site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

"Fundamentalist" muxuu yahay????

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): "Fundamentalist" muxuu yahay????
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Assalamu Caleykum!

Waxaa ayaan darro ah in ummada muslimka ahi badidood ku habsatay masiibo xun, masiibadaasi oo ah in ummaddii indho iyo dhego u noqdaan dad kufaar ah (gaalo).

Waxaa kaloo ayaan darro ah, in dad badani oo islaamka sheeganaya haddii adigoo muslim ahi aad tiraahdid tusaale ahaan "cirku waa buluug" ku dhahaya "maya!, saaxiib annigu waa ii casaan" !! balse haddii nin gaal ahi yiraahdo "cirku waa cagaar" dhahaya SAMCAN WADAACAN oo inta kuu yimaado kugula doodaya in cirku CAGAAR yahay oo khabiiro soo ogaadeen !! khabiiradee?

Yacnii, waanu is-liidnaa dhexdeena, gaalana waanu weeyneenaa ka heeybeysanaa!! Miyeesan yaab lahayn arrinkaasi?

Calaa ayi xaal, danta aan wato waxay tahay bal in aan yara iftiinsho arrin runtii mudnayd in aan ku faano, balse nasiib xumo dhacday in aannu ka cararno, iskuna caayno, waana "Fundamentalist"??.

OK,Waa maxay macnaha ereyga "fundamentalist"? Maxaase maanta loo yaqaan?

- "Fundamentalist" waa qof asal-raaca, raacayna micnaha saxda ah ee Islaamka (the original), waana qof ku adag DIINTA, ka shidaal qaata Kitaabka Alle (swt) & Sunnadii Rasuulka (scw), waa qof haysta caqiidada saxda ah, ee asalka ah laguna badbaadayo.
Tusaale ahaan: Saaxaabaddii oo dhan, taabiciyiintii, taabiyu-taabiciyiintii iyo dhamaan culimaddii hore oo dhan waxaa ahaayeen fundamentalist-ayaal (ridwaanullaahi Caleyhim).

Balse AYAANDARO waxaa ereygan aalaaba loo isticmaalaa si khalad ah kana duwan sida saxda ah, waxaa loo isticmaalaa sidan:

- Fundamentalist waa qof dambeeya, caadi ahayn (extremist), jaahila, gooni ubax ah, lana qabsan karin xadaaradda nolosha mujtamaca maanta.

Waana sidan sida dadka badankii maanta u yaqaaniin, waana wax inooga yimid WESTIGA. Markaa walaal ma inala gudboon tahay in aanu ku dayano sida xun gaaladu wax u tarjumeen? miyeeynaanu caqliga isticmaaleyn? Waxaad arki soomali badan oo ku dhihi "Anigu ma jecli fundamentaaliistayaasha?" Subxaanallaahi! Aakhiro xisaab darran ayaa TAAL.

Ilaah ha inaga dhigo kuwa XAQA qaata, baadhilkana ka taga.

Walaakiin Ansaari

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,,Ninyahoow,, Ilaahay Khayr ha ku siiya'ee, anigu sida aad wax u fasirtaa badi waan ka helaa oo ma garanayo, ma Ilaahay oo quraata aawadii baad dadka u waanisaa ninyahoow,,,,,Ooraahdaad tiraaho xitaa haddaan ka soo horjeedo anigu weyska key galeysaa,,,,,,ANSAARI,,,,,anigu xirsi xir iyo wax baan aaminsanahee ninyahoow ma garanayo weaxaad ii soo maleegtay,,,..


Anigu Fundamentalist saan u garanayay waa Asal raac,,,,,,,Asal raacna Xummaan maleh ,,Laakinse kan masabidanayeen asalraacana ahayn ee ummadna u surgoonayaa ugu daran.....


