site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

WAR (ILMO MAYGAAG) HALLALA TALIYO ABWAANNO

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): WAR (ILMO MAYGAAG) HALLALA TALIYO ABWAANNO
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaah

Assalaamu calaykum

Waxaan filayaa inay dad badan layaabaan cinwaankan aan qoray "ilmo maygaag", layaaba anigaba layaab ayey igu tahayee arrintan!

Waxaan arki jirey waayo hore dad duullaan ku'ah midabkooda, dhaqankooda, diintooda iyo iwm.
Jinsiyo badan ayaa waxay caadaysteen inay suuradooda nacaaan, haddad wax nacdana waad baddali soo ma'aha waa haddaad awooddo.

Waxaan arki jiray dadka madoow oo iskudaya inay midabkooda yara badhxaan, waxaan sidoo kale arki jirey Carab iyo Iiraan sanka iska qaro si ay uyareeyaan sanqaroorka uguna ekaadaan Reer Yurub.

Waagii hore waan layaabi jiray arrintaa waxaanan iskudayey inaan fahmo maskaxda kadanbayso, balse jawaab i qanciso ma'arag aanan ka'ahayn midabkaygana wuu xunyahay itaalkaygana sidoo kale timahaygana sidoo kale! Waryaa ilaahay yaqaan oo xagguu miisaankaa kayimid yaase dhigay?

Yaa yidhi foolxumo waa sidan: Midab madoow, San nallaadhan, timo adag oo aan dhaadheerayn, Bishimo culus, gaabni iwm.

Yaase yidhi qurux waa sidan: Dherer itaal, Sandheer, Midab cad, Timo dhaadheer bishimo fudud.

Anigu waan waayey meeshi waxaa laga keenay!!!

Anigoo maalin dariiq socda ayaa waxaa igahoryimid nin madoow oo gabadh yaroo shan jir ah jiidayo aadna mooddo inuu uskuul usido, waxay ishayda qabatay gabdhii yarayd madaxeeda oo ay kalulatay waxaa faraaqyo dhaadheer leh oon is idhi hal kiilo kama yaro, aadbaan ula yaabay waxa banii'adamkaa rafaadiyey oo jidhkooda loogu diray.

Waxaan arrintan usoo qoray waxaan arkay soomaali iyana waxaa layaabka leh kudaadatay oo qaar runtii suuradooda isbadashay kadib siday u isticmaalayeen kiimiko kala duwan.

Waxaa jirtay markaan dhulkayagii Hooyo joognay in habluhu isyara waismarmarin jireen oo hiruud iyo cillaan ay marsan jireen. Xaqiiqdii waxaa meeshaa kamuuqato kalsooni darro bal arrintaa waxay ahayd arrin isyara habyn ah oo la'aqbalikaro bal qof duullaan ku'ah abuurista illahay oo midabkii ladiriri, sankii ladiriri, timihii ladiriri, bishimihii ladiriri, saaxiibayaal seelayeeli.

Labo shayba waa muhiim:

Inaan abuursta ilaahay laweerarin oon ladurin lalana diririn.
Iyo inaan la'isdullayn oon khalad laga fahmin nafsadda, maxaa yeelay yaa og qurux waxay tahay? yaase og foolxumo waxay tahay? adiga waxaad kadhaxashay arrintan waalidka ee dhaxal la'aan ha'isdhigin miskiinyahoow.
Ha'iskudayin inaad tidhaa xareed foolxumoo dhan adigaa matalo oo waxaad iskudarsatay madoow, sangaabni, timo jadhiidha iwm, kaayeeli maayo sabatoo ah waxaan aaminsanahay waxaad aaminsantahay waxkasoo horjeedo, marka aayar cagodhigo jannogale.

Ogoowna waxaa suurto gala in Awoowgaa iyo ayeydaa riyo kuugu yimaadaan kadib markaad suuradii isaga ciyaarto ooy kuyidhaahdaan "shame on you, we are totaly dissapointed with you, bad child"

Ilmo Maygaagoow sida isu dhaama

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

B/xaawo

Unrecorded Date
to xareed: waxaan umaleenayay nin wax fahma oo dooda badan ka qeeb qaatay.lakiin waxaan arkay inaad tahay nin isku dhafan waxuu doona qoraa. adiguba garo waxaan uga jeedo . raali ahhow ee walaalow ha ku soo qorin waxaan oo kale . waxaan kuu arkay dadka ugu qoraalka fiican lakinoo ogow in ay jiraan dad bada oo xiisaya qoraalkaga in jiraan . this is my opinion. waa hadaad tahay xareedka qeebta islaamka iyo meelo badan wax ku qora cafis ale isaamax haddii aan kugu qaqldamay
mahadsanid

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.