site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Nasteexo iyo liibaan marabtaa

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): Nasteexo iyo liibaan marabtaa
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Salaan kadib marka hore mudo dheer ayaan forumskaan imaan laakiin maanta ayaa allah iiqadaray. Waxaan walaalayaal halkan idiinku soo gudbin in maalinta carafo ay tahay Arbacada 15/03/00,waa maalin weyn oo alaah agtiisa fadli ku leh waa maalinta maalmaha ugu khayr badan,habeenadana waxaa ugu khayr badan hebeenka laylatul-qadri,waa maalinta lataaganyahay banka carafo oo ay taagan yihiin in kabadan milyan qof iyaga oo u tadarucsan rabigood.

Waa maalinta sheydaankii ibliis ahaa ooyo isagoo dhehaaya sanad ayaan dunuub ku soo harqiyay wixii aan sanadka dhan kasoo shaqaynayayna maanta oo kelaya ayaa loogu dhaafay.

Hadaba walaalkayga aan ka qayb qaadanoow oo aan joogin khayrkaa ka dhacaaya Maka waxaa suna ah oo aan kugula talin sidan

1-Inaad soonto maalinta arbacada ah taas oo ah suno la adkeeyay denbi dhaafna lagu helaayo siduu yiri udgoonihii rasuulkeena (csw).

2-inaadan maalintaas ama tobanka hore ee dilxija aadan jarin tintaada cidiyahaaga etc.

3-Inaad qasho neeef nimcoolayda ah (bahiimatul Ancaam)maalinta ciida ah waa Khamiista eh.

Walaal khayrkaasi yaanu ku dhaafin,waxaan Allaah uga baryaynaa maalintaas weyn in uu u gargaaro muslimiinta meelkasta lagu cunaayo khaasatan shiishaan.

Wasalaamu calaykum.

Walaalkiin Ismaaciil

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

shukria

Unrecorded Date
Salaamu allaykum


Jazakalaahu Brother Ismaaciil
bro waad ku mahadsantahay xasuusinta aad na xasuusisay maalintaas qayrkabadan Illaahayna hanaga dhigo kuwii khayrka haleelo. Aamiin

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.