site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DAWLADDA URDUN OO KUDHAWAAQDAY IN SABTIDA AY TAHAY MAALIN NASASHO

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): DAWLADDA URDUN OO KUDHAWAAQDAY IN SABTIDA AY TAHAY MAALIN NASASHO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
BISMILLAAH

ASSALAAMU CALAYKUM

Waxaan jeclaystay inaan wargaliyo muslimiinta booqata boggan inay dawladda Urdun kudhawaaqday inay kabadashay "khamiista" maalinta nasashada una badashay sabtida iyadoo ku andacoonaysa inay habboon tahay in caalamka lalasocdo oon lakhilaafin.

Arrintaa iyada ah ayaa cadho galisay dad badan oo muslimiin ah una arkay arrintaa arrin lugu raalli galinayo Yuhuudda, loogana leexanayo tacaaliintii Rasuulka (scw) taasoo ahayd in lakhilaafo yuhuudda iyo nasaarada.

Waxaa jiray dalal badan oo islaamka ku abtirsado oo jimcaha kabadalay maalinta fasaxa si'ay caalamka ulasocdaan, waxaana kamid ah dalalkaa Malaysia, Pakistaan, Tunisiya iyo turkiga.

Waxaa lagayaabaa inaysan dad badanoo muslimiin ah u arkin arrintaa arrin layaab leh balse xaqiiqdu ay tahay arrin aad ugu culus diinteenna ahna mashruuc uu nabaray Rasuulkayo(scw) qofkii khilaafo iyo intii kutaageertana ayagaa cirka wax ku'og.

Waxaa ah arrin aad looga xumaado mu'miniintana aad uga murugoodaan in diintii islaamka maalinba cad inta lajaro latuurayo annagoo indhahayaga shan yihiin.

Ilaahoow noo naxariiso

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GeeseeyGoomeey

Unrecorded Date
Xareed
saaxiib shalay iyakaa ku baray in Jimcaha la nasto ee hadda hadeey iska badeleen maxaad ka rabtaa,ama raac ama iska aamu...waxa loo baahan yahay waa inaad ka hadasho waxa somaliya ka dhacaya oo ah in dad muslimiin ah eey qoryo isu sitaan oo eey is laaynayaan...diinta xageedana kuligood waa wada ahlu naar. Somalidaa ka daran Urdun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Thanks Xareed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Ayaamaha Ilaahay eed maleh midoodnee......
Xareed walaal, aniga waxay ila tahay inay dawladaha aad kor ku tilmaantay anaan dantooda aheen Yahuud ku daystaa ama uu roonaada, lakiin ay tahay arrin la xiriirto dhaqaale. Watching the bottom line is the trigger. (by taking thursday and friday off, the Muslim countries will miss out doing business with the rest of the world for 4 days:- Sat, Sun, Thu and Fri.) Su'aasha waxaa weeye, dadka aad la maacmilooneeyso (xag dhaqaale iwm) ma aadaa uu bahaan mise iga ayaa ku bahaan? If the muslims are accomodating the time-table of the Judea-Christian community, blame the muslim ummah which is neither united nor self sufficient.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
BISMILLAH

Assalaamu calaykum dhammaan

Geeseey

Saaxiib Reer Urdun wax imasoo gaadhsiin dhowr sano kahor ayaan maqlayba inay jiraan labadayaba islaamka ilaahbaa nasoowado gaadhsiiyey farqiga noo dhaxeeyeyna waa anna doorasho ayaan islaamka kuqaatay iyagana xoogbay kuqaateen diinta marka ii sharax sababta ay aniga diin iisoo gaadhsiiyeen shalay.
Arrinta soomaalida waxaa ilaquman inaad usheegto kuwa madaxda u ah ee mathala ayagaa waxkaqaban karee, waxaanse aaminsanahay inay arrinta isdilka arrin kadarani jirto taasoo ah inay soomaaliya kadillacday diin gashay booskii islaamka.

Xaali
Walaal anigoo u arko inaad sifiican wax u sharaxday ayaan haddana kuleeyahay xoogaa meeshaan wax u waday imaadan fahmin oon ula jeedo hadalka aad tidhi ayaamaha ilaahay makala duwano waa run haddii si loo eego haddii sikale loo eegana waa halis" fadlan baadh suuratul baqara labada juzz ee hore kana raadi sabti waxa looga xusay, dad dhanbaa loo halaagay kadib markay diideen inay fasax kadhigaan Jimcaha oo ay fasax kadhigteen Sabti waana lahalaagay ficilkaa ay sammeeyeen darteed.

Marka walaal arrinta waxaan u xusay waa sida ayna u bannaanayn in sabti lagadhigto maalinta fasaxa ee usbuuca.
Axkaamta islaamkana lama ogoola in sababo dhaqaale loogu tunto ee axkaamta iyadaa muhiimadda leh.

Wakhtigoo igu yar iyo anigoo filayo in dad iiga aqoon badan mas'alada ay joogaan ayaan dhinac walba usoo koobay hadalkayga.

Anigoo filayo inuu Bashiir Cabdi xoogaa sharxi doono mawduucaas inshaa allaah.

Wassalaamu calykum

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salamu Caleykum!

Runtii arrinkani waa wax laga naxo. Madax isku sheega muslim leaders-ka ahi (calmaaniyiintu) goor hore ayeey cadeysteen barnaamijyadooda ku wajahan duminta Diita Alle. Kalaamka Westiga ayaa calmaaniyiintan kala weyn Kalaamka Allaah (Caza Wa Jala). Subxanallaah!! Subxanallaah!!Subxanallaah!! Aakhiro ayaa dambeysa!.

Maalinba wax Alle ummadiisa faray ayeey manciyaan (reebaan) ayagoo ku marmarsoonaya: "xadaaradda aduunka lama qabsan karaan" Subxaanallaah!!

- Keebaa culus/darran Cunaqabateenka Alle (swt) & cunaqabateenka Westiga???
- Keebase fiican, qancinta Allaah & qancinta kufaar (ama aduunyo raacid)?????

Sidaanu la socono maanta ma jiro wadan islaama.
Shacbi islaama ayaa jira ee Dowlad islaama ma JIRTO. Saas darteed waa in aanu ku duceysano in Allaah noo soo celiyo (soo nooleeyo) khilaafadii islaamka.

Ilaahoow Calmaaniyiinta RID oo naga qabo!.
Ilaahoow shartoodana na mooti!.

W/Salaama..
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maxamed yare

Unrecorded Date
bismilaah,

xareed,

waad ku mahadsan tahay sida aad noogu wargalisay arintan aadka yaabka u leh. walaal adigu waxay kaa joogtaa maalin bedelid oo ah wax qofkii alle yiqiinsan uu ka naxo. lakiin ummado badan baa la laynayaa oo jiritaankooda ciribtir lagu samaynayaa halkee joogtaa maalin bedelid.

ansaari,

walaal nimankan aad leedahay cilmaaniyiin, cilmigu ceeb malaha oo waxa ugu fadli badan cilmiga shuruucda alle iyo bayaaka rasuulka css
hadaba waxaa haboon in aad nimankan tiraahdo munaafiqiin sababtoo ah igama degeyso mubaarak,fahad,abdula,asad,qaabuus,sabaax,sadaam baa cilmaani ah ee waa lugooyo islaam

xaali,

iska ilaali danbi sababtoo ah waxaadan hubin waa lagu dabi galabsadaa!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Xareed kolley nin maskaxdiisa ku fakara oo wax garta ma tihid, laakiin geeseeygoomeey runtuu kuu sheegay, adna khuraafaad baad ku jawaabtay.
Waddanka hadda loo yaqaan Urdun diinta islaamku waxay soo gaartay, nabigeenna oo nool. Reer boqorka hadda u taliyaana waa faracii nabigeena. Annaga soomaali ahna, Ibnu Batuta oo ah ninkii Carabka caanka ahaa ee safri jirey, wuxuu markuu xeebaha Soomaaliya ee Saylac iyo Berbera safar ku maray 1300 tariikhdu markay ahayd ku tilmaamay soomaalida dad madmadow oo Itoobiyaan ah diinta islaamkana aan haysan!!. Waad baari kartaa safarkaas iyo waxa uu ninkaasi ka qoray.

Midda kale gardheerow isku day inaad maskaxdaada yarta ah gelisid, in ummadaha muslimiinta ah badankoodu ay xiisaynayaan in ay dariskooda iskaashi iyo wax wadaqabsi uu ka dhexeeyo. Ha haysto dariskaasi diintuu raba'e. Waddankaas aad sheegaysid muddo 50 sano ka badan ayuu la soo dagaallamayay Yahuudda, oo taas khibrad waa ka haystaa, haddana nabadda iyo wanaaggeeda ayuu arkay. Adiguna ma joogtid heer aad dalkaas iyo dadkaas wax ugu sheegtid, ee adaa wax marna lagu qoslo marna loo naxo ah.

Ugu dambeyntii mid yar oo nacaybka iyo dagaal jeclidu ku dhaafisay baan kuu tilmaamayaa. Arintu ma aha in jimce iyo sabtigu tartarmayaan. Jimcuhu wali sidiisii ayuu fasax u yahay, ee booskii khamiista ayaa sabti laga dhigay, khamiisina ciid ma aha!

Wax kale ku dhihi mayo, meherad yeelo, dadkaas islaameedna waddankooda faraha kala bax.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum

KU: Warsame

Qofka banii'adamka ah waxaa fiican inuu eego intuusan wax dhihin.
Sidase iiga kaamuuqato ama waad waalan tahay ama colaadbaad u qabtaa diinta islaamka. waayo erayga aad adeegsatay si aflagaado ahaan ah (Gadhdheere) waa wax kamid ah shacaa'irta islaamka, qof muslin ah oo nici karana majiro adigana waad kucaytami si'aad qof wax ugu dhinto.

Takale sifiican umaadan fahmin mawduuca laga hadlay iyo meeshuu usocdo ee bal thaqaafadaada kor usoo yara qaad si'aad wax u dhadhansato.

Waxaa iimuuqato inaad taageersan tahay go'aanka dawladda urdun, markaa waxaad laqaybsatay dulmigaa ay kukaceen.

Waxaan filayaa inaad afsoomaaliga taqaanno shaqo guri baan kuu diriyee bal isoo eeg.

Waxaan filayaa inaad tahay nin muslim ah qof kasta intuu kuhadlo wuxuu rabo ayuu haddana dhihi muslim fiican baan ahay.

