site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Aqri jawaabtii Sh. Shariif Cabdi Nur uu ka bixiyey (SomaliNet + Axmed + Abdulahi)

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Aqri jawaabtii Sh. Shariif Cabdi Nur uu ka bixiyey (SomaliNet + Axmed + Abdulahi)
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum walaalaha muslimiinta ahow.

Waxaan in mudo ahba isku dayayey inaan su'aalo ku saabsan halkan aan weydiiyo Sh. Shariif Cabdi Nur, Alxamdu Lilaah xalay ayaan la hadlay asaga oo Maka joogo, su'aalahana waxa ay u dhaceen sidan:

------------ Axmed Qebtiisa-----------------------
S- Waxaa jira inaan isticmaalno aalada computer-ka oon halkaas aqbaarta dadka isaga kala gudbiyaan waxaa dhacday in baryahan dambe meel dadka islaamka ah ay wax ku kala faa'iideysataan inuu ku soo qoro nin la baxay Axmed hadalo aan aad ugu kululaaday, hadaladaas waxaa ka mid ah nin shabaabka islaamka ka mid ah ayaa waxa uu qoray taariikhdii Sh. Al-Baani raximuhulaah, ninka Axmed la yiraah hadaladiisii ayaa kuu aqrinayaa uu ku jawaabay, waxaana u aqriyay hadalkiisii ahaa sidan oo markaas i horyaalay:

war heedhe -- waxaa i heley...mid ka mid ah kuwa mushrikiinta ah oo alle ka furtey baa halkan laga faanshey. xaqiiqdii, al-baani wuxuu ahaa mid allehii ka furtey. alle iyo aayaadkiisuu ku been abuurtey -- ummadana jid xun buu u hagay. raxmaanka alle ah...wuxuu dad walba u soo saaraa cadow -- ibliis iyo ehelkiis...runtii waxay ku soo arooraan kuwa dhafoorkooda alle ku qorey; "mushrikiin"...sababtoo ah, ibliis iyo ehelkii waxay mushrikiinta ka jecel-yihiin baa jirin.

odeyga carbeed ee halkan looga waramay...waa mid dadka u jideeyay in "xadiisyadu" ay yihiin wax qur`aanka u baahan yahay...alle baana wuxuu yiri; "wax kasta oo wanaag ah...kitaabkaan dadka ugu sharaxnay"

sidoo kale, wuxuu jideeyay in qur`aanka aan la fahmi karin ilaa xadiisyada la istimaaclo mooyaane. alle baana wuxuu yiri; "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid carabkiina u fudud, bal inaad wax fahantaan." "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid xasuusnaan u saaxiib ah, bal inaad wax ka qaadataan" "waxaan ka yeelnay qur`aankan mid aad u fudud(in la fahmo) si aad wax u qaadataaan"

hadaba labadooda mid baa beenlow ah -- subxanaalah, alle waa mid ka fog in wax xaq ah mooyee uu wax kale sheego. been iyo shar waxay isugu timid kuwa alle ka doc hadla -- oo wuxuu yiri...wax qilaafsan arooriya. carada alle baana dushooda ahaatey kuwa been-abuur u saaxiibka ah!

Markii aan u dhameeyey.

J- Sheekha waxa uu yiri ninkaas waxaan oran karnaa hadii ugu yaraado waa Jaahil, Mulxid haduusan ahayn.

S- Hadalkii ayaan ku noqday, waxaana u sheegay ninkan inuu ku mrmayo inuu qur'aanka raacsan yahay, hase yeeshee uu axaadiista intooda badan uu ka soo horjeedo, asaga oo oranaya inay kasoo horjeedaan qur'aanka, ninkana uu qur'aanka si fiican ugu yaqaano afka ingriiska, waxaana u daba dhigay hadal markii horteeda yaalay oo uu qoray kaas oo oranaya sidan: Kuwa faanfaaniya cadowga alle iyo rasuuladiisa. iyo kuwa fusuq iyo baadhil u sacabatuma. yaa ka qurunsan kuwa alle nacaladay? anigu garan maayo!
Dabadeed waan sii wadoo waxaan u sheegay in dhalinyarada inta badan ku eedeynayaa meel uu ku qoray in ataxyaadka inta dambe laga tagi karo qaasatan ashahaatinka, laakiin aanan aqrin, hase yeeshee aan u arkay ninkan inuu axaadiista intooda badan ka soo horjeedo aragtideeda.

J- Mulxid(Diinlaawe) weeyaan, maxaa yeelay nusuus badan oo qur'aanka ah ayaa cadeyday in rasuulka aan raacno, rasuulkana(scw) waxa uu yiri "MAN RAQIDHA CAN SUNATII FALEESA MINII" .

----------- Qeybta Maamulka SomaliNet-------------
waxaan u weydiiyay sidan:
S- Meesha ninkan ama dad kale oo la mid ahba uu nabiga, ama diinta wax uga sheegayo, waxaa ka mas'uul ah dad, arinkaana waa loo sheegay oo ilaa hada waxay ka qabteen ma leh, ayaga xukunkooda waa sidee?
J- Kan Qoray ayey la mid yihiin.

S- Waxaa jirta in hada ka hor meelo qabaa'il wax looga sheegay inay tirtireen, midana aysan waxba ka qaban n kastoo dhowr jeer loo sheegay, aniga fikrad ahaanteyda dadkan maamulka ah waxaan u arkay hadii inay qabiilka ka hor marinayaan diinta(Hadii aan idinku gafay i cafiya), marka ma waxaad leedahay hadii kani kaafir yahay kuwana waa kaafir, mase dambiga loo qoro uunbaa loo qorayaa?, mida kale waxaan u sheegay inay meeshaan dad gaalo ah xataa soo gali karaan aa ay aqrisan karaan, iyo dad muslim ah laakiin aan diinta si fiican u aqoon.

J- Nacam, maxaa yeelay ninkii raali ka noqdo in diinta iyo rasuulka(scw) wax laga sheego, kan ka sheegay ayuu la mid yahay, wuxuuna ii daba dhigay tirtira adinku.
S- waxaan u sheegay inaanaan awood u laheyn inaan tirtirno, laakiinse aan isku dayi karni inaan furano meel islaamka u gooni ah dad islaam ahna ay gacanta ku hayaan oo wixii aan habooneyn laga tirtiro.
J- Wuxuuna yiri waa tan ugu wanaagsan, ee hadii ay wax ka qaban waayeen, uga taga oo meel kale sameysta hadii aad awoodaan.

----------- Abdulahi----------------------------
S- waxaa jira ayaan iri nin la yiraah cabdulaahi oo leh haweenkii waa la gumeystay oo wadaado aan diintii aqoon ayaa qalad u sheegay oo gurga inay fadhiyaan ayaa la rabaa, waxa kale oon u daba dhigay in gabdho badan oo islaam ah u jawaabeen, madaxana ka garaaceen?.

J-
1-Abdulahi waa jaahil, hadii cilmi dari u gaysay.
2-Hadiise uu doonayo gabdhahayaga muslimaadka ah inuu guryahay kasoo dareeriyo, oo ay banaanada wareegaan(Kalmada ma hubo laakiin wax u dhaw ayuu yiri sheekha) waa Daalim.


Hadalka waan dheeray waana soo gunaanadayaa ee iga raali ahaada, wixii aan qalday aniga iyo sheydaan xagooda ayay ka ahaadeen, wixii aan saxeyna allaah ayaa mahad leh.

Walaalkiin Xuseen.

Asalamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam Salah

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

Walaal Rabbi hakaa abaalmariyo wixii kheyr ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Hussein walaal salaan iyo qadarin iga guddoon.

Ilaahay Baa Nafaray "Weydiiya kuwa aqoonta u leh haddii aydan garanayn."

Waxaad fashayna waxaan u arkaa in ay tahay aqoon raadsi iyo qiiro Islaanimo oo ku gashay.

Ilaahayna Ha Kaa Abaal Mariyo dadaalkaaga iyo raadinta Sh. Shariif Cabdi Nur.

Anigu mawqifkaygu waa in "Ahmed" yahay MUNAAFAQ.

Hase ahaatee waxaan rabaa in aan wax ka iraahdo SomaliNet.

Waxaad tiri:
"S- Meesha ninkan ama dad kale oo la mid ahba uu nabiga, ama diinta wax uga sheegayo, waxaa ka mas'uul ah dad, arinkaana waa loo sheegay oo ilaa hada waxay ka qabteen ma leh, ayaga xukunkooda waa sidee?
J- Kan Qoray ayey la mid yihiin."

Haddii ayna SomaliNet furi lahayn goobtaan doodi ma jirteen. Haddii ay afka (gacanta) qaban lahaayeenna doodi ma jirteen. Haddii uusan MUNAAFAQU wax qori lahayna ma fashilmeen. Haddii uu qorayna la ceebee oo duuddiisii cilmi iyo aqoon dad u leh ayaa fanaday.

Haddii aan la hadlin uurka wax ku jira lama garan karo oo Khaaliqii Na Abuuray Oo Keli Ah Ayaa Daalacan Kara.

Waxaan qabaa in SomaliNet iyo walaalaha ku hawlan ayna dambi ka soo gaarayn waxa uu qooshay MUNAAFAQ cadaystay.

Haddiise aad aragto wax aadan raali ka ahayn ka dood, diid, xujee oo markaa tus inta kale rayiga quman.

Waa kaa waajibka na saaran ee ma aha in afka (gacanta) la is qabto ama qof kale loo saariyo dambiga mid kale galay.

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu calaykum.

To: walaalkiis.

Walaaloow sidaad sheegtayba waxay iga ahayd adigoon qofna wax ka sheegin kuna aadan fududaan mas'alo diini ah weydii culumada, anoo isku dayaya qofkan waxa uu qoray inaan u gudbiyo, mida kale waxaan u maleynayaa inay habooneyd dad badana ila qabaan in la weydiiyo dadka maamulka ka ah meeshaan, mida aad tiri afka miyaa la qabanayaa dadkii, hadii aan qaban karo munkar oon gacanteyda ku ridin karo maxaa ii diiday inaan qabto?. Hadii aan kugu xadgudbay iga raali ahaaw.

Ilaaheey hana wada cafiyo anaga iyo wixii muslin ahba.
Walaalkiin Xuseen.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samsam Salah

Unrecorded Date
Asalaamu caleykum

Walaalaha islaamka ahow, waxaan marar badan isweydiiyey su'aal ah, maamulka Somalinet ma muslimiin baa mise?.

Waa su'aal meesha ku jirta waayo sida aad argteen ayey dadku u caayayaan Shuyuukhda islaamka amaba Rasuulka (scw).

Qofkasta oo uu kujira iimaan haba le'ekaado quraanjo e wuu ka dhiidhiyi lahaa waxyaalaha xunxun ee lagu durayo muslimiinta iyo diinta Islaamka.

Haddii ay yihiin muslimiina Rabbi toobad ha u celiyeen, waayo waxay u gargaareen gaalada iyo munaafiqqiinta ay gaalo qurunley siiso sunuuda.
Haddii kale oo ay gaalo yihiina shaaca hanooga qaadeen yaanan meeshan oo kale wakhti isaga luminine.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.
TO:HUSSEIN.
Jazaaka laahu khayranil jazaa yaa akhii caziiz.waxaad qabatay hawl aad u weyn,waxaad bixisay qarash iyo waqti.waxaadna warkii ka keentay xafidahu laah.xabru umatu sowmaal ASHEEKH SHARIIF C/NUUR.
Waxaan anagu ku leenahay abaalkaga ma gudi karno ee ilaahay maalin aad baahi weyn u qabto miisankaga ha kuu saaro.
Waxaa muslimiinta laga rabaa in hadii ALLAH IYO RASUULKIISU SCW ay hadal dhahaan inay yiraahdan SAMICNAA WA ADACNAA.waanan adeecnay fatwadii caalimka muslimka oo diinta nooga aqoon iyo garasho dheer.
WAXAAN LEENAHAY SOMALINET.waad u jeedan fatwada la idinka bixiyay warkana wax ka dheereeya ma leh meel kastana wuu tagaya,hadaad rabtaan in forumskiinu magac sii lahaado.ALLAH U TOOBADKEENA TIRTIRANA AXMED MULXID WAXA UU SOO QORAY.
MUSLIMIMIINTA kale maxaad talo haysaan?
ANIGU waxaan sugaya bal jawaabta SOMALINETKU ka bixiyan fatwada SHARIIFKA.go'aankayga iyo katagida forumskaana hadaan wax is badalin waan idiin soo qoraya anigoo qaadanaya fatwadii CAALIMKA kuna dhaqmaya ee aan meeshan isku sii madax adkaynayn.
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Management

Unrecorded Date
Asalamu Alekum dhamaan.

Walaal Hussein iyo inta ku figradda ah:
Jawaab aad u fudud waxaa idin siiyey Walaalkiin Rabbi ha ka abaal mariyee. Arinta shiikha aad Sucuudiga kala hadashay haba yaraatee waxaan ka oran karno ma jirto sababtoo ah go'aan ama conclusion ayuu gaaray asoo sheekada hal dhinac kaliya ka maqlay. Waa arrin asga iyo Rabbi ka dhexeysa. Haddii uu diyaar u yahay inuu dadka u faa'iideeyo, ciwaankan soo sii.

