site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

RIYADA IYO FASIRAADEEDA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): RIYADA IYO FASIRAADEEDA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jey

Unrecorded Date
Bogaan hadii Ilaahey yiraahdo waxaan ku eegeynaa fasiraadda riyada, iyadoo la adeegsanaayo axaadiith iyo aayado quraan, marka ciddii daneynaysa in riyadeeda loo fasiro waa ay soo bandhigi kartaa riyada haddii Ilaahey yiraahda waxaan isu dayeynaa inaan sidii Ilaahey nagu og yahay u tafsiirno, sida runtii ma nihin dad Ilaahey heybad u siiyey fasiraadda riyada ama "CAABIRI RU'YA" ha yeeshee waxaa jira kitaab aan ka daalacan karno, haddii aad dooneyso in si qarsoodi ah aad jawaabtaada u hesho amaba su'aashaada u soo gudbiso waxaad isticmaali kartaa e-mailkan Jey96@hotmail.com jawaabtaadana waan kuu soo gudbineynaa, waxaa laga yaabaa iney maalmo qaadato marka fadla noo dulqaata,waxaa muhiim ah, inaad soo sheegto waqtiga aad riyootey, sida habeenka qeybtiisa hore, dhexe, danbe ama subax iyo galab, badanaaba riyada habeenkii uun baa fasiraad loo hellaa gaar ahaana qeybta danbe iyo tan dhexe.waxaan ku bilaabeynaa riyo ay ku riyootey qof dumar ah oo aan dooneynin in magaceeda la isticmaalo ha yeeshee naga ogolaatey inaan riyadeeda ku bilowno; waxey ku riyootey iyadoo Muraayad isku eegeysa uurna waa ay lahaeyd, hadaba markii aan eegney fasiraadu waxey sheegtey in haddii qof dumar ahi oo uur leh ay ku riyooto sidaasoo kale iney gabar dhaleyso, haddii uu Ilaahey yiraahdo, Alaah baana u caalim ah sida ay dhabtu tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

wiil-soomaaliyeed

Unrecorded Date
TO: Ahmed jey

asalaamu caykum warraxma tullaahi wabarakaatuhu

walaal waxaan doonayaa inaad ii fasirto riyo ila noqatay inuu macno weyn ku jiro fasiraaddana halkaan iigu soo qor oo taasi wax dhibaato ah iguma heyso.

waxaan ku riyooday anigoo ku socda dhul boor iyo geedo yar yar oo qallalan leh ayaan ku soo baxay dhul wax ka qurux badan waxaana hortayda ka muuqanayey badweyn wax ka qurux badan oo aanan lahayn wax hir ah laakiin cirifka biyaha ayaa wax yar dhadhaqaaqayey oo mar horay usoo durgayey marna gadaal u laabanayey markaas ayaan soo fadhiistay meeshii biyaha u dhoweyd oo anigoo daawanaya badda quruxdeeda ayaan arkay mallaay weyn oo hirku soo tuuray ee doonaya inuu badda ku laabto, markaas ayaan ku orday oo bannaanka usoo saaray, laakiin waxaan hilmaansanahay in ay dadkale i caawineen iyo inaan kaligey soo saartay

tan labaad da,deydu waa shan iyo labaatan jir waxna ma barto laakiin waan ku hanweynahay haddii Ilaahey ii suura geliyo xaasna waan leeyahay inkastoo ay jirto soomaaliya aniguna waxaan joogaa qurbaha isla markaasna caruur isuma lihin oo waqtiga arooskeennu dhacay iyo dhaqsaha aan ku soo baxay ayaan arrintaas u tiirinayaa iyo qaddarta ilaahey wax walwal ahna kama qabo dhankaas.....

haddaba walaal waxaan kaa codsanaa inaad ii dadaasho oo bal wax iiga sheegto waxa uu ilaahey ku baray iyo arrintaan sida ay kula tahay

asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jey

Unrecorded Date
ASALAAMU CALEYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUH.
Walaal waan akhristey riyada aad sheegtey inaad aragtey, inagoo isku dayney inaan helno fasiraadda ugu macquulsan ayaan hadaba waxaan kuu sheegeynaa inaan fasirney riyadaada, inta aanan u guda gellin fasiraadda ayaa waxaa ogeysiis naga ah in shuruudaha loo baahan yahay in lagu fasiro riyo ayan halkaan ku dhameyn, waayo waxaa shuruudaha ka mid ah in qofka riyoodey la yaqaan waxaa kaloo muhiim ah waqtiga riyada in la tix geliyo, arrinku si kastaaba ha ahaadee, waxaan Ilaah ka baryeynaa inuu runta na waafajiyo, dadka riyada soo gudbinaayana waxaan ka codsaneynaa iney runta sheegaan oo ayan Ilaahey SWT ku been abuuran.
Riyadaada waxa ay ka koobneyd saddex qeyb oo muhiim ah waxeyna kala ahaayeen boor, bad iyo malaay, hadaba waxey sadexdaan ku fasirmayaan sidan;
Boorku waxa uu utaagan yahay xaalad qalafsan, halka Baddu ay u taagan tahay awood, maleyguna waxaa lagu fasiraa naag faaiido leh, Markaa waxeynu dhihi karnaa in xaaladda aad ku sugan tahay hadeer, marka laga eego xagga diinta ama dadnimada iney tahay xaalad aan la jecleysan karin ha yeeshee aad rajo wanaagsan leedahay dhanka xagga dumarka xaaskaaga ama naag kale oo magac, maal ama wanaag kale oo la tilmaamo leh.
Sida dhabta Alle uun baa og, waxaadse halkan ka dhiraandhirin kartaa xaaladaada, waayo ma tihid qof aanu garaneyno, marka fasiraada sidaan soo sheegney maahee si kale ayey kuu saameyn kareysaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-soomaaliyeed

Unrecorded Date
TO: Amed jey

asalaamu caleyku warraxma tullaahi wabarakaatuhu

walaal aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay sida aad iigu soo jawaab celisay tan labaad anigu been masheegayo mana jirto sabab igu qasbeyso inaan been sheego waana runtey oo arrintaas waan ku riyooday sababta aan kuugu sheegay waxay tahay anigoo layaabay sababtoo ah riyada waxaan u arkayey sida anigoo soo jeedo oo kale sidaas baana hurdada uga soo toosay markuu waagu beryey anigoo weli riyadii ku guda jira,
intaas dabadeed walaal waxaan aad iyo aad ugu qoslay sida aad riyada iigu fasirtay oo boqolkiiba sagaashan waafaqsan nolosheyda, waana arrin cajiib ah, waxaana rajeynayaa inaan nolosheyda wax weyn ka beddelo, run ahaahtii waxaa igu sii baraarujisay xaalad aan aniguba dareensanaa oo ah dhanka cibaadada iyo dadaalkeygi oo hoos u dhacay waana arrin aan wax ka beddeli doono inshaa-Allaah,

fasiraaddaaduna waxay taabaneysaa xaalad meesha taallo oo run baad ka sheegtay marka laga reebo waxa mustaqbalka dhici doona,iyadana waan rajeynayaa inshaa Allaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jey

Unrecorded Date
To: Wiil Soomaaliyeed,

Marka hore Ilaah baa mahadda iska leh oo na waafajiyeye runta riyada aad ku riyootey, tan xigta aad ayaad ugu mahadsan tahay sida aad noola soo socodsiisey waafaqaadda ay fasiraadda waafaqdey riyada, haddiise aan wax yar kaa iraahdo, qaybta ugu danbeysa hadalkaaga ee aad ku tiri "MARKA LAGA REEBO WAXA MUSTAQBALKA DHICI DOONA" waa runtaa cid og ma leh waxa dhici kara/doona daqiiqadda na soo xigtaa ha yeeshee riyada fasiraadeeda ayaa waxa ay sheegeysaa ifafaalo ku saabsan mustaqbalka waayo Nabigeena SCW waxaa uu yiri, "Riyada waxaa ay ka mid tahay afartanka astaamood ee Nabinimada", taasi micnaheedu waxaa uu yahay in Ilaahey daaha kaaga qaadi karo waxa soo socda, waayo qofna uma riyoon karo sida uu isaga doono, waana ay yar yihiin dadka riyo lagu tuso xaaladooda oo u baahan wanaajin,marka Ilaah aan ku wada mahdino, Wabilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil soomaaliyeed