Diinta Muxamadiyeenu naqaan inta ku kharaabaneysaa badan ,,,,,


Tii Ciisana inta ku Qaraabaneysaa wax ku qaribeysaa badan ,,,,


Tii Muusee inya ku qaraabaneysee kuna leh anaa Xaasisiya ah ee iga leexdaa badanee ,,,,


tii Hinduus iyana badan,,,,,,,ee aanan soo koobiyahakareyn,,,,,,,


tii kalee iyana tiri Budha beynu nahoo dhiig na qubi meyno,,,,dal kalana tagi meyno ummad kalana ,,,,,,,,,


Ansaari, aniga iyo adiga waxaan ka dhammaan kari weynay ibnu Sina, Ibnu Rushdi,Ibnu Khalduun, Ibnu Kathiir, Cabdal qaadir al keylaani,, Sheikh moxamad al saalixi,,iyo Falaasifiyiintii quruun aanan dhaweyn ,,,,,,,


Isu soo dhawaanoo heedhahaya meel goobaabina isugu imano ,,,,,


Haddii kale ruux waloo kale tiisu waa koobaabin afar gees ah ,,, Teydu waa Goobaabin Goobaabin ah,,ama seddex gees seddex gees ah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaam..
Neefoow kaniini.

Saaxiib waan ku salaamay,
Salaan kadib waan ku wareeray
waxa meesha aad ku qortey, ee
ii jilci kistoo. The point?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

barkhad

Unrecorded Date
asalamu calaykum

Shaqo wanaagsan brother ansaari

hope most people understand it

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abdullahi

Unrecorded Date
Saxiib
fundamentalist waa sidaad u sheegtey,

(waxyaabaha) qaarkood waa is badalaan, oo sidey waqtigii nabiga (swc) ma ahin hada.
Diinta islaamka waxey leedahay waxyaabo badan oo aan la badali karin. iyo kuwo kale oo waqtiga la socdo oo illahey xor inoo siiyey in aan badalno.

Sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in dhibaatooyinka cusub ee jiro maanta aan anaga xalkooda keeno, ee ma ahin in aan fiirino sidey asxaabtii iyo nabigii (swc) ay ku xaliyeen.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandanefiya

Unrecorded Date
To: Al- akhi Ansaari!!!!!

Walaal keey waan kugu raacsanahay arintaa sida aad u waadixisay.
Laakiinse walaal waxaad tiri in aay u arkaan ereygaas(Fundamentalism)dadka aaminsan. In ay yihiin kuwo LIITO, DIB U DHAC AH, JAAHILIIN, MA SHAQEEYSTO IWM.

weey jiraan dad badan oo FUNDAMENTALISM ah oo waafaqsan ereyadaas aan ku soo xusay kor.

Ee aan baraarugno, ka dibna aan galno JAAMACADAHA,
si aan ILBAX u noqono.

Aan SHAQEEYSANO, si aan u noqono TUJAAR.

Laakiinse haddii aan ku sifoono maah maahdi soomaaliyeed oo ah "WADAAD WARKII WAXAA U DAMBEEYA WAX I SII", Markaas waxaan wadnaa ISLAAM
dib u dhac ah.........................

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
To Abdullahi,

Saaxiib!, adiga wax lagaala doodo malahan waayo wax aad diin ka taqaanid malahan. Waxaad u baahan tahay in aad Diinta barato. Meel walba aqoon la'aan ayaad inta iska dhex gasho dambiyo weyn ku dhacdaa. Allaaha ka baq! ee ka fiirso waxaad dhexgaleysid. Look before you leap!

Bal arag waxaad tahay ninka waxan qoray:

"....Sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in
dhibaatooyinka cusub ee jiro maanta aan anaga
xalkooda keeno, ee ma ahin in aan fiirino sidey
asxaabtii iyo nabigii (swc) ay ku xaliyeen."


SUBXAANALLAAH!!!!!..Nabigu (scw) siduu wax u xallin jiray maanta wax looguma xallin karo? laguma dayan karo? marka maxaad u taqaanaa SUNNADDA???

Ma ogtahay in qofkii dhahaa sidan oo kale uu DIINTA banaanka kayahay??
qoraalo hore oo aad qortayna waa la ogaa waxa aad ku qortay?


^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^^



To Skandenefiya,

Marka hore saxiib tartiibso fudeedka iska dhaaf, annigu halkan kagama hadlaynin DAD ee waxaan kaga hadlayey Qeexida micnaha ereyga "Fundamentalist" iyo sida maanta gaalada & Calmaaniyiintu u qaldeen ummada. Dib u aqri saaxiib!.

Qoraalkaada Waxaad ku tiri: "aan baraarugno, ka dibna aan galno JAAMACADAHA, si aan ILBAX u noqono." Yaa yiri jaamacadaha yaan lagelin? meesha aad ka hadashay eeg!. Adigu marka hore baraarug!! markaas ayuu dadka kale baraarugi.