Waxaa jira (human nature) in qofku wuxuu necebyahay kaliya ka hadlo. Laakiin waxaan aad ula yaabnay dhalinyarada jecel inay siday rabaan aan wax ku maamulno sababaha tusi waayey dhinaca wanaagsan oo aan ummada u qabano. Inayan SomaliNet raali ka ahayn waxyeelada loo gesyto diinta waxaa markhaati ka ah ninkii nabiga SCW khaniiska ku sheegay aan la tiigsanay shirkadda uu ka soo galo Internet-ka isla markaana aan isla meeshuu diinta iyo dadka Islaamka ku caayey digniinta culus ku siinay. Sidoo kale waxaa jira nin kale oo Scotland jaamacad kutaal ka soo galay oo Islamka iyo Soomaalidaba aad u caayey, kaasna sidoo kale ayaan uga hortagnay. Qoraalka ninka hore ee diinta caayey iyo jawaabihii aan siinay isla forums-ka ayey weli ku qoranyihiin. Cidna nagu amaana oranmayno laakiin waxay taasi ku tusaysaa in Somalinet raali ka ahayn cayda loo geysto diinta Islaamka.

Dadka SomaliNet muslimiin miyaa? Khasab naguma aha inaan ka jawaabno su'aashaas. Meeshaa rabtid na saar wana arrin adiga iyo Rabbi idinka dhexeysa.

Waxaa meesha ku qoran in kabadan 40,000 oo fariimood badankooduna waa ka nadiif cay iyo af lagaado laakiin dad aad u yar oo waxaa jira SomaliNet caynaya ama gaalo ku sheegaya sababtoo ah nin ka figrad duwan badanka Soomaalida ayaa wax ku soo qora. Qoraalada Ahmed xataa madhama 0.01% marka la fiiriyo waxyaabaha ku qoran forumska. Haddii aad jeceshahay inaad hesho jawaabo intaan ka badan isla forums-ka waxaa ku qoran meelo aan uga jawaabnay. Meesha waxaa wax ku soo qori kara qof walba oo diintuu rabo haysta xuduudkuna waa ha caayin mid kamida diimaha laakiin su'aalahaa iyo figradahaa ka qabto waa dhiiban kartaa.

Dhinaca kala hormarinta qoraalada:
Qaybta Islamka markii hore waxaa loo sameeyey in la isku dhaafsado arimaha diinta la xariira. Taas micnaheedu maahayn in Somalinet noqoto meel diinta laga barto. Sidoo kale maalintii waxaa meesha lagu qoraa boqolaal qoraal, tusaale ahaan hadda markaan meesha soo galay waxaa ku qornaa last 24 hours: [178 discussions have new messages] halkii discussion-na waxaa ku qoran fariimo badan. Kasoo qaad inuu average-ku yahay shan fariin, taasi waxay la midtahay 178 * 5 qoraal in lagu soo qoray 24-kii saac oo nadhaaftay. Dadka meesha ka shaqeeyana waa volunteers lagana yaabaa inayan marmar jaanis u helin inay imaadaan meeshan, mana la wada akhrin karo in kabadan 700 oo fariimood maalintiiba. Qoraaladu waxay ku qoranyihiin si alifbeeto ah, awood aan u kala saarno kuwa muhiimka ah iyo kuwa kalana malihin sababtoo ah qof walba waxaa muhiim u ah figradiisa.

Haddaba qofkii jecel inuu meeshan dadka diinta ku baro ama kala hadlo waxyaabaha diinta waxaan kula talin lahayn inuu e-mail noo soo diro nasoo-na siiyo ciwaankiisa saxda ah oo uu ku jiro teleefonka laga helo. Kadib, waxaan u samaynaynaa qayb uu shiikhaasi masuul kayahay Somalinet-na ka madax banaan. Shiikhu masuul ayuu ka noqonayaa wax walba oo qaybtaa kusoo qoran waxayna wadanaysaa magaca somalinet iyo shiikhu isku af gartaan. Haddi taa la helo, qaybta Islaamka waxay ahaan dontaa meel su'aalo iyo figrado la isku dhaafsao qaybaha kale oo sheikyadu furtaana waxay noqon doontaa meelo loogu talo galay in diinta la isku baro oo qofkii shiikhaas su'aal u qaba uu ku soo qorto dadka diinta yaqaanana ka jawaabaan ayagoo aan ka cabsanayn cay iyo kaftan dad kale kasoo daba qoraan. Sheikhu wuxuu awood u yeelanayaa inuu titiro qoraaladuu necebyahay ilen waa meel uu u madax banaanyahayaye. Qofku markuu qaybtaa soo galayo waxaa ka hor imaanaya fariin ku saabsan qaybta iyo qofka masuulka ka ah. Haddii taa la helo, meesha waxaa ka baxaya dadka jecel eedeynta kaliya maadaama aan diyaar idiin la nahay inaan idiin samayno meelo u gaar ah dadka aan ku faraxsanayn qaybta Islamka.

Gabagabo:
Somalinet waa meel madax banaan haba yaraatee cid siyaasad ama diineed oo ay ku tiirsanatahy ma jirto. Sababta forums-ka loo furyna waa in la isku dhaafsado figrado iyo tusaalooyin. Cidii rabta in club (qeeb) gooni ah loo furo e-mail hanoo soo dirto waana inay masuuliyad buuxda ka qaadaan qaybta ay masuulka ka yihiin.

Mahadsanid.

SomaliNet member.
f.g: Khasab naguma aha inaan ka qayb qaadano dood ka socota forums-ka. Sidoo kale qoraalada SomaliNet meel loogaga dhacayo xaq waxaan u leenahay inaan titirno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

user

Unrecorded Date
Well, well well.

To Somalinet PPL:
Thank you very much for the effort and the hard work you put into this very large and useful site. I live in a place where there's no Somali and every minute I spend here at Somalinet feels like a minute I spend at Lido beach in Mogadishu. Please be strong and never ever bend for fundemntilists who call names to anyone who doesn't do things the way they want. If you let them decide what goes in and out of the forums, they will turn the place into fundamentalist camp.

To Hussien - Why on earth did you call Sh. Sharif? Is he your mentor? Islam is one and you could ask your question to the Imams of the nearest mosque to you. If you are in USA/Canada, there are many Islamic organizations such as ISNA. By calling Saudi Arabia, you showed the whole world that you subscribe to a cult and your cult leader happened to be in Saudi Arabia. I spent some time on Somalinet's guidelines, "MUHIIM" and policies and I couldn't find one place where they say please come to our site. So, why are you threatening with leave? IS Somalinet your spouse? I don't see any reason for you to say I am leaving like a woman who caught her husband with another woman! This is a free service to all Somalis and you have no right to call the people who gave us the chance to interact with one another non-Muslims because they don't see things eye to eye with you. I am sick to my stomach whenever I come across some fundemantilist who use religion as a cover up to cause mayhem to the societies in which they they live in. Look at your leader, you call him and and he told you that Somalinet people are non-Muslims. Subhanalah! Then you showed your stupidity by posting what your cult leader said to you at somalinet's backyard? I wonder why they let you do it. Your garbage needed to be snipped a long time ago.

As of Ahmed, according to Muslim teachings, he is not Muslim but that doesn't mean you have a free ticket to call the people who did what others couldn't non-Muslims.

We live in free societies and the time of manipulating the public with your little minds is over.

Please take this to your leader: You are disgrace to Islam if you judge others according to what your followers tell you. Am I another Mufsid by caling this Sheik a disgrace?

If you wanna face me, I frequent somalinet chat rooms with a nickname stealth. Come anc face me.

user.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nur (Nur)

Unrecorded Date
Walaal Somalinet Member;

Waxaan u arkaa in fikradaadu tahay fikrad adiga "memberka ah" kugu gaar ah, sababta aan arintaasi u leeyahayna waa adiga oon si buuxda u soo qorin qofka aad tahay iyo meesha aad kaga jirto maamulka Somalinet, waxaan la socdaa in magaca la isticmaalo ee Management(Admin) ay heystaan volunteerka badan ee aad carabka ku dhufatay kuna kala baahsan yihiin aduunka oo dhan, waxaa jirta in aan anigu laf ahaanteyda mar ka shakiyey in ninka Axmed la magac baxey uu ka tirsan yahay volunteerka aad sheegeysid, waxaana shakigaa igu dhaliyey anigoo dhowr mar fariimo la iga tirtirey anoon qofna ceyn diin iyo qabiilna ceyn qof walboo fariimaheyga akhrin jireyna uu ogsoon yahay waxyaalaha aan ka hadlo iyo waxyaalaha aanan ka hadlin walina fariimaheyga laga heli karo forumska.

Hadalkaaga ah

*
Khasab naguma aha inaan ka qayb qaadano dood ka socota forums-ka
*

Macnaheedu waa in eysan kaa reebneyn in aad dooda magac kale uga qeyb qaadato, waxaananba kala ogeyn in aad mar isticmaasho magaca ah "Management(Admin)" marna "Axmed" isticmaashid, balse Ilaahey ka baryayo inuusan kaa dhigin shakhsigaas.

Hadii aad tahay qof keligii u hadal ah, waxaan rajeynayaa in ay maamulka Somalinet tallaabo kaa qaadaan, mustaqbalkana bedesho hab-dhaqanka u jawaab celinta dhaliilaha, lana ogaado qofka soo jawaab celinayaa waxa uu yahay iyo meesha uu uga jiro maamulka Somalinet joojiyaana ku qorida "Somalinet Member" oo keliya waayo weligeed lama arag hab-dhaqankaasoo kale.

Hadalkaagii ugu danbeey ee ahaa

*
qoraalada SomaliNet meel loogaga dhacayo xaq waxaan u leenahay inaan titirno.
*

Waxaa qof walba oo oraahdaas akhriyaa u muuqaneysa ineydan ku dhaqmin siyaasada ah u diyaarsanaata aqbalaada dhaliilaha, aadna shaaca ka qaadeen isla haboonaanta joogtada ah ee aad mar walba iyo si walbaba isula haboon tihiin, ma waxaad nagu leedihiin "ma aan qaldami karno"?.

Waxaa haboonaan laheyd in aad si daacad leh u jawaabtaan. Sida ka muuqata qoraalkaagana waxaa cad in aydan u heyn xiiso iyo wakhti aad ku kormeertaan kuna maamushaan waxyaalaha lagu soo qoro fariimaha forumska gaar ahaan qeybta Islaamka.

Ugu danbeyntii waxaan jeclahay inaan maamulka Somalinet xusuusiyo in ay isticmaalayaashu yihiin macaamiishooda kana muteysan yihiin xushmad, hadal macaan iyo soo dhoweynta uu xaqa u leeyahay qofka macaamiisha ah.

Waad mahadsan tihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaamiin

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

To Akhi Hussein:

Jazaakalaahu bikuli khayr wazadaka laahu cilman wa watqwa cala majhuudka aad ku bixisay in aad raadisay waxa ay ka qabto shariicadu arimaha aadka noo welweliyey ilaahay walaal ha kuu saaro miisanka xasanaadka aamiin

Ukhti samsam & Akhi miskiin
barakalaahu fikum jamiican wasadakumulaahu cilman wa tawaqwa

To Management (Admin)

salaam cala mani tabacal huda

ama bacad walaalkay ama walaashay waxaad tahayba bacda salaan hadii aan inyar ka idhaado hadaladaadi,


1 ugu horeen waxaad tidhi sheekha lagala hadlay saudia isaga oo aan dheegeesan labada dhinac ayuu gaaray qaraar keligii" walaal sheekha waxaa la waydiiyey su'aal diini ah ah maxay diintu ka qabtaashareecadu ee ma aheen in uu dad kukala xaqsooraayey ee taas la soco marka hore

2 waxaad tidhi in qofku waxa uu necebyahay kaliya ka hadlo" tasna waxaan ka odhan lahaa walaalkay forumsku waa badan yahay hadii la rabo dood halkan waxaad ku tilmaamteen magac khaas ah oo ah Islam yacni waxii ka baxsan diinta Islamka in aad ka raali noqotaan ma aha sida aydin u ogoleen in looga hadlo qabiilka oo aad u tirtirtaan marka waxaa halkaas ka muuqata in qaabiilku idinka qiima badan yahay diinta

3 mida ah in aan tihiin muslimin" hadad tihiin muslim ilaahay ha iidiin denbi dhaafo hadaydin aheena ilaahay ha idin soo hanuuniyo oo ha idin tuso xaqa

4 in qofka fikrad duwan meesha ku qoro wax" walaalkay saan horeba kugu sheegay forumsku waa wayn yahay ma aragtay anaga oo la murmayna kuwa ku qora qaybaha kale o leh maxad saas wax ugu qoreysaan taasi waxay ku cadeenay in aan ka hadleeyno diin ee aanay aheen wax cayaar ah ee ay tahay shay muqadas

5 midan ah in aad meeshii laydinka sheego wax xaq u leedihiin in ad masaxdaan" subxaana allah waxay ku tusay taasna in waxka sheegidiin iyo qabiil ay idiinka qiimo badan tahay DIIN AL ISLAM oo lacaayo iyo Rasuulkii ilaahay SCW iyo saxaabadii sharafta lahayd so waxaan ad uga xumahay fikrada aan idinka haysatay iyo tanmaanta in ay kala duwan tahay

hadalkii oo aan soo koobay waxan rajayn in aad wax ku qadataan hadalkan oo ad fikradiina gadaal ugu noqotaan walaahu mustacaan.
wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

umu ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aden

Unrecorded Date
SomaliNet, thanks very much for the service you are doing to Somalis everywhere in the world through this service of yours and you have my and most of somalis full support.

As User said be strong and never bend to fundamentalists to whom even the words "discussion" and "opinion" is are pagan ideas to be fought. For them the only right thing is to listen and follow their obscurist fanatic "wacdi".

