site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

New world order?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): New world order?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqoon raadis

Unrecorded Date
Salaamullaahi caleykum.
Madaxweynihii hore ee maraykanka bush baa sheekadan la yimi kadib markii uu soofiyeedkii haligmay. Qasadkeeduna waa in hada xooga lasaaraa dunida Muslinka, maadaama hawshii shuuciyadu inaga dhamaatay.
Wallaalayaal aan arintan aan wax ka dhahno oo dad Muslimiin ahi aanay fahamsanayn.

Salaamullaahi caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calykum Aqoon raadis

Waa xaqiiq arrinta aad sheegtay, oo mar hadday dhacday shuuciyaddii xumayd mabda'a kale ee soo hadhay ee kasoo horjeedo Dimoqraadiyada waa islaamka.

Inkastoosan islaamku maanta saldhig lahayn loogusoo hagaago iyo awood militari iyo mid dhaqaale, haddana siduu Suubanuhu (scw) u sheegay ayaa taganoo waxaa ciidda kabadatay argagax laga qabo islaamka, waana xaqiiqdii wax lalyaabo in qof sakaraad ah oo iskaba liita saa looga cabsado.

Waxa laga baqayo dadka Musliminta ah ma'ahee waa Caqiidada ilaahay xafiday oo lahubo maalinta ay dadkeedii hesho inaan la horistaagi karin.

Waxaan fili inuu qof kasta oo dareen leh fahmayo maanta arrinta aad xustay ee ah inay gaashaanbuurta gaalo isu bahaysatay siday u xididdo siibi lahayd Diinta Ilaahay ee xaqa ah, iyadoo adeegsanayso noocyo badanoo dagaal sida colaad cad iyo mid dahsoon. Annaga Soomali ahaan waxaa noogu filan daliil in lugu heshiiyey in dalkayagii gacanta loo galiyo Itoobiya oy maalinba maalinta kadanbayso saldhig milatari kasammaysanayso gobol hor leh ayna gaashaanbuur lagalayso maangaabtii ciidda looga kala cararay.

Marka maxaa lasugi?

Aad baad umahadsantahay saaxiib

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aqoon raadis

Unrecorded Date
Xareed
aad baadd ugu mahadsan tahay sida aad mawaadiicda faaidada leh aad umada uga waraabinaysid, waana arin khayr kuugu jiro ee halkaa ka wad. Walaal jira Ilaahay hakaa yeelo (aamiin)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum

War heedhe maxaa kudhacay "istaraatiijiyiintii" xaggay kala aadeen mise ishuba uma qaban mawduucan muhuiimka ah.

Inshaa allah waan usoo noqon oon kayara faalloon mawduucan.

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalamu calykum.

ARRINT "NIDAAMKA CUSUB EE CAALAMKA"

Waa istraatiijiyad uu maraykanku kadanbeeyo yurubna kuwaafaqday, macnaheeduna yahay inuusan dib danbe uga dhalan caalamka nidaam ama mabada' kooda kasoo horjeedo. Ayagoo kugabanayo magaca Dimoqraadiyada, si markaa sheekadu ugu ekaato sheeko kusaabsan wanaag raadis, taasoon xaqiiqdii ahayn wax sal iyo raad leh waayo siyasadda Reer Galbeedku waxay kuslaysan tahay in ayaga maslaxadooda iyi ahdaaftooda latixgaliyo oo qudha, haddi lahelo intaa wax walba waa hagaag haddii kale fooddaa la'isdari.

Waa maxay horta Istaraatiijiyad?

Waa farsamo lugu hirgalinayo siyaad larabo in hirgasho maruun.

Dawladaha hore umaray waxay ciidamadooda uqaybiyaan labo:
a) qayb taaktiko ah
b) iyo qayb istaraatiiji ah

Taaktiko waa hubka iyo ciidanka caadiga ah ee laisticmaalo caalamka maanta iyo shalayba.

Itaraatiiji waxay noqoni sidan:

Hubka Sunta, waa tuu u isticmaalay Saddam Iiraan iyo Kurdida

Hubka Jeermiska oo macnaheedu yahay Cudurro la'abuuray oo aad ufaafo dilaana ah.

Hubka Nukleerka oo isagu ama sawaariikh laga rido ama Dayuurado iyo Gujis lagu qaado.

Waxaa tusaale u ah labadii Bam ee uu maraykanku ladhacay Japan oo uu Japan is dhiibay kadib markuu argagaxay. Hadduusan bamkaa ahayn waxaa dhici kari lahayd inuu dagaalku siisocdo Japanna ayba guulaysato balse maraykanka ayaa isticmaalay dagaal istaratiiji ah wuuna kuguulaystay.

