site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Codsasho talo

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Codsasho talo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cabdiraxmaan

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum

Salaan ka dib waxaan idinka codsanayaa inaad ii soo dirtaan talo aan weheshado, waxaan ahay nin jecel inuu diinta barto oo ku dhaqmo,hadana gudbiyo, hadana ka caajisa arintaas oo hawl adduun la tagto, marka maxaad igula talin lahayd, sidoo kale waxaan u baahanahay wixii igu saacidi lahaa cabsidda Alle mar walba taasna taladeeda ayaan u baahanahay marka walaalayaal waxaan idinka sugayaa talo walaaltinimo oo qiimo iyo qaayo ii noqota.

sidaa iyo nabadgelyo

Qore:walaalkiin fil islaam Cabdiraxmaan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqa

Unrecorded Date
Walaal C/raxmaan, aslaamu clayka.
Markaan qoraalkaagii akhriyay waxaa i hortimti dagaalkii aan mudo sanado ah ku jiray welina ku jiro. Anigaba dhibaatadaa ayaa i haysata, waxaanse bilihii u danbeeyey dareemay, ka dib markii magaaladii aan deganaa ka guuray, in dabeecada kugu heeraarsan ee dad iyo duunyaba leh, sida aadan ogayn had iyo jeer kuu saamayso!
Hada waxaan isku dayaa inaan ka ag dhowaado dad aan is leeyahay dhinacaas way iiga fiican yihiin, waxwaba yay igu kordhine at least inay igu baraarujiyaan ina xasuusiyaan inaan diintayda fuliyo. Walaal isku day inaad envirormentiga aad hada ku jirtid wax ka bedashid, si aad horumarkaad ku talo jirtid u gaadhid.
Waslaamu calayka waraxmatullaah.
Ukhtuka bil Islaam wabil iimaan, Deeqa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.