Unrecorded Date
TO:Ahmed jey

salaan keddib walaal waan aamminsanahay in riyooyinka qaarkood uu ka dambeeyo macna dahsoon una baahan fasiraad iyo inla fahmo waxyaalaha lagu farayo iyo waxyaalaha lagaaga baahanyahay inaad sameyso ama waxyaalo mustaqbalka kula soo gudboonaan doono, laakiin meesha aan ku oranayo "marka laga reebo waxa mustaqbalka dhici doona" waxaan ula jeedaa sida aad riyada iigu fasirtay ayaa waxay waafaqsantahay nolol maalmeedkeyga laakiin dhinaca kale ee ah arrimaha mustaqbalka soo socda ee aad ka hadashay waan rajeynayaa inhsaa Allaah inaan la kulmo, ma garatay, waana aamminsanahay farriimaha rabbaaniga ah ee bini,aadamka loo soo gudbiyo waqtiyada hurdada, laakiin anigoon oran waan lakulmi doonoo waxyaalaha aad iiga sheekeysay, ayaan oranayaa inshaa Allaah waan la kulmi doonaa oo sasaantooda ayaaba ii muuqata,

asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DACAY

Unrecorded Date
war xalay waxaan ku riyooday aniga iyo walaal key oo is is dagaalnay is laan aan wax dhalin laakiin markaas wax dhashay ilmaheeda markaa kadib is laan tii aan kadilnay kadib markii ann labadedii wiil
dilnay ayaa waxey inoosoo kaxeesatay police markaas siduu aniga isoo bursanaayay kadib sadex dabaq uga booday ayaa waxaan uimaaday walaal key
oo ah mid uguweyn oo heesta ciidamo soomali ah
dhalinyaro ah markaas na waxaan joognaa dalga mareykanka markii isagoo qqaad cunaayaay aan uimaaday i maaday ayaan iri war issiii lacag markaas ayuu yiri qqaado qorigaan ee ee ssoo xoog lacag markaas ayuu ka iska soo fadhiistay ayaan waxaa ina soo weeraray ciidamo mareykan ah kadib dhoor ina ga dilay isagana walaal key uu geed id
hoos galaey kadip anagana kacarar nay waxaana ku jiray dhalinyaraadaas mid aan is ku naqaanay
africa kenya marka saacaduna waxey aheyd 4:00 wixii kadanbeeyay


wacaleykuma salaan kuna soo qor meeshan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GOOB JOOG

Unrecorded Date
TO AXMED WALAALOW WAXAAN MUDDO BADAN KU RIYOODAA ANIGOO XANJO CALAALINAAYO OO AAY ILKA IIGA DHEGEEYSO ANIGANA ISKU DAYAAYO INAAN ISKA FUJIYO MARARKA QAARKOOD GOOSKA AYAA IGA SOO RAACAYA OO XANJADA WAAY JIIDMAYSA MANA DHAMAANEYSO OO DHIB BADAN AYAAN KALA KULMAYA SIDAAN ISKAGA FUJIN LAHAA.
WAXAANA KU RIYOODA SAQDA DHEXE AMA SAQDA DAMBE TAAS WAXEEY II KEENTAY RUNTI INAAN XANJO OO IDIL AAN CUNI WAAYO.
MAHADSANID ASALAAMA CALEYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DACAR

Unrecorded Date
waraa AXMADEY & GOOBJOOG,waxa maad utagtiin DUQ XALIIMO iyo labadeeda kalkaalisayaal waa HEBEL& NEEFOW iyagaa kala dhil qinaya waxas ookale hdii kale buufis aa idinku dhacaayanooo, ani hada waa ka shakiyay ninkaan la dhahaayo GOOBJOOG ciyowba waa isku bil bilaabaynoo...

