site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

..Mid ka mid ah Mucjisooyinka Qur'aanka!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): ..Mid ka mid ah Mucjisooyinka Qur'aanka!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalaamu Caleykum!

Mucjusooyinka quraanku waa badan yihiin, lamana soo koobi karo.

Balse waxaan rabaa in aan idinla wadaago baaritaan tirikoob xisaabeed yar oo cajiib leh oo uu sameeyey Shiikha caanka ah oo ka tirsan Ikhwaanul muslimiinka lana yiraahdo Dr. Tariq Al-Suwaidan.

Shiikhu markii uu baritaan Quraanka ku suubiyey wuxuu helay sidan:

Bal hade aanu aragno:

Al-Dunya (Aduunkan) 115 jeer
Al-akhira (Aakhiro) 115 jeer

Al-Mala'ikah 88 jeer
Al-shayateen 88 jeer

Al-Hayat (Nolosha) 145 jeer
Al-Maout (Dhimashada) 145jeer

Al-Rajul (Nin) 24 jeer
Al-Mar'ha (Dumarka) 24 jeer

Al-Shahr (Bisha) 12 jeer

Al-Yahom (Maalinta) 365 jeer

Al-Bahar (Bada) 32 jeer
Al-bar (Barriga) 13 jeer

Haddii aanu isku darno wadarta "bada" iyo "berriga" waxaa inoo soo baxaya 45.
Bal aanu hadda suubino xisaab yar oo fudud (fraction):

32/45 X 100% = 71.11111111%
13/45 X 100% = 28.88888888%

Halkan kore waxaan ku arkeynaa saan ognahayba boqolkiiba (percentages) inta biyo (sea) ah aduunka iyo inta berri (land) ah.

Mucjisooyinka Quraanka lagama sal gaari karo. Marnaba ma suurtoobi karto in Aadane si buuxda uga sal gaaro cilmiga iyo mucjisooyinka ku jira Quraanka kariimka.

Allah knows Best

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xareed

Unrecorded Date
Baarakallaah fiika akhii alkariim

Uma malaynmayo inay waligeed dhammaan mucjizada quraanka ee bal hanaga joojinee noosii wad dadaalkaada.

Waad mahadsantahay
Xareed

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

garase

Unrecorded Date
walaal aad iyo aad baad u mahadsantahay alahana kuu siyaadiyo adiga iyo anagoo dhanba wixii muslin ah.

walaal waxaan jecelnahay wixii kale oo nagu dhaantid inaad nagu siyaadiso si aan kaaga faa'iideysano.

jasaaka laahul kheyr
mohamedal-fuaad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cibaado

Unrecorded Date
waxaan rabaa inaad sida salaada loo tukado ama loo waysaysto ii soo qortaan hana ila yaabina walalyalow qof salada dhibato kala haysataan ahay markasta markaan bilaabo waan ka tagaa anoo isle ku noqo hadana waxbaa iga sii jediya.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salamu Caleykum

Cibaado,
Walaal insha'allah wixii aan kaa caawin karo ayaan bal kaa caawinaya oo salaada iyo weysada ku saabsan ee ku dhaaf e-mailkaada halkan aan kuu soo dhigee.


Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Farah

Unrecorded Date
Saaxiib waad mahadsan tahay. inoo wad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cibaado

Unrecorded Date
ansaari walaal waa kan e-m kayga ku soo dir waadna ku mahadsan tahay qayr na ilahay haku siiyo .

asiyaosman@netscape.net

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-Salma

Wednesday, June 28, 2000 - 04:28 pm
walaalayaan aduunyadan maxey dadka wax weyn ula tahay hadii mar un ruuxu dhaafi? maxaase kalifay dadka sharta u shaqeeyaahi uga badan yihiin dadka kheyrka u shaqeeyaa?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu-Salma

Wednesday, June 28, 2000 - 04:38 pm
Assalamu caleykum

Akhi, ansaari thanks for the great effort that you made, however, walaale waxaa aad u fiicnaan laheyd inaad sheikha dhaariq al-suweidan aad taariikhdiisa sheegto iyo gaasatan inuu aad ugu xil-dheereeyo taariikhda islaamiga iyo jaamacadaha uu wax ka dhigo inta aad afka ku dhufan laheyd inuu yahay akhwaan al-muslimiin maadaama ay maanta dad dhibsanaya ama xumaanto ka keen ah magacyadan ay jiraan, taasina waa iga waano ee ma cilad raadis....

wallahul mustacaan...

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.