site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Xuural ceyn for men !!! what about women?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Xuural ceyn for men !!! what about women?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslima

Unrecorded Date
waxaan maqalnaa xuural ceynta aakhira oo ah gabdho aad u qurxoon oo loogu tala galay ninmanka mu'miniinta ah marka eey dhintaan, waxaa la sheegay in nin waliba oo janada galo eey sugeyso ilaa 70 gabdhood oo xuural ceyn ah.....Suaasheyda waa naagaha mu'miniinta ah marka eey dhintaan oo eey Janada galaan imisa wiil oo xuural ceyn ah baa sugeysa, mise iyaga looguma tala gelin oo xuural ceynta waa wax loogu tala galay kaliya nimanka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geeraarshe

Unrecorded Date
Muslima su'aashaa ragbaan waa sii fogeyd foodda isla darnay jawaab i qancisana markay i siin waayeen bay kufaar iyo nin diintii ku caasiyay igu tilmaameen. Runtiise waxaan uun doonayay cilmi iyo xaqiiqda. Waa su'aal wanaagsan. Aniguse waxaan is idhi xuural caynta la sheegaaba waa gabdhaha adigoo kale ahoo ilaahay garasho iyo iimaan isugu daray,lol. Balse 70 gabdhood xad dhaaf miyaanay ahayn. Walee ninka 70 u babac dhigay aniga iga geed adag.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
Waad Salaamantihiin Dhamaan, Ihaayna ha u naxaristu Intii Muslimiin ahaayd ee Aakhiro inooga Horeeysay, Inagana Ilahay ha inoo denbi dhaafo.

TO :Muslima.
Walaal Waad salamantahay.

Waxaan Filin Su'aashaadu wa Su'aal muhiim ah Una Baahan In laayska Qanciyo.

Sida Diintu inoo sheegtay Waa runtaa oo waxaa la sheegay in aay Ragu leeyihiin Xuurul ceeyn wax la yidhaahdo Oo ah haween aad u wan wanaagsan.
Diinteenu Inooma aay sheegin Haweenku Rag la yidhahdo XUURUL CEEYN. oo haweenku leeyihiin, Balse waxaa naayloosheegay in Janada Uu qofkasti Mabsuud yahay ama Wax qanciyey uu hilidoono.
Halkaas waxaa inooga cadaanaysa In Haweenak wan wanaagsan ee Janada galaa Aanay Cidla ku dhacaayn,
Oo marna aanay rag la aan meesha imanayn, ama Kuwa aduunaka kategay ha ahaadeen ama kuwa janada loogu diyariyey ha ahaadee.

Waxaa jirtay in mar Rasulak (SCW) laweeydiiyey Sida xaalkoodu noqon doono dadka aduunka isku qabijiray aakhiro marka la tago.
Waxa uu sheegay dadka wan wanaagsan ee ilaahay ka cabsada ee janada galaa, in aay Sidaay aduunka isugu qabeen aakhirona ISu weheshanayaa.

To: GEERAARSHE.
Saaxiib salaan kadib.

Saaxiib Waan akhriyey Topic aad soo qortay, Runtiina waad khaldan tahay.
Waxaadna ku khaldantahay laba arimood.
Arinta kuwaad ee aad ku khaldan tahay waxaa weeye, in aad gabadh aduunka joogta ku tilmaantid xuurul caayn waa arin khalad ah.
Arinta labaad in ad tidhaahdid 70 xuurul caayn ah
waa Xad dhaaf, ama aad tidhaahdid Sidee nin ugu tegu karayaa 70, waa arin khald ah, oo weliba ad u weeyn, waayo waxaad mooda in aadan rumaaysnayn oo aad si u dafirsantahay arintaas. Balse waa arin soo aroortay oo Rasuulku (scw) inoo sheegay.
SIkastaba arintu ha ahaatee Qofka muslimka ah waa in uu u hogaansamaa Sida sharcigu udhigan yahay. mana aha diintu wax lagu qoslo oo ciyaar gala.
Waxaad mooda adigu in aad shactaro ka wadid hadalkaaga Laakiin Diintu ma gasho shactaro.

Thanx 2 all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Adam

Unrecorded Date
Asalamu alaykum sister

su'aasha intii ugu muhiimsanayd waxaa kajawaabay walaalkeen faroole,waxaana hada kahor lawaydiiyay ibni-baaz iyo ibni cusaymiin dumarka muminiinta ah maxay xuural cayn ah oo ay heli doonaan,

wuxuu ku jawaabay sheekhu naag walba ninkeedii aduunyada ee hagaagsanaa ayaa lahalaysiinayaa asaga iyo caruurtiisaba

hadii laga dhintay oo nin kale guursay ninkii danbe ayaa lahaleelsiinayaa ama waa lakala doorisiinayaa kay rabto (labada qawl kan danbe ayaan hubaa)

hadii ay ahayd (guumays) naag aan waligeed laguursan waxaa loo guurinayaa nin xuurul cayn ah(raga janada)
wabilaahi tawfiiq
akhuukum filaah
Abu-amaar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geeraarshe

Unrecorded Date
War Faroolow waxaan u malaynayaa inaad tahay ragga diinta hoyga u noqday tahay illaahayna jaasadeeda ka siinayo,cilmigaad haysana bal wax iga sii waan u oomanahaye. Ha moodin hadalkayga inaan dhayalsanayo arrintan, gabadha markaan Xuural Cayn ku sheegayna waad qoonsatay oo waxaabad is tidhi malaha ninkanu shukaansi buuba ku jiraa iyo waxaan loo fadhiyin. Balse waxaan ka wadey maalinta yowmalqiyaamaha haddii gabadha eebbe jannada ka waraabiyo, illeyn xukunku waa inoo wada yaale, ay iyadu qof xuural cayn u noqonayso qof kale maadaamaa ay ahayd qof iimaan iyo garasho leh oo ay haddaba muujinayso. Allaa yaclam kuli shey'i, oo waxaan hadalkaygu dulucdiisu ahayd mala awaal("waxaan is idhi") oo ileyn xuural caynta cilmi weyn uma lihi, gabadhan in la janayn doonana kaba sii yar intaan ka oga ahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
Salaamu caleykum warahma...

To: Akhii Adam..
Walaal waxaad aad iyo ad ugu mahadsantahy sida aad jawaabta noo wada siisay iyo Aqwasha culimada ee aad noo soo guurisay, Ilahayna ha kaa abal mariyo. waxan filin Sifiican ayay walsheeg Muslima Ugu qancaysa Jawabahaas Diiniga ah ee la siiyey.

To: Akhii Geeraarshe.
Walaal waad salaamantahy, Runtii waad iga qoslisay
umana jeedin anigu in aad u danleedahy shukanise laakin kolay Ninka raga ah Meelaha qaarkooda waa laga yaabaa in Hadii uu arko gabadh Fikradeedu qancisay ama Hadalkeedu Qota dheryahay in uu Yidhaahdo " alaaylehe Gabadhani waa midii adiga oo keliya kugu fiicnan lahayd, Magacaa jirye Raga nimadad waxba hala hadhin af iyo adinba:loooool:".

Intaasi kaftan haayga ahaatee waxaan saaxiib aad uga cudur daaran in aan Siqayax kuugu tilmaamay in aad khaldan tahay, maadama aadan sidaas ula jeedin.

