site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

BAHASHAN DIMUQRADIYADA LA LEEYAHAY!!!!!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): BAHASHAN DIMUQRADIYADA LA LEEYAHAY!!!!!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
sALAAMULLAAHI CALEYKUM

Wakhtigan aan joogno, bahasha dimuqraadiyada la leeyahay aad baa loo xayeysiiyaa, kadib markii uu sofiyeedkii burburay. Intaan iidhehda dimuqradiyada dhegeysanayey, labo dhawaaq baa qosol fog iga keenay:
a)madlen albrigt(xoghayaha arimaha dibada ee maraykanka) baa markii odayga kirstaanka ahi uu Nigria qabsaday, waxay habartu tidhi, Nijeria dimuqradiyad baa ka mashxaraday.
b) iyo madaxweynihii Senegal u horeeyey oo ay saxaafada qarbigu ku sheegtay, inuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee Senegal ursiiyey uduga dimuqraadiyada.

Marka aan ka doodno dimuqradiyadu waxay tahay uma jeedo, aan islaamka barbar dhignana kama wado,
ee bal walaalayaal sheekadan xeesha dheer leh aynu si gun dheer uga faalloono

Salaamullaahi caleykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum. Intaa ka dib walaal dimoqraadiyah waxay ka kooban tahay laba kelmadood oo kala ah demo cratic labadan erey asalkooduna waa giriig macanheeduna waa, xukunka dadkaa leh. Ilaahna waxuu yiri (Inil xukmu illaa lillaah) Xukunkana ilaah buu usugnaaday. Dimuqraadiyadu waxay ka daran tahay xukunkii JINKIIS KHAAN. Bal fiiriya tafsiirka Ibnu khathiir siiba suuratul maa´idah
WAASALAAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuucubayda

Unrecorded Date
assalaamu calaykum.intaa ka dib

walaal abuu dujaana waad runtaa oo waa sidaad usheegtay inay ka timi labadaa erey oo laysu geeyey macnahaana samaynayso.

waxase haboon marhadii alle kuu ifiyey macnaheeda iyo waxay xambaarsantahay inaad ku dadaasho sidii aad uga digi lahay caamada soomaaliyeed ee dad waynaha u akhriyaya wanaageeda maalin walba
walaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

kuusoow

Unrecorded Date
dimoqraati waa fidno

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Dhamaan walaalahayga halkan soo booqday mahad baan u celinayaa. Dimuqraadiyadu waa sidaad u sharaxdeen laakiin sidaan horay u idhi, waxaan jeclaan lahaa in ay doodeenu ku koobnaato waxa qarbigu ay calanka dimuqraadiyada meel walba ula ordayaan oo ayba nooga dhigayaan inaan la aanteed nololiba suurta geli karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kusow

Unrecorded Date
To: Midka isku sheg Kusow

Waryaa maad SAFIIRKA magaciisa u daasid bil axsaanag.

Thanks
Kusow
Safiirka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillah

Markale ayaan lugta yara marin diintan cusubee lugu daatay caalamka maanta.

Wakhti mahayn markaan arkay

Waad mahadsantihiin

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum waraxmatullaah

Khayr allaha siiyo walaalkayo Waranle mawduucan muhiimka ah ee uu noofuray, dhammaan inta kalena waan u mahadcelin siiba Abuudujaana oo isagu yarataabtay xukunka islaamka uu kaqabo diintan cusub ee caalamku maanta kudhagay.

Dimoqraadi waa sida loo sharxayee waa talada dadka ayaa leh oo Giriig ah, waxaana lid ku'ah Tiyookraat oo ah xukunka ilaahbaa leh waana wax waajib ku'ah inuu qof kasta oo muslima qaato, haddii kala waa haddii kale asagaa cirka biyo ku'og. Marka qofkii ladhaco eraygaa Giriigga ah ee Dimoqraaddi ah ha qaato kanuu kuliibaani aakhariyo adduunba Giriigna ahee Tiyookraat oo ah " xukunka Allaahbaa leh".

Waxyar haddaan yara faahfaahiyo arrin uu walaalkeen xusay oo kusaabsanayd Caalimkii Ibnu k
Kathiir ladhihi jiray iyo fatwaduu kadhiibay xukunkii Jingis Khaan iyo kitaabkiisii Alyaasiq ahaa.

Waxaa taagnaa waxa maanta taagan oo ah in muslimiintii markay isqabsadaan ay isulatagaan maxkamaddii ninkaa isaga waana arrin xaaraam ah.

Wuxuu soo daliiliyey aayaddan ( afaxukmul jaahilayati yabguuna waman axsanu minalaahi xukman liqowmin yuuqinuun) oo macanheedu yahay warma xukunkale ayey raadini yaa uga xukun fiicanna Alle qoom toosi.

Arrinta su'aasha uu soo jeediyey walaalkeen Waranle ee ah waxa naloogu wareeriyey "The Big D"

Waxaan aniga u arkaa Dabin larabo in loo dhigo ciddii laga yara baqo inay diiddo inay isdhiibto
sida anagoo kale, waana arrintii shaydaan wadi jirayoo ahayd war anigaba ilaahay kafogadayee idinna kafogaada iyo waliba maslaxo u gaara oy ilaashanayaan oo istaraatiiji ah, si'aan ubadkooda mustaqbalka caalamka maamulkiisa looga dhabqin ooy kaligood u amarkutaagleeyaan.

Mabda'an ay caalamka kurogeen ee hadda laga yaaban yahay siduu usoo fatahay, wuxuu noqday runtii waxa layidhaa (isburin) oo macnaheedu yahay "lajiifiyaana bannaan lajoojiyaana bannaantii" sheeko xariirta.

Taasoo macnaheedu noqoni "if you obey me you are good democrat, otherwise you are the devil and we have to destroy you"

Waxaa dhacday siddeetammeeyadii inuu Saddaam kumaan kunoo Kurdi ah kiimiko kuweeraray nagna kadhigay oo la'iskudayey in tallaabo laga qaado UNta waxaa ishortaagay Reagan iyo Tatcher.

Runtii mahayo erayaday isticmaaleen markay difaacayeen balse waxba kama duwanayn "Lajiifiyaanna bannaan".

Markuu Shidaalkoodii iyo wiilashoodii cigaalka qabay damcay inuu kiimiko kuweeraro Tatcher sidanay tidhi oo waan fiirsanayey markaa danbe:

(This man is evil and he has to be destroyed)

Wayna iskudayday inkastooy badh kuguulaysatay.

Gabogabodii

Walaalayaal muhiimaddu ma'aha nimanku nidaamka waa kadaacad iyo kama ah ee nimanku waxay rabaan inay diin shirki ah annaga iyo ehelkayobo nabadaan.

Ilaahow naga badbaadi aamiin.

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waranle

Unrecorded Date
Wax walboo cimri dheeraada oo aan shareecada islaamka ka ahayn waa laga xiiso dhacaa. Kuwa bahashan u ololeeyaa waxay dareemeen in lagaadhay cimri degdegii dimuqradiyada, sidaa awgeed waa in la kool kooliyaa si ay mar kale dadkii abataayd ugu helaan.
Mideeda kale maadaama ay ceebihii iyo faxshigii gaaladu uu gaadhay heer aan taariikhda dunaida soo marin, bay waxay ku qarinayaan mushkiladaas iyaga haysata.
Teeda kalena qarbiga waxaa u muuqatay sida diintoodii dadkeedii uga sii cararayaan, isla markaana ay DIINTA ISLAAMKU xoog iyo cisi kusii yeelanayso dunida daafaheeda.

Arimahaas iyo kuwo kale oo badan baa nimanka kurbo gelisey(Ilaahay cimrigooda hasoo dedejiyee)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Islaamka saxda ah waa kan ogol dimoqraadiyada.

ma xanaaqdeen!!!!!! suga hadaan idin fahamsiin.

Dimoqraadiyo waa marka ay shacbiga doortaan qofkey rabaan in ay ka amar qaataan, sida madax weyne ama xisbi. Taasna islaamka hadii loo fiiriyo ma qaldana, oo ayad quraan ah ayaa ah
( amrakum shuuraa) oo lama ogola in hal qof uu kaligiis uu dadka u taliyo.

Iraan oo maanta ah dowlada lagu tiriyo in ay islaamka ku dhaqmaan, ayaa bil ka hor dooranayey xisbiyo ka duwan oo ku tartamayo kuraasta baarlamaanka. Taasna waa dimoqraadiyad,islaamkana uu qabo in ay sax tahay.

Saxiibayaal gaal naceeb yuu idin qaadin ee hadii ay jiraan wax fiican oo gaalada ku dhaqanto waa in laga qaato. Midda kale maxaad ku diidan tahay in aan doorano dadka inoo talinayo, oo haduu wax xun sameeyo oo ka soo hor jeedo kitaabkana aan ka tuurno meesha.

Waxa wadankeena naga soo buriyey waa dimoqraadi la'aan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillah

Assalaamu calaykum

Cabdullahi dib ugu noqo hadalkaada una fiirso waxan aan qoray, igunasoo celi wixii aad kaqabto.

Dimoqraadiyo waa mabda' waana diin islaamkana way iskasoo horjeedaan oo way isburin midkood unbaana qofka u haboon inuu ku'ekaado.

Aayadda aad sheegtay waa aayad quraanka kamida laakiin dimoqraadiyo daliil u noqon mayso.

Waxay aayaddu xustay inay muslimiintu talada wadaagaan oo qudha, xitaa mayna cayim in ladoorto madaxwaynaha iyo inuu iskii u yimaaddo.

Arrinta Suudaan iyo Iiraan dibugurashada ay sameeyeen oy macnaheedu tahay shareecadii ay kudhaqmayeen ayey ama dabciyeen ama katanazuleen, wax daliila noqonmayso, islaamkana labo shayba ma'ogola in lakal qaybiyo dadka iyadoo xizbiyo laga kaladhigo iyo in dadka xorriyad aragti ah lasiiyo, sababtoo ah labadaba fawdo ayey keeni waxayna kahoriman quraanka kariimka ah sidaa awgeed lama aqbali karo.

Arrimaha ugu waawayn ee aan islaam iyo dimoqraadiyo loo midayn karin ayaa sidan ah:

Magaca oo ah dadkaa xukunka leh waana hadal baadil ah sababtoo ah xukunka ilaahbaa leh.

Xoriyadda ay siisay dadka tidhina waxaad rabtaan dhaha.

Inayna iyadu waa dimoqraadiyee ayna ilaah qirsanayn balse ay leedahay dadka ilaah qirsan waan ixtiraami oo qudha.

Inay xarrimto wuxuu ilaahay xallilay xallishana wuxuu ilaahay xarrimay.

Inay dadka sinto iyadoo ayna dadka sinnayn uuna ugu fiicanyahay ka ugu cabsida badan uuna ugu xunyahay faasiqa.

Iyo arrimo kale oo fara badan.

Intaa iyo kulan danbe

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Saxiib Xareed
Marka hore si qalad ah ayaad u fahamsan tahay ereyga dimoqraadiyada.

Ma ogtahay dimoqraadiyada waxey ka kooban tahay?.
Xoriyad diin, fikrad, waxqoris iyo doorasho dadkoo dhan ay ka qeyb galaan.
intaba islaamka wuu qabaa. oo islaamka wax qasab la yiraahdo ma jirto,

Warqadaada ugu danbeysey waxaad dhahdey.
""""Aayadda aad sheegtay waa aayad quraanka kamida laakiin dimoqraadiyo daliil u noqon mayso.
Waxay aayaddu xustay inay muslimiintu talada wadaagaan oo qudha""""".

Hadalkaada ayaa iska hor imaanayo!!!!!!

Sidey wax ku wadaagayaan??? ma afar sheeq ayaa umadda oo dhan u talineyso.

Mida kale waxaad dhahdey Iiran iyo suudaan muslimiin saxa ma ahin !!!!! yaa muslimiin sax ah, ma waxaad rabtaa sida afganistaan oo kale, oo dadka ku qasbayo in garka la sii daayo.

Saxiib nabi maxamed (SWC) waxuu dhintey asiga oo magacaabin qofkii khaliif noqon lahaa gadashiis.

Sababtana ma ahin in uu illobey ee waxey tahay in muslimiinta ay doortaan ninkii u talin lahaa.

Maxaa u diidey in ay muslimiinta ay yeeshaan xisbiyo ka duwan, oo kala fikrad duwan.
tusaale fiican waxaa ah asxaabtii sow ma aheen """"ansaar iyo muhaajiriin """"" weyna is jeclaayeen.in kastoo ay xisbiyo aheen.

Xisbiyo ka duwan oo kala fikrad ah waa loo baahan yahay, maxaa yeeley anaga bini aadam ah ayaa mas'uul ka ah nolosheena, oo dooraneyno habkaan ku noolaan laheen, inaga oo ku xad gudbin xuduuda illahey oo sameystey. Tusaale ahaan :- midkee ayaa dooran laheed labo xisbi oo labadaba muslimiin ah, xisbi dhahayo iskoolada iyo isbitaalada lacag la'aan ayaan ka dhigayaa iyo xisbi kale oo dhahayo iskoolada iyo isbitaalada lacag ayaan ka dhigayaa.

Waxa ay ku tartamayaan waa wax banaan oo ay diinta waxba ka dhihin oo bini aadamka awood loo siiyey in ay doortaan midkey rabaan.

Taa macnaheedu waxuu yahay in uu illahey dadka uu siiyey awood ay ku fikiraan oo ay ku xaliyaan dhibaatooyinkooda, iyada oo aan lagu dhicin muxaaramaadka illahey uu sameystey.

Saxiib hadalka waan kuugu badshey, is arag danbe.
nadangelyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Waddanimuslim

Unrecorded Date
Nabadgelyo iyo naxariista eebe korkiina ha ahaato dhammaan.

Walaalayaal marka hore, waad ku mahadsan tihiin afkaartiina iyo wakhtigiina qaaliga ah ee aad u hurteen mawduucan, balse talo ahaan 2. arrinta u kala saara, 1. faalada su,aasha 2. waxa diinteenu ka qabto xukun aan ahayn ka allaha xaqa lagu caabudo.

Shaki kuma jiro in qofkaan wax ku xukumin tawxiidka allah,inuu baadiyoobayo.
Balse waxaaba ila haboon basharka waxaa loo diido way jeclaadaan haddii aanay aqoon ee bal in sida walaalkeenba inoo sheegay aan dadkeenna marka hore fahamsiino ujeedada reer galbeed kaleeyahay, dimuqraadiyadda, marka xigana waxa dantooda ah kula talino/barno. Haddiise aan dhahno markiiba dimoqraadiyadda yaan laga hadlin, waxaa lumaya wargelintii shacabkeenu u baahnaa in looga digo sirta reer galbeedka.

Wabillahi tawfiiq

Walaal soomaaliyeed

Denmark

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum yaa Cabdillaahi

Waan akhriyey jawaabtaadi waad mahadsan tahay saaxiib.

Bal xaqiiqdii waxaa dhacay xoogaa isfahamdarro ah.
Arrinta aayadda sidaan hore kuugu sheegay daliil uma aha Dimoqraadiyo waxay sheegtay inlawadotashado taana waa arrin ay kudhaqmi jireen muslimiintii hore, saxaabada iyo rasuulkaba (scw) ha'ugu horeeyeene.
Taa macnaheeda ma'aha inay dimoqraadiyiin ahaayeen, sidoo kale shardi ma'haha in uun xizbiyo kala suwan ay horumar keeni ee hadday dadku ilaahay u hoggaansammaan dadaalaanna wax walba way gaadhi karaan.

Iiraan iyo Suudaan bal dib ugu noqo qoraalkaygii hore waxaan uun kusheegay inay nidaamkii hore ee islaamiga haa ay dib uga yaranoqdeen oon ulajeedo suudaanna waxy rabtaa dhawaan inay shareecada islaamka qaado amma dhammaan ama qayb. Iraanna waxay billowday inay inyar inyar u dabciso shareecadii islaamka ee ay kudhaqmi jirtay.

Hadday xun yihiin iyo haddii kale nasiibkood.

Bal dimoqraadiyo iyo islaam kala fog, waxyaabaha saldhigga u ah mabda'eeda waxaa kamida:

Qofku inuu kuhadli karo qawl kasta aanan laga joojin karin.

In dhaqaalaha kudhisam yahay Dulsaar.

Ogolaasho Warshado khamri siloo raaxaysto iyo kilaabbo

Suuqyo kudhisan Khammaar Stock markets

Maxaad kaleedahay arrintaa, hadhihin waan mamnuuci markaa dimoqraadi manoqon kartid illeen waa in meesha xorriyad taallo.

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDULLAHI

Unrecorded Date
Saxiib hadaan kaaga jawaabo xalka arimahaas,
(Qofku inuu kuhadli karo qawl kasta aanan laga joojin karin)

****Dimoqraadigada ma ahin wax kastaan sameynayaa, wax kastaan ku hadlayaa. Xoriyad kasta oo jirto waxey leedahay sharuudo, hadii aadan sharuudahaas soo buuxina, xoriyadii ayaa lumeyso.
tusaale hadaan kaa siiyo xoriyadaas:-
*Lama ogolo in aad wax cunsurinimo ah, oo aan jirin aad dadka kale ku tilmaamtid. sida yahuudo waa sidaas.ama afrikaanku waa sidaas. Islaamkana wuu qabaa taas oo hadaan ku xasuusiyo xadiiskii caanka ahaa. markii saxaabi lagu yasey ama caayey in habartiis ay tahay madoow, rasuulkana (swc) uu ku tilmaamey arinkaas jaahilnimo.
**Sidoo kale wax been ah oo jirin qof kale kama baafin kartid, waa lagu dacweynayaa, hadey cadaato in ay been tahay, xabsi ayaa laga yaabaa in aad ku gasho. tana waxaa daliil u ah in uu islaamka uu beenta mamnuucay, runtana in aad ku hadashidna la amaaney. Tusaale fiican oo arinkan ku saabsan waxaa ah in maalin cumar bin al-khadaab oo ahaa khaliifka muslimiinta asigoo qudbeynayo yiri waa in ay meherka naagaha uu ahaanin mid qaali ah, waxaa istaagey haween muslim ah oo ugu jawaabtey illaahey ayaa fasaxay ma adiga ayaa mamnuucayo cumaroow. xoriyada hadal waa mid islaamku sal u ah.

"""In dhaqaalaha kudhisam yahay Dulsaar""".
Saxiib su'aashaan way ka baxsan tahay dimoqraadiyada. oo sidaan hore kuugu sheegay DIMOQRAADIYADU WAXEY KA KOOBAN TAHAY AFAR QODOB. Su'aashaan waa mid dhaqaaleed . wadan kasta asiga ayaa dooranayo habka dhaqaaleed, Sida suuqa xorta ah, ama kan qorsheysan oo dowlada ay dagiso sixirka.
Anaga hadaan islam nahay waxaan leenahay hab dhaqaale u gooni ah islamka.

"""Ogolaasho Warshado khamri siloo raaxaysto iyo kilaabbo,Suuqyo kudhisan Khammaar Stockmarkets"".

Saxiib sidoo kale su'aashan wey ka baxsan tahay dimoqraadiyada,Tusaalena waa kaa siinayaa.
Ma la socotaa in dimoqraadiyada ka jirto mareykan iyo tan iswiidhan ama norwey ay aad u kala duwan yihiin, waxey wadaagaan afarta qodob aan kuu sheegey in ay dimoqraadiyada ka kooban tahay bas.
Tusaale:- Mareykan waxey leeyihiin madaxweyne, meesha uu ingiriisku, Sweden iyo Norwey ka leeyiin boqoro.
Norwey waa mamnuuc in wadanka lagu gado cajaladaha sexka ama joornaalada naagaha qaawan.
Sidoo kale wadanka Sweden waa ka mamnuuc in laga ganacsado qamriga, dowlada bas ayaa xaq u leh in ay ka ganacsato, si ay u koontroosho isticmaalka qamriga. Wadamada yurub inta badan iyo mareykan qof kasta ayaa ka ganacsan karo.
Sidoo kale holland waa la ogol yahay daroogada iyo sharmuutooyinka, wadamada kalena waa mamnuuc, Taas waxaa kaaga cad in wadan kasta uu xor u yahay in ay illaashadaa dhaqankooda iyo waxey aaminsan yihiin. Anaga hadaan islaam nahay waxaan leenahay dhaqan iyo diin.

Saxiib hadlka waxaa kuugu soo koobayaa sidan<:-
Dimoqraadiyadu waa shey fiican hadii loo isticmaalo hab fiican.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Coowska Jiilaal waa lagama huraan,

Wallaalayaal marka hore caadifad gaalo naceeb ah yeeysan nala tagin, taas waxeey keeni kartaa inuusan qofku ka shaqeeysiin ama ka faa'iideysan caqliga uu eebe ku manaystay.

Gaalo naceeb waa waqti lumis. Waxaan xasuustaa barigii aan dugsi quraanka dhigan jirnay, galab walba ilaa soddon daqiiqo ayaa Macalinka dugsigu ku dhumin jiray inuu duceeyo, isagoo ducada ujeedadeeda isugu soo biyo shuban jirtay "Gaalada Allaha jabsho". Bal eeg haddii qof walboo Soomali ah waqtigaas oo ah maalin walba(marka Jimcaha laga reebo) uu ooga faa'iideysan lahaa in nalagu baro aadaab wanaagsan (ex. Been ha sheegin, wax ha xadin, dad ha dilin, danta guud hala ilaaliyo, cilmiga technolojiyada ah barta iwm..)waxaan qiyaasayaa dhibka ay Soomali maanta ku jirno, inuu intaan ka yaraan lahaa.

Ha dhayalsan in cuqdadahaas ay kuugu keeydsanyihiin qeybta maskaxda ee fikirkaaga caadiga uusan gaari karin, balse mar alla markaad wax lid ku ah laguu sheego aad si difaac ahaan ah adigoon is ogeyn u isticmaaleysid.

Wallaalkeen Abdullahi kheyr Allaha siiyo isagaa wax badan faahfaahiyay, Dimuqraadiyadana macnaheedu ma ahan in fusuq la raaco ee waa in la helo hogaan fiican oo barwaaqo, nabad iyo Alla ka cabsi ummadiisa u horseeda.

Haddii fikradii aay gaalo kaaga hormareen dabcan caqligooda ayeey ku gaareen (ha diidina in umadda IQ kala duwan leedahay, oo aysan isku fahmad iyo caqlila aheyn) ee ma ahan inaad diido ee waa inaad waxii wanaag kuugu jiro ka qaadataa.

Simple xisaab ma aadan soo baran, sidee hantida dowladda ku maamuleysaa, waa inaad doorataa qof xisaab yaqaana oo kuu maamula (Macalinkeeyga dugsi quraanka lacagta bisha soo gashaa, anigaa u xisaabin jiray, inkastoo uu ku faraxsanaa xisaabta aan garanayay taasoo dan ugu jirtay, misna kuma qanacsaneen inaan iskuulka (meesha kaliyahoo aan xisaabta ka baranayay) aado subax walba.

