga sheekada keenay iyo walaalahayga kalowba ilaahay aan ka baqno oo nafteena aan ka adkaano inta aan ka hadli laheen dadkale

SIDOO KALE ILAAHAY SUBXANU WA TACAALA WAXA U YIDHI< WATARA KULA UMATIN JAATHIYAH KULU UMATIN DUDCA ILAA KITAABIHAA ALYOWMA TUJZOWNA MA KUNTUM TACMALUUN* HADA KITAABUNA YANDIQU CALAYKUM BIL XAQ INAA KUNA NASTANSIKHU MAA KUNTUM TACMALUUN> waxa ay tilmaamaysaa ayaadani maalintaa iyo dadku sida uu u cabsanaayo iyo Malaa'iktii ilaahay oo keenaysa kutubtii ay ka qortay adoomaha ilaahay,
marka iyada oo ay ku sugayso maalintaasi in ad adoomo ilaahay abuurtay oo uu isagu la xisaabtamayo aad waxka sheegto waa xaraam ee ilaahay aan ka baqno nafteenana ka adkaano.

To: walaalkiin

yaa akhi ilaahay horta hakuu dambi dhaafo sida aad diinta u taqa iyo saad u hadashay kala dheer carabtuna waxay tidhaada marka ay qof ay ilaa daraja ka dabeeyeen uu noqon waayo say u haysteen waxay dhahaan DAXTA MIN CAYNI hada waxaana ka wadaa walaalkiin taas ayaa kugu dabaqantay

allahuma sidnaa cilman wa taqwaa

wasalaamu calaykum waraxamtulaahiwabarakaatu

ukhtakum filaah
Uma Ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkale.

Unrecorded Date
Tadhaa.... Sidaanoo kalaa la rabaa Uma Ahmed ilaahey haku barakeeyo. Cilmiga waxaa ka muhiimsan niyadda qofka iyo wuxuu ula qasdo. Badanaa dad cilmi bartey oo cilmigooda ugu shaqeeya hawlo aan loo dirsan.

Teeda kaleeto, haddii qofka cilmi leeyahay marnaba nin jaahil ah inuu ku raaco qalad maahan. Meeshaan dhoorrayaal baa furey diin aan waxba ka aqoon oo iska careysan walaalkiinna meeshii la rabey inuu ka gaabsado ama uu waaniyo ayuu wuxuu la isoo istaagey- Waxaa jirey nin cimmaad gaduudan iyo btatatatatatataatataaaaa.

HAL aayad aan kusoo xiro hadalkeyga oo ku socota Walaalkiin, Jaahilkale waa yeelkadiise:

(Walaa yajrimannakun shana'aanu qowmin calaa allaa tacdiluu, icdiluu huwa aqrabu litaqwaa). Oo macnaheedu yahay (caro aad dad u qabtaan yeysan idinku qaadin inaad caddaaladda ka tagtaan ee caddaalad sameeya). Marka walaalkiis haddaad XIZBI ka tirsan tahay inaad Xizbi kale wax ka sheegto maahan oo diin ku gabbanaaya. Ma aragteen meel ay ku qoran tahay kaalaya XIZBI hebel ceynee?..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

XAAJI

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum

Uma Ahmed

in kasta oo aad u qalantid in lagu ixtiraamo oo sidii marwo soomaliyeed oo hadahay laguu xushmeeyo; hadana halbaan ku oranayaa marka hore waa in laga hadlaa wixii shar ah ee umada ku jira hadii aad adigu sida magacaaga ka muuqata ku qanacsan tahay dhaliisha loo soo jeediyay AW-cumamad Guduudoow anaga ayaa ka damqanayna walalahayo oo aan u doonayn in lagu xad gudbo.

Walaalkale!

Waxaa kaa muuqata inaad ka caraysan tahay kashifaada ku dhacday oo waxaad xamili la'adahay runta laguu sheegay hase yeeshee Runtu iyada ayaa marka ay soo baxdo oo qof dulmi ku kacaya lagu qiro cay iyo aflagaado la kulanta.

hadaad jaahil igu sheegtay adiguba caalim ahoow! oo gabdhaha masaakiinta ah qudba siraha iyo ukhti ukhtiida lagu soo xero galinayo halaga daayo. oo ukhtii naftaa ku diiday halaga daayo.

laakiin Nabiga ilaahay SWT wuxuu ku amaanay (INAKA LACALAA KHULIQAL CATHIIM) markaa anigu kuna caayi maayo kuna aflagaadayn maayo oo waa kii ilaah wayne SWT lahaa WA IDAA KHAADABAHUM JAAHILUUNA QAAALUU SALAAMAA

SALAAMAAAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qude

Unrecorded Date
waad salaaman tihiin

aar xaaji cilimigaaga waa u jeednaahe xaad kuwaan u bursahaydaa. kuwaan magac shisheeyaha iska soo xirnayaaanba nacay oo waxayn aheen iska dhigdhigooya. xaaji isaga her talo mahaayaane.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu-usaama