If this site is popular among somalis it is precisely because it is a free and fair place to express their ideas and views. If it is seen otherwise, it will surely affect its popularity among many of us who use it regularely.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

To: Umu Ahmed allaha kaa abaal mariyo.
To: Management (Admin)

Walaal marka hore waxaan u maleynayaa inaan laysku haysan inaad shaqo culus oo waxtar leh aad u heysaan umada aan ka dhalanay, midna waan kugu raacsanahay oo ah in aqbaaraha ay aad u badan yihiin, maxaa yeelay xalay ayaa net-ka iigu dambeysay, saakay markaas soo fadhiistayna jawaabteydii kaliya waxaa dabayaalay dhowr jawaabood, waxayna ku tuseysaa hadalkii aad tiri oo ahaa in 24 saac lagu qoro post ka badan 700. Mida kale walaaloow waxaad tiri sheekha wuxuu xukmiyay hal dhinac, marka hore waxaan ku dhihi lahaay anigu sheekha su'aal ayaan weydiiyay ee ma oran aniga iyo ragan yaa saxan, hase yeeshee mid aan isku raacno inta aanan garootamin, maku aragteen meelo badan oo looga cabaadayo dadkan diinta wax ka sheekayo qaasatan shaqsigan hada laga hadlayo, hadiise aad aragteen hadaladiisa ma baarteen in waxa laga sheegayo ay sax yihiin iyo in kale , anoo ogsoon in waqtiga idinku yar yahay hadana wixii soo noqnoqdo waa inaad baartaan, dabadeedna isku daydaan inaad jawaab forumska ku reebtaan, sidaad hada noogu reebteen, dabadeedna ay dadkii halkaas ku qancaan. Hadaan ku soo noqdo Sheekha hadalkiisa, waxaa laga yabaa hadii adigu weydiin laheyd inaad jawaab kale aad heli lahayd, maxaa yeelay hab ka duwan habka aan u weydiiyay ayaad u weydiin laheyd, marka hala yaabin sheekha jawaabtiisa waa sidii loo weydiyayee, anigana waxaa iga keenay inaan sidaas u weydiiyo, ka dib markaan arkay meelo badan oo la idinku leeyahay qabta ninkaan aadna wax jawaab ah ka bixin. Wixii wanaag ah oo aad qabateen sida dadka diinta caayay oo aad daba gasheen, ilaahbaa idinka ajar siinaya ee sidaas iyo si la'eg sameeya dadkii diinta iyo dadkeeda wax ka sheega, xoogna saara dhinaca diinta ku saabsan, wixii xadgudub ah ee aan idinku sameeyay i cafiya, allaha u dambi dhaafo wixii wanaag wado, AAMIIN:

Dadka wax ka sheegayoow asal raac, adigu maxaa tahay, hadaan raaceyn asalka waxa aad sheeganayso ma waxaad raaceysaan waxa aad sheeganaysaan oo la badalay, dib isugu noqda.

Allaah wixii muslima ha u dambi dhaafo.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaukum,

To Management (Admin);

Marka hore waad ku mahadsan tihiin, jawaabta deg dega ah ee aad akhristayaasha ugu soo celiseen iyo waliba shaqadda badan ee aad qabateen si aad staticaly to tustaan shaqaddu inta ay le'eg tahay iyo resource aad haysataan inta uu le'egyahay.

Laakiin, Maxay idin latahay arinta aad ku sheegtay, UJEEDADDA SOMALINET!!!!!. Waxaad tidhi:"Sababta forums-ka loo furayna waa in la isku dhaafsado figrado iyo tusaalooyin."!!!!!!!.

Su'aashaydu haddaba waxay tahay wakhtigaas iyo maalkaas iyo muruqaas ku baxay horumarinta iyo socodsiinta SOMALINET, ma waxaa kaliya oo laga rabaa in WAX LA ISKU WEYDAARSADO??????. Aniga waxay ila tahay in arintaasi sawirka runta iyo xaqiiqadda aanay sheegaynin***** WAAYO*** Maxaa idin wada??????.

Ujeedaniina runta ah sheega, waayo lama joogo casri cidina cid wax ku khasabto.Arintaada cadayso cidii ku raacda iyo kii kudiidaba iyagey u taashaaye. Arinta AXMAD... waxay soo saartay oo kaliya the true bigture of who you are !

regards,
-Yaska-

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Codbixin!! Walaalkiin baan ku raacsanahay figradiisa.
Soomaalo idil waxay rabaan ha aaminsanaadaan, xaq bay uu layahiin inay figradoodda dhiibtaan.

We don't have to agree with each other, but let us learn to tolerate each other.
Dialogue, not censure!!!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garyaqaan

Unrecorded Date
Somalinet waa mahadsantihiin 100%. Dhibaatada maanta na haysata meel kasta oo aan adduunka ka joogno waa isfaham la'aan taasoo keentay in qof waliba wuxuu rabo markuu waayo uu dagaalamo. Anigu Internet-ka aad ayaan u isticmaalaa keyboard-ka iyo mouse-kaygana anaa xukuma, mana tago meelo aanan ku qanacsanayn.

Haddaba akhyaarta asal raaca waxaan idinkula talin lahaa sadex mid soo gala. Waa midda koowaade dadkiina dhinac ka raaca waxaa necebtihiina ha akhrina. Tan labaadi waa sida admin idiin ballAn qaaday qaybo Islaami ah meesha ka fura oo cilmagiina dadka dadka u sheega. Ama tan sadexaad qaata oo sidaydoo kale meelahaadan ku faraxsanayn ha aadina. Runtii Ahmed waan nebcahay mar walbana waan habaaraa laakiin hadalka waxaa si cajiib ah u yiri Walaalkiin oo waxaa fiican in la helo meel ay ku murmi karaan maskaxyo is khilaafsan.

Yaska. Soomaaliya guulwade maa ka ahayd? Waxaa kaa maqan culture-ka net-nation-ka. Adoo weyn inaa gaalkacyo (waliba baadiyaha) ka imaataan u malaynaa! Hadaba cashar yar aan ku siiyee, walaal intaa library-ga tagtid baro waxa lagu magacaabo ethics. Unlike Gaalkacyo (sorry reer gaalkacyo) the net has natural rules in which people abide by the policies written by site owners. Do you expect they'll come here and say "our objectives on pages x and y indicate this but as a matter of fact our real objective is to fight Islam?"

Runtii tusaale waxaan dhamaanteen u nahay dhibaatada na haysata hadaan soomaali nahay oo ah "MY WAY OR NO WAY"

Nur - Intaadan somalinet usoo farabaxsan waxaa jago ka banaantahay maxkamadaha islaamiga (qabiiliga) oo ka jira koofurta soomaaiya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xusni

Unrecorded Date
ACW.

Arinka diintu ma sahlana mana aha in lagu degdego gaalaysiin dad. Qof waliba isagaa aakhiro kaligi god galaya waana la waydiinayaa dulmiga uu dadka kale u geysto. Ilaa iyo hadda somalinet inay samaysay wax lagu gaalaysiiyo ma arag, sababtoo ah aduunka dhan ayaa lagu doodaa. Diimo kala duwan ayaa inta la is hor keeno dood la dhex mariyaa, waxaa heli kartaa cajalado aad u badan oo Axmed Idaad la doodayo dad diimo kal haysta. Doodu waxay keentaa in qofka akhristaha ama dhegeystuhu uu arko meesha saxsan. Dadka islaamku wxay u kala baxaan labo. Kuwo ku dhex nool dad islaam ah oo aan waligood arag dad gaalo ah, iyo kuwo aduunka meelo kale uga nool oo subax walba kasoo hor kaca dad diimo kala haysta. Taasi waxay keentay in dadkii ayagoo muslim isla ah ay hadana arimo badan isku si u arag. Shiikha Makka jooga waxaa laga yaabaa waligi inuusan arag qof gaal ah, laakiin haddii isla su'ashaas la waydiin lahaa culimo ku dhalatay ama ku kortay ku dhexjir dad gaalo waxay u badantahay inay la dooda xaqana tusa dadka aan Muslim-ka ahayn ku jawaabi lahaayeen. Sideedaba waxaa fiican in si cilmiyan ah loo fiiriyo wax walba intaan dad gaalo lagu sheegin. In kastoo aan hadalka ku dheeraaday, diinku arrin sahlan maaha oo naar ayaa Rabbi u samaystay dadka ku xadgudba. marka labada dhinacba walaalayaalow qof walba ha ogaado in wwax walba oo uu qorayo Rabbi uu la hortegi doono.

SCW. Xusni

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MISKIIN

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM.
TO:AKHYAARTA.
Dhamaantiin walalayal waad ku mahadsantahiin juhdigiina iyo dadaalkiina,waana wax iska caadi ah qofku inuu sabiilu dacwa ama wadada xaqa dhibaatoyin kala kulmo,waxaana lagu caayi jiray ama dhib loogu gaysan jiray ambiyadi alah.ilaa NABIGA SCW lagu tilmaamay nin waalan,sixran ama is dabo marsan mararka qaarkoodna lagu garaacay ama dhiig looga keenay.
To:Management(Admin)
Marka hore aad baad ugu mahadsan tahay jawaabtaada,runtiina marka dadku wada hadlo ayaa ama la is af gartaa ama la is af garanwaaya.
Hadalkaaga biya dhaciisa waxaan anigu u qaatay inuu labo ku koobna.
1-In ay meeshani tahay meel iska furan oo aydnaan ugu talo galin wax gooni ah in looga hadlo.haday taasi jirto runtii koley anigu waxaan u arkaa waxa la idinkula hadlo inay khalad yahiin,balse waxa iga codsi ah intaad shirtaan dadkiina forumska maamula idinkoo isku raacsan inaad ka tirtirtaan magaca ISLAM waayo magacaasi macno ayuu samaynaya.
2-Waxaad noogu baaqday inaad qol gooni ah na siisan,taas aad baad ugu mahadsan tahiin qolkaasna waxaan u adeegsanayna diinta barideeda sida aniga figradaydu tahay waayo casharada in hadal soo dhex galo ma fiicna,amaa wax is dhaafsiga iyo su'aalo is weydiinta iyo magaca ISLAM oo hoostiisa wax xun laga buuxiyay waxaan filaya inaysan nagu haboonayn inaad na tiraahan qol idinku iska gala shaqana ha ku yeelanina waxa magaca ISLAM hoostisa ka socda,ma waxaad doonaysan in AXMED iyo ragiisu umada magaca islaam uga turjumaan anaguna ka tagno,intay taasi dhici lahayd waxaa nooga fiican idinkoo MAGACA meesha ka tirtira.
BAL SOO TASHADA HADAAD SOMALINET TAHIIN OO JAWAAB WAAFI AH NA SOO SIIYA,HADAAD AAMUSTAN WAXAAN MAR WALBA U QAADANAYNA INAAD RAALI KA TAHIIN WAXA SOCDA.
TO:KUWA KHASAARAY.
Walaahi hadaad diinta isku taagten idinkoo jaahiliin ah oo asalkii NABIGA SCW wax ka sheegten aadna figrada iyo hadalkii gaalada halkan la timaaden waa khasaarten khasaaro cad.
Waxaad rabtaana sameeya
Waad la kulmi doontane.
Waxaad rabtaana diin ka
Dhigta waxad diin ka dhigatan
Baa la idinku abaal marin doonaye.
Waxaanse aad uga shakisanahay in qofka marba magac la baxaya uu yahay AXMED MULXID.
WASALAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Intaa kadib.

Waxaan caawa meesha kahelay mawduuc aad xiiso uleh oo xaqiiqdii muddo maskaxdayda kuwareegayey, aanan filayo inaan dhowr meelood kuxusay.

Ugu horreyn aan aad ugu mahadnaqo walaalkayo Xuseen dadaalka uu sammeeyey iyo shaqada wacan ee uu qabtay khayr allaha kugu abaalmariyo adiga iyo dhammaan inta mawqifkaada taageertay, mana' aha wax kale ee waajib ayey riteen sababtoo ah markay xaq iyo baadil iska horyimaadaan qofka muslimka ah wuxuu kukhasban yahay inuu xaqa taageero oo waddo kale uma furro.

Somalinet iyo boggan

Sidaad qoraalka ay managementigu dhiibeen aad ka'aragtaan meeshu waa xor oo qof kasta way ufuran tahay, mawqifkaa isaga ah waa mawqif lugu yaqaanno Dimoqraadiyiinta, Islaamkase arrintaa wuu diiday oo qofku wuxuu xaq uleeyahay inuu fikraddiis dhiibto meel walba balse fikraddiisu makhilaafi karta axkaamta ilaahay, hadday taa dhacdo waa in tallaabo laga qaado ku munaasab ah ficilkiisa.

Haddii markaa ay diideen Maamulka boggan inay waxkaqabtaan dadkaa diinta ilaahay wax u dhimaya waa xaqiiq inay danbiga laqaybsan waloow aanan awoodin inaan idhaahdo saasay wax noqon.

Waxayna lamid noqoni qof gurigiisa diinta ilaahay wax looga sheegay oo kale hadduu awoodi karo waa inuu kahortago hadduusan awoodin waa inuu dhacdadaa kadanbe albaabka kaxidho dadkaa iyaga ah, marka waxaannu kudhiiri galin Maamulka Somalinet ayagoo kumahadsan fursadda boggan ay nasiiyeen inay kudaraan oo kaliya inay furaan bog uu kusoo qoro qofkii arko wax cad oo diinta wax looga sheegayo illeen inteenna meesha timaado iyo inta maamushaba muslimiin baynu nahayee.

Haddii uu maamulku arrinta suubiyo aad baannu ugu mahadnaqi lahayn iyagana ajir waynbay kaheli lahaayeen dadaalkaas.

Ninka layidhaa "walaalkiin" hadafkiisa iima caddo waayo waxaan filayaa inuu ogyahay inay waajib kutahay qpf kasta oo muslin ah inuu munkarka baa'biyo hadduu lakulmo hadba tabartiisa sidaa awgeed Munkar waxaa ugu daran diinta ilaahayoo laduro marka walaaloow maxaad kawaddaa qofkasta fikraddiisa hadhiibto, waxaan fili inay ku'egtahay fikradaada oo qudha oodan daliil u hayn inuu qof kasta wuxuu rabo kuhadlo loona fasaxo inuu xaq uleeyahay.

