site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAANO WALAALTINIMO AH!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): WAANO WALAALTINIMO AH!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaah

Assalaamu calykum waraxmatullaah

Dhammaan mu'miniinta boggan booqata walaalayaal waxaaan jeclaystay inaan waxyar idin xusuusiyo.

Waxaa ishaydu qabatay waxyaabo badan oo aad ufoolxun oo ay dad boggan kusoo qoreen kuwaasoo xag diin iyo xag mujtmacba dhaawac keenaya.

Waxaan aaminsanahay in somalinet uu yahay net ufuran soomaalida oo dhan, sidoo kale boggan inuu yahay bog islaamka u gaara. Maadaama ay arrintu sidaa tahay waxaa ila habboon in labo shayba laga dheeraado: kow dadka afka qalaad waxkuqorayo kuwaasoo rabo inay soojiitaan dad kale oon shaqo kulahayn boggan sidaasna kufurayo dariishado aan munaasab ahayn, walibana qaarkood ay caado kadhigteen inay fawaaxish kusoo qoraan afqalaad taasoo shaydaanoo dhan soo jiidi carradana wasakhayn.

Labo: in lajoojiyo waxyaabaha islaamka wax u dhimayo ee ay dadka qaar lawareegayaan taasoo dhaawac iyo munakar uun sii siyaadini.

War halla xishoodo mujtamacana foolxumada hallaga ilaaliyo, qiil kuunoqon mayso soomaaliyaa burburtay oo waxaan rabaan sammayn iwm.

Kuna xisaabtan inay imani maalin (YOWMUN LAA YANFACUN MAALUN WALAA BANUUN ILLAA MAN ATALLAAHA BIQALBIN SALIIM)dadka geerida qaar way haleeshay qaarna way korjoogtaa qaarna way kor imani maalin maalmaha kamida. Hadaadan hadda ujeedin wax waynoo kuxusuusiyo Aakharo kuxisaabtan iyada iyo adiga waxaa idiin dhaxeeyo intay nafta kaabixi naftana ilbiriqsiyo gudahood ayey kaagabixi kartaa. Cadaabkana dadka qaarbuu ubillaaban markay dadka duugo katagaan oo lacidleeyo.

Waxaan fili inuusan dadka qaar xummanta katagi karin sidaa awgeed ayuhal mu'minuun walmu'minaat qaadaca oo ha'u jaawabina dadka qoro waxa foosha xun si'ay u cidloodaan kadibna madaxa u xanuuno.

Qof diinleh bay dan u tahay doqonise yeelkeed.

Wassalaam

Xareed

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.