site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

BARAARIJIN MUHIIMA OO XUJAYDA KHUSAYSA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): BARAARIJIN MUHIIMA OO XUJAYDA KHUSAYSA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

m.abi

Unrecorded Date
BAARAARUJIN MUHIIMA OO XUJAYDA KHUSAYSA

Walaalayaal saan ogsoonahay xajku waa rukniga(tiirka) shanaad ee islaamka qofka muslimka ee awooda inuu guto xagka een gudanin islaamnimadiisuu ma asxayso.

Sanad walba waxaa xajka Isugu yimaada dad gaaraya malaayiin muslimiina kuwaasoo soo xuray naf iyo maalba iyo howba raadin ay raadin danbi dhaaf rabi darted isla markaana ajiibaya marti qaadka rabi uu ku marti qaaday(duyuufu raxmaanka) gurigiisa (وأذن في الناس بالحج يأتوك رجالا وعلى كل ضامريأتين من كل فج عميق)
laakiin nasiib daro waxaa ah in tira aad ubadan oo xujayda kamid ah tacab khasaar oo xajkay waxaasoo dhiba usoo mareen sidii larabay ayna ugudanin jahli iyo cilmi la,aan darted. Saas darted waxaan xaji kasta oo xag niyada kuhaya oogu naseexayn inuu xil iska saaro inuu barto axkaamta xajka oo culimada waydiiyo suu xajkiisuu u asoxo faralkuna ooga dhaco ilaahna dambi dhaaf oogu siiyo nabigeenuu waxuu yiri “scw” (xajka mabruuka ah jasahiisuu waa jano) xajka mubruurki ah waa ka loo xajiyayay suu nabigeenuu uxajiyay “scw” suu cadaynayo xadiiska uu nabigu kuleeyahay (خذوا عني منساككم) oo yahay manahiisu acmaashiina xajka ani igaga soo dayda xagka keliyana ma ahee cibaada kasta oo qofka muslka ah uu samaynayo waa inuu kudaydaa nabiga ilaahna u khalisaa oo dhartiraa .
walaalayaal kumaana talagelin inaan halkan idiinka soo geediyo dersi dheer oo xajka ku saabsan – taa waxaan ooga tagi ninwalaba meeshuu joogo inuuculi madeeda ka barto markuu maka yimaadana kakorarsada culimada reer maka ee diyaarka u ah sida sharif c/nur iyo culimo badan oo kale- halkan waxaan kabaraarujinayaa hal arin oo xujaydu sana kasta ay khalad kugalaan taasi waa MIIQAATKA loogu tala galay in xajka laga soo xirto oy iska soo dhaafaan oy yimaadaan iyagoo iska xaragoonaya sarwaaladoodii &dharkoodii markaa uu garan waayo meel uu wax kabilaabo oo kalifto inuu dib unoqdo ama laganaaxo oo dhiig uu qalaa. Marka xaajiga sayna arintaa oogu dhin waa inuu ka soo xirtaa xajkiisa MIQAATKA badaana diyaaradu way sheegaan hadii ay sheegi waayaan waa inuu xaajigu dadaal sameeyaa oo xirtaa hal saac ilaa saac iyo bar markay kahadho degitaanka diyaarada ay jidda kudagi MIIQAADKA ka hor in la xitaa wax dhiba ma laha ee waxaa dhiba inuu soo dhaafo , ninku waa inuu xidhaa laba go,a oo keliya markuu xiranayo qofka dumarka ahi waxay xidhan kartaa dharkay doonto oo cowradeeda astura xushmada iyo adaabta islaamka waa faqsan.
Ilaah baa mahad iska leh.
m. abi (makah)

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.