Marka walaalkiin mawqifkaada caddee arrinta xorriyadda hadlka ma'adaa wato mise daliil baad uhaysee?

Dhowrka qof ee taageersan in meesha loodaayo inay sideeda kusocoto sideeda, ee leh asalraaca halaga hortago, war saaxiibayaal wax asalraac layidhaa majiro waxa meesha lugu hayo waa axkaam ay waajib kutahay inuu qof kasta oo muslima u hoggansamo sidaa awgeed qofkii si cad raalli ug noqdo ama u taageero dad diinta ilaahay wax u dhimayo waxaan jeclahay inay caqli kufilan leeyihiin xukunka uu islaamka kaqabo arrintaana ay fahmayaan (tusaale) haddii arrinta laga hadlayo ee laga doodayo ay ahaan lahayd waalidkood oo wax laga sheegay ama tolkoodoo lacaayey ayagoo dhididsan intay soo fadhiistaan shabakda ayey kudhawaaqi lahaayeen qofkii waxkasheego tolkay ama waalidkay tallabo halaga qaado ama sidan hallayeelo, sababtoo ah waxaa lataabtay waxay aad ujecelyihiin, arrintaanna waa sidoo kale oo dadbaa ladaaray waxay kudhaartaan.

Waa doqonimo tolka dad kalena hallacaayo kaygana halla sharfo.

Gabogabadii

Aniga waxaan aaminsanahay aanan ogohay inay shareecadana qabto haddi qof muslin ah uu wax tas'hiilaad ah furto masuuliyadda asaga ayey dusha uga dhici wax alla wixii kadhaco goobtaa xummaan iyo sammanba illeen asagaa leh goobtee.

Rasuulka (scw) waxaa laga wariyey:

Kullukum raacin wakullukum masuulun can raciyatihii.....

oy macnaheedu tahay wax alla wixii aad adiga leedahay wixii kayimaado adaa mas'uul kanoqoni aakharo iyo adduunyaba.

Shabakaduna dadbaa leh.

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,Mar haddeey sidan isugu dhabaqdo nimanyahoow ragga ah culimada waa la kala qaban jiray ee waa idin sidee,,,,Waar Beryahakan oo idlli waxaa loo kala maara la'yahay culimadii meesha wax ku soo qori jirtay,,Culimada koodii ugu weynaa ee Ahmed oo intaa Wacdi,Yabooh,,Boorin iyo Digdniin,, Miskiin oo isna Canaan , Wacdi iyo Waciid,,iyo haddu ka fursan waayo Handadaad iyo Hanjam,,,Bashiir Cabdiyoo isna intaa ku haya Fa jizaa'ahum jahanam,,,iyo wa Naqdifu,,,wa nubayinno,,,,Alaziinna Kafaruu wa Sadduu can,,,,


Waar inteyadan Caamada ah ee iska Aamanuuga ah bal aan kala yaraha dhex galno Qolooyinkan Fuqahada ah ee Netka inoogu nuuriya Diinta ,,....


Hadda ka hor baa waxaa dhacday inuu Sheikh uu joogi jiray magaalo oo aadna u yiqiin diinta ilaa iyo Jiz Cammahana,,Safiina Salaadka ,,Ajruumiga ,,Naxwaha,,Balaagada,,Alaahu Akbarta Alam nashraxda,,Mudhafifiin iyo wal fajriba korkaa ka wada shubahayoo isagoo indha damuuqsan oo magaaladoo dhanna isaga laga dambeeyay oo Aroos aanu Labada Aaayad u laqbeyna nakaxtu lama oran,,iyadoo saa la yahay baa Sheikh kaloo Sheikh weyna ah ka yimmi halkaa iyo Galbeed oo mindhaa taniyo gabanimadiisii Xerroow soo ahaa,,,,

Wax la joogaba Sheikh weynoow waxaad ka bixi weydaa waar Sheikhu waa khaldanyahay,,...

Maalinkii dambaa labadii Sheikh Kutubadoodii isula soo baxeen oo Caamoo dhannina soo tuuratay


Sheikhul Magaaladii baa weydiiyay Sheikh weyne oo yiri " Qul huwa laahu maxaa lagu daraa?""

Sheikh weynana ku jawaabay " Axad""


Sheikh magaal baa haddana yiri""Allah ii ina abuuray waa immisa ,,,,,se Sheikhii ku jawaabay waa mid qura ,,,,,,markaasoo Sheikhii Sheikh magaal ahaa baa inta kutabadii daadshay bahal dhirbaaxa ah kaga soo gooyay Sheikhii Sheikh weyna ahaa ,,,,Caamm,adiina inta soo yaacday bey hadda Culimada kala qabta yiraaheen......


Marka taas waxaan ooga dan lahaa mar haddaan Culimada meesha isku heysata ay sida oo kale ay yihiin qaarkoodna hadda ku hanjamayaan Gaaleysiin iyo Dil iyo waxaanan l;oo joogin bal aanu kala yaraha dhex galno ,,,,Culimooy idinna is dajiyoo sheydaanka iska naara,,,,,,


Wa bilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
lol@neefow - Waxaan u malaynayaa sheekha kaloo imaadana wuxuu oran doonaa dadka soo boqoda meeshan ayagoo og in nabiga CSW wax looga sheegay waa gaalo!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DACAR

Unrecorded Date
Ilaahayow inoo wada naxariiso,magacii islamka ayaaba laysku haystaa halakaan oo waagii baryaaba ma Sheikh cusub baa inoo caleema sarayaa,war nimanyahow amankaag la'iikeenye Shariifkaan baasna goormuu inoo dhashay,wagar berrina waxaanu dhowrnaa ma mid kaloo cusub??????


DACAR-DACAR-DACAR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

YAASSIR

Unrecorded Date
to....Hussein


ilaahay hakaa abaal mariyo dadaalkaa aad dadaashay

Waxaa aniga iga yaabshay wax kale ma ah wixii qabiil ku saabsan waa la tirtiraa laakiin wixii diinta ku saabsan ma la tirtiraayo taas aa wareer igu noqotay marka somalinet forums waxaan fiican wixii qalad ah in aad tirtirtaan dhamaan oo umada soomaliyeed u keenaayo dhibaato

wabilaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warsame

Unrecorded Date
Well well... what have we got here?! All the FUNDOs up in arms against Ahmed!! but fortunately for him he is not at their mercy but lives in cyberspace. Hence their cybercrusade; ban the GAALKA from using the net!!.

Some readers may have been wondered why i am annoyed with the fundos in my earlier writings about the obscurist, ignorant minds of fanatics. Now look at this!.

First of all Ahmed himself is another fundamentalist who was vigorously preaching his newly embraced cult, just as we have these Itihads, ikhwans, islamic jihads....!! I remember that once when non-muslim muslim wrote a piece and asked if other somalis would accept him as he is, Ahmed and other fundos were saying in one voice: No, you should be rightely discriminated and even killed!. Prophetically i said to him and others let's tolerate and respect each other as Somalis, if we go down from this and start killing, it will not stop there but the intolerence and killing will endlessly cintinue. But the guy was adamant NO!. Now his constant "salamu alaikum muslims" didn't defend him from the fundos! Again the guy was once regretting how he was virtually non-muslim before he found his new faith and called our traditional Ulamas pagans because they were praising the prophet! (scw). And i am sure our complaining fundos share this view with him!!. How ironic!

My message to the fanatics is this: Obviously you are confused, dispalced and live in a time and specially places which does not fit you at all. First of all, in these societies which has invented the Internet, there are rules and code of conduct when using the net and site managers usually abide by these rules, not your twisted, obscurist orders.

Secondly, i don't know much about this guys cult, but as far as i read his articles he may have said many lies, just as you constantely do, but never directly insulted the Islam nor the prophet (scw). Thus he is free to voice his views. On the other hand you should be sued because you are insulting other faiths and peoples all the time.

Thirdly, If this guys articles are banned, what about these un-godly shukaansi and dating here!!, how about these un-ashamed womens who are in this forums chating with un-related men! and then those so called muslims who are propogating for democracy and tolerance!......and the list is long. So what have we got left, well that everyone can guess for himself!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

maydhane

Unrecorded Date
ASALAAMU CALEKUM
DHAMAANTIIN!!!!!

Walaalaha halkan wax ka soo jeediyay waxan odhan lahaa inay u kacaan oo wax ka yidhaahdaan marka diinta Allaah wax laga sheego. Sheikha suaalaha lawaydiiyay waa sheikh aad u dadaalay walibana
la odhan karo waa sheikha ugu caalinsan ee maan ta ku nool Soomaliya. Marka maaha in dadka diinta xambaarsan lacaayo sidii ay yuhuudu samaysay. Waxana ku waajib ah qof kasta oo muslim ah inuu
munkarka reebo wanaagana faro.
Lamana odhankaro ninkii Islaamka duraya in layidhaahdo fikradiisuu dhiibanayaa ee waa in xaqa loo cadeeyo. Marka hadii arin laguu cadeeyo maaha inaad tidhaahdo my openion ee waa inaad raacdaa

ILAAHYANA WAXUU YIDHI WAMAA KAANA LIMUMIN WALA MUUMINA IDAA QADA LAAHU WARASUULUHU AMRAN AN YAKUN LAHU MIN AMRIM KHIYARA
SUURATUL AXSAAB

waxan odhan lahaa somali net management
waa inaad wax ka qabataan marka diinta amaba islaamka wax laga sheego mida kale waa inaad joojisaan bannerada xayaysiiska ee naagaha qaawan ee aad ku xayaysiisaan forumska waayo waa wax munkar ah adigoo bayj aad islaam ugu talo gasheen hadana waxaas lagu arko waa wax aad u ofencesive ah marka wax ka qabta arimahaas aad bay muhim u yihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wabs

Unrecorded Date
Ever wonder why God (Allah) lets the Non-believers to live just like believers or better (materialisticly speaking) even though Allah is aware of their way of life and how much they think off him?
It is because Allah gave us CHOICES, AND SAID HE (not you or some SheikH) will hold each and everyone of us responsible for their individual actions. So brothers and sisters, All I see you doing is judging people (MunaafiKH, Murtad, Kaafir, etc). I don't think it is anyone of you's role in life to Judge other people, leave that to their lord. The statements of the individual in question (Ahmed), while I don't agree with them and consider them to idiotic at best, I don't have a right to go around and ask some "Sheikh" what the relationship between Ahmed and his Creator would be. And I don't think the "SheikH" has any right of calling the shots of who gets to be a Muslim, MunaaFuq, Gaal, etc. Listen, if you don't like what Ahmed wrote state it so and don't comeback to the site if you think doing it so is a sin. If you disagree with Ahmed's opinion challange it. But you don't have a right to pass a judgement on us (the visitors of this forums and its managements) based on what you and your Sheikh think. I don't understand what you and your Sheikh are gaining out of calling someone "Gaal, MunaafuKh, etc). Perhaps, by making such judgements you and your "Sheikh" are just showing us the level of your moral standards (but who cares). Listen, if you got anything good (advices, knowledge contributions, etc) to say do it in a manner that is productive and let the people be judged by their Creator. The worst kind of ignorance is the one makes you think that you are better than everybody else. To this end, feel free to challange me or perhaps do what you do the best, Judge me - The choice is yours and you will be held responsible by your Lord.

Please bud out of the space between me and my Lord.

Wabs

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

mim

Unrecorded Date
assalamu calaykum
bro:dacar
seey kaa noqotay dacaroow hadaadan diin iyo hawlaheeda shaqo ku lahayn waa laga gaabsadaa ee lama caytamo waxaan aad uga xumaaday erayga kaa soo baxay (shariif baas) taasina waxay u tahay daliil inaadan aqoon u lahayn shariifka marka ka fiirso intaadan falin.
haddaan kaaga warramo shariifka waa sheekha soomaalida ay ka danbeeyso manta nin kastoo diin sheegta markuu maqlo uu ixtiraamo oraahdiisana qiimeeya.
xagga tacliintana shariifka wuxuu badi wax ku soo bartay galbeedka somalia ka dib wuxuu jaamacad uga soo baxay masar lixdameeyadii wuxuuna soo qatay master degree (usuul fiqhi) ka dib sacuudiga wuxuu ka qaatay labo shahaado mid magaalada riyaad iyo makka al mukarama .
ka dib shariifka wuxuu macallin ka ahaa kuliyaddii lafoole illaa waddankii uu burburo haddana wuxuu ku nool yahay si temp. iloo muddo sacuudiga .
shariifku wa nin ka fayoow qilaafyada ka jira wadankeenii isla markaana uu tixgeliyo qof walba lana wada jecl yahay.
marka aynu ixtiraamno culimadeena .
nabad gelyo
mim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdul26

Unrecorded Date
Salaama Calykum


Walaalka Shiekha Su,aasha weydiiyey Allaah ha kaa
Abaal mariyo arintaa aad sameysay. Walaal aduunka
waxaa jira ilaa Qiyaahumu ka dhacayso dad xaq ladirir marka waxaa loo baahan yahay dulqaad iyo
Ixtiraam joogta ah.

TO: Somalinet

Walaal maxaad u sameyseen meel iidnaan maamuli
karin Allaah waa idin weydiin waxa meesha ku qoran
oo dhan Masuul ayaad ka tihii.