Waxaad kaloo tiri: "Aan SHAQEEYSANO, si aan u noqono TUJAAR." ..yaa!! aduunyo (maal) ayaad ku hamiyeeysaa ...Aakhiro meeday?? xisaabta kuuguma jirto (sida qoraaladaada oo dhanba laga dhadhansado)

Allaah (swt) wuxuu yiri:"Uma aanan abuurin Jinni & Insi illaa in aay i caabudaan mooyee"

Gabagabo:Adiga iyo Abdullaahiba waxa aad wadaan waa dad-xiijis & Islaam naceyb. Dad qancayana matihiin. Waxaadna moodaa marka la aqriyo qoraaladiina in aad modeysaan in Islaamku laqabsan karin xadaarada maanta caalimka ka jirta ee uu dambeeyo.

Markaa annigu xiijin dooni maayo ee "piaece" Allaha XAQA idin tuso!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
TO:Ansari

saxib runtii adiga ku sifoobay waxad ku tilmantay walalka c/lahi mana u jeedi wax khalad ah oo u sheegay.

mashakiladka hada jira way ka duwan yihin %100 kuwii wagii nabiga jiray sidaa awgeed waxaa nalooga baahan yahan yahay inaan inaga xalkeenda raadino maxaa saaxabada nucler iyo atomicba waxba kamayan ogayan inkastoo diintu tahay marjica asliga hada waddoyinka xalkina inagaa ka og cidihii hore

Sidaa awgeed waa waajib keena in aan anaga casriga la socono islamka mutakhalif ma ahan sida aad ka dhigaysid maxay cumar ka ogyihin mashakilka kishmir iyo kan kosovo iyo kan israil mise waxad rabta kii musaylama xalkiisa oo kale.

hadii aad wadad tahay micnaheeda ma aha inaad tahay shaykhul kulli (fas'aluu ahla digri inkuntum laa taclamuun)so siyaasada waa qayb ka mid islamka lakin waxay u bahan tahay takhasus iyo faham ku dhisan waaqica,waxa tragerayaa al akh c/llahi iyo iskandaneefiya adigana waxan kuga talinayaa in aadan ku dagdagin xukunka dadka walaal intaasina waa waano iyo saxibtinimo

please ha isticmalin ereyada qallafsan ee duraya qofka damirkisa sida irhabiyinta aljeriya iyo masar ama meelo kale

byeeeee walaalkaa fahad

(wabillahi towfiiq)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Fahad

Saaxiib waqti waliba waqtigiis.
Waqtigii Nabigu noolaa waaqica jiray
wuxuu la mid ahaa kan maanta jira.

Tikniga & xeesha dagaalka haddii maanta
la sii cusbenaysiiyay ogoow in waagii
Saxaabaduba uu cusuboonaa oo aay haysteen
tigniiga & xeesha markaa jirtay tan ugu
casrisaneyd lana tartami jireen babac dhigi
jireen awoodii markaa jirtay tii ugu weeynayd.

Markaa la yaabi maayo haddii aay adiganu ku
cajab gelisay nuclear-ka maanta jira iwm.


Markaa su'aasha aan shaqsiyan kuu weeydiinayo waxaay tahay:
ma ku raacsan tahay marka C/lahi yiri:
"waxaa loo baahan yahay in dhibaatooyinka
cusub ee jiro maanta aan anaga xalkooda keeno,
ee ma ahin in aan fiirino sidey asxaabtii iyo
nabigii (swc) ay ku xaliyeen"


Markaad intaa iiga soo jawaabto ayaan kuu hayaa jawaab.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
Assalaama calykum.

Su'aal waxaan waydiinayaa nimanka leh waxbaa isbadalay sowmaogidin kitaabku iyo sunadu ay shaqaynayaan (valid)ilaa iyo inta aduunku jiri doona?. maxay tahay waxa labadalayo meesha ma qawaaniin dad sameeyeen baa taala mise waa KITAABUN LAAYA'TIIHILBAADILU MIN BAYNA YADAYHI WALAA MIN KHALFIHI TANZIILUN MIN XAKIIMIN XAMIID.!!!.