Alxamdulilaah fakar dheer iyo cilmi ii kordhay ayaan aayar aayar uga baxayaa wixii cuqdad ahaa ee aan cilmi iyo diinba midna ku dhisneeyn ee la igaliyay yaraanteeyda, anigoon ka tagin tiirarka Islaamka.

Haddii aad diideen in Hogaamiye fiican ay umadda doorato, ma waxaad door bideen inay idiin taliyaan wax la mid ah Sadam, Boqor fahad, Khadaafi iyo Majaafadda Soomaliya ka talisa iwm.
Haddii aad kuwaas ku qanacsan tihiin, marka war ma yaalee, arrin waa "Lakum diinakum waliya diinu".

Towxiidka Allaha na waafajiyo

Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Waxaa ku raacsanahay abdullahi iyo omar....
Dadkiina leh aan dadkeena u sheegno ujeedada gaaladu ka leeyihiin demoqradiyada, marka hore maad u sheegtaan HA IS CUNINA BINIADAMKU ISMA CUNEE DUURJOOGTAA IS CUNTEE?!!!!!!!!!

gaalaa isku keen direeyso... dimoqraadiyada ujeedeey ka leeyihiin.....bla bla bla

Rag hadaa tihiin, waa kaase umadiinii wax u qabta, anagaa wax eheeyn, markaasaan waxaan rabnaa inaan eeda iska leexino.
dimoqradiyadu way noocyo badan tahay, sida kor lagu faahfaahiyayba, midse ha ku riyoonina inuu nin dabe oo isaga isa soo doortay kursi noogu soo fariisto SHIIQ IYO SHEYDAN KUU YAHAYBA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Waxaad mooddaa inay yara qalloocatay sheekada oo dadka qaar xukun iyo wax lamida dusha uga dhaceen.
Sidaa awgeed waan kagaabsaday inaan siiwado doodan. Aadbay u mahadsansyihiin dadka inta khayrka jecel walaalahoodna ladoona khayrka, inta kalese ama qabyaalad hakudhaqmeen ama dimoqraadiyo ama Feminsm ayaga ayey utaallo.

Wabillaahi tawfiiq yaa mu'miniin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum!

Dooda sidii loo rabey iyo halka aay afka saartey waa labo kala gesidan.

Waxaan la yaabanahay dadka ku sirmaya "Dimoqraadiyada"! saaxiibayaal xaggeed uga nooshihiin aduunka?

Miyeeydaanu ogeyn in maanta dimoqraadiyaddu tahay hubka qarnigan ee reer galbeedku ku gumaadaan cid kasta oo u hogaansami waaya falsafadooda & nidaamkooda fusqiga iyo gaalnimada ku dhisan?

Waxaay sheegaan in Dimoqraadiyadu ku dhisantahay 4 shay...

Freedom,
Respect
Accept,
& Tolerace,

balse xaqiiqdii qodobadaasi cid ku dhaqanta malahan. In lagu dhaqmina qofkii dood ka qaba ha sheegto. Ha fiirinin Xoggaaga yar ee dusha-sare ah ee aanu u jeedno kuna faanaan, runtii waa (the tip of the iceberg), ee gunta iyo miida hoose ee bahashan eega.

Dad waxaa jira qaba wax la yiraahdo "Islamphobia" oo ictiqaadsan in Islamku dambeeyo oo iska riixaya kana cararaya. Islaamku waa la ogol yahay wax doorasho, iyo urur sameyn balse waxaa jirta shuruud. Dib u aqriya taariikhda Islaamka iyo dimoqraadiyaddii jirtey. Islaamku waxba kama qabo in alla inta bahashu waa (dimoqraadiyadda ee) xaduudkeeda la dhaafsiin.

Waxaa cajiib fakirka Cumar e ku salaysan in cibaadadu waqti dhumis tahay!!!.

- Austria dowladeeda cusub maxay EU-du u cunaqabateysay?
- maxaa looga aamusay markii la tuuray dowladihii shacbiga reer Aljeeriya & Turkiya doorteen?
- Maxay kukala gedisan yihiin JEJNIYA & EAST TIMOR? Ileen waa isku qadiyadee, maxaa midna loo fogeeyey midna loogu gurmaday?

MAXAA DIMOQRAADIYADDII LOO XUSHMAYN WAAYEY???

Liisku wuu dheeryahay. Dadkaasi oo dhami waxaay eedeen dimoqraadiyadii (freedom, respect, accept and tolerance) the victims of today's democracy.

Waxaan idiin sheegayaa saaxiibayaal dimoqraadiyada saxda ah qof walba waa uu jecel yahay, waxa ayna taalaa ama diid ama yeel ISLAM, ee yeeysan idin hodin tan reer galbeedku. Nafitiinana u soo jiidin Shalaay.

Wabillahi Towfiiq

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu:

to akhi ansaari

walaal barakalaahu fik wazaadaka allaahu cilman wa taqwa waad saxday ilaahay khayr hakugu bedelo xaqa aad sheegtay dimoqraadiyada waxaa laga helaa diinal islam ilaahay ha inaga dhigo kuwii garta oo arka xamdilaah cala salaamana walaal.

wasalaamu calaykum waraxmadulaahi wabarakaatu

ukhtukum filaah
uma ahmed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir Abdi.

Unrecorded Date
Waxaa jira xadiis bukhaari inuu ku yaal aan jeclahay oo rasuulka ilaahey uu leeyahay: (innaga xukunka uma dhiibno ninkii yiraa haley dhiibo).iyo inuu muslim ku yaalley baa isaga key qaldan.aa uusan aheyn mid qofka iska sheegto ee la rabo wada tashi iyo oggolaasho codeed ee xagga muslimiinta ka yimaadda in loo taliyo. Dhammaan muslimiinta meeley joogaanba afduub baa lagu heystaa. dawlad la doortey ma jirto. meelana famil baa maamula, meelana wakiillo reer galbeed baa maamula. maxaa soo harey?. been idaacadaha laga sheego. mareykanka oo sheegta inuu yahay aabbaha dimoqraadiyada miyuu la hadlaa sucuudiga,kuwiet, bahrain,jordan?. bal waxey ka fakaraan hadduu midka saaran dhinto kii beddeli lahaa. wey kasii hadlaan oo ka faalloodaan. Sida dhacdey boqorkii jordan intuu jirranaa oo kale waxey dacaayad suuqa uu galiyeen walaalkii inuu yahay nin islaamka u jiljilicsan oo falastiiniyiintana jecel. waxey qasabtey in boqorkii walaac lagu beero oo xukunka uu u dhiibo wiilkiisa oo yiri (I share onething with the princes in the gulf region"the fear of islamic extrimism") (they will remove our rights from us if they get the chance). arrinta midka whitehouseka deggan iyo kan sucuudiga xukuma waa midey isla og yihiin oo hoosta ka wadaan. ISKU DANEYSI waaye sheekada iyo in la cabburiyo islaam wixii ku saleysan. iska daa wax kalee, qeybo dhan oo sirdoonka mareykana ah oo waxaa jira loogu talo galey sidii tashwiish loogu furi lahaa ololaha islaamka ee ka socda meelo badan oo dunida ka mid ah.

Qofka inuu fiiro dheer yahay ayaa habboon oo uusan iska qaadan si sahlan idacadaha iyo iskuullada waxa laga aqriyo. Dadbaa qora buugaagta fikriga agendooyinna leh. waxyaalihii iigu yaabka badnaa ee aan daawadey "ON C-SPAN" waxaa ka mid ah; The new world order and its new map!. Bal maleeya soomaaliya waxey ka yiraahdeen?!. waxey yiraahdeen dawlado badan oo AFRICA ah oo waxaa jira ay qasbi doonto in MAABKOODA LA BADDALO soomaaliyana waa ka mid. waxaaba dadka la tustusaayey maabka cusub. cajiib sheeqoow waa layaabey. Innana meeshaan baan aragnaa dad fikraddaas wata oo ku leh itoobiya hanalagu daro. Waxaasaa loo aqriyey mana oga meeshey salka ku heyso markaasey qofkii yiraah maya soomaalinimada iyo xorriyaddeenna nooga habboon, waxa lagu leeyahay waa reer hebel iyo reer hebel ama waa seef labood iyo wax la mid ah. sidaan u badannahay dad fikrado qalaad xambaarsan beynu nahay ismana ogin.

Kuwaa ku leh markey islaam maqlaan"naagahaa la gumeystaa" . Iddaacadda ayey waxey ka arkeen iyadoo la leeyahay "male muslims are dominant on islamic women and force them to wear the veil". Bal eeg hadalkaas. waa bil cagsigii islaamka wuxuu barey. ilaahey markii dumarka ay rumeeyeen ayuu yiri subxaanah" dalika adnaa an yucrafna falaa yu'deyna" (taasaa u dhow in la garto oo aan la dhibin) nabad galyadoodii ayaa lagu xirey labiskooda. maxaa yeeley dumarka waxey ragga kala kulmaan qashqashaad badan marka laga reebo kuwa asturan oo waa ka cabsadaan iney ku degdegaan. gaaladaaba xushmeysa waxkale iska daaye.

Islaamka waxey reer galbeedka ku meereysiiyaan DUMARKA iyagoo og in haddii dumarka la galafto talo faraha ka baxdey. waa hooyadii guriga, walaashii wiilka, gayaanki ninka markaasey abbaaraan iyadii oo ka dhigaan wax dhintey iyagoo la raba (SEX FOR SALE) iney ka dhigaan. Bal BIKINIGA naagaha faaniya MAXAA SHARF AHOO U LAABAN?. Taas looma arko xuquuqdii oo looga tuntey ee waxey ka dhigaan QURUX. She looks cute, She is size 4, She dates whoever she wants,. Facilitation of sex oo loo fududeeyo KANIINKII CARRURTA SOO RIDI LAHAA. Maalin dhaweyto ayaa FRANCE waxey oggolaatey HIGH SCHOOLERS TO BE GIVEN THE "OVERNIGHT " protection oo ah kaniinka la siiyo dumarka sexka ka dib si manida aysan waxba u noqon
oo u dhalaasho iyo arrimo kaloo ka badan. Arrimahaas waa la qurxiyey ninkii ka hadlana waa la dambeysiiyey oo waa reer baadiye ama xagjir.
Hadal iyo dhammaantiis waxaan kusoo gabgabeynayaa warka in qof waloow aadan fikrad iska xanbaarsanaan adoon eegin danta ku jirta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir Abdi

Unrecorded Date
Waakanaa xaddiiskii oo bukhaariga ku qoran baabka xugunka ama axkaamta.


Narrated Abu Musa:

"Two men from my tribe and I entered upon the Prophet. One of the two men said to the Prophet, "O Allah's Apostle! Appoint me as a governor," and so did the second. The Prophet said, "We do not assign the authority of ruling to those who ask for it, nor to those who are keen to have it."


Waxaa wariyey abuu musa;

"Laba nin oo qabiilkeyga ka tirsan iyo aniga ayaa u soo galney nabiga(caleyhi salaam). Labadii nin ee kale mid ka mid ah baa ku yiri rasuulka; Rasuulkii alloow iga dhig duqa magaladeyda ama madax; Markaasaa kii labadna raaciyey codisigii oo kale.(waa tartan ma u jeedda iyo xukun jaceyl) markaasaa rasuulka ilaahey ugu jawaabey" Uma dhiibno xukunka iyo maamulka kuwa weydiista(yacnii iney wax xukumaan) iyo kuwa aadka u jecel iney wax xukummaan."

wasalaam waxaan gafey walaalahaa kalaa iga toosin doona.

PS. aniga sheeq maahi xaaladdeydana ilaah baa og.

Walaalayaal arrinta xukunka muslimiinta waa sidaas oo waa iney iyaga doortaan ninkey rabaan. Ninkaan xukunka sidaas ku qabanna waxbuu xoogey isagaana ka masuul ah wixii dadka qabsada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Xareed WAXAA KA HADLEEYSAY MUXUU AHAANA?!!!!!!
Dadbaa meelkale madaxa u saaray!!!!!!!!
Walalkiis markuu qofku dood furo waa inuu ku talo galo, kommentaryo aanu jecleyn, laakiin wax ka baxsan mawduuca lagama hadlin. Qof waliba dhinucuu wax ka arkay ayuu ka arkay.

Bashiir abdi iyo Ansaari, waa idinku raacsanahay runtii waxaa qorteen, laakiin maxaan waayehee wax uga badali weeyney.
Dadkaan gaalada ah waxay ka fakaraan, miraha uu dhali doono waxyaabaha ay hada gacanta kula jiraan, qarniyo ka dib annagana gacmahaa dhabta noo saaranoo, waxay gaaladu na yeeshay (iyo waxayna na yeelinba ) ayaan ka hadlaynaa qoraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo.
waxaan aaminsanahay waxyaabaha dadka muslimiinta ah dhibaatooyinka badan ku haya waxa ka mid ah.
1-dimoqradiyad la'aan xadkii ka baxday oo maraysa inuu qofka xataa diintiisa aanu suu rabo ugu dhaqmi karin meelaha qaarkood
2-ku dhegenaanta dhaqanka (maraka qaarkood ka fog diinta), tusaale ahaan waxaa jira wadamada qaarkood shaqooyin aan gabdhohooda loo ogoleeyn laakiin gabdho kaloo muslin ah oo aan wadankaas u dhalani qaban karaan.
3-ka fakarida waxa markaas taagan keliya.

waxaan caawa fiirsanaayey program ka soo gala TV-ga Nowey ee NRK oo la yiraahdo HALLELUJA, wuxuu ku saabsanaa cunug yar oo waalidkeed lagu dilay SIRALEON (ma hubi100% wadanka inuu ahaa kaas), mid muslin ah oo cunugta keenay meesha ayaa lahaa waa kiristaamayaa..........Way dheer tahay sheekadu laakiin!!!!!
Maxaynu u qabanay dadkeena iyo diinteena QOFNA KUMA XAQIRI KARO ILAA UU ADIGA OGOLAANSHO KAA HELO.....WAA WAX LAGA XUMAADO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salamu Caleykum

Ladan,

Walaashiis dhibaatooyinka ummada muslimiinta maant ahaysta waa aay badan yihiin. Maxaa keenay ama u sabab ahna dhibaatadan markii la yiraahdo dadbaa isla markiiba maskaxdoodu ku soo dhici "Diinta"!.

Haddii aan isku dayo dhibaatada maanta haysata Ummada muslimiinta ah waxaa kow ka ah:

- DIIN LA'AAN (Diintaba maba naqaano)
- DHAQAN BAAS (rituals aan islaamnimo ku saleysnayn)

Waanu ka leexanay nidaamkii Alle inoo dejiyey, markaas baanu la nimid nidaam ku saleysan dhaqan baas, sida Gudniinka Fircooniga, dilka gabdhaha (eeg pakistan, Turkey, Carabta), wax kasta oo xun inta suubino ayaanu dhahnaa diintaa sheegaysa.

Haddii la rabo xal fiican in la helo, Islaamka xal halaga raadsho. Meel kale xal ma jiro. Waxba yaan la maqlin bahaabahaada westiga nagu haystaan.

SIDEE LAGU HELI KARAA?: Dadaal, Alle baryid (duco) iyo "optimist" oo la ahaado had iyo jeer waayo kheyr ayaa ku jira sidaa.

Wabilaahi Towfiiq

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Burhaan

Unrecorded Date
Xareed & Ansaari

Ma marka laga hadlo runta ayaad la soo baxdaan diktatoornimadiina, waa idinka dhahaya doodii baa meel kale afka loo galiyee.

Runta aan isku Sheegno haddaan Soomali nahay: Cawaan baa awoowyaasheen ahaayeen, oo markaa qolodii ku soo hormarto waxay u keento ayeey qaadanayeen. Islaamkaa ku soo hormaray (Alxamdullilaah waa qaadanay), afkii aan ku baran laheyn lama aqoon, wixii nala xifdisiiyay baan iska qaadanay anakoo caqli isticmaalin. Reer galbeed baa yimaaday waxbarashadoodii ayeey nagaliyeen wali caqli looga fakaraa inagoo meesha keenin ayaan duuduub u qaadanay. Islaamkii baa misna gadaal nalooga soo cusbooneysiiyay oo magacyo kale noola yimid Aqwaan, Islaax, Itixaad iwm, kolka ma iska qaadanaa mise waa ka doodnaa.

Soomalida dhalinyaradeeda Aqwaan bay u badanayaan oo aan wada og nahay meesha ay ka keeneen oo ah wadamada carabta ama Muslinka qaarkood oo dad diinta lagu cadaadiyay revolution ahaan u wadaan. War inagu manoo danbaa ineynu sidii xoolaha mar walba iska daba raacno, mise caqli ilaah na siiyaan raacnaa.
Surweelka hala gaabiyo, Garka hala daayo, Ataxyaadka farta hala nuunuuxiyo iyo wax la mid ah oon la soo koobi karin oo maanta markaad u eegtid dhibka Soomaliya ka taagan aysan aheeyn xataa wax la magacaabo ayaa maanta dhalinyaradii iyagiina waqti isaga dhuminayaan, ummadii Soomaliyedna ku xagxaganayaan.

Dhalinyaro isku noqdoo bal maxaa Soomali dan u ah is weydiiya, oo sidii balaayadan na haysata xal loogu heli lahaa waqti siiya.

Raali ahaada hadaan dadka qaarkii ay u qaataan xumaan warkeeyga, laakiin wax iga yaabiyo ayaan arkaye: Habeen baa nin Sacuudiga diinta ku soo bartay igala murmayay qiso ku saabsaneyd nabi Muuse hooyadii. Balse markii aan u sheegay oo aan idhi war nabi Muuse hooyaddii waqti aan kaga murano ma joognee aan ka hadalno danteena guud iyo midda Soomaliya. Kolkaasuu igu yidhi Bidci baa tahayo Gaaladda warkeedaad qaadataa, isagoo ula jeeday Sheeko taa ka horeeysay ee Dimoqraadiyadda ku Saabsaneyd.
Marka wallaalayaal dadka aqwaanka isku tirshoo isku noqda, oo wixii ummada dan ugu jirto oo la taaban karo kala dooda.

Ilaah ha noo naxariisto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
salaamu Caleykum

Burhaan,

Saaxiib Burhaan waxaa laga hadlayay DIMOQRAADIYADDA, xaggeed nala aaday?

Dimoq. maanta reer galbeedku sheegto dadka ku qanacsan miyaad tahay mise what? Haddii aad ku qanacsan tahayna cadeyn miiska soo saar.
"Wadaad ayaa bari saa yiri iyo wadaad baanu doodnay" ha fiirininee fiir Dimoqraadiyadda taala Islaamka Vs Western democracy.

Taas ma araki kartid?

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Anigoo kayara haajiray boggan ayaan arkay nin magacayga xusay aadna mooddo inuu su'aal nawada waydiiyey.

Aan umahadnaqo muslimiinta sida fiican usiiwadday dooddan noolaysayna sida Ansaari, UmAhmed iyo Bashiir Abdi.

Burhaan waan kusalaamay

Horta meesha aniga waxaan usoo galay dood laga doodayey Islaam iyo Dimoqraadiyo oo wax kale uma iman haddii hadallo aan meesha oollin lasoo galiyo mawduucu xiiso yeelan maayo marka arrimo badan baad xustay meel laga billabana lagaran maayo iyo mid luguugu jawaab celiyo marka bal hal ku ekoow.
Arrinta Akhwaan iyo islaax iyo itixaad waa magacyo lasammeeyey sidii Qaadiriyo iyo Saalixiyo waxa muhiimka ah waa dhamnbaalka ay sidaan, sidaa awgeed meesha shareeco iyo dimoqraadiyo ayaa la'isla hortaagan yahay ee kaqaybqaado. Hal shayna ogoow way dhici kartaa inay dad wadaado ah dhib sababeen ama ayna wax u qaban sidii laga rabay bal dhibaatada iyo dibudhaca mujtamaca haysto maanta wadaaddo ama haka sheekeeyeen Nabi muuse ama nabi ciisee wax saa u waynooy kuleeyihiin majirto xalkana xaggoodaad mooddaa in lagasugi waayo bal ufiirso dadba yaa kadhaqan waa kuwaa aad xustay Alislaax Alitixaad iwm
Cilmiga diintana waa arimahaa aad sheegtay farta lanuunuuxin lugta bidix ee lugu fadhiisan marka la'ataxyaadsan iyo qisada nabi muuse iyo hooyadii waxaa taai daran maalin walba tobanaan jeerbaan akhrinnaa qisadaas, waana wax nala amray

Waad mahadsansantahay Burhaan

Dadka guud ahaan:

Markii shay lagawado hadlo in uun dagaalka soomaliya foodda ladaro ma'aha oo lyidhaa abaarbaa jirta nagbaa la'iska dhigay iyo guryaa lagubay iyo dadkiibaa rafaadsanee wax halla qabto iwm.
Halkan uma joogno inaan dhibaato soomaliya xallino dhibaatada soomaliyana halkan luguma xallin karo qofkii wax inuu kaqabto rabo ha'aado Shirka Jabuuti halkaasaa looga wadohadlayaaye, arrinta xukunka ee lala ordayo iyadana naga dhaafa markaan u dhawaanno xukun ayeynu kadoodi, waayo dad iyo dal iyo diin midna gacan kumahayno Itoobiya ayey gacanta ugu jiraan dhammaan.

Meeshan dad dhibaataysan oo caqligoodii iyo diintoodiiba dhibaato foodda usaaran tahay ayaa waxkala faa'iidaysanayo marka qofkii awooda inuu wax faa'iido leh dhiibto hadhiibto qofkii aqoontiisa yartahayna hafaa'iidaysto meeshan waxa lugu qoray waa wax aad muhiim ugu ah siiba dadka kudhibaataysan qurbaha.
Qoraalkaygan danbe su'aal kusaabsan kajawaabi maayo ee mawduuca wada
Waad mahadsantihiin

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cajabo

Unrecorded Date
Salaamu calaykum

Walaalayaal in yar baan ku dari lahaa. Democracy waa wax ka soo baxay dalka Greece siiba waxaa asaasay Plato nin la yidhaahdo. Waxuu ahaa nin "philosopher" ah. Waxaa fiicaan in la ogaado waxii sameeyay. Waxuu ahaa nin makhnuud ah oo caan ah oo waxaa ka mid ahaa xataa fekradiisa in markii hore la isu sameeyay ragga oo cadho ku dhacday oo dumarka raaceen. Waa sheeko dheer aan iminka faahfaahin karin. Kolkaa waxaan qabaa mid " democracy is in the hands of the rich man." Waxaa idinku filan tan ka taagan USA. Lobbyist rag la yidhaahdo baa xukuma siyaasada oo ilaalinaya danta dadka lacagta leh. Wadankaa maskiinka qiimo ma leh.