Banii'aadamka maanta waxaa ugu sito istaraatiijiyada Yuhuudda oo intay waxaa layidhaa sympathy diyaarsadeen ayey dad dhan baabi'iyeen dhulkoodiina dhaceen iyadoo waliba raalli looga yahay oo lugu taageerayo xaqdarradaa, xaqiiqdii taageerada lataageray iskama imanee way kashaqeeyeen sifiicanbayna u qorsheeyeen wayna kuguulaysteen 100%.

Waxaan soo qaadan marka tusaale muujinaya siduu jinsigaa uu Master ugu yahay maadadaa iyada ah.

1- Rasuulka (scw) markuu u hijrooday Madiina waxa colaadiyey dad badan oo illa ay mar gaadhay inay gaaloo dhan isasoo bahaysatay si loo cidhibtiro diinta ilaahay. dadka colaadiyey Rasuulka (scw) waxay kala ahaayeen saddex:

Mushrikiintii quraysh oo ayagu xurguf u qabay Rasuulka (scw)

Reer baadiyihii Carbeed oo iyagu hunguri iyo doqnimo la'ordayey ayna inta badan ku'adeeganaysay Yuhuud.

Iyo yuhuud lafteeda oo iyadu doonaysay inay hirgashato "istaraatiijiyad" ahayd ianay cidhib tirto diinta Alle si kaligood xadaaro uhaystaan illeen Masiixiyad marhore ayey majaro habaabiyeene.

Waxaa jiray labo quwadoodoo markaa caalamka ugu xoog badnaa uuse garaadkoodu gaadhin inay islaamka fahmaan halista uu kuhayo.

Waxase aad ufahmay Dhowrkii qabiilee Yuhuudeed oo iyagu markaa billaabay olole ay doonayaan inay kubaab'iyaan diintaa cusub wax walba ayey iskudayeen dacaayad, dooxatonimo fitno lagu diro muslimiinta dariskooda iyadoo lasiin hub lana laaluushi odayaashooda si ay islaamka uga hortagaan.

Markii danbe Rasuulku (scw)tallaabo tallabo kulul ayuu kaqaaday illaa uu xididada usiibay akhiiran dardaarmayna in jaziiradda carabta lagararo waa xitaa yagoo isdhiibay. Rasuulku wuxuu ogaa halista ay keenayaan ahdday sii daganaadaan Jaziiradda Carbeed.

Waxaan fili inuu qof walba garan karo Waxay kudhigeen Khilaafadii cusmaaniyiinta xaqiiqdii yuhuudbaa xididada usiibtay kadib markay KLhilaafadu soo dhawaysay ayagoo aad loogu cadaabay yurub inteeda kale, meeshay islaamka u mahadnaqi lahaayeen ayey billaabeen inay xididada usiibaan waxayna ugu guulaysteen si layaab leh.

Waayo waxaa gariib noqotay in shalay dawlad islaami ahayd oo shreecada islaamka kudhaqmaysay isuna arkaysay inay mas'uul katahay caalamka islaamka ay dhowr sano gudahood kunoqtay cadow ladiriro diintii ay haysteen cooladiyana muslim kasta meeluu joogaba tirtirana raadkuu islaamku kulahaa.

Wasaalaam

waysiisocon

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
qaybta islam inta badan waxaa furtaan mawduucyo fiican, laakiin la idinkalama qeeybgali karo sababtoo ah waxaad soo qortaan 10-bage wayna adagtahay in lawada aqriyo.
Marka pls soo gaabiya waxaa qoreeysaan, saan anagana fikradeheena idiinku darsano

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sunaari

Unrecorded Date
Mahadsanid Xareed.
Waxaan rajeeynaayaa inaad wax ka qorto haddi e jiraan istraatiji ee adeegsadaan dawladaha Islaamka si ee oga hortagaan 'the new world order'....su'aasha tan ka horeeysa waxay tahay:
Dawladaha Islaamka ahi isku si mu uu arkaan 'the new world order iyo dhibaatadda ee wado'??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum waraxmatullahi

Walaal Ladan iyo sunaari waan idin salaamay.

Intaa kadib Ladan;
Walaal waan qaatay taladaadii, mana'aha taladaada kaliya ee anigaaba dareemay laftayda oo xalay markaan qoraalka sammeeyey ayuu wakhtigii aan ugu talo galay iga dhammaaday anigoon xitaa sixinbaan kadhaqaajiyey si'aanan jadwalku iiga hallaabin, marka walaal talo fiicanbaad isiisay oon aniga laftayda u baahnaa aananse fahmsanayn hadda kahor.

waxaan caawa kusoo koobi jawaabta sunnaari oo sidan ah.