Thanx 2 all

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

najiib

Unrecorded Date
Muslima salaamu calaykum.
Walaalay waxaan u malaynayaa adiga iyo gabdhaha kale ee muslimiintaba inaad ka qanacdeen su'aashaas jawaabteeda oo walaalaha faroole iyo aadam Ilaahay khayr ha siiyee ay si wangaasan uga jawaabeen ,waana sida ay sheegoonoo Ilaahay waxa uu quraanka inoogu sheegay in dadka janada galaa rag iyo dumarba waxay doonayaan iyo dheeraadba la siinayo,waxaan kuugu darayaa inaysan meeshaas joogin shaydaan ku waswaasinaya iyo gaal iyo gaal u eke feminismo kuu sheegaya.
Waxaa la hubaa inaad qanci doonto hadaad halkaas tagtee aynu uwada shaqaysano.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FU'AADKHADAR

Unrecorded Date
WALAALAYAAL;

DHAMAANTIIN ASSALAAMU CALAYKUM:

Walaalayaal SU'AASHA walaasheen ina soo waydiisay waa su'aal aad u weyn run ahaantiina u baahan in walaasheen u hesho jawaab waafi ah am qancisa ALAA wax qancin oge.
Teeda kaleeto waxaa dhacda in mararka qaarkood aan ka yara boodno SU'AALAHA qaarkood taasina ilama wanaagsana,ALLENA wuxuu QUR'AANKIISA ku yiri "weydiiya kuwa cilmiga leh haddaydaan idinku garanayn".
Marka farooloow wax cad miyaad u haysaa inaad GABDHAHA aduunyadan joogaa kamid noqon doonin XUURALCIINTA?
walaalkay adamoow adna markaad CULIMADA xusaysid ALLE kheyr haku siiyee u sheeg qofka aad u xusayso ama uga sheekaynayso waxaa dhici karta inuusanba aqoon MAGACYADAASE.
walaalayaal dhamaantiin aad baad u mahadsan tihiin, walaashay MUSLIMANA waxaan u rejayn in ay ka faa'iidaysato jawaabaha walaaleheedjecel in ay qanciyaan wixii shaki ka galona ay weydiiso hadba culimada ISLAAMKA kuwa ugu dhoow oo ay la xiriiri karto.

Walaalkiin Fu'aadkhadar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
To: Su'aadKhadar.:

Salaam saaxiib.

Saaxib Horta laba mid uun ayaa tahay.
1:) In aad tahay Arinta laga hadlaayey Mid u cilmi leh oo markaas Ku qanci waayey Jawaabihii laga Bixiyey.
2:) iyo in aad tahay Nin Dood u danleh.

Hadaba Hadaad tahay Nin U cilmi leh markaasna ad ku qacniwaayday oo aad jawaabta saxda ah haaysid. Waxaan layaabanahay waxada u keeni waayday.

Hadii kale saaxiib ma fiicna in Muran lagu furo diinta, Waxadan u cilmi lahaayn ee si saxda ah looga jawaabo Sideeda u qaado ...

Wabilahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Geeraarshe

Unrecorded Date
Faroolow caaqil weyn baad tahay, taasuna waa saxiix aan hadal ku jirin ee igaarkan dheg haw dhigin waa mid lunsane. Miyuusan akhriyin in xaajadan mar hore laga arrimiyey oo hadalkiina laysku raacay. Adeer halkaa ka wad tusaaleynta iyo caqli-celinta nin hanuunsan baad tahaye, oo cilmigaaga wax naga sii intii tamartaa ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
To: Geeraarshe,,
Aad iyo aad ayad u mahadsantahy saaxiib kay jira, baad tahay .lol.

Wabilahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FU'AADKHADAR

Unrecorded Date
WALAALALAYAAL WIILAL IYO GABDHABA;

ASSALAAMU CALAYKUM WARXMATULLAAHI WABARAKAATU

.......Ma waxaa FAROOLE iyo GEERAARSHE ka xanaajisay arinta aad sheegteen iyo in dumarka ADUUNKA ku nool ama mu'minaadka ahi Xuural cayn noqonayn ama la mid ahayn soo cadeeya iyadoo DIINTEENA sharafka badani ku dhisan yahay (HAL CINDAKUM MIN CILMIN FATUKHRIJUUHU LANAA) AAYAD.oo macneheedu noqonayo "ma waxaa agtiina ahaaday cilmi oo aad noo soo saaraysaan". ALLAAHU AKBAR!!!

....... Waxaan walaalayaal Aniga oo aan idinka aqoon badnayn idiin sheegayaa in GABDHAHA mu'minaadka ah ee ADUUNKAN camal wanaagsan ku suubiya JANNONA shaqaysata ay ka QURUX badnaan doonaan kana WANAAG badnaan doonaan XUURALCEYNTA JANNADA ALLE ku diyaariyey oo aan aduun weligood arag.

.......Waxaan gabdhaha walaalahay ah oo ka MASAYRAY Wiilasha Jannada XUURALCAYTA faraha badan ku heli doona ku oran lahaa miyaydinaan akhriyin haddaad akhriseenna fahmin Aayadda ALLE sareeye ku yiri sidan:

..........(LAHUM MAA YASHAA'UUNA FIIHAA...........
...............WALADAYNAA MAZIID).................

oo macneheedu noqonaayo (Waxay ku leeyihiin 'EHLU JANNUHU' Jannada dhexdeeda wax ALLE wixii ay doonaan (macnuhu waa waxkasta oo ay i weydiistaan) iyo weliba siyaado aan ugu darayno).

.......BILLAAHI CALAYKUM GABDHAYOHOW MA WAXAAD KA BAQDEEN ALLE XAGIISA INAAD KU QADAAN, XAASHA,!! TAASI MA DHICI DOONTO ALLAHA MAGACYADA WANAAGSAN BAAN KU DHAARTAYE ALLE WAA DEEQSI OO WAXAAD DALBATAAN IYO WELIBA WAX AYDAAN MAANTA AQOON OO UU IDINKU BARI DOONO JANNADA DHEXDEEDA BAAD KA HELAYSAAN AGTIISA, AAYADAAS BAANA INOO CADAYSAY.!!!

NASEEXO:

!!!!!!! WALAALAYAAL RAG IYO DUMARBA DIINTA HALA BARTO, HANA LA FAHMO FAHAM SAXIIXA.!!!!!!!

WALAALKIIN FU'AADKHADAR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Asalaamu calaykum.
Walaalaha aad bay u mahadsanyihiin siday nooga qanciyeen oo noo siiyeen jawaab waafi ah iyo siday noogu soo gudbiyeen jawaabo ka yimid culimo waawayn oo ay muslimiintu ixtiraamto.
Meelahan oo kale waa meelaha ay ka hadlaan dadka acdaa'ul Islaam oo ay u dhahaan raguna afar baa loo baneeyey dumarkana hal mid iyo Janada ragu 70 Xowralciin ah buu leeyahay dumarkana tiro looma sheegin.Marka qofkii aan diinta rumaysnayn kaas yuusan na wareerin, laakiin gabadhii muslimad ah waxaanu leenahay.
Hadii falsafad waxtarayso ka waran haduu aabuhu dhaho maxay hooyadu seddex jeer iiga xaq badantahay anaa iyadoo gurigeeda joogta soo kaxaystay.

Teeda kale janada marka la sifaynayo waxaa naloo sheegaa nimcooyin iyo Qurux, waligeedna marka qurux laga hadlayo dumarka baa la sheegaa marka raga dagaal iyo adayg iyo waxaa lagu sheegaa marka ma fadliga iyo quruxda Allaah idin siiyeey baa rabtaan inaad muran galisaan?
Marka walaashay iyo dumarka oo dhan inay ku dadaalaan inay janada galaan yeysan idinku dhicin sidii qisadii ninkii acraabiga ahaa ee Nabiga(NNK) ku yiri goormuu qiyaamaha dhacayaa markaa Nabigu (NNK) wuxuu yiri maxaad u diyaarsatay.
Marka insha-Allaah doodaa waa xirantahay.
Wasalaamu calaykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.