To: Wabs, Xaali, Dacar and what fallows
Walaal Diinta barta intiinaad ka hadlin, Hadal aad
just joke isaga tiri ayaa wuxuu qofka Diinta Islaamka ka saari kara. Qofku Haduun Dhaho Islaam
ayaan ahay waxaa Fiican Islaamka kaliya inuu u doodo ma aha inuu Islaamka kadoodo. Abaayo Xaali
Waxytiri qofku wuxuu rabo Ha aaminsanaado Hadalkaa
Hadii Misaan Islaami ah muxuu noqon karaa, marka
hadalkii waxaan ku soo gabagbeynayaa In Allaah
laga hor mariyo our Ego’s.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Tahliil

Unrecorded Date
Suaal dadoow: Diinta ma la iska xigaa?

Nimanyohow wadaadada ahi maxaa ugu orodaan inaad dadka judgement ku samaysaan? Maxaa idiin diiday inaad dadka kale maqashaan? Maxaa idiin diiday inaad wax ku darsataan ummada kale oo Muslimiinta ah?

Midda kale maxaa su'aashiina ula doonateen shiikha maka jooga markaad heli kartaan culumo badan oo magaaladiina jooga. Wixii cay ah oo wadaadka aad kor ku soo qorteen soo gaara qayb ayaa ku leedihiin.

Suaal ku socota nimanka wax gaalaysiinaya:
Shiicada iyo Suniga yaa saxsan, maxaana cadaynaya?

Maxaa wadaada Canada waagii dagaalka sokeeye ka kala dhigay Ikhwaan oo •••••• ah iyo Itixaad oo ••••••• ah?

Ka warama hadduu imaado sheik oranaya mowliidka waa xaq? Mid dadka ku leh tusbaxyo hala isticmaalo hana la digriyo? Ka warran mid dadka u sheegaya in Sheik Abdulqadir si gooni ah loogu duceeyo, ducadiisana la aqbalo?

Tusaalahaan waxaan idiin siiyey waa hadday somalinet idinka yeesho in la tirtiro waxyaabaha axmed qoray intaa kuma haraysaan oo firqooyinka idinka duwan waxay soo qoraan dhan ayaa ka xanaaqaysaan, marka waxay sheekadu noqonaysaa domino effect.

Kabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

coolmankid.

Unrecorded Date
wabs.

take it easy, your two cents you put in at women's forumss won't be jeopardized. I guess that is why you are so fussy.

Other Whiners:(anti sheekhs).

When ahmed was here fabricating lies against you guys and your beleifs (like you were pagans and mohammed worshippers) none of you dared talk to him because you knew he would make you appear fools by turning your faith upside down. If you were blessed with brothers who could answer to the cultist guy on your behalf, why you be so ungodly about it?. You know he is gone that is why you make these little dirty comments. If Ahmed was still writing today you would all keep low profile and pray someone would answer to him. Your prayers had been accepted and you should respect the religious people. They are filling in the vacuum for all of us. Somebody had to answer to the guy and so was done. *May allah forgive and give Mercy to those who spent time and effort to show us ahmed's unislamic views of his prophet*.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Unrecorded Date
salaamu calaykum.

To dhamaan kuwa ka soo horjeeda diinta ama ka dhigaya in ay tahay wax lagu cayaro ama lagu jeesjeesteeyo:

Ilaahay waxa uu yidhi subxaana < AFAN MANKAANA CALA BAYINATIN MIRABIHI KAMAN ZUYINA LUHU SUU CAMALIHI WATABACOO AHWAA'AHUM> oo ah macnaheedu qofkii ilaahay tusay xaqa una cadeeyey wanaaga diinta iyo awaamirta ilaahay kuna dhaqma ma waxa u la mid yahay ka midka uu la qurxoontahay waxii ilaahay reebay oo ku taagan jidka uu shaydaanku u qurxiyey iy isaga oo raacaya hawada naftiisu amrayso,

sidoo kale Ilaahay swt waxa uu yidhi < KUNTUM KHAYRA UMATIN UKHRIJAT LINAASI TAMURUUNA BILMACRUUF WA TANHOWNA CANIL MUNKAR > oo ah waxaa ilaahay subxaana idinka yeel umadii ugu khayrka badneed ee ilaahay soo saaray oo uu u soo saaray basharka un ay isfaraan khayrka iskana reebaan xumaanta,

sidoo kale waxa uu yidhi Ilaahay swt< YAA AYUHAL NAASU ITAQOW RABAKUM INA ZALZALATA SAACATU SHAYUN CADIIM YOOWMA TAROWNAHAA DADHALU KULU MURDICATIN CAMA ARDACAD WATADACU DATU XAMLIN XAMLAHAA WATARA NAASA SUKAARA WAMAHUM BISUKAARA WALAKIN CADABULAAHI SHADIID > macnaheeduna yahay sidan dadow ka baqa ilaahii idin abuuray oo ka xishooda waxkasta haku dhaqaaqina oo haku tacadiyina ee iskaga astura ilaahay khaladkana haku degdegina bal ku degdega in aad sameesan daacada ilaahay subxaana ogaadan malinta la gariiriyo dhulka ee ah calamadaha saacatul qiyaama maalintaas in xataa tii nuujinaysay ilmo ay hilmaamayso in ay haysatey ilmo jaqaya dhibka maalintaasi leedahay bal arka in ay dhalayso tii uurka laheed iyada oo aan ogeen xanuuna dareemin dhibato daraadeed xataa iyada oo aan dhamesan bilaheedi in maalintaas dadku ay noqonayaan sidii in ay cabsan yihiin iyaga oo aan cabsaneen yacni aan aheen sakhraamiin lakiin dhabaatada meeshaas ka taagan dareedeed ayey ugu ekaadeen sidaas, walaalyaal waxaan intaan u soo qoray in aydin ku degdegin ku cayaarka diinta ilaahay ee aad ogaatan maalintaasi in ay ina wada sugeeso gadaalna in aad ugu fekertaan maalintaas ilaahay ha inoo fududeyo,

sidoo kale waxa uu yidhi rasuulkii scw < MAN RA'A MINKUM MUNKARAN FALYUQAYIRHU BIYDIHI FA'IN LAM YASTADIC FABILISAANIHI, FA'IN LAM YASTADIC FABIQALBIHI WADALIKA ADCAFUL IMAAN >rawaahu muslim
macanahiisuna waa qofkii arka wax munkar ah ha badelo oo haku bedelo gacantisa hadii aanu awoodin gacanta in uu ku bedelo haku bedelo afiisa oo ha sheege in waxaani yihiin munkar hadii aanu awood u yeelan qalbigiisa haka bedelo taasina waa ta ugu yar iimaanka.


marka walaalaha ku adacoonaya maxaad u hadasheen taas waxan idinka leeyahay ma nihin shaydan akhras ah yacni shaydan aamusan oo aan hadlin ee xaqa muuji xataa haday ku go'ayso raqabadaadu ow kama qaala rasuululaahi scw

waxaana idinkula talin lahaa intiina dabacan aaminsan in ay tahay diintu shay sidi larabo laga yeelo ama lagu xidho meel oo markii larabo lala soo baxo in aad barataan diintiina la'ina hadaad ogaan lahaydeen hadalada afkiina ka soo baxaaya dhibaadada ay wataan afkaba maad kala furteen

sidoo kale waxaan idin xasusin in aydin ku waarayn caafimaadkan iyo aduunkan khiyaaliga ah ee uu idinka danbeeyo qabri iyo aboor qabri iyo cidhiidhigiisa qabri iyo su'aalihiisa qabri iyo kurbadiisa ilaa qof ilaahay uu waafajiyey mooye marka waxaa iga talo ah inta aad awoodo ee aad hayso caafimaad iyo shabaabnimo xasuuso ilaahay iyo dhibka qabriga taasi waa iga taladii walaaltinimo hana ku tacadiyin awaamirta ilaahay
walaahu mustacan.

uma ahmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xaali

Unrecorded Date
Coolmankid, maybe we have different prepsective, for me, the issue is not about Axmed, the issue is about tolerance, dialogue, and freedom of expression.

The issue is not that people were queit about balsphemy, but rather tolerance of one who has deviated. I found Ahmed's ideas horrific, however, I don't think I have the right to deny him to express his beleifs.
Islam, also teaches tolerance, how come no-one talks about that!!!!!

Abdul26, Fadlan ka fiirsso waxaad qortay. If one agrees with Walaalkiin, it does not mean one is joking. I agree with you we all need to learn the quran, really in depth and be objective in our assessments of situations.!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Unrecorded Date
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

Waxaa la yiri "hubsiino hal baa la siistaa!"

Oo walaalkeen Xuseen wuu dadaalay oo kharash galay oo qiiro Islaanimo oo haysay buu Sheekha u wacay oo su'aalo gubay jawaabtooda weydiiyay.

Wuxuu yiri:
S- Meesha ninkan ama dad kale oo la mid ahba uu nabiga, ama diinta wax uga sheegayo, waxaa ka mas'uul ah dad, arinkaana waa loo sheegay oo ilaa hada waxay ka qabteen ma leh, ayaga xukunkooda waa sidee?
J- Kan Qoray ayey la mid yihiin.

Bal fiiriya su'aashaa!

Hadana walaalkeen Xuseen wuxuu ku booriyay maamulka SomaliNet in ay la xiriiraan Sheekha oo ay si ka duwan siduu isagu Sheekha ula hadlay bal wax u waydiiyaan.

Haa!

Su'aasha kor ku qoran iyo jawaabteedu ma aha FATWO ee dhiigga Muslimiinta ha daadinina.

Sheekha wuxuusan oran yaan loo saarin?

Xuseenow ma u sheegtay Sheekha in dad toban qof ka badan ay muddo bilo ah si cilmaysan oo Xujo iyo Daliil leh ula doodeen MUNAAFAQA?

Xuseenow ma u sheegtay Sheekha in dad aan anigu ku jiro isku dayeen in ay markii hore difaacaan MUNAAFAQA ka dibna mawqid adag ka joogsadeen?

Xuseenow ma u sheegtay Sheekha in dad badan oo soo booqday SomaliNet ay ka faa'idaysteen dooddaa?

Mise u sheegtay Xuseenow Sheeka in khuraafaadka Submitters iyo Rashed Khalif lagu fac-sharay goobtan SomaliNet?

Adiguna kan seefta la booday oo wadaada dusha ka fuulay aqoon ma u leedahay wax ka duwanna ma noo sheegi kartaa?

Kaagan FATWO ku dhawaaqay oo qofkii hadlaba "af salax ku dhag" yiriyow ma kaa nabad geli karaan adoomada Ilaahay?

Inteena kalooy bal yare nasa oo neef dheeg dib jiido oo dulqaado oo waxaad huban reerka u rogin.

SomaliNet soo ma aha mahadsanidin hase yeeshee waxaan nahay macaamiishiina oo malaayinta idin soo booqatay baa qurxisa goobtan ee si degan oo diiran noo soo dhaweeya.

Haa!

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Wabs

Unrecorded Date
Mr. CoolHomosapien!

I can't seem to be able to hear you, could you say it again, and this time a little louder.


Abdul###:

Brother the best thing I could find in your article as well as this whole discussion is this sentence fragment of yours "Walaal Diinta barta..". Perhaps, you should read it to yourself and put it to action - and while you at it tell everybody to do the say. The reason is - the best way of eradicating ignorance is through education, and I see a lot of ignorance in this discussion.


You see brothers, you are using Islam to enforce your attitudes towards other people who don't share the same ideology or way of life. I don't have to like Your beloved sheikh and his teachings to be a muslim.

Sister Um Ahmed: recited this versa, "KUNTUM KHAYRA UMATIN UKHRIJAT LINAASI TAMURUUNA
BILMACRUUF WA TANHOWNA CANIL MUNKAR"!

My question to you and to Um Ahmed is: What "Macruuf" is being adviced in the judgement of your beloved SHeikH. And How did you addressed the "MunKar" in Ahmed's nonsense? Perhaps, your way of "Al Amrul Macruuf" is to call others they are "Kaafiriin" and your approach of "Nahyal Munkar" is a fist fight.

Brothers and sisters, My Islam teaches Tolerance and Kind advices and I suppose yours does the same but you chose to ignore it -- because you find satisfaction out of calling others "Kaafiriin, Munaafikhiin, Murtadiin" - No wonder why we (muslimiin) in the mess we are in today. I agree with XAALI and others, the issue here is not fighting for Islam or again it - it is about Tolerance and allowing people to be judged by their Creator, the Mercifull (Allah)!


May Allah show us the right path!


Wabs

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DACAR

Unrecorded Date
salaan dhamaan.

ku;Mim

war nin yahow iga raali noqo hadaan meel ka dhacay,oo runtii uma haysan sheequ inuu xigtadaada yahay,ooaan magac wadaagtaan tan xigta maqasabaa in aan gartaa wadaadkasta oo halakan lagu soo qora,tankale isma oran waad gaftay ee hadan gafay ALOOW noo danbi dhaaf adigaa na,abuurayee,,,,,,

KU;Abdul 26

walaal bal hakuu danbaysee dooda halakan taalee marka hore dadka aad af lagaadeenaysid waa dadkii lahaa guryaha waaweyn oo aad ka dhigateen maxkamadaha ka dhisan muqdishow ee aad dadka ku xukuntiin,ee dib ulaaboo nasii aqaladeena hadii kale waxba meesha kuma haysaan,aniguse diin waxba kama sheegin ee yara kaadso intaadan seefta galka kala bixin waan aqaanaa wiil fudud sidaada oo kale ee isdajiyoo bal fiiri waxaad ku hadlaysid ILAAHAYOW maskiinkaan udanbi dhaaf,,,,,,
AAMIIN-AAAMIIN-AAMIIN


DACAR-DACAR-DACAR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

To: Walaalkiin.

Walaaloow marka hore waxaad tiri:
Bal fiiriya su'aashaa!