Walaal Xaqiiqdii dawladaha isugu yeedho islaamka maanta waxay kabadin la'yihiin koontaroolka dadkoodii iyo siday gacanta ugu dhigi lahaayeen shacabka ay u taliyaan, sideedaba waxaa istaraatiijiyad sammaysta dad ama shacab maskaxdeeda, muruqeeda iyo dhaqaalaheeda iyo waliba arrinta ugu muhiimsan Ideologi ama mabda' ay rabto inay hirgaliso leh.
Dalalkii islaamka waxaa kunool labo dad: kuwa wax xukumo oo hantidana boobo dadkana kuxadgudbo iyo kuwo ciil u qabo oo rabi inay qadqadaad utuuraan raadkoodiina qaadaan.
Qodobadaa aan hore usoo xusay dal islaam ah oo maanta leh majiro ama afartaba way kamaqantahay ama labaa kamaqan ama midbaa kamaqan ama saddexbaa kamaqan.

Marka dal aan mabda' lahayn uu kudhaqmo ama hirgaliyo siduu istaraatiijiyad u yeelan.

Waxa aan kahadlay waa istaraatiijiyad mabda'eed ee kama hadlin mid dhaqaale iwm, sidaa awgeed dalalka islaamka sheegto maanta aadbay uliitaan mustaqbalkana waxaad mooddaa inayna waxba kulahayn hadduusan nasri alle iman.

Islaamka markuu utalinayey Rasuulka (scw) wuxuu u dajiyey Istaraatiijiyad kusalysan sharciga ilaahay oo ahayd in caalamka loogu yeedho diinta xaqa ah ciddii diidana Jizyo lagaqaado ciddii labdaba diiddo loo sheego in dacwo islaam fidin ah loogu iman, hadday intaa diidaan waa dagaal barkaysan.

Sidaasay dawladdii Rasuulku (scw) aasaasay kusocotay illaa ay Ummawyiintii kaqabsadeen maamulkii islaamka una badaleen dawlad qabiileed, gabogabodiina sababtay burburkii dawladdii islaamka. Waana rafaadka maanta haysta Dadkeennii oo kale nin maskax qabiil kufekeraya iyo qaran kalafog, istaraatiijiyadna magaran karo macnaheeda iyo siday muhiim utahay.

Nin daaci ah oo muslin ah ayaa yidhi Dawladaha reer galbeedka waxay qaataan waxyaabo islaamka kamida ah markay dan ugu jirto.

Wuxuu yidhi lacagtii Jizyada ahayd ee larabay in laga qaado caalamka hadday diidaan islaamka lana difaaco markay aqbalaan maraykanka ayaa sidii yeelo ayuu yidhi bal eeg Koonfur Kuuriya, Taiwan, Japan, dalalka khaliijka iyo Burunaay.

Wassalaam

Waysiisoco, anigoo filayo inaanan dheerayn illen waa laga cawdayee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Kelmadan cinwaankeenu yahay waxaa markiiba ku dhawaaqay Bushkii usa xukumayey kadib markii uu soofiyeedkii baabaay.
Sida dhakhsaha leh ee Bush eraygaas ula soo degdegey waxay ku tusaysaa in uu waran ka go ay markuu ruushkii uu awood beelay oo ay u muuqatay in la gaadhay xiligii Islaamka loo soo jeesan lahaa.
Markiiba waxay saxaafada reer galbeedku xadhkaha kasii dayeen dhawaaqyadii ay la gabanayeen ee ka mid aha: argagaxiso, mintid, seef la bood, asal raac, kuwa diintu madax martay.
Waxaa kaloo wadamadii islaamka ahaa ee ay u arkayeen inay axsaabta badani dani ugu jirto lagu khasbay dimuqradiyada.
Waxaa kaloo lafaafiyey dacaayado Islaamka lid ku ah oo ay leeyihiin Muslimiintu xuquuqda haweenka bay duudsiyaan.
Waxay kaloo aad been been uga qayliyeen in islaamku farayo in xubnaha qofka la jar jaro.
Calaa kula xaal arimahaas oo dhami waa barta Muslimiinta looga duulayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalamu calaykum

Dalalkii ay daganaayeen muslimiinta kadib markii ay burbureen nidaamyadii kajiray dalalkii muslimiintu kunoolaayeen ayaa gaalo kusoo duushay oo qabsatay.

