site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

TUNISYA WAXAAN MAQALAA INAY TAHAY WADAN SIDA REER GALBEEDKA U DHAQMA, OO DIINTU NOLOSHA SHAQO KUMA LAHA, WAXAANA IGU MAQAALA AH IN NIN BERI XUKUMI JIREY OO HADA AANAN MAGICIISA XAUUSAN UU YIDHI, SOON MA JIRTO.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): TUNISYA WAXAAN MAQALAA INAY TAHAY WADAN SIDA REER GALBEEDKA U DHAQMA, OO DIINTU NOLOSHA SHAQO KUMA LAHA, WAXAANA IGU MAQAALA AH IN NIN BERI XUKUMI JIREY OO HADA AANAN MAGICIISA XAUUSAN UU YIDHI, SOON MA JIRTO.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DUDAAYEEF

Unrecorded Date
WAX KA DHAHNO MAS ALADAN CAJIIBKA BADAN.

SALAAMA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cali

Unrecorded Date
waxay ka midahay wadaamdaa ridoobay haa slaad lama ogala xijaab lama ogalo khaamraad iyo khamaaradna waxa u dhaxeysa khamaarad kale zinuhunaa aad buu ugu badanyahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
waxaan maqlay sharcibaaska ay ku dhaqmaan lama ogola laba xaas waa cajiib.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Wiil somali ah oo jaamacad islaami ah Tunisia ka dhigan jirey baa iiga sheekeeyey, nin tuniisian ah oo jaamacad ila dhigan jirey baa markuu rabo inuu tukado ii iman jirey si uu qolkayga ugu tukado.
markuu ii imanayana wuxuu ardayda tuniisiyaanka ah ku dhihi jirey Hebel baan soo booqanayaa isagoo ka baqaya in loo arko inuu yahay ruux saaxibu salaad ah, si aan dhibaato uga soo gaadhin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Waad salaamantahay shakhsiga soo gudbiyeyoow

Warar aad ubadan ayaan kahayaa dalkaa oo kusaabsan siduu islaamka ula dirirayo.

Waana qiso socotay inkabadan afartan sano, waxaana fiican inuu qofku fahmo in ay tunisiya aad ugu dayato Turkiga oo xitaa ay xagga calamkaba uga dayatay.

Wakhtigaa igu yaree sheekooyin dhaahdeer oo kadhacay dalkaa kuna saabsan durid iyo dagaal islaamka loo gaystay ayaan soo gudbin lahaa, anigoo rajaynaya inaan mar danbe waxkasoo qoro.

Inta kahorrayso bal intan igahoo!

Madaxwaynihii hore ee dalkaas Xabiib Burqiiba ayaa soo booqday meel warshada oo khamriga lugu sammeeyo bil Ramadaan, markaasuu intuu qudhqudhiyey dhalo khamri ah ayuu yidhi qofkii diido inuu qudhqudhiyo oo yidhaa waan soomanahay shaqada hallaga caydhiyo, waana lasammeeyey.

Maxaad umalayn

Waxaan rajayn inaan inshaa allah wakhti danbe helo oo soo qoro sheekooyin dhaadheer oo kadhacay dalkaa.

Waad mahadsan tihiin

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Awalan Dudayev oo mawduuca inoo soo xulay baan u mahad celinayaa, kadibna akhyaarta kale ee iyana wax inooga taataabtay xukunkaa faasidka ah ee dalkaas Islaamka ah fasaqay iyo walaalkeen Xareed intuu anagoo haraadan biyo na kabisiiyey hadana naga qaatay, hase ahaatee doorka dambe inuu si fiican inoo oon bixiyo baan ka filaynaa.

ILAAHAY CILMI NAAFAC AH HA INA SIIYO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum yaa muslimiin!

Tuuniisiya waa dal lakharribay muddana ay soo taraysay kharribaadiisa.

Dadka qaarbaa waxay dhihi waa maxay kharribaadda uu ninku sheegi, Tuuniisiya waa dal aad dhaqaalihiisu u fiican yahay aadna u horumaraya.

Way jirtaa xaqiiqdii arrintaa in dalkaas lugu tiriyo inuu badhtamaha qaringan noqon doono dal lasiman xagga horumarka dalalka yurubta bari oo kale.

Laakiin si'aan wax ukala saaro aniga muslimbaan ahay horumar waxaan u aqaan qofkuu buuxiya shardigii loo abuuray ee ahayd "cibaado" sidaa awgeed boqol milyan oo dalxiis laga dhaliyey waxaa iiga fadli badan jawaan masagga ah oon dhidid ku dhaliyey.

Marka mawduucu waa diin ee waxkale kuma saabsana ee sidaa aynnu wado ogaanno.

Tuuniisiya waxay kamid tahay dalalkii ugu horreeyey ee dad muslima daggan yihiin soo roga sharciyadan:

Sabti iyo Axad fasax ah oon jimcaha oon loo oggolayn shaqaalaha dawladda hal saac ooy soo tukadaan, hadday codsadaann shaqada ayaa laga caydhin.

Waa dal "Officiallay" aan diin lahayn " culmaani"

Waa dalkii ugu horreeyey ee dad muslima daggan yihiin ee ubadkiisa "Adoption" ugu dhiibo gaalada, wali malla kulantay ilmo tuuniisi ah oo "Adoptive" ah, Nacam anigaa lakulmay halkaasaana ka'ogaaday dhibaatada dalka kajirto.

Waa dalkii labaad ee dad muslima daggan yihiin ee xarrimo guur haween halkabadan.

Waa dalka kaliya ee caalamka maanta kajiro ee uu sharcigiisa fasaxayo in lacandhuufo ama lacaayo haddii haween xijaaban la'arko iyadoo socoto sidoo kale nin gadhwayn leh.

Waa dalkii ugu horreyey ee dad muslima daggan yihiin ee fasaxa in gabdhahoodu gaalada guursan karto( kuxisaabtan soomaliya waa dalka saddexaad ee soo raaca Tuuniisiya iyo turkiga) oo uu sharciga u yaallo fasaxayo in gabdhahooda gaalada guursan karto)

ha'iskudayin inaad i aflagaadayso ood iga dhigto nin caytamayo waxaan sheegayo anigaba waan layaabay markaan kawarhelay inay jirtay.

Waa dalkii afraad ee dad muslima daggan yihiin ee sinada u arko waxaan xaaram ahayn.

dalal badanoo dad muslimiin ah daggan yihiin sharci islaamna kajirin ayaan haddana la'ogolayn Zinada, halkan Tuuniisiya iyada waa lafsaxay.

Maxaad umalayn saaxiib arrintaa.

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillahi

Assalaamu calykum

Inkastoo dadkii muslimiinta ladhihi jirey ceebahoodu ciidda kabaday, ayaa hadana asii kala daran yahay. Tuunisiyana waxay gashay kuwa ugu daran.

dalkaygii hooyo waxaan ku'arkay dhibaatooyin aad ufoolxun oo runtii aan maskaxdayda katiritiri waayey qaarkood, nolosha adduunku way dhib badan tahay oo qaboow joogto ah malaha siduu quraanka sheegay inay marna culays noqoni marna qabow, hadana banii'aadamka mahilmaami karo wixii dhib ahee soomaro.

Waxaase wax walba ugu daran marka lasoo weeraro diintaada iyo iimaankaada, waana dhibkaa dhibka aanan illoobin shakhsiyan.

1987 ayaa haweeneey soomaaliyeed oo wadaada ah damacday inay xajka aaddo markay tidhi basaaboor sammayso ayaa layidhi qoortiyo madax bannee siluguugu garto sawirka way diiday dhib waynbaana kadhacay arrintii awgeed, haweeneydiina waa loo diiday inay iyadoo asturan isku sawirto baasaboorkeedii, arrini waxay kudanbeeysay war kama hayo oonka ahayn inay haweenaydaa sijoogta ah uga caban jirtay waxaa xilka leh ee sharciga laga dhigtay.

