site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALLA, AAWAY AL-AQSAA??? ALLA, MEEDAY QUDUS???

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): ALLA, AAWAY AL-AQSAA??? ALLA, MEEDAY QUDUS???
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AAWAY AL-AQSAA?

Unrecorded Date
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
ALXAMDU LILLAAHI RABBILCAALAMIIN
WASALALLAAHU CALAA NABIYYINAA MUXAMAD
BISMILLAAHI SADAR HORE
SIFO EEBE WEHELISO
SALIGII RASUULKEEN
NAXARIIS DUL SAARANOO
EHELKU SAAMI QAATEEN
SAXAABADU SED LEEDAHAY
SAAN QAADAYAAL RAACAY IDILKOOD
SAATIRKU HAKU WADA SIMO.
INTAAS KADIB:

Walaalahayga sharafka iyo maamuuska mudanoow waxaa mudo ilaa intaan xasuusto 5 bilood laga joogo socon jirey Aqoon is weydaarsi ku saabsanaa BEYTKA xurmada leh ee (AL-AQSAA), waxaa sheekadaas qiimaha leh furtay gabadh walaasheen ah oo magaceedu ahaa UMU SALAMA.
Runtii walaalayaal wuxuu ahaa Mawduuc aad u qiimo badan dhamaanteen intii akhrisayna xasuusiyey Masaajidkaas sharafta badan ee aan dayacnay una deynay gacanya yuhuuda.
Waxaa jirta raad oranaaya dad waxaa u liita YUHUUDA waxaase kaliita ciday ka kor marto ama ka gacan sarayso, miyaan walaalayaal ALLE baan idunku dhaarshee sifadaasi maanta hadaan Muslimiin nahay inaga muuqan.( Inaa Lillaahi Wa'inaa Lillaahi Raajicuun).
Walaalayaal waxaan sheekada ama XUSUUSASHADA Beytka sharafta leh ee (BEYTUL MAQDIS) inoogu furayaa qiso aad u layaab badan oo ku saabsan reer AALI CIMRAAN waa MARYAMA ama UMU CIISA nabad gelyo koorkooda ha ahaatee Qoyskeedii.
Haddiiba lasoo qaado gurigaas sharafta leh waxaa jira qisooyin aad u badan oo aad Xasuusanayso ama hortaada imanaya oo ay ka mid yihiin Qisooyinkii Anbiyada badankoodii sida: Aabihii Nebiyada Ibrahiim calayhi salaam Isxaaq,yacquub,Daa'uud,Zakariya,Yaxya,Muuse calayhimu salaam.
Waxaanse inoo dooray mida sii qoyan ama ka mid ahayd kuwii ugu danbeeyey REER AALI CIMRAAN.
Walaalayaal waxaa aad u layaab badan sida UMU MARYAMA ama Maryama Hooyadeed BEYTKAAS uga fekerayso markay ilmeheeda oo weli Caloosheeda ku jira ALLE u balan Qaaday ama unadartay inuu misaajidkaas ka shaqayyo.
Waxaa kaloo aad u layaab badan in aynaan inagu maanta kuwa ifka jooga oo wax garadka ah balanqaad iska daayoo aynaan xitaa barin oo aad arkayso dad waawayan oo aan waxba kala socon marxalada xanuunka leh ee uu BEYTKAASI maanta ku sugan yahay.
Maryama hooyadeed markay gabadh dhashay waxay tiri iyadoo balanteedii aragtay inaysan gudan karin, waxayna tiri ( Alloow gabadh baan dhalay gabdhaha iyo wiilashuna isku mid maaha)
iyadoo kawada in shaqada gabdhaha iyo wiilashu kala qaybsan yihiin,oo aan gabdhuhu misaajid ka shaqayn karin.
Alle weynena isagoo ah kii abuuray Maryama
oo og waxa Hooyadaasi dhashay, wuxuu wanaajiyey koriimadii Maryanma isagoo ka aqbalay niyadii wanaagsanayd ee Hooyadeed. inagoo qisada sii wadan doona dakaasi waxay ka fekeri jireen wixii caruurtoodu ALLE weyne u qaban lahayd. inaguse waxaan ka fekero isuma sheegayno oo waa sidii aan gaalo u dhex keeni lahayn, ay wax inoogu bari lahaayeen inoogu tarbbiyayn lahaaayeen iwm.
WALAALAYAAAL MAXAY IDINLA TAHAY?