Aayadan raadi macnaheeda, illeen waxaad laguuxi waa gaalo hallugu daydo oo halla xidhiidhiyo e.
(BISMILLAH, LAATAJIDDU QOWMAN YU'MINUUNA BILLAAHI WALYOWMIL AAKHIRI YUWAADDUUNA MAN XAADDALLAAHA WARASUULAHU WALOOW KAANUU AABAA'AHUM AW IKHWAANUHUM OW CASHIIRATUHUM ULAA'IKA KATABA FII QULUUBIHIMUL IIMAANA WA'AYADDAHUM BIRUUXIN MINHU)

Saaxiib aniga waxay iigu muuqataa inuusan kukhusaynin mawduucan aan meesha kusoo qoray haddayse dhacday inaad faraha lasoo gashay xaggeed ayaaddaa kataagan tahay adigu.

Kanoqo qoraalkaadii haddii kale ayaddaasaa xukunkeedu kuhaystaa!

Jawaabbaan kaasugi

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaah

Assalamu calaykum

Maxamed yare walaal arrinta aan meesha kusoo qoray waxay uun ahayd oo qudha olole lagaadhsiinayey muslimiinta aan u dhalan Urdun si loo taagero culumo muslimiin ah oo is hortaagtay arrintaa uu nidaamka urdun kukacay, taasoo labo waji leh mid in lugu daydo Yuhuudda maalintay kadhigatay nasasho oo ay uga dhigteen gardarro iyo ilaah caasin , sababtoo ah waxaa lugu ogaa jimcaha fasax kadhigta midda labaadee in reer Urdun toos loogu xidho suuqyada ribada ee caalamiga. Marka hadafku saasuu ahaa.

Arrinta kusaabsan in dad muslimiin ah ay halis u yihiin inay cidhib go'aan waa arrin mu'min kasta murugo ku'ah ayna tahay in taageero laga gaysto qof walba intuu kagaysan karo aad baadna ugu mahadsan tahay inaad walaalhaa xusuusiso arrintaa wayn.

Haddaan labo ukala saaro muslimiinta rafaadsan ee baab'aya: qolana cadowbaa kuhabsaday qolona ayagaa isku habsaday sida soomaalida.

Ilaah wuxuu quraanka kuyidhi asagoo noo sharxaya dhibaatooyinkaa iyaga ah ( wixii wanaag ah oo idiin yimaado wuxuu kayimid xagga Alle wixii xummaan ahna xagga naftiinna ayuu kayimid Allese inta badan danbiyadiinna wuu idiin cafiyaa)

Waxaan kuleenahay muslimiinta ilaahayna kacabsada asagana talo saarta sidaa uunbaad kubadbaadi kartaanee, haddii kale amma idinkaa la'iskukiin sallidi ama cadow idinka xoog badanbaa la'idinku sallidi, Allena dadka madulmiyo ee ayagaa is dulmiyo.

Wabillahi towfiiq

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Xareed, ma dhaar baa mase waa see!!
Haddaba anigu jawaab kale kaa sugi mayn oo mar kasta wax la idinku khilaafo adiga iyo kooxdaada, jawaabtiinu waa diin khalada ayuu haystaaye qoorta ha laga jaro.

Haddaba taalibaanow adiga iyo kuwa kula midka ahba midna i cabsi gelin maysaan. Maskaxdaada yarta ah oo aan dood-fikradeed iyo cilmi midna ku jirin ayaad ka hadashay. Meeshaanna waa lagu doodaaye isaga tag ku anfici maysee!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Bashir Abdi.

Unrecorded Date
Warsame.

Long time no see somali freind. I was looking for you around the forumss because we had a little chat going for us somewhere when you disappeared in to the crowd.

Warsame, Don't be scared of everyone and tell him he is Taliban, because taliban has done nothing except intimidate your masters into not accepting their new world order tricks.

How come you didn't mention Iran as a rogue state and that it threatens your Jewish freinds. You have seen the news the peace proccess has broken down and Iran is being blamed for that.

Warsame, nin yohow waan qoslaa markaan ku arko, Gaalada xitaa saan ugama baqaan dadka muslimka ah.


Xareed.

Assalaamu caleykum brother. Abboowe ilaahey kheyr haku siiyo. Aniga cilmi ma lihi mana ka faalloon karo arrinta waase sidaad u sheegtey. Meesha soomaali nooc walba ah waa laga helaa ee filo wax walba markaad wax qorto. Walaaloow meel kalaan ku mashquulsanahay bar yahaan iyo meel nabi maxammed lagu inkirsan yahay. Warsame waaba nin fiican oo siyaasadda adduunkuu rabaa inuu la socdo "the new millenium iyo hawleheeda" siduu kuu sheegey nabadda new milleniumka oo mareykanak hormuudka u yahay ayuu la dhacsan yahay ee sidaa u fahan.

Wasalaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

Sabti? Sabti walaa Arbaco -- markii la rabo baa la nasan karaa. Wax ilaahay na yiri *NASTA* ma jirto. Muslimiinta waxay ka dhigaan maalinta jimcaha sidii inay tahay "SABATH" oo kale -- taasna waa qalad. Jimcuhu waa maalin sida maal-maha kale ah...laakiin ILAAHAY yeelay in la tukado salatul-jimcaa. Waqtigaas gudahiisa ayaa waxaa nala yiri KA TAGA wax kasta oo kale oo Salaada aada. Markii aan dhameynana...waxaa la yiri aduunkiina dhinac ka gala.

Runtii aniga waan ku faraxsanahay in Urdun ay sabtida ka dhigtay maalin shaqooyinka laga nasto. Ilaahay waxaana ka baryay in Sacuudina ay ka dhigto Isniinta maalin la nasto. Kuwait ka dhigto talaadada maalin la nasto. Ciraaq ka dhigto arbacada. Siiriya ka dhigto khamiista, iwm. Markaas jimcahaan laga dhigay maalin dadka ilaahay yiri "nasta" baaba hari lahaa!