Hadana walaalkeen Xuseen wuxuu ku booriyay maamulka SomaliNet in ay la xiriiraan Sheekha oo ay si ka duwan siduu isagu Sheekha ula hadlay bal wax u waydiiyaan.

Haa!

Maanan oran, laakiin waxaan iri hadii aad Sheekha weydiin laheyd si ka duwan ayaa laga yaabi lahaay inaad u weydiiso, dabadeedna jawaab ka duwan ayaad heli laheyd-- Dabcan.

Su'aalaha aad i weydiisay qaar ka mid ah Shekha waan u sheegay, oo ahayd in dhalinyaro badan ay radiyeen, in xataa ay ku sheegeen koox la yiraah Submitters, iyo sheekhooda aanan markaas magaciisa toos u xasuusan. Laakiin waxaan aad u xiiseynayey waxa ay aheyd meelo aad u badan ayaa loogu digay maamulka oo looga cabanayo ninkan, maamulkana waxba kama qabanayo, taas oo jawaabtii la isiiyay, jawaabtana waxay ku xiran tahay habka qofka wax u su'aalo ee saas ula soco. Mida kale aniga waan qaldami karaa oo hab xun wax waan u su'aali karaa. Hadii aan ku gafay SomaliNet i waxaan wareysanayaa cafis Allaah iyo Maamulkaba. Waxaanse aad ugu faraxsanahay inay maanta ku baraarugeen mas'aladan oo ah mid diini ah, markii la soo qorayna ay horay ka soo jawaabeen, taasna waxay i tusineysaa sida maamulka Islaamka u xiiseynayo. Sida aad sheegtay walaalkiin anigu waxaa igu sababay ninkaas waxa uu qoray iyo ka aamusnaanta ay maamulka oo aad arkeyso meelo badan inay ku qoran tahay digniintiisa. Calaa kuli xaal qof walba oo bini'aadam ah waxbuu ka mas'uul yahay, su'aasheydana waxay ku wajehneyd sidaas iyo baraarujinta walaala maamulka SomaliNet. Mida ah Sheekha ayaad been ka sheegeysaa, ilaah ayaan ka magan galay inaan Skeeha been ka sheego, hase yeeshee habkii aan wax u weydiiyay waa qaldanaan kartaa.

Aniga aragtideyda qof kasta oo wax xun qora hala tirtiro, hana ugu horeysa diinta ka dibna waxayaabaha kale. Dadka miyaa afka la qabanayaa waxaan ka leeyahay, waxakan waa Media, meel dheer ayay tagayaan, meel ayaa lagu aruurun karaa, marka wixii u xun umada Islaamka ah ee Soomaaliyeed halaga qabto, anigaba aan qoree.

Mida kale dadoow xasuusta waxa meeshan laga hadlayo maahan howl wanaagsan ma qabteen maamulka SomaliNet, laba iskudiidan ma jirto inay howl weyn u qabteen dadka, marka tan yaanaan ka wada hadlin dadka oo dhan way isku raacsan yihiin.

Wixii hadal xun ah oo aan idiin geystay iga cafiya dhamaantiin. Insha alaah waxayna u badan tahay inaan ka gaabsan doono mowduucan aniga oo aysan iga aheyn Sabar daro ama adkeysimo la'aan, laakiin ay tahay ciriiri waqti awgiis.


Asalamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Suleiman

Unrecorded Date
Asalaamu Calykum


To: Bro Hussein

Walaal Allaah hakaa Abaal mariyo wanaaga iyo waxa
fiican, Laakiin Markaad Shiekha wax weydiineysay
waxaa fiicneyd inaan u sheegtid wax Somalinet tahay sida, dad Muslimiin ah
Khayrbadan qabtay weli siiwada, inkastoo ay yihiin Ibnu Aadan oo khalad
badan meesha ka jiro Allaah wanaagooda ugu dhaafee.

To: Somalinet

Walaal Wanaag ayaad suubiseen Badan iyo Xumaanba
isku daya inaad waxaad awoodaad qabtaan, Allaah
Aakhiro waa idin weydiin wixii meeshaan ka dhaca
oo ah Wanaag iyo Xumaanbe, Nebigu salalaahu caleyhi wasalam wuxuu xadiis Saxiixa ku yir "QOF WALBA AAKHIRO WAXAA LA WEYDIIN WUXUU MASUUL KA AHAA" marka arintaa ku dadaala
Insha Allaahu.

To: Soomaali weyn

Dadka meesha ka doodaya horta xagee jirteen markii
arinta dhacaysey, mise hadaan nahay Soomali markii
diin noqoto ayaad ku ligiin Schoolers Noqotaan,
weli ma arag qof ninkaa Gaalka ah waxuu yiri Radiyey ama wax yiri jooji.Waxaad doodeysaan cilmi daro Denbina wuu idiin geysan marka aan
arintaa iska jirno.

Islaamka ma jiraan wax la dhoho Meel dhexaad Allaah siduu quraanka ku sheegey "Fariiqun fijana Wa fariiqu fi saciir" marka qof miduu rabo raacin.
Wax la dhoho qofba figradiisa ha dhiibto majiraan Islaam waxaan nahay Adoomo Allaah waa inaan raacno
wixii na la dhoho. Xadiikale wuxuu yiri Nebigu salalaahu calehi wasalm
" QOFKII ALLAAH IYO NEBIGA RUMEEYOO WAX FIICAN KU HADAL AMA ISKA AAMUS".
Asalraac waxaa ah qofkii raaca manhajka "SALAFKA"
Hadaan Asalka laraacin maxaa laraacin , arintaa iska ilaaliya dadku muslimiina ohoo inaad dhahdaan
qofkaas waa asalraac ama qofku wuxuu rabo ha ku hadlo.

PS: Dadkeena doodaya waxaan weydiiyey Qofkee
Xafidsan Kitaabka"Arbiciinka" ah bal
su,aashaa iiga soo jawaaba.

Wixii khalada oo aan iri Allaah ayaan ugu toobad keenin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hawa

Unrecorded Date
Salaam All

To: Wabs

Bro you just came here to sell yourself with poor Marketings we knew before you will agree with Xaali everything so before you post anything reread it pls.This is not Women's Form

Sorry sis Xaali if i Offended I don't mean that

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Diehard

Unrecorded Date
salam caleykum all, its has been quite awhile since i visited somalinet forums,because i make a decission not come or contribute anything in this forums, as many of you may remember i was once aregular member of this forums sometimes visiting more ten times within aday, some of you may ask why came that decission, as Ahmed deedat(great muslim scholar) once said "if you eat junky food you become junky and if you read junky stuff your mind become junky. and to spare my mind ever becoming i have to coming to where the junky stuff is.....
as you all know most of the things written here
is nothing but a junk,written by people with no knowledge of what they'are writting about.its more of teater for show off that a forums for discussion and opinion.
buttom line..........
somalinet was once ( note that i say once) aforums intended for somali community around the world to share and expressed there opinion,really it was and still is good place that gave us the oportunity to interact with different people from different part of the world .but as somalinet grows its seem that aim started to change now its seems the focus is more business orianted than what was intended before, its seems they are now concern for how many hits per day they receive than any other moral values and this means anyone who can type can write whatever he find appropriate to write even if it means junky stuff as far he/she can contribute to the statistic because that how the advertisers pays ........ and its doest matter if the advitersers are playboy or the vatican
i even doubt if they now care much about Qabil .
i am not critic to administer but contributing my opinion from my point of view,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam 'aleukum;

Ku Dadweynaha;

Waxaan u malaynayaa in Mowduuca doodda laga sii leexanayo, sida ay dad badaniba kaga dhawaajiyeen su'aashu ma ah Ahmad baa sidan yidhi iyo Ahmad baa waxan qoray, waayo qofwaliba xaq ayuu u leeyahay in uu qoro waxa uu rabo.

Su'aashu waxay tahay Waa Maxay Ujeedadda Somalinet?Maxay hiigsanayaa? Waa maxay ujeedaddooda fog iyo midoodda dhowba. Waxa aad qabanaysid iyo ujeeedadda ka danbaysa waxaa laga yaaabaa in ay is khilaafan marka hore, laakiin for long term stretegy in ay isku meel ku soo biyo shubtaan.

Ma fiicna in "Suu'u dani" ama aad ka shakisid qof muslim ah oo walaalkaa, ah, hadana caaalamkan cusub/virtual world ee aan iminka joognaa wuu ka duwan yahay midka runta ah, waana lagama maarmaan in aad cadaysid Ujeedooyinkaaga, Isla markaana ay ka muuqdaan waxqabadkaaga.

Arinta Sheekhana, anigu shaqsiyan uma arko arin muhiim ah, waxaana wanaagsanaan lahayd in sheekheena la inoo soo weydiiyo wax arintaas nooga roon, boqolaal su'aalood oo ka muhiimsan ayaa jirta in fatwa loo raadiyo maamulka somalinet. Hadii sida runta ah la eegana waxaan u malaynayaa in uu shiikhu dhihi lahaa ha la saacido oo wax ha lalal qabto dadkaas daalan ee tabar yaraantu hayso.

Note:
Waxaan jeclaan lahaa in mowduuca lagu sugnaado oo shakhsiyaadka iyo is radiska la iska dhaafo.::100% focus to the topic!!

by Yaska;

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

REAL MUSLIM

Unrecorded Date
TO:ADAN.

I profoundly agree with you every point that you indicated in your statement.the AL-ITIXAAD don't belief that there's a moslem other than them.
that is why they called a man who stays in SAUDI ARABIA.it's very much amazing to ignore the islamic organisation or the somali MUFTIS.
my brother ADAN we need to protect the religion
from such stupid people.I KNOW IT'S VERY BIG RESPONSIBILITY but we have to defend it.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,,Oo Waxaanu soconaba ma Sheikh Shariif baanu mareynaa,,,,Kasoo gudubnay Sheikh Uweys iyo Sheikh Cabdilkhaadir,,,,Alloow inoo soo wada naxariiso,,,,,,,,


Mahadsanidiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AnonBig

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum.

There is no gainsaying that the issues Brother Hussien raises in this thread are very important. Many brothers and sisters had, time and again, endeavoured to find ways and means to check the unbridled manner that Ahmad, the Munaafaq, was carrying himself in this Forum. All their efforts have always hit a brick wall; the business-orientation of Somalinet! The more Ahmad worked at his Munaafaq occupation on Somalinet/forums pages, the more HITS he attracted for Somalinet!

As much as I would like to understand the window through which Somalinet is viewing the issue, I am against double standard! To illustrate this, Ahmad is on record as having said he did not come to Somalinet to debate. He did not come to reason with Umar, Bashir, Nur, Ansaari, Walaalkiin, Yaska and all the other Muslims, but to propagate and distribute second-hand fallacies and twisted lies about our Prophet (pbuh) and religion and for which I suspect he was being paid.

Now, it is worth mentioning that among Somalinet’s own rules, there is one that says: “The Forums shall be used only in a noncommercial manner. You shall not, without our express written approval, distribute or otherwise publish any material containing any solicitation of funds, promotion, advertising, or solicitation for goods or services…..” AND another one: “You shall not upload to, distribute through, or otherwise publish through SomaliNet any content which is defamatory …abusive… or otherwise objectionable or violate the rights of any party….”

What it all means is that Ahmad has been breaking Forum rules by offending so many people, so many times. Ahmad has been abusing our Prophet (pbuh) and Islam with a lot of impunity, which is also against the Forum rules. To me, from the very time he arrived on the scene, Ahmad clearly came out as someone with a mission, someone out to confuse people about their religion and if possible CONVERT them!

We should not allow people with dark objectives to hide behind freedom of expression, religious tolerance and open-mindedness. Everything has a limit.

Finally my 2 cents about an issue some people are confused about. There is nothing such as "Fundamentalism" in Islam. Some western media demagogues, afraid about the growth of our religion, invented this term to tag those Muslims who practice the basic principles of Islam. Any practising and God fearing Muslim to them is either a “fanatic” or an “extremist”. Indeed, it is weird to see Muslims using those terms against Muslims.

Thanks

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Anonbig - I heard your idol - Aidid Junior was humilated by Libya and Puntland! is it true?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu salama

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAA MANITABACAL HUDAA

KU: WALAALKIIN

KALIYA WAXAAN KU ODHANAYAA "NINYAHAW MA WAXAAN KU MOODAY MISE WAXAAD NOQOTAY MISE WAXAAN LOO NOQON DOONIN.WAXAAN KU MOODI JIRAY NIN DIINTA RABBI U QIIROODA OO XAQQ WAX USHEEGA,WAXAADSE NOQOTAY MID AAD IIGA YAABIYEY OO WIXII XAQA AHAA SI BAADILA OO AAN SAX AHAYN U SHEEGAYA,WAXAANSE LOO NOQON DOONIN INAANAN MARDANBE KUGU SOO KHALDAMAYN.

WAXAAD TIDHI AXMED WAA MUNAAFAQ,OO SAW MA OGID IN MUNAAFAQU UU KA DARAN YAHAY GAALKA KALE, WAXSE AAD LEEDAHAY QOFKASTAA RA`YIGIISA HA LO DAAYO WAXAAN KU WAY DIIYEY GOORMAY DIINTA RABBI AHAYD MID LAGA DOODO AMA LAGU MURMO,MARKAA WALAALOOW WAXAAN KU LEEYAHAY DIINTA ALLE MAAHA WAX SIDA WADANIMADA QOFBA SUU RABO UU U FAHMEE RABBIGAA KA XISHOO.

