site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dhammaan Muslimiinta

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Dhammaan Muslimiinta
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Assalaamu calykum
Waa walaalkiin Xareedoo idinsoo salaamay.

Waxaan rabay inaan mas'alo diini meeshan soo dhigo, si'ay gabdhaha iyo wiilasha muslimiinta ah ooga jaahilbixiyaan mujtamaca arrin aan filayo inay muhiimtahay in la'ogaado.
Waxaa dhacday in uu maalin nin aan macrifo ahayn iwaydiistay inaan kaalmeeyo oo aan kakaalmeeyo urur ama organisation uu dhisay oo uu rabay inuu hay'ad dawladeed miisaaniyad kagaqaato mashaariic uu rabay inuu hirgaliyo. Markuu codsigaa iilayimid ayaan codsaday inuu iiga jawaabo su'aalahan:

Waa maxay ururku?
Muxuu rabaa inuu qabto?
Yaa mas'uul kanoqoni? iwm
Waxaa kaloon codsaday inuu ituso habmaamuuska iyo xeerarka ururka.

Intii kale waan aqbalay oo wax fiican ayey ahayd bal waxaan lakulmay arrin aad iiga yaabisay oo ah in uusan ururku Diin lahayn taageersanaynna diin gaar ah iyo siyaasad gaar ah, sidaasaa xaqiiqdii kuqorrayd Habmaamuuska ururka.
Waxaan codsaday in qodobkaa labaddalo maadaama aan u arko arrin xun oo halis ah, waase la'igadiiday iyadoo xujo lagadhiganayo miisaaniyad nalugu siinmaaayo hadduu ururku diinta islaamka ayuu kudhisanyahay layidhaa.
Dabacan aniga waan diiday inaan kaalmeeyo ayagana waxaan u sheegay inayna adduunka joogo karin waxaan ilaah iyo diintiisa qirsanayn waa wixii nool, wixii aan noolaynna dabcan way qirsanyihiin ilaahay balse annagu mafahmi karro say u qirsan yihhiin, waxaanan u akhriyey aayad quraan ah oo uu rabbi kuyidhi (HADII QURAANKA LAGU AKHRIYO HAAR WUU KHUSHUUCI CABSI ALLE DARTII)marka waxaan usheegay haddii haari cabsi alle lakhushuucday ururkana wuu lakhushuucsan yahay bal idinka ayaa u hadlayo oo leh diin mahaysto ee isagu diin wuu leeyahay.

Fadlan aynu arrintan bislayno annagoo hadafkayagu yahay xaqdoon ee aanu ahayn aragti gaara, markaan sidaa kujawaabayey waxaan layaabay sida ay dad muslimiin ah uqori karaan ururkan diin malaha, inkastooy xaqiiqdii sheekadaa iguba cusbayd hadana waxay ii sheegen nimankaa aynu doodanay inay jiraan ururro badanoo kudhisan nidaamkaa diin la'aanta ah ayna leeyihiin soomaali.

Qof aan aad ufahamsanayn diinta yuusan iskudhibin waayo arrintu aragti ma'aha ee waa mabanaantahay mise mabannaana aawayse daliil?

Waad mahadsantihiin

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaah

Faham asaasi ah:

Adduunyada horta ilaahbaa abuuray wuxuuna u abuuray sabab, taasoo ah inay noqoto goob imtixaan oo dadku camal sammeeyo intuu noolyahay kadibna katago markaa aakhiro hadhow lugu xisaabiyo wixii uu layimid xummaan iyo sammaanba.
Markuu Alle subxaah wargaliyey malaa'igta inuu adduun abuuri dad wax layidhaahdana lugusii dhaxdayni aakharana lagawarsugi, waxay kujawaabeen "Mawaxaad kayeeli Rabbiyoow kuwo wax fasahaadiya dhiigana daadiya" Rabbi wuxuu ugu jawaabay "Waxaan ogohay waxiidan ogayn".
Gaalada Reer Yurub intooda badan waxay ilaahay larummayn la'yihiin waa maan aragno muu iskaayo tuso si'aan u caabudno. Haddii ay dhacdo inuu rabbi is tuso sicad dadkaa markaa imtixaan jiri maayo waayo caasinimo imaan mayso oo mar haddii Rabbi la'arkay hadal kale majiro oonka'ahayn aynu alle caabudno. Bal Rabbi nabiyo ayaa kacodsaday inay arkaan sida nabi Muuse calyhi salaam uu yidhi Rabbiyoow inaan ku'arko ayaan rabaa uu Rabbina ugu jawaabay ima arki kartid.

