site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SU AAL AY QABTO GABAR MUSLIMAD AH ?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): SU AAL AY QABTO GABAR MUSLIMAD AH ?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAASHA

Unrecorded Date
A/CALAYKUM walaalayaasha muslimka ah waxaan idinka codsanayaa in aad arintaan ii ga soo jawaab taan hadaad wax cilmi ah u leedihiin .waxaan ahay gabar dagan wadanka canada waxaan isqabnaa wiildagan sucuudi arabiya oon ilmo isku leenahay ,waxaan iskula noolayn wadanka sucuudiga dhawr sano kahor ,intaanan ka imaan isga wax dhibaato ah nagama dhaxayn xitaa bixitaankayga raali ayuu ka ahaa oo asagaa na soo diray ,waxaan isku ogayn inuu naga daba yimaado ,kadib in mudo ah waxaa dhacday inaan booqsho ugu tagnay oon uur soo qaday , kadib markaan ku soo noqday wadankaan daganaa oo aan joogay in muda ah ayaa waxaa dhacday in uu soo wacay guriga gabdho walaalahay ay daganaayeen oo mid kamida gabdhaha la qabo ,waxaa maalintaas telephonka ka qabtay walaashay ninka qabay ,markaas salaan kadib ayuu ku yiri ii dhiib xaas kayga ,markaan ka qabtay wuxuu igu yiri markuu iga qabtay dumaashigaa wuu neeftuurayay adina markaad iga qabatay sidoo kale ayaad ahayd markaa ma waxaad samaynayseen sex(ama macsi) markaa arintii way ila waynaatay ,markaa waxaan go,aan saday inaan dar ilaahay u qariyo aflagaadada uu isoo gaarsiiyay ,dhawr maalmood kadib wuu iga raali galiyay arintii ,aniguna dar ilaahay ayaan u cafiyay ,10maalmood kadib anagoo dhibaato na dhex ool ayuu waalidkay wacay asagoo iga sheegaya ceebo fara badan oon ilaahay ka magan galay , kadibna waalidkay isoo wacay ayagoo yaaban waxayna iwaydiiyeen in dhibaato ay na dhex taal ninkayga waxaan u sheegay inaan dhibaato na dhex ool ka dibna waalidkii ii sheegay inuu af lagaado badan sheegayay (iyagoo ii faah faahin wuxuu iga sheegay) markii waalidkii ay ku dheheen xishoodna wuxuu ugu jawaabay inaan idiin furo gabadhiina ayaan idiin soo wacay ,aniguna sidii ayaan uga hadal goostay ilaahada anigoo caayin wax dhibaato ahna gaarsiin ,waxaan ku iri ilmahaaga kaliya ayaa naga dhaxeeya ee iyaga lasoo xiriir hadaad u baahan tahay ,markaa walaalayaal maxay diinteena muslimka ka qabtaa hadaan ninkaas mardanbe laxiriiri ,umana qabo wax wanaaga sababtoo ah aflagaadadiisii ayaa fara badatay PS waxaan idinka codsanayaa qofkii cilmi diinta uleh inuu ii soo jawaabo ,uuna ii soo faah faahiyo siday diintu ka leedahaY,WALAALYAAL raali ka noqda haday su aashu aad u dheeraatay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleiamn

Unrecorded Date
Dear: Caasha

Asalaama Caleykum


Walaal waxaan akhriyey qoraalkaaga sifiican waan
u fahamay waxaad sheegatay, Walaal waxaa layiri
Ooda waxaa loo kala qaadaa sida ay ukala sareeyaan
Walaal meeshan aad wax ku soo qortay, waa meel
public ah oo waxaa jooga qof walba ciyaal iyo qof
weynba, marka arintanina waa arin muhiima, Walaal
waxaad la xiriirtaa Maajidka Khalid Binu Walida
waxay lee yihiin gudi arimahaas u gaar ah.
I hope inaad fahantay hadalkayga