Waxaan arrintii soo xusuustay mar aan kaalmaynayey dumar soomaali ah oo dal yuruba daggan oo loo yara diiday inay ayagoo xijaab qabo isku sawiraan basaboorkooda. Aniga iyo nin kale ayaa u tagnay xafiiskii immigrationka una sharaxnay siday wax ujiraan, waxaan illaa iyo hadda hilmaami la'ahay sida karaamada kujirto ee ay noo qaabileen saraakiishii xafiiskaa kadib markaan u cabannay, ayagoo naga codsaday inaan u sharxno sababta kalliftay inayna hal marna haweenku qaawin karin madaxooda, illaa ay markii danbe codsadeen inaan keenno daliil kukhasbayo haweenka mawqifkooda, waxaa layaab igu noqotay inay qanceen markay arkeen addilladii ooy yidhaahdeen waatahay dhibimayno gabdhaha haddii ilaahood amaray sidaa, sidii baana gabdhihii loogu ogglaaday codsigoodii.

Waxaan waxasoo dhan uga danlahaa inaan halkan kuqoro sheeko yaroo kadhacday Tuunisiya 1997dii.

Nin asalkiisa u dhashay Algeeriya dagganaana Sweden 30 sano da'diisuna tahay 54, ayey hooyadii oo da' ah kacodsatay inuu geeyo dal muslima ooy kudhimato illeen carro gaalo mafiicnee, Ninku nin diinta aad u yaqaanno ma'ahayn ururro mucaarad ku ah dawladna kuma jirin lakiin wuxuu ahaa nin diinta jecel aaminsanna madhabta maalikiyada maskax dariiqana kufekero oon ujajabnayn Xarakaadka usuuliyiinta ah mabda'ooda, waxaa intaa u dheeraa inuu gadh wayn lahaa.

Aljeeriya wuu kayara cabsooday oo wuxuu isyidhi Tuuniisiya hooyadaa gee iyadaanan dhib kaasoo gaadhayninee. Markuu hooyadii geeyey Tuuniisiya meelna kusoo ogaaday ayuu yidhi bil kadib kunoqo Sweden, garoonka markuu marayo ayuu cadowgii ilaahay iska lalmiyey ayagoo kuhaysto inuu argagixiso yahay inuu ladoodo ayuu damcay balse qanciwaaye oo waxay u sheegeen in laxidhi.

Waa lamaraanmaray waxaana lahayey Saddex saac oo qudha, ninkii ladnaa ee xoogga badnaa waligii aan siyaasad galin dadna dhib badan dhaxmarin waxaa lakeeney Sweden asagoo curyaana, sidee u curyaamoobay horta qaarka danbe waa kamayd dhagahana wuu beelay hal illa waxkama arko intaasoo dhan waxaa kasii daran maskixiyan ayuu u khalkhalay. Swiidhishkii way yaabeen ninka waxa lugu sammeeyey waase arrin lawaydiin Tuunisiyiinta. Haddaad Ay u tabobarto sida dadka loo weeraro ood kadibna tidhaa qabo qabo maxaad u malayn hilibkuu dadka kadhigi ayagoo nool, Aybaa helay miskiinkaa mu'minka ah.

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
xareed.
assalaama calykum.
saaxiib jazaakalaahu khayran baryhaan waan kutabay inkastoo laftirkaygu aanan kubadneyn netka.
arimahaan wax yar iifaahfaahi.
wadanka labaad ee aan laogolayn labo xaas.
-arinta guurka loofasaxay gabdhaha soomaaliyeed in ay guursadaan gaalada.
SALAAMUN CALUKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum

Allaale salaan kadib waan ka'cudurdaartay inaan kaalasoo daahay jawabtaad iga sugaysay, waan yara mashquulay.