WALAALADIIN
MADRASADA AAWAY AL-AQSAA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Umu salama

Unrecorded Date
Asalaamu calaukum.

walaalayaal khayr Alle haydin siiyo Rabbi (swt) waxaan inoo way diinayaa kuligeenba inuu inaga dhigo kuwii baytkaa Alle kasoo celiya gacmahaa yuhuuda ee wasakhda´ah.

Halkaana kasii wada walaalayaal halgankiina oo waligiin hadaalinina iinsha Allaahu tacaalaana waxaa idinka soo bixi doona Salaaxudiinkii labaad ee cizada islaamka soo celin doona iinsha Allaah (inahuu calaa kuli shay´in qadiir.)

walaalayaal waxaan idin way diin lahaa halkey ku taalaa madarasadaan sharafta lihi.


walaashiin umu salama

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MDRSDA ALLA! AAWAY AL-AQSAA

Unrecorded Date
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
ALXAMDU LILLAAHI RABILCAALAMIIN
WASALALLAAHU CALAA MUXAMAD

KU UMU SALAMA;

...... WALAAL BACDA SALAANTA ISLAAMKA OO AAN KORKAAAGA,AKRISTAYAASHA, MUSLIMIINTA, KORKAYAGABA KU AKHRINAYNO WAXAAN ALLE WEYNE WEYDIISANAYNAA INUU DUCADAADA NOO AQBALO, AAMIIN.

....... ALLE HAYNAGA DHIGO KUWII U DIYAAR GAROOBO LAHAA HAWSHAAS WEYN EE INA SUGAYSA, WALAAL MADRASADU WAXAY KU TAALAA MAGAALOOYINKA MATAANAHA AH EE MARAYKANKA (MPLS IYO ST POUL).

....... WALLAL SAAD MAGACEEDABA KA ARKAYSID WAXAAN UGU TALO GALAY INAY MACALIMIINTA,ARDADA,WAALIDIINTA IYO MUSLIMIINTABA XASUUS UGU NOQOTO MARKAY ARKAAN MAGACAAS UU XASUUS IYO FEKER LAABTOODA KU REEBO,WAXAY SOOMAALIDU TIRAAHDAA "WAR LA HELYAABA TALO LA HEL" WAXAA DHICI IN MARKAYNU IN BADAN ISKA WARAYSANO AMA ISAGA WARANO BEYTKAAS UU ALLE DHEXDEENA KASOO SAARO CUMAR AL FAARUUQ AMA SAALAXU DIIN AL AYUUB OO KALE.

....... WALAASHAYADA CIZZADA IYO SHARAFKABA MUDANEEY ALLE HAYDIN HA XAFIDO ADIGA IYO CARUURTAADA IYO MUSLIMIINTA KULA NOOLBA WAXAAN MARKII U HOREEYSAY EE AAN CINWAANKAAGII AKHRINAY U MALAYNAY IN ARDAY MADRASADA DHIGTA AMA DHIGAN JIREY AMA LOO DHIGTO QORAY, MARKAAN AKHRINAYSE WAAN KU GARAN WEYNAY, WAXAASE MAHADIN MUDAN ALLAHA ISKU HAMI INAGA DHIGAY INAGOON IS AQOON TAASINA WAA NIMCO KALE OO IN ALLE WEYNE LOOGA MAHAD CELIYO MUDAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Uma Ahmed

Unrecorded Date
salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu:

walaalkayga soo dhigay muuduca ilaahay khayr hakaa siiyo dadaalka aad hayso misaanka xasanaadkana hakuugu daro aamiin

meelkasta oo ay joogan muslimiintana ilaahay kalmadooda ha ka yeelo mid keliya ilaahayna waxaan ka rajaynaa in uu inaga yeelo kuwii ku soo tukada betka ilaahay al Aqsa aamiin

kana xoreeya gacanta nijaasta ah ee kuwii ilaahay swt u cadhooday oo ku so celiyo gacanta musliminta dadaalna waa lama huraan yaa ikhwaani filaah.

ukhti uma salama,
ukkhti al caziizah wan ku salaamay ukhti al xabiibah wali meeshi wan sugayaa wana kula soo xidhiidhi insha allah.

wasalaamu caalaykum waraxmatulaahi barakaatu.

ukhtakumfilaah
uma ahmed.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalamu Caleykum!

AAWAY AL-AQSAA?,

Walaal Allaha kaa abaal mariyo akhbaartan weyn ee aad inoo soo gudbisay iyo sida waca ee aad inoo xasuusisay MASJIDKEENA WEYN ee yuhuuda (cadowga) gacanta ugu jira.

Walaal Allaha idin garab-galo.

Mida kale madarasadan maad xoggaa inooga sheegtid, sida ma madraso soomali baa? mise madraso dad isku tagey aasaaseenbaa? Jazakallaah!.

Walaalkaa
Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MDRSDA AAWAY AL-AQSAA

Unrecorded Date
BISMILAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
ALXAMDU LILLAAHI RABBILCAALAMIIN
WASALLALLAAHU CALAA MUXAMAD

WALAALAHAYGA ISLAAMKOOW;

.......NIN WALAALAHA MUSLIMIINTA KAMID AH BAA WUXUU YIRI KELIMAAD XUSUUS MUDAN OO AY KA MID AHAAYEEN SADARADANI:

.......ADUUNYADAN QURUNTAY EE GAALADU KU QOOQAYSO
.......EE LA QUURSANAYO RUUXII QIRAYA TOOWXIIDKA
.......QALALAASE LAGU FURI CIDII RABBI QAWLKII SOO QAADA
.......LAGU QAYLINAYO QOLADII SUNADA KOR U QABATA
.......QAADIRKOON U QAYSHADO IYO QURBATU DIIN BAA
.......QIIMO SAAIDA LEH

* * * * * * *
.......QIIMAYNTA NALA SIIYEY IYO WAXA NALAKU QAABILAY
.......QOOMKEENAA U MARAGA IYO TAARIIKHDA LAGA QORAY
.......QUDUS INAY GACANTOODA KU QARSOONTO
.......QARNIGII WAX KU DHOOW
.......LAYNAGUMA QADARINOO WAA LAYNA QUURSADAY
.......QAADIRKOON U QAYSHADO IYO QURBATU DIIN BAA QIIMO .......SAA'IDA LEH

WALAALAYAAL;
.......ALLE WEYNE WAAXID WEEYEE HA INAGA DHIGO KUWII KU SEEXDA KUNA SOO TOOSA SOO CELINTA BAYTKAAS XURMADA LEH IYAGOO SABABTII AY KU SOOROOBI LAHAYDNA DIYAARSANAYA.
.......WAXAAN WAX YAR KU DARI LAHAA TAARIIKHDII (Reer Aali Cimraan).

