site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

XAJKA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): XAJKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sharaf M Ali

Unrecorded Date
Iga raali ahaada waa maqaal aaad u dheer lakin ku fadhiya aqoonta Xajka. Waxaa maqaalkan ii soo qaray Sh. Idris Sh. Cabdi oo ku nool Hamilton, Ontario Canada.

Xajka iyo Cumrada

1. Xajka Wxaa lagu micneeyaa "Qasad" xagga luqada, Xagga Sharcigana waa in loo qasdo Kacbada si loo guto howlaha xajka. Xajka waxaa la waajibiyay sanadkii 5naad ee Hijrada. Hasa yeeshee lama xajin ilaa sanadki ka dambeeyay oo ahaa sanad kii lixaad. Yaw Ku Waajibaa xajku?. Woxow ku waajibaa qaf: (1).Muslim ah (2).Qaangaar ah (3).Xur ah (4).Garasho leh (5).Awood u leh ( heli kara: Gaadiid iyo sahay, aan u cabsaneyn naftiisa iyo ehelkiisa, quud ku filan ehelkiisa ilaa ow ka soo noqdo). Qofki intaa laga helo oo aan Xajka gudan kadibna Xantiira (xoolabeela) Waajibkii kama dhicin. Haddii ow dhinto isgoon Xajkii gudan oo qof warsadiisa ama muslimiinta ka mid ahi ka xajiyo waajibki waa ka dhacayaa.

Arkaantiisu waa lix
1. Xirasho; shardigeeduna waa in ay ku dhacdo Miiqaat. Miiqaatkuna waa Zamaani (waqti) iyo Makaani (meel). Zamani waa bilaha ka bilawda soonfur Sidataal iyo Arafo. Makaanina waa meelaha Nabigu (csw) u calaameeyay in laga soo xarmado Xajka sida: Reer Yaman "Yalamlam", Reer Najdi "Qarni", Reer Ciraaq "Daatu_Cirqi", Reer Madiina "Bi'ri_Cali", Masar iyo Shaam "Raabaq".
2. Joogsashada; Carafa; Waqtigeedu woxow ka bilawdaa duhurka ka dib maalinta sagaalaadka.
3. Dawaaful-ifaada; woxow soo galaa habeenbarka ka dib habeenka tobanaadka.
4. Sacyiga; (guluf) Safa iyo Marwa
5. Xiirashada; timaha oo la wada xiiro ama dhowr laga gooyo
6. Xariirin; arkaanta in loo kala hormariyo sida ay u kala horeeyaan marka laga reebo sacyiga

Waajibaadka Xajka
Waa waxyaabaha Xajku naaqus noqonaayo la'aantood, waxaana qofkii ka taga ku waajiba dhiig.
1. In laga xarmado meel Miiqaad ah ama la siman, qofkii miiqaadka ama meesha la siman soo dhaafa asagoo Xaj damacsan woxow jebiyay waajib, waxaana ku waajibaaya dhiig hadii owsan meeqaadkaas u noqon oo ka soo xarman.
2. In la seexdo Muzdalifa waqtigeeduna waa habeenka tobanaadka ilaa iyo habeenbarka.
3. In la baryo Mina habeennada hilbo-weradka oo kala ah: tobanaadka, kow iyo tobanaadka iyo labo iyo tobanaadka
4. In la tuuro Jamaraadka sedaxda ah ( al-caqaba, al-wusdaa iyo minan )
5. Ka dheeraashada waxyaabaha xaaraanta ka ah qofka xarman Xaj ama Cumra oo ah toban:
1. Dhar godeysan ( macawis, shaati, funaanad, koofi, kobo xiran iwm)
2. In raggu madaxa ama wejiga dabooshaan
3. In naaguhu wejiga dabooshaan.
4. In leys carfiyo niman iyo naagaba (barafuun ama wax kasta oo carfaaya)
5. In qy saliid marsadaan naaguhu timaha, nimankuna gerka ama timaha
6,7. In timaha iyo cijayaha leyska jaro (qofku waa inow ka dhowrsado waxyaabaha keeni kara in timihiisy go'aan sida shanleysiga)
8. In la nikaaxsado niman iyo naagaba
9. In loo tago xaaska ama hordhac la sameeyo
10. Ugaarta xaramka oo la dilo ama geedihiisa oo la gooyo