Balse haddan iskudayo inaan kuu caddeeyo meeshaan kakeenay labada arrimood eed iwaydiisay, waa sidan:

Arrinta Turkiga waa waxaan kakeenay qiyaasa ah in in sharciga turkiga lagasoo guuriyey Qanuunka dalka Switzerland dhammaantii marka lagareebo sharciyo dheeraad ah oo islaamka iyo kurdida aad u mucaaradayo oo uu Ataturk maskaxdiisa kakeenay, maadaama uu sharciga Switzerland xoogaa bani'aadamnimo leeyahay. Intaa waa wuxuu isaga u baahday oo qudha laakiin inta kale wuxuu kasoo guuriyey Dalkaas umalayn maayo inuu shraciga dalkaa qori in dhowr xaas layeesho.

Haddaan waxyar kaxuso shrciyada gaarka ah ee uu Ataturk keensaday oo kabxsan sharciyadaa waa kuwan:

Inuusan askari Turkiga ah diin yeelan karin hadduu yeeshana laga cazilo ciidanka in Ra'iisulwazara kasta oo ladhaarinayo kudhaarto mabda'a Ataturk inuu iimaan ahaan u aaminsan yahay, qodobkaa isaga ah hadda waxaa lagu siyaadiyey in marka ladhaariyo Ra'iisulwasaaraha uu ubaxna dhigo sanamka Ataturk una rukuuco sanamkaa.

Sidoo kale inayna shaqaalaha dawladda xaq ulahayn inay fasax waydiistaan maalinta jimcaha ah saacadaha latukanayo.

Inuusan sidoo kale diin sheegan karin Ra'iisulwazaaraha dalka ama madaxwaynaha.

Iyo qodobbo badan oon kusoo koobi karin halkan.

Aniga waxaan sheekadan helay 1996dii anigoo arkay qoraal ay EU da kadiyaarisay dalkaa kadib markuu codsaday inuu kubiiro ururkaa marka dhaliilada ay kuhaysteen aya waxaa kamid aha waxy ugu yeedheen Minority presecution (Mulims and Kurds) in a vaiolation of human rights.

marka sheekadaa waa sidaa qiyaaskaa unbay ahayd waxanan filayaa inaan asiibay haddi kale waynu ogaan siday wax ujiraan.

Arrinta guurka ee soomaaliya kusaabsanayd runtii marabo inaan qodqodo maxaa yeelay waa arrin xasaasi ah anigan hadda qorayo ayeyba i dhibaysaa xusiddeeda. Marka waxaan kusoo koobi sidan:

Waxaan iskudhacnay maalin Muqdisho April 1989kii
Haweneey soomaali ah oo igu tidhi ninkaygu waa talyaani markaasaan waydiiyey oon idhi mamuslinbaa mise gaal ooy tidhi waa gaal, kadibna aan waydiiyey inay tahay iyadu muslin wayba ahshahaadatay, waxaan usheegay marka inay baadil tahay arrintaa iyada ah ayna bannaysan karin ayna xaaran ninka kulanooshahay xooga markaan doodnay ayey isiisay taleefonkeedii tidhina ilasoo hadal caddaynbaan haystaaye. Markaan laxidhiidhay waxay itustay waraaq nikaax oo soomali ah kuna qoran tahay inay si sharci ah iskuqabaan iyada iyo gaalka.

Wax walba waxaa iigasii darraaday inay foormka labadoodaba loogu qoray midwalba diintiisa Roman Catholic iyo Muslima.

Waxay ahayd waraaqdu waraaq sidata calaamaddii wasaaraddii garsoorka iyo arimaha diinta ee soomaliya wayna shabdaysnayd saxiix garsoore ayaan kuyaallay.

Mardanbe ayaan isu fiiriyey waraaqaha nikaaxa ee maxkamadda iyo tii la'tusay wayna isyeesheen.

Kadib dadbaan kawaraystay iina sheegay inay jirto arrintaa iyada, waxyna iigudareen in xitaa loo oggolyahay inuu qofku diinta baddasho oo iyada lafteeda ay wasaaradda waraaqo sharciyaysan siiso dadkaa iyaga ah.

