site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

...Ma ogtahay fadliga ay leedahay maalinta Aashuuraa?!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): ...Ma ogtahay fadliga ay leedahay maalinta Aashuuraa?!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Imaamu Muslim wuxuu kitaabkiisa saxiixa ah ku wariyay in Nebigu (S.C.W) uu yiri"Soonka Aashuuraa Eebe wuxuu ku dhaafaa denbiga sanadkii hore"

Saxaabiga ibnu cabaas Alle ha ka raali noqdee wuxuu wariyay"Markii Nebiga (S.C.W) uu soo galay Madiina wuxuu arkay dadkii yuhuuda oo soomaya maalinta Aashuuraa. Wuxuu Nebigu weydiiyay 'Maxaad u soomantihiin?' waxay ku jawaabeen 'Waa maalin fadli badan, waa maalintaa Eebe ka badbaaiyay reer Banii-Israaiil cadowgooda, Nebu Muusana wuu soomi jiray maanta oo kal' Nebigu (S.C.W) wuxuu ku jawaabay anaga ayaa idinkiga xaqnima badan inaan ku dayano Nebi Muuse Alle ha u naxariistee. Wuxuu bilaabay Nebigu (S.C.W) inuu soomo maalinta Aashuuraa wuxuuna muslimiinta kale ku booriyay inay soomaan" Waxaa weriyay Al-Bukhaari 1865.

Axaadiista saxiixa waxay tilmaameysaa inay waajib ahaan jirtay in la soomo maalinta Aashuura ka hor inta aan la waajib yeelin soonka bisha Ramadaan.

Waxaa fadli badan in la soomo 9 iyo 10 ama 10 iyo 11 bisha Muharam si loo khillaafo yuhuuda iyo nasaarada. Muslim wuxuu wariyay "Markii Nebiga (S.C.W) uu bilaabay inuu soomo 10ka muharam, asxaabtiisa ayaa waxay ku tiri 'waa maalin ay u dabaal-degaan Yuhuuda iyo Ansaarta'. Nebiga (S.C.W) wuxuu ku jawaabay 'Hadii aan noolaado sanadka soo socda waxaan soomi doonaa 9 iyo 10' Laakiin Nebiga (S.C.W) wuu dhintay inta uusan gaarin" Muslim 1916.

Walaalayaal waxaan nafteyda iyo tiinaba ku waaninaayaa inaan ku dayano nebigeena (S.C.W) oo aan soono 9ka iyo 10ka bishan muharam. Hadii aad soonto waxaa Eebe uu kuu dhaafi doonaa dembigii aad sameysay sanadkii hore.

Bisha muxaram waa 7 maanta 9ka iyo 10ka waa labada maalmood oo ay sunnadu tahay in la soomo waxayna ku aadanthay Jimcaha iyo Sebtiga.

Wasalaamu Alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Deeqo walaaley Allaha kaa abaal mariyo xasuusinta ilaah aad na soo xasuusiyey laakiin walaalay ma granaayo waxaay tahay aashuura si fiican ma igii fasiri kartaa

wasalaama alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Unrecorded Date
To: Deeqo
Asalaama Caleykum

Abaayo Allaah ha kaa abaal mariyo hadalka wanaagsan oo aad qortay, qiimihiisa Allaah abaayo
ha ku xafido marka sii wada wanaaga.

To: Anon

Walaal ama Walaaley, Ashuura waa maalomo la soomo
soon Suna ah, oo hadaad soontid Allaah wuxuu kaa
shaafin 2 sano denbigood, macnaha sanadkii la soo
dhaafay iyo mid aan weli la gaarin.Waa maalintii
Allaah Nebi muuse (caleyhi salaam) iyo dadkii sii
Allaah ka badbaadiye ninkii Mujrimka ahaa Fircoon.
Walaal waxaan kugu talin lahaa inaad Diinta baratid, aakhri waa la is weydiin, waxa waqti nooga lumayo.

Waa inaad soontid friday 14 to 15 April 2000
insha Allaahu ama 15 and 16

hadaad rabtid misha Islaamka meeshaan booqo

http://www.assirat.org/Hcal/

Muharam 07,1421

APR 12,2000

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muslim

Unrecorded Date
Asalaamu Caleykum
Walaalayaasha qiimaha lehoow waxaan Ilaahey idinkaga baryayaa inuu idinku xifdiyo diintiina abaalna idinka siiyo kheyrka aad suubinaysaan. Runtii way sahlan tahay cid wax ku siisa laakiin waxaa adag cid wax ku sheegta oo jidka toosan ku tusta kuguna baraarujisa. Waxaan xusuustaa maalintii ay bisha bilaabaneysay hadana waxaaban la yaabay markaan arkay Yowmul Caa'shuuraa marka Ilaahey ha idinka abaal mariy xusuusinta wacan iyo baraarujinta.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

BA.

Unrecorded Date
the two sisters.

ilaahey ha idinka abaal mariyo dadaalkiinna. Qofkii sooma markuu arko waanadiinna iyo xusuusintiinna waxaad wax ku leedihiin ajarka iyo xasanaadka. qofkii kheyr tusiya dadka wuxuu leeyahay abaal marinta qofka sameeya kheyrkaas mid la mid ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.
Walaasheey Deeqa ilaaheey hakaa abaal mariyo, xasuusinta iyo sida aad waqtiga u xustayba. Runtii waxaan booqday bogan tobankii iyo bar habeenimo 8 April adigana waxaad qortay 7, soonkana waa beri iyo beri dambe, marka waxaan aad ugu farxay baraarujinta aad na baraarujisay islamarkaasna aad waqtiga noogu sii dartay. Mar kale ayaan ku leeyahay rabi darajo aad u weyn haku siiyo adiga iyo walaalaha kaleba sida Sumaya.

By Hussein.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Hussein

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

Qalad yar ayaan kor ku qoray oo ah meesha 8 April waa 8 Muxaram

Walaasheey Deeqa ilaaheey hakaa abaal mariyo, xasuusinta iyo sida aad waqtiga u xustayba. Runtii waxaan booqday bogan tobankii iyo bar habeenimo 8 muxaram adigana waxaad qortay 7, soonkana waa beri iyo beri dambe, marka waxaan aad ugu farxay baraarujinta aad na baraarujisay islamarkaasna aad waqtiga noogu sii dartay. Mar kale ayaan ku leeyahay rabi darajo aad u weyn haku siiyo adiga iyo walaalaha kaleba sida Sumaya.

By Hussein.

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE.

Unrecorded Date
TO .DEEQO.
Jazaakillaahu khayran baraarujintaadaa waqtigeedii aad baraarujisay.
waxaan jeclaan lahaa in aad raacisid mas alo meesha kujirta oo ah wuxuu kusoo aaday sabti iyo axad waxaana jirta xadis oranayaa LAATASUUMUU YAWMU SABTI ILLAA FIIMA UFTIRADA CALAYKUM.
laakiin waxaa lagu xambaaray soomka uu qofka raatibta u ah iwm ee kan ookale iyo yawmu caashuraa iwm waa lasoomikaraa.
wixii tacliiq ah waan soodhawaynayaa.

Ansari

Unrecorded Date
Salaamu caleykum!

Kheyr ayaan idin rajeynayaa. Deeqo jazakallaah!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

casha

Saturday, June 24, 2000 - 11:02 am
Asalamu calykum

walaaley waad ku mahadsaantahay siida nogo maxaadireysey ilahy waxaan kaga rajeynaya xeyr badan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

MANAXE

Friday, June 30, 2000 - 01:48 am
DEEQA I LOVE YOU SIS...

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.