Hadday arrintu saa tahay, Rabbi Diimo xaq ah ayuu soo dajiyey si asaga ayaa yaqaan sida ugu haboone aduunkan loogu noolaan karo aakharana loo liibaano.
Kutubtuu ilaahay soo dajiyey waxaa ugu danbeeyey uguna qotodheera (Alquraanul Kariim)( LAA YA'TIIHUL BAADILU MINBAYNI YADAYHI WALAA MINKHALFIHII TANZIILU MIN XAKIIMIN XAMIID) waa xaqiiq asaga ayaa xaakim iyo caalim intaba ah.
Markaan ayaaddaa akhriyo waxaan soo xusuustaa hadal uu nin macallin ii ahaa oo masiixi ahaa oo dhigi jiray diimaha kala duwan galaaska hortiisa kasheegay maalin asagoo yidhi sidan:
Aad ayaan u necbahay islaamka waana diinta ugu danmbeeyso een gali haddaan diin gali bal markaan diinoo dhan isbarbardhigay labo shay ayuu islaamku kaga duwanaaday diimaha kaloo dhan waana labada shay ee ugu muhiimsan diinoo dhan, islaamku waa diinta kaliya ee nidaam ahaan wax lugu maamuli karo qofkana uu awoodo inuu iyada bas ah kudhaqmo saasooy tahayna nolol habaysan kunoolaado.
Iyo inuu islaamku yahay Logik oon ulajeedo ayuu yidhi wax mysteri layidhaa maleh islaamku wax walba waxbay kudhisan yihiin waxaadna ufahmi si fudud, meesha aad diimaha kale wareeri.
Erayga islaam micnihiisu waa is dhiibid ilaah la'isu dhiibo si'uusan noogu cadhoon noona jajabin ileen iskama celin karroo naga xoog waynee, Hadafka quraanka iyo xikmada Rasuulka (scw) naloogu keenayna waa inaynu raacno si'ay iftiin noogu noqoto aduunyadan mugdiga ah ee lugu rafaaday(Wamaa kaana limu'minin walaa mu'minatin id qadallaahu warasuulahu amran an yakuuna lahumul khiyaratu min amrihim) uma sugnaanin in qof muslima hadal kakeeno waxay ilaah iyo rasuulkiisa gooyeen. Haddii kale cisyaan bay noqoni.

Hadalka yaanan badinninee say kudhacday inay dad yidhaadaan ururkayagu diin kama tirsana oo waa iska urur bas ah, xaqiiqdii ururka diin wuu katirsan yahayee dadbaa afka ugalinayo waxaas, arrintaa inkiraadda ahna kolba aniga waxay iila muuqataa inay qofkii qoray dib ugu noqoni.

Waan sii wadi inshaa allaah

Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE.

Unrecorded Date
TO.XAREED.
ASSALAAMA CALYKUM.
Waa arin baryahaan danbe aad ugu badan soomaalida sheekada ururadu laakiin waxay iltahay in lakaqaado waxayna kuxirantahay hawsha uu ururku rabo inuuqabto.
kolay marna ka dhex biximaayo arin diineed hadii uu yahay urur ku lug leh arimaha wax qabadka bulshada waana waxa ugu badan ee aykulug leeyihiin ururada soomaaliyeed laguna qaraabto.
ayaan dhawayd baan ka akhrinaaya urur kadhisan sweden oo aan booqday homebage-kiisa oo sidaas ookalena kuqoray waxa ay ugu yeereen qawaaniinta ururka in uusan kulugleeheen wax arimo diineed ah aad baan ulayaabay runtii.
sheekadu waxay isugu soobiyo shubatay xoogaa shilimaad ah sidii lagu helilahaa marka ninka shilimaadka kusiinayana waa in aad mabaadi'diisa fulisaa.bal fiiri badanaa ururda sidaas oranaya waxay ka shaqayaan wixii xumo ah oo dhan wanaaguna waa kuyar yahay.
waxaa igu maqaal ah in qaar soomaali kamid ah ay yiraahdeen waxaan nahay flasha madoow si maraykanka loogu qaadu!!.
hadalku yuunan iltagine qofkii urur ama organission kaqaybgalayoow iska fiiri ujeedada iyo qawaaniinta ururka oo wixii ilaahay caragalinaya ka dheeroow wixii wanaag kudhisan kaqayb qaado.
hawshuna gacanta kaliya ma'ahan INNAMAL ACMAAL BINIYAAT WA INNA LIKULI IMRI'IN MAA NAWAA.
waan kabaxay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaah

Assalaamu calaykum

Waad mahadsantahay Allaale hadlkana kulamataginee waad yaraysay saaxiib ee mustaqbalka iskuday inaad kordhiso.

Arrintan aan korkuxusay wakhti aan fogayn baan kawarhelay aadbaanan ulafajacayoo runtii way iyaro saamaysay, kadib adduunyo caydhisbaa lugu mashquulsan yahayee maalindhawayto unbaan eegay bog kamida boggan somalinet oo doodi kasoctay misna waxaa halmar igasoo horbaxday Ururkan diin kamatirsana waryaa ilaah yaqaan oo eraygan baas maxaa uun idabadhigay meeshaan cagdhigaba waa idabo taaganyahayee, waahagaag hadduusan katirsanayn muxuu katirsanyahay marka. Illeen adduunyada waxay xuduud ukala leedahay Alle wayne iyo Ibliis madaxadag, islaamkana wuxuu noosheegay Banii'adamka iyo Jinniga mo'oyee inta kale dagaal kamataagna oo ilaahaybay u hoggaansanyihiin illeen asagaa iskalehee. Ururoow adigu madadbaad tahay mise duunyo su'aalahaasaan iswaydiiyey.
Kadibna waxay iilamuuqatay inuu Urur labo mid noqdo Banii'aadam oo markaa uu diinta kabaxo hadduu kujiray ama inuu noqdo waxaan Bani'aadam ahayn, hadday middaa danbe dhacday yaa qoray Distuurkan, dadbaa qoray ayagaana wajiga ilaahay kajawaabi waxay uqoreen.