Sunooyinkiisu waa shan
1. Ifraad; In marka hore Xaj kaliya aad xarmato markaad dhamaysana aad cumraysato
2. Talbiya; inaad tiraa (labbaykallaahumma labbayka, innal xamda wannicmata laka walmulka laa shiika laka)
3. dawaaful-qudduum; dawaafka la sameeyo habeenka todobaadka Carafo
4. Labada rakco ee dawaafka; waxay ka dambeeaan dawaaf kasta
5. Ziyaarada Qabriga Rasuulka csw; waasunno waana waxa ugu muhiimsan wixii Alla loogu dhawaado.

Siyaabaha loo xaji karo
Ifraad; in la xajiyo marka hore kadibna la cumreysto, sidaasaana ugu wanaagsan
Tamatuc; in la cumreysto bilaha Xajka dhexdooda kadibna la xajiyo isla sanadka dhexdiisa
Qiraan; in mar leysla xarmado Xaj iyo cumro howshoodana la xariiriyo

Howlaha xajka
Waa inow soo qubaysto, isa soo carfiyo, soo weysa qaato dharka Xarmashada duubto (xirto), Qiblada u jeesto, niyeysto oo yiraahdo (nawaytul-xajja wa-axramtu bihi lillaahi, labbaykallaahumma xajjan). Dabadeedna dhawro waajibaadka Xajka oo aan kor ku soo sheegnay. Inow habeenka todobada Carafo galo Xajka oo sameeyo dawaaful-quduum, una dawaafo sidan: waa inow qaabilaa dhagaxa madow, niyaystana inow dawaafo baytka Alle todoba jeer, oo seddax jeer yeraa (allaahu akbar) dabdeedna soo aado dhagaxa madow oo wejiga gashado godkiisa isagoo iska dhowraya Shaadarwaanka taabashadiisa; maxaa yeelay dawaafka ayaa ku buraaya, inow bidixdiisa yeelo kacbada oo bilaabo dawaaf, in owsan marin xijru-Ismaciilka iyo kacbada dhexdooda. Markasta ow soo maro Ruknal-yamaaniga waa salaamaa, markow soo maro ruknal-aswadkana woxow sedax jeer yiraa Allaahu akbar, waana dhunkadaa hadii ay u suura gelayso hadii kalana gacantiisa ayow ku taabasadaa oo ka dhunkadaa. Intaasi waa hal dawaaf todoba jeer ayow sidaas sameeyaa. Dawaafku Salaadda ayow kala midyahay waxyaabaha jebiya hadalka maahee. woxow tagaa maqaamu Ibraahiim gadaashiisa oo ku dukadaa labada rakco oo dawaafka, woxow ku soo laabtaa Xijru-Ismaaciil ama Maqaamu-Ismaaciil oo ku dukadaa laba rakco. Waxaa u fiican inow markaas sacyiga sameeyo. Woxow degaa Mina ilaa laga gaaro habeenka sagaalaadka woxowna uga jermaadaa carafaadka, woxow sii maraa Waadi Muxasar oo ah meeshii Asxaabul-fiil lagu laayay. Waxaa sunno ah in la galo Carafaad duhurka ka hor, meesha laga galo waxaa ku yaal waadi-caruuna Carafana kama mid aha, qorax dhaca hortiisa ayow ka tagaa, niyeystana Jamac ta'khiir si ow maqribka iyo cishaha ugu dukado Muzdalifa, woxow Muzdalifa ka qaataa dhagaxda jamaraadka oo ah 49 dagax, waana inow seexdaa sida waajibka ah ilaa habeenbarka, Woxow aadaa Jamratul-Caqabah oo ah tan ugu weyn oo ku dhuftaa todoba dhagax madaxana wayska xiiraa, waan xalaal noqdaa. Woxow sameeyaa dawaaful-ifaada ama dawaaful-rukni, dabadeedna ku soo laabtaa minan oo gawracaa hadiyigii waxdambana ma qabto ilaa maalmaha 11aadka iyo 12naadka. Labadaa maalmood woxow ku tuuraa sedaxda Jamaraat (Al-Caqabah, Al-Wusdaa iyo Minan) kiiba todoba dhagax, gabaldhaca ka horna waa ka guuraa. Woxow u baxaa xilli (Xaramka banaankiisa) oo ka soo xarmadaa Cumrada woxowna yiraa (nuwaytul-cumrata wa-axramtu bihaa lillaahi labbayka-llaahumma cumratan). Woxow ku soo laabtaa Masjidul-xaraamka si ow u sameeyo howlaha Cumrada; (1).Dawaaf (2).Sacyi (3).Xiirasho, dabadeena dawaaful-widaac, Waana u dhamaadeen Xajkii iyo Cumradii.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qadhafaa

