site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Shirka Jabuuti

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Shirka Jabuuti
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum
dadooooow shirka JABUUTI iska ilaaliya cilmaani haduu tago khayr kuma sugno sheekadu hadday odey tahay il saddexaad ku eega wassalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Assalaama Calaykum,

Walaal haddaad Cilmaaniga aad sheegayso wax dhaama aad haysid maxaad sugaysaa? Kuwii qabiilka sheeganayey ee taladoodu dagaalka ahayd aragtee, bal kuwan aqoonta leh, ee aan qabayl sheeganayn, ee aad cilmaaniga ku sheegaysid arag waxay hayaan ka dibna wax ka sheeg...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Guhaad

Unrecorded Date
Omar

waa kugu raacsanahay jawaabta aad siisay , haddii la yiraa odayaashii waa jaahiliin , dadkii wax bartayna la yiraa waa cilmaaniyiin , wadaadadiina u kala baxeen islaax,itixaad takthiir,salaf..iyo kuwo kaloo badan . xagee xal ka imaanayaa ?
Aniga shaqsi ahaan kuma hami weyni in Jabuuti wax ka soo baxayaan ,haddana waxaan qabaa in jaanis la siyaa , maxaa yeelay haddan at least la isla hadlin wax xal ah oo imaanayaa ma jiri karo.


guhaad

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Surfer

Unrecorded Date
Shirka jabuuti waa laga yaabaa inuu nabad keeno laakiin gobolo nabad ahaa ayuu hadda dhibaato cusub ka abuuray:

1- Shirka qabanqaabada waxaa furay nin kamida suldaanada reer hargeysa sheegayna in Soomalida dani ugu jirto inay wax wada qabsadaan. C/Raxmaan tuur oo sheekada Somaliland bilaabay laakiin dib soomaali u noqday markii laga raayey ayaa hadda aruursanaya dad raacsan oo shirka la taga.

2- Puntland oo weli xabadi ka dhex dhicin ayaa hadda inay kala daadato qarka u saaran. C?laahi Yuusuf oo reer Gaalkacyo ah askartiisa ayaa Boosaaso dad banaan baxayey ku laysay. Maxamed Abshir oo sida Tuur looga raayey ayaa hadda raba inuu dib isu abaabulo. Sidoo kale dadka ku jira dowladda C/Yuusuf in aad u badan oo kamida waxay rabaan shirka jabuuti. Puntland waa loo yaabaa hadayan aad uga fiirsan.

3- Cali mahdi oo gurigiisa hore loo bililiqaystay oo siyaasada isaga tegey ayaa hadda mar kale soo noolaaday. Odayal badan iyo ururo markii hore aan xoog lahayn ayaa hadda diyaar u ah inay siyaasada ka qayb qaataan.

4- Libya ayaa waxay rabtaa inay qaar jabhadaha kamida (kuwa ugu waaweyn) u dhisto dowlad.

5- Hadaan aad looga fiisan arimaha hadda Soomaaliya ku soo socda waxaa dhici karta inaan mar kale civil war dib ugu noqono ayna saameyso goboladii nabada ahaa sida somaliland/puntland.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
Waad salaamantihiin dhamaantiin..

Waxaan hubaa in aay arimtan aad ka hadlaysaan tahay arin muhiin ah una baahan in laga hadlo, Hase ahaatee Waxaan qabaa in aay Meeshankhalad ku tahay waayo? waa arin la xidhiidha siyaasad, SIyaasadaas Oo aan ahaayn weliba Mid islaami ah.
Waxaay aniga igula haboonayd in meelkala lagag doodo. Waayo sidaad ogtihiin meesha waxaa lagaga hadlaa Arimo la xidhiidha diin.

Maxumaateen Hadii looga doodo Arintan Si hufan oo cadifadi aanay kujirin, laakiin waxaa dhici karta in dadka qaarkiis aay u rogaan dhinaca xun oo aay Qabyaalad iyo Cudur soogeshaan.
Koleey hada Doodu waay bilaabmatay meelkalena looma rogi karo, waxaan marka odhan lahaa Aan ka dheerano wax kasta oo laga fahmi karo Xaglin.

Thanx 2 all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ali

Unrecorded Date
Anigoo ah arday soomaaliyeed, jecelna in an mar un maqlo Dawlad soomaaliyeed.
Waxaaan soomaalida dhammanteed usoo jeediniyaa in ay ayidaan Shirka Jabuuti, Maadaama ay Jabuuti tay Waddanka kaliya ee dawlad Soomaaliyeed kajirto, ninkii sikale wax u arkana uu sheego ra'yigiisa noqdana talakeene ama tal raac. Wabllahi tawfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAKIIKOOS III

Unrecorded Date
ali,

aniguba waxaan ahay arday soomaaliyeed jecelna dawlad cadaalad ku dhisan oo caruurtayada iyo caruutooda ay u aayaan lakiin sida ii muuqata shirka jabuuti waa mid miro aysan ka dhalanayn laba qodob awgood waloow ay jiraan qadobo badan oo kale.

1-waa in xuquuda hayad'adaha lesbianka iyo gay ga la dhoowro.

2-in madaxweynanimadu ay noqoto mid wareegta oo ay laba dumarna ay ku jiraan.

saaxiib waxaa halkaa iiga muuqda mar hadii umadi laga burburiyo dhaqankeeda dhaqaalaheeda iyo qabkeedaba in ay u dhamaanayso soomaaliya warlord uma wanaagsana dimoqoraadiyada magic ahna kaba daran there are many options to chose such as ISLAM marka waan garan karaa somali people are desperate to get a goverment a real goverment but there are certain bodies who want to destroy that country in direct or in direct way.
waxaan hadal kayga ku soo gabagabaynayaa,dowlad xumi dawlad la'aan bay dhaantaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

can you read this????

Unrecorded Date
jhkgkjhjkhjkhujkkgfgjhgjghghgjhj
ghfjgfgjhgjhgk
jhghjghgk
can you read this????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
walaal waan kusalamey ee sideetahay xaakaga igawara waxaad iga soo xarerikaraa m

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.