site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

DADKA KU KAFTAMA CAYDA DADKA MUSLIMIINTA ama DIINTA ISLAAMKA

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): DADKA KU KAFTAMA CAYDA DADKA MUSLIMIINTA ama DIINTA ISLAAMKA
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

KHADAR

Unrecorded Date
As-salaamu Caleykum

Magaceegu waa Khadar Jacfar waxaan degenahay wadanka "SWEDEN"magaalada Malmö waxaan ahay arday ,ma'ahi nin ku taqususay diinta islaamka laakiin wax badan ka aqaan Xaq iyo Baadilka ba.Waxaan jeclaanlahaa in aan ka hadlo in yar mowduucaan waxaa igu kalifay dad badan oo aan ogeen in ay diintii ISLAAMKA ka tageen maadaama ey yiraahdaan "Wax illah yir ey yiraahdaan ma'oran"ama ciyaar iyo haluguu aqoslo darteed ku beenabuurto Eebe ama wax xaaraan ah xalaalsada .

Waxaa jira dad ku kaftama markii lagu yiraahdo "WAR ILAAHEY KA BAQ"
Wuxuu ku jawaaba erayo xunxun aan afka la soo marinkarin .
Dadkaas oo kale waa dadka uu ILLAHEY yiri:
Suurat As-Saff juz 28 aayada 7
Yaa ka dulmi badan Ruux ku been abuurtay ILAAHAY isagoo loogu yeedhi Islaamka, Eebe ma hanuuniyo dadka daaliliinta ah .

Waxaa kaloo jirta dad badan oo naceb in laasheego wax waano ah.
Waa ku wuu ILLAHAY yiri :
"SUURAT AL-Aclaa :87"
Aayada:10: Waxaa waantoobi ruuxa Eebe ka yaabay.
Aayada:11:Waxaan ka fogaani waanada Ruuxa xun.
Aayada:12:Ee ah mid gali Naar weyn.
Aayada:13: Oon ku dhimanayn dhexdeeda kuna noolaanayn .
Aayada:14:Waxaan liibanay ruuxii Daahir noqda

Waano

Suurat Nuux :juz 29 Aayada 10
Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badanee.

Marwaliba Eebe si gaar ah ayuu ula hadlaa dadka Muslimiinta ah marwaliba Aayad waliba wuxuu yiraahdaa "kuwa xaqa rumeeyey".
Waxaa uu Eebe u balen qaada "kuwa xaqa rumeeyey" Janna .
Eebe ma'ah mid ka baxa balen ee waa caadil balen ofiye.

Walaalayaal kuwa usheega kuwa sida xun u hadla ku been abuurto Eebe.


JAZAAKALAH :

As-salaamu Caleykum

PPD_007@Hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

huska

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

Jazaakalaahu kheyraa Akhii KHADAR.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Omar

Unrecorded Date
Salaamu caleykum,
Wallaal kheyr allaha ku siiyo mawduuc muhiim ah ayaad soo jeedisay.
Aniga iyo Saaxiibadeey is xijiya diinta dhankeeda inay igaga dhow yihiin dhowr mar ayaa muran naga dhex dhashay. Kaasoo ay u fahmaan inaan diinta qalad ka galayo, laakiin ay aniga ila tahay wanaajin iyo horunarin diinta Muslimka ah.
Intaanan u gudo galin arrimaha aa aan ka doodno aan bal marka hore mid meel ku soo xiro, taasoo ah in aan aaminsanahay inay reeban tahay in diinta laga sheego wax xun, ama jeesjees ah ama ciyaari ku jirto. Haddii laga sheegana inay Shirki ama dambi weyn aya tahay.
Mida xigtaa waxaan kaloo aaminsanahay in diinta aan loo baran si passive ah. Macnaha waxaan ula jeedaa kolkaad diinta baraneysid waa inay pointiyada ay ka hadleeyso aad si fiican u fahamtaa, su'aal iska weydiisaa, jawaab macno sameyneysanaa u heshaa (Waxaan rumeysanahay in diinta aysan sheegeyn wax aan macno ama cilmi ku fadhin, aayad walba ujeedo weyn ayaa ka dambeeysa).

Ok, bal hadda aan u gudo-galno tusaalayaal aan la soo koobi karin oo ah muran maalmeedka aan aniga Saaxiibadeey qaar ka mid ah na dhexmaro.
Tusaale Sahlan waa eeyga taabashadiisa sida la isaga daahiriyo. Taasoo aan aaminsahay in maanta aan loo baahneyn in carro lagu dhaqo, laakiin ay ku filan yihiin Saabuumaha ama Shaambooyin ama detergentayaal kale oo ka sii xoog badan. Waxaan ogsoonahay in Carradda aad ka heleysid Western Countries ay tahay mid xaarka eeyaha inay contact la sameeysay ay u badan tahay ama siyaabo kaloo dhan u wasaqeeysan. Teeda kale kolkii uu nabiga joogay lama heysan Saabumahan iyo Detergentayaasha maanta la heysto.
Middeeda kale Caafimaadka waa hormaray oo eeyaha gurijoogta ah maanta waa laga tallaalaa cuduradii ay barigii hore dadka taabashadooda ugu soo gudbin jireen. Marka Waxaan aaminsanahay inaan maanta loo baahneyn in la sii waddo kol walboo eey ku taabto inaad carro aad ku dhaqdo raadsato.

Saaxiibadeey markaan kala hadlo arrinkaas iyo kuwa la mid ah waxeey qaarkood igu yidhaahdaan waad dambaabtay, qaarkalena waxyaabo ka daran ayeey iga sheegaan, Marka maxeey idinla tahay?

Wabillaahi Towfiiq

Omar

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.