Israa`iiliyiintii sidaas oo kale bay yeeleen. Sabtida bay waxay ka dhigeen maalin la nasto. Ilaahay wuxuu soo dejiyay Tawreedka -- wuxuuna amray inay SABTIDA ka dhigaan maalin la nasto. Ka dibna...way ka soo bixi waayeen. Magaalo dhan oo xeeb ku agtaala dhulka Israa`iiliyiinta ayaa waxaa laga dhigay danyeero -- sababtoo ah sabtidii bay kaluunkii dabteen(ayagoo Ilaahay qayaameenaya!) Anagana, dabcan, Rasuul buu ilaahay noo soo diri doona -- na fara in Jimcaha la nasto. Bal miyaynu ka bixi? I dunno! ;D


Nabad iyo samaad baan mu`miniinta oo dhan u rajeeyay,

-Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous.

Unrecorded Date
Ahmed gaal waa iskeeney meeha. Arrey ahmed, xaad tiri bacaw yahaw?. Yuhuudda lee daba orod adiga iyo sidaaneey dhaheen. Ururkoodana inad ka tirsan tahay waa lagu sheegey. submiitterka jimcaha waa kasoo horjeedaan miyaa iyukukuna?. Bacaw Cuur madaw.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Bashir, long time no see you bro.indeed! and am glad you were looking for me!. But you'll have to excuse me, due to my work i only have limited time to participate in many intresting debates which are going on in this forums.

In our last debate you became a bit edgy and i let you have the last word, although i had a lot to say about it! I don't want to reopen it here but i want to make one point clear for you. My arguings aren't about world politcs or peace processes. Those jordanians can choose tuesday or wednesday as a holyday for all i care! or could wage war on all their neighbours!.

Was only annoyed by the stupidity of that terrorist who, with all the sufferings and hardships somalis are facing today everywhere in the world, has the guts to announce "the mother of all the catastrophes: Jordanians have replaced thursday to saturday as a holyday!!!".

About being scared, you make me laugh! I can also use threats and abusive language, so don't count on that!!. But, as i told you, i prefer a pertinent debate, also for the sake of the the other participants and readers of the the forums.

Hope we'll have more debates on subjects that concerns us (somalis) in the future. Not on these senseless, time-wasting topics.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabidiraxman

Unrecorded Date
waa nasiib daro in ay dadbadan oo ay saas ufakaraan oo aysan xataa aqoon in ayjimcuhu tahay maalinta nasashada ee todobaadka. sababtoo ah waa ciida todobaatka sida kucad axadiista.
midkale ogaada maalinwalba oo umad nasasho u ah waxay kumfadhidaa ujeedo diin ama wax kale.
ninkii umaleeya gaaladu sabtiga iyo axada bilaa micno uga dhigteen maalmo fasax waa hurdaa.

ilaahay wuxuu ina siiyay diin loogu talogaly inta ayjirto maalin iyo habayn isbadalaaya ee yaan lamasuugin!!.

axmed gaalna hala'iska jiroooooooooooy!!!!!!!!!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeeeefoooowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,JIMCO,,,,,SABTI ,,,SALAASA,,,,war nimanyahoow wax aad la socotaan maba jirto markaasaad soddon qof isaga soo daba gasheen waa salaasa iyo sabti iyo jimco,,wey oo wey ,,,,ehe way oo wey,,ehe ,,wey oo way oo inagu maanu ka hadalo tan ina heysata intaanu TARNS JORDANIAN aanu ka hadleyno oo waqtigayaga aanu ku lumin oo maanu ka hadalno tan kalee aadka u murugada leh oo beryahanba la hadal hayay oo ah kaneecadii adduunka ugu cimriga dheereyd oo keentay cudurka duumada oo far yarada bidix ee jeenigeeda hore ee midig kaga murgacatay halkaa iyo koonfurta shiinaha oo dabeedna loo soo qaaday cusbitaal ku yaal HONG KONG halkaasoo ay ku dabiibayaan dhaqtar soomaali ah iyo laba dhaqtar oo u kala dhashay shiinaha iyo thailand,,,,,marka walaalayaal ninkii war ka haya ha inala soo socodsiiyo intaanu ku mashquuli lahayn wax inalooga roonyahay oo aan wax dan ah na aan inoogu jirin,,,,,TALAADO ,,,,ARBACO ,,,,,


Ayaamaha ilaahay
eed maleh midoodnee
waxa aniga ii rtoon
taad ii timaadee
arbaciyo isniin
iyo axad meyska
dhafnaa arji leysu dira
iyo ergo meyska deynaa
inaaaaaaaageeeeey
su oomane axad meyska oodna
misee eeri go'an iyooooooo
anaaaaaaa ay jafaayee
alif macalin tiray iyo
eber weeeye howshuyee
Aaaway aaway aaaaaaaaway
sheekadeeniyoo
jaceelkii irmaanaa
iriiiiidii maxaa xiray
ayaaa eeda loo diree
idhiidii banaanaa
ma daad ooday baa jidhaa
ma uurkaa la ii dabay
ma af reer magaaloooo
leygu aamusiin baa
manigaa irdhooboo
samrigaa idlaadoo
wax ka eegin meel kale
ujeedadu maxey tahay
ujeedadu maxeey tahay
u jeeeeeedadu maxeeeey tahay


***********NEEEEEEFOOOOOWKANIIIIINI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

Annonymous,

I'm sorry that you don't have the guts to reveal your name -- but, ah...;)


C/raxmaan,

Xadiisyo? heheehehhe! Ilaahay JIMCE wuu magacaabay qur`aanka -- wuxuuna yiri sidatan;

"62.9 O ye who believe! When the call is proclaimed to prayer on Friday (the Day of Assembly), hasten earnestly to the Remembrance of Allah, and leave off business (and traffic): That is best for you if ye but knew!