NASIIB WACAN


DACAR-DACAR-DACAR-DACAR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
asalaamu caleykum waraxmatullahi wabarkaatuhu walaal habeen waxaan aqristay quraan markii aan seexday waxaan ku riyooday anigaa telefoon ubaxay oo yama qiyaamihii dhacaayo oo dhulkii la duubayo cirkiina la duubayo iyo anigoo ordaaya oo le ilaahow mar uu iisug aan salaadda tuka dee markaas waan kacay naxidin awoogiid intaas bey ku dhamaatay .

habeenkale waxaan kuriyooday bariis kulúl anigoo madaxa la igaga shubaayo markaasna aan oyaayo iyo anigoo dhidid iaga qabanaayo oo lugahaeega ilaa iyo gaarbaheega qariyaya markaas waxaan idhi naartaa ka kulul habeenkaasna waan soo kacay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Unrecorded Date
KU Dacey;
Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuh, walaal ugu horeyn aad ayaad ugu mahadsan tahay sida aad noogu soo gudbisey riyadaadana, hadaba marka ay dhacdo inuu qofku ku riyoodo arrimaas oo kale oo aan hala jaho waafaqsnayn, ma aha riyadaasi mid fasiraad leh badanaaba waxey daba joogta sheeko aad maskaxda ku heysey ka hor intaadan seexan ama filim aad daaweneysey IWM, waxaa kaloo dhici karta inaad in muddo aad jecleyd inaad la kulanto waxaasi oo kale, marka waxba ha sii raac raacin, sheydaankana iska naar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Unrecorded Date
To: Anonymous;
Walaal riyadaada oo ah mid cajiib leh waxaan kaa codsaneynaa inaad soo sheegtid suurada quraanka kariimka ee aad aqrineysey ka hor inta aadan seexan, waajo suuradaha quraanka midba micne gaar ah ayey xambaarsan tahay.
Wasalaamu caleykum waraxmatullaahi;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
TO:AHMED WALAAL MAXASUUSTO SUURDADII HADA WAXEEY AHAAD 2SANO KA HOR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jey

Unrecorded Date
To: Goobjoog,
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM, walaal riyadaada waxaa ay fasireysaa sidatan; ugu horeyn waxey ka kooban tahay saddex qeybood oo kala ah calaalis, goos iyo iney xanjadaasi tahay mid jiidmeyso si xad ka bax ah, hadaba calaaliska waxaa ay utaagan tahay jiro, gooskuna waxaa uu u taagan yahay familka, weliba haddii goosaha ay yihiin kuwa danbe waxaa lagu fasiraa familkaaga dhanka aabahaa sida adeerkaa eedadaa ama ina adeer, qeybta ugu danbeysana waqtiga bey noqon kareysaa, dhamaan isku geeyoo aan niraahno waxaa xanuunsan (haddii ay riyadu mar dhoweyd tahay) qaraabada dhanka aabaha, (haddiise ay mar hore tahay) dabcan waad ogaan kartaa xanuun noocaasi ah haddii uu jiro, sida dhabta ah Alle uun baa og waxeyna u badan tahay inaan been sheegeyno ee Ilaah hana wada cafiyo.
Wasalaamu caleykum waraxmatullahi wabarakaatuh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed Jey

Unrecorded Date
To: Anonymous,
BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM,
Walaal riyada maalinta qiyaamaha waxaalagu fasiraa in goobtaasi, (waa halka aad riyada ku aragtey inuu qiyaamihii ka dhacay) ay cadaalad ka dhici doonto dadka dulmileyaasha ahna ay dhirbaaxo kulul haleeli doonto, waayo maalinta qiyaamaha waxaa kaloo lagu magacaabaa YOMUL-JAZAA iyo YOMUL-FASL oo minahoodu yahay maalinta abaal marinta iyo maalinta talo goynta.
Sida dhabta ahna Alle uun baa naga og.