Kolkaan akhristay siirada Rasuulka (SCW) iyo khalifaatka ka dambeeyay oo Cali iyo Cumar (Ilahay raali ha ka noqdee) ayaan ogaaday xukunka saxda ah oo wacan inuu yahay kan Islaamiga ah. Maxaan ku faleena sharci iyo fekrad binu aadan ka timid anagoo heesana tusaalo wacan oo ah kii Rasuulka (SCW). Xataa rag gaalo oo wax ka qoray waxay yidhaahdeen aan iminka ka xasuusto: the best example of a leader and government based on capitalism and socialism. Free speech. And the best judicial system. Aduunka kale kama dhicin.

Ilahay xaqqa ha na garansiiyo. Diinta in kooban baan kaa aqaan. Laakiin shaki iigama jiro xukunka islaamiga ah oo saxda ah inuu yahay mid aad iyo aad u fiicaan. Ilahay wadankeena ha ka dhaliyo. Tan kale ka warama Algeria: umadii dooratay xisbiga FIS oo loo diiday xukunka? Galbeedka kolkuu doono ayuu yidhaahda dembi baa laga galay democracy iwm. Mobutu CIA iyo USA baa ku heeyay dalka dadkoo gaajeesan. Kolkaa waxaa jira mar walba "double standard". Calaamada munaafiqa.

Walaalayaal raali ahaada hadaad ku wareerteen qoraalkayga. Ingiriisi badan baa ku jira!

Peace

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Unrecorded Date
Doodu waxey u eg tahay in dhalinyarada inta badan isku raaceen in dimoqraadiyada ay tahay sheey fiican oo islamkuna ogol yahay.


Ansaar
nin ka mid ah dhalinyarada DIM ka soo hor jeedo ayaa yiri sidan isaga oo u dimoqraadiyada caaynayo.


- maxaa looga aamusay markii la tuuray dowladihii shacbiga reer Aljeeriya & Turkiya doorteen?
- Maxay kukala gedisan yihiin JEJNIYA & EAST TIMOR? Ileen waa isku qadiyadee, maxaa midna loo
fogeeyey midna loogu gurmaday?
MAXAA DIMOQRAADIYADA LOO XUSHMEEN WAAYEY?


Saxiib waxyaabo badan ayaa loo baahan yahay, in aad fahamtid, oo muslimka iyo gaalada ka dhaxeeyo.

* waxaan isku nahay CADOW iska soo horjeeda,
Taas macnaheedu waxuu yahay in ay sameeynayaan wax alla waxey awoodaan oo abuuraya burburkeena.
Anagana sidoo kale oo waa neceb nahay, inkastoo dhaqaalo iyo caqli badan oo ku burburrino aynaa heysan, tusaale fiican:- jimco kasto salaada jimcaha waa habaarnaa,

Sidaa awgeed doodaada sal ha oga dhigin in aad dhahdid,( Fiirsha gaalada wey ina neceb yihiin )
Tusaalayaasha aad soo qaadatey, waa ku qosley,
maxaa yeelay waxaad tahay nin cadowgiisa axsaan ka sugayo, maalin kasto oo jimco ahna waad habaareysaa, in ay kuu ixsaan falaana waa ka sugeysaa.

Waxaa filayaa in aad intaas ku cibro qaadatey.

nabadgelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BASHIR ABDI.

Unrecorded Date
Assalaamu caleykum dhamaan.

Ladan.

Waxa wax looga qaban waayey waa towfiiq la'aan iyo in arrinta aan loo deyn dadka cilmiga u leh iney xalliyaan. Dhibaatada dagaalka qabaligana raci. daneystayaal dadka ku dhex jirana ku dar. faham aan saxsaneyna waa jiraa. qof cilmi yar oo isaga uun raba in wax laga maqlona waa batey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Unrecorded Date
Abdullaahi.

Hadalka dhallinyarada waxaad u fahamta xagga islaamka. Guud ahaan xukunka muslimiinta "ILAAHEY BEY UGA DAMBEEYAAN".

Gaar ahaanna ninkii fulin lahaa "WAA INEY IYAGA DOORTAAN". Waxa lagu dooranayaana maahan wax kalee "WAA ALLA KA CABSI" iyo inuu kasoo bixi karo masuuliyadda ammaanada xukunka iyo wixii raacsan.

"Wa amruhum shuuraa beynahum" ayuu ilaahey yiri. Muslimiinta arrinkooda waa wada tashi. Marka demoqraadiyaddaan reer galbeedka waa mid ka gaar ah xorriyadda islaamka qofka u oggol yahay. Xorriyadda islaamka waa mid loo adeegsado horumarinta "WANAAGGA" lagulana dagaallamo "XUMAANTA IYO FISQIGA". Mareykanka kasoo qaad, waxaa qof walba loo oggol yahay wuxuu doono inuu ahaado, siduu doonana u dhaqmo. Taas islaamka ma oggol yahay?. Waa maya. Maxaa yeeley XAD baa jira loo dajiyey XORRIYADDA insaanka. Quraanka wuxuu na barey in bani'aadamka wax xun iyo wax sanba laga helo haddii la fasaxana oo aan la koontaroolin fasahaad imman karo. Waana SABABTA XUKUNKA ILAAHEY LOOGU DAAYEY si bani aadmigii uusan wuxuu doono isaga dhaqaaqin isagoo daliishanaaya xorriyadda burburka keenta ee maanta dunida laga xayeysiiyo.

Tusaale: hadduu qofka khaniis rabo inuu noqdo reer galbeedka waa oggol yihiin maadaama insaanku xor yahay. ISLAAMKANA: ilaahey wuxuu inoo sheegey iney AKHLAAQXUMO tahay waxaas oo dad dhan loo halaagey. Qowmu luudh TAARIIQDOODII AKHRI oo quraanka ku taal. Sababta ilaahey noogu soo guuriyey waa inaan sidoodoo kale la iska sameyn qofka wuxuu doono. Ee la ilaaliyaa sharafta TAFIIRTA INSAANKA iyo FIDHRADA waxa la yiraahdo "INSTINCT".

TUSAALE KALE:

Haddaad qof disho demoqraadiyadda sidey u badan tahay waa xarig ama xabsi daa'in oo qofkii isagoo nool uu misana yahay qof dhintey oo kale. Cafis ma jiro. waa sidii loo xukumey qofka.

Islaamkana: Marka horeba taladaada waxaa iska leh REERKA WAX LAGA DILEY go'aankoodana waxaa fulinaaya DAWLADDA ISLAAMKA. Haddii reerka ku cafiyaan waa sidii laguu cafiyey, Haddey doonaan LACAG BEY SHEEGAN KARAAN ama MAGDHOW/DIYO. Bal is bar bar dhig LABADAAS XUKUN. Kee jaanis badan. Ninkii wax ku dari karo ee walaalaha kale ha iigu daro. Walaal marka xukunka sidaasuu u kala fiican yahay. islaamku waa caddaalad qofka la dulmiyeyna xaqiisa usoo dhicisa kan wax dulmiyeyna FURSAD KALE SIISA.

Dastuurka YURUB badanaa waa islaamkii oo MODIFIED ay ka dhigeyn oo ay barxeen si foolxun. Waxaana dawladdii islaamka aheyd EE SPAIN jaamacadaheeda dhigan jirey DADKA YURUB OO DHAN SI EY SHARCIGA UGA BARTAAN KA DIBNA WAXEY U TARJUMEEN AFKA: faransiiska, talyaaniga, laatiinka si ey u isticmaalaan. Haddaad baarbaarto taariikhda yurub islaamka wax badan bey ka koobbiyeen oo ka faa'iideysteen ee walaal sidaa aan isu fahaanno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Abdullahi,

Walaal, su'aashu waxaa weeye Dimoqraadiyadu westiga ma kafiican tahay dimoqraadoyadda Islaamka taala?

Waad qososhay soow maahin, markii aan is iri bal TUS sida aysan u shaqeynayn Dimoq. Westiga?

Walaal, markii aan soo qaatay tusaalooyinka xunxun ee laga hayo Dimoq. Westiga (Cudurka Aduunka)Waxan lahaa bal xoggaa wax xasuusi oo tus balse isma dhahayn Abdullahi ka qoslisii!.

Ninba waxbuu ku qoslaa!.

Saaxiib, annigu meelna kuma qorin WESTIGU ha ii asxaan falaan, ma fahamtey balse waxaan ku tusinayey in aadan aaminin BAHAA-BAHAADOODA.

Xoriyadda Islaamka taala ma aaminsan tahay, maya ama haa?

Markaad ka soo jawaabtid, ayaan warkale kuu hayaa.

Wabilaahi towfiiq.
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullaahi

Unrecorded Date
ansaar

jawaab haa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
bashiir abdi
Dimoqraadiyada waa in ay awooda leeyihiin shacabka, dadkuna ay doortaan ninkii ay ka helaan

anaga dad muslim ah ayaa nahay, oo leh dhaqan diin iyo akhlaaq. shacbigeenana ma dooranayaan nin diinta dhibaato u geysanayo.
Tusaale :- adiga nin fasahaad wado ma dooran laheed.

nabad gelyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismaaciil

Unrecorded Date
asalaamu calaykum.

Runtii maanan wada akhrin mawduuca laakiin wax ayaan ka fahmey,mana doonaayo inaan qof u jawaabo laakiin waxaan rabaa inaan ka hadlo fikradayda.

Aniga oo aan arar la imaanayn hadalkana ka raacaya muhimadiisa waxaan leeyahay.

Dimoqraadiyadu waa nidaam kaas oo loogu tala galay in umadi kunoolaato waana xukunka shacbka ayaa leh waxay rabaan ayaa looyeeli waxaysan rabina masoconayso,waana asaasiyaadkeeda,marna diin ayay noqotaa iyo wax la ictiqaado.

Hadaba Islaamku waa arinkaas khilaafkiisa Xukunka shacabku maleh ee Allaah ayaaleh Allaah wuxuu yiri(Xukunku allah ayuu usugnaaday)suuratul yuusuf) hadaba su,aashu waa allah markii uu ina abuuuray inoona sameeyay waxkasta oo aan ubaahnayn oo aduunka ah makategay nidaamkii iyo sharcigii jawaabtu waamaya allaah waxaa usugnaatay tusaaale sare hadaan mathal usooqaadano ninka sameeyay mashiinyar noocoodoono ha ahaado kaba soo qaad Mopile Phone miyaanuu kusoodarin buug ah habka loo isticmaalayo kaas oo aad aad u akhridid,jawaabtu waa haa hadaba Allaah sharcigaan dhamaystiran oo ina siiyay rasuulkiisana(scw) inoo ku soodhiibay Miyaa mudan inaan raacno mise mid allaah inkirsan miduu inoo smaeeyay jawaabta adaan kuu daayay.

hadaba walaal ma haboona inaad niyada ka jeclaatid nidaam aan ahayn kii rabi,waxaadna ogaataa inay khadiir tahay arinkaasi,waxaana jeclahay inaan mar soo qoro.

Anigu magelaayo dadka dimoqraadiyada ku dhaqma foolxumada ay baday waxaa inankaga filan buugii uu ka qoray Jamess Becker ee uu kaga codsanaayay kaniisaduhu inay dadka badbaadiyaan wixii kadenbeeya Mellaniumkan.

Walaal ansaari salaan gaara ayaan ku salaamay
Walaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ismaaciil

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.

Waxaan hadalka ugu soo laabtay wxaan ilaabay arinka uu codsaday walaalka bilaabay moduucaan, waxaan isku deyi sbabta ay ula wareegayaan dabka dimoqraadiyada inaan wax ka tilmaamo aniga oo aan fogaanayn oo kasoo bilaabaya meelo dhaw-dhaw sida shirkii Qaahira ee 95tii.


waa inoo kulan danbe
wasalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salamu Caleykum!

Cabdullahi,

Waxaad sheegtay in aad aaminsan tahay xoriyadda taala Islaamka, marka walaal dimoqraadiyad xaggaa ayeey taal ee ka raadi, haddii hadalkaasi run kaa yahay.

Annigu waa la yaabaa dadka aaminsan WESTIGA cudurkiisa in uu yahay nolol & raaxo lagu nagaanayo.

Markaa Walaal Cabdullahi aanu hilmaamno sheekadan Demoqr. ah ee aanu iska warsano mida wacan ee uu Allaah nagu galadeystay ee aanu inkirayno.

Wallaahi!, haddii aad dhadhamin lahayd inaad ka fuqdeen. Ee Ilaah ha inoo gargaaro hana ina dhadhansiiyo macaanka Islaamka, kulligeen, muslimiinta oo dhan.

Arag meesha uu cudurkan baas kala dhacday Westiga. Xayaatadey maanta aanu isleenahay waay nagu dhaamaan maxay tahay?

Walaal aduunkan Alle inooma keenin KIBIR iyo HANQALTAAG, ee wuxuu inoo keenay CIBAADAH. Waxaanu leenahay XADUUD aanu dhaafi karin. Gaaladu isku dayday inaay dimoqr. xaduudkaasi ku gudubto maxaa ka raacay, eeg waxa haysta maanta, miyaadan arkin?

Annigu ma ahi dimoqr. diid, ee WESTIGA ayaanu isku dimoqraadi ahayn.

Wa Salaam
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalamu Caleykum!

Walaalkay Ismaaciiloow...

..waan kaa qaaday, sidee tahay bro? Runtii annigu shaqsiyan waxaan ahay dadka halkan kaa tabay. Soo dhawoow brother.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir A.

Unrecorded Date
Ansaari assalaamu caleykum brother.


Abdullaahi.

Xorriyadda aan isla fahanno. Qofka muslimka xorriyad wuxuu leeyahay intuu ilaahey u oggolaadey oo kaliya. ka badan ma leh.

"inil xukumu illaa lillaah amara allaa tacbuduu illaa iyaah". Xukunoo dhan ilah baa leh wuxuuna amray inaadan caabudin waxaan isaga aheyn. haddaan aayaddaa si fiican u xusuustey, waxey innoo sheegeysaa in xukunka ilaah leeyahay.

Rasuulkana waxaa la faray "wa anixkum beynahum bimaa anzalalaah" ku xukun dhexdooda wuxuu eebbe soo dajiyey. marka waa farriin qofka madaxda mar kasta looga baahan yahay inuu fuliyo.

Xagga xukunka iyo dastuurka muslimiinta xorriyad aan aheyn islaam malahan. sidaasan u fahmey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
Assalaama calaykum.
Dad badan baa fikradooda meesha ka dhiibtay laakiin waxaad moodaa in aan lakala fogayn.
Aniguse waxaan rabaa in aan bidhaamiyo fikrad meesha aad moodid in ay kamuuqato markii hore waxaan is iri waa indhahaaga hadana way soolaabatay taasoo ah.
IN LA'IS DHEX DALINAYO ISLAAMKII IYO DIMOQUQURAADIYADII.
waxa looyaqaan DIMOQURAADI IYO ISLAAMKU shaqo iskumalaha dadka qaarba ku oranaya dimuquraaydida islaamka bal labada eray fiiri micnahooda asalka ah ISLAAM waa hogaansan iyo in uu qofku eebihiis adoon u yahay oo asaga wax walba looga danbeeyo, DIMOQURAADI waa dadku waxay rabaan hasameeyaan marka marna masuuroobayso in aad noqoto muslim hadana dimoquraadi ah.
midakale oon rabo inaan yara iftiinsho waxay tahay islaamku waa nidaam balaadhan bahashaana(dimoqr.) ayna waa nidaam niman samaysteen marka waa lagayaabaa in ay meelo iska soogalaan markaas ookale waa in aan teeni haysanaa ee ma'ahan in waxa qalaad afka naloogaliyaa xataa xaga erayada waxaan kawadaa xataa hadii aytahay arin islaamku ogolyahay ma'ahan in aan dhano dimuquraadiyada islaamka, sababtoo ah eraygaan asal umalihin dabcan micnana waa xambaarsanyahay ee waa inaan niraahno islaamkaa arintaas qaba, waxaa laga yaabaa in ay adkaato sidaan wax u cabiray hadalkiina waan badiyay ee tusaale aan bixiyo.
sharcigu ama islaamku markii uu yimid salaada cishaha wuxuu bixyay SALAATUL CISHAA markaasaa nabigu salallaahu calyhi wasalam wuxuu maqlay dad kumagacaabaya AL-CATAMAHA deedna nabigu salallaahu calayhi wasalam wuu inkiray arintaas waliba waxaa lagayaabaa in ay labada eray iskumacno tusinayaan markaasuu wuxuu yiri hadal uu micnihiisu ahaa YAYNAN REER BAADIYHU IDIINKA ADKAAN MAGACA SLAADIINA. marka waxaan oogajeedaa yaan wax walba afka naloogalin wixii aan horay uhaysanay baa asal ah waxaad maqlaysaa dad markay arkaan cadaalada islaamka ku oranaya waa domoquraadi reer galbeedku waxay wadaan in ay wixii fiicanoo dhan kumagacaabaan dimoqr. si bahasha loo qurxiyo.
wabilaahi tawfiiq.
wasalaamun calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalamu caleykum,

Allaale,

Walaal waad mahadsan tahay, waana kugu raacsanahay in micniyan kalmadan DIMOQR. lala dhigi kairin Islaamka, waayo haddii la fasiro waxaay noqoneysaa "Xukunka shacabkaa leh" halka Islaamku lee yahay "xukunka Allaah baa leh" sidaa waan u ogsoonahay.

Maadaama dadka badankiisu DIMOQR. loogu sheegay in aay tahay XORIYAD & MADAXBANAANI ayaan ereygaa sidaas u soo qaatay oo u iri: "dimoqr. saxda ah waxaay taal ISLAAMKA" anigoo ula jeeda xoriyadd ka raadi Islaamka.

Balse waa sax. Xukunka Allaah ayaa iska leh, bini'aadam (laciifoow) waxba malahan.

^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^
Bashiir Cabdi, Wa calaeykumu salaam akhee kariim.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Dadka badankiis waxey u muuqdaan in ay dimoqradiyada uga cararayaan laba waxyaabood:

1) Xukunka Alla leh ee shacbi ma leh. Tan waxan ka oran lahaa, Islaamka gudihiisa waa mid aan hadal ku jirin, balse waxaa dimuqraadiyad ka galay ayaa waxeey tahay ciddii Xukunkaas Alle nagu hogaamin laheyd ma si xoriyad ku jirto ayaan u dooranaa mise afduub ama boqortooyo ayaan ogolaanaa?

2)Dimuqraadiyadda reer Galbeedkaa si xun ugu dhaqma. Taasi waa jirtaa in waddamada reer galbeedku ay dimoqraadiyadooda u fasaxaan waxyaabo diinteena ay ka soo horjeedo, balse waxaa muhiim ah waxii nacfi ku jiro diinteenana ay ogoshahay inaan ka qaadano inta kalena ayaga u deyno.

Dimuqraadiyadda aan diinta Muslimka ka horimaaneyn waa Cilmi la ina dheeryahay, Nabigeenana (SCW) wuxuu ka dardaarmay in Cilmiga barashadiisa lagu dadaalo. Kolka ma ahan in cadiifad gaalnimo naceeyb in cilmiga looga cararo. Haddii aynu sidaa sameeyno xagee beynu ka dambeeyni?


Omar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdullahi

Unrecorded Date
Cumar
Saxiib waxaa tahay nin fahmey diinta islaamka iyo nolosha aduunka.

walaalaheen Wali waxey fahmin macnaha dimoqraadiga, iyaga oo ka yimid dowlad magaceedu ahaa sidan.
-----JAMHUURIYADA DIMOQRAADIGA SOOMALIYEED----

Oo markaad ku nooleedeen somalia sidey aheeyd?.

Mida aan idiin sheegeyno waa tii oo kale, oo waliba wixii xun laga saarey,dad kitaabka ku dhaqayana la doorto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
TO.Omar.
Islaamku wuxuu leeyahay nidaam lagu doorto dawlada iyo maalmulka oo kaduwan dimoqr.marka maxaa ina dabagaliyay dimoqr maxaway idinla tahay in aykafiicanthay nimdaamka islaamka?.midna ogaadaislaamku maqabo afduub iyo xukun dhaxaltooyha midna,dadka qarbaa markii islaam lasheego uqaadanayaa waxa kajira dalal carabta iyo dunida muslinka oo aad oogafog islaamka dhabta ah.
midakale sidaan horay usheegay dimuquraadiyadu waa nimadaam balaadhan qaybo badan ayuu leeyahay ma'ahan xukunka oo kaliya wuxuu soogalayaa nolosha qayska tarbiyadii caruurtii wax walba kiligoodna waa wax manhajkii islaamka khilaafsan.
marka aad leedahay wixii islaamku uusan diidayn aan kaqadano maxaan kaqaadanaa horaybaan ba uhaysanaye, wuxu ma technologi baa mise waa nidaam?.
Islaamka aan barano.

Ansaari.
waankufahmay akhii baarkalaahu fiika.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandanefiya

Unrecorded Date
To: Allaale
Walaal waxaa aad tiri Islaamka wuxuu leeyahay nidaam lagu doorto. Islaamka ma qabo/ma leh.
Dib aan u noqono Taariikhda Islaamka.
Aniga oo soo gaabin doono taarikhda.

Nabi Muxamad (scw) goortii uu dhintay, ayaa laga dooday ninkii hogaanka loo dhiibi lahaa.
Qolo ayaa tiri Abu Bakar ayuu ugu jeclaa Rasuulkii
(SCW) ee haloo dhiibo. Iyo calaamado kale, sida in Imaam noqday salaada markii rasuulka u jiranaa.

Abu Bakar Isagana waa dhintay (RC), in tii usan dhiman Abu Bakar (RC) Ayuu magacaabay in u hogaanka CUMAR IBN KHATAAB qabto.

U fiirso waa laba marxaladood oo aan isla heeyn.

Cumar (RC) waa la dilay, isagoo sakaraad ah ayuu magacaabay 6 asxaabta. Oo wuxuu ku yiri"ordayaa oo nin idin ka mid ah soo doortaa". Ugu danbeeyntii waxaa la soo doortay CUSMAAN IBN CAFAAN (rc).

Sayidinaa Cusmaan isagana waa la dilay.
Jah wareer ayaa dhacay. Ugu danbeeyntii Khilaafadii muslimiinta waxaa qabsaday, CALI IBN ABII DHAALIB. Wakhtiyar ka dib Cali (RC) waala dilay.

Intaas waxaa la isku dhahaa Khilaafa Raashida, waxeeyna ku koobneeyd mudo qiyaastii 30 sano.

ALLALE: bal fiiri inta marxaladood oo la soo maray oo kala duwanaa habkii la isku doortay.

Khilaafadii waxaa qabsaday MUCAAWIYE IBN SUFUYAAN (rc).Wuxuu bilaabay wax cusub oo muslimiinta ayna aqoon oo ah BOQORTOOYO. Mucaawiye inta uu san dhiman wuu u doortay wiilkiisa in u dhaxlo......

Walaalayaal taas sax meey aheeyd....MAYA, Sidaas awgeed wuxuu ka leexiyay maamulkii qaabkii lagu yaqaan.

Ka dibna waxaa isku dhiibay 3 qabiilood oo kala ah CABAASIYIINTII, UMAWIYIINTII IYO CUSMAANIYADII.

Marka islaamka ma leh nidaam wax loo doorto, ee aan ka qaadano reer galbeedka habka doorashada kali. Oo ah shacabka in u ogol yahal ciddii maamuleeyso. Haddii kale jabhado ayaa bilaabanaaya.

Maxaa Jabhadaha ku badiyay dunida muslimka oo reer galbeedka u diiday??????????????.. Cod baa lagu kala qaataa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
to.skamdanefiya
waxaad kuhadashay QAWLAN CADIIMAN markaad tiri Islaamku malahan nidaam dawlad lagu doortee aa reer galbeedka kaqaadano nidaamka doorashada.

taariikhdiina waad sheegaysaa mana ka faa'iidaysanaysid, camalkii khulafaa'uraashidiinta
waa waxii naloo dardaarmay waana in aan raano.

sidaas daraadeed hadii ay qaabab kaladuwan dawlada usameeyeen kuli waa wada suno iskana hor imaanmaayaan.
doorasho way leedahay islaamku laakiin ma'ahan tan reer galbeedka oo kale ee waxaa kufilan in ay doorashada sameeyaan waxa islaamku u yaqaano ulul xali wal caqdi dadka kalana waa in ay raacaan.

midakale markaad leedahay aan reer galbeedka kaqaadano miyaadan ogayn nidaamkoodu yahay in uu qofku isi shoosharaxo ayadoon waliba qofkasta isi soo sharixi karin islaamkuna uusan madax kanoqon qofkii isu soo sharaxa madaxtinimada.
mawaxaad laadahay aan badalno sharcigii islaamka badalkiinaa xumaaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Unrecorded Date
Allaale.

Jazakallaahu cannaa kheyran.

Skandaneefiya.

Nin yohow ka fiirso. Kalimad kula yar oo ilaahey agtiisa ka weyn ayaa jirta. Waxaad tiri islaamka nidam wax lagu doorto ma leh. QOWLKAAN AAD BUU NAXDIN U LEEYAHAY. Sidee waxaan nidaam wax lagu doorto laheyn loo dhihi karaa "DUNIDA HALAGU XUKUMO"?. Waa su'aal.

Ma rumeysan tahay islaamka inuu kaamil yahay?.
Haddaad rumeysan tahayna kaamilnimada macnaheed?.
Islaam in wax lasoo deynsado ma u baahan yahay?.

Akhii diintaan sharafta haka dilin :"Alyowma akmaltu lakum diinakum wa atmamtu caleykum nicmatii waraliitu lakumul islaama diinan".
"caleykum bisunnatii wasunnatul khulafaa'urashidin
cadhuu caleyhaa binnawaajid".

Asxaabta wax waa doorteen si beyna u doorteen iyaga aan ka raacno. Doorashadoodana maaheyn mid iyaga is sharxaan EE WAA LAGU QASBI JIREY INEY XUKUNKA QABTAAN IYAGOO KA CARARAAYA. Waaba laga digey xukun loo cararo oo fitanta islaamka waxa dhaliyey bey ka mid tahay. Marka akhii hadalladaada kuwa diinta waafaqsan ha ahaadaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandanefiya

Unrecorded Date
To: Walaalkeey Bashir Abdi
Walaal haddaan kaaga jawaabo su´aala haada.
Waxaan rumeeysanahay in Islaamka u yahay mab´da
kaamil aah, oo bashariyadda lagu dhaqo.

Ee ma aadan i fahmin.................

Aniga waxaan ka hadlaaya ninka nagu hogaamini doono mab´da aan soo sheegay,shuruuda laga rabo
iyo yaa noo doori qofkaas???????????.
Ma adaa noo doori mise anaa noo doori ??? iyadoo ummadda muslimka ay tahay 1 balyan.

Midaa kale, waxaan kaa rabaa AAYAD ama XADIIS nabi, oo qeeyxaaya habka muslimiinta hogaan u dooranaayo. Maxaa yeelay, haddii u jiri lahaa 4
qulafo ma kala duwanaani lahayeen, nidaamka doorashada.

Waxaa ka muuqdaa meeshaas, in mid walba oo 4 taas ka mid ah, u IJTIHAADAY (dadaal diineed). Laakiin
haddii ay is waafiqi laheeyd 4 tooda, waxa ay noqoni laheeyd diin, sidii rasuulku yiri "waxaan idin kaga tagay sunadeeyda iyo sunada qulafaa u raashidiinka" sidaas oo kale ayuu yiri.

Marka walaal anagana waan IJTIHAADI karnaa, maxaa yeelay, IJTIHAADKU waa furan yahay ilaa maalinta qiyaame.

Haddii kale waxaa imaan sidii dhacday, 400 oo sano hal qabiil isku dhiib dhiibo, TAAS SAX MEEY AHEEYD. Kitaab u qoray Sh: MUXAMED GHAZAALI (Axyaa culumu diin) wuxuu ku yiri "Cadaalad ma ay san aheeyn in ka badan 800 oo sano ay isku badalaan 3 qabiilood".

Marka walaal yeesan nagu dhicin taas mar kale.
Umadda muslimka marka ay ku rabto waad na maanuli,
hadii ay ku nacdo weey ku ridi. Halkaas waxaa ka dhamaani kaligii talis diineed (istib´daa bi ismi diin)

Walaahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Qamar

Unrecorded Date
ASALAAMA CALAYKUM YAA MUSLIMIIN

Waa idin salaamay salaan ka dib waxaa cajiib ah waxa isaga xiran diinta muslimka iyo cilmiga aad sheegaysaan?:

Waxaa kale oo aan la yaabanahay waxa kalifay inagoo dad muslim ah waxa aan ugu ciyaareyno diinta muslimka oo ah wado cad oo aan saxar madow lahayn oo qof walba oo caqli leh dareemayo in ay sax ka tahay dhan walba.

Waxaa kale oo ay ila tahay cilmiga aad sheegaysaan in uu yahay wax isbadalaya hadbana muderad kale la soo baxaya diinta muslim,ka se waxay ku taagantahay marwalba dariiqii iyo sidii ay marwalba ahayd

Wwaxay ila tahay cilmigu in uu xumeyn in la bartooo waa waa wax loo baahanyahay hadana kuma soo simi kartaan ama isma soo barbar dhigi kartaan diinta muslimka iyo cilmiga aad sheegaysaan tan kale waxaan filayaa qof walba oo fakaraya ama caqli leh in uu garanayo qiimaha diinta muslimka marka walaalayaal aan ixtiraamka ay naga mudantahay diinta muslimka sii kordhino.


CALAA AYI XAAL ILAAHAYGII ISLAAMKA NAGA DHIGAYOOW ALXAMDULILAAHI RABILCAALAMIIN

ASALAAMA CALAYKUM WARAXMATULAAHU WABARAKAATUHU

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED YARE

Unrecorded Date
kuligiin,

salaamu calaykum yaa ahlul muslimiin,

walaalayaal horta mowduucan waa mid faaiido leh allena ha idinla garab galo ujeedadiina intaas ka dib islaamku waynu ognahay wax tarkiisa iyo qiimahiisa sababtoo ah natiijooyinkii hore ayaa inoo shaahid ah hadaba hadaan ka hadlo marxalada maanta la marayo particularly islamic world waa mid aad u adag. walaalayaal ku dhaqmida islaamka waxaa laga hadli karaa markii la helo iyo markii la midoobo oo kii suniga ahaa iyo kii madhab kale haystay ay mid noqdaan oo hal af ku wada hadlaan kadibna xaliyaan their differences. laakiin anagoo bari iyo galbeed joogna ayaan hal meel biyo ka cabaynaa it doesn't make any sense! hadaan ka hadlo islamic electoral system waxaa nagu filan kaamilnimada islaamka period sababtoo ah westernka doorashadoodu doorasho ma'ha ee waa corrubtion,subversion as well as manipulation and i don't think islam wuold allaw that.

salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fahad

Unrecorded Date
Marugu horays as/caalykum kadib waxan rabaa in aan fikradayda ka dhiibto dimuqraadiyadda in kastoo aanan aqrin dhamaan fikradaha sxbaday lakin qarban kala baxay,

Ugu horayntii dimuqraadiyadu hadduu ereyga giriigeed nagu cusub yahay mooyee micnaha guud naguma cusba micnaha guudna waa in shacuubta dunida xoriyad loo siiyo in ay doortaan ninkay faaido ku ogyihiin oo micneheedu tahay in shucuubto la xisaabtanto mas'uuliyiinteeda hadii ay khaldamaana toosiyana hadii kalena ku tageran

Mida kale dimuqraadiyadu waa ixtiraamul aqlabiya kuna dhisan qaacidada dheheysa "inta badani waxay hogaaminaysaa inta yar", waxaa laga yaaba qof in uu yirahdo ma rabbi baa yiri haa ilah wuxuu ammanay wada tashiga dimuqraadiyaduna waa wada tashi kow islamkana waa lagu dabakhay oo markii uu nabiga dhintay aqlabiyadii waxay raacday abubakr sidoo kale cumar iyo cusmaan cumar waxa uu u votegareeyay cusmaan iyo cali cusmaan ayaan ku guulaystay marka aniga fikrad ahaan ma qabo in dimuqraadiyadu tahay western ereynimo haa lakin micnaha guud micnihii islaamka uu layimid western ka hor

Midda kale hadii dimuqraadiyadu noo soo celinayso xuquuqka maqan islaamka maxanu ku diidnaa dalalka qaarkood axzaab islaam ah ayaa taladii qabatay sida indonisa iyo turkia haba dhacdee waxaa dhalinta islaamka looga baahan yahay waxay tahay in ay sabraan sugaan dulqaataan kadib ayay helayaan,midda kale islamku ma qabo in argagixisonimo wax lagu keeno sida aljeeriya sida masar waxana nalooga bahan yahay in aan dhibaatooyinka ku sabarno maxaa yeelay hadii dilka iyo qalka ay keenayso in islaamka magaciisa uu halawo waa iska daynaa"wasbiruu inallaha macasabirin"so cunfiga iyo qalfsanaanta wax bay qaribaan maahee wax mahagaajiyaan islaamkana ma qabo arrintaas.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Fahad iyo skanderneviya

Waxa aan u baahan nahay waa adinka oo kale oo run ahaantii fahmey diinta islaamka saxda ah .

waad mahadsan tihiin dadaalkiina.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Maydhane

Unrecorded Date
Salaamu calaykum DHAMAANTIIN
ARITAA WAXA SIFIICAN U SHEEGAY WALAALKEEN ALAALE

ARINTAN WALAALUHU KA HADLEEN
WAXA FIICAN IN LA OGAADO MACNAHA ISLAAM
WAA HOGAANSI QOFKU U HOGAANSAMO ALAAH OO QOFKU TALADIISA OO DHAN ALLAAH UU U DHIIBO MARKA WAA IN LA FAHMO WAXA LAGA HAD LAYO WAA MABDA EE MAAHA WAXA QOF DOONAYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Qofkii "in yarba Allaha ka dhigee" is yiraahda WESTIGAA ka fiican Islaamka halkaa iyo halkaa ee aan ayaga ka faa'iideysano, ha ogaado in Aakhiro Xisaab xun sugayso.

Allaah (swt) wa kan daalacanaya quluubta adoomihiisa. Annagu waanu isa-siri karnaa, balse Raxmaanka, maya!, lama siri karo. Waxaan uga dan leeyahay qofkii gacalo (sympatiyo) u haya nidaamka gaalada, iskana dhigaya qof ku qanacsan islaamka.

Soomalidu waxaay tiraa: "Laba faras fuul **** dilaac ayeey leedahay). Marka xagga ama halka, wax ka dhexeeya malahan, meel qabso.

Waxaa jira buugaag badan oo mowduucan laga qoray ayna qoreen dad cilmi maadi/diiniba leh, markii ruxii u baahan ha raadsado.

FG. Qof aan shaqsiyan u la dan leeyahay ma jirto, balse waxaan is iri xasuusi walaalaha.

Wallaahu Aclam
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Awoowe

Unrecorded Date
Ku: Dhamaan Muslimiinta meeshan doodda uga socoto.

Maandhoowayaal qeyr allaha idiin ka siiyo doodiina, Mowduucana waa mid aad u wanaagsan.
Waxaad moodaa in laba dhinac dadku u kala baxeen:
1)Qeyb aasaasi ah sida: Ansaari, Bashiir, Xareed iyo inta raacsan.
2)Qeyb moderate ah sida Abdullahi, Omar, Fahad, Skandanefia iyo inta raacsan.

Marka Sheekadiina markaan aqriyay qolo walba waxeey rabtaa wannaajinta, qiimeynta iyo horumarinta Islaamka. Laakiin waddadii ayaan isku si idiinla muuqan.

Mid aan ka dhaho qoladda Aasaasiga, wallaalayaal diinta Islaamka waxyaabaha qaarkood kama aysan sheegin wax badan (sida doorashada maamuleed) waayo maadaama ummada muslimka ay ka mid tahay ummadaha ilaahey, caqlina ku maneeystay ayaa waxyaabahaan loo sheegin loogu tala galay inay caqligooda ka dhameystirtaan. Kolka isaga dhaganoow sidii barigii nabiga ka dambeeyay wax loo kala dhaxlay, maanta taas ma soconeyso, haddii laga tagana u maleynmaayo in dambi inooga imaanayo... waayo suurad kitaabka noogu qoron oo la beeniyay ma ahan...

Qollada moderateka ah, Western democraadiyadooda waxyaabo badan oo diinta ka hor imaanayo ayaa ku jira, dabcan wixii aan islaamka diideyn waxaan filayaa inaysan dhib ku jirin, balse waxyaabo isku lifaaqan oo isku xirxiran ayaa ka buuxa ee sifiican halooga fiirsado. Waana idinku raacsanahay inay iyadda laftigeeda ay tahay Cilmi (haba ahaatee cilmi gaaleed)in la bartana uu nabiga na faray.

Conclusion:
Aasaasi ama garabka midig.... hurdada ka kaca, oo waxaa la gaaray waqtigii Islaamka sharaftiisa kor loo qaadi lahaa intaanan la gaarin meel aan laga soo kabsan karin.....

Moderate ama garabka bidix.... aad yaan loo taraarixin, oo waxyaabaha diinta ay cadeeysay yaan indhaha laga duuban inleen aaqiro cadaab kulul oo aan dhamaaneyn baa taalee........

Awoowe

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE.

Unrecorded Date
ku.Dimoqurardiyiinta.
Gaaladii baa qiraysa in uu yahay islaamku nidaam dhamaystiran laakiin ayagaan islaam ahayn sidaas daraadeed ayaysan udoonayn.

wax walbana intay kaqaataan bay magaca kabadalaan
marka idunku islaam baad sheeganaysaane maxaa idiin diiday in aad u ku dhaqataan?.

Nin baa yiri waan ijtihaadaynaa markaasuu yuri aan dimoqr qaadano Cumar ibnu khadaabna wuxuu kudadaali jiray in uusan asna wado cusub furin oo qaado tii ay qaadeen nabi maxamed scw iyo abubakar midkood marki lagu yiri maxaad umada muslimiinta ah amiir ugu dardaarmi wayday muxuu ku jawaabay hadii aan amiir doortana abuubakar baa sameeyay hadii aanan doorana nabi maxamed scw madooran(sicad).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Luula

Unrecorded Date
Asalaamu claykum waraxmatullaah.

Walaalayaal marka u horaysa bal aanu isku dayno inaanu qoraalkeena xoogaa soo yara gaabino, runtii anoo aad ugu faraxsan sida xamaasada leh ee ay dhalintii soomaaliyeed diintooda ugu hawshan yihiin adduunkan waalana qaybtooda dagaalka ugu jira.

Islaamku say walaalahay qaarkood horayba ugu sheegeen waa mabd'dimqoraadiya oo dhamaystiran. wuxuuse gabay dadkii fulin lahaa kuna dhaqmi lahaa---> taasoo ay shacbiga muslinka ahi horseed ugu yihiin oo ay kaalintoodii ku fashilmeen.
Reer galbeedku waxay maalin walba inyar kasoo fasirtaan diintii aanu dayacnay, oo wax cusub oo ay haayaan ma jirto.
Hadaanu muslina nahay maaha inaanu hal qof wax ka sugnaa ee qof waliba waa masúul, naftiisaba hawgu horaysee?!

Maanta waa iga intaa, ismaqal danbe oo wacan.
Wasalaamu claykum waraxmatullaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansari

Unrecorded Date
Ku. ciddii dimoqraadiyadda WESTIGA u haysaya in aay Islaamka meelo meelo wax ku dhaamaan. waxaan u hayaa maqaalkan hoose oo ku saabsan isla toopigan dimoqr. ah. maqaalkan aan kasoo xigtay www.khilafah.com (sorry! inuu dheeryahay)
===============


For how long must the Muslim ummah be subjected to shallow comparisons between Islam and kufr in an attempt to make the Muslims accept the domination of kufr upon them and never be the 'witnesses over mankind' that Allah commanded us to be.

Sadly there are still too many 'scholars' who cademically compare Islam to kufr and conclude that they are in some way similar (astaghfir Allah). Clearly there is no similarity between a system that allows people to vote upon their own legislation and a system which rejects the legislation of men and commands people to submit to the legislation of Allah (swt), giving no concern to the opinions of any person. Allah Ta'ala warns in surah Baqara "When Allah and his messenger have decided a matter, it is not befitting the believers to have any say in the matter". Merely finding similarities in the style of electing a leader does not equate the two systems, which are complete opposites in their sources of laws.

Similarly respecting the life and property of one another is borne out of obedience to Allah's commands in Islam, and has nothing to do with democracy. Furthermore, denial of Jihad is an orientalist inspired ploy. The attempts of some to coax Muslims to accept the kufr rule by claiming that we can do it better than the kuffar is a vile ploy. The corruption and inequality of America are the inevitable consequence of adopting democracy where man rules for himself. No vague morality will protect any society from the opportunists that the West is plagued with. Only the strict adherence to Islam's shar'iah can close the gaps that allow corruption of flourish.

Allah (swt) gave all people rights enshrined in the Islamic Shar'iah. These rights exist because Allah ordered it and there is nothing rational or obvious to all people about them. There is no universal rights except those that Allah ordered the Muslims to guarantee to all of the people universally.

Those who support the call for human rights amongst the Muslims should realise that they aid the colonialist America's plan to set its belief as the standard for all people. On 28 June, from Beijing University, Clinton called upon China to adopt Capitalist standards. He said, "Today we do not seek to impose our vision upon others, but we are convinced that certain rights are universal - not American rights or European rights or rights for developing nations, but the birthrights of people everywhere, now enshrined in the UN's Declaration of Human Rights."

Those who feel degradation from submitting to the perfect commands of their Creator should fear Allah when he says "None of them will be believers until they make you (Muhammad) judge in all that is in dispute amongst them, and find no resistance in their hearts and accept with full submission".

Allah revealed his book as an explanation of everything needing no update from those who desire the acceptance into the modern kufr world. For He is as-samee al-majeed.

"To Allah belongs all that is in the heaven and all that is in the earth and to Allah all things return" Surah Imran 109

______________________

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xuseen

Unrecorded Date
Asalamu calayku.

Su'aalo ayaan weydiinayaa dadka qaarkiis.
Waxaa la yiri islaamku ma ogala qof yiraah hala i doorto oo xadiith ayuu noo sheegay walaalkeen Bashir Cabdi ilaah kheyr ha siiyee, dadna weli waxay ku dhagan yihiin dimoqradiyada waxaan ka qaadaneenaa habka doorashada, marka dadka sidan oranayoow habkeed isu waafujineysaan xadiithkaa iyo arinka(waxaan ula jeedaa qofka la dooranayo waa inuu isa soo sharaxo).

To: Skandneefiya.

Waxaad sheegtay in khulafaa'u raashidiinkii rag ka mid ah sida Abu-Bakar(AKR) uu magacaabay Cumar (dabcan cadaalad iyo diin ayuu ku tuhmayey), Cumarna (AKR) uu saaray rag lix ah uuna yiri nin magacaaba, ragii kale sida Cali iyo Cusmaan(RLC) la dilay, markii aan ka tagno ragaan la dilay raga kale soow ma magacaabin rag ku haboon, sow nidaam noqon meyso habkan ay sameeyeen, anaga aan sidoo kale sameyno oo dadka cilmiga u leh islaamka ee markaas jooga hanoo magacaabeen dadka ay ku tuhmayaan diin iyo cadaaladba. Sow arinkan doorsho wanaagsan maahan, wixii ay dadka ku xukumi lahaayeena waa kitaabka oo waa yaalaa. Marka ma waxaad leedahay nidaamkan Abuu-bakar iyo Cumar(RC) ay sameeyeen socon maayo oo nidaam wanaagsan maahan, hadii uu wanaagsan yahay aan asga qaadano(waana sunadii qulafaa'u raashidiinii).

Hadalkeyga waa dheeraaday, wixii aan ku qaldmaya iga soo saxa igana soo cafiya.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandanefiya

Unrecorded Date
Waxaa dadka qaarkiis waxeey ii maleeyeen in aan ahay Islam diid. Laakinn runtii ma´ihi, oo 24:kii saacba, saacado kamid ah ayaan siiya si aan u dhiso diintan Islaamka walaalayaal.

Waxaan u maleeynaaya dadka in ay cuqdad ka qabaan ereyga Dimoqraadi, bal aan badalo ereyga si kale
oo ah WADATASHI.

Walaalayaal CADEEYN kale ayaan idiin keenaaya, in u banaan yahay WADATASHIGA.

Dagaal kii BADAR, ayaa RASUULKA (SCW) la tashtay asxaabtiisa, oo yiri "dadow ila tashtaa, xaalada nala gudboon. Ma dagaalana mise waan iska laabanaa"sidaas oo kale ayuu yiri. Ugu danbeeyntii
waxaa la isku raacay in la dagaalamo dhammaantood.
NABI MUXAMAD (SCW) ayaa la tashtay asxaabtiisa.

Marka maxaa ku diideeynaa in hogaamiyaasheena muslimiinta, in ay nala tashtaan. Haddii aan rabno aay na maamulaan, haddii kale ay iska TAGAAN.

Daliilo kale ayaan idiin soo qori doonaa in´sha´Allah oo cadeeynaaya wada tashiga.