10. And when the Prayer is finished, then may ye disperse through the land, and seek of the Bounty of Allah: and remember Allah frequently that ye may prosper."

So, where did God asked us to make it a *rest* day? God mentions friday -- and could mention its being a rest day. It is pure wicked -- to attribute things to God that God had not said. I would like to see how many of Muslims could fulfill friday as a rest day -- all their lives.

Now, HADITHS? Ah, yeah -- I forgot...a book where you can find whatever yu want.

And, FYI, Jews think that God RESTED on the seventh day of the week -- after he made the world in six days. It is noteworthy that they got this from Hadiths, as well. And GOD says to them;

"50.38 We created the heavens and the earth and all between them in Six Days, nor did any sense of weariness touch Us."

HOWEVER, because they said so and made it a rest day for themselves -- God made it holy for them...to keep. AND they couldn't. And they were punished...and were exiled -- etc etc etc.

And, FYI, X-tians observe SUNDAY -- because of paganism. It has NOTHING to do with X-tianity. When x-tianity was rising in the pagan community -- it was in competition with a pagan religion called "Mithraism" which had SUNDAY as a holy day(the day of the god)...thus, X-tians adopted it to match it to them...so that they could have more followers. SAME with dec 25th(Jesus was born Nissam 13...of the Hebrew Calendar -- yet nobody celebrates that) Sunday and dec 25th are STILL mithraic practice -- both being the birthday/re-surection of Mithras, a sun god. Ever wonder why it is *sun-day*? heheh. Jesus was an Israelite who spoke Hebrew/Armaic which has *sunday* as "day one"(like AXAD...in Arabic!)

...just a little bit of help -- which you don't need, of course.


Peace, Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Neefowkaniini, splendid! Aad baad ugu mahadsan tahay heestaas jacaylka ah, waxa aan ka hadlaynana "rediculous" ka dhigtay!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Magan.

Unrecorded Date
Ahmed gaal waa nin nabi kale oo la dhaho RASHAD KHALIFA RUMEYSAN ninkaasoo yuhuudda lacag u siiyey inuu xizbi islaam isku sheega laakiin nabi maxammed kasoo horjeeda aasaaso. Ahmed nimankaasuu ka tirsan yahay waana sababta uu u leeyahay -A book you can find anything- Hadalkaas waxaa dhahay NABIGA AHMED RUMEYSAN YAHAY iyo qoloda uu ka tirsan yahay. Waxaan ku leennahay ahmed WALAALKEEN BASHIR ABDI woxow ku dhahyey oo hoos noogu soo koobbiyey. Ahmed WAA GAAL EY AH OO DOOFAAR AH oo lacag loo soo siiyey inow somali been u sheego.


By bashir abdi. on Tuesday, February 15, 2000 - 02:05 am:

Ahmed can find all his answers and the solution of his confusion in the Quran itself but how many readers of the quran are there who don't understand a word of what it is saying for Allah
says..."And of them are some who listen to you; but we have set veils on their hearts, so they
understand it not, and deafness in their ears; if they see everyone of the AYAT(proofs, evidences,lessons) they will not believe in therein"..Ancam 25.

The only thing we say to AHMED is the same thing the quran says to people like him who are engrossed in their disbelieve and CURSE THEM THE SAME WAY THE QURAN CURSED THESE PEOPLE when it said..."Say (O' mohammed saw) whoever is in error,
The Most Beneficent (Allah) will extend (the rope) to him, until, they see that which they were
promised, either the torment or the hour,- they will come to know who is worst in position, and
who is weaker in forces.". 19:75

WE will see who is in a bettter position when we file behind MOHAMMED AND submitters INCLUDING AHMED file behind MUSEYLAMA since OUR PROPHET ALSO INDICATED "The individual will be with whomever he ADORED" Let AHMED adore his RICHARD THE COPTIC and we ADORE MOHAMMED. Let us wait and see who was duped INTO KUFR.

We also tell ahmed unlike him we are not RESEARCHING ANYTHING, We have done that before
and are assured of the messengerhood and the prophethood of our PROPHET and that he is the
last and we don't check into anyone else and our prove is clearly in the QURAN..." Say (O'
Mohammed): "I am on clear proof from my Lord but you deny. I have not gotten what you are asking for impatiently(the torment). The decision is only for ALLAH, He declares the truth, and he is the best of judges." Ancam 57.

Let Ahmed wait and ridicule those who follow unlike him THE QURAN AND SUNNAH.

Allah says in another verse " For every news there is a fact, i.e. for everything there is an appointed term(and it is also said that for every deed there is a recompense) and you will come
to know". Mashallah look at this beauty. Inshallah AHMED will find the truth in his death bed or in the grave before the big day and hope he tastes the outcome of his DESBELIEVE.

