site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Mustaqbalka madow ee soomaalida horyaala.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Mustaqbalka madow ee soomaalida horyaala.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wacdi

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Waxaan qofna ka daahsoonayn in mustaqbalku yahay labo mid aakhireed oo qofku leeyahay wanaagiisa iyo xumaantiisa waxa uu soo shaqaysto aduunka,iyo mid dhaw oo ah waayaha aduunka ee qofka horyaala ama ha ahaato waxbarasho ama ha ahaato dhaqaale ama ha ahaato caruur iyo barbaarintood.

Waxa aan shaki ku jirin in soomaalidu dhulkoodi soo bur-buriyeen soo bililiqaysteen waxkasta oo uu lahaa markii ay soo fiiqdeen ay qaxootinimo u yimaadeen aduun dadkii lahaa dhistay oo ay maalayaan.

Murankama taagna daciifnimada aynu leenahay iyo inaynaan ahayn dad wax absan kara, meeshii ladoonaayay inaan dadkaan u nimi wixii wanaagsan ka qaadano iyto farsamooyinkooda waxay noqotay inaan xanbaarno intoodi xumaayd.

Hadaba waxaan u fiirsaday dadkii ina kasoo horeeyay waxay caruurohoodi u sammeeyeen iskuulo madaaris masaajidyo waawayn, xanaanooyin suuqyo ay ka heli karaan cunooyinka ay dhaqanka u leeyihiin.

Bal hadaba shakhsiga soomaaliga ah ee sida digaagii u dhalayoow maxaad caruurtaada u hormarisay waa iga su,aale, maxaa caqligeena iyo wax qabadkeena liiday.

Hadaad ileedahay caruurta waa ka kaxaynaynaa, sow majiraan dad badan oo aan caruurtooda kaxaynayn mida miyaad kula noolaan meesha aad geeysay caruurtaada.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.