site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Bal arintan ka hadal.?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Bal arintan ka hadal.?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

suheyr

Unrecorded Date
Walaalayaal waxaan ahay gabadh soomaliyeed oo qurbaha ku nool. waxaan guursaday mudo ah 4 sano ka hor. Waxaa jirtay ninkaaygu in uu inta badan igu khasbi jiray in uu xaga dambe iga maro aanse anigu ka diidi jiray aniga oo u arka xaaraan iyo arin fool xun, waxaa dhacday in aakhirkii habeen habeenada ka mid ah uu khasab igaga dhigay ana aanyeelay, waxaana maqli jiray hadii ninku naagtisa xaga dambe uga tago waay ka furan taa!
ma runbaa oo ninkayga ma ka furmay hada?

ila soo tali fadlan

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ninka

Unrecorded Date
walaal hadii aad ninkaada u dhigatey dabada horta
marka hore waad danbaabtey ee illahy u sooo noqo
sabatoo ah illaahey waxuu dadkii u kala abuurey
lab iyo dhadig wuxuu markuu abuurayeyna ug danlahaa xaga galmada ee horta illaahey usoo noqo
oo danbi dhaaf weydiiso mida ninkaada waa kaafuranyhey oo waxaad isula joogtaan waa xaaraan hadba hadii aad kala jeceshhey xaraan iyo xalaal
waxaadna sii weydiisaa culimad islaamka,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ballanbale

Unrecorded Date
Subxaanallaah!! Subxaanallaah!!

Waxaan 100% ku raacsanahay walaalkey NINKA.
Rabigaa usoo noqo, dambi dhaaf weeydiiso.

Ninkaasna wuu kaa furan yahay
Waxaad iskula joogtaana waa XAARAAN.

Isdaba-qabo, ha kasbanin Carro Alle.

Wa salaam

Walaalkaa
Ballanbale

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Asalaamu Alaykum

Waxaa kusoo arooray waciid fara badan in ninka naagtiisa xaga dambe uga tago. Axaadiista qaarkoodna nebiga wuxuu ku lacnaday raga sidaa sameeya. Labadiinaba waxaa idinku waajibay inaad toobad keentaan dembi dhaafna aad weydiisataan.

Nikaaxiinu waa sax naagtuna ku furmi meyso in xaga dambe looga tago laakiin sida ay nusuustu sheegtay waa dembi aad iyo aad u weyn.

Asalaamu Alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MrFaroole

Unrecorded Date
Salaamu calayku warahma:

TO:Suheyr.

Walalwad salaamantahay.

walaal Horta Arinta aad sheegataywaa arin cajiib ah. Waana arin waayn hayeeshee hadaad su'aal na waaydiisay, Oo ah In aad Ninkaaga ka furantahay iyo inkale jawaabtu waxaa weeye Kama furnid, Laakiin waxaad labadiinuba ku dhacdeen Denbi aad u waayn, Waana in aad Ilaahay u toobad keentaan labadiinuba aaydina Falkaas oo kale u noqon Mardanbe.


To:Ballanbale & ninka..
Waad salaaman tihiin walaalahayga, Waxaan idiin sheegayaa in aanay diintu ahaayn wax la cabiro ama la iftoodo Ilaa in wax daliil ah loo hayo mahaane. Waxaan kaloo idiin sheegin Inlakala saaro xaaraanta iyo furiinka,waxaan ka wadaa wax kasta oo xaaraan ah maaha in intacaqaliyan loo daliishado la yidhaahdo Maadaama aay xaaraan tahay
Waalagu kala furmaa. Hadiise aad haaysaan Wax daliil ah oo kalafurayaa labada qof ee falkaas sameeyey Waa in aad keentaan,aan ahaayn Ma fiicna in aad iska iftootaan Arimahas oo kale. raalina iga noqda walalayaal hadaan Xoogeey idinku dheeeeraday.lol

Wabilahi towfiiq..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum Intaa kadib Su ´aashaan oo kale meel fagaara ah lala yimaado ee wadaad baa loo tagaaa ku takhasusay arimaha diinta hadaba walaalayaal su´aalahan oo kale yaan lala imaan meeshan wassalaam

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.