Allah said in another verse.." If they belie you (O' mohammed) say you:"Your Lord is the Owner
of the vast mercy, and never will his wrath be turned back from the people who are mujrimin".
Ancam 147.

this is clear address to AHMED AND HIS SUBMITTER BROTHERS. If you have any doubts of their GAALNIMO VISIT the website AHMED copied from.
http://www.submission.org/mohamed-write


Ahmed ilaahaan ka magan galney iyo beentiisa "And say;" My Lord! I seek refuge with you from the whisperings(suggestions) of the devils..And I seek refuge with You My Lord! lest they may attend(or come near) me."23 97 98....Like AHMED DOES WHEN HE IS SUBMITTING HIS new prophet's sayings "Rashad said this and that to discredit what our prophet said."

I would like to close this AYAH for AHMED.."And if they belie you, say:"For me are my deeds! You are innocent of what I do, and I am innocent of what You do". 10:41

It is up to AHMED to believe whatever he wants to believe in. It is not acceptable he visits this
forums and acts like he is the JEWEL IN THE CROWN and THE FOLLOWERS OF MOHAMMED ARE WRONG WHILE HE BELIEVES IN HIS SATANIC QURAN FROM RICHARD KHALIFA.

Qiyaamo aan isku aragno inta ka horeysa adiga meeshaan ka muran with your submission to the
devil, I have other important issues to attend to if you will excuse me.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Magan.

Unrecorded Date
Ahmad gaal istaahilkiisa wakaas oo dadka yaqaan lama hadli karo saasuu u gariiraa. Wuxuu rabaa meelahaan laga aqoon inuu kusoo dhex dhuunto oo been muslim iska dhigo isagoomeelo kale kusoo beeniyey nabi maxmmed inuu yahay kii ugu dambeeyey. Isqor badanaa dulliga alla dulli waaba badaye meel walbana yaa muslimiin buu la taagan yahay. War muslinimadaada waan ku gaaloowney ee teenna no daa oo orodoo dee meelaha aad ka tirsan aad ha inna dawarsan gaal yohow gaalka kale aan jirin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmad

Unrecorded Date
Asalama Alaykum Muslims!

Yaa *Magan*...Marka hore -- maba aaminsani inuu nabi muxammad ka dambeeyo imaanayo...marka xigta, maba aaminsani in rashad yiri "nabi" baan ahay. Mida kale, maba aaminsani inuu rashad ahaa ama rasuul ama nebi.

Waxaad tiri;

[Ahmad gaal istaahilkiisa wakaas oo dadka yaqaan lama hadli karo saasuu u gariiraa. Wuxuu rabaa meelahaan laga aqoon inuu kusoo dhex dhuunto oo been muslim iska dhigo isagoomeelo kale kusoo beeniyey nabi maxmmed inuu yahay kii ugu dambeeyey.]

Hahahahah! "dadka yaqaan" HA HA HA HA HA! Dadka i yaqaan magacyadooda intay ka cararaan...bay magacyo kale ku daba dhuuntaan. LAAKIIN, baqti iyo uskag...weligiis ma qarsoomo. Marka, yeah...cry your little heart out.

Axmed baan ahay -- iskama dhigo waxaan aheyn...dadkana masiiyo darajo aysan laheen oo bini aadam oo dhan wax weji ah oo haba yaraatee oo aan ka rabo baa iska yar. Marka, ciil qaboow -- cadaabta gal! ;)

Waxaad kale oo tiri; "Isqor badanaa dulliga alla dulli waaba badaye meel walbana yaa muslimiin buu la taagan yahay. War muslinimadaada waan ku gaaloowney ee teenna no daa oo orodoo dee meelaha aad ka tirsan aad ha inna dawarsan gaal yohow gaalka kale aan jirin."

aaah, :) heheehhe! DID i say YOU were muslim? why?...Muslim is not a name people call themselves when they don't deserve it. Shall we call the X-tians who believe jesus was god and believe they love him "followers of chirst"? nah. You see -- GOD is powerful...and HIS religion has nothing to do with idol-worshippers of anykind. A little touch of the qur`an does not hurt. When I say "MUSLIMS" I mean MUSLIMS alive and dead -- whom God entrusted with the power of BELIEF. Blessed are such people -- they know themselves...and so does God. Are you one of them? MAGAN Alla! ;)


Peace and Love to ALL Muslims,

-Ahmad!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE.

Unrecorded Date
to.neefokiniini.
warniyahaw maadqaska kadaysaan adiga iyo saaxiibadaa qaybta Isala-ka oo alle kaxishootaan?.
qaybtaan loogama hadlo soomaali kaliya ee waa islaamka oo dhan,marka way wanaagsanaan lahayd wixii diin kusaabsan in latixgaliyo ama looga hadlo si wanaagsan.

to.axmed gaal.
wali mawixii xilka lahaa baad lawareegaysa iyo murtadnimadaadii?????.
soomaali kubaratayE maad badeecada rakhiiska ah meelahaas la'aadid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum waraxmatullaah

Anigoo filayo inay argagixisadii kalayara firidhay ayaan mawduucaygii dhammaystiri.

Intaanse billabin aan kuyara hormaro sheeko yar.

Walaalayaal waa ehlu iimaankee balkawarrama ragga ayagoo islaanimo sheeganaya soo galay mawduuc khuseeyo diinta ilaahay oo intay caytammaan haddana heeso jacayl ah nugu korqaadayo, hadafkoodu waa baadilka soo raaca, maxaa kaa dhici lahaa hadday fahmayaan waxaannu kasheekaysanayno, waxay lasoo taagan yihiin maalmaha waa iskumid yaa diiday in maalmaha Alle wado abuuray. Waxa laxusay waxay ahayd inayna u bannaanayn inay muslimiin sammeeyaan munkarka ay dawladda Urdun latimid. Waa munkar kudhac oo macsiyo kudhiiqo.