KU: DHAMAAN
KALIYA WAXAAN IDIN WAY DIINAYAA MARKII NINKAAN MULXIDKA AHI UU DIINTA RABBI SUU DOONO UU UUGU CIYAARAYEY XAGUU JIRAY CAQLIGIINU MAXAA MARKII HORE IDIIN DIIDAYEY INAAD NINKAA MULXIDKA AH AAD KU TIDHAAHDAAN INTANOO HADALA, MAXAASE IDINKA XANAAJINAYA MARKAAD MAQASHAAN MARKA SHARCIGA ALLE LASHEEGO EED U XANAAQI WAYDAAN MARKA DIINTA ALLE LACAAYAYO,WALLAAHI WAXAAN KA BAQAYAA INAYNU KU SIFAWNO MUNAAFAQNIMO EE ALLIHIIN KAXISHOODA OO KALMAD IDIN ANFACDA SHEEGA MAALIN AYNA IDIN ANFACAYN MAAL IYO AWLAADBA EE UU IDIN ANFACI KALIYA QOFKII ALLE UULA YIMAADA QALBI SALIIMA OO AAN CAADIFAD SOOMAALI JACALI QAADI JIRIN.
HADALADIINAANA WAXAAN KA DAREEMAYAA INAYDUNBA AXMED KA RAALI TIHIIN OO WALAALKEEN XUSEEN U ARAGTAAN SIDII UUKU GAYABA NINKAAN CAJIIB.

INTAA SOO HADALA EE AAN SOO IDHI WAXAA KA REEBAN DABCAN KULI WALAALAHA SIDA XAQA AH U HADLAY LANA SOO DOODAY NINKAA CADAAWA NIMADA DIINTA CADAYSTAY
KHAYRNA ALLE HAYDIN SIIYO.


KU: XUSEN

WALAAL KALIYA WAXAAN KU LEEYAHAY BAARAKALLAAHU VIIK, ALLE MIISAAN KAGA XASANAAD KA HAKUUGU DARO HALKAANA KASII WAD JIHAADKA AAD KULA JIRTO NAFTAADA IYO KUWA DIINTA ALLE (SWT) KASOO HOR JEEDABA.


ISKA KAY SOO CAFIYA DHAMAANTIIN.

WALAASHIIN UMU SALAMA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Um-lamayaqaanoweli

Unrecorded Date
Dadkiina isku sheegaya inee Xaq uu hadlaayaan, diinta sii fiican uu barta.

"Lakum diinkakum, walia diin" waa maxay micnaheeda?
Mase waxaad rabtaan inaad dadka af qabataan.
Aduun iyo aakhiraba waxaa jira hal Xakiim, oo ah, Al Raxmaan, Al Raxiim.

Yaan meel sooke uun wax laga arag!! Jihaadka micinihhisa fahma

I am against Ahmed, but I believe in tolerance and relgious freedom.

Ma waxaa la yiri ummaddoo idil waxay noqonaayaan Ahlul jano?? Ahlul naarka soo xaq uu malaha inay figradooda dhiibtaan??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
CAJIIB.
Arintan masaasaa loogatagay iyo ay noqoto mawduuc kamid ah forums-ka just discussion taas waan layaabnahay!.
tankale waxaa bogaan kasoo baxday in intabadan somalida + managment-ga in aysan u kalacadayn waxa qaarkiin ugu yeereen freedom expression ama xoriyatul qawl midkaad doonto dhehoo iyo in la aflagaadayo ama lacaayo islaamka guud ahaantiis ama muqadasaatkiisa ama aan wax lagaqaban ayadoo la'awoodo in wax lagaqabto.dadkii waxbaa isaga dhax yaacsan waxaad mooda in qaarkamid ah ay u haystaan uu qofku wax walba kahadlikaro meeshaas waxaa kamuuqda in fikrado badan nalagu shubtay waliba intii nalagarabay aan dhaafnay oo aanka dheeraynay bal orodoo site-kale tagoo ku qor wax wax u dhimaayaa muqadasaadkooda diintay doonaan ha haysteene in lagu dhaho waa free discussion?.
TUSAALE meel dheer u doonimayno ayadoon waliba diin iyo muqadasaat kusaabsanayn bal fiiri free expression-ku ama xoriyada hadalku miyaynan kujirin hadii ay lid kutahay maamulka(mangment) ninkii u hadlaayay managment wuxuu yiri xaq baan u leenahay in aan masaxno qoraalada somalinet meel looga dhacaayo markii ladhaho war wa masaxa arintaa diinteenii bay meel uga dhac u tahaye waa xoriyada hadalka!!!!.
ILAAHAY UMADAAN HASOO GAARO ASAGAA CASIIS AH.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum.

WAXAY ILA TAHAY RUNTU WAA SIDAN:

1- Hussein ayaa dhibsaday arrin xadgudub ku ah islaamka oo markuu ka xanuunsaday waqti iyo kharash ku bixiyey siduu u weydiin lahaa sheekh soomaaliyeed oo caan ah XUKUNKA Axmed iyo weliba SOMALINET. Hussein wuxuu helay Shariifka oo Soomaali walba oo 20kii sano ee ugu dambaysey diin bartayba uu u garanayo nin aqoon iyo cibaado iyo daacadnimo ilaahay ku manaystay.

2- SHARIIFKU Su'aashii la weydiiyey-Providing that Hussein's quotaions are right-wuxuu uga jawaabay isagoo rumaysanaya waxa uu Hussein weydiiyey.

3- Hussein haddii sababta uu shariifka su'aasha u weydiiyey ahayd inuu isagu ka faa'iideysto, waxay ila ahayd inuu isagu ku qanco oo aanu halkan ku soo qorin.

4- MA garanayo sababta Husein u waydiiyey Shariifka "XUKUNKA" Somalinet! waayo shaki la'aan waa dad soomaaliyeed, hadaan wax caddayn ahi jirina waa inay Islaam yihiin. Hadii qof muslim ahi yimaado meel islaam laga yahayna uma haboona inuu dadka meeshaa jooga QOF QOF u hubsado inay islaam yihiin. Waxaan taa u leyahay anigoon garanayn dadka maamula SOMALINET ayaan haddana ka dareemay inay u keeni karaan qoraalada noocan ahi inay wadaadada is maan dhaafaan.

5- Waxaa ii muuqata - Ilaah baa iga oge - in Husein ay suuro gal tahay inuu isagu keenay counter attacks kala duwan oo qaarkood diinta iyo Shariifkaba meel looga dhacayo in halkaan lagu soo qoro. Haddii uu Jawaabtii Shariifka naftiisa ku ekayn lahaa, ama dadka ay khusayso oo Somalinet ka mid tahay la tiigsan lahaa oo uu webmasterka keliya la xiriiri lahaa, waxay ila tahay inay uga miradhal wanaagsanaan lahayd.

6- Somalinet oo aanay caado u ahayn inay ka jawaabaan arrimaha noocan oo kale ah ayaa waxaa la weynaatay in niin Shiikh ahi xukun adag ku riday. Waana gartood inay sidaa u caroodaan, waxayna tusaysaa - Ilaah baa iga oge - inay diintooda aad u ilaashanayaan laakiin aanay lahayn cilmi ay Axmed - oo aan anigu gaal u haysto - ugu jawaabaan ama waxa uu sheegayo inay xun yihiin ku gartaan. Taasina la yaab ma leh wayo Axmed wuxuu wareerin karaa dad badan oo muddo dheer cilmiga diiniga ah baranayey, sababtoo ah wuxuu sheegayaa wax badan oo kheyr ah oo quraan ah, waxaa muuqata inuu aqoon u leeyahay islaamka waxaana iiga muuqata hadalkiisa kor ku xusan inuu xataa taariikhda culimada islaamka - sida Sheikh Nasirudin Al-Albani - wax ka garanayo. Gaalaysiinta Axmed waa mid aan si dhaw loo ogaan karin dad badana aanay fahmi karin waayo waxay u baahan tahay kaadsiimo farabadan.

7- Axmed waa nin soomaliyeed oo muddo dheer Raacsanaa nebi cusub oo sideetanaadkii (mid eighties) ka soo baxay gobolka Arizona ee dalka maraykanka, waxaana jirey in Axmed ama nin kale oo soomaaliyeed oo Abib la yiraahdo uu warqado af soomaali ah u soo diri jirey Soomaaliya 1989, 1990. Waxaa nebigaasi rumaysan yahay in xadiiska Nebiga (SCW) aanu diinta ka mid ahayn. Taas macnaheedu waa in la garan waayo si loo tukado, si sako loo bixiyo, si loo xajiyo, xitaa waa in la beeniyo aayado aad u badan oo quraan ah. Soo ururi oo waa in Muslimiintii jiri jirtey oo dhammi ay gaalo wada ahaayeen waayo waxay rumaysnaayeen xadiisyada.

8- Dhalinyarada Soomaaliyeed ee coversationkan ka qayb qaatay waxay ila tahay in qaarna ka caroodeen Axmed qaarna ka caroodeen Husein. Laakiin aan ogaano in Axmed kuligeen gaalo noo haysto waayo nebigiisa (RASHAD KHALIFAH) ayaa gaalo noo haysta, aad ayuuna ugu faraxsan yahay inuu arko dooda oo dhexdeena ka kululaata.

9- Ku dhaqanka diinta waxaa ugu horreyn u baahan wadaadada ka dibna dhalinyarada kala qayb qaadanaysa doodan ayay tahay inay ogaadaan in qofkii halkaan wax ku soo qoraa aanu iyaga Ilaahna ka xigin diintana matalin balse ay tahay (human nature) in dabeecaduhu ay kala duwanaadaan dadkuna si kala duwan ugu dulqataan hadal is dhaafsiga. Taasna waxay ila tahay in aanay naga keenin inaan si degdeg ah ugu hadalno ereyo aan munaasab u ahayn diinta iyo ilaahay iyo culimada islaamka.

10- Dhalin yaro badan oo halkan wax ku qortay waxaa iiga muuqata inay diintana jaceylu qabaan laakiin ay wadaadada uga muuqatay xoogaa "dictatorship!" ah oo ay si degdeg ah u samaynayaan "judgements". hadaba ma is weydiiseen maxaa Islaamku u yahay diinta keliya ee dadkiisu sida ugu adag u dafacdaan (any where in the world?), why moslems are more religious than almost any other people? I hope that you will not jump to the typical quick decisions from the western media.If you realy deploy an analytical, un-biased study in that phenomenon then I hope you would come to the decision that this religion gives whole sustenance to human beings. And that makes many moslems love their Allah, Mohamed, Quran, Hadith and any related to their religion.If I am wrong in taking that Decision, then I fully accept as I am a very simple person who may not always come to the best conclusion.

11- Haddii ruux wax haleeyo waa doqonimo ila ah in qofkaa dartii diinta logu xadgudbo waayo ixtiraamka ugu sareeya ayay diintu ka mudan tahay qof walba oo muslim ah ama wadaad ha ahaado ama yaanu ahaane. waxaadna ogaataan in aan la kala xigin diinta laakiin hadana aanay ceeb ahayn qofkii qof wax ku dhaamaa inuu uga digo hadalada qadafka ah ee hilmaanka, aqoon yaraanta amaba wax kaleba ka keenaan

12- anigu ma ahi wadaad ee waxaan ahay soomaali masaajido joog ah!.

Walaalkiin- from London , UK

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

Ku: Anonymous.

Walaal waxaad tiri dad badan ayaa Hussein u carooday, waa runtaa waana laba qeybood:
1- Qeyb ayaga diinta aan saas u jecleyn aflagaadadeena aan waxba la aheyn, amaba neceb wadaadada.
2- Qeyb iska jecel inay nett-ka fariisata oo, doonayana inay wax isaga qorqoraan, oo ka cabsanaya amay Somalinett meesha idinka xirtaa, waa fikradeyda yarta ahee.

Mida kale oo qofkii qoraaladeyda kale kale socday, waxaa jirta meel aan hada ka hor ku iri hadii aysan wax ka qaban maamulka Axmed, insha alaah waxaan su'aali doonaa culimada soomaaliyeed, sida Sh. Shariif Cabdi Nur ama Sh. Maxamed Nul Al-qawi. Waxaana rajeynayaa in dad badan ay la socdaan arinkaan oo uu ugu horeeyo Akhi Miskiin oo markaasba iyiri jawaab ayaan kaa sugaynaa Hussein. Mida kale saaxiibayaal waxaan idinla socodsiinayaa inay arinkan laftigiisa qiimo u leedahay SomaliNett maamulkeeda, maxaa yeelay waqtigan laga bilaabo wax alle iyo wixii meel uga dhacaya diinta Islaamka way tirtiri karaan, hadii aysan horey u ogeen arinka Axmed oo mudo looga digayey maba ogeyn, haday ogaayeena hada ayey ogaadeen, sababtaas ayaana u aaminsahay inay wax wanaagsan u tahay arinka qof kasta oo Islam sheeganaya sida aniga ,adiga iyo SomaliNett-ba. Marka dood badan waxba tari meyso, ee diinta wixii wax u dhimaya halaga digtoonaado. Anigu wixii wax u dhimayo oo aanan garaneyn xaq ayaan u leeyahay inaan culimada weydiiyo.

Wixii aan ku qaldamay iga cafiya.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Insaani

Unrecorded Date
Assalaamu Caleykum Dhammaantiin

Si xaq ah haddii loo hadlo Somalinet kuma saxsana in ay tiraahdo hadalkii qabiil ama reer wax u dhimaya waan tirtiraynaa kii Islamka iyo Muslimiinta oo ka badan 1200.000.000 wax u dhimaya
shaqo kuma lihin. Waxaan ula jeedaa haddii aan ka hadleyno Freedom-of-Speach iyo wixii la mida.

Runtii dadka site-kaan isticmaala waa dad soomaali ah soomaliduna saan garaneyno waa dad muslimiina dhalinyarada la dooday Ahmedna waa kuwo diinta yaqaana oo dabadeedna ogaadey wuxuu sheegeyo inay yihiin sun iyo wax lid ku ah diinta iyo karaamada soomaalida, marka haddii ay soomaalida halkan soo booqata ay dhalinyaradaas la mid ahaan la haayeen (ay fahmi lahaayeen xaqiiqada ahmed)dhammaan way kasoo horjeesan lahaayeen.