Unrecorded Date
asalaamu calaykum.

walaal Sharaf aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay sida qiimaha leh ee aad noogui soo gudbisay casharkan, waaban yaabanaayoo waxaan islahaa meeye raggii wadaadada ahaa ileen raggu way is qarinayeen intaa iyo in kalana waynu kaa sugaynaa inshaa allaahu.

ragga kale ee wadaada ahna waxaan ka codsanayaa inay ka qayb qaadaataan oo ay casharo aan ka faa'iidaysano noo soo jeedshaan.

mar labaad SHARAF ajar eebe hakaa siiyo.

mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

saalax

Unrecorded Date
WAXAAN KU SALAAMAY SALAANTA MULIMKA.
SHARAF AAD IYO AAD AYAAN KUGU MAHAD CELINAYA
SIDA AAD ISUGU HOSHAY ARINTA XAJKA
Ilaahay ha ka abaal siyo.

magaceega waa Ahmed Mohamed waxaana jogaa-
Gothenborg, Sweden.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

M-CABDULLAHI

Unrecorded Date
AAD IYO AAD AYAAD U MAHADSANTAHAY WALAALKEENA MUSLINKA AH RUNTII WAXAAAN NOO SHEEGTAY WAXYAABO AAD IYO AAD U WANAAGSAN ILLAAH HAKU SIIYO QEEYR BADAN KULIGEEYN
MAGACEYGA WAXAA LAYIRAAHDAA MOXAMED CABDULLAHI SHEEQ XASSAN KU NOOL USA SUGAAYO IN UU WADANKA KA FIICNAANDOONO

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MOHAMED HUSSEN

Unrecorded Date
jazaaka laahu fiik

walaal aad ayaad umahadsantahay!
waxaan kaloo idin waydiinayaa xajka micnihiisu waa maxay maadaama uu yahay mid kamaid ah arkaamul islaam.

wasalaamu calaykum waraxmatulaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaaji

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum

waxaan jecelahay inaan aniga iyo aabahay xajkan hada soo socda isu raacno, marka waxaan jeclaan lahaa qofkii garanaya meel laga helo diyaarad raqiis ah in uu ila soo socodsiiyo fadlan

ku soo hagaaji xaajim@hotmail.com fadlan
mahadsanidin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

moh

Unrecorded Date
ytgy878yuh8bnuyg7yhbuytg76 8uih8unkknu8ibn uihbh uib iu iuh8uin iun ijm
kmuijbihjklkmlk,.
,.lm jkbn

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mahomed abi

Unrecorded Date
BARAARUJIN MUHIIM OON XUJAYDA USOOJEEN

saan ogsoonay walaalayaal XAJKU waa rukni ama tiir kamid ah tiirarka islaamka . sana kasta waxaa isgu yimaada boqolaal kun oo muslimiina oo raadinaya dambi dhaaf ilaah iyo inay dhamaystirtaan islaamkooda iyagoo uhuray maal badan hoogoodiina ooga soo bara bacxay qaar badana laga yaabo inayba kuwaayaan naftooda.

waxaa nasiibdara ah in qaar badan xugayda kamid ah ku dhaco tacab khasaar jahli ay kaga suganyihiin xajka sidii loo gudan lahaa .

marka walaal qof kasta oo xaj raba waxaan oogu nasexayn inuu intuuna usoodhaqaaqin xajka barto axkaamtiisa .