Tan labaad ee aad ku riyootey riyada bariiska kulul oo madaxa lagaaga shubaayo waxaan loo qeybiyaa labo qeybood waa Bariis iyo Madax, Bariisku waxaa lagu fasiraa hanti ama maal aad in badan u soo rafaadey, Madaxana waxaa lagu fasiraa hogaamiye, kaabahaaga, shaqada, aabahaa iyo wixii la halmaale ee xushmad iyo ka danbeyn kaa mudan, hadaba isku geey waxaa la dhihi karaa in hantidaad in badab u soo rafaadeysey ay ku danbeyn doonto kuwaasi aan soo sheegney midkood. Sida dhabta ahna Alle uun baa naga og.
Wasalaamu caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-soomaaliyeed

Unrecorded Date
TO:Ahmed jey

asalaamu caleykumm

walaal salaan keddib waxaan kaaga mahad celinayaa inta aad waqti ii dhumineysid marka xigtana waxaan jeclaan lahaa inaad ii fasirtid riyadaan,

waxay ahayd habeen hore waxaan ku riyooday anigoo lasocda haween farabadan oo aanan badankood garaneynin ayaa waxaa meel dhow nooga soo baxday naag kale oo dhirir iyo xoog badneyd, hase ahaatee hablihii kale ayaa qeyliyey oo yiri, hebla ayaa soo socoto! hebla ayaa soo socoto! isla markaasna waxay damceen inay naagta isugu tagaan aniguna waxaan isku dayey inaan ka celiyo, meeshuna waxay ahayd xeyndaab oo waxaa nagu wareegsanaa derbi ballaaran oo oodo ka sameysnaa, aniguna waxaan aaminsanaa haddii aan naagta bannaanka uga saaro xeradaan iney badbaadi doonto laakiin waxaa dusheyda ku hoobanayey dhagxaan iyo tuuryo ka imaaneyso naagihii kale oo doonayo inaan ka dhex baxo si ay naagta u dilaan, anigoo naagtii u dedejinayo dhanka albaabka ayaan ka war helay hugun yeeraya gadaalbaan eegay mise waxaa hawada ku soo jira dhagax weyn oo madaxeyga ku aaddan nasiib wanaag gacanta ayaan isaga dhigay oo dhibaato ima uusan gaarsiin, gadaal ayaan eegay waxaana arkay walaashey oo dhinac ula dhacday tuuryadii dhagaxa ahayd oo iyadaaba igu soo tuurtay yaab! isla markaasna waagi ayaa baryey laakiin arrintaas ayaa hurdada iga kicisay,

FG: arrintaanu ma aha mid xariir la leh nolol maalmeedkeyga,


walaalow ha dheyalsan sheekadu ma aha kaftan waxaana aamminsanahay inuu macno ku jiro ee bal ninyahow wixii uu ilaahey ku baray wax iiga sheeg,

asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Unrecorded Date
To: Wiil Soomaaliyeed

Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuh, walaal runtii anagoo ka xun mudada ay nagu qaadatey inaan kaaga soo jawaabno ayaan misna waxaan kuu sheegeynaa in riyadaani ay noola muuqato mid aan dhameystirneyn ama aan wafaqsaneyn qodobka waqtiga riyooyinka la fasiro, ha yeeshee waxaan isu dayney inaan u helno fasiraadda ugu macquulsan, waayo waxaad nagu adkeysey in micne ku jiro, hadaba yaan waxba hadal kugu daalinine riyadu waxey fasireysaa, in gabadha walaashaa ah ama cid ay isku magac yihiin ay xan iyo dhaleeceyn kula daba taagan tahay.
Sida dhabta ahna Alle uun baa og.
Wasalaamu caleykum Waraxmatullaahi wabarakaatuh.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wiil-soomaaliyeed

Unrecorded Date
TO: Ahmed Jey

asalaamu caleykum

walaal salaantaas keddib waxaan kaaga mahad celinayaa waqtiga aad ii dhumineysid iyo riyooyinka aad ii fasirtaba, haddana waxaan wataa riyo kale ee bal Axmadow ii fasir,

riyadaan waxay ahayd habeenka gelinkiisa dambe oo anigoo ku guda jiro ayaan salaadii subax u kacay waana riyo iga yaabisay oo waxaan qiyaasayaa inaan iyadoo kale dhowr mar arkay,