Ra'yi ahaan waxaan Somalinet u soo jeedin lahaa iney tirtiraan wax kastoo wax dhimaya diin,qabiil iyo xishoodka guud iyo dicaayadaha lidka ku ah diinta iyo karaamada dadka site-kaan kuwada xiriira(sida dicaayadaha Ahmed iyo mid is ku magacaabey Father Micheal oo ka daran kan hore).

Somalinet iyo ciddii kaloo fikradaan ka soo hor jeeda sababta ha noo sheegaan iyagoo ku mahadsan.

Wassalaamu Caleykum

Insaani

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

weli

Unrecorded Date
assalaamu caleykum dhamaan musliinta.

walaalayaal waad mahadsan tihiin dhamaan waxaad moodaa in ay nasiib daro tahay waxa meeshan ka dhacaya ee caamo waliba iska soo qoreyso,qofwaliba Eebe ha uga cabsado waxa uu qorayo,kii kale ee moodaa inuu xor yahayna ha iska hadlo,mida kale danbigu waa siiba batay, fadlan dadka culumada wax u dhimaya waxba yaan laga oran ee waxa doodu ahayd doonaya inay u bedelaan waji kale,dhamaan dadka halkan kaga hadlayna khayr ilaahey ha ugu bedelo laba qof mooyaane. ninkii doonaya in somalinet wax ka qabato waxana ha u diaan E-mail koley waan aragnaa oo waxba way ka qaban la'yihiin waana hadii ay yihiin somali saxa oo lahubo oo ka qiiroonaya qubxigan koley waa aragnaa.........

to somalinet.

sida in badan lagu celceliyey waxbaa indinku jira waxaad gabay wax u dhimaya reerna u tirtaan diin dhibaateynteedana uga diiri la'dihiin.walaalayaal idinkoo aan naga caroon dadkau waa macaamiil wixii dhibaato ah ama talo ahna waad na weydiisaan maxaad midan u ajiibi la'dihiin ama aad u arki la'dihiin,oo waxa kalaba waad akhrisaane maxaad? magarnayo anigu !!!!!!!

waxaan ku gunaanadayaa anigu shakhsi ahaan ma arko waxaan dhibaato ahayn oo forums-kani siyaadiyo hadaad nagaba deysaan maxaa dhacaya? ilaa customer baan nahay mana dooneysaan inaad naga aqbashaan waxaan idinka codsnaee.....

weli

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Hadaadan diinta wax ka aqoonin, oo aadan la fahmi karin waxyaabaha meesha lagu soo qoro, Ma ahin in aad ku xukuntid gaalo ama jaahiliin.

Mar labaad ayaan kuu sheegayaa...........
Wadaadada soomaliyeed waxay ku xad gudbaan xuquuqda haweenka, taas oo ay diinta islaamka siisey . Si fiican u aqriso waxaan qorey.

abdullahi

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous5

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum waraxmatul-laah yaa muslimiin

TO ABDULLAHI
su'aal
maxay tahay xadgudubka ay ku xadgudbeen wadaadada soomaaliyeed xuquuqda haweenka. taas oo ay san diinta islaamka siisay?
Mafahmin waxa aad u wado xaquuqdaas ee fadlan soo faah faahi.
wasalaamu calaykun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Dhageyso sheekh quduusi. Asiga ayaa sheekheyga ah.
oo cajaladihiisa waa la helaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
niman badanaa ku xadgudba xuquuqda haweenka culumo iyo caamaba waa run?!
Gabdhaha soomaaliyeed waxay ahaayeen nr2 waxbarashada, shaqada 1wm.
maalinkastaan maqalnaa saas iyo saas ma sameeyn kartid sababtoo ah waxaa tahay dumar...bla bla bla
GABADHA WAA INAY GURIGA JOOGTAA, waxay ula dhaqmaan sida alaab ay leeyihiin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Coolmankid.

Unrecorded Date
Ladan iyo Abdullaahi.

Nin gaal ah oo forumsada dhex wareegaa jira oo aad u jeclaan lahaa sheekooyinkiinna. Why don't you right in english he could take part in your stupidity?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LOL

Unrecorded Date
lol@coolman

ladan dumaraa tehee raga ka dhexbax....lol

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

coolmankid.

Unrecorded Date
Lol.

Hannagu sii taataabanin adiga dadkaan wareersan oo aan kala aqoon diin ilaahey iyo dad qaladkood. Ninaa saan yeeley ninaa inta ka baxay. like the revelation is all about somali losers. waaryaarahee war isku xishooda oo diinta ceydeeda dadka aad ugu gargaareysaan iska daaya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous5

Unrecorded Date
salaamu calaykum.
TO:Abdullaahi iyo Ladan
waxaan idin waydeenayaa hadii ay dumarka joogaan guryohooda ma waxaad u aragtaan gumaysi?
Aniga waxay ila tahay inay diinta islaamka ay dumarka darajjadooda kor uqaaday oo islaamka hortii la gumaysanjiray laakiin markii uu Alle soo diray diintaan xaqqa ah inay dumarka kabexeen gumaysigii jaahiligii lagu hayay.
Tan kale cajaladaha aad sheegayso maxay kahadlaayaan?
su'aal ayaan ku waydiiyay ee ma cajalado ayaad ii tilmaamaysaa maad su'aasha kajawaabtid mise jawaab ayaad wayday?
ladan: xaquuqda haweenka lagaqaaday oo aad sheegasaa ma waxay tahay inay dumarka joogaan guryahooda? Aniga waxayba ila tahay taas inay tahay raaxo oo aysa aheen gumaysi. waxa aad sheegayso oo aad leedahay masamayni kartid sababtoo ah waxaa tahay dumar maxayihiin?
wasalaamu calaukum waraxmatul-laah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomali, muslin ah

Unrecorded Date
Soomaali ilaah rumaysay

Salaan kadib aadaan ulayaabay dadkaan daldalaayo xuquuq haweenaa lugu xadgudbay, xuquuqda waa labo mid islaamka qiray oo sugay iyo mid gaalada ey qortay. Midda ilaah dajiyey waa in loo raadiyo haweenka haddii laga qaaday, mana aheeyto in muslimiinta khilaaf iyo foolxumomo laladhaxyimaado.
Sida idinka muuqato Cabdullaahi iyo Ladnaan fusuqay gabdhaha larabaan, xoriyadda ay sheegayiin waa midda gaalada gabdhahooda siiyeen oo ah iqaawin guri kabax iyo suuqgal, hadday arrinta saa tahay naftiinna allaha ku'ekeeyo fisqiga iyo fasahaadka aad nala rabtaan, iskuna xishooda oo ilaah kacabsada maaha haddii dal gaalo lajooga in diinta ladacaayadeeyo muslimiintana la'iskudiro.
Waad ceebowdeen Cabdullaahi iyo ladnaan foolxumo iyo fisqi ayaa madaxa idinka galay ee kadharjiya Ilmihiinna annagana nagala leexdo.
Balarka hadalka uu qoray Coolmankid wuxuu hadalkiina dhiirri galinaa gaalada waa kshifanteen
meelxunna kusoctaan ee isqabta intaan alle idin qaban

Cabdullaahi iskadhaaf Sheekh Dusuuqi waxaa uraayo madhihinee adiga keeney ninkaa muslin fiican waaye waana sheekhayga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Nin ayaa yiri naagteyda iskuul uma ogoli, waxaa la weydiiyey sabab.
Maxaa yeeley waxaa macalin u noqonaayo nin gaal ah.
Waxaa kaloo la weydiiyey adiga iskuul ma dhigataa,
ninkii waxuu ku jawaabey haa.
-OO yaa macalin kuu ah?.
Waxuu yiri macalimiin nin iyo naago isugu jiro.

Waxaa la weydiiyey maxaa adiga kuu fasaxay in naag macalin kuu noqoto?
anigu nin baa ahay,xaaskeygana waa naag.

Waa tusaale ka mid ah dhibaatooyinka maanta jiro, oo ay wadaadadu abuureen.

Nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Jibriil

Unrecorded Date
abdullaahi ma wadaadadaa waa ku karbaashey? si baad u wadaad necebtahay ninyahoow lagula yaab ee xishood. rabsho dadka noocaada oo kale weeye waxa dadka kala dilay oo ku dhexjira. orod oo shaqo yeelo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
abdullahi wuxuu adeegsanayaa labo waji waana labo qof marna naag marna nin ladan iyo cabdullahi.
wuxuuna rabaa ay rabtaa fisqi oo qura ee sidaa lasocda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous 5

Unrecorded Date
salaamu calaykum
TO:ABDULLAHIL IYO DHAMAAN
Ninyahaw Alle ka baq oo iska fasahaadka aad raadinaysid ogowna waxa aad raadinaysid ama aad Alle waydiisatay inaad helaysid wanaag ama xummaan tee ahaataba. Intaas waa iga waano waxaanna ku dhihi lahaa ha dhihin wadaadada soomaaliteed ayaa dumar xaquuq ka qaaday ama u diiday adigoo aan wax saas ah oo cilmi aan u lahayn ee aykaatahay oo kaliya fikrad ama Idea oo aadna dusha eed kaga saaraysid dhamaan wadaadada soomaaliyeed.
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdullahi

Unrecorded Date
Saxiib talada waa kaa qaatey, Illahey waa ka cabsadaa.

Saaxiib ma been ayaan idiin sheegaa, hadaad runta diideen,
koley cabdullahi ahaan waxaan dareemayaa in xaquuqda haweenka aad loogu xad gudbo.

Dhageysta cajaladooyinka sheeq quduusi iyo jameecadiisa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu:


Abdallahi

walaal bacda salaan in mudo ah waxaan arkaa adoo leh dumarkii waa la dulmiyey oo xaquuqdii ay lahaayeen ayaa loo diiday
marka walaal waxaa iga su'aal ah dulmiga aad sheegayso waxa uu yahay? walaalow wadaada ma wada sameen dulmi kii ilaahay yaqaan waa garan xaqa lagu leeyahay, mida kale ninwalba naftiisa ayaa lala xisaabtama kii dulmi sameeya iyo kii fidno wadaba,
marka walaal adiga ka abdullahi ahaan faa'idada aad ka helayso wadaad ayaa saas sameeyey maxay tahay? bal iska daayo danbi ayad ka aruursanay
marka walaalkayow itaqilaah oo iska daa khalqiga ilaahay, hadaad aragto mid ku xadgudbaaya u nasax intaas aayad ku leedahay lakiin in aad muslim caybeen aad la soo gasho inta xaq uma lihid diintuna nama amrin saas,
marka walaalkayow taada xisaabi iyada ayaa kaaga baahan xisaabe inta aan adiga ku sheegayna naftayda ayaan u sheegay wabilaahi towfiiq.

ina saamax hadaan kuu gafay wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu.

ukhtak
uma ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Illahey waxuu yiri

macruufka is fala, xumaantana isaga diga

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu:

walaal wa sax in ilaahay yidhi swt macruufka is fara xumaantana iska reeba marka adigu u sheeg kii aad ku aragtay xumaanta
shegida inta aad kaleedahay dumar ayaa la xumeeyey waxaan u arkaa muslim ceebees iyo qiila waqaal oo ilaahay inaga reebay marka walaalkay itaqilaah oo xasuusto xisaabta akhiro.

wasalaamu caalaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

uma ahmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuaxmed

Unrecorded Date
Abuaxmed, U.S.A.
Walal yaal waad salaamantihiin kudigiinba.
Wakhti umaan helin inaan akhriyo doodaha kasocodey Jawabta shariff cabdinur uu kabixiyey somalinet.Waa wax waqac ah in internetka cidna eesan leheen lana isku dhaafsan karo fikrad kasto aad jeclaatid ama yaadan jeclaanin ee.Waa horumar aduyada eey gaartey oo muslimiinta looga bahanyahey in kaqeeb qataan.
hadana ano aan luminin olajeedada dhambaakan, waxaan jawaabo kusaabsan kuna tilmaamayo dadka qaarkood fundamentalist. Maxa wayee LABELkaa?.
Anigoon isleheen walalehyga muslimiinta xumaato ayeey ujeedan hadaana meel qudac weyn bey islamka kunoqon ,sharafna weysiin qof eysan kuhaboonen.Kuwa qas iyo lab iyo burbur magaca islamka kusuubinaya.
Markaa asalka amma Fundamental of islam is the Quran and the Holy Prophets Sunna S.w. Whoever denies those two are not Muslims and its among the six basis of belief.
As I am rushing please forgive my erors of both ommission and commission . But it is Wajib on me to contribute this small piece.
Wasalama Caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luqmaan

Unrecorded Date
waxaan rabaa inaan usheego somalinet in ay masuul katahay meeshaan diinta islaamka lagu caynayo oo dadka gaalada ahi oo hadalada xunxun mesha kuqoraya.sababtoo ah meeshaani hadaysan jireen laguma sooqareen.iyaga ayyaana danbiga laqaybsanaya. tusaale waxaa inoogu filan ninkii hashii nabi saalax dilay oo loo halaagay qoomkii oodhan.sababtoo ah iyagaa raali ka ahaa oo kutashaday inladilo hashii.(idinbacasha ashqaahaa)qofkii diinta islaamka inwaxloogaysto raali kanoqda khatar ayuu qarqarka usaaranyahay (wabillaahitawfiiq)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Luqmaan
Magaca diinta ha oga cayaarin, Diin waxaad ka og tahay ma jirtee. ee orod somalia ku noqo meeshaas ayaa internet la aqoon, oo xabad leyskula hadlaa.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.