.......Waxaynu tilmaan ka bixinay sifadii dadkii ALLE weyne gacantooda ku ilaalin jirey Baytkaas iyo siday caruurtooda oo aan ifka iman ugu diyaarin jireen sidii ay ALLE iyo Masaajidiisa ugu shaqayn lahaayeen, iyo cagsigeeda sida dadka maanta joogaa ruux ALLE u naxariistay maahee ay uga dhega la' yihiin Masaajidda xurmada leh inay wax u qabtaan ha inoo danbaysee.
.......Markaad dad badan kala sheekaysato Baytkaas waxay kuugu jawaabayaan "Arintaasi waa Qadiyad Falastiin ama Carbeed" qofka Soomaaliga ah ee soo dhoweeya baa wuxuu ku oran (nin tiisa daryeela baa tu kale ku dara e) horta aan Qadiyada Soomaaliyeed xal u helno, waa run qadiyada Soomaaliyeed in xal loo helo bay u baahan tahay, laakiin Billaahi calaykum qadiyada Soomaaliyeed iyo tan AL-AQSAA iyamaa horeeya? waxay kala yihiin qadiyad gobol iyo mid Caalamul Islaam.
.......Walaalahayga Islaamka ahoow Maryama markay dhalatay isla markiiba hooyadeed way u ducaysay oo waxay tiri "Ilaahayoow iyada iyo caruurteedaba shaydaan ka ilaali" ALLAAHU AKBAR waxynu la yaabanayn cunuga caloosha ku jira oo ALLE dartiis loo nadrayo isagoon dhicis iyo dhamays ama nolol ama mawt wuxuu noqonayo aan la ogayn!!! waxaase kasii yaab badan HOOYADAAS qaaliga ahi cunugteedii oo weli mahdigii (maryaha jiljilicsan ee caruurta lagu qabto) ku jirta bay waxay u ducayn iyada iyo caruurta ay dhali doonto in ALLE shaydaan ka ilaaliyo, waa meesha Soomaalidu ka tiraahdo ALLE weel wayn baa lagu baryaa.
.......walaalayaal anoo intaas ku dhaafaya qisadaas ay duruusta badani ku jirto waxaan walaalkay ANSAARI (ALLE adiga iyo anagaba hanaga dhigo Ansaarullaahi e) uga jawaabi lahaa su'aashii Madrasada AAWAY AL-AQSAA intay Le'eg tahay iyo wixii la xiriira ka oran lahaa WAA DUGSI QUR'AAN ilaa iyo hadda intay jirtay, uma gaar aha Soomaali ee ilaa iyo hada ardada wax ka dhigata ama dhigan jirey waxay lahaayeen jinsiyado kala duwan, Waxaanse ALLAHA awooda badan weydiisanaynaa ina ay maalin noqoto MADARASO weyn oo ISLAAMI ah sida MADARASADA IIMAAM AL-SHAAFICI ee Xamar ama ISLAMIC SHCOOL.
.......Waxaan kaloo salaan iyo duco u diraynaa walaashayada noosoo ducaysay UMU AXMAD, ALLE wayne hanoo aqbalo,Aamiim.

CODSI:
.......Waxaan walaalaha ka codsanaynaa inuusan magacaasi u gaar ahayn Madarasadan ee aad aasaasi kartaan madarasooyin magacaas oo kale leh waloow hal dugsi ama malcaamadba ha ahaadee, guri halugu dhigo ama masaajid halagu dhigo ama Iskuulba halagu dhigee, waxaa shardi inoo ah is xasuusinta BAYTKAAS sharafka leh ee gacacanteena ka maqan kuna jira gacanta walaalihii Daayeerada iyo Doofaarta.

Madarasada
AAWAY AL-AQSAA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MDRSDA AAWAY AL-AQSAA?

Unrecorded Date
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
ALXAMDU LILAAHI RABILCAALAMIINA
WASALALLAAHU CALAA MUXAMAD
INTAAS KADIB:ASSALAAMU CALAYKUM

WALAALAYAAL;

.......Waxaan wax yar ku daraynaa QISADII reer Aali Cimraan, waxaa inoo dandaysay ducadii qaaliga ahayd ee Umu Maryama iyadoo tiri "ALLOOW GABADHAYDA IYO CARUURTEEDABA SHAYDAANKA AAD NAXARIISTAADA KA DURKISAY KA ILAALI" buu ALLE weyne isagoo mar walba adoomadiisa maqli og islamarkaana ka aqbala Adoomadiisa suusuuban wixii ay weydiistaan oo wanaagsan baa DUCADAAS qaaliga ah ka aqbalay HOOYADAAS saalixada ah.