Arintakale oo loobaahanyahay in lafahmo waa in lakalasaaro diinta iyo aduunyada wixii diin kulug leh shirkeedu waa xiranyahay lagabilaabo maanlinkay soodagtay( ALYOWMA AKMALTU LAKUM DIINAKUM...).
Wixii aduunyo iyo arimaheeda kusabsan baabkeedu waa furanyahay ninwalbow wadaantaada darso arimaha saas halookalo saaro.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
Ansari

walal jawabtu waxay tahay nabiga c.s.w. waa qudwadeena (laqad kaan lakum fii rasuulilahi qudwatun xasanah) asxabtuna waa salafkena waana inaan uga dayano umurta dintena.

Nabigu wuxu yiri c.s.w. (antum aclamu bi ummuri dunyakum)marka c/lahi wuxuu ula jedaa waqtigan waqtigas 1420 sano ayaa u dhexeysa marka arrimaheen waa inaan xalkeeda raadinaa intii u noqon lahayn waqic ka duwan keen oo dhibato nooga iman lahayd,sida manta loo haysto islamka waligeed aduunyada ma soo marin xitaa qablal hijrah mu'aamarada loo maleegay islamka way ka wayn tahay tii waagii cumar iyo cusman iyo waliba maskaxda debertay way ka duwan tahay maskaxdii hore, any way c/lahi musan dhihin khald ee wuxuu yiri inagoo nabiga iyo islamka haysano aan maskaxdena ku fikirno waana ku raacsanahay haday saan u fahmay tahay
adigana walal xukun dadka haku dagdegin

(wabillahi tawfiq)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FAHAD

Unrecorded Date
Ansari

walal jawabtu waxay tahay nabiga c.s.w. waa qudwadeena (laqad kaan lakum fii rasuulilahi qudwatun xasanah) asxabtuna waa salafkena waana inaan uga dayano umurta dintena.

Nabigu wuxu yiri c.s.w. (antum aclamu bi ummuri dunyakum)marka c/lahi wuxuu ula jedaa waqtigan waqtigas 1420 sano ayaa u dhexeysa marka arrimaheen waa inaan xalkeeda raadinaa intii u noqon lahayn waqic ka duwan keen oo dhibato nooga iman lahayd,sida manta loo haysto islamka waligeed aduunyada ma soo marin xitaa qablal hijrah mu'aamarada loo maleegay islamka way ka wayn tahay tii waagii cumar iyo cusman iyo waliba maskaxda debertay way ka duwan tahay maskaxdii hore, any way c/lahi musan dhihin khald ee wuxuu yiri inagoo nabiga iyo islamka haysano aan maskaxdena ku fikirno waana ku raacsanahay haday saan u fahmay tahay
adigana walal xukun dadka haku dagdegin

(wabillahi tawfiq)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandanefiya

Unrecorded Date
To: Ansari
Walaal keeygiyoow waxa aad doonto igu dheh, waa af kugu yaal adiga. Ee waxaa aan la inkirin karin maanta, waxa ay tahay in RUUXA muslimka ama soomaaligu marka u maqlo kalimada WADAAD. Isla maarkaas waxaa ku soo dag dago.

1. Qof ma shaqeeyste
2. Jaahil
3. gacan AADANE ku nool
4. ku dhex jira masaajid 24 ka saac
5. Aan talada wax ku laheeyn iwm

Marka walaal waxaan ku oran lahaa, aan badalno FIKRIGAAS oo khaladka ku dhisan, maadama ay tusiyeen jiilki na soo gaar siiyay Islaamka casrigaan.

Aniga Islaamka aan ku dhaqmaayo ayaa wuxuu yahay,
Islaam kaamil ah oo aan jiis aheeyn.

1. xili wax ayaan baraneeynaa DIIN iyo MAADI (jaamacado)
2. Xilli caafimaad/jir keena dhiseena (sport)
3. Xilli waan shaqeeysaneeynaa
4. Xilli cibaado rabi ayaan galeeynaa
5. xilli xaasaska iyo caruurta ayaan siineeynaa
6. xilli dacwada ayaan siineeynaa

Sidaas in loo fakaro ayaan qabaa, ee aan loo fakarin, in masaajidka la fadhiyo 24 ka saac.