Alloow hanadullayn adaa dawli ahee

Ninka layidhaa Warsame dhowr meeloodbaan ku'arkay asagoo caytamayo waxkalana kama urininee waxaan ka uriyey wadaado nacayb aysoo hoos gali diin nacayb. Waayo su'aashu waxay noqoni maxaad u nacday wadaadka, asaga marka nacaybkiisu shakhsi ma'ahee waa diinta wadaadada wuxuu necebyahay ilaahayoow xaqa noo sahal.
Waxaan arkay meel uu kudhiirigalinayo in khamri laqudqudhiyo oo lafsaxo, "Waa ummulkhabaa'ith".

haddana wuxuu leeyahay gaalada halasoo dhawaysto,
yaa kayeeli jaahilka munkarkaa uu wato oo isaga kacaqli xun.

Haddaan dib ugusoo noqdo mawduucii:

Waxa sababay inay muslimiintu ugasoo horjeesteen dawladda urdun in ay tidhaa sabtida halanasto waa:
1- Kudayasho yuhuud lugu dayanayo taasoo uu islaamku xarrimay si'ayna yuhuudda ugu fududaannin inay umadda lumiso, waana waxyaabo uu rasuulka (scw) sigaar ah uga dardaarmay inaan yuhuud iyo nasaaro lugu dayan.

2- Suuqa uu leeyahay Cabdalla halla waafajiyo suuqa urdun waa suuq xaaraan kudhisan oo min billow ilaa dhammaad kusalaysan Ribo, waa suuq ay adagtahay in laga helo shay xalaal ah, ayna bannaan tahay inlagubo waa haddii awood loo ahyo waa suuqa lugu faliso lacagaha dawladaha daciifka ah luguna dumiyo dhaqaalaha dunida soo korayso, waxaana miithaal idiinkufilan sidii loo galay Malaysya iyo Indoonesiya dhaqaalahooda sanado kahor.

Marka walaalayaal ninka iyo dawladiisaba waxay layimaadeen labo shay oo aad ufoolxun.

mana aha wax lataageeri karo mawqifka isaga ah.

Wasaalaamu calykum.

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED YARE

Unrecorded Date
salaamu calaykum,

marka hore waa siduu xareed sheegayee"qilaafida la qilaafayo yuhuud iyo nasaro waxay tahay in wax tafshiish ah aan lagelin umada islaamka ah" waxaase iga su'aal ah sababta uu rasuulka css uu u yiri halaga saaro yuhuud iyo nasaaro bariga dhexe markii uu xijaabanayey? sababtaas anigoo meel yar ka soo qaadanaya, 1948 waa markii ay yuhuudu ka dhisatay wadan degaankaa ilaa iyo hada bariga dhexe waxa lasoo wajahay waynu ka wada dheregsanahay sidaa darteed waxaa halkaa iiga soo baxaday dardaaranka rasuulkeena css in ay tahay ka hortag in umada islaamka wax yeelo soo gaarto oo waad aragtaan waxa urdun ka dhacaya iyo gebi ahaanba bariga dhexe. marka walaalayaal xaqiiqda waa mid marwalbana si looga leexan karin hadaad isu haysato moderate,extremist iyo liberalba.
ogowna in gaalo macaamilkeeda uu ka daran yahay macaamilka diintaada,mustaqbalkaaga iyo aaqiradaada and be aware that this world is theatre and many other issues are waiting for us in the grave and the hereafter.

salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Xareed beenaale, Anigu kula doodi mayo oo maskaxdaada iyo cilmigaagu intuu le'eg yahay waa loo wada jeedaa.

In aad diinta iyo culimada adigu jeebka gashato oo qofkii maskaxdaada yar la yaababa aad ku xuuxiso lama yaabani. Hase ahaatee ninyohow waxaad iga yaabisey markaad inta soo istaagtay aad tiri " ... waxaan arkay meel uu ku dhiiri gelinayo in khamri la qudhqudhiyo oo lafasaxo". Soo sheeg oo noo wada sheeg meesha iyo goorta aan hadalkaas ku iri, si qofkasta uu u xaqiijiyo.

Aayadahaagii marba dhinac aad u jeedinaysay waa kaa dhamaadeen, markaas baad been cad oon daah lahayn la soo istaagtay, oo haddana adigu isu jiibinaysaa "waa ummulkhaba'ith"!!! sidaa baad diin ku sheeganaysaa!

Waryaa, hoos inta isu dhigo adiga kula mid noqon mayo, orod oo afaaraha Urdun noo kala dhig-dhig, laakiin been dambe ha iga sheegin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeeeefooowKaniiiiiiini

Unrecorded Date
Waar nimanyahoow innagaa belo arki weynay,, oo waxaa la yidhi balo aanan kaa qoslinba balo maahan,,, Anigu horta maba aanan jecleysan inaan duulasha qaarkood aan la tirsado se kol kol uunbaad waxaad arki mid si isu yara dhaafsan oo meel laga jiraa, bidix iyo midig aanan u war heyn oo haddana Gar yaroo jaqafsan iyo jaq jaq aanand u maara heleyn oo aad is leedahay wuxu muxuu soo liqay, jaqjaqdani ka badan caqli fayoow'e, ,Isgaaxuurintana iyo isla saxsanaantana waxaadba is leedahay looxii maxfuudka ee sare buu soo yaraha dheehday,,,....Kolka Warsamoow horaa waxaa loo yiri haddaad adiga iyo doqon aad wada doodaan dadku isku mid bey idin moodayaan oo dadku idinma kala sooci karaan ee Warsamoow kuwa caqliga yaree ee aan aqoonta fog laheyn hala doodin haddana uu ku sii darsaday been iyo iftiraa oo adoo taagan ruuxani uu kugu been abuuranayo ,, marka isaga gaabsoo kuligayaga waanu aragnaa Axadka waxa uu ku kacay iyo is been fariinkiisa,, ee calal agal haddu garan lahaa sababta loo sameeyay xataa meeshan kadaatee TRANS JORDAN la yiraa iyo ninkii iyadaba soo aas aasay wax ha inooga sheego,, laakinse maxey kugu taalaa aragnay Axadka waxa uu la soo fagaara tagay,,,,,,,,...


wa bilaahi towfiiq,
NeefoowKaniini........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillah

Warsame fadlan dib ugu noqo qoraalladaada aad kuqortay forumskan kana baadh waxaan kugu eedeeyey.

Haddaad kawaydo soo xaqiiji inuu warsame kale carrada joogo mase filayoo intaanan go'aanka gaadhin ayaan sifiican ugu fiirsady, ninka doodayadii aflagaaddada lasoo galay iyo ninka waxaa qaabka daran qoray inay isku shalkhsi yihiin.

Waase arrin fiican haddaad qaskii joojisay ood tidhi sheekadaadii siiwado.

Neefowkiniini heesaha jacaylka uwareeji boggoodii halkan loogama baahnee boy...

Nice talking to you men.

And see you again

Saaxiibkiin Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Xareed, waxaad u muuqataa nin hadalkii beenta ahaa ee uu sheegay si uu isu difaaco, uu la soo kharaaraaday. Haddane geesinimo iyo raganimo aad ku tiraahdid iga raalli ahow ma lihid.

Ma adiga beentaas soo jeediyay ayaa sheegaya meeshaad ka keentay waxaas, mase aniga aad igu been abuuratay ayaa haddana baaraya beentaas aan meelna ku oollin?

Doodda iyo edebteeda soo baro, iyo weliba xoogaa aqoon ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umhaanim

Unrecorded Date
Assalamu calykum warahmatulahi wabarakatuh

To: Xareeed, jazaka'allahu khairan for informing us this sad news. It's very disoppionting to see the muslims immitating the kufars, when clearly we are told to do the opposite. Allah (swt) commanded us severel times in the quran to not immitate or follow jews and christians and the consequence of such itibaac. As he said fee surah maidah "ya ayuhaladiina amanuu laa tataqidul yahuda wanasaraa awliyaa, bacdhuhum awliyaa u bacdh, waman yatawalahum fa inahuu minhum". O you who believe take not the jew and christians as Auliya (friends, protectors, helpers..etc), they are but friends to one another(jews&christ), and if any amongs U (muslims)take them as Auliya (friends, protectors or helpers) then surely he is one of them.

Also Allah (swt) told us that even if we become like them, they'll never except Us as one of theirs "Ya ayuhaladinaa ammanu intudhicuu fariiqan minaladina utul kitaba Yarudukum bacda imanikum kafirrin." O you who believe, if U obey a group of those who were given the Scripture (jews&christ), they would (indeed) render you disbelievers after U have believed. And How would u disbelieve, while unto U are recited the verses of Allah....

To those who claim that(on friday an thursday), if the muslims don't compete with jews and western society that they will miss out on business deals, that's a crap and U know it. Who gives U ur risq, and blessing? Allah (swt) is, by now if u don't realize that U NEED HELP. I mean where ur hikmah subhannallah don't u know that (Innallaha yarzuqu man yash'a biqayri hisaab)verily allah provides sustenance to whom He wills, without limits. And by fearing Him He make ur live easier " waman yatiqallah yajcalahu maqrajaa, wayar zuqhu minhaythu laa yaxtasim, waman ya tawakal calallah fawahu xazbuh. "And whoever fears Allah and keeps his duty to Him, HE will make a way for him to get out from every difficulty and HE will PROVIDE him from (sources) he never could imagine. And whosoever puts his Truest in Allah, then HE will suffice him. Verily, Allah will accomplish his purpose and indeed Allah has a set of measure for all things.

Meanwhile, those who make fun of beard (like warsame and neefowkaneeni) fEar Allah (swt), indeed the beard is the sunnah of the Prophet (saw and it's among Allah (swt)'s SHACA'IR's( His symbols). " Dalika Waman yucadim shacaa irallahi fa innahaa minTAQWAL QULUUB" And whosoever HONOURS THE SYMBOLS of Allah (swt), then it is TRUELy fROM the PIETY OF THE HEART.

I didn't mean to intrude ur debate, but the evil shouold be spoken against and the Haq should be supported

Wa aqulli qawlihadaa wa astagfirullahu lee walkum

Assalamu calykum wr wb
fee amanillah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaah

Assalaamu calykum

Umhaamin jazzaakallaahu khayran

Aad iyo aadbaad ufaahfaahisay mawduuca waxaana kaamuuqata aqoon diineed iyo cabsi Alle.

Suurtogal noqonmayso inaan ka'aamusno dulmiga carrada lagu nijaasaynayo iyo shaacirta ilaahay ee lugutumanayo.

Allahu akbar walillaahil xamdu.

Wassalaam

Xareed

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.