.......ALLE sareeye wuxuu wanaajiyey koriimadii iyo barbaarintii Maryama, wuxuuna ka dhigay Gabar aad u dhoowrsan saalixad ah, mu'minad ah, saan wada ognahayna waxay noqotay ruuxa keliya ee dumarka ah oo ALLE sareeye uu in badan Qur'aanka ku xuso magaceeda, looguna magac daray suurad dhan oo Kitaabka Kariimka ah ka mid ah.

.......Walaalayaal ALLE sareeye wuxuu ku sharfay Maryama inay ku korto gurigii NEBI Zakariye calayhi salaam, kadib markuu uu ku guulaystay qori tuuradkii, waayo qof walbi wuxuu jeclaa inay Maryama gurigooda kula noolaato sharafta ay leedahay iyo jacaylka loo wada qabay darteed (MAN SHARAFA NAFSAHU FAHUWA SHARIIF) qofkii sharaf isu yeela baa la wada jeclaadaa.

.......Walaalalahayga sharafka mudanoow waxay la noolaatay Maryama nebigaas dabcan wax ka baratay ALLENA sabab uga dhigay ducadii HOOYADEED iyo inay noqoto mid ka mid ah MU'MINAADKA, QAAFILAADKA ah, waxaa dhacday in Maryama lagu arko mucjisooyin iyo waxyaabo uu xattaa la yaabo nebigaas sharafka mudani CALAYHI WACALAA AL'ANBIYAA'I ASSALAAM.

MUCJIZOOYINKII Maryama waxaynu haddii ALLAHA awooda lihi inoo qadaro ugu tegi doonaa QISSADA qaybeheeda danbe.

WALAALIHIIN MADRASADA
ALLA!! AAWAY AL-AQSAA?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MADRASADA AAWAY AL-AQSAA???

Unrecorded Date
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
ALXAMDU LILLAAHI RABILCAALAMIINA
WASALALLAAHU CALAA MUXAMAD
INTAAS KADIB:

ASSALAAMU CALAYKUM;

.......Walaalahayga ISLAAMKA ahoow inagoo soo gaarey gebagebadii qisadii MARYAMA Radiyallaahu canhaa, baan waxaan rabaa inaan naftayda iyo tiinaba xasuusiyo inaynu gabadhaas iyo dhamaan SAALIXIINTA ka qaadano duruus ku daysho leh, waayo walaalayaal saad wada ogtihiin haddii ALLAAH qof wanaagsan inooga sheekayyo macneheedu waa ku dayda, haddii qof xun DIINTU inooga sheekaysona waa wadadoodii iyo dhaqamadoodii ka fogaada.

.......Walaalayaal MARYAMA markay barbaartay GASHAANTINA noqotay baa waxaa ku soo kordhay arimo MUCJIZOOYIN ah oo aad u layaab geliyey NEBI ZAKARIYE calayhi salaam.

.......Waxaa dhici jirtay in lagu arko CUNTOOYIN kal nooc nooc ah, marka JIILAAL lagu jiro waxaa lagu arki jirey cuntooyinkii GUGA, marka XAGAA lagu jirona waxaa lagu arki jirey cuntooyinkii DAYRTA.