Sidii u cumar ibn Khataab u garaacay dhalinyaradii iska dhex fadhisay masaajida, xilligii barqada aheeyd. Markaas ayuu ku yiri "Ordaya oo shaqeeysta. Samada dahab iyo fida kama soo daataan"

Walaal islaamkaas ayaa ku dhaqmaa
WADAAD WARKII WAXAA U DAMBEEYAA WAX I SII
waan ka soo horjeedaa islaamnimadana weey dhinac MARTAY.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Fahad & Skandenifiya,

Waxaan halka uga jeeda isfaham la'i in aay jirto.

Waxaa fiican in mowduuca markaa yaal ee furan laga bixin, waxaadse moodaa in laga bixinayo. Wixii mowduuca khuseyn fadlan hayso oo inoo fura topic cusub oo ku haboon.

"Fundamentalistuhu" waa maxay? ayuu ku saabsanaa iyo in aanu is la fahano oo meel isla dhigno laakiin waxyaabo kale ayaa soo galay.

Waa inoo iyo Isniinta insha'Allah. Waqtiga oo ii saamaxayn darteed. Intaasna waa iga hordhac Fahad & skand. waa idiin soo jawaabi doona.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandanefiya

Unrecorded Date
To:Ansaari
Walaal mowduuca kama aan bixin ee adaa rabin in aan galno meelo xasaasi ah oo kamid ah, sida aad ku soo qortay muqadimadaadi hore........
"-Fundamentalist waa qof dambeeya, caadi ahayn (extremist), JAAHILA, gooni ubax ah, lana qabsan karin xadaarada noolasha mujtamaca maanta". Soo adiga ma tihid ninkii soo qoray??????????????????

Marka aniga waxaan ka jawaabay, qaar ka mid ah arimahaas aad kor ku xustay. SIDA.

Dad maanta baraaruga Islaamka wada waxa ay u badan yihiin dad aqoontooda saas u siifogeen. Taa waxaa ka daran, uma fir fircoona in uu wax barashada ku dadaalo. Wuxuu ku leeyahay "maŽahan fardu cayn" oo ah waajib. Marka waa jaahiliin.

CAADI AHAYN (extremist). taas weey jirtaa. Kuwo SEEF LA BOOD ayaa jiraa oo dadka laaya. Bal ka waran dadkii ku xasuuqay 63 QOFOOD, oo qorax u yimid wadanka MASAR. SuŽaasha meesha taalo ayaa waxeey tahay, "Maxaa ay ka galab sadeen????????"

GOONI U BAX: Inta aan meel dheer ka eegin arintaas. Bal aan fiirino dadka Islaamka fahamsan ee soomaalida.Kaligood ayaa wada socda, inta kalena waxaa ay u arkaan in ay khaldanyihiin.
Arintaas waxaa aan u arkaa in ay tahay, kala saarid diinta iyo mujtamaca.

walaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Fahad

Marka 1aad, haddii aad ku raacsan tahay hadalka Abdullahi yiri ee ahaa in saxaabadii iyo rasuulkii sideey wax u xallin jireen sabanka maanta ah waxba looguma xalin karo (isku waaqic maahan) haddee adigaa ayaa cirka roob ku og! Maalin aan maanta ahayn waa la is weeydiin. Annigu wax ma xukmo ee Raxmaanka ayaa wax xukma, balse qofkii qalad saxsanaya waan u sheegayaa ha qaato amase yuusan qaadaninbee.

Wax badan ayaa culimadu ka hadashay arrinkan kore xukmigiisana ma qarsoona. Miyuusan Alle (swt) quraankisa meelo badan ku sheegin in aanu raacno rasuulka, wuxuu nafaro fartoono wixii uu naga nahiyeyna dhaafno? Miyaanan la oran adeeca Allihii iyo Rasuulkiisa? Markaa ma fahmin ulajeedadaada (adi & Abdullahiba) aad leedahay 1420 kii si rasuulku u xaliyey ama nabaray in aan u deal garayno looma xalin karo???? Saxiib ma fahmin taasi?

Marka 2aad waxaad jira xagga diiniyan ahaan waxyaabo aanu xoriyad u leenahay oo la ina doradsiiyey iyo waxyaalo aad u badan oo la doonayo in aanu raacno hadalna aanu kasoo celin.