waxaan ku dhacay webi biyihiisu xawli ku socdaan si degdeg ah ayaana usoo dabaashay anigoo ka cabsanaya yaxaas i,w,m, markii aan bannaanka usoo baxay ayaan cabbaar webiga dhiniciisa ku socday,waxaana ii cadaatay inay webiga ku soo rogmadeen daadad xaafado soo dudumiyey sababtoo ah waxaa kor sabbeynaya alwaax iyo alaabo kale, waan istaagay! waxyar dabadeedna waxaa soo maray geedo waaweyn oo biyaha kor sabbeynayo, geedaha waxaa kor saaran dhowr Riyood (Ari) iyo laba wiil oo yaryar markaas ayaan ku baxay si aan u badbaadiyo waxaana i caawinayey laba wiil oo kale waxaana bannaanka usoo saarnay labadi wiil iyo Riyihi,intaas dabadeed Wiilashu waxay inoo sheegeen inay daadankaanu ka keeneen dhul-soomaaliyeed ay dad gaala ah oo dhaqan duurjoognimo lehi ay u taliyaan (ma aha Itobiyaan ee waxay ahaayeen dad aanan waligey maqlin)
calaa kulli xaal waxaan go,aansannay inaan magaaladoodii u celinno laakiin marka hore wax lasiiyo maadaama ay gaajaysanyihiin, waxaan aadnay guri meesha u dhowaa ay iska leeyihiin wiilasha i caawinayey reerkooda, markaasbaa raashin la diyaariyey, aniguse waxaan is iri dadkaanu iyagaa isku badane orodoo gurigaada wax ka soo cun, markii aan gurigeyga imid ayaan aaday weel weyn oo meesha yiillay si aan biya uga cabo waxaase agteyda soo istaagtay Ri oomman markaasbaan biyihii u dardaray ilaa ay ka dheregtay hurdadiina waanba ka kacay.
--------------------------------------------------


riyo kale

riyaaduna waa isla todobaadkan weyna iga yaabisay,
waxaan saaranhay faras gaduudan oo wejiga hore ka cad, farasku wuu jaga baranyahay waana hebed(baarri) faraska waxaan wadaa xakame la,aan oo gacanteyda midig ayaan qoortiisa ku cuskanayaa gacanta bidixna waxaan ku hayaa xarig ay ku xirxiranyihiin waxaro yaryar oo faraska hortiisa ordaya isla markaasna meeshaan rabo inaan faraska u leexiyo waxaan u leexinayaa waxaraha faraskuna wuu ka daba leexanayaa

walaalow ii fasir,
asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Unrecorded Date
To: Wiil Soomaaliyeed,

Asalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,
Salaan ka dib waxaan ugu horeyn kaaga mahadnaqeynaa sida joogtada ah ee aad u xiiseyso boggan, Ilaahna waxaan ka baryeynaa in su'aalahaaga jawaab sax ah naga waafajiyo,
Hadaba haddii aan u soo noqono dhanka riyada aad soo sheegtey fasiraadeeda, waxaan nasiib darro ku heynaa war aanan la jecleysan laakiin runta waa lama huraan, Walaalow riyadaada waxey fasirtey in murugo ay kula soo gudboonaan doonto taasoo sida laga yaabo ka imaaneysa dhimasho ama weerar xagga cadawgaaga, sida dhabtana Alle uun baa og, waxaan Ilaahey ka baryeynaa inuu Kaa gudbiyo marxallad alla iyo marxalladdii kugu adkaato, tan kale fadlan nala soo socodsii, wixii aan seegno iyo wixii aan haleelno.
Wasalaamu Caleykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suleymaan

Unrecorded Date
asalaama caleekum walaa axmed : waxaad walaalow ii fasirtaa riyadan waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo qurbaha degan waxaan ku riyoodey waxaa jirta islaan aan qaraabo nahay oo sideenaba aan isku fiicneen, marka maalin dhexteereh waxaa islaanta ka xanuunsadey ilmo ay soo korsatey oo ay ayeeyo ugu toosnayd oo aad u xanuunsadey weliba ilmahaas, marka waxaan ku riyoodey iyadoo leh nac-nac baan wax ku aqriyey waxaan rabaa jirada ilmahayga heesa in aan qaadsiiyo ninkan shaqeesta ee ladan,waxayna hadalka ku laheed walaalaheed markaas ayaa qof walaalaheed ka mid ahi yiri naa ka daa wiilka waa maxay waxaad ku hadleyso oo miyaadan ilaahay ka cabsaneynin, anigu markii nac nacii ley siiyey intaan labada dhinac iska eegey ayaan qashinka ku ridey ,markaasey islaantii qaracantay oo tiri war ninkaas hala ii soo qabto!!!!!!!!!!,yuusan iga fakaninee ee laasim waa in aan wiilkeygan jiran ku bedelaa marka walaalow bal ii fasir .