Walaal XUSEEN waan kaaga soo jawaabi doonaa in´sha´Allah.WAA INOO MAR KALE.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

enough Intelligent

Unrecorded Date
Salaamad dhammaan,

dimoqraadiayddu waa mabda'a ama fekrrad qof aaminsanayahay qofnna keenay diinna ma noqon karto mana aha.
Dimoqraadiyaddu waxay dadka siisay xorriyad nacasnnimo ah oo tirtiraysa qofka shakhsiyaddiisa taasoo ay ka midtahay in laba qof oo isku jinsi ah lab ama dhadig is guursan karaan!!!
Waxaa kaloo ay bannaysay in ilmaha caloosha ku jira la dili karo( abortion).
Dimoqraadiyaddu waxay xishoodkii iyo dadnnimadii ka qaadday dumarkii oo ay futadoodii bannaaka soo dhigtay taasoo sababtay in dumar qaawani (nudo) ka heesaan meelaha carwooyinka ah ee filimada(stages)iyadoo tigidhada lagu gelayo la isku dilo.
Waxay kaloo baabi'isay jiritaanka qoyska iyo isqabitaanka labada qof ee reerka wada leh.
waxyaalo kale oo badan ayey dimoqraadiyaddu abuurtay oo ay ka mid tahay iyadoo bannaysay in web-sites la abuuri karo laga barto galmada inta nooc ee loo samayn karo, iyo dumarku inay ku kala duwanyihiin galmada iyadoo la eegayo qaab dhismeedka jidhkooda sida buurnnida iyo caatada, iyo waxyaalo kale oo badan sidaas awgeed dimoqraadiyaddu waa waxbayahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Unrecorded Date
Dhammaan rag iyo dumar(assalaamu caleykum).

Waxaan rabaa inaan iraahdo oo kaliya ixtiraamkaan meesha halagu wado oo qof walowba u arag in qofka kale uu yahay walaalkaa xagga diinta iyo dhalashada sidaa daraddeedna ixtiraam la iska mudan yahay. Waxaan sii hordhacayaa dadka qarkiis oo aan la tusi karin meel islaam looga sheekeysto si nabad galyo ku dheehan tahay. Nicmada tan ugu weyn ee ilaahay dadka ku manneystey ayaan heysanna quraankana wuxuu dadka barey "Faman Zuxzixa Caninnaari Wa udkhilal Janna Faqad FAAZ" "Qofkii laga dheereeyo NAARTA oo lageliyo JANNADA WUU LIIBAANEY". Liibaantana ISLAAMKAAN KU GAAREYNAA ee aan qofkii aqoon leh ka faa'iideysanno qofkii kalena SU'AAL HA DHIIBTO si uu u qanciyo NAFTIISA.

The Quote of the DAY:
=====================

"The cure for ignorance is to question and to learn, as the Messenger (sallallaahu 'alaihi wa
sallam) said, "Indeed the cure for ignorance is to ask." [Reported by Ahmed, Abu Daawood and Ibn Maajah. (Hasan)] So he made ignorance a disease and declared asking to be its cure. And Ibn al-Qayyim said in his Ash-Shaafiyatul-Kaafiyah, "Ignorance is a fatal malady and its cure is in two things in agreement: A text from the Qur`aan or from the Sunnah, and a physician possessing knowledge of the Deen."

"Daawada jahliga waa in wax la weydiiyo oo la barto sida rasuulka ku yiri scw "dhab ahaan DAAWADA JAHLIGA WAA IN LA SU'AALO" {Ahmed, Abuuda'ud, ibn maajah[hasan] Jahligiina cudurbuu ka dhigey Dawadiisiina WEYDIIN ama SU'aal buu ka dhigey.

Ibnul Qayim wuxuu yiri raximahullaah" Jahligu waa CUDUR DILAA AH, Dawadiisan in laba shey ay ku jirto YAA LA ISKU RAACEY: 1- Aayad Quraanka lagasoo xigtey ama Xaddiis IYO TAKHTAR LEH CILMIGA DIINTA".

Wixii dambi ah ilaahey ha innoo wada dhaafo dhammanteen.

SKAN.

Adiga maxaad wax walba isugu xisaabisaa, arrinta walaalka soo jeediyey ninkii hadalkiisa ay ka muuqato bey heystaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandanefiya

Unrecorded Date
Daliilka/Caddeeynta 2:aad
Goobtii BADAR markii la soo gaaray. Ayaa rasuulku
(scw) bilaabay in u safo ciidamadi, markaas ayuu ceelkii Badar gees iska mariyay.

Nin Asxaabtii ka mid ahaa (rc), ayaa yiri "Rasuulkii ilaahayow, arintaan aad ku dhaqaaqday, ma waxyi miyaa mise waa taag tiig aad la timid??",
Rasuulku wuxuu ku jawaabay "Waa iga taag tiig dagaal ee ma aha waxyi".

Asxaabigii ayaa ku yiri "Sidaas ma qumana ee ceelka BADAR, aan marino gadaasheen.
Si ay noogu fududaato in aan ka cabno anagoo dagaalameeynaa".

Nabi Muxamed isagoo rasuul Ilaah ah ayuu ka qaatay
nin asxaabtiisa ah. Maxeey kula tahay dadka maanta joogo, ma rasuulka ayeey ka qiimo badan yihiin mise??????.

Marka walaaladeey maxaa inoo diidaaya in aan ka IJTIHAADNO, wixii aan noo caddeyn. Maxaa yeelay IJTIHAADKU, waxeey diintu u furtay, wixii cusub in aan ku eegno oo baar baarno.

Daliil kale ayaan idiin soo gudbin doonaa in´sha´Allah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Skandenefiya,

Walaalkiis adiga soow maahin kii yiri hadalkan?

"Marka islaamka ma leh nidaam wax loo doorto, ee aan ka qaadano reer galbeedka habka doorashada kali. Oo ah shacabka in u ogol yahal ciddii maamuleeyso. Haddii kale jabhado ayaa bilaabanaaya."


Marka goorma ayaanu is fahmaynaa markaa aay kaa dhaadhacsan tahay in annagoo muslim ah Allaah (swt) nagu galadeystay Kitaabkiisa Kariimka oo wax walba kaga hadlay, haysanana Sunnaddii Xabiibka (scw), iyo tusaalihii fiicnaa ee ku dayashada mudanaa ee saxaabada (Sifatul As Saxaabah) sidee u dhihi kartaa KUFAAR ayaa sidaa nagu dhaanta ee aanu ka qaadano?

Ma maqashay meel lagu yiri Rasuulka galaada sidaa uga dayday? ama saxaabaddii ayaa ku dayatay? miyeesan ahayn in la khilaafo?

DIMOQR. ma ahan WADATASHI sida aad halkan ku qeexday, ee waa "Ii celi aan Cunee"!!.
(((((()))))

"INNAL-LAAHA YA'MARU BIL CADLI WAL IXSAANI" nidaam ka fiican majiraa? WESTIGUSE bahashoodu dimoqr. shuruudaan ma buuxisay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cabdullahi

Unrecorded Date
Su'aalahaan ayaan is weydiinayaa, ee ila arka----

Maxaan sameyneynaa hadii aan ka weyno kitaabka iyo sunnadda habkaan isku dooran laheen ?

Muxuu illahey u fasaxey IJTIHAAdKA hadii ay wax kasta kitaabka iyo sunada ku jiraan ?


Mida kale dadka qaarkiis waxey u baahan yihiin in ay si fiican u darsaan dimoqraadiyada. kor soo aqriya si aad u fahamtaan dimoqraadiyada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam 'aleukum;

Salaantaas kadib, waxaan jeclaan lahaa bal ana in aan ku yara darsado waxyar oo aan isleeyahay malaha waa la iloobay in la xuso ama waaba lasoo wadaa.

PEOPLE'S WILL VS. GOD'S WILL or SHURRAH

Waxaan jeclaan lahaa bal in ayno marka hore isku raacno ama isku waafaqno qeexitaanka iyo biyo dhaca mowduuceena. Shaki kuma jiro sidan aan dhamaanteen isku raacnay in aan Ilaahay Xukunkiisa cidna lala boratansiinkarin, "Inil xukmi Ilaa Lilaah".

su'aahase u baahan isweydiintu waxay tahay, Decmocracy ma mab'da lagu dhaqmaa(xukun baa) mise waa aalad la isticmaalo sida miishaarta iyo dubaha oo kale? Mase jiraa haba yaraatee wax xiriir ah oo ka dhexeeya Democracy and Islam?

THE ISLAMIZATION OF DEMOCRACY: The Emerging Consensus

Falanqaynta mowduucani waa mid soo jireen ah, mudo iminka kudhow 40 sanona laga wada hadli jiray, waxna laga qorey, mufakiriin farabadan muslimiin iyo reer galbeed ahibana ay wax ka qoreen, sidaa daraadeed waxaan jeclaan lahaa bal in ayno inta aynaan Fulinteeda(Implementation) wakhti fara badan ku luminin ayno bal marka hore isla qaadaa dhigno Aragtiyadda guud ee Nidaamka Islaamka iyo Dimiqraadiyadda.

Waxaan aad u isticmaali doonaa ereyga Shurrah ama wada tashi, in uu noqdo mid aan ku miisaami doono demoqraadiyadda maadiga.Isla markaana waxaan jeclaan lahaa in "Ardul Waaqaca " loo soo daadego, si ayno sawir sax ah uga bixino waxa jira.

Waa maxay Habka Dowliga ah ee Islamku?siduu ku dhisan yahay?Qaabkeebuuse u shaqeeyaa? su'aalahaas iyo qaar la mid ahiba waxay naga saacidayaan in ayno ogaano bal marka hore waxa aan kaga duwan nahay nidaamyadda dowliga ee ummadaha kale. Maadaama aysan jiran wax metela khilafa mulimiinta ilaa qarnigii tagay, waxaan ku qasbnahay in aan Dowladdii nabi Muhamad(scw), dowladii khulafaa u raashidiinta, iyo kuwo ka danbaeeyey aan tusaale ka soo qaadanao ISLA MARKAANA AAN WAKHTIGEENA XAADIRKA KU DUL DHISNO.

Cid walba oo taqaana Taariikhda islaamka waxay ogtahay in Nidaamka islamku ku dhisan yahay Kitaabul Laah iyo Sunnatul mustafaa (SCW). Hadaba hadii masdarka yahay Qur'anka iyo Sunadda Nabi Muhamed(scW) Mieyesan Haboonayn in aan Qur'anka iyo Sunnadda Nabi Muhamed(scw) siino ahmiyad weyn, si aan u fahano cuduradda ina haya, isla markaana ugala soo baxno xalal ku haboon dhibaatadeena.

" Wa Amruhun Shuuraa Baynahum"

Hadii aayadan qur'aanka ahi tahay mid ka mid ah, ayaadaha qur'aanka ee ina tusaya habka ana qaabka nidaamka ummadda muslimiinta, isla markaana ay Madaxda iyo "Aqoonyahana" caalamka muslimiintu isku raaceen in Hahka Ciidamadda lagaga daydo cida ugu horumarsan nidaayda ciidamadda, habka waxbarahadana iyo nidaamka dowligana laga daydo cida ugu horumarksan, Maxay MADAX ISKU SHEEGA CAALAMKA ISLAAMKU U DIIDAN YIHIIN IN NIDAAMKA DOORASHADDA LAGA DAYDO CIDA UGU HORUMARSAN NIDAAMYADDA DOORASHOOYINKA OO AH "through ballot boxes" ? Kudayashadda lagu daydo nidaamyadda caafimaadka, sports, waxbarshadda, xiriiradda dibadda, hababka gancsiyga ee reer galbeedku waa XALAAL laakiin ku dayashadda lagu daydo habka doorashaddu cida ummadda xukumaysa waa XAARAAN, maxaa yeelay ma aha wax islam shaqo ku leh???????

Xigmaddu Waa Mid ka luntahy Mu'minka, Isagaana Xaq u leh Meesha uu ka Helaba !!!!!

Insha Allah waan soo dhamaystiri doonoo.....

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

power

Unrecorded Date
maalin wanaagsan dhamaanba dadkoow

marka hore waa si wanaagsan in laga doodo dimoqraadfiyada wasxa loogu yeedho..doodu waa ay xiiso badan tahay..waa ay qadhaadhahay hadana..waxaa layaab leh sida loogu kala gedisan yahay dimoqraadiyada..waxaa layaab leh sida dadka qaarkii aysan u kala saari karin eraygan micnihiisa saxda ah iyo ku dhaqankiisa.

micnahiisa saxda ah hadii la isticmaalayo waa uu wanaagsan yahay..waxaa uu dhiirigelinayaa cadaalada sinaan, xoriyad fikradeed mid hadal, iyo weliba xuquuq buuxda..dhinaca kale waxaa aad arkaysaan dhac , boob, khiyaamo, nacayb, sad bursi iyo waxyaabo badan oo foolxun. oo lagu dhaqmaayo, markaasi ayaa shaki weyni soo ifbaxayaa.

waa inad ogaataan in dimoqraatiyadu aysan qabin duudsiga dadka,kala sareynta, amarku taagleeynta. iwm.

waa inaad ogaataan in taariikhda galbeedku ay ku dhisan tahay damaaci dhaqaale, dano gaar ah, hanasho hanti iyo magac..iyo waxyaabo badan oo qarniyaal badan soo taxanaa..islamarkaan ay diyaar u yihiin inay cagta mariyaan cid ala cidi danaheeda hor istaagta..waxaa ay waa oo idili ku saabsan yihiin hanasho dhaqaalo iyo maamul, kuwiisi oo maanta ay magacyo badan ula baxeen..laakiinse aan raad ku lahayn dimoqraadiyada. sidaasi darteed waa in aad garataan iin waxyaabo badani isku qaldan yihiin oo ay haboon tahay in aad kala saartaan.

dadka islaanma ahi iyana kama maqna damacaasi waalan ee dnaysiga iyo dadnimo yaraanta ku dhisan kana fog bini,aadanimada iyo tixgelinta xuquuqda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
ABDULLAAHI&ISKANDENEFIA.
Ma waxaad kudoodaysaan in uunan islaamku lahayn sidii dawlad loo samayn lahaa ama maamul loodooran lahaa ayadoo nalabaray sidii aan xaajada(musqasha) u isticmaali lahayn?!!.

EEBANA YIRIR " MAA FARADNAA FILKITAABI MIN SHAY'IN".

midakale nidaamka daarasha dimuquraadiyiinta waxay khilaafsantahay qaabkii khulafadu wax u doorteen ama loodoortay oo dhan marka
FA'AYUL FARIIQAYNI AQU BIL AMNI IN KUNTUM TACLAMUUN, ALLADIINA AAMANUU WALAM YALBISUU IIMAANAHAUM BIDULMIN U LAA'IKA LAHAMULAMNU WAHUM MUHTADUUN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Soomaali

Unrecorded Date
Soomali lafayar Islaam aan sal dawladeed laheeyn riyadiisa weey ku jabtay, ummadahii kalena ka hartay xagee noo balan ah.

War dadkan Aqwaanka isku sheega yaan la isku daalin wax laga dhaadhicin karaa ma jirto.
Naceeyb ay dadka aan Muslimiinta aheyn u qabaan ayey la dib dhaceen, waqtigoodana qaaliga isaga lumiyeen, ummadiina ku haligeen.

Maamulka Islaam ee aad sheegeysaan waxaa lagu maamuli jiray ummad yar oo kumanaan ah oo aan technology haaysan, maanta hal bilyan iyo bar muslimiin ah maamulidooda sideed tusaale ugu soo qaadaneysaa barigii nabiga iyo axsaabtii maamulkoodda waa waxaan iskeeyneyn oo kaliya riyo ah. Riyo waan ku daalnay. Teeda kale ma diintaad u gafeysaan oo dhaheysaan nabiga ma qorsheeyn hab doorasho... malaha wuu hilmaamay... waa dhici kartaa sababtoo ah bani'aadam ayuu ahaa oo wax waa hilmaami karaa.. laakiin yaan loo gafin oo xukunkiisii fiicnaa la wasaqeyn oo la isku dayin ummadaan maanta joogta in lagu dabaqo wuxuu odhan jiray........

Nabiga musqusha markuu galaayo lugta midig ama bidix buu ku hormarin jiray ee saas hala yeelo wax soconayaa ma ahan ee aduunkla u soo jeesta, aaqirana ilaashada

Soomaali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandanefiya

Unrecorded Date
To.ANSAARI iyo ALLAALE.
Walaalayaal hadalkii aan dhahay oo ahaa "Islaamka ma keenin qaab doorasho oo la ISKU RAACSAN YAHAY"
wali waan ku taaganahay. Bal Walaalkeey itusi XADIIS ama AAYAD oo la raacaayo habkaas.

Maxaa yeelay haddii ay jiri laheeyd, iskuma ay khilaafeen 4 nin ee sharafta laheeyd (khulafadii).
Haddaad ka hadalno xaalada maanta MUSLIMIINTA iyo GALBEEDKA yaa cadaalada u dhow???????????????

Sidii aad afka ku dhufateen hadaladiina.

Wax shaki iyo mad madoow igama jiro, in reer galbeedka naga cadaalat fiican yihiin. Maxaa yeelay maxaa na soo gashay EUROPE iyo AMERICA??????????????????????????????

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam Calaykum;

Xigmaddu Waa Mid ka luntahy Mu'minka, Isagaana Xaq u leh Meesha uu ka Helaba !!!!!

Waxaan umalynayaa in hadalkaas kor ku xusan laga wada dheregsan yahay, isla marahaantaana aan la khilaafaynin. Hadaba haddii arintu sidaas tahay ma jireen habayaraatee Wax XIGMAD ah oo inaga luntay oo aan helnay? Hadaan helnase ma qaadan karnaa?

Nidaamka dowliga ee ummadda muslimiintu wuxuu ku dhisan yahay Shurra iyo Cadaalad, labaad qodob ayaa asal u ah, Laakiin H-a-b-k-e-e ama Q-a-a-b-k-e-e loo fulinayaa Cadaaladaas iyo Wadatashigaas, waxaaa loo daayaey dadka. Waa run Nabi Muhamed (scw) Cid uga danbeysa xukunka ma uusan dooran, waayo muhiim ma ahayn in uu sameeyo, sababtoo ah wuxuu uga tagay dhaxal ku filan oo ummaddu ku gaadhi karto waxa ay doonayso, Kitaabulaahi wa sunnatihi.

Hadaba sidee qur'anka iyo sunnada looga soo helayaa sidii loogu xukuntami lahaa hadii aan ladoonaynin in la FAHMO?, Qur'ankase ma waxaa laga soo helayaa aayad odhanaysa rasuulku markuu geeriyooddu u doorta Hebel, hebel kadibna hebel kale, iwm. Xaqiiqdu waa maya. Markaa in ayno FAHAMNO DHUUXA nusuusta oo ayno u daadegno JAWHARADDA iyo MACAANIDDA qarsan waa lagama maarmaan. Imisa qarni ayaa ummaddu ka hadlaysay xukunka salaadda, iyo maxaa waysadda jabiya meeyey amuurihii ka waaeynaa axkaamta nijaasadda iyo qaabka dahaaradda.

Asmadda ku dhacday caalamul islaam xagga caqligana kaga dhacday waxay maanta na soo gaadhsiisay in xataa wixii aan anagu lahayn, ama aanu anagu ugu horeynay aan ka cararno oo aan u malayno in ay Cilmo gaalo yihiin? Cumar al-faaruq(rc) ayaa dajiey nidaamka Postadda caalamiga, isagana ayaana bilaabay Social Welfare systemka caalamka ka jira, isla mar ahaantaana dhigay qodobadda aasaaska u ah XORIYADDA CAAMKA AH EE Maanta UN lagaga dhaqmo(Goormaad gumeysateen, dad hooyooyinkood dhaleen iyaga oo xor ah ).

THE GOVERMENTAL STRUCTUREAL OF AN ISLAMIC STATE:

Hadii aan ku qeexno in qaabka nidamka dowligu u dhisan yahay sidan soo socota: " a Westminster-type parliamentary democracy: universal adult franchise, periodic elections, guaranteed human rights, civil liberties, equal political and religious rights of minorities, an independent judiciary, the rule of law, procedural justice, and multiple political parties" Ma aayad qur'an ah ama xadiista shariifka ah ayuu ka soo horjeedaa?????????

Hore ayaan u soo sheegay kala duwanaanshaha qeexitaanka democracy maadiga ah iyo islamka, isla mar ahaantaana waxaa kale oo jira kala duwanaansho kale oo xaga macnwi ah taasina waa maxsuulka ka soo baxa ikhriraacyadda nidaamyadda siyaasadda, laakiin islamku ma qabo in wax walba oo ka soo baxa nidaamka siyaasaddu uu yahay xaq. Waxa qudha oo uu xaq noqonayaa marka aanu khilaafaynin shareecadda Islaamka.

Insha Allah waan sii wadi doonaa...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE.

Unrecorded Date
YASKA.
SAAXIIB MAFAHMIN DULUCDA QORAALKAAGA.
GOORMAA XORIYADA CAAMKA AH LOOGA DHAQMAA UN?.

Hadii aan ku qeexno in qaabka nidamka dowligu u dhisan yahay sidan soo socota: " a Westminster-type parliamentary democracy: universal adult franchise, periodic elections, guaranteed human rights, civil liberties, equal political and religious rights of minorities, an independent judiciary, the rule of law, procedural justice, and multiple political parties" Ma aayad qur'an ah ama xadiista shariifka ah ayuu ka soo horjeedaa?????????
JAWAABTA SU'AASHAAN WAA NACAM QAYBA BADAN OO KAMID AH.
SIDA TAN UGU DANBAYSA.
KUWA KALANA WAXAA KALA DUWAN SIDA AY AYAGU YAQAANAAN IYO SIDA ISLAAMKU U YAQAAN.

MARKA MAXAAN KAQAADANAA OO XIKMAD AH OO AANAN HAYSAN?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Abuaxmed,U.S.A
Waxaan layaabanahey dadka kudoodaayo demoqradiyad.Aawey iyadu? maddad weyna ba wax doorta ama Lacag.He who pays the piper sings the tune.
Ama Islamka wax uu ooga bahanyahey maleh cidna. intii fiican oo laga heli Ideologiya kasta, Islamka ayey kamil kutahey.Ama kuwa kale Sinaan bey sheegi lakinse, ninka hantilaha oo lacagta hesto ama xooga leh ayey tiisa eey meel mari.Markaa yaan laidin khaldin .Intii ceeb eheed dowladahii somaliyeed kajireen iyagana wey kajiraan .Lakinse tooda waa amaan tan dadka kale waa ceeb.Hadaan idiin soo qaado nepotism iyo favourismka wexey oola baxeen Good reference,sido kale tuugaada loo wada dhanyahey wexey uyaqanaan cooperation.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Yaska
Illahey cimri dheer ha ku siiyo,
waxaad ka mid tahay dadka aan u baahan nahay oo hogaamin doono somaliyo mustaqbalka.
Waxaad tahay nin heysta aqoon sare.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

C/Fataax

Unrecorded Date
dadka caqligoodu sidaa siyey ee hanqaltagaya wax been ah ayaan layaabay. waan ku raacsanahay dalinyarta mabda qurunka ee aad wadatiin didan ee leh diinta barta ayadaa xaquuqdaada kusiineynsa. cabdullahi waad iska hadashaa saxiib, awal ayaan arkay fikradahaada xunxun ee ninyahoow diintaada baro. naagaha islaamku wuu cadaadiyaa kan yiri adiga maahin? C/Fataax

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous

Unrecorded Date
To Allaale,
Akhii inta aadan murmin cilmiga waa badan yahay qeybo kala duwn ka fiiri.