Your's Suleiman

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
CAASHA

ninkaada iyo adiga nabad baad ku wada joogteen Sacuudiga, HADA MAXAA DHIBAATADA KEENAY?
Jawaabtu waa waxaad soo dhex gashay duul wada haleysan, adoo cayr ama welfare laguu bilaaway,adiga oo rabo inaad hesho freedomka gaalada oo ah inaad party walbo aado boyfriendna yeelato,adiga oo lagu baray sida 911ka loo garaaco, adiga oo lagu yiri waa ilbaxnimo inaad ninkaada raacdeyso, naagaha Toronto ee lala tunto waa kuwo ragoodii eey Carabaha iyo Africa deggan yihiin.
NO WONDER THAT ALL SOMALI WOMEN IN TORONTO ARE SINGLE MOTHERS AND PARTY LOVERS.
Walaal waxaan ku oran lahaa hadaad dhaqasho rabto iyo inaad ilmahaada dhul islaam ah ku korsato isaga noqo Sacuudiga oo isaga tag dhulkan gaalada
ninkaada iskala hadal oo la heshii oo jilbaha qabso.
Toronto waa meel lagu halaaway oo waxaad arkeysaa naago la qabay oo nimankoodii eryay oo rag jamaican ama chinese ama cadaan ah meelaha eey ku dhuuqayaan, qaar baa xitaa jidadka taagtaagan oo la qaataa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAASHA

Unrecorded Date
SULAIMAN walal waad mahadsantahay saad wax iigu sheegtay waa runtaa kii adiga kugu xigay ee jawaab soo qora ayaa noqday seef labood oo isagoon waxba hubsan galay toronto waa lagu halaabay markaa waxaan ku oran lahaa mr ANON, hadaadan diinta waxba ka aqoon ha ii soo jawaabin teeda kale waxaan ahay gabar muslimada oo diinteeda ku dhaqanta ee cayrta iyo waxaad aqrinaysa aan dan kalahayn markaa ilaahay ha kaa jaasa mariyo af xumada aad dumarka somaaliyeed xumaynayso anigu kugu dayan maayo .hadana arintayda masaajidka ayaan latagayaa .sulaiman walal ilaahay ha kaa abaal mariyo taladaada wanaagsan aamiin .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Anony

Duqa horta waxaad shegi waxbaa ka jira oo anigaba waan maqlay in Somaalidu fasahaaday. Lakiin waxay ila tahay inayna kugu habooneen inaad saas uga jawaabta gabadha walaasheen ee dhibka heesta soo bandhigatay ee leh walalayaalow ila taliya.

Miyaadan ogeyn-se iney carabtuba caruurta fara xumeeyso oo fasahaad abihiiisba uu yahay dhul carbeed. 'taas micnaheed ma aha inaan galada la jiro ama jecelahay'. Siduu qof bini aadan ah ugu noolaan meel afar iyo labaatan saac la leeyahay aaway sharcigaagi, hadaan ku tarxiileyna iyo wax la mid ah oo qurun ah garan maayo anigu( et Sacuudi iyo Kenya).

Mase ku fakartay inay gabadhan ama kuwa badan oo joga Europe aysan garaneyn meel ay ku nooladaan iyo meel amni ah oo ay manta joogi karaan wadankoodi hooyo. Markaa miyeeysan aheen 'save heaven' inay ku nolaadaan wadan reer galbeed wax lagala kulmaba.

To:Caasha
Walaalay waxaad ku jirtaa xaalad adag, waxaadna codsatay qofkii cilmi diin u leh kaliya inuu kula taliya, madaama uu cilmigaygu u badan yahay "cilmi dhagood" ayaanan talo ku siin karin. Lakiin waxaan ku oran iska sabir, sabirkaa wanaagsan ee. Ogowna inay jiraan gabdha badan oo wanaagsan oo sidaada oo kala ah, lakiinse qorta ugu jiraan kuwa wareersan oo ah 'saxiibo shaki".

Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAASHA

Unrecorded Date
A/CALAYKUM ,KUSOW walal waad mahadsantahay sida wanaagsan eed usoo jawaabtay ,markaa walal waxaan qaatay taladii walalkeen sulaiman oo suaashii masjidka ayaan su,aalay ayagaana jawaab iga soo siin doona hadii ALLAH raali ka noqdo .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sadam Hussein

Unrecorded Date
A/CALAYKUM, Caasho walaal waad ku mahadsantahay arimahan aad usoo bandhigtay ummada soomaaliyed iyo sida aad ugu xulatay talada wanaagsan ee aheyd tii uu ku siiyay Brothre Suleiman.

Somali been kuma maah-maahin (Kirliga maxaa karka ka keenay)waa "kuleylka". Ninkaga waa kululaaday.

Ninkaada iyo adiga laba wadan oo kala fog ayaad kala joogtaan, maadaama Telefoonkana uu nin raga ah ugu jawaabayna waa u maseeray hana la yaabin raga iyo dumarkaba "maseerka" waa wax common ah dumarkaba ha u sii badnaadee.

Waxaase fool-xumo ah arimaha noocaas in uu xaas kaaga gaarsiiyo waalidka ama eheladda.

Hadda iyo dan, marwaliba albaabada massajidka waa uu kuu furan yahay culumada diintana waad la tashankartaa. Hana ku fududaanin marnaba in aad ilmahaaga iyo aabahood kala fogeysid ayagoo awalba kala fogaa taasi macnaheedu waa ha ku deg-degin furniin ama in aad iska fasaqdid ee bal arag waxii uu layimaado in muddo ah "in the next future".

Haddii ninku ama naagta midkood xumaato la yimaado midkale waa in uu sabraa ee maaha in uu ku da,ysado. Arimahaan aad ka cabaneysidna ma,aha mid adiga oo kaliya kuu qaas ah ee dumar aad iyo aad u fara badan ayey haaysataa ragoodiina eey kukala maqanyihiin dhulalka carabta iyo USA.Dumarkaas badankoodana waxay ku noolyihiin wadankan Canada specially Gobalka Ontario.

By Sadam Husein

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CAASHA

Unrecorded Date
BRO SADAM HUSEIN

WALLAAL waad ku mahadsan tahay sida aad ka u fiican eed ila hadashay ,

Wallalal marna kuma fakarin in aan kala fogeeyo ilmahayga iyo aabahood oo waa ari aan fiicnayn in caruurta walidkood loo diido midkuu doono ha ahaado .
markaa wallaal furid kuma fakarin ee waxaan waydiinayay culimada in danbi iiga socdo intaan ka aamusnahay ama aan diiday inaan lahadlo anigoo ,wali xaasskiisii ah ,iyo waxay diintu ka qabto hadaanan lahadlin in muda ah sabab too ah aad ayaan u caraysnahay waxyaalaha uu igu matalay ama ku fakaray iyo siduu waalidka iigu fadeexeeyay oo ah waxaan laqaadan karin,.

Markaa wallaal wadaadada, ayaa wali kafadhiya oo xal u raadinaya arinta ,ALLAH qayrka ha nawaafajiyo AAMIIN .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sadam Hussein

Unrecorded Date
To Sis: Caasha waad ku mahadsantahay jawaabta aad iisoo jawaabtay. However, carada aad u careysantahay ninkaada wax uu shalay yiri waa wax lasoo dhaafay mar hore ee iska iloow dibna ha uu sii raacin. Midda kale ee aad leedahay in aanan lahadlin ama ka aamuso ninkayga dambi miyaa iga soo gaaraayo oo wadaada ama culumaa-udiinka ayaa wali ka fadhiyo. First of all I am not a religious person,but common sense. Balse waxay illa tahay in aad adiga iyo ninkaagaba aad ku qasbantahiin wada hadalka maadaama laba wadan aad kala joogtaan ilmana meeshii eey kujiraan ama xag diiniyan ha noqoto ama xag dhaqan midba waa wax muhiim ah communications.

Wadaadadan aad leedahay wali aranta ayey ka fadhiyaan,uma maleynayo arintani in tahay wax weyn,waxaase laga yaaba waddada qaarkood in eey sikale wax kuugu sheegaan ayagoon si qalad ama ula kac uusan qalbigooda ku jirin.

Midda kale waxaa igu maqaal ah,diiniyan ahaan ninka iyo haaskiisa in aan anay kala maqnaan karin muddo ka badan sedex bilood(more than Three months,) sorry, I am not sure but find out.

I hope this advice will be enough to solve your problems once and for all. Caasha, good luck and take it eassy.

Best Regards

Sadam Hussein

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sadam Hussein

Unrecorded Date
To Sis: Caasha waad ku mahadsantahay jawaabta aad iisoo jawaabtay. However, carada aad u careysantahay ninkaada wax uu shalay yiri waa wax lasoo dhaafay mar hore ee iska iloow dibna ha uu sii raacin. Midda kale ee aad leedahay in aanan lahadlin ama ka aamuso ninkayga dambi miyaa iga soo gaaraayo oo wadaada ama culumaa-udiinka ayaa wali ka fadhiyo. First of all I am not a religious person,but common sense. Balse waxay illa tahay in aad adiga iyo ninkaagaba aad ku qasbantahiin wada hadalka maadaama laba wadan aad kala joogtaan ilmana meeshii eey kujiraan ama xag diiniyan ha noqoto ama xag dhaqan midba waa wax muhiim ah communications.

Wadaadadan aad leedahay wali aranta ayey ka fadhiyaan,uma maleynayo arintani in tahay wax weyn,waxaase laga yaaba waddada qaarkood in eey sikale wax kuugu sheegaan ayagoon si qalad ama ula kac uusan qalbigooda ku jirin.

