site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Guditaanka gabdhaha soomaaliyeed waa qalad!!!!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Guditaanka gabdhaha soomaaliyeed waa qalad!!!!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
anigoo nin soomaaliyeed aad yaaan uga xumahay gabdha lagu dheelay...diintana loogu soo ganbaday.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FU'AAD

Unrecorded Date
BISMILLAAHI ARRAXMAAANI ARRAXIIMI

WALAAL

WARKAAGA DHAMAYSTIR MAXAAD KA WADAA "DIINTA LOOGU SOO GABADAY" ALLE KA BAQ OO ARIN AADAN AQOON DHAMAYSTIRAN U LAHAYNA (DHINACA DIINTA) CARABKAAGA IYO FARAHAAGABA KA DHOOWR. OGOWNA BOGA AAD SOO BOOQATAY IN LOOGU TALO GALAY GARAB ISTAAGA,DIFAACA IYO FIDINTA DIINTA, MAYA!! DURISTA DIINTA.

WALAALKAA FU'AAD

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Gabdhaha guditaanka haloogu dadaalo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ahmad

Unrecorded Date
asalama calaykum muslimiintooy,


annonymous,

guditaanka, gabdho iyo willalba...mid islaam ku salaysan ma`ahan. qur`aanka, buuga alle leeyahay waa buug dhamaystiring wax waliba oo loo baahan yahay -- kuma jiro hal mar oo dadka islaamka ah lagu bogaadinayo taladaas.

mida wilasha...waxaaba laga yaabaa inay dood leedahay.

halkee sheekadaan ka timid? dhinaca wilasha waxay ka timid -- yehuuda. waxay yiraahdaan ibraahiim baa willkiisii isxaaq guday markuu sideed maalmood jiray. tan, runtii, wax islaam ku salaysan ma`ahan.

qofka muslimka ah -- waxaa laga yaabaa inuu is waydiiyo; "hadii yehuudu samayn jirtay, allena uusan kitaabkiisa kaga noqon(al yacni...dhihin waa qalad) hadaba dabcan waa run" -- kama doodi karo taas. sababtoo ah qur`aanka baa wuxuu lee yahay -- qur`aanku wuxuu u soo degay, wax yaabo kalena aawadood, in kutuboolayda(yehuda iyo kirisitaamiyiinta) wax yaabo looga cadeeyo -- meelaha ay isku haystaan, iwm.

dhinaca gabdhaha -- waxay ka timid fircooniyiintii. fircoon, boqor masaari, baa gabadhiisa waxay dhashay cunug wacal ah. wuxuu, markaas laga bilaabo -- amray...in gabdhaha dhulkiisa oo dhan camalkaas lagu sameeyo. qaar badan oo gabdhihii ugu horeeyay ah...way dhiman jireen -- sababtoo ah dadku si fiican uma aqoon camalkaan. hase yeeshee, sidii waqtigu sii kordhayey, ummadii fircoon waxay barteen xeelado kala duwan...oo u ogolaatey in ay badbaadiyaan nolosha qaar gabdhahooda ka mid ah. si kastaba xaalku ha`ahaadee, camalku weli gabdhu badan buu laayey. carabtii way qabsadeen dhaqankii(fadlan ogow -- carabta iyo masaaridu...way is dheleen. ismaaciil, aabaha carabta, wuxuu qabay oo u ilmo dhashay naag masaari ah! Qadar, wiilka ismaaciil...oo qabiilada carabta badankoodu ay ka soo fircitamaana...wuxuu guursadey ina abtidii oo masaari ah!) sidaas buu dhaqanka ku hir-galay. markii carabtu noqdeen daalimiin(nabi muxammad ka hor) -- waxay barteen wax yaabo badan oo bini-aadamnimada ka baxsan...oo ka yimid fircooniyiinta(dadka raacay fircoon!)

gabo gabo, camalku wax islaam ku salaysan ma`ahan. hadii uu camal wanaagsan ahaan lahaa -- waaba la iska dhaafi lahaa. laakiin, camalkaan camal wanaagsan ma`ahan. milyano gabdho buu dilaa sanadka kasta caalamka. waxay ahaan lahayd talo wanaagsan hadii dadkeenu iska dhaafi lahaa camalkaan. anagaa teena u yaabsan oo todobo iyo xoogaa milyan ah -- gabdho naga dhinta ma hayno. soomaaliyey -- nin walbow taladaada adaa alle dusha kaa saarey.


wa salaama calaykum,

axmad.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum Intaa kadib Ammaa gudniinka
wiilasha Allahu aclam waxay diintu ka qabto balse
waan soo baari karaa balse inay mustaxab tahay aa
hubaa. Tan dumarka. Dumarka
in sida fircooniga loo gudo waa mamnuuc sharcan
ammaa in lasunneeyo yacni dhiig laga keeno waa
mustaxab oo waa su

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu Calaykum Liman tabaca Hudaa,

axmad;
Wow, Ahmad, rashid khalifa's boy is back on air!!

Iska waran?long time, I hope you doing well. Waxaanse rajaynayey in aad in uun isbdedeshay ama haba yaraatee aad arinta dhinacyo kala duwan ka eegtay.

Wiilasha hala gudo Qur'anka kuma taal markaa Islam ma aha miyaa? mise Wali sidiii baad Sunnadda Nabi Muhamed(scw) u diidan tahay? Yahuudaa samayn jirtay islaamka ka hor? anaguna wayno ku dayeynay? maxaa yeelay qur'anka si toos ah looguma sheegin?

Su'aashaas Jawaabteeddu waxaa weeyaan halka aad ka joogto Sunadda Nabi Muhamed(scw), Hadii aad tidhaahdid Diintaan Qaar ka qaadanayaa, qaarna ka tagayaa ama MASDARKA/SOURCE Islam oo ah Qur'anka iyo Sunnadda Nabi Muhamed(scw) ayaan kala qaadaya markaa waxaan u malaynayaa, wax walba oo aad go'aankaaga ku dul dhistaa in uu yahay Baadil iyo Inxiraaf aad diinta ku samaysay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

usaama75

Unrecorded Date
asalaamu caleykum salaan kadib waxaan axmed leeyahay [walaa taquuluu lima tasifi alsinatikumul kadib hadaa xalaalun wa hadaa xaraam litaftaruu calaalaahil kadib inaladiina yaftaruuna calaahil kadib laayuflixuun]intaa kadib maadigaa diidaya gudniinka wiilasha oo caqligaaga ku diidaya mise daliil ayaad u haysaa waxaad raadsataa xadiithkii shanta wