site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

SOMALINET/QORAYASHA QAYBTA ISLAM/AKHRISTAYA...

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): SOMALINET/QORAYASHA QAYBTA ISLAM/AKHRISTAYA...
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.
SOMALINET.
Fadlan maamulka forumska waxaan ka codsanayna inaysan qaybtan cusub ee ay fureen ee ISLAM aysan u wasakhoobin sida midii hore.waxaanan jeclaan lahayn inay u kala saaran qoraalada ama u kala kor mariyaan siday u kala duwan yahiin.tusaale ahaan/WACDIGA KOR MARIYAN/SU'AALAHA DHEXDA GALIYAN/MAWDUUCYADA FIKRIGA AMA DOODISDHAAFSIGANA HOOS KU QORAAN.waxii qashina ee aan meela u socon macnona lahayna tirtiraan.
QORAAYASHA QAYBTAN.
Walaalayal ilaahay aan uga xishoono oo uga baqno waxaan soo qorayno. qaybtan ISLAM ma aha meel kaftan mana aha meel waxii la rabo lagu qoro.hadaad hayso mawduuc nacfi leh oo aan ka wada faa'iidaysan karno ha nagala bakhaylin.hadaad su'aal diintada ku saabsan qabto soo qoro qofkii ilaahay garansiiyo ayaa kaaga jawaabaya ama culumada ayaa laguu soo waydiinaya.dadka iska jawaabayana ha iska ilaaliyeen waayo markaad leedahay waa sidaas jawaabtu macnahu waxaa weeye ilaahay baad ka soo warinaysa iyo rasuulkiisa markaa ilaah iyo rasuulkiisa Scw laguma dagdagi karo.qofkii saas oo kale doonaya inuu mowduuc aan diini ahayn qorona fadlan forumsku waa weyn yahay qaybo badana waa leeyahay ee kuwaa la aad.
AKHRISTAYAASHA.
Walaalayal hadii aad idinkuna aragtan wax diinta ku qaldan fadlan ha ka aamusinina,sidoo kale hadaad tabaysan shay nacfi diined leh oo aan meesha ku qornayn fadlan soo bandhiga.
DHAMAANTEN WALAALAYAL QAYBTAN XUSHMO IYO XURMO AYAY NOOGA BAAHAN TAHAY.WAXAYNA KA TURJUMAYSA MAGAC AAD U QIIMO BADAN OO KITAABKA ALAH IYO SUNADA NABIGA SCW LABADABA RAALI LOOGA NOQDAY WAANA MAGACA ISLAM MARKAA AAN ILAALINO.
WAJASAAKUMU LAAHU KHAYRA WA BILAAHI TAWFIIQ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFroole

Unrecorded Date
To Miski:::

Thanx sis, for your great advice which you give to Us tahnx once again :

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymz

Unrecorded Date
loooooooooooooooooooool Mr Faroole ma Shiiq Miskiin baa sister ku tiri, what is next.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
war axadku muxuu yahay miskiinka isku sheegaya, miskiin seeflahana ueg. naag iyo nin waxaad tahayba daacsigaaga meeshan ka daa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdalla

Unrecorded Date
Salaamu calaykum Akhii miskiin
Waxaan rajaynayaa inay codsigaaga oo lagu daray kayga iyo qaar badan oo walaalaha kale ahba ay inaga yeelaan oo somalinet maamulkeedu aanay ku khasbin dad badani inaanay soo gali.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAMU CALAYKUM.
DHAMAAN AKHYAARTA WAAN IDIN SALAAMAY.
Waxaan arkay jawaabahiini waadna ku mahadsan tahiin kuwiini wanaajiyay.amaa kuwii jawaabta xumeeyay dhib ma leh qoraalkiinu.waayo bini' aadmigu isku garaad iyo garasho maaha.waxaa jira xadiis NABIGA SCW oo uu ku leeyahay DADKU WAA SIDA MACDANTA.macnaha xadiiskuna waxa weeye sida macdantu u kala duwan tahay oo ay ugu jiraan qaar qaali ah,iyo kuwo meel dhaxaada iyo mid aanba la qaadan oo macno lahayn baa dadkuna saas u yahay,qof akhyaara,qof iska meel dhaxaada iyo mid aan macnaba ku fadhiyin oo aan qaymo lahay.maadama aan hada dadka la arkayna waxaa laga garanaya qoraaladooda.waxaa kaloo jira maahmaah soomaliyed macnahaso kale tilmaamaysa.waxayna soomalidu ku maahmaahda QOFNA QOWLKIISU HADLAA QORINA QIIQIISU BAXAA.waxaa kaloo jirta xikmad carabiyeed ah AXMAQA LAMA GARTO ILAA UU HADLO.
Sikastaba waxaan u baahanahay intiina caafimaadka qabta figradiina iyo aqoontiina,inta kale ee laga fiicanyahayna waxaan idinkula talinayna meesha ka faa'iidaysta oo wax akhrista ilaa aad dadka la soo mid noqotan.iskuna sheexa.
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Miskiin waa kugu raacsanahay waxa kale laakiin waxaan jeclahay kala hormarinta in loo kala hormariyo sidey xarfaha u kala horeeyaan, taasaana sahlaysa inuu qofka ka qayb qaato mawduucuu isaga rabo.

Qof walba waa inuu ilaahay ka xishoodo oo qiimeeyo macnaha ereyga ISLAM isla markaasna uusan qaybtaan u isticmaalin si xun, laakiin inay maamulku kontrolka adkeeyaan ilaa xad ilama fiicna sababtoo ah waa inuu qofka u dhiibto rayigiisa si xor ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
Salaamu caleyku waraxmatulahi wabarakatuhu:

Walaalkaay MISKIIN waad salaamantahay: waxaan marka hore Ka xumahay in aan magacaga u qaatay female in aad tahay. Waxkalena igama ahaan lakin waa sida an u fahmay.

Arinta labad oo aan rabo in aan wax ka idhaahdo waxaa weeye. Rasulku (SCW) waxa uu yidih
" Leysal shadiidu aladii yasracu naas, Walaakina
shadiid man yaqlibu nafsaho cindal qadab "

Taas oo micneheeda la odhan karo sidan. Maaha Geesigu Ninka dadka legda, Laakin geesi waxaa la yidhaahdaa Ninka naftiisa ka adkaada marka aay cadhooto.

Waan akhriyey Mawdiicii aad soo qortay ilaa dhamaandkiisii, waan arkay dad ku afla gaadeeye.
adiguna jawabta aad Bixisay waxaad moodaa in aad dadfara badan Udhamaaysay oo aad ka soo qaaday waxaan jirin.
Waa runtaa oo dadku masina isku aqoon iyo isku fikirna maaha. Lakin waxaa haboon in hadii qof kugu qaldamo aad adigu dhinaca wanaagsan ka martid oo aadan sharaftisa meel kaga dhicin, sorry hadii wax afla gaado ah loo fahmo odhaahdaayda.

Thanx 2 all

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.