Midda kale waxaa igu maqaal ah,diiniyan ahaan ninka iyo haaskiisa in aan anay kala maqnaan karin muddo ka badan sedex bilood(more than Three months,) sorry, I am not sure but find out.

I hope this advice will be enough to solve your problems once and for all. Caasha, good luck and take it eassy.

Best Regards

Sadam Hussein

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Shabeelnaagood

Unrecorded Date
Salaam Caasha........
....Haddaad tahay qof talo qaadanaya..midayda yar oon lahayn isuhoos galin waa tan:

1. walaaley waxaad tahay qof la qabo, caruurna leh...Mahad allaah leh...Marwalba xasuusnow taas..

2. Sheekada gurigaaga (ninkaaga, ilmahaaga..) halkaas ku xir, oo mar dambe ha sheegsheegin...
Masjid ha aadin, dad kalena waxba ha usheegan...

3. Arintan ninkaaga ku saabsan ee ah "saanuu i yiri" iwm..waxaad ogaataa inay keentay kala maqnaanta....
Haddaad isla joogi lahaydeen ma dhacdeen arintan.....soomaali waxay tiraahdaa "Labo kala bariday kala warla'"....

4. Qofka markuu rabo inuu wax macaaniyo siduu rabuu kuugu sheegin markuu rabo bilcaksina sidoo kale isla arintii...Ninkaan shalayba wuu macaanaa maanta maxaa kharaariyey?...
Haddaad nacday ninka si fudud ayaad isaga furi kartaa ee lasoco adoon u raadsan "saanuu iyiri" iwm....
Amaa haddaad rabtid inaad reerkaaga dhaqato asaga kala hadal arintan...Maxaad asaga uga xiranaysaa hadalkaaga oo ninkaaga xalaasha ah, annagoo lama yaqaan luqun madoow ahna noogu sheeganaysaa arimahaaga iyo sidaad dareemayso????!!!!!!

Fadlan arintan meeshaas ku xir....Ninkaagana waa kii shalay..Sheydaanka iska naar...
Arintan aad ka hadashayna, haday runtahay waa mid nin rag ah ceeb ku ah inuu gadaasheeda ka hadlo iwm..?...
amaa hadduu ku weydiiyey "ninkan muxuu ahaa" iwm dhib maleh....Tuhunkana waa dhib badanyahay...ee intaad ka saari lahayd ninkaaga tuhunka baad asagii "Buufis" kusii ridayoo "Suuro" baad ugu sii dartay..........
Haddal iyo dhamaantii....Naag iska dhig haddaad ninkaaga rabtana dhaqo, haddii kalena iska dhaaf "talo" aad weydiinayso dadka kalee..Inta wacdid dheh walaalow sidan, iyo sidan baad igu samaysaye...Waanan kaa tashaday....

Salaama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum

Caasha haddaan akhriyey qoraalkaada aanan fahmay dhammaan wuxuu siday, anigoo kuraacsan taladuu kusiiyey Sulaimaan ayaan haddana kuleeyahay sidan.

Waxaa jiro waxyaabo badan oo hadday soodhaxgalaan labada isqabto uusan xalkale jirin in lakala fogeeyo moyee.

Anigoo waliba leh idinka ayaa xaqiiqda og inaad xallin kartaan dhibka idinkadhaxdhacay labadiinna.

Anigoon xaqiiqdiina jawaab cad kusiin karin maadaama hadalkaada uun aan hayno hadda oo uusan joogin halkan ninkii, maadaama ay lagamamaarmaan tahay inay labada qof ee dhibka kalatirsanaysa la'iskahorkeeno si warcad loo helo kadibna go'aan loogaadho.

Marka aan talo yar kusiiyo iyo qiso tanoo kale ah oon goobjoog ahaa.
Mafiicno in lakala aamuso haddii labrabo go'aan halugu gaadho in lakala tago balse xaqiiqdii waa in lagasalgaadho waxa ninkaada kukallifay inuu eeddaa iyada ah keeno labana mid ay kudhaammaato inuu caddayn keeno ama "xaal" bixiyo kuna raalli galiyo simarkaa loo dilo xantaa foosha xunee timid. Haddii kale waxaa lagayaabaa inay mustaqbalka dhib idiin keento adiga iyo ilmahaaga.