salaama caleekum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
walaal:
runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan halkan ku arkay walaal soomaaliyeed oo fasiraya riyo,iyadoo aan in mudo ahba baadigoobayey arintan runtii culimabadana u bandhigay laakiin midwalbaa uu ka cudurdaartay in aan xataa u sheego qaabka ay leedahay.walaal waxan markaa jeclahay in aan riyadayda kuu soo bandhigo kalkana aad iigu soo dhigto si dadka kalena uga faa,iidaystaan waayo amba kuwii dadka kale ayaan ka faa,iidaystey si dhib yar.
midna waa iga dardaaran dhanka dadweynaha walaalayaal waxan idin kula talinlahaa in lakala faa,iidaysto oo aan wakhti inaga khasaarin kambuyuutarka korfadhigiisa.
walaal :riyadaydu mudo kuma xirna waa ilaa iyo yaraantaydii da,dayduna waa 30 sano waanan kuriyoodaa ilaa hada .
A-marka aan riyoodo waan duulaa sida shibiraha anigoo lakala baxaya gacmahayga sidii qof dabaalanaya oo kale meeshaan rabona sidaas ayaan ku tagaa.
B-waxan jeebabkayga ku arkaa lacag hadaydoonto aan badnayn waa marka aan riyoonayo e laakiin si kasta oo aan u qaybiyo aan dhamaanayn.

Waad mahadsantahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ahmed

Unrecorded Date
CUDURDAAR,
Dhamaan walaalaheena xiiseeya boggan waxaan uga cudurdaaraneynaa maqnaashaha aan ka maqneyn boggan, waxaanan idinla socodsiineynaa in haddii Ilaahey yiraahdo aan sidaad nooga barateen idiin kugu soo gudbin doono jawaabaha fasiraadda ee riyooyinkiina fadlan ka raalli ahaada wixii cilada iyo dib u dhac ah.
Axmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Friday, June 30, 2000 - 12:51 pm
KU: Ahmed jey,

walaal qofmuslina hadaad tahay maxaa jey kuu bixiyey,waaba yaabe.riyadase ma siduu ilaahay
kugu ogyahaad u fasiraysaa? baliiga soo jawaab.
yaadse la kaashataa?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali dheere

Monday, August 07, 2000 - 08:38 am
to Anonymous,

Walaal haddii aad qabto su'aal aad dooneyso in shaqsiyan aad jawaab ugu hesho fadlan adeegso cinwaanka uu leeyahay Axmed Jey, waayo bogaan waxaa loogu tala galey in lgu kala faa'iideysto, tan kalena isaga Jey baad ku dhaleeceyn adna Anonymous baad shaagatey oo magacaaga ayaad qarin, wax la qariyo qurun baa ku jidha.

Cali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAADUMO ALI JAMAC

Saturday, August 12, 2000 - 09:47 am
ASALAAMU CALEEYKUM WARAXMATULAAHI

marka hore walaal ahmed waxaan kuugu mahadnaqayaa sida wanaagsan ee wixii ilaah ku baray aad dadka soomaaliyeed uga faa`iideyso waxaanan ilaahay karajeynayaa in aad si doo kale iigu faa`iideysid waxaaney tahay riyadeydu sidan, waxaan ahay gabar soomaaliyeed oo ku nool qurbaha waxaan kuriyoodaa iyadoo mas i carsanayo aniguna aan isku dayayo inaan ka baxsado waqtiyada habeenku markuu kala bartamo mana aha mar kaliya ee waa waqtiyo kala gadisan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GOOB JOOG

Sunday, August 13, 2000 - 12:45 am
MR AXMED JEY AAD BAAD U MAHADSAN TAHAY KOLLEYBA WAAY I QANCISAY JAWAABTAADA

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.