Sifiicanbaad uhadashay yaa salaam
Wassalaam

Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Inshaa allaah waxaan halkan kusoo qaadan haddaan wakhti helo "Rumaayni" waxay tahay Ilaah larumeeyo, iyo waxyaabaha lugu garto ama uu iskugaran qofku inuu ilaahay rumeeyey iyo inkale aingoo soo bandhigi Nusuus quraani ah inshaa allaah.

Wassalaam
Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Bismillaahi

Assalaamu calaykum

Hadalkiibaan siiwadi

Waxaa dhacay inaan lakulmay arrimo aan runtii layaabay intaan boggan joogay iguna dhalisay walbahaar, arrintaasoon filayo inaan laftaydu waxkuleeyahay maadaama anigoon dadka hubasan say yihiin aan quraan sanka kagaliyey.
Sida caadada noo ah Soomaali waxaynu nahay Muslimiin waloow dadka qaarkood kukacaan waxyaabo diinta loogabaxo hadana aadbay uyaryiihiin dadka qirta inay gaalo yihiin( hoosta hoose ee boggan waxaan ku'arkay nin layidhaa Mursal oo gaalnimo caddaystay) intayada badan waxaynu nahay Mu'miniin Alle rumaysay nifaaq iyo gaalnimana kafog. Waxaa dhacday markaan boggan imid inaan ladooday dad doora ah mas'alooyin la'iskuhaystay ayna dhacday inaan ladooday kadib Daliil Quraanka kamid ah soo bandhigay qofkiina uu markaa iska indhotiray oo halkii kasiiwatay aniga waxaa ilaquman iwm, meelo badanoo kalana waxaan ku'arkay dad saasoo kale daliil diini ah lahorkeenay oo cagta kudhuftay kanasii socday sidii iyadoon waxbaba dhicin. Xaqiiqdii qofkaa isag ah wuxuuu galay danbi ka'uguxun, mar hadday arrintu saa noqotay aniga waxaan go'aan kugaadhay inaan qof danbe usoo bandhigin Daliil diini ah illaa aan hubsado inuu yahay qof kuqanacsan diinta oo aqbali xukunka alle.
Ilaah wuxuu yidhi:(WAMAN ADLAMU MIMAN THUKIRA BI'AAYAATI RABBIHI THUMMA ACRADA CANHAA)Xaqiiqdii qof kadulmi badan majiro qof inta maqlay kajeestay Aayaadka ilaahay. Ilaah wuxuu yidhi asagoo tilmaami mu'minka dhabta ah :(INAMAL MU'MINUUN LADIINA IDAA THUKIRALAAHU WUJILAT QULUUBUHUM WA'IDAA TULIYAD CALYHIM AAYAATUHU ZAADATHUM IIMAANAA)
Haddaan yara fasiro labada aayadood midda koowaad waxay sheegtay inuu dad ugu dulmi badan yahay qofkii inta loosheego aayado ilaahay kajeesto.
Midda labaad waxay sheegtay in mu'minka markii laxuso magaca ilaahay inuu qalbigiisu khushuuco, markii aayadka ilaahay la'khriyona ay iimaan uziyaadiso.
Sidoo kale ilaahay wuxuu yidhi asagoo quraanka kahadlaya:( ALLAAHU NAZALA AXSANAL XADIITHI KITAABAN MUTASHAABIHAN MATHAANIYA TAQSHACIRRU MINHU JULUUDULLADIINA YAKHSHOWNA RABBAHUM, THUMMA TALIINU JULUUDUHUM WAQULUUBUHUM ILAA THIKRILLAAHI THAALIKA HUDALLAAHI YAHDII MANYASHAA'U)
oo macnaheedu yahay Alle baa soo dajiyey hadal ka'ugu fiican kitaab isu'eg oo soo noqnoqonaya ooy kajadhiidhacoon maqaarka kuwa ilaahay kacabsada kadibna jilcin maqaarkooda iyo qalbiyadooda xuska alle, kaasu waa hanuun uu ilaahay hanuuniyo qofkuu rabo.

Ilaahbaan kugu dhaarshayee matahay dadkay aayadahaa sheegeen illeen dadka kale been waad usheegi kartaaye adigase been isu sheegi maysidee. Mise sidii Axmed Yare ayaad leedahay maalin walba quraanka waan akhriyaa waanan kudhaqmaa haddana aad saacad walba inkiri.

Inshaa allaah qaybta xigta waxaan kusoo qaadani Mu'mininntii hore iyo kuwa hadda joogo iimaankooda bal si'aad ubarbardhigto kooda iyo kaada iyo bal waxa idin kaladuway.

Waad mahadsantihiin

Xareed

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.