Unrecorded Date
asalaamu caleykum salaan kadib walaalayaal dadka inla isku daro oo dhamaantood wax laga sheego ma aha arinkana waa qiibah waa jirtaa afraad latimi ficilka uu walaalkeen sheegayo laakiin itixaad oo dhan ma matalaan sidaana waa laga fiican yahay haddii aad wax u nasteexayneyso u nasteexee walaalaha aad arinkan ku aragtay laakiin ceebaynta jooji oo qiibada iska daa haddii kale allaah u diyaar garow xisaabtiisa asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaaji

Unrecorded Date
abuu-usaama

asaalaamu calaykum

walaal waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan ee aad uga dhiibatay figradaada arinkan, waxaana xusid mudan dadka akhyaarta ah ee ka dhiibta figradaha wanaagsan ee macquulka ah sidaada oo kale!

Abuu-usaama wrote
-------qiibada iskadaa haddii kale allaah u diyaar garow xisaabtiisa asalaamu caleykum ....


Walaal waa hubaal in qof waliba maalinta QIYAAME illaah Wayne la hor tagi doono xisaabtiisa oo qof qof dambigiisa loo qabanaayaa ma jiro ... ALAAH WUXU YIDHI.. ALAA TASIIRU WAAZIRATUN WIZRA UKHRAA oo macnaheedu yahay NAFINA DAMBIGEEDA INAANAY QAADAYNIN NAF KALE... taas waxaan ula jeedaa hadalka aad ku soo gabagaysay dulucdaada..

Waxaa xusid mudan in aanay dadaka markaa fal aan fiicnayn gacanta kula jiraa ka xumaadaan ama ku dhaleeceeyaan qofka ka hadla meesha dhaleecadu ku taaalo... anigu waxaan doonayaa inay hablaha soomaliyeed sidii wanaagsaynd ee xushmada iyo soomalinimadu ku dheehnayd loo guursado oo UKHTII NAFTAA KU DIIDAY.. Walalaheena ku sifoobay ee Aw-Cumaamad Guduudoow iska daayaan.

ILAAH BAA GARAN SIDA XAQA AH!

xaaji

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

To Xaaji,

bacda salaan walaalkay xaajiyow ugu horeen itaqilaah yaa akhi oo iska daa adoomada ilaahay iyagaa qaba danbigooda kii geestay hadalkaas adiguna si aad wax uga sheegto dad xumaan hanaga dhigan hubkaad ku dagaalamaysay la'ina sheekadaada ayaa saas u muuqata walaal hadaad ka wado in ad ka gubanayso xumaanlagu hayo gabadh somaliyeed u sheeg ka ku haya la'ina dadku isku mid mawada aha mida kale adigu hada dad bilaa cadad ah ayaad denbigooda qadatay badal uu galay danbigaas dad tirsan marka walaal mar labadaad ayaan ku leeyahay itaqilaah oo ku dhaqan sidii xadiiskii nabiga scw ee macnahiisu ahaa sidan< HADAAD ARAGTO XUMAAN KU BADEL GACANTAADA HADAAD AWOODI WAYDO KU BEDEL AFKAAGA HADAAD AWOODI WAYDO KU BEDEL QALBIGAAGA OO NOQO MID KA GUBTA OO AY DHIBAYSO> macnahuna ma aha in aad bashar dhan afka saarto oo kii cadaawad u qabay diinta ilaahayba fursad siiso ama cadaawad u qabay dad khaas ah waana fidno aad biloowdaye la soco oo waxii danbi ah oo halkaas ka yimaada adaa horseeday taasna ha ilaawin,
midakalena waan kuugu darayaa oo ah dabcan waano walaal sida aad sheegtay waxaad tahay walaal u naxaaya walaalahaaga somaliyadaha ah danbi aad ku soo jiidatay u gargaarkooda ma jeceshahay in lagaaga qaado xasanaadkaaga oo loo siiyo ninkii ka galay danbiga gabdhahaas? ilaa waad ogtahay oo malaa'iktii ilaahay ayaa qoraysa wax kastee? waxaana saas kuu leehayahay walaal anigu waxaan ahay walaashaa somaliyad ah oo muslimad ah Rasuulkiina scw waxa u yidhi xadiis macnahiisu yahay <muslimku waa muraayada walaalkiisa muslimka ah> yacni in uu tuso waxii qalad ah marka iga raali noqo hadaan ku gafay ina saamax,

mida kale horta waxaan kaaga mahad celinayaa xushmada aad igu xushmaynayso walaashaa somaliyeed inkasta oo ay kaa muuqato in aad la noqotay (waa kaftan) mida ah magacan aan wato adoon u arag xumaan waan ahay uma ahmed waana kunya laga soo gaadhay nabigii salalaahu calayhi wasalam oo hadaad diinta sifiican u taqaan waxaad arkaysaa xataa Umal muuminiin caaisha RC in loogu yeedhi jiray Uma Abdallah oo ah wiilkay u aheed habaryarta oo ay dhashay walaasheed Asmaa markay ka idan qaadatay Rasuulka scw marka walaalkay kunyadaydana ciil aad u qabto dad khaasa awgii yaanu ku keenin danbi igana raali noqo mar labaad ina cafi hadaan kugu gefay
SUBXAANAKA ALLAAHUMA WA BIXAMDIKA NASTAQFURUKA WANA TUUBU ILEEK

WASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATU

UMA AHMED

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cimaamadle

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum

To: Xaaji

Hadey dhab kaa tahay oo aad waano rabtid sidii qof waano wada lagu aqoon jiray ayaad si xushmad leh ku hadli laheyd laakiin waxaa meesha ka cad inaad tahay nin meel ka gubanaya laakiin wili walaaltinimada islaamka ayaa na dhex taal ee waxaan ku oran lahaa muslimiinta dacaayada ka daa oo waxaan la hubin dadka ha la hor imaan. Waa ninkii yiri "CIRKAA BUUSH KA SOO DAADANAYAA" ma jiro nin ku yiri xaaskiisa "UKHTII NAFTAA KU NACDAY" dacaayad iyo buunbuunis waxaan aheyn inaysan aheyn waa la og yahay ee muslimka banaanka ka mar. Kheyr ayey ahaan laheyd hadii aad sidii loogu tala galay u sheegi laheyd maxaa yeelay waa arin loo baahan yahay mar walba in la si xusuusiyo muhimada ay leedahayna waan naqaan oo nabiga ayaa wiliba ka dardaarmay oo waxay aheyd hadaladiisa kuwii ugu dambeeyay intuusan dhiman. Waxaa la yiri "KULIL XAQA WALOOW KAANA CALAA NAFSIK" runta siday tahay u sheeg waligaa ma aragtay labo is qaba oo ku kala tagay waxaad ukhtii naftaa ku nacday?

Mida kale; hadii aad muslimka ugu yeertay CIMAADA GADUUD adigu ma waxaad tahay REER SURWEEL HOOS KA SIIDAYSTE? mise cimaamada ayaad ka naxdaa sidii gaalada oo kale?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Foodcade.

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum.

Dhawaanahan aad buu ugu soo batay somalinetka carrab ku haynta itixaad.
Waxaa jirta marka qof aan diinta ku dhaqmin lays weydiiyo shakhsiyadiisa, sida loo arko baa wax looga sheegaa, laakiin marka qof wadaad ah layska waraysto shakhsiyadiisa waxaa uun layidhaahdaa waa wadaad.
hadaba marka wadaad wax gef ah sameeyo aad baa looga sheekaystaa waayo dee kolkii hore baa lagu gaabsaday waa wadaad ee hadii lasheegi lahaa shakhsiyadiisa, cadhadu inta waa ka yaraan lahayd.

Hadaba culimadu sida dadka kale bay wax walba isugu jiraan, waxaa lahelayaa nin wadaad ah oo sinaysanaya, khamri hoosta kacabaya, khayaano samaynaya iwm.

Dhaliilahaa itixaadka loo soo jeediyey ruuxii arkayoow ogow waxaa samaynaya waa wadaaddadii shakhsiyadoodu markii hore xumayd.

Somaliyey ninkaasi waa wadaad hakaga hadhina waa in ruuxa layska ogaadaa dabacadiisa iyo shaqsiyadiisa.
Calaa kulla xaal inbadan baa itixaad gefefkooda la sheegsheegaye bal imminka aynu kasheekayno wanaagooda.

Wabillaahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Gabadh Ciil Badan Heeyo

Unrecorded Date
Asalaamu calaykuum waaraxmtulaahi waabarakaatuu

Dhamaan walaalahay:

Waxaan idin odhon lahaa idinkoo iga raali ah, sheekooynkaan ku saabsan raggaan wadaadada ah oo hablihii guursaday hadana xumeeyay, waa wax jira oo run ah. Imisaan u soo taagnaa inan yar oo high school dhiganaaysa oo wadaadkii quraanka u dhigaayay ku qabtay oo hadii reerkii soo hadal qaadan war maxaad ku dhaqan ama maxaad haysataa, hayaay! waa idin sidee? ma guur xalaal ah baad diideyn? oo hablihii ma raali baad ooga tihiin in xaaran dariiqyada lagu qabsado? iyo Ilahay baa wax bixiya. Kolkaa RASUULKA (SCW) waxuu yidhi ninkaan awoodin inuu meherka inanta bixiyo ha soomo oo ha sugo ilaa u wax ka helayo. War waa ragga diintaa faafiya oo xaasaskooda xaataa wax caanaha u soo gada la', war Ilahay ka cabsada. Waxaa la rabaa saddaqo iyo raxmadba aqalkaaga inaad ka bilowdid. Waa ragga labo iyo saddex u guursaday: QURBO caruurtaad ku dhasayn yaa u aabe ah? Imisaanu aragnay rag iyo dumar indhaha loo heyn karin quruxdooda kuwoo loo dhalay oo min yaradii ag fadhiya, min weyntiina waalaatay. Anigaa xaadir u ahaa weliba Sheikh caan ah oo diinta dhiga ayaa qabay oo aan xataa caruurtiisa soo boqon hooyodood oo manaakoobiyo ku jirta. Imisaa BEEN aniga ii sheegay iyagoo leh weligeyn ma guursan ama waa furay abaayo saas ee tahayna mid ama labo weli ku mehersanyihiin. Imisaa Kenya, Ethiopia, Somalia loo fadhiyaa aan weligood biil dirin? Waryada hee diinta markaad si fiicaan ugu dhaqantaan ila hadla. Waa dumarka u doodayaa gadhweynaha beenalaaha ah ama dhacii soomaliya kii hablaheena qurbo joogay ku darsaday: ninka haduusan ku qiimeyn wax alle waxaad tahay ayaa iska yar! Waagii Rasuulka (SCW) ma jirin kitaab la isku meheriyo xagee laga keenay? War hadaad maanta wax u dhasheen guryihiina fadhiya. Laakiin xayasiinta raggaa naga daaya. Runtooda iyo beentooda lama kala yaqaan. Qabiilkana lafaha buu ooga wada jira. Kolkaa kan Ilahay ka cabsada oo aan adeegsan kitaabka ayaan qabaa baa dhaama xaafidal quraan oo ayaad walba siduu doono u fasarinaya. Hadalkayga intaa buu ku ekyahay. RAGGOW gadhka la baxay oo surweelka gaabsaday CAR kiina wax yiraahda. Dumarka loo been sheego waa anaga ma idinkaa xaalkeena og?

Asalaamu calaykum yaa muslimiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
asalaamu calaykum.

to cimaamadle!

walaal horta waad ku mahadsan tahay sida ay doodaada badankeedu ku saabsan tahay.

waxaanse kuugu celinayaa sidii walaalkeen foodcade u sheegayba marka la soo qaado Magaca wadaad wuxuu macne goni ah ku lahaan jiray bulshada. Taas waxaan ka wadaa ma ogtahay in dadka la cadaabayo ilahay wadaad xaqa yaqaan oo naftiisa hilmaama dadkana ku waaniya xaqa ugu horaysiinayo? taas weeye sababta aan uga damqanayo, waayo hadii aad qaadato Magac ciso iyo haybad lagu ogaa oo ay soo noqnoqotay UKHTII NAFTAA KU DIIDAY! horena lagu soo xero galiyay inantan yar ee ugub UKHTII FI-LAAH ILAAHAY DARTIISAAN KUU JECLAADAY!, labada weedhoodba waxaa dhexda ugu jira magaca ilaahay, marka walaal ujeedadu waxaa weeye magaca ilahay hadii aad doonayso inaad isticmaasho si sharaf iyo xaqiiq ku jirto u isticmaal.

Mida aad tiri Cumaamada ma sida gaalada ayaad ka naxdaa? jawaabteedu waa walaal waxaan ahay qof muslim ah oo jecel dhaqanka islaamka- cumaamad oo dhana wax kamaan sheegin, hase yeeshee cumaamada Uniformka jabhada Al itixaad ayaan ka hadlay ee guduudan. miyaan sheegay noocyada kale ee aan ahayn uniformka. Marka walaal xaal baan kaa rabaa ah inaad iga raali galiso inaad igu masaashay gaalo.

wa bilaahi tawfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wacdi

Unrecorded Date
XAAJI.
yaanay ku xambaari caadho aad uhayso qolo in ay adig dhib aduun iyo mid aaakhiraba kuusoojiido, kasooqaad in ay jiraan waxaad sheegayso ayna tahay arin xun iyo ceeb maxaa kula gudboon adiga.
aayadaan akhri INNA LADIINA YUXIBUUNA AN TASHIICAL FAAXISHATU FILLADIINA AAMANUU LAHAUM CADAABUN ALIIMUN FIDUNYAA WAL AAKHIRAH WALLAAHU YACLAMU WA'ANTUM LAATACLAMUUN. suuratul nuur.
kuwa jecel in ay xumaantu kufaafto mu'miniinta dhexdooda waxay leeyihiin cadaa xanuun badan aduun iyo aakhiro allaa ogsoon idunkuse ma'ogidiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaaji

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum!

Wacdi

Walaal waxaan aad iyo aad uga xumahay inaad aayadan aad u soo daliishatay meel aan ku haboonayan. Waayo waxay u muuqataa inaad i leedahay faaxishada ayaad ku faafinaysaa umada oo aad ayadii ku soo dagtay Ifkigii Caa'isha Radhiyalaahu canhaa uu ku been abuurtay ninkii munaafaqa ahaa soo daliishato.