Aniga xaqiiqdii ma'qoon sharciga soomaliya kajiray bal waxaa iimuuqata wax alla wixii dawladdu ay waraaqo usammayso inuu sharci kayaallo.

Waad mahadsan tahay, caddayntayda waa intaa.

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Walaalkeen Xareed Ilaahay khayr ha siiyo sida hagar la aanta ah ee uu nooga haqab tiray siraha dawladaa kharaabka ah.
Raali iga ahaada, nin weji adag baan ahayoo, anigoon wax weyn wadin baan isa soo maqiiqaayee.
Tunisia waxa jaamacadaha Islaamiga ah ka dhiga naago sida gaalada u labisan oo tafsiirkii iyo axaadiistiiba kuu dhiga , waana arin ay xukuumadaasi is leedahay DIINTA ISLAAMKA ku bah dil.
Wadankaas masaajidyada kuwada yaala oo dhan hal khudbad oo isku wada mid ah oo ay xukuumadu soo diyaarisay baa laga wada akhriyaa.

Ar aduunka maxaa belo ka taagan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ilkacase

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.

Waxaan aad uga xumahay inaanan wakhtigan haleelaynin inaan warbixino badan idiinka soo qoro,sida foosha xun ee ay u dhaqanto dawlada Tunisia ka talisa.Balse waxaad ogaataan inay jiraan Imaamo masaajido yurub ku yaala tujin jiray kadibna ay is yidhaahdeen yara booqda wadankiinii,dabadeetana ilaa maantadan warka u badan ee laga hayaa uu yahay(waxa lagu xidhay Tunisia)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum

Intaa kadib waxaan rabaa inaan kukordhiyo sheekooyinkii hore ee looga qoray boggan Tuuniisiya iyo ninkii aasaasay(Xabiib Burqiiba)

Waxaan shalay is'idhi akhri Jariidad kusoo baxda afka ingiriisiga, markaan sidaa ukalafuray ayaa waxaa islamrkaaba igasoo horbooday sawirkii ninkii odayga ahaa eennu uga sheekeeynay boggan, runtii waan yaabayoo idhi war maxaa idabo dhigay.
Balse xaqiiqdii waxay ahayd inuu ninkii dhintay Dorraad waa maalintuu curtay Sanadka Hijiriga ah asagoo da'diisu gaadhay 96 sano adduunyana kagatagay hal wiiloo 72 jir ah ayna udhashay naag Faransiis ah.
Inkastoon runtii lasoo koobi karin dhibaatooyinka uu ninkaa u gaystay Diinta ilaahay iyo dadkeeda haddana waxaan kusoo gaabin inta ay jariiddada kaqortay iyada oo waliba ammaan uga dhigaysay.

( Mr Burqiiba was long considered one of the leading voices of moderation and gradualism in the arab world, creating in tunisia a moderate pro-Westren regime that sought to reduce the influence on religion in soceity).

(He also discouraged the muslim practise of fasting during the month of Ramadan)

(He also denounced the Jihad calling the Jihad is only fighting for development)

Kadib waxaa sheekada lasocotay in toddobo maalmood looga baroordiiqi Tuuniisiya ninkaa asaga ah.

Waxaan filayaa inay dadku garan karaan wuxuu ahaa

Waad mahadasantihiin
Wassalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salamu Caleykum!


Jazakallaahu kheyrab akhee XAREED. Waana kugu raacsanahay warbixinadaada 100%. Waxyaalahaasi oo dhan waa wax "Facta" ah, ciddii shaki uga jirano hatageen library-ga dibna ha u baareen taariikhda Tunisia.

Tunisia waa dalka ugu xun ee Islaamka la dagaala, xataa waxaan filayaa in aay Turkiga ku dhaaftey Islaam naceybka.

Qofkii mr. Burqiiba taariikhdiisa rabo, hakala socdo ayaamahan tv-yada, sida kan TV-ga Tunisa (haddii aad setelite leedahay) ama waxaa kugu filan BBC-da & CNN.

Ilaahoow ummadaada Calmaaniyiinta ka qabo.


Ansaari

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.