Waxaa meeshaa kudhaboobay hadalkii Amiirkii mu'miniint Allaha karaalli noqdee Abuubakar ee ahaa "qoom kamatagaan Dagaal jidka alle illaa waxaa lugu sallidaa cadowgooda". Markay muslimiintii kaleexdeen jidkii Alle u jideeyey ayaa niman aan diin lahayn lugu salliday oo hunguri doona. Kadib markay carrada qabsadeen waxay keeneen dhaqankoodii iyo diintoodii iyo aragtidoodii intaba, waxaa jiray marka mabda'yo badanoo aad u dhaawacay muslimiintii iyo islaamkiiba hadana lagasoo kabsan la'yahay.

Mabda'aas waa Wadaniyad oo macnaheedu yahay mabda' iyo nidaam lugu dhaqmo.

Waan sii wadi inshaa allaah.

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum

Waxaa jirtay inuu madaxwaynaha Dalka Bosnia Caaliyaa Cizetbogavij iyo Gabadh muslimad ah oo Boosni ah ay qoreen buug ay ugu magacdareen (the islamic decleration)kaasooy uga hadleen dhibaatada muslimiinta haysatay qarniyadii lasoo dhaafay iyo kuwan lajoogaba, taasooy sheegeen inay sabab u tahay tacaaliimtii islaamka oo laga leexday oo marka lugu lumay mugdi bidci maydhana.

Waxay buugooda culayska saareen labo maaddo oo midi tahay "Nationalism" ta kalena tahay "Press freedom" ama "The free word" way diideen labadaba ayagoo ugu yeedhay baadil uusan qof kasta oo muslin ah qaadan karin, kanasoo horjeeda taacaliintii Rasuulka (scw).

Waxay sidoo kale qoreen sid ay dawlad islaami ah ula macaamalooni labadaa arrin waxayna yidhaahdeen sidan:

Wax layidhaa xoriyad wax lacabbiro islaamku ma'gola illaa inay waafaqsan tahay axkaanta islaamka ma'ahee. Sidoo kale waa inay dawladda islaamiga ah sammaysaa maamul koontaroolo dhaqdhaqaaqa saxaafadda si loola diriro kuwa iskudayaya inay wasakheeyaan iimaanka shacab waynaha ayagoo kafaa'iidaysanaya xorriyadda waxdhihidda ama qoridda.

Wadaniyad: waxay kutilmaameen mabda' baadil ah oo laga keenay Yurub aysan ahayn inuu aqbalo qof muslina ah, dadka muslimiinta ah meelwalba ooy joogaan lagabilaabo Jaziiradda ay Malaaygu dagaan, Badhtamaha Afrika, Balkaan iyo Waqooyiga Galbeed ee Afrika waa in hal dawlo laga dhisaa hal amiirna loo magacaabo hal calanna yeelato si xunna loogala diriro shacab waynaha muslimiinta inayna mar danbe soo gaadhin cudurkaa caalamka rogay ee galay booskii diinta.

Yurub aadbay uga naxday arrintaa labadoodiina waa laxidhay oo illaa iyo dhammadkii siddeetanaadkii way xidhnaayeen.

Waxaa kaloo layaab noqday inay dad muslimiin sheeeganayo qariibsadeen arrinta labadaa qof qoreen.

Wassalaam xareed

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tafatire

Unrecorded Date
KELMADA QARIIB EE HADLKA XAREED KU JIRTA,MACNAHEEDU WAA: WAX LALA YAABO.WAADNA MAHADSANTIHIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calykum

Markii islaamkii laga takhalusay oo la'iskafogeeyey, kadibna dad kale carradii qabsadeen oo siday rabeen wax u hirgaliyeen.
Waxay katageenne ugu darraa Mabda' Wadaniyadda, ayuu dal walba billaabay inuu calan u gaar ah sammaysto yidhaahdana waa'inaan la'isoo dhaafin xuduudkuu gumaystaha katagay oo la'ixtiraammo xeerarka caalamiga ah ee kayaallo arrintaa.

Dad badanoo waxaa jiro maanta muslimiin fiican ah oo markay maqlaan Dad leh Dawladdii "khilaafada" waa inlasoo celiyo ama waa in shareecada la'iskudhaqo aad ulayaaba oo yidhaa war taloow waa maxay waxan lasheegi, waxaan ula jeedaa arrintaba waxay ula'eekaatay arrin cusub oo layaab leh.