Marka waxaan ku odhan lahaa, anigu kuwa faaxishada faafinaya ayaan doonayaa inaan ka hor istaago oo aan xaqa waafajiyo, markaa meesha aad ku soo daliilinayso qur aanka ilaahay ka fiirso hadii kale cadaabkii Ale wayne uun baa u sugnaaday qofkii duwa macnaha iyo xikmada Qur'aanka Kariim-ka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous.

Unrecorded Date
xaaji dadka muslimiinta iska daa ceeb miyaa?. ma aragtey mesha diimmaha qalaad lagu faafiyo foorumka?. meeshaas tag haddaad wax isku heyso ee daka muslimka ah iska dhaaf. Aayadda quraankana maxey meesha ugu taal haddaan loo adeegsan ninkii ku kaca falka ay ku soo degtey waa adiga meesha ku wacdiyaaya dad baa sidaan yeeley ee dadoo dhan jamcinaayee ma adaa wakiil ah dhammaan dadka ad tilmaameyso?. Cuduraa ku haayo qabiil iyo qurun iyo cuqdadoo dhan waxaa loogu yimaadaa dadka adigoo kale muslimka ku dhex jira ee muslim kale farta ku taagahaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Anonymous


xmmmmmm intaa in kabadan uma qalantid wayo waxba maad sheegin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

somaliguy

Unrecorded Date
meeshan maxaa looga aamusay oo xarako loogu yeeli waayay aaway dadkii bilaabay intee ka baxeen.

waar xaaji ku mee ma argagixisadii baa ku afduubtay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

Walaal Xaaji Allaah ayaan kuu weydiinayaa inuu ku soo hanuuniyo. Runtii maqaalkaan waad furtay danta aad ka lahaydna ilaa iyo hadda ma fahmin waxay tahay haduuse xaalku yahay saad sheegayso oo ah inaad ka waranto sharka waxaa isweydiin leh maxaa xal ah oo aad soo kordhisay? Ilayn haday arin ku murjiso waxaa la raadiyaa xal si loo xaliyo murugtaas soo korortay. Marka adiga hadaad maqaalkan furtay oo aad u naxday sida loola dhaqmayo gabdhaha walaalahaa ah maxaa xal ah oo aad haysaa ma in aad ku faraxdo cayda iyo ku tumashada dad Ilaahay uu u nimceeyay oo uu siiyay sharaftaa iyo qiimahaa oo haday Soomaaliya burburtayna cashir lama iloobaan ah siiyay GAALO IYO MUNAAFAQIINBA. Sida muuqato waxaa arintan laga doodayaa bil dhan hal natiijo ahna lama hayo in la isku danbaabo maŽahane marka laga reebo dad yar oo uu Ilaahay xifdiyay. Marka hadaad maqaalkan noo furtay oo aad rabto inaad na badbaadiso hadaan nahay gabdhihii walaalahaa ahaa , noo sheeg xalkaaga iskana soo gabagabee maqaalkan.
Teeda kale waxaan ku dhihi lahaa TUB ILALLAAH waxaad jamcisay khalqi dhan oo isugu jiro culumo iyo caamo, qaar ay yihiin mujaahidiin u taagan raali galinta Ilaahay - LITAKUUNA KALIMATULLAAHI HIYAL CULYAA(kuwa tagay iyo kuwa kale sugaya, shahaado), xaafidiin, ducaad iyo saalixiinba.

Marka mar labaad ayaan ku leeyahay TUB ILALLAAH oo magaca aad isticmaashay ee Al-itixaad iska ilaali hana noqonin nin u kaalmeeya dadka buka iyo kuwa jaahiliinta ah intay doonaan haka yaqaanaan diintee, kuwaasna waxaan ku leenahay WALAA YAXIIQU MAKRUSAYYIU ILLAA BI AHLIH.

NASALULLAAHA SALAAMATA WALCAAFIYA

Deggan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

To ukhtii Dagan
baarakalaahu yaa ukhtifilaah wajazaaakallaahu bikuli khayr ilaahay walaal kalmada xaqa ah ee aad tidhi miisaanka xasanaadka hakuugu daro cilmigana ilaahay hakuu siyaadiyo iyo taqwadaba aamiin wajamacanaa bilfirdowsal aclaa insha allah
wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.


ukhtag filaah
uma ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum

Walaal Dagan si wanaagsan oo sharaf leh ayaad u hadashay hadalkaaga intiisa badan. marka laga reebo in yar oo loo yaqaano wadh-yoow-hoos galis.