Arrinta taada u'eg een goobjoogga ahaa waxaa lugu dhammeeyey in labadii lakalafuro si'aanu dhib kale udhicin. Ninkii wuxuu billabay inuu inkiro ilmihii qaar kamida oo yidhaa aniga aabbe uma'ihi,illaa markii danbe Lagaadhay heer laqaado DNA test oo laxqiijiyey inuu ilmaha asaga dhalay, shakise iigamajiro in ilmahaas dhibaato aanay kahdhayn mustaqbalka sababtoo ah aabihiibaa inkiray waana lawada ogaa oo qarsoomimayso.

Marka walaal waxaan hadalka ugabixi adiga iyo waalidkaa laxidhiidha ninkaada iyo heerkiisa waana in aanan arrinta lafududaysan dulqaadna lamuujiyo, la'isna cafiyo sifiicanna loolahadlo wadaadka oo loosheego inayna sharciyan iyo caqliyanba bannaanayn in eeddaasoo kale lasheego illaa uu qofku afarmakhraati hayo. Hadduusan xitaa haynin makhraati uuse aaminsanyahay waa inuu tartiib go'aan gaadho guurkana jaro adduunyadiisana dhinac karraaco,waa'inuusan sina fasahaadkaa ugu kicin illeen xalkeenimayso oo colaad unbay abuuriye.

Waxaan is idhi wax wanaaji

Wassalaamu calykum waraxmatullah

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalama caleykum,walaal caasha waxaan ahey gabar muslimada arinka maanta oo kale eed kahadashayna wey i soo martey aad bey u kulushahay mana timaami karo sida aad maanta dareemeyso hasa yeeshee arinkaas ha yareysan wax aadan aheyna waligaa ha u dulqaadan xitaa hadaad ninkaaga aad iyo aad u jeceshahey.waayo hadaad maanta u samirto adigoo ka xishoonaya hadalkiina ama fool xumadaa in ay sii fogaato waxaa ka muhiimsan mida mustaqbalka kugu soo socota adiga iyo ilmahaaga koleyba sheydaan waa jiraa ogow mararka qaarkoodna lexajeclada qofka aad u qabto darteed baa wax aan jirin la sawiran kartaa,waxaan ku oran lahaa adoon ninkaaga iska xumeyn diinta la kaasho go'aan adagna yeelo adoo fiirinaya danta ilmahaaga iyo taadaba.
markana aan in yar ka iraaahdo ninkii lahaa naagaha wadankaan yimid waa halaabeeno jidka xitaa waa laga qaataa umada ilaahey in nooc walba laga dhex helo sow ma ogid oo naaguhu dad wanaagsan iyo kuwa xunxunba leh adoo kale waa la yaqaan inta xun baad kula xariirtahay markaasaa qof kasta moodaa sidaado kale .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
TO:CAASHA:
Walaal waad salaamantahay:
Walaal waan fahmay dhibaatada ku gudhacday waan ak xumahay. Waxaan filin sidaad noo sheegtay in Taladii aad masaajidka ka sugaaysay aad ku qanacday, laakin anigu hal mid ayaan ka odhan lahaa. arintani waa Mucaamalo ama arin ku saabsan wada noolaanasha ha qooyska:
Rasuulkuna (SCW) waxa uu yidhi
"ANTUM ACLAMU BI UMUURI DUNYAAKUM"
Taas oo ah "Idinka ayaa garanay sidaad umaraha aduunak u xalin lahaydeen" Marka waxaan ku odhan lahaa arintas ama falkas lagugu sameeyey go aankeeda adaa leh. laakiin wixi talo ah waa laysku leeyahay: waxaan ku odhan lahaa walal dulqaadka iyo samirku waa laba arimood oo cajiib ah wanaagu wuxuu kuugu jira adoo ninkaaga u samra haduu xumaan kuugu tala galay ilaah ku reeb isaga ayaa ka abal marine: walal intaas ayan adiga ku odhan lahaaL samir kaasho:

To: Anonymous::
Walsahyda mUslimada ah: waan ku salmay:
Walal waxaad moodaa hadalalka aad walsheen talo ahaan ugu soo jeedisay in aay ku jirto Isku dir maldahan mana fiicna walaal. Sikadtaba ha ahaatee waxaa haboon in aad markasta dhinaca wanagsan arinta isaka aagtid:

Dhalinyarada walaalayaal ma fiican qof walashin ah oo arin idinak codsatay in aad si ku digasho ah ugu jawabtaan. Bilaahay caleykum walaalihiin si sharafleh ulahadla, Oo gar ahaan gabadh ixtiraama:

Thanx to all

sweet_boy_10@hotmail.com

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.