site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Afghanistan oo ka joojisay gabdhihii inay wax bartaan

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Afghanistan oo ka joojisay gabdhihii inay wax bartaan
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farhia

Unrecorded Date
Culumada Islaamkow, dowladda Afghanistan oo aad loogu sheego inay tahay kuwa ugu dhow diinta Islamka dhinaca Maamulka ayaa ilaa iyo maalintay waddanka qabsadeen (afar sano kahor) gabdhihii ka joojiyey inay iskuul tagaan, kumanaan dumar oo dhakhaatiir ku jiraana ku xukumay inay guriga joogaan.

Diintu ma dhigaysaa in dumarka cilmiga laga xiro ama inay quutulyoom soo shaqaystaan haddayan haysan nin masuul ka ah oo masruufi kara?

Waa su'aal aan weydiinayo culumada.

Farhia

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum Intaa kadib
CADAWGAA WAX KASTA KA FILO
waxay gaaladu sheegayso ma run baa mase waa been .saan ognahayna afgaanistaan iyo reer galbeed way iska horjeedaan oo dab iyo biyo ayay isku yihiin. balse anigu caalim ma ahai.
Wassalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

najiib

Unrecorded Date
Salaamu alaykum Farhia.
Ate che te ne frega se Aghanistan ,le donne devono restare a casa oppure no .
Sorrella non devi essere come una papagalo che ripete le cose che sente,devi pensare molto prime di sparare sciochezze del genere .
Hadii aan kuu turjumo waxaa dhici karaysa inaadan talyaani aqoonine ,waxaan qoray adiga maxaa kaa khuseeya inay afgaanistaan gabdhaha guriga lagu hayo .
Walaal ha noqon sida shimbirta dadka hadalkooda dhaajisa oo kale oo waxay yiraahdaan ku celisa ,ka hor intaadan waxaan oo kale dadka u soo qorin.
Waxaan kuugu darayaa intaa ma tagatay afgaanistaan?xagee ka maqasahay warka aad sheegayso? mawaxaad is leedahay afgaanistaan dad diinta yaqaan ma joogaan waadiga anaga na waydiinaya e? adigu diinta maxaad ka taqaan maxaadse uga dhaqantaa? hadaad wax ka taqaana sii baro ,hadaadadan aqoona baro oo waliba ku dhaqan ,taasaa ku anafacaysa ,mida kale ha gelin waxaan dantaada ahayn .
Waxaan rajaynayaa jawaabtaadu inay su'aashaadii ka duwanaato,oo aad wax fahamto .
Waxaan talyaaniga ugu qoray ,markaan xanaaqo ayaan dadka kula hadlaa ,runtiina su'aashaada waan ka xanaaqay.
Hadii uu hadalkaygu ku dhibo raali ahaw .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Femenist

Unrecorded Date
najiib
su'aal beey gabadha na weydiisay ee waa maxay canaanta ma askartii siyaad barre aad kasoo hartay.. cagaha dhulka dhig oday yahoow qawaarka ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IMO

Unrecorded Date
Najiib - Oday talyaani maa hooyadaa qaba? Maxay thay somali waa aqaan laakin markaan xanaaqaan talyaani wax ku qoraa? Mise waxaa talyaaniga ugu hadsahay reer magaal halaguu maleeyo.

Tan kale, waxaa isoo xusuusisay wax baadiye lagu magacaabo. I resr my case.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillah

Waan idinsalaamay dhammaan.

Farxiyo, waxaan iskudayi inaan bal kayara jawaabo su'aasha aad soo qortay maadaama ay tahay su'aal furan.

Afgaanistaan inay markay Taalibaanku dalka qabsadeen ay dumar iyo gabdhaba kajoojiyeen waxbarasho iyo shaqo way jirtaa, dad badanbaana kudhaleeceeyey arrintaa xaqiida siday tahayse Allaa og.

Arrinta aynu kalaqaadno:

1- Islaamku ma'oggolyahay inay haweenka iyo gabdhaha waxbartaan. Jawaabtu waa haa

2- Haweenka malloo ogolyahay inay shaqaystaan haddii ayna jirin cid masruufi. Haa oo ma'aha inay gaajo u bakhtiyaan haddii aan ladamaanad qaadi karin noloshooda ayaga ayaa rizqi raadsani.
Waxaase shardi ah inay meeshay kashaqaynayaan iyo meeshay waxkubaranayaan iyo shaqada ay qabanayaan iyo waxa ay baranayaan intaba ay noqoto mid sharciga islaamka waafaqsan, waxaan kahadli inuusan iman isku qas rag iyi haween iyo inayna ahayn meeshu meel haweenka dhib kasoo gaadhi naftooda sida in lakufsado ama lafaraxumeeyo oo kale.

Waxaa jiro Homepage layidhaa "Afghanistan online"

oo ay iskudubariddo jariirad layidhaa "Darbul mu'miniin" Su'aashaa iyada ah eed halkan kusoo qortay ayaana lugu waydiiyey 1998dii wasiir katirsan dawladda taalibaanka, wuxuuna kujawaabay sidan:

Way jirtaa inaan gabdhahana iskuul udiidnay dumarkana shaqo u diidnay, sababtuna waxay tahay labo, inaan horta hirgalinno madaaris gabdhaha u gaar ah iyo manhaj ayaga loogu talogalay, sidoo kale haweenkana kuwii xirfad leh waan rabnaa inay mujtamaca u faa'iideeyaan lakiin waa inaan hello meel ayaga u gaar ah oo sharciga islaamka iyo sharaftooda iyo naftoodaba ku'ilaaliyaan.

Sidaa awgeed iskuma fasixi karro mujtamaca rag iyo dumar oo waxaan kudhaqannaa axkaam islaam.

Arrinta haween aan rag u joogin oon lahayn cid masruufi waxay saaran tahay mas'uuliyaddoodu maamulka, haddii lahaqab tiri waayo haweenkaas markaa waxay xaq u yeelanayaan inay si sharci ah u raadsadaan quudkooda.

Wuxuu ninka hadlkaa yidhi Waziir kuxigeenka waxbarashada Afgaanistaan una xilsaarraa dajinta manhaj waxbarasho oo u gaar ah haweenka.

Waa mihiim in la'ogaado inay muhiim tahay in dumarku cilmi qoyska iyo mujtamacaba anfaca bartaan haddii kale waxaa iman nusqaan, waxa kaliya oo horistaagi karo waa in la'ilaaliyo axkaamta islaamka.

Waxaa jirtay xilligii rasuulka inay gabdhaha muslimaadku u iman jireen rasuulka (scw) ayagoo su'aalo cilmi ah oo nolosha iyo diintaba kusaabsan waydiin jiray.


Waad mahdsanthay farxiyo

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sunaari

Unrecorded Date
Salaan dhamaan. Xareed waad ku mahadsantahay wargeliska.
Qodobka uu wasiirka yiri, haweenka waa loo diyaarinaaya iskuulo iwm iyaga uu gaar ah si loo ilaaliyo shareecadda Islaamka, waa arin lagu farxo, loona bahanyaha in wadan kasta oo Islaam laga hirgesho. Laakin dhabta waxaa tahay, markii lakala hormarinaayo baahidda mujtamaac ama bulshadda, arrimha haweenka waa loo daba mariyaa (here, I am referring to the issue of priortizing when there is a large number of competing needs and limited resources, in this respect, issues of special interest to women are less valued and are usually at the bottom of the totem pole) tix gelis dhaafsiisen dhoola tuusna majiro. Taas oo keeneeysa waqti dheer oo luma iyo generation haween ah oo seega cilmi kororsi. Aniga waxay ila tahay in xal kale la helo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

LADAN

Unrecorded Date
Warka daalibaan maa run ah marka?!
Kaligood maaha kuwo badanaa diinta ku qaraabtaan. Manhajka gaarka ah oo dumarka loo sameeynaayo muxuu yahay?!
Haday fasalada u kala qaybiyaan iyo meelaha wax lagu cuno qasab miyaa inay bari iyo bogax kala geeyaan saxaabadaba waa isku daba tukan jireene.
Ar hawada ka baxa quraafaadkana meelkale la aada daalibaan iyo kuwa la mid ahba waxay ka baqayaan naaguhu inay booska ka qaadaane.
Diinta sharafeey noo yeeshay laakiin sharaftii anaga iyo nimanka qaarkoodaa ku dheelney.
Gabdhaha shaqeeysta oo wax barta oo noqda dad isku filan.HADII LABIILO......HADII LA BIILO KUMA LOHOO...

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Unrecorded Date
by Komaande

to LADAN:

talking like a feminist aah?......still
waxaad isku daree culumada su'aasha la
weydiiyey miyaaj?.....waagaad yareyd waalidkaa
maa ku dhihi jirey "indha adeygu raasamaalka
nuskiis waaye"?.

salaaaaam.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu Caleykum!

Horta arrinkan waxaa aad u buunbuuniyey WESTIGA, meesha aan annagu "XOGTA" ka helno waa gaalada, ayagana waa layaqaan, marka haddee halaga fiirsado waxa laqorayo.

Waxaan rajeynayaa in halkan aad ka heli kartid su'aalahaaga: http://www.taleban.com/taleb.htm (waxbarashada)

http://www.taleban.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

fardoowso

Unrecorded Date
to dhamaan salaamu caleykum gabadha hadii biilayo gurigaaga ha joogto

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

iimaan

Unrecorded Date
from iimaan to dhamaan gabdhaha doodu dhextaalo.
aslaamu calaykum waraxma.
walaalayaal gabadhu haday doonayso in aduun iyo aakhiro ay wanaag gaadho waxaa u wanaagsan gurigeeda,hadii aanay jirin meel ay kagabaxsankarto ikhtilaad oo macnaheedu yahay rag iyo dumar isku qasan way shaqaysan kartaa laakiin gabdhaha doodaya in ay ragga dhex yaacaan goor ay ahaatoba islaamku wuu ka dhaqan geli doona meelkasta oo aduunka kamida marka adiga ayey kuutaala meeshaad isku qasnaan ka helilahayd.`

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, July 11, 2000 - 11:19 pm
Asalaamu caleykum Walaashay Farxiya
Bulshada gaaladu waxay 100% rumaystaan waxyaabaha ay idaacadooda iyo jornaaladoodu qoraan, ma haboona inay ku jahawareeriyaan. Shareecada islaamku waa cadaaladda runta ah, una fiirso sida gaaladu Xijaabka u necebyihiin. Shareecada Islamku waxay ku noqoyat gaalada nukliyeer ay ka baqaan, gaalada oo haweenkoodii ka dhigtay badeeco qiimo dhacday. Qofka aan ujeedada gaalka fahmin waxaa wareeriya dimuqraadiyad (shaati beena)iyo xuquuqda haweenka.Aabahaa iyo walaalkaaba way ku jecelhiyinn, haddaba ma gaalbaa walaashay iyo hooyaday iga jecel oo xuquuq siinahay!!!! Maya. Ka fiirso hubka gaalaga, iyo burburinta saldhiga qoyska muslimka (haweenka). Maanta yaan baahida (qaxootinimo) iyo tabardarida muslimka la inooga faa'iidaysan. Qof baahan waa ceebaysane, fadlan akhri oo fiirso qur'anka, waxbadan buu inaga daawayn.

Walaashay Farxiya khayr baan inoo rajeynayaa.

Cabdulrashid Axmed (Finland)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABU-MUSCAB

Wednesday, August 23, 2000 - 05:41 pm
ASALAAMU CALAYKUM
Runtii waxaan aad ugu mahad celinayaa walaalkay XAREED iyo dhamaan shabaabka la RA'yiga ah aad ayuu ugu mahadsanyahay warbixintaas uu ka bixiyey TAALIBAAN waxaan doonayaa in aan wax ka sheego jawaab uu bixiyey WASIIRKA WAXBARASHADA EE TAALIBAAN mar su'aashaas la waydiiyey iyada oo ay soo qortay JARIIRAD ka soo baxda dalka UAE oo magaceeda layiraahdo AL=KHALIIJ waxa uu ku jawaabay gabdhaha way jirtaa in aan ka joo jinay wax barasho joojintaasi ma'aha mid waligeed ah ee waxa uu yiri waa lagama maarmaan gabdhuhu in ay wax bartaan laakiin waxa aan oolin manhaj islaami ah oo gabdhaha loo dhigo inta ladiyaarinayo ayey gabdhuhu sugayaan manhajkaas ...........
Waxaan ku baraarujin lahaa gabdhaha kahadlay mawduucaan in ay marka hore bal iska hubiyaan hadalka oo ay xaqiiqdiisa fahmaan inta aysan soo bandhigin. taas waxaa ka cad in aad maqasheen dacaayadii ay gaaladu ka faafiyeen dawladaas islaamka ah oo aydaan maqal jawaabtii dawladaas. ISLAAMKA AH waxaan u arkaa GAABIN AAD KA GAABISEEN DHAB RAADINTA XAQIIQADA WARKAAS OO AAD LA SOO BOODEEN HADAL AAN RAAD IYO SAL TOONA LAHAYN markii loo eego sida loo yiri. marka walaalayaal raadiya xaqiiqda TAALIBAAN waa dad diinta waxa ka yaqaana culumo waa weyn ayey lee yihiin ma doonayaan in ay wax shareecada khilaafsan ku kacaan.HADABA WAA DIINTEE DIINTA TIRI GABDHUHU WAX MA BARAN KARAAN anagu hadii aan muslimiin nahay gabdhahayagu ayaga ayaa culumo waa wayn ahaa waqtigii saxaabada iyo waqtiyadii ka dambeeyey ayaga ayaa laga qaadan jiray cilmiga.marka walaalayaal alaah wuxu ku sheegay qur'aankiisa meelo badan diintu in ay dadka ka saarayso mugdiyada una saarayso iftiinka hadaba mugdiyada waxaa ugu madow waa jahlagi iftiinadana waxaa ugu iftiin badan waa cimiga. intaas ayaan ku soo gabagabaynayaa RAALI HALA IGA AHAADO HADII AAN HADALKA DHEEREEYEYY
WASALAAMU CALAYKUM

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.