Walaal gabdhaha aan u doodayo shakhsi uun baad ka tahay, hase yeeshee ujeedadu waxaa weeye wacyi galin. iyo in qofkii iimaan leh ee siday caadaysanayay in ay ka waan toobaan. Waxay ku wajahan tahay nimanka ku kaca arintan. Waxaana ka gubanaya oo kaliya qofkii boogi ku taalo oo isagu lug ku leh,ama mid is leh u xil qari.

Waxaan walaal kuu sheegayaa inaan u hayo ixtrimaam qof kasta oo qalbigiisu qoyan yahay rag iyo dumar camo iyo cilmi yaqaan, saqiir iyo kabiir. Dadka aan magacooda sheegay waa firqo ka mid ah kuwa caadaystay arintan. Nabigu SCW wuxuu yidhi (man shabaha qowmun fa huwa minhu)qofkii qoom shabahaa iyaga ayuu ka mid yahay. marka qofkii magacaa isugu yeedhaa runtii wuu ka mid yahay oo shar iyo khayrba waa inuu u diyaar garoobaa.

Walaal hadalka waan ku yara dheeraaday laakiin qofka hadii uu yahay qof ka warama xaqiiqda markaa ka dib ayaa xalka la isla doonaa. Waxaadka ka mid tahay dadka looga baahan yahay inaad xalka waxaad u malaynayso aad soo qortid.

marka waxaad noqon laba mid uun.

1- inaad tahay mid arkaysa inay meeshiii dhibaato taalo oo xalka wax ka raadisa.

2- inaad tahay Mid ka xun hadal haynta dhibaatada taagan oo isku dayaysa inay buste saarto oo ku ducaysanaysa ilaahoow ceeb astur sir baa fakataye.

Marka hadii aad doonaysid in dooda la soo gabagabeeeyo dhiibo figradaada saliimka ah iyo wixii ay adiga kula tahay (ilaahoow hana kashifin or Sidee u xalinaa dhibaatadan baahday).

xaq diid waa alle diid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

WACDI

Unrecorded Date
xaaji.
Aayada iyo arinta aadwado way isleeyihiin aan kuubalbalaadhiye qolada ifkiga samaysay kaliya aayadu kamahadlina waxaa kujira kuwii siifaafiyay beenta aayaduna kutilmaantay in ayjecelyihiin in ay FAAFIYAAN faaxishada, faaxishaduna waymicnowayntahay zinadu waa kakoow laaakiin wixii xumoo idil waa faaxish luuqada carabiga, xadiis baa micnihiisu ahaa muslimku ma'ahan faaxish(mid xumaanta iskiis u sameeya) walaa mutafaxish(mid iska doon doona xumaanta), marka hadaad ogaatay in fuxshigu uusan ahayn zinada ookaliya oo waliba aadku darsatay in aad faafinayso xagee iskugafteen waxa ay aayadu kahadlayso?.
EEBE HANA TOOSIYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
xaaji.

Assalaamu caleykum.

Walaal waxaan ku oran lahaa amaa camal kaloo kan ajar badan jiraa?. Muslim wax laga sheego iyadoo hawlo kale hoosta lagu wato ama is fallisaaddii soomaaliya?. Meeshaan waa meel cadaw qof walbana waa innoo tirsan yahay nin xun iyo nin fiicanba ee markaad soomaaliya ku laabato inshallah sidaad doonto u dhaliil qof kale oo wax uga sheeg maxaa yeelay soomalidu waxey tiraahdaa ishaa macallin ah.
Dhammaan muranka waa laga fiican yahay nin waloow naftaada ku mashquul oo isxisaabi?. Imisaad jamaco ku tukan?. Goormaa aadaan aad maqasho kuugu dambeysey?. Goormaa xalaqo barakeysan kuugu dambeysey?. Goormaa ilaahey dartii oo loo ooyo kuugu dambeysey?. Goormaad dad muslimoo laga murugoodo kuugu dambeysey?. Kumanaan su'aalood oo la isweydiiyaa badan intii Mr.Xaajiyoow.

Walaaloow teeda kale nin wuxuu geystey isagey u taal dadka kalena dambiga waxba kuma lahan ee dhaqanka an suubsanno ah in la eedeeyo dad badan.

Narrated AbuUmamah:


"The Prophet (peace_be_upon_him) said: I guarantee a house in the surroundings of Paradise for a man who avoids quarrelling even if he were in the right, a house in the middle of Paradise for a man who avoids lying even if he were joking, and a house in the upper part of Paradise for a man who made his character good." Abu da'uud baa wariyey macnihiisuna waa sidan:

"Nabiga (saw) wuxuu yiri: waxaan u ballan qaadayaa
guri jannada xeendaabkeeda ku yaal qof ka fogaada muranka xitaa hadduu saxsanaa, guri ku yaal jannada bartankeedana wan u ballan qaadey qof ka fogaada beenta xataa hadduu kaftamaayo, Guri ku yaal dabaqa sarena waan u ballan qaadey nin dabeecadiisa wanaajiyey."

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ayan S.