Waxaa jirtay in Dalkayo waagii hore ay u badnaayeen dadka diinta u dooda culumo waynaatay da' ahaan, ayagaa kutubaha akhrin jiray ayagaa diinta lagalasoo xidhiidhi jirey, nidaamka dalka kajireyna wuxuu ahaa nidaam "culmaani" ah aan yara jilciyo nidaam diinta kafaano oo u arko diintu inay tahay wax gaboobay oon markaa casrigan lugu dhaqmi karin qarnigan casriga ah.

Wadaadadii waagaa joogay waxay dhaxleen dhaqankii wadaadadii kahorreeyey ee gumaysiga lasoo noolaaday kuwaasoo qabatimmay nidaamka ah in uun diinta masaajidda lugu hayo. Marka dhammaadkii toddobaatammeeyadii ayey soo baxday dhallinyaro diintii qaadatay oo runtii u guntatay in soomaaliya sharciga islaamka lugusoo rogo. Arrintaa waxaa aad ulayaabay dadkii soomaaliyeed oo yidhi war waasidee waa maxay waxan cusub.
Dad badan ayaa khoryimid wadaadadii oo dhibay dawladdana tallaabo ayey kaqaadday, wax walbase waxaa kadarraa cadaawadda iyo colaadda ay kal kulmeen dhallinyaradu Wadaadadii hore ee dalka sii joogtay kuwaasoon ula kala hadhin caadawad iyo dacaayad intaba.

Runtii wadaadadaas hore lalama yaabi karoo waxyna waligood aragbaa loola yimid qofka bani'aadamka ahna fahamkiisa wuu xaddidan yahay oo xaalad kasta lama qabsan karo inuu u diyaar garoobo mooyee. Wadaadadaa waxaa laga dhaadhiciyey nimanku waxay kasoo horjeedaan madhabtii hore ee dalka laga haystay ee ahayd "Shaaficiya" shaaficiya waxaa aaminsanaa dhallinyarada una dhawaa cilmigii laga dhaxlay caalimkaas culumadaa horena waxay kudhaxjireen wareeg cadawgu jeexay.

Hadda marka si looga hortago cidwalba oo carqalad karta The Anglo -sexson demoqracy ayaa labillabay the new world order si loo abuuro mugdi hor leh oo lugu tuuro muslimiinta.

Waad mahadsan tihiin

Xareed
Waxaan uga gollahaa sheekadaas

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
salan kadib

marka hore waa u mahad celinayaa walaalka niqaashka furay kadib haddii aan fikrad ka dhiibto NWO.
nwo waa nidaam cusub oo isticmaareed amaba gumaysiga dahan inkastoo shuuciyadii sofiyetkaba ay qabeen mid la mid ah haddan kan waxa uu uga duwan yahay nidaamkan waa kan kaliya ee manta amarka bixiya isagoo isticmalaya siyabo kaladuwan.
madaxweyne bush habeenkii uu sofiyetka burburay subaxeedii isagoo lahadlaaya wariyayaasha waxa uu ku soo labistay isku joog ay sawiran tahay qaaradaha aduunkoo dhan taasoo micnaheedu ahaa in dunidu maanta uu jiro only hal awood.

westernka nwo waxay u sameyan so ay ula dagaalamaan islamka una gumaadan dalalka islaamka taasoo runtii hirgashay,qorshahoodu ugu wayna wuxuu ahaa inay israaiil ku beeran bartamaha dunida islamka,guulihii ugu waynaa ee uu gaaray n.w.o waxayd ahayd iyagoo ictiraaf u helay isra'il baabi'yayna awoodihii dalalka islaamka iyo kuwa carbeed,si ay dhamaystiraan xakamaynta dalalka islamka ayay awood wayn oo ciidameed ku beerteen dalalka khaliijka iyagoo isticmalaya dabadhilifyadooda sida saddam xusain ama madaxda diktaatoorayada ee aduunka islamka,waxaa kamid ah qorshayaasha nwo in ay la dagaalaman cid alaale cidii islam ah oo isku dayda in ay wax isu qabtan sida sudan libya iyo iran iyo iyagoo si buuxda ugu tumanaya xuquuqda muslimka sida bosnia madaxwaynihii hore ee france mitrand wuxuu ku yiri (bosniyinta waxay aadi karaan dunidooda islamka intay u baabi'i lahaayen dhul ayan lahayn maxaayelay yurub waxay leeday dadkeeda marka nwo waa nidaam cusub oo loogu talo galay in lagu gumaado ummadda islamka ee tiradoodu dhaftay bilyan iyo haaf hubka ugu wayn ee ay isticmalayaan waa madaxdeena danaytayaasha ah


FAHAD 17 age washington seattle

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.