Khetrka allaha noo siyaadiyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sasdsadjjæ

Unrecorded Date
Why anonymous? maxaad isku qarisey ****? Waan ku gartey saxiib? come out of the bush!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum;

To Allaale;

Waa runta oo waxaa laga yaabaa in aanan si fiican u cadaynin dulucda sheekadayda, Waxaanse uun ula jeeday in arinta Dimuqraadiyadda iyo Nidaamka Islaamigu ay ka balaaran tahay "CODKA MALA BIXIYAA IYO SIDEE LOO BIXIYEE "

Arinta kale ee ku saabsan nidaamka ururadda farabadan, waxaan u malaynayey in arintani ay iska cadahay maadaama dhamaan kacdoomadda islaamiyiinta ee ka jira Pakistan, Bangladesh, Turkey, Malaysia, Egypt, Jordan, Algeria, Tunisia and Morocca ay dhamaantood ay aqbalsan yihiin nidaamka Nidaamka Doorashooyinka furan, habka doorashooyinka, nidaamka ururadda farabadan.

Arintana waxaa laga soo dhiraandhirayey aragtiyadda fiqiga ee ka jira caalamka islaamka, isla markaana ay jiraan tawajuhaat kale oo DIIDAN aslanba habka codbixinta iyo nidaamka loomarayaba.

Waxaan kale oo ku weydiiyey marka aan ka hadlayno Islam-ka ma wadammadda Bariga(east) oo qudha ayaan ka hadlaynaa, mise waxaan ka hadlaynaa islamka west-ga jooga naftigiisa iyo Mustaqbalkiisaba? what about muslims in Bosnia, chine, let alone current situation in India?

Abdulaahi;
Waad mahadsan tahay saaxiib, waxaan u malaynayaa qof kale in aad igu khaldaysid xaga cilmiga aad sheegaysid, waayo anigu wali alif beeta ayaan wadaa.

Rest of the crew;

Akhristayaasha waxaan ka rajaynayaa in mowduuca lagu sugnaado, si ay noogu suurto gasho in aan bal ka biyo dhalino xaajadda.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandaneefiya

Unrecorded Date
To Cabdullahi, Yaska iyo akhayaarta ogol wada tashiga. Waxaan ka codsanaaya in ay wadaan XIWAARKA akhlaaqda fiican leh, oo aay san ku dayanin nin aflagaadeeyo.

To: C/Fatax, walaal waxaan ka codsanaaya in aadan naga duminin XIWAARKA. Ee haddaad wax isku haysaan banaanka soo dhiga. Waana laga wanaagsan yahay aflagaadada, maxaa yeelay kumanaan kun ayaa akhrisataa halkaan.

Sidaas iyo NINKII wax isku hayo hasoo dhigo banaanka......

Walaahu aclam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAXAMED YARE

Unrecorded Date
salaamu calaykum,
kuligiin

marka hore waxaan layaabanahay dimoqoraadiyada aad leedihiin qaarkiin in ay islaamka iska shabahaan meelo meelo. hadaba walaalayaal waxaan u malaynayaa in aad wada og tihiin in islaku aduunka ka talinayey 500 yrs oo waxyaabihii ay aduunka ku soo kordhiyeen lagaga dhaqmo ilaa iyo hada.walaalayaal hadaan muslimiin nahay waxaan usoo qaxnay ama nimid westiga haday noqon lahayd mid xabdi keentay ah ama mid waxbarasho ama si kale uyimidba waxbaynu ka baranay ama ka tabcanay wadamadii baynu ku noqonay inaga oo western knowledge or money wadana taasooy wehliso western tradition oo manipulation ku samayn karta mentalitiga qofka. walaalayaal dulucda qoraalkani waxa weeye markii uu islaamku aduunka haystay waxaa looga iman jiray ingriiska ilaa iyo giriiga si ay aqoon u siyaadsadaan markii ay waxa kabarteena waxay ka qaateen wixii waxtar u ahaa iyo wixii ayaga hadafkooda meelmarin kara markaas bay magac ay iyaguba horay u tuureen bay ku dahaareen sababtoo ah democraciga ay ku hadaaqaan iyaga ayaa qaatay oo hadana diiday kadibna industrial revolutionkii england bay magac ahaan oo kaliya u soo qaateen.
marka waxaan hadalkayga ku soo gaba gabaynayaa hadii wixii wanaagsanaa ee uu westigu ka dhaxlay islaamku qaadanaysaan yes, laakiin every aspect i don't thgink so.

wasalaamu claykun

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
Assalaama calaykum.
yaska.
waa runtaa oo muduucu wuu kalabalaaranyahay in taas laakiin waatii rag soojediyeen wixii fiican aanka qaadano(dimoqr) oo aanan lahaysan sida qaabka dowlad ama maamul loodoorto.
Ana waxaan taaganahay qaabka dawlad islaam ah loo dhiso Islaamka lagama waayine ileen islaamku maanta mabilaabanine waligiis buu sootalinjiray dawladna soo dooranjiray maqaabkiisiibaa idin qancinwaayay mise!.

Taas kusiidar ayadoo qaabka dimoqr wax u doorto ay kabuuxaan waxyaalo badan oo islaaku uusan ogolayn sida ninleh aniga hala'idoorto oo maalkiisa iyo juhdigiisa ku bixinaya sidii uu madax u noqon lahaa madax tartamaysa iyo wax yaalo kale oo badan.

Arinta xisbiyada badan micno wayn masamaynayso dinida islaamka ayaaa lagasameeyay iyadoo waliba lagu fashilmay oo ilaa hada lala'yahay cid wax kukeenta ileen waa nidaam aan loogutalagalin in dad Islaam raba wax ku helaan.
Arinta ah miyaanan meesha kujirin muslimiinta west-ga taas waa arinkale wixii awal ahaa dhul islaam dabcan waxay ku xukun yihin dhulka muslimiinta ama si cad haloo haysto ama si dadban haloo haystee.
laakiin wixii jooga dhul uunan islaamku soogaarin asalku wuxuu ahaa in ay kahaajiraa hadiise ayna maanta jirin meel ama dawlad loo haajiro oo aanan muslimiintu kalaxigin tas anigu wax kama sheegi karo xaalkooda waxay u baahantahay fatwo.

to.skandeneefya.

Hadii qaabkii Abuubakar,cumar,cismaan,cali iyo qarkooba ay wax doorteen aadan qunacsanay ee aad leedahay HUM RIJAALAUN WANAXNU RIJAAL maxaa kugu kalifay in aad qaadato qaabkan dimoqr isku doortaan ee ku dhisan khiyaamada,fasadka iyo wax kasta oo ALLAAH caragalinaya?.
Midakale sow ma'ogid in ay waxaan sameeyeen rag kaduulaaya mabaad'i iyo afkaar islaamka lid ku ah marka sidee noo anfacaysaa.

xadiiskan daliil ma'ahan miyaa CALAYKUM BISUNATII WASUNATU ALKHULAAFAA'U RAASHIDUUN ALMAHDIYIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuucubayda

Unrecorded Date
assalama calaykum.

waxaan hubaa in qofka muslimka ah ilaahay nidaam uu u dhaqmo u soo dejiyey diinta islaamka wax aanay ka hadlin ma jirto wax jiray wax jiri doona iyo wax hada joogaba. in dadka islaamka wada tashadaan waa layna faray oo suurad dhanbaa loogu magacdaray ( suurada layiraahdo suuratul shuuraa) waxa laga wada shirayaa ayaa hadaba iswaydiin leh wixii aayad quraana ama xadiis ku saabsan ayagu hadal ma leh waa in si toosa looqaato.qofka madaxda u noqonaya dad muslim ah wuxuu leeyahay shuruudo laga rabo inuu buuxiyo

qofkii u baahan sida islaamku isu doorto ama doonaya dimoqoraadiyadu dhabta ah ee reer galbeed ha daawado muxaadarooyin lagu duubay norway oo uu duubay (MUSTAFE X- ISMAACIIL ) kuwaas oo ka hadlaya waxa bogan layku haysto oodhan iyo waliba dheereed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
WAXAY TAHAY SIDEE LOOGA BADBAADI KARAA KHIYAANADOODA,ILAH ISAGA AYAA CAAWINAYA DIINTIIS MACNAHEEDA MA,AHAN IN ILAH UU MARAYKANK DHAGAX KU DAADINI DOONO AMA UU ISRAA,IIL DAAD KU SII DAYN DOONO MICNAHEEDU WAXAY TAHAY IN ILAAH UU SOO SAARI DOONO JIIL AWOOD U LEH IN UU SHARAFTII ISLAMKA EE DHUNTAY SOO CELIYO.
ANIGA WAXAN QABAA IN AAN U BAAHANNAHAY KALIYA MASKAX FAHAMTA SIRTA IYA KHIYAANDA REER GALBEEDKA.
MANTADIMUQRADIYADA WAXAY NOO SUURO GALISAY IN AAN KA HADALNO ARRIMAHA NOOCAN OO KALE AH OO RUNTII MAANT HADII AAN UGA HADLI LAHAYN DALALKA ISLAAMKA QARKOD KU TAGI LAHAYN MAXKAMAD MILLITARY IYADOO DANBIGEENU YAHAY KHAA'INULWADAN MAXAA YEELAY WAXAN KA HADALNAY ARIN KHUSAYSA XUKUN IYADOO DALKA MRAYKANKA MADAXWAYNIHIISA UU HOR ISTAAGO MALAAYINTA UU XUKUMO UNA QIRTO IN UU BEEN SHEEGAY UUNA U BAAHAY CAFIS.
DIMUQRAADIYADU WAA IN AY SHUCUUBTA KA TARJUMAAN RABITAANKOODA, MAXAY KULA HADII MAANTA SHACABKA TURKIYA AMA MASAR XORIYAD LOO SIIYO IN DOORTAAN QOFKAY RABAAN IYO XUKUNKAY RBAAN IN AY DOORANAYAAN MASIXI IYO DASTUUR AADMI SAMEEYAY RUNTII MUSTAXIIL DALIILNA WAXAA NOOGU FILAN SHACABKA TURKEY MARKII AY ARKEEN XIZBI MULIM AH ASAGA AYAYDOORTEEN IYADOO CILMAANIYADA 70SANO U TALISO KA WARAN ALJEEIYA MARKAY HELEEN FURSAD AY KU DOORTAAN WAXAY DOORT5EEN XIZBUL'IQAAD

DIMUQRAADYADU WAA IN IXTIRAAM AL SHAKHSYAH OO MICNHEEDU YAHAY IN UMMAD WALIBA AY ILASHATO DHAQANKEEDA,IYO WAXYALAHA U KHASKA AH HADII UMMADA MASARIDA AY AWOOD U LAHAAN LAHAYD IN GO'AAN GAARAN MAANTA SAFARAD ISRA'IL KUMA OOLI LAHAYN QAHIRA AMA SHACABKA REER CIRAAQ UMA BAABI'I LAHAYN KHALAD UU SAMAYAY HAL QOF SIDAA AWGEED ANIGA WAXAAN QABAA IN DIMUQRAADIYADU TAHAY JIDKA KALIYA EE AAN KU SOO CESHAN KARNO XUQUUQDEENA LA BAADAY WAAN WAX FIICAN INTA LOO ISTICMALAYO JID FIICAN SIDA WALAAD C/LLAHI SHEEGAY YAYSANA NACAYBKA AAN U QABNO WESTERNKA DANEHEENA NA DHAFININ DHIBAATO HADII AAN WADAAGNO WAX FIICAN MAXAA YEELAY ANAGA AYAA NALOOGA BAHNAA IN BILOWNO LAKIN HADII AAN KA JIIFANAY WAA KHALDKENA EE MA AHA ERAYGA KHALADKIISA.
MIDDA KALE OO MAR WALBA AAN RABO IN AAN SHEEGO WAA IN AAN LAHANO DULQAAD MAXAA YELAY JIDKA HORUMARKEEN CARPET GADUUD AH KUMA FIRAASHNA EE QODXAA KU DAADSAN MARKA WAXAN ARKAYNAA DHIBAATOYIN BADAN MARKA WAA IN KU SABARNAA SABRAAN SADKA LEH
(WALLAHU MACASABIRIN)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
WAXAY TAHAY SIDEE LOOGA BADBAADI KARAA KHIYAANADOODA,ILAH ISAGA AYAA CAAWINAYA DIINTIIS MACNAHEEDA MA,AHAN IN ILAH UU MARAYKANK DHAGAX KU DAADINI DOONO AMA UU ISRAA,IIL DAAD KU SII DAYN DOONO MICNAHEEDU WAXAY TAHAY IN ILAAH UU SOO SAARI DOONO JIIL AWOOD U LEH IN UU SHARAFTII ISLAMKA EE DHUNTAY SOO CELIYO.
ANIGA WAXAN QABAA IN AAN U BAAHANNAHAY KALIYA MASKAX FAHAMTA SIRTA IYA KHIYAANDA REER GALBEEDKA.
MANTADIMUQRADIYADA WAXAY NOO SUURO GALISAY IN AAN KA HADALNO ARRIMAHA NOOCAN OO KALE AH OO RUNTII MAANT HADII AAN UGA HADLI LAHAYN DALALKA ISLAAMKA QARKOD KU TAGI LAHAYN MAXKAMAD MILLITARY IYADOO DANBIGEENU YAHAY KHAA'INULWADAN MAXAA YEELAY WAXAN KA HADALNAY ARIN KHUSAYSA XUKUN IYADOO DALKA MRAYKANKA MADAXWAYNIHIISA UU HOR ISTAAGO MALAAYINTA UU XUKUMO UNA QIRTO IN UU BEEN SHEEGAY UUNA U BAAHAY CAFIS.
DIMUQRAADIYADU WAA IN AY SHUCUUBTA KA TARJUMAAN RABITAANKOODA, MAXAY KULA HADII MAANTA SHACABKA TURKIYA AMA MASAR XORIYAD LOO SIIYO IN DOORTAAN QOFKAY RABAAN IYO XUKUNKAY RBAAN IN AY DOORANAYAAN MASIXI IYO DASTUUR AADMI SAMEEYAY RUNTII MUSTAXIIL DALIILNA WAXAA NOOGU FILAN SHACABKA TURKEY MARKII AY ARKEEN XIZBI MULIM AH ASAGA AYAYDOORTEEN IYADOO CILMAANIYADA 70SANO U TALISO KA WARAN ALJEEIYA MARKAY HELEEN FURSAD AY KU DOORTAAN WAXAY DOORT5EEN XIZBUL'IQAAD

DIMUQRAADYADU WAA IN IXTIRAAM AL SHAKHSYAH OO MICNHEEDU YAHAY IN UMMAD WALIBA AY ILASHATO DHAQANKEEDA,IYO WAXYALAHA U KHASKA AH HADII UMMADA MASARIDA AY AWOOD U LAHAAN LAHAYD IN GO'AAN GAARAN MAANTA SAFARAD ISRA'IL KUMA OOLI LAHAYN QAHIRA AMA SHACABKA REER CIRAAQ UMA BAABI'I LAHAYN KHALAD UU SAMAYAY HAL QOF SIDAA AWGEED ANIGA WAXAAN QABAA IN DIMUQRAADIYADU TAHAY JIDKA KALIYA EE AAN KU SOO CESHAN KARNO XUQUUQDEENA LA BAADAY WAAN WAX FIICAN INTA LOO ISTICMALAYO JID FIICAN SIDA WALAAD C/LLAHI SHEEGAY YAYSANA NACAYBKA AAN U QABNO WESTERNKA DANEHEENA NA DHAFININ DHIBAATO HADII AAN WADAAGNO WAX FIICAN MAXAA YEELAY ANAGA AYAA NALOOGA BAHNAA IN BILOWNO LAKIN HADII AAN KA JIIFANAY WAA KHALDKENA EE MA AHA ERAYGA KHALADKIISA.
MIDDA KALE OO MAR WALBA AAN RABO IN AAN SHEEGO WAA IN AAN LAHANO DULQAAD MAXAA YELAY JIDKA HORUMARKEEN CARPET GADUUD AH KUMA FIRAASHNA EE QODXAA KU DAADSAN MARKA WAXAN ARKAYNAA DHIBAATOYIN BADAN MARKA WAA IN KU SABARNAA SABRAAN SADKA LEH
(WALLAHU MACASABIRIN)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MAKIIKOOS III

Unrecorded Date
fahad,

walaal marka hore warkii oo dhan islaam ama sharciga alaah iyo dimoqoraadiyada, waxay isu jiraan cir iyo dhul oo kale. nacaybka aan gaalada u qabno waa waajib ileen alay beeniyeen adiguna arxan guud iyo mid gaar ah ba kuuma hayaan. hadaba wadamada muslimiinta ee aad soo tirisay xornimo la'aanta ka jirta waa mid ay ayagu westernka eeda kowaad lee yihiin because of in the name of interest hadii aad xukuumadaha wadamada islaamka ka jira ayaa baab'a maanta dunida islaamka sameeyey ileedahayna maad turki iyo algeria wixii ka dhacay ku quus qaadatid.

salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ansaari

Unrecorded Date
Dad badan ayaa wax isaga dardarsan yihiin.

Dadka qaar baa yiri aanu WESTIGA ka
faa'ideysano wixii aay na dheeryihiin!
Iiman xoggan hadii uu jiri lahaa sidaa
looma hadleen.

Islaamka haddii si dhab ah loo fahmi lahaa
meel kale wax u raadin maysid. Wax kasta
oo yimaadana waxaa XALKIISA laga fiirin
KITAABKA ama SUNNADDA XABIIBKA (scw) haddii
laga waayana waxaa loo geeni culimada
waaweeyn ee DIINTA ehelkeeda ah.
That is it!.

Mida kale ma jiro dal islaami (islamic state)
ah, kuli waxa maanta jira waa adeegayaal, marka
fadlan ha iiga dhigina tusaale ee tusaale ka
dhigo waqtigii "Khaliifada".

Dad badan ayaa eeday cudurkan, waayo waa
cudur "virus" dilaa ah oo bulshada kaa
saameynaya dhinac walba xag dhaqaale,
bulshi & mid siyaasiba.

"Virus-kan" waxaa si fiican u maala hal
qowmiyad (Yahuuda), waxaa u raaca ama
u dhowra ama u xafida Westiga. Weli ma aragteen
dal gaala ama muslimba oo la yiri dimoqr.
si fiican ayeey uga dhaqan gashay? haddii uu
jirana, u fiirso waa dal aay YUHUUD u taliso.

Saaxiibayaal, wixii cilmi ah gaalo/muslimba
waa OK, halakala faa'ideysto balse Annoo Islaam
haysta ayaan "qaaxo! raadsanayaa waa is duleyn.

Doodana wax miro dhal ah ma noqoneyso inta dadka
(halkan) qaarkii aaminsan yahay
sheekoyinkii saxaabada & tusmooyinkii Rasuulka
(scw) ma ku soconayaan qarniga 21aad.?? cajiib!!

http://www.radioislam.org ayaa si fiican kaaga
warami doono dadka (Ahlu-dimoqr.) saxda ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
Saxib inaga kuma oran westernka ayaa saxan ee waxan ka hadlaynay dimuqradiyada,dimuqradiyada waa qayb ka mid ah diinta islamka,dimuqraadiyadu waa wada tashi iyo in umaduhu awood u yeeshan inay doortan ninkay khayr ku ogyihiin,tarikhda islamka way ku timid waagii nabiga csw uxud nabigu muusan jeclayn inuu u baxo banaanka si uu u dagaalamo lakin aqlabiyadii asxaabta oo aan ka qayb galin dagaalkii badar ayaa ku codbadiyay in loo baxo banaanka si loo dagaalamo nabiguna isagoo ixtiramaya afkaarta asxabtisa ayuu ogoladay.

Midda kale manta dunida islamka malahan xal kale oo aan ahayn xalka dimuqraadiyada oo micnaheedu yahay in ummadaha muslimka awood u yeeshan inay go'aan ka gaaraan danahooda maanta dhamaan dawladaha islamka waxa u taliye xukun askari ama mid ku ra'yi hal qof oo danayste kuwasoo ku tuntay dhamaan xuquuqdii islamka iyo musliminta,tusale shucubta islamka marnaba ma ictirafsana israil iyo dhulka ay baada ku haysato lakin nasiib darro awood ay ku dhahaan malahan hadii ay dimuqraadiyadi jiri lahayd shucubta islamka waxay dooran lahayd diinta islamka in lagu xukumo,tusale shacabka reer turkiya markii loo fasaxay inay doortaan cidday raban waxay doorten xizbigii islamka ee uu arbakaan u taliyay sidoo kale aljeeriya shacabka aljeriya wuxuu cadeyay in islamka uu yahay diintisa iyo dastuurkisa ka waran manta masar hadii doorasho ka dhici lahayd ama syria ama ciraq ama tunisia ama kuwait ama ardun ma waxay kula tahay in ay dooran lahayen new world order,westernku way ogyihin in dimuqradiyadu tahay qayb muhim ah oo dintena ka mid ah sidaa awgeed waxay ku dadaalen inay na kala fogeeyaan,maxay kula tahay in uu sayid qudub u dhintay maxayse u baaba'ayaan halyeeyada aqoonyahanada islamka maxay dibadaha ugu kala cararyaan sayntistayaasha islamka? maxa yelay malahan awood ay ku cabiran runta amaba ay kaga hadlan xaqiiqada,shacabka westernka asaga ayaa dooranaya madaxdiisa go'aana ka gaaraya danihiisa iyo waliba qadiyadihiisa lakin inaga wax aan farah ku hayno ma lahan,waxn idin waydinayaa Al-ansaari sideed u malayn in xukun islam loga samayn karaa maanta dunida islamka madama aad diiday doorashada iyadoo la wada ogyahay in xukun islami uusan jirain markii laga reebo wax yar oo Iran iyo sudan,waxan u malayn in uusan jirin ilaa awood hub ma ahee Micnaha in la baabi'iyo masakin dalxis ah iyo ilmo yar naag uurleh iyo waliba xarumaha dhaqaaleee dawladaha islamka iyo in millitariyada dictatorada awood wayn loo siiyo in ay ku sii tuntaan xuquuqda xijabka iyo qur'aanka

Any way micnahaygu ma ahan in aan cilmani ahay lakin waxan rabaa maskax wayn oo u furan ciyarta siyaasdeed ee ka dhacaysa dunida maanta iyo waliba in Ereyada qiimo lahayn marka loo fiiriyo micnaha guud

walaal ansaari iyo atbacdisab si fiican u khriya fahmana farintayda

(wabillahi tawfiq)


FAHAD 17age washington seattle

www.fahad1c@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam Calaykum,

AL-ISLAM HUWA AL-HAL!!!!!!!