Unrecorded Date
Assalamu Calaikum
To brother abdi:
By far the best advice... W'salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deggan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh

ALLAHUMA ARINAL XAQA XAQAHU WARZUQNATIBAACAHU WAXABIBNAA ILAYH WAŽARINAL BAADILA BAADILAHU WARZUQNAJTINAABAHU WAKARIHNAA ILAYH

Xaaji waxaa mahad iska leh Allaha ku siiyay walaalo kaa naxaaya oo neceb inaad shaqiyowdo ee FAHAL MIN MUDAKKIR.

Ilaahay wuxuu yiri: "WALADIINA YUDUUNAL MUŽMINIINA WALMUMINAATI BIQAYRI MAKTASABUU FAQADIXTAMALUU BUHTAANAN WAITHMAN MUBIINAA". Taasoo ah kuwa dhibaya muminiinta iyo muninaatka waxaysan samaynin xaqiiqee waxay xambaareen been abuurad iyo danbi wayn.

Marka waxaan ku dhihi lahaa dib ugu laabo waxaad qortay oo ha banaysanin wuxuu Allaah inaga xarimay oo ah inaan ku tumano cirdiga walaalaheen, xadiisna nabiga (scw) wuxuu ku yiri: "KULU MUSLIMI CALAL MUSLIMI XARAAMUN: DAMUHU WACIRDUHU WAMAALUHU INALLAAHA LAA YANDURU ILAA AJSAADIKUM WALAA ILAA SUWARIKUM WALAAKIN YANDURU ILAA QULUUBIKUM WAŽACMAALIKUM". Taasoo iyadana ah muslimka muslinka kaleeto waa ka xaaraam: dhiigiisa, sharaftiisa iyo maalkiisa Ilaahay ma fiirinayo jirkiinaa iyo suurooyinkiina laakiin wuxuu fiirinayaa quluubtiina iyo acmaashiina.

Marka qofka muslinkana haday dhab ka tahay muslinimadda waxaa lagama maarmaan ah inuu u hagaansanaado nasuusta oo aysan qaadin caadifad siday doonto ha ku timaadee, uusanna ku adeecin qofna xumaan.

Walaal wax wayn oon kordhiyay maŽarko laakiin waxaan rabay uun inaan is xasuusino waciidka ku soo arooray arintan qaarkeed waxaana rajaynayaa inay na anfacdo.

Haddana waxaan isku dayayaa inaan wax yar iska xasuusino nasuusta ku soo aroortay AAFAATULLISSAAN. Xadiis nabiga (scw) laga wariyay ayaa wuxuu ahaa: "MAN KAANA YUMINU BILLAAHI WALYOOWMIL AAKHIRI FALYAQUL KHAYRAN OW LIYASMUT"
Macnaheeduna uu yahay: ninkii rumeeyay Allaah iyo maalinta danbe khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso. Mid kalena oo nabiga (scw) laga wariyay ayaa asaguna wuxuu ahaa: "LAMMAA CURIJA BII MARARTU BIQOOMIN LAHUM ADFAARUN MIN NUXAASIN YAKHMISHUUNA WUJUUHAHUM WASUDUURUHUM FAQULTU: MAN HAAŽULAAI YAA JIBRIILU? QAALA: HAAŽULAAI ALLADIINA YAKULUUNA LUXUUMANNAASI, WAYAQACUUNA FII ACRAADIHIM" Macnaheeduna uu yahay: markii la i korsiiyay xagga sare(markii la i dheelmiyay) ayaa waxaan soo maray dad leh cidiyo ka samaysan naxaas markaana dhaawacaya (jeexjeexaya) wajigooda iyo laabtooda waxaan ku iri: kuwani maxay yihiin Jabriilow? wuxuu yiri: kuwani waa kuwa cuna dadka hilibkooda(xanta) waxna ka sheega cirdigooda.
Xadiis kalena wuxuu ku leeyahay Nabiga(scw): "MA GARANAYSAAN WAXAY XANTU TAHAY,MARKAA AYAA SAXAABADII LA JOOGTAY UGU JAWAABAAN ALLAAH WARASUULUHU ACLAM MARKAA BUU NABIGU(SCW)YIRI: WAA INAAD WALAALKAA KA SHEEGTO WUXUU DHIBSANAAYO MARKAA BAA LAGU YIRI KA WARAN HADII WALAALKAY UU YAHAY(KU SUGAN YAHAY) WAXAAN KU SHEEGAY? MARKAA AYUU NABIGU (SCW) YIRI: HADUU KU SUGAN YAHAY WAXAAD KU SHEEGTAY WAAD XAMATAY HADIISE UUSAN KU SUGNAYNA WAAD KU BEEN ABUURATAY" Saxiisul Muslim.