.......NEBI ZAKARIYE calayhi salaam oo ahaa qofkii barbaarinteeda balan qaaday, quudinteeda iyo koriimadeedana faraha ku hayey baa markuu arkay in GABADHA dhinac kale biil uga socdo, baa isagoo la yaaban NIMCOOYINKAAS kala duduwan ku yiri:
....................MARYAMOOY XAGEE WAXAASOO NIMCO AHI KAAGA AHAADEEN?....................
Waxay ugu jawaabtay ALLE xagiisaa la iga siiyey, ALLENA siduu doono buu adoomadiisa u quudiyaa, Arinkaas markuu Zakariye arkay buu ALLAAH sacabada u hoorsaday, isagoo ku duruus qaatay SHEEKADII MARYAMA ileyn waa adoon ILAAHAY e, markiibana u khushuucay AAYAADKII ALLE, isagoo baahidiisa uu AWLAAD u qabey ogaa buu wuxuu yiri:

.......ALLOOW SAAD MARYAMA U IRZAAQDEY II DEEQ OO WAXAAN KU WEYDIISANAYAA AWLAAD I DHAXASHA, WAAN GABOOBAYE RAAD IGA REEB (YACNII CID DIINTA IGA DHAXASHA)

.......ALLAAH waa duca aqbale e markiiba isagoo tukanaya oo MIXRAABKA ku jira baa waxaa loogu bishaarayey WIIL magiciisa aan cidi uga horayn oo la yiraahdo YAXYE, halkaas baa ALLE awood BADANE ku deeqay NEBI ZAKARIYE isagoo wiilkiisiina laga dhigay NEBI dhaxla aabihiis nebiyadana xoolo lagama dhaxlee wuxuu u haray hawshii aabihiis ALLE u hayey iyo FIDINTII ISLAAMKA.

.......Mucjizadii ugu weyneyd ee maryama lagu arkay waxay ahayd DHALITAANKII CIISE calayhi salaam iyadoo gabar ah oo aan weligeed la guursan.

.......Maalin maalmaha ka mid ah waatii ay iyadoo u baxday xaajadeeda ay la kulantay MALAKUL JIBRIIL oo suurad AADAMI leh, Malaa'igtuna marka ay isku soo suuraynayaan AADAMIGA waxay isu soo ekaysiiyaan kooda ugu quruxda badan. maxay fashay maryama?
waa gabar dhoowrsoon Nebi gurigiisna kusoo barbaartay, xishood iyo dhaqankii gabar wanaagsan lagu yiqiina ku dhan yahay.
sida gabdhaha maanta jooga markay wiil qurxoon arkaan miyey soo booday iyadoo leh aboowe macaane give me five!!! KALLAA WALLAAHI!!!.
Markiiba intay isku naxday bay waxay tiri:

ALLAAN KAA MAGAN GELAYAA HADDAAD TAHAY MID ALLE KA BAQAAYA!! ALLAAHU AKBAR.
Malakul JIBRIIL wuxuu maryama u sheegay TACRIIFKIISA ama ciduu yahay dabcan aad bay u taqaan waa MALAGGA adoomada IYO ALAAH fariimaha u kala geeya. wuxuuna u sheegay sababtii loo soo diray iyo BISHAARADII NEBI CIISE inay dhali doonto, waxay tiri sidee baan CUNUG u dhalayaa anoo aan weligay la i GUURSAN!, wuxuu yiri ALLE wuu karaa wax kasta!, waa ALLIHII adoo QOLKAAGA KU jira ku quudin jiray kuguna quudin jirey CUNADA aad sbankaas la helin.

MARYAMA way rumaysay fariintii ALLE waxaan halkaas ka bilaaban sheekadii iyo dhalashadii NEBI CIISE calayhi salaam.
WAXAANNA INTAAS KUSOO GEBAGEBAYNAYA QISADII MARYAMA AALI CIMCAAN ALLE HAKA RAALI NOQDEE.

Walaaladiin
Madarasda ALLA!
AAWAY AL-AQSAA??

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Aamiin

Friday, September 22, 2000 - 05:45 am
Assalaamu Calaykum

allahuma Acid MASJIDUL AQSAA! ilaa aydi ALMUSLIMIIN Wajcalnaa Sababan lahaa.

Aamiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Friday, September 22, 2000 - 09:12 am
Salaam dhammaan walaalaha.
Aad ayaan, haddan muslimiin nahay u iloownay masaajidkii kheerka badnaa ee AL AQSAA.

Waxaana sababay haysashadiisa in aan daciifnay yacnii tabarteen. Ilaa aan soo xoogeeysano ma soo galaayo gacmaheena.

Isaga kali ma maqnee, ee waxaa maqan kuwo kale oo badan, EE aaway XARAMKII????????????????????????
miyuu san WHITE HOUSE hoos imaanin???????????.

Ilaa la helo SALAAXU DIIN, BADHAL (GEESI),oo jiil ka ad adag kan maanta jooga oo XADAARI ah, oo noolasha ka jecel dhimashada. Ma soo laabanaayo masjidkaas.

Ee wax dag dag ah ma jiro, oo waxaan shaki ku jirin in uu mar uun soo gali doono gacanta muslimiinta.

Ee ATOOMOGII (umah) dumin lahaa YUHUUDA ha la dhiso. Waana wado dheer oo wakhti dheer oo aan xamaasad wax ku cayaartaa la heeyn u baahan.

Sidaas iyo salaama walaaladeey !

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Saturday, September 23, 2000 - 04:08 am
Assalaamu Calaykum

skandaneefia

Walaal maxaa kugu dhacay sida waad dhaami jirtaye ma waxaad sintay YUHUUDA iyo SACUUDIGA Alle uga baq waxaad qoraysid, waa loo xajiyaa waa la ilaaliyaa waana inoo furan yahay oo saacadaa rabto baa aadi kartaa. wuxuu laba beri ka hor ii sheegay walaal Hargaysa iga soo wacay inuu cimro u socdo iyadoo aad ogtahay SOMALI inaan aduunka socodkeeda iyo Baasaboorkeeda laga ogolayn QAXOOTINIMO iyo BAASABOOR GAALO inay wataan mooyee haddana waynu ku xajinaa waana ku cimraysanaa ee maxaa kale oo aad sacuudiga ka rabtay ma inay Baasaboor ku siiyaan baa.

walalkaa Muslim

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandaneefiya

Saturday, September 23, 2000 - 10:19 am
Asalaamu caleeykum dhammaan walaalada.
Aad baau idinku mahad naqaaya XIWAARKA wanaagsan.

MUSLIM:walaasheey/walaalkeey hadii aan kuu jawaabo, waxaan filaaya in aadan i fahmin waxa aan ka hadlaayo iyo goolka aan tooganaayo.

Maxaa yeelay waxaan u hadlay si xoogaa sarbeeb ah waxaana filaaya in uu i fahmi karo qof ila fahamsan arintaas.

Waa RUN oo SAX ah in uu hoos yimaado aqalka cas.
Miyee san DAWLADAHA khaliijka hoos imaan CLINTON??

oo ay AAMINSAN yihiin isaga. Ha u maleeyn kali haasashada in ciidan KACBAD soo gasho oo hubeeysan. Ee meesha laga shidaal qaato oo laga dambeeyo ayaa haasashada ka wadaa.

Miyeey san in ka badan 30 000 ciidamo MAREEYKAN joogin dhulka Sucuudiga????????????

Oo ay sheeganaayaan in ay DIFAAC u joogaan dhanka CIRAAQ.

Hadii aad u mooday in ay ii diideen BAASABOOR. Ee aniga ugama baahni baasaboorkooda, oo waxaan haystaa mid EUROPE UNION, oo ka magac dheer kana sharaf badan,,,,WAA HADII UU WAX TARAAYO BAASABOOR.

Sidaas iyo ismaqal dambe oo xiiso leh.
Mahad ayaa kuu sugnaatay MUSLIM.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.