Waxaan u malaynayaa in wali ismaandhaaf farabadani ka jiro dhexdeena, waxaanse jeclaan lahaa in aaysan taasi wax u dhimin isla jaanqaadka aan isla jaanqaadayno marka aan ka hadlayno Amuuraha kuwoodda waaweyn. Islaamku in uu xal yahay waxaan u malaynaa in aanay cidina diidanayn, waxa laisweydiiyana ma ah, laakiin su'aasha u baahan in la isweydiiyo ayaa waxay tahay HOW?

Caalamka Islaamka sida aan wada ognahayba waxaa ka jira Xukoomado Furcoonni ah oo sida Fircoon leh "Maa uriikum Ilaa maa Araa, Mawaa Ahdiihum Illaa sabiila Rashaad ", Iyo Qaar Qowmiyiin ah oo Islamkaba ka soo horjeedda oo u arka in uu yahay wax cadowgooddu wato, Hadaba Su'aasha isweydiinta mudani waxay tahay:: Sideed Dacwadaadda iyo Islamkan aad leedahay waa xal Ugu fulinaysaa goobaha ay xukumayaan Qowlaysataddani?

Bal ila soco waxaan isku dayayaa in aan soo gudbiyo tijaabooyinka ilaa iyo hada jira ee aan hayno si aan bal isku weydiino oo aan wax uga baarano dhacdooyinkaas.

OPTION1: Working Within Existing Parliamentary Systems
Jordan, Kuwait, Turkey, Irian, Yemen, Pakistan, Malaysia,
Tijaabooyinka qaabka islamka ee wadamadaan maxaan ka baran karna?

OPTION2: Excluded from the System
Syria, Libya, Algeria, Saudi Arabia, etc.
Kooxdan Labaadse maxaan ka faa'iideysan karnaa?

Arintaas waxaan u dhaafayaa dad weynaha bal in laga doodo oo la isweydiiyo mid walba iyo ilaa iyo maaanta miraha laga gaaray. Inta aanan mowduuca ka bixin ayaan waxaan jeclaaday bal in aan arin aan moodo in ay sabab u tahay ismaandhaafkeena soo gudbiyo.

Shumuulnimadda iyo Dhamaystirnaanta Diinta Islamka

Diinta Islamku waa diin dhamaystiran isla markaana aa ka la go'goaynin oo in lawada qaato ama laga wada tago mooyee aan ogolayn in qaybna laqaato qaybna laga tago. Nabi Muhamed (scw) wuxuu uu yahay ummadda Qudwatul hassana ama tusaale lagu daydo, noloshiisa oo dhan waxaa laga heli tusaaleyaal noogu filan in aan wax ku fahano.

Islaamku ma ogola qof DHINAC u janjeera oo aan balanced ahayn, Fiqiih, qalbi engegan ma ogola, mid qalbi qoyan(spritual coma ku jira) oo aan arladda la socona ma ogola, Siyaasi caabid aan ahayn ma ogola, caabid bilaa cilmi ahna ma ogola. Arimahaas aan soo sheegnay oo dhami waxay na tusinayaan Asmatul Figriga ku dhacay caalamul Islaam inta uu le'eg yahay, mid wali inyar buu arkaa markaasuu isu maleeyaa in uu DACWADII(Ilbaxnimaddii) Islaamka oo dhan uu isagu hayo.


Ugu danbayntii waxaan Walaalkey ANSAARI soo xasuusinayaa in IIMAN qawi ah oo KALIYA oo laga sugo bulshadda muslimiinta aanay daawo u ahayn Taaha iyo Oohinta ka yeeraysa Ummadda Muslimiinta.
(Wa ucuddu Mastadactum Min Khibaal Raybi.....)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
To Yaska,
Salamu caleykum brothrt!

Walaal waa runtaa waxaa jira wax yaabo badan oo xal inooga baahan balse xallintooda u baahan tahay in aan ku xalino (in islamic way and islamic point of view). Imaan , Sabir & halgan mideysan oo ku saleysan Kitaab wal Sunnah weeye anniga fikrad ahaanteyda.

Dadka hadal keygu ku socdana waa aay is ogyihiin waana kuwa DIMOQR. Westiga moodaya JANNO.

Walaalkiis bal dib u aqri ragga sida Skandeneviya iyo Abdullahi ku qanacsan sunta westiga dad u qooshaan moodayana in islaamku loo baahan yahay in uu ka faa'iideysto.

SHURAA waanu ka hadalanay..waana wax dhaqan u ahaa islaamka (khillaaafada) iyo weliba marka aad fiiriso xeerarkeena soomaalida ee GEEDKA HOOSTIIS. (xasuusnoow marwalba oo odayaashu gar u fariisan jireen waxaa lagu xukmi jirey "majoraty" in loo bato ayadoo laga bixin xeradda islaamka (iskastoo iska jireen mugdiyo). hab dhaqameedkaasi awoowayaasheen ku dhaqmi jireen waxaa loogu yeeri karaa "wadatashi". sax miyeeysan ahay?

Miyaanu lahay dhaqamo xeeerar "common lows" ku saleynaa wax dadka doorteen in aay isku dhaqaan ayagoon lagu qasbin? Miyuusana Islaamku jideen in la wada tashto? Wax sana la isku raaco?

Annigu ma diidani habka noocani ah, ee waxaan diidanahay fikirka raggani wataan oo ku salaysan nidaamka Westiga oo isugu biyo shubanaya aakhirkii shirki, dambi & fusuq.

Markii aad la doodi waxaay tusaale kuugu soo qaadanayaan arag sucuudiga! arag Aljeeriya..dad systeemadaasi ka dhaadhacsan yihiin waa islaami garan mahayo waxa aan kula doodo!.
"saxaabada iyo rasuulka hadaladoodu iyo sida
aay wax u xallin jireen maanta ma soconeyso ayuu
yiri Cabdullahi"


maxaad kala doodi oo meesha yaal qof saa u hadlay????

"Westiga aanu ka faa'iideysano xaggadimoqr. ayuu yiri Scandeniya"


ii sheeg Yaskoow waxa aan maanta ka faa'iideysano.

Gabagabo: Waxaan qabaa waxa kaliya oo looga bixi karo masiibadan ummada heshay waa qaadashada the true of Islam, Iimaan xoggan markaasna waaxaa hubaal ah in kulligood kufaar oo dhan ku hoos imaani una hogaamsami awaamirtaada. Waxaana taas proof u ah, arag waqtigii soo ifbixii Islaamka iyo sidii aay ku dambeeyeen dowladihii xoogga lahaa ee waqtigaas in hantaawilif ku dhaceen lana hantay ayagii oo dhan.

Xalka islaamiyan ku saleysan Al-Kitaab wal Sunnah weeye, ee maahin demoqr. shaatiga kale wadata.

Raali iga ahoow aad ayaan u dheereeyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandanefiya

Unrecorded Date
Bismilaahi Raxmaani Raxiim!.
To: Al- Ansaari.
Nin yahoow, horta ha inoo gafin, oo waad nagu khaldantay. Marka aad nagu tilmaamtay "dad cabsan Westiga". Ninkii doonaa wuu ku noqon karaa qoraaladii aan qornay, bal in aan nahay Islaam diid iyo in kale.

Aniga/anagu waxaan aaminsanahay, in UMADDA MUSLIMKA ay soo doorato NINKA ay u dhiibaneeyso MAAMULKEEDA.

Waxaan ka soo horjeedaa inta rabto DIKTEEYTAR DIINEED, oo ku dhisan koox kali ayaa gooneeysaa talada UMADDA.

Walaalkeey Ansaari bal ka waran, haddii nin u Salaada IMAAM ka noqdo iyagoon ka raali aheeyn?????

Ma laga aqbalaaya ninkaas salaadiisa, mise????????????
Bal ka waran haddii u DOWLADNIMADA u qabto??????.

Aniga waxaan ka dagaalamaaya in ay nagu soo noqoto, dawladihii ISLAAMKA matalaaye ee hore, sida CABAASIYIINTII, UMAWAYIINTII iyo CUSMAANIYADII, nidaam koodii doorasho.... ee kama soo horjeedo FIK´RIGII diineed oo ay xambaar sanaayeen.

Ee adiga ANSAARI maxaa ku diidi arintaa???????

Marka arintaas diinta Islaamka ma ogoshahay??????????????????.

Marka aad leedahay, FUSUQ, DAMBI iyo SHIRKI ayaan rabnaa,, maxaa ka wadaa????, Ma gaalo ayaad inoo aragtaa???????????

Ee kama mid ihi aniga shabaabka SAXWADA maanta jira, kuwaaso SHABAD saara (gaal, fusuq,calmaani iyo dambi) qofkii ay san u bogin.

Walaahu aclam.........

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
To ansaari

walal ansari waxaa ii muuqato in colada aad u qabtid westiga ay kaa indha tirayaan waqica ama xaalada dunida islamku ku sugan tahay,walal ansari marka hore isku day in aad fahantid micnaha ee innaga aan ugala jeedno westiga,runtii aniga uma arko in aan ka faa'idaysanno westiga horumarkooda iyo wixii fican ee aan ka hor imanayn diintena islamka,qasabna maahan in hadii ayan asxabtu samaynin aan ku dayanno qadiyadaha noocan oo kale,sug micnineeda ma ahan in aanjid cusub samayno lakin xaaladii waagas wayka duwan tahay tan maanta aad iyo aad,maxan ku diidayna hadii aan N/korea nasiso fursad ah in ay nagu caawinayaan samaysada hubka nuclearka,

saxib manta dunida siyasadda ka jirtahi waxay u baahan tahay ka fiirsasho iyo waliba caqli wayn.
SIDEE DOWLAD ISLAMI AH UGA SAMAYN KARTAA MANTA TURKIA AMA MASAR AMA SYRIA AMA CIRAQ MANTA HADII AADAN AQBALAYN DIMUQRAADIYADA MISE KALE EREYGA DIM AYAAD NECEBTAHAY?

waxan filayaa in uusan jirin way aan kan ciidan,sida muuqatan maanta jababirada dunida isamka cidka awood badani malahan,syri waxay isku dayeen kooxo islamka awoda badan in ay inqilaban xukunka asad natijaduse waxay ahayd in ay dhimato over40.000 muslim iyadoo la xarimay astan islam iyo waliba fikir islam aljeriya wan wada ognahay wixii ka dhacay marka walal ansari hadii aadan rabin in aad dimuqradiyad oo ah waddada ugu macqulsan ee arrinta bal adiga sheeg sida aad dunida islamka xukunka ilah ee wada tashiga ku dhisan ka oogto,

midda kale aniga wax dhibato uma arki in aan westiga uga faa'idaysto wixii fiican aan islamka ka hor iman tusale nabiga ayaa malin arkay yahuuda oo sooman wuxuuna waydiiyay sababta ay u sooman yihiin?waxayna ugu jawaaben manta waa maalintii uu nabi muse fircoon ka badbaaday,nabigu waxa uu yiri inaga ayaa idinkaga xaqnimo badan nabi muse isagoo soomay,mase tasi way ka duwan tahay,dalka bakistan waxa uu leeyahay awood nuclear yaad u malayn in uu ka caawiyay dawlada china waxay si wayn uga caawisay bakistan in ay hanato hubkas iyadoo china sida la ogyahay ay gumado mulim 20milion ah lakin haysatana qaybka mid ah kishmir,ka waran stationka iran ee nuclearka magalada bushar rushia ayaa gacan wayn ka gaysatay in ay dhisto iyadoo rashiya gumaado over 70million muslim,marka hadii dano wayn nooga xiran yihin maxan ku diidnaa (irtikaab akhafu dararayn)se ma maqashay,micnahaygu isu dhib westiga balse waxan leyahay waqica iyo danaheena fiiriya nabigu wuxu yiri (alxarbu khidcah)shekaduna waa dagaal qabow marka Ansari hadii manta aad isku daydid in aad islamka (fisa)iyo usama binladin waad shahiidi lakin waxad haysataa fursad ee umadda islamka wacyi gali dareensii ahmiyada baraarugooda iyo waliba si nabad ah isugu day in aad 21century ula socotid

Isalmku waa diin buuxda waqti walba iyomeelba ku haboon ee walaal dib ha inoogu celin siyasadii cusuurul wusdaa

By the way waxan kaa sugayaa qorshihii aad ku keeni lahayd xukun islami ah?????????????????????


Walal ansari jawab degan oo degdeg ah

fahad1c@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
Ansari walal manta ma diyarsanay sharcigii islamka ee lagu xukumi lahaa dowlada islamka mise waxad heysaa qur'anka,dabcan quraanku wuxuu u bahan yahay fahan iyo in laga istinbaado axkamta 21century,

sidaa awgeed ma diyaarisay dastuurkii islamka ee dowladda 21 century mise wali waxan isticmalaynaa kii harun alrashid ,musa alhadi mise walid bin marwan

jawabta adinkaa leh

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abaacubayda

Unrecorded Date
walaalayaal xukun islaam waa inugu waajib hadaynu nahay muslimiin. wixii aayad iyo xadiis ina amrayaa ka wada hadalkeed ma jiro wixii xeer hoosaadina waa meesheed waxaa arimaahaa oo dhami inay hoostagaan xaq u leh (nimankii dhaxlay ambiyadii alle waa culimada islaamka ahe) gaalo waxaynu uga baahanahay ma jiraan ayagaa inoo baahan haday cilmi ama kudayasho noqon lahaydba.

walaalayaasha cabsidu ka yara muuqatow gaalo faankeed yaanu idin cabsi galin ee aynu alle ka cabsano

assalama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandanefiya

Unrecorded Date
To: Abaacubayda
Walaal haddii gaaladu aay noo baahan yihiin, sida aad afka ku dhufatay adiga.
Maxaa ku keenay qurbaha?????????????? yacnii wadamada gaalada.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

GADIID

Unrecorded Date
ASALAAMU CALAYKUM
DHAMAANTIIN WAAD SALAAMANTIHIIN,RUNTII AAD AYAY IIGU ADKAATAY INAAN WADA AKHRIYO DHAMAAAN DOODA KU QORAN BOGAN, HASE-YEESHEE BADANKIISA WAAN SOO MAREY. RUNTII DADKA HALKAN KU DOODAYA BADANKOODU AMA DHAMAANTOOD WAY IGA AQOON BADAN YIHIIN,WAXAANSE JECLAYSTEY IN ARIMAHA NIN RAGI OG YAHEY NACASNA LOO SHEEGAYN AAN WAX KA IDHAAHDO,WAXAAN RUNTII AAN U BOGAY DOODA AY SOO JEEDIYEEN KOOXDA AWOOWO KU TILMAAMAY ASAL-RAAC, SABABTOO AH DIMOQ.MA AHA KALIMAD HADA EE WAA SYSTEM, WAXEY ILA TAHEY HADII AY DOODU TAHEY WAAR SIDEYNU BOODHKA UGA TUNAA UMADEENA WAA MID FURAN LAAKIIN DIINTEENA IYO DIMOQ WAXA LAYIDHAA LABA SHEY OO ISWAAFQAYA MA AHA EE WAA KALA MIYO,DALIILKEEDANA WAX BADAN AYAA KOR LAGU SOO XUSEY,QOFKII AY KU DUXAYSANA UGU FILAN,CULIMADA ISLAAMKA EE HADA NOOLI WAXEY KU TILMAAMEEN INUU YAHAY GOGOL-XAADHKII DAJAAL WAXAANA MAYALKA U HAYA KOOXDA LAGU MAGACAABO(FREE MAISON) TARGET-KA KALIYA EE AY LEEYIHIIN IMINKANA UU YAHEY SIDEY FOR GOOD UGA TAKHALUSILAHAAYEEN UMADA ISLAAMKA AH.WXAAN QABAA DHALIISHA UMADDU LEEDAHEY KA HADALKIISU WAA GAAR,KU DAYASHADA AMA QAADASHADA DEMOQ-NA WAA CIQAAB IFKA AH IYO CADAAB DARAN.

GARAADKEY AYAAN HADLEY WALAALAYAAL.
WAANA LAY SIXI KARAA.
WABILLAAHI TAWFIIQ
ASALAAMU CALEYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalamu Caleykum!

Skandenifiya & Fahadba

Walaalayaal waan aqristay maqaalkiina, balse waqtiga oo aad iigu yar waxaan idiin soo jawaabi doona galabta isniinta haddii Alle idmo.


Ansaari@muslimsonline.com
Iyana waa la igala soo xiriiri karaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Unrecorded Date
HESHIISIIN
OK LETS PUT IT THIS WAY: Hadaan muslim nahay waxaan isku raacnay in 'shariica' dawladeenu ku dhisnaato. Ok anagoo shareecada ku socona wixii dimuqraadiyada nawaafaqa waan qaadanaynaa, wixii shareecada ka hor jeedana waan ka tageynaa.
Dimuqraadiyada sideeda kuma qaadan karno, maxaa yeelay waa SUN+BIYO= BIYO SUMAYSAN. Biyo sumaysana waa lagu dhintaa.
Qofkii qaba dimuqraadiyad kaliya aan sharci ka dhigano, shareecaduu meesha ka saarayaa, warkiisuna kasooqaad maleh, Ciqaabtiisana shareecadaa laga fiirin.

Salaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
moderate islamists,

umadi markey guud ahaan daciifto wax walba waa ka suuroobaan waxaad stageka aad maanta maraysaan ayaa idin gaarsiiyey heer diinta islamka ah ee wax walba oo wanaagsan ayka soo askumeen baad bulshit ku comparegaraynaysaan? waad kawada dheregsantihiin themeka dimoq inuu yahay distructionka iyo eliminationka islaamka so on and so on miyey wanaagsan tahay in aynu wax wanaagsan wixii xumaa ka qaadano? jawaab baan sugayaa hadaan qaldamayna ha laisoxo.
salaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Skandeviya,

Walaalkiis horta kuuma gafin, waxaase laga yaabaa in hadalkeygii kulayl ka muuqday markii aan tixraacayey maqaaladaada. Haddii aay taasi dhacdayna ka raali ahaaw cafi & masaabaxna.

Walaalkiis waxaad tiri in aad aaminsan tahay in ummadu soo doorato ninkii aay u dhiibanayso maamulkeed, ok, waan kugu raacsanahay taasi oo doodna kama jirto ee meesha aanu kukal leexsanahay waxaad moodaa in aay tahay in aad u hanqal taageysaan qaabka dimoqr. WESTIGA!, oo xisaabtuba idiinku jirin qaab dhaqmeedkii Abuu Bakar wa Cumar Cuthman Wa Cali (rc)? Nidaam islaami oo ka duwan kan Westiga ee beenta ku dhisan ayaa jiray ka hor intii Mucaawiye ka dhigin dhaxaltooyo.

Marka walaaloow bal inoo sheeg adigu qaabka aad ku fakireysid in ummadu u mideeyso islaamnimo.

Qaabka wax loo dooranayo?
Dadku iyaga miyaa isa soo sharxaya?….
…mise ummadda ayaa dooranaysa?
Ma waxbaa inaga maqan oo dimoqr. westiga u raadsanaynaa? Maxayse tahay?

Ilaah ha ina mideeyo!
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Fahad,

Walaalkiis, westiga marka hore anigu shaqsiyan ma jecli, muxubana uma hayo waana cadowga Diinta Alle, dabcana waa cadowgeyga ayeey noqonaysaa. Qofkii jecel asaga ayeey jirtaa kii necebna waan la necbahay.

Westiga iyo caalamka intiisa kaleba wixii dunyaawi ah sida sayniska, teknolojiyada & sancadahana waanu iska kaashani, kalana faa'iideysani oo waanu usimanahay. Balse meesha aanu kukala leexanayno waxaay tahay xagga Caaqiidada iyo tan aakhiraba?
Marka aanu kala saarno camalka duunyaawiga ah oo aanu gaalada iskala shaqayn karno iyo mabda' nidaamka dimoqr. ee 99.9% kusalaysan kufriga.

Waxaad tiri: "sidee dowlad islaami ah uga suubin kartaa Turkiya, Masar, Ciraaq, Syria haddii aadan dimoqraadiyadda aaminsanayn?"

-Walaalkiis ma ogid in dimoqraadiyadu islaamnimo saxa soo celin karin illaa aay sii dhumiso moyee? Wadamadaan aad magacaabtey xalkooda saxda wuxuu yahay Islaam waxaayna doorteen xalul dimoqr. waadna aragtay meesha aay geesay. Waxa xukumana waa wada calmaaniyiin Kitaabka & Xukunka Alle tuuray.

Walaalkiis ma ogid bahashaan aad adigu is leedahay waxay noqon kartaa XAL, in ummado badani iyo qowmiyaddo (nations) laguna rogay ayna eedeen dimoqr.? Xaggeey ku dambeeysay xisbiyaddii islaamiga ahaa ee sida dimoqr. looga soo doortay reer turkiya & Aljeria, meeye? Austria maxaa dowladii shacabku doorteen ee demoqr. loo cunaqabateeyey? Jejniya maxay uga duwan tahay East Timor? War saaxiiboow yaana lagu qaldin oo ha shalaayin hadhoow ee TOOS!!.

F.G: aqri maqaalkaygii aan soo dhigay (by Ansaari, Saturday, april 8, -2000, 07:41pm)

Wallahu Aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Ku. Skandeniviya, Fahad and co.

Waxaa fiican in dooda mugdiga aanu ka saarno iyo is-afgaranwaaga ku salaysan marka laga hadlayo mowduucan dimoqr..

Waxaa jira waxyaalo dunyaawi ah oo kala faa'ideysashadooda iyo kala qaadashadooduba binii-aadamka (gaalo walaa muslimba) u siman yihiin laysanka faa'deysto haddii aay noqon lahayd cilmigga xagga sayniska & teknolojiyadaba tusaale xagga daawada, sancadahaba.

Arrimahan (aduunyadda) cid Alle gooni u siiyey malahan ee waa hibo uu Raxmaanku ku manaystay aadanihiisa si guud, gaaladana loo fududeeyey (imtixaan ahaan). Markaa hadba wixii markaa caalamka ku soo kordha oo saynisa amabase tiknolog. ah haddii aanu muslim nahay waxaanu uga faa'iideysaneynaa sida kheyrka leh waxtarkana leh balse ugama faa'iideysaneyno dhankeeda xun xun ee gaaladu uga faa'iideysato. Ogaadana wax kasta oo cilmiga sayniska & tikno-gaba ahba waanu ka faa'iideysan muslim hasoo ikhtiraaco ama gaalaba, tusaale ahaan (internetkan) aanu maanta fursada u heeysano in aanu kuwada xariirno…

….sidaas darteed waa meeshan meesha doodeenu dhaafi la'dahay. Aaggana wax dimoqr. Ka khuseeya malahan ee ma ku sugnaan karnaa gudaha mowduuca:

Haddaba aanu iska kaashano in aanu jawaab u helno su'aalaha.

1 - Aduunku ma nidaamka Islaamka ayuu u baahan yahay mise nidaamka dimoqr.?

2- Dimoqr. ma hal waji ayeey leedahay mise imisa?


Walaahu Aclam
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
Assalaama calaykum

Wax lala yaabo ma'ahan in lahelo dad ay harawsatay ilbaxinama ku sheega reer galbeedka waxaase layaab leh in ay jiraan dad midabo diineed wata hadana kacabay ilaha reer galbeed!!.

Su'aashu waxay tahay xagee dhibku kajiraa ma Islaamkiibaan laguqanacsanayn mise waan la'aqoonin?.
maxaa keenay in loo hanqal taago mabaadi ku dhisan wax kasta oo Islaanka lid ku ah.

waxaad moodaa in raga afkaartaas wata ay indhaha kukala qaadeen aduunkii oo westeren haysto oo ay kunoolyihiin nolol kaduwan tan ay kunool yihiin dalalal badan oo muslimiintu daganyihiin markaasay moodeen in hormarku oogayimid xaga toosnaanta manhajka ay kudhaqmeen marka wax kalaba uma muuqdaan ileen tanay indhaha kukala qaadeene sidii uu yiri ninkii shaacirka ahaa

ATAANII HAWAAHAA QABLA AN ACRIFALHAWAA :FASAADAFA QALBAN KHAALIYAN FATAMAKANAA .

Ugu danbayntii Islaamku uma baahna in uu soo amaahdo qawaaniin kale ee aan asaga ku ekaano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
TO:Ansari

walal marka hore qalad ayad iga fahantay aniga nin muslim ah oo ilah iyo rasuulkisa jecel ayan ahay waxana dastuur ii ah qur'aanka kariimka ah waxana qudwa ii ah rasuulka.

walal ansari waxan aaminsanahay in jidka ilahay uu ayahay kan badbaadada iyo waliba xalka arimaheena,waxaana ogahay in westernku ay yihiin cadowga islamka habeen iyo maalina ay ku fakerayaan sidii ay diinta islamka iyo musliminta u dhibi lahayeen(yuriiduuna anyudhfi'uu nuurallahi bi'afwaahihim,wallahu muttimu nuurihi walow karihalkaafiruun).

Westernka waxay gumaysteen dunideena muslimka waxayna gumaaden umadaha islamka waxay kala googooyeen dunidii islamka waxayna isra'il ku beeren bartamaha caalamulislami,intasina kuma filna ee waxay doonayaan in ay nabedelaan(walan tardaa cankal yahuudu walannasaaraa xataa tatabica millatahum).
iyagoo uga dan leh in dunida islamka aysan horu marin ayay waxay udhiibteen dhalin ay caqligooda ku dhaqeen yahuudnimo iyo cadawad islam waxayna nooga dhigeen madaxdeen,maanta dunida islamka waxay la horu mari la'dahay dictatiryad iyo waliba xoriyad la'aan,ma dhihi kartid runta ma dhihi kartid shareecada hala isku xukumo maxaa dhacay?

Maxaa loo dilay sayid qudub? muxuu u shahiiday xasan albannaa ama rijashii islamka? jawabtu waxay tahay waxay dheheen (alislamu huwalxal)manta dunida westernka ayaga ayaa dooranay ciday rabaan iyo sharcigay rabaan dowladda isra'il waxay codka ka qaaday shacabkeeda in ay ka baxdo buuraha goolan iyo in kale iyadoo shacabku yiri ka bixi mayno dowladiina tiri shacabkaan ku raacnay,macodbaa laga qaaday falastiin in ay ictirafan isra'il iyo in kale mise masaraa cod qaaday in ay la heshiso cadowga ummadda mise turkiya ayaa shacabkisa doortay in ay saxiban isra'il,ma codbaa lagaa qaaday in cali mahdi ama ina caydiid ama c/lahi yusuf ku matalo adigoo in ay danbilayaal dagaal yihiin mise adigaa vowday in somali loo qaybibiyo s/land iyo somali morgan.

Jawabtu waxay tahay cid nagala tashatay malahan aayaha ummadeena lakin westernku shacbku isaga ayaa aayahiisa ka tashanaya.

ugu danbayntii walal anigu waxan aaminsanahay in dimuqradiyadu tahay mabda'a islam oo aanan ku dhaqmaynin maanta westernkuna inaga ayay naga xadeen innagaana u mudan inaan xuriyada afkarta ixtiramno,iyadoo islamku islamku yahay dinul xuriyah

ALLAHU RABUNAA
WARASUULU QUDWATUNAA
WAL QUR'AANU DASTUURUNAA
WALJIHAADU SABIILUNAA
WALMAWTU FII SABIILILAHI ASMAA AMAANINAA

Fahad1c@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
TO:Ansari and co

Micnaheena ma ahan western jecel ee wuxuu yahay sideen dunidaislamka ugu soo celin karnaa

Arintii aljeriya iyo turkiya aad tirina waxay marqaati u tahay in shacabka muslimka hadii xoriyad uu ku doorto la siiyo inuu diintisa iyo dadkisa dooranayo,markii turkiya votka la qaaday shacabka reer turkiya waxay doorteen xizbigii islamka,hadii uusan ciidanka yahuuda u taliso soo galin meesha hase aheete waxay ogaden in ummadu ogtahay diinteda iyo danteda sidoo kale aljeriya

Dalka iran iyadoo dimuqradyadu tahay dawlada islamka sharcigeeda ayuu khatami ku guulaystay talada isagoo wax ka badaly siyasadii qalocnayd ee salfkisa marka hadii sida axzab islami ah ay la tartanto xitaa kuwa shuuci ah umada islamka iyadaa og dhaqankeda,sideese talada ku heli kartaa manta hadii aadan isku sharaxin in lagfu doorto mise isma hubno oo shacabka kalsooni kuma qaabno manta hadii cod laga qaado dunida islamka in ay midowan iyo in kale waxay 99%codayn lahayeen in ay midowaan marka hadii mida sharciga Umada waxay isku raacdo ayy lagu xukumayaa xitaa isku raacdo in byblka lagu xukumo lakin mase kula tahay in umad muslim ah ay dooranayaan waxan ahayn islamka? hadaba waxaa nalooga baahan yahay in aanan fiirin ereyada ee aa u fekerno caalamiyan iyo si degan oo ka hufan colad iyo cadawd wax allale wixii dan noogu jirtona ku dhaqaaqno hadii ayan ka horimanayn allah iyo rasulkisa

Ansari ii sheeg hadii dimuqradyadu ka horimanayso islmka iyo waliba waxyaalaha ay uga duwantahay ?????

Ma waxadse doorbidsan tahay in aad afgambiso xukunka oo aad qasab dadka diinta ugu xukunto
waliba dhinaca aad adiga xukunka ka aragtid walalkis

Ansari jawab degan ayaan kaa sugayaa walal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Fahad,
Salaamu Caleykum!

Walaalkiis, marka hore maanta dowlad Islaam ahi majirto oo horyaal u noqon karta kuwa kale, balse waxaa jira shacab (ummah) islaam ah.dowlad islaama saxa haddii aay jirto maanta kuma aanu muraneen "sagaaro biyo waa cabtaa iyo ma cabto"

Waxaad tiri:
>> Ansari ii sheeg hadii dimuqradyadu ka
>> horimanayso islmka iyo waliba waxyaalaha
>> ay uga duwantahay ?????

***** Walaal, Yes!, Dimoqr. waxaay Islaamka uga hor imaanaysaa meelo badan sida xagga dastuurka, arrimaha Dumarka, Cadaaladda, arrimaha bulshadda, xoriyadda billaa xaduuda ah iyo waxyaalo badan oo lasoo koobi karin.

- Shareecada Islaamka ayaan qaadanayaa & dimoqr. isma qaadanayaan.
- Haaf ayaan dimoqr. ka qaadanayaana kaama aay asmacayaan, marka maxaad kufr dhulka isugu dhigaysaa?
- Walaalkiis, ii sheeg waxa Islaamku qabin oo aad ku tabeysid xaggaas iyo dimoqr.? (xasuus: ma kahdlayo islaamka maanta ee cadawgu calmaani & yuhuudi u taliso ee kuwii hore ee kulufa'u Rashidiinka ayaan ka hadlayaa)

Miyaadan ogeyn si kasta oo aanu u qaadano mabda'ooda (qurunkooda) in aaysan gaaladu waligood kaa raali noqonaynin.

Eeg, Qowluhu Tacaala wuxuu yiri:

"Walan tardhaa cankal YUHUUDU
walaa NASAARA xataa tatabica millatahum.."
Al-Quraan 02:120.


Micnahuna yahay: "Marnaba Yuhuud & Kirishtaanba kaama raali noqon doonaan jeer aad raacdid Diintooda iyo waxa aay walaaqaan"

Ilaahoow noo gargaar!
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
TO:Ansari
As/calaykum
Walakis sida muqata aniga iyo adiga is fahamla'aan unbaa na dhex taalla maahee isku mabda'a baanu nahay,kuma oran islamku wuxuu u baahan yahay,islamku waa diin dhamaystiran oo buuxda(alyawma akmaltu lakum diinukum wa'atmamtu calaykum nicmatii waradiitu lakumul islama diinan)
islamka waa diin iyo dawlad waa sharci iyo qaanuun waana cadaalad cilmi,islamka wuxuu ahaa kii aadamiga ka ilbixiyay cibaadatil cibaad ilaa cibaadati rabbil cibaad islamka is waa diinta aduunkoo dhan iyo waliba sharcigeeda.
Hadii aan isku waafaqnay taas waxan ku iri dimuqradiyadu waaqayb ka mid diinta islamka waxana innaga ugu yeernaa (ASHUURAA)islamku wuxuu lahaa ahlul xalli walcaqd oo maanta ah baarlamanka,dhinaca dimuqradiyadda waxad tiri waxay ugu duwan tahay caddalada dhaqalaha iyo xuriyadda.
Dimuqradiyadu waxay ku dhisan tahay ixtiramka rabitanka aqlabiyadda,marka hadii ummadda muslimka ku heshiso dhaqale aan ku dhisnayn ribada iyo khamriga waa nooca islamka kow dimuqradiyadu waa ixtriamka ummad walba dhaqankeda iyo herowyadeeda so dhaqankeena waa diinta islamka cid allale cidii la timaada wax aan waafaqsanayn dhaqanka islamka iyadaa lagu celin taasina waa nooca islamka mase ogtahay in u.s.a.iyo yuruba aan wax looga sheegi karin yahuud maxaa yelay waa against dhaqankoda marka micnaha dimuqradiyaddu ma ahan in aan sida westernka u hallowno oo aan khamri iyo liwaadh inxiraf iyo afkaarta fasadsan ku dayno dalkena shacabka muslimka ah waa in la dhowraa dhaqankisa sidaa awgeed wax allale wixii aan ku heshiino ayaa la ixtirami waana mustaxiil in aqlabiyad muslim ahi doorato madaxaan muslim ahayn iyo sharci aan islam ahayn marka waxaad radinaysid waa xusuululmaxsuul.
marka walalkis annaga gaalo ma jeclin mana raali galin rabno tusale waxaa noogu filan ciidanka turkiya hogamiya wuxuu la dagalamay islam iyo ilah wuxuu sameyay wax allale waxii islam dhiba si uu u raali galiyo yurub uguna biro lakin waxaa loogu jawaabay turkiya waa tii hogaaminaysay futuuxdii islamka ee yurub ee marka aad tarikhdina bedeshan noo imada sidoo kale tunisia masar ciraq somalia siyaad wuxuu dilay 11 culumo wuxuu ku jeesjesay qur'anka iyo nabiga si uu rashiya uga farxiyo lakin waxay sabab u noqdeen jabkiisii 1977kii marka waad sii allah sheegay (walan tardaa cankal yahuudu walannasaara xataa tatabica millatahum)

Walalkis farqiga wuxuu yahay waxaad rabtaa ereygii hore ee shura lakin dimuqradyadu waa shuraa
WALLAHU WALIYUTTAWFIQ WASALAMU CALYKUM WARAXMATULLAHI WABARAKATUH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Fahad,
Salaamu Caleykum!

walaalkiis dimoqraadiyadu la mid maahan Shuuraa. Bahashu sidaad u janjeerineyso ma'ahan, waa aay wajiyo badan tahay, hal weji ayaan qaadanayaa inta kalena waan ka tagayaa lagaa yeeli maayo.

Walaalkey Xareed ayaa horey u sheegay micnaga ereygan oo ah "xukunka dadkaa leh". mideda kale hadhoow sidaa iyo sidaas diinteena ma ogola iyo dimoqraadiyada caalamka oo kale ayaan ku dhaqmayaa ma soconeyso mana is-raaci karaan.

Marka inta aad dimoqr. iska dhaaftid maad dhahedid aanu u xallisano, heshiino, shirno, waxbarano, wax qabsano arrimaheena annoo ISLAAMKU yahay furaha wax walba. ooba ka faantid bahbahdooda.

Walaalkiis marka aad isticmaaleysid ereygan, waxaa loo qaadanayaa in aad wax ku tabeysid xaggaa iyo bahasha (dimoqr.) oo aadan ku haysan ISLAAMKA, haddii aay saasi jirtana waa qataroo hadhoow fitno ayeey ku keeni karta caqiidadaadana wax baay u dhimi karaysaa.

Waxaa u maleynayaa in aad ku qanacsan tahay haddii laguugu yeero Fahad waa nin "moderate" ah? ma ku farxi lahayd ereygaasi sida horeyba la idinku magacaabay halkan. Diintu ma "moderate" miyeey leedahay mise waa Islaam oo qura? "moderate" miyuusan bidci salka ku hayn karin.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

luqmaan

Unrecorded Date
assallaamacalaykum......walaalayaal ilaahay wuxuu dajiyay %* kitaaboislaama marka isaga ayaa noo dajiyay sharci mana u baahnin dastuur iyo inaan waxdajisano waa inaan kudhaqano kaliyaa nalaga rabaa. markaa wax aan gaalada uga baahanahay majirto. hadii laheli lahaa dad diinta islaamka kudhaqma oo gaalada kahor imaada oo diinta udagaalama waxay jisyo dhiibi lahaayeen iyagoo nuyuukliyeerkooda haysta oo dulaysan. meeshii ilaahay laga biqi lahaa ayaa laga baqayaabe...oo ilaahay baa noo gargaari lahaa. ee diintii baan larumayslayn gaalaana lagadaba ordayaa intaas..islaamnimaana la iska sheeganayaa.. wallaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
halkaan waxaa ah qaar ka mid ah waxyaabaha aan kitaabka ku qorneyn.
sida loo sameeyo baabuur, diyaarad ,combiyuutat,si guri loo dhiso, iyo jidad, taleefan, tv, sidas loo sameeyo daawooyin, Iyo waxyaabo badan oo aan halkaan ku soo koobin karin.

Saxiib waxa aad dhaheyso ka fiirso,

anaga bini aadam ah ayaa nalaga rabaa inaan ogaano sidaan u noolaan laheen, kaliya waxaa nalaga rabaa in aan ku dhicin muxaaramaadka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam Calaykum

Abdullahi.

Nice comments bro, I liked how you approached the topic.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KARIM_AFCAD

Wednesday, June 28, 2000 - 08:48 am
Assalaamu calaykum

1-dimuqraadiyadu waa mabda'
2-dimuqraadiyada waxaa aasaasay gaal makhnuuda(khaniisa)
3-dimuqraadiyadu waxay ku taagan tahay lugo aysan lahayn(Wanaaga ku jira dhamaanti Islaamka ayay ka soo qaateen(mase sheegaan))
4-Allah waa caadil noo naxariis badan sidaa awgeed wuxuu noo dooray dastuur caadil ah dhibtana naga ilaaliya wanaag oo dhamina ku dhan yahay(cidii og baase og)
5-Xumaanta dimuqraadiyadu leedahayu waa waxa ay iyagu qarsan la' yihiin ee cid kasta oo intay wax akhrido wax fahantaay la soco barnaamijyada ay uga doodaan dhibaha haysta(gaalada ayaan u jeedaa), Mithaal: Qof bani aadama dil dabadeedna Solicitor_ka (lowyer_ka) u tag isagaa bariiskiisa ka raadsan oo ku bari yeeliye(danbi-laawe kaa soo saariye)MAXAA KU DULMIYA!! dimuqraadiyada!!!
6-usuusheeda waxaa ka mida DIINTA iyoDAWLADDA ha isu soo dhawayn waa DAB iyo BAANZIINE, (taa waxaa keenay markay dadku quus ka istaageen diintii KIRISTAANKA ee EUROPE laga aaminsanaa ee u badnayd wax aan RABBI soo dajin, Xaq bay u lahaayeen say waa ku dulmanaayeene,Balse waxaa yaableh Islaamka waxa dadkiisu ugu gadoodsan yihiin (in yar oo Allah Caqli siiyay mooyee) oo ay ugu dagmeen Beenta la dhoob-dhoobay.(Walaakinna aktharan-naasi laa yaclamuun. Wamaa ak-tharun-naasi waloow xarasta bimu'miniin)Aayado Qur'aana.
Aan wax yar ka taabto Dhaca Beenaalayaashu ay Islaamka dheceen hadana ay been iyo marin habaabin ugu tiiriyeen Dimuqraadiyada:
A-Nidaamka SOCIAL SECURITY-GA (ka war qabka iyo quudinta shacabka, siiba kuwiisa taagta daran)
B-NIDAAMKA JUSTICE-KA
C-NIDAAMKA IS-XAQ-DHOWRKA
D-NIDAAMKA LA XISAABTANKA MADAXDA
E-NIDAAMKA DULMI LA'AANTA
F-NIDAAMKA DANTA-GUUD KU ILAALINTA WAX QOF AMA LABO FASAHAAD WADAYAALIHI AY DANTOOTA KHAASKA AH KU FUSHANAYAAN (sorry dimuqraadiyadu tan malaha e(waa danta guud ee bulshada))(iSLAAMKU DANTA GUUD BUU TAN KHAASKA AH KA HOR MARIYAA)
G-oo YAABA KOOBI KARA!!, BAL HADDA WAAN YARAHA NOOGAYE MAR KALE AYAAN WADI DOONAA INSHAA'ALLAH.

ALLAH!! WAR MID AAN LAGA TAGI KARIN BAA JIRTA OO ISLAAMKU DADKA AAKHIRADOODA AYUU U DHAWRAA(NOLOSHA DHABTA AH EE AAN LAGA DHIMAN!!.).

SIDOO KALE KHAALIQII DADKA ABUURTAY AYAY XAQIISA SIISAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Wednesday, September 27, 2000 - 04:07 am
ASALAAMU CALEEYKUM IKHWAANI.

WALALAYAAL HADII LA DIIDO DOORASHADA WAXAA IMAANI XUKUN KU DHAG OO KEENEEYSO ISKA HOR IMAAD IYO QALALAASO.

BAL KA WARAMAA SIDII LOO DOORTAY MADAXWEEYNAHA SOOMAALIYA, DR. CABDULQASIM, KA DIBNA LA FIIRINI DOONO 3 SANO KADIB. HADII UU FICNAADO UU SII WATO HADII KALENA U ISKA TAGO. MAXAA KA FIICAN?

MA IN UU KU AMAR TAAGLEEYO AYAA WANAAGSAN MISE SIDA XORTA AH OO LA DOORAN SIIYO UMADA.

DADKA DIIDAN NIDAAMKA CADAALADA AH EE DOORASHADA BAL WAX KA IRAAHDA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umasli

Friday, October 06, 2000 - 04:21 am
asalaamucalaykum.

walaalayaal waxaan idinleeyahay shukran!.

waxa kaliya oon rabaa inaan ku baraarujiyo dhamaan walaalaha khayrka jecel iyo inay intay barteen dadka sii baraan gaar ahaan Quraanka,inaanay lafdigiisa ku qorin afsoomaali iyo afkale mooyaane,macnaha uun sheega markaad daliil u soo qaadanaysaan.

ta labaad waxaad moodaa inaynu aad ugu mashquulnay baryahan waxyaabaha wakhtida lumiya.
HALAGU DADAALO DHAMAAN IN WAKHTIGA LOOGA FAAIIDAYSTO KHAYRKA SIDA XIFDIGA QURAANKA.

DIMOQRAADINA WAA XUKUN IBLIIS IBLIIS.
IBLIIS IYO XULAFADIISUNA WAXAY KU DADALALAAYN INAAD IYAGA OO KALE NOQOTO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Saturday, October 07, 2000 - 12:49 pm
Asalaamu caleeykum

Aad baad u mahad san tahay sida quruxda badan oo noo waanisay. Ilaah kheer ha kugu badalo.

Fikradeeda haddii aan ka dhiibto qeeybtaan.

Dimuqradiyadu 2 ayaan u kala qaadaaya. Mid waa DOORASHO tan kalena waa XORIYAD xadka dhaaftay.

Anaga haddaan muslimiin nahay nama anfaceeyso tan koowaad oo, xad uu Ilaaheey jideeyay dad weeynuhu iskuma raaci karaan in la DARDARO.

Laakinse anaga tan aan la BUKNO ama la isku HAAYSTO taa ma ahan ee waa, in la soo doorto QOFKA na maamulaayo oo uu ku yimaado wadada dimuqradiyada oo dadka lala tashado waa taas tan la isku haysto.

Taa haddii la diido waxaa IMAANI kaligi talis DIINEED oo ku dhisan aniga ayaa sax ah, inta kalena waa KHALDAN yihiin. Marka kala doorta labadaas.

Haddii aan u noqono KHILAAFOOYINKII hore ee muslimiinta. Maxeey ku dhisnaayeen??????????

Waxeey ku dhisnaayeen nidaam oo aan ku tilmaami karo QABALI. Oo ninkii xoog badan ayaa MAAMULI.

DAWLADII UMAWIYIINTII, waxeey sameeni jirtay in uu san GOBARNATOORE ka noqon nin ka dhashey CABAASIYIINTA. Sidoo kale imaam kama noqon jirin nin aan aheeyn carab dhalad, iyadoo oo aan loo fiirineey wax barasho. Ilaa markii dambe XOOG looga qaaday oo ay la wareegeen CABAASIYIINTA.

Marka anaga waxaas oo kale yeeysan nagu soo noqon. Oo qofka laga soo dooranaayo tusaale INDONEESIYA, MAROOKO, TURKIYA iyo HINDIYA, waa in uu ku YIMAADA isagoo/iyadoo ay dadka rabaan.

Ma taas ayaad ka soo horjeedaan???????. Haddii la leeyahay waa fikrad ka timid GAALO oo sidaas lagu naco waxaan u arkaa JAAHIL nimo. Waa in aan qaadanaa wixii fiican oo GALBEEDKA wataan, waxa kalena aan dhinac isaga tuurno.

Iga raali ahaada haddii aan idinku badshay hadalkeeyga.

Walaahu aclam.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.