Marka Xaaji aan u hogaansanno nasuusta oo aan iska dayno been abuuradka. Xitaa hadayba dhacdayna oo aad aragtayna inkastoo aniga aan aaminsanayn taas oo aan leeyahay "RAJCIYATUN BICAYNIHAA" haddana waxaa jira asluub la maro sida walaalihii iga horeeyay qaarkood ay ka shanqariyeen taasoo ah inaad la taliso oo aad u nasteexayso qofkaad xumaanta ku aragtay logikna ma ahan in shaashadda gadaasheeda aan ka ka sheegno waxaan rabno.

Teeda kale wali iigamaad jawaabin suŽaashaan ku waydiiyay ee ahayd muxuu yahay xalka mowduucaad furtay? Waxaadse tiri laba mid uun baad tahay inaad xalka wax ka raadisid iyo inaad ka xun tahay hadalhaynta arintan oo asturaysa. Waxaan ku leeyahay aniga dhib maŽarkin, ceeb fakatay oon astur leeyahayna ma jirto, Allaahna waxuu iiga sareeyaa inaanan arkin dhib ay firqadaas samaysay, iskadaa firqadaas iyo wadaadoo idile xitaa hadaan dhaho soomaali ayaa CAADAYSATAY arintaa waxaan hubaa inaan been abuurtay.
Marka walaaloow hadaad xalka i waydiisay waxaan ku oran lahaa aan faraha ka qaadno OWLIYADA ILAAHAY, aniga ceeb ay leeyihiin oon asturo iska daayee waxaanba tirin karin amaantooda oo xaalkooda waxaan ka dhihi lahaa WALAANUZAKII CALALLAAHI AXAD.
Midda kale hadayba dhacday inaad qoonsatay wax ay sameeyeen walaalahaas waxaan ku dhihi lahaa xasuuso hadalkii Ilaahay "WALAA TAZURU WAAZIRATAN WIZRA UKHRAA" kaasoo ah nafina ma xambaarto naf kale danbigeeda. Marka haday danbi la yimaadeen iyagaa xambaarsane aan isu dayno iyaga iyo Allahii uuntay, oo howshan waa howl malaaig uu Ilaahay u dhiibtaye yeynaan malaaigta kula jiidjiidanin howsheeda.

Ugu danbayntii waxaan leeyahy Allaah aan ka cabsano oon u toobad keeno akhlaaqdeenana aan wanaajinno Xadiis buu ku lahaa nabiga (scw): "IDINKA DADKA LAMA GAARTAAN MAALKIINA EE U WAASICIYA OO LAGAARA AKHLAAQDIINA. Mid kalena wuxuu ku yiri Nabiga "WAX MIISAANKA OOGA CULAYS BADAN MALAHAN AKHLAAQ WANAAGA"

Wabillaahi towfiiq

Deggan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu salama

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatu

walaalayaal horta aad iyo aad ayaan uuga xumahay inaan kasoo raagay arinkaan,waxaanad moodaaba in ciilkii loo qabay gaalada lana rabay in iyaga lagula dhaco inaynu inagu dhexdeenii isku dhamaynay waana arin aad iyo aad looga murugoodo oo laga ciil kaambiyo.
Midakale walaalayaal hadii aad aragteen (wayba jiraane )qaar sidaas udhaqmaya maxaa idiin diiday inaad sheegtaan inta fiican ee xaasaskooda uroon,teeda kale markaad itaxaad leedihiin saw ma ogidiin in raggaan aad sheegaysaan inayna itaxaad waxaba ka ogayn oo itaxaad ay tahay kuwa duurka Alle (swt)dartii uugu jira sidii ay gaalo u gumaadi lahaayeen,markaa itaxaad ma saas bay inaga mudatay.
Teeda kale walaalayaal miyayeydun iloow san tihiin aayaadka rabbi (swt) {laa tasiru waaziratun wizra ukhraa}.
Mida kale walaalayaal maxuma in lawada doodo oo wixii umada maslaxad u ah laga doodo,laakiin waxaa xun in lays af lagaadeeyo,waxaanad ogaatiin wadaadadaas aad sheegaysaan inayna ahayn malaaŽik ee ay yihiin bashar inala mida oo khaldami kara,ogaadana ninkasta oo gadh labaxaa inuuna wadaad ahayn.
Ogaadana in itaxaad ay yihiin kuwa markasta dariiqa Alle utaagan meelkastooy joogaan,aakhirkiina inaga iyo itaxaadba waxaynu wada nahay uun walaalo islaama oo dariiqii islaamka midba meel kaga soo dhacay,bi idnillaahi tacaalaana waxaynu ku wada kulmi doonaa janno firdawsa. Hana laysa saamaxo oo daganaan haloo doodo,ina soo saamaxa hadaan idinku xad gudbay.

KU: Yaasmiin & Degen.

baarakallaahu viikum walaalayaal waxaan ku rayn lahaa inaad ii soo dirtaan E_ mailkaan iinsha allaah

Muslima77@forums.dk

walashiin umu salama

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.