site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Tony Blair oo ugu baaqay Britain in aay si dhab ah u fahmaan Islaamka!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Tony Blair oo ugu baaqay Britain in aay si dhab ah u fahmaan Islaamka!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Tony Blair ayaa ugu baaqay Britain in aay isku dayaan in aay si dhab ah usii fahmaan Islaamka.

"Waxaa jirta faham la'aan badan oo xagga diinta Islaamka ah. Runtiina waan diin qoto dheer, xambaarsan nabad waana diin aad qurxoon caqiidadeedu," ayuu yiri Raysal-wasaaraha Ingiriisku mar uu waramayey jariidadda The Muslim News, oo ah jariidad saldhigeedu yahay Ingiriiska.

Raysal-Wasaaruhu wuxuu kaloo sheegay: "in uu haysto labo kitaab Quraan, mid kamid ahina uu qaato markii uu karo" waana caado uu ka bartay Chelsea Clinton. Wuxuu kaloo sheegay xushmada uu u hayo."

Warkan uu sheegay Raysal wasaaruhu wuxuu laga fahmi karaa mahadnaqa uu u hayo Islam iyo in uu Britain ugu baaqayo in in aay gaarto fahmid sare oo ah waxa Islaamku yahay iyo micnihiisa iyo weliba waxyaabaha qiimiga leh ee Islaamku xambaarsan yahayba.

Mr. Blair wuxuu kaloo saadaaliyey in xubno badan oo muslim ahi kusoo biiri doonaan goloha baarlamanka dalka doorashooyinka soo food leh. Waxaa kale oo uu yiri: "in aay ahaan doonto wax lala yaabo haddii xisbiga Labour Party hasyan waayo wax musharax muslim ah"

Wareysigan The Muslim News la yeeshay Mr. Blair (iyo hadaladiisa amaanta lehba) waxay kulmisay mar dowladu ingiriisku markeedi kowaad si officail ah u dirtey wafdi muslimiinta reer England ah oo u kicitimay xaggaas iyo Xajka. Wafdigaasi waxaa hogaaminayey Lord Ahmed of Rotherham, kaasi oo uu Mr. Blair magacaabay. Lord Ahmed wuxuu noqday muslim kii ugu horeeyey oo ka tirsan Aqalka Odayaasha (House of Lords) oo wafdi u hogaamiya Xajka.

"Qirashada aay dowlada Ingiriisku ictiraaftey dadkeeda muslimiinta britishka ah waxaa si lixaad leh usoo dhoweeyey mujtamaca muslimka mareykanka (American Muslim Community). Waxaanu doonaynaa in la kordhiyo danaynta arrimaha muslimka ee xagga mujtamaca" ayuu yiri Aly Abuzaakouk, Xoghayaha guud American Muslim Council.


Haddii aad u baahan tahay qoraalka wareysigan oo buuxa, waxaad ka heli kartaa bogga The Muslim News:

http://www.muslimnews.co.uk/131/131-1-1.html

Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Kilimbe

Unrecorded Date
runtii saaxiib waa war fiican waxaanu dhahaynaa Rabbi ha soo hanuunsho.
nabadeey

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.