hal qodab oo mihim ah yaan halkan yaan walaahayga xugayda ah kubaraaryjinayaa kaas oo ah inuu xaajigu ka sooxirto xagkiisa MIIQAADKA oo diyaarada dhaxdeeda ku soo xirtaa badanaana diyaaraduhu way sheegaan markii maga lagu soo dhawyahay meesha laga xiranyo haduu qofku arintaa kukal soonaan waayo ha xirto markay kahadho hal saac ilaa saac iyo bar xiliga caga dhigashada dayuurada hadii intaa oo dhan ay suuri geli waydo haka soo xirto xaa jigu magaalada uu ka soo duulayo hana iska jiro xaajigu inuu arintaa fududaysto xajkisa yay dhawaci diinduna way ganaaxi oo xooluu qali. mahadsanidin.

m.abi (makah)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaasmiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

To mahomed abi

jazaakalaahu bikuli khayr wa zadakalaahu cilman waasican yaa akhi mahomed walaal ilaahay miisanka xasanaadka hakuugudaro sida fiican ee aad duyuuf al raxmaan ugu dadaashay in aad u faa'iidayso xujaajta barakalaahu fik yaa akhi wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarkaatu


ukhtak filaah
uma ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xajka2000

Unrecorded Date
XAJKA 2000 on Saturday, February 19, 2000 - 02:15 am:

ASALAAMU CALAYKUM!

Aبسم الله الرحمن الرحيم
WAXA NOO SHARAFA KHIDMADA XUJEYDA
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Sanadwalba xujeyda waxaa kudhaca dhibatoyin dhinaca hooyga ama cuntada
ama
shopinka taas oo uga imaanaysa ganacsatada reer Maka, shirkado iyo
afrad
oosinaxariis dara,ah ugafaidaysta xujeyda.
Tankale arinta oogu muhiimsan ee acmaasha xajka sisax ah uma
gutaan , iyagoo helin cid aqoon uleh darteed oo wacyigalisa.
Allaah(swt) waxa uu nagu sharfey sadexdii xaj ee ugu dambeyay in aan
xujeyda ukhidmeyno oo saacidno si naxriis leh.
Barashada acmaasha xajka sanadkaan oo ah kii afraad waxa nawacyi
galindoona Mufti. Shariif Abdinuur , Sh. Omar Faruuq iyo culumo kale
Khidmooyinka aan xajiga uqabaneyno waa
1-Guri wanaagsan oo biyo leh.
2-Cutuda oo jumlo loogusoo gadi
3-Shaqaale cuntada ukariya, gurigana nadiifiya
4-Shoobinka Makka iyo Jidda oo laga kalmeyn
Khidmooyinkaa Xajiga waa $200

OGEYSIIS:-Xaajiga kasooqaadida madarka geynta Madina, Makka iyo goobaha

acmaasha xajka iyo teendhada muna iyo carafo waa khidmooyinka ay
dowlada
sacuudigu xaajiga u qabanayso waa muqaabilka jeegaga uu bixinayo .
NASTEXO:-In sida xujeyda Swedan iyo Finland majmuuco lagu soo xajiyo
leh
AMIR. Macnaha xaj=waa qasd marka xaajiga ahmiyada koobaad hasiiyo
qasdiga
uu uyimid; miiqaadka haksoo xirto xaj tamatuc ah acmaasha marka uu
guto
oo xalaaloobo Jidda aadid , qaraabo salaan, iyo alaab gadasho hagalo.

Tirada xujeyda waa maxduud diiwaan galinta waasida loo kala horeyay .
F.G:- Qofkii raba in cid looga xajiyo hanal soo xiriiro.

Laso xirir: MOHAMED WALI Tel/ Fax--(9662) 550-5042
& ABDIRAHMAN SH MOHaMED Tel/ (9662) 5725507 MAKKAH
Email: asdy@ayna .com Email: abuabdullahi@yahoo.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xasna

Unrecorded Date
walaal ilaahay hakaaga abaal mariyo dadaalkaaga fiican

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
WHEn is eidul Adxa?

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.