Ok, Xadiiska aad kor kusoo xigatay wuu jiraa oo Nabiga (scw) waa run waa uu yiri balse maxaay ku timid qisadan maxayse ku saabsaanayd weeye su'aashu?

Qisadan waxa aay ku timid in aay jirtay mar Rasuulku (scw) qolo reer Ansaar ahi ku yiri: "beerta sidaa u fala", markaas ayaa beertii (timirtii) halaawday markaasu Xabiibku (scw) asagoo ka cudar daaranaya kana xun arrinkaa yiri: "Antum Aclamun Bi Amuuri duunyaakum" (idinkaa igu dhaama arrimaha aduunkiina). Waa run xagga xirfadda adunyadda (beer falid, makaanik, fuundinimo, farsamoyaqaan) waa la isku dhaamaa, Rasuulkana waa Shaqsi markaas dhiibtey fikradiisa, ka dibna ka xumaaday xaalkii oo iska maslaseeyay.

Ogoow waxaa jira waxyaalo aanu xor u nahay iyo waxyaalo aanu xor u ahayan. Tusaale ahaan beertayda sidaan u falayo iyo waxaan ku beerayo aniga ayeey ijirtaa ee ma utagayo caalim iyo Shikkh toon si uu kitaabka iigu fiiryo. Sidoo kale haddaan doonayo in aan gato gaari cusub aniga ayeey ijirtaa haddii aan gadan lahaa Mercedez ama BMW ama Golf..markaa walaal Xabiibka taas ayuu ula jeeday in aan amuuraheena aduunka u madax banaanahay.

Haddii nala yiraahdo aduunka waad u madax banaantihiin waxyaalo badan waa la xalaaleeysan lahaa. Ma aanu madaxbannaani, kitaabka iyo sunnadda ayaa na wadaya kaas ayaana manhaj inoo ah wax kamaqana malahan qaab doorasho iyo Shuura iyo kala dambays nidaamsan Islaamka ayeey taal igu raac ama ha iguraacinee.

Mideeda kale waxaad ka mid tahay dhallinyarada pro-democracy ah (dimoqr. taageersan), ok., waxaan ku weeydiinayaa ma taqaanaa WEJIYADDA dimoqr.?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Skandenefiya,

Walaalkiis waxaan ka hadlay si guud, ummad walba oo meel ku nool wax walba waa laga helayaa. Dadka aad tiltilmaameysana haddii aay jiraan weli ma aysan fahmin micnaha Islaamka.

Arrinka dadka la xasuuqay ee aad ka dhawaajisay sifaha lagu laayey lama socda, balse waxaan ogahay in aay fitno & fusuq & wax kasto oo Islaamku xaarantimeeyey in aay dhulka islaamka in aay ku suubiyaan u socdeen. Ka waran haddii gaalo badan oo khaniisiina inta aay Masar tageen ilmo masaakiin kuwa "povera" ah inta lacag tuseen soo faraxumeeyeen ayagoo wadanka ku tagay "dalxiis" ahaan iyo in aay soo "qoraxaystaan" sidaad adiguba sheegtayba.

Wadankan aan joogo "Denmark" ayeey ka dhacday in cunug yar oo masaari ah oo jirran inta la soo "farsameeyey" si qarsoodi ah, haddana waalidkiis loogu sheekeeyey wiilkan Denmark ayaan idiinku soo daaweeynayaa, kadibna qol lagu haystay bilo. kiiskiisana maxkamadda weli ka socdo.?? Who do you blame that for? Waan ku raacsanahay cid kasta oo muslim ah oo ka dhiidhiya fusuqu gaalada carigooda la imaanayaan.

Phillepine, Thailand iyo wadamo kale oo Asianka ayaa horey waxaan loogu soo qaribay.

Calaa ayi-xaal walaalkiis aduunkan waa imtixaan, cid walbana wuu haystaa sidii aay isaga dabartaba. Su'aalo culculusna waa ay dambeeyaan ee ha la isjiro!.

Annigu xisbi kama tirsani, waxaana ii ehel ah ciddii raacsan Kitaabka Alle (swt)& Sunnada Rasuulka (scw). Culimmada soomalidana kala saari maayo, wixii wanaag & waano ahna waan ku taageeri teeda wanaagsan insha'Allah.

Wa Bilaahi Towfiiq

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.