site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"SOOMAALIYEEY ISU DARANEEY I DHAGAYSO."

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): "SOOMAALIYEEY ISU DARANEEY I DHAGAYSO."
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DHool

Unrecorded Date
Salaanta islaamka ee qaaliga ah kadib waxaan rabaa inaan halkaan inoogu soo yaro gud biyo hadalo yar yar oo aan anigu qoray,hadii Alle idmo
haylana yaabina ee macnahooda iila eega.


hooge balanbalay waa maquusqaatee
Ilmadii kululayd miyey iloowday dariiqay usoo mari lahayd indhahaaga.
Nafsu lawaama miyey kaa hijrootay.
Damiirkaagii baad casishay miyaa,mise isagaa kaaba qaxay dareen laŽaan darteed.
Madaawadaadii oo ku jirta gacantaadaad, ku dawaysay sun dhaawacaagii.
Ma maskax garaadiibaad ka asaasaq dayoo,kolba dhinacay u asaasaqdaad ku raali galisaa.
Murugadii & ciilkiina miyey kaa quusteen iyaguna.
Qosolkan & farxadan yari ku wadi maayaane,iska jir qoomamo & walaac aan goŽaynin.
Ma silic & duli ayaad ku badalatay cizadaadii.
Jiidh kaagiibaad libaaxyo ku casuuntay miyaa.
DHiigaagiina aad ku oon bixisay cadaw gaagii.
Ubad kaagiina aad faakihadii uuga dhigtay miyaa.
Meeday ragganimadaadii,mise waad soo rahantay iyana.
Seed isoola qumanaataa wixii aad iskula qumanaan lahaydba waad soo xabaashee.


waxaan walaalahay ka dal bayaa inayna i af lagaa dayn waayo waxaan aad u arkaa in qofkii wax yidhaahdaba la af lagaadeeyee.

waa gabadh walaashiina
DHOOL.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillah

Hadal qiimo leh Dhool walaal.
dadkaannu kadhalanay ee waxaa aad xustay sammeeyey ama kukacay isma'oga oo waxay soowadaanbaa kadaran.
Kusoo dhawoow boggan dhibaataysan, waxaan umalayn inaad cusubtahyee.

Haka cabsoon aflagaadada wax saas ah kaa goynmayso.

Waad mahadsan tahay

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi

ukhti dhool
barakalaahu fik walaal hadal qiimo leh ayaad tidhi oo dhiiga dhaqajiya ilaahay kuwa garta ha inaga dhigo, intad sheegtay iyo ka bdanba way ku dhacday umada islamka ah khaasatan somalida tas oo ah qalidaada kuwa ilaahay ka furtay iyagoo u dhiibay ubadkoodi gaalo.
waxaanse ilaahay ka baryeynaa in uu inoo sahlo imtixaanka oo umada islaamka ah xaqa tuso meel ay jooganba aamiin.
wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

walaashaa
uma ahmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

waki

Thursday, June 15, 2000 - 12:57 pm
65e65ryuryt
hjhhgyyu

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hidaayah

Tuesday, August 01, 2000 - 07:58 am
Walaal Dhool waad salaamantahay!

Walaal aad baad ugu mahadsantahay gabaygaaga, runtiina aad baan ugu farxay markaan akhriyey.
Walaal waxaad halkaan noogu qeexeeysaa, dhibaatooyinka yaala wadamada shisheeye;
taasoo kuligeen nawada saameeneysa, haddaan soomaali nahay.Waana ka helay sida aad fikradahaada u dhiibaneysid; mar walbana waan xasuusanayaa erayada qiimaha badan aad kor noogu soo sheegtay!

Walaal mar labaad waxaan ku leeyahay mahadsanid!
Waxaan kuu rajeeynayaa; wax walbo oo fiican.
Sidaas iiyo nabad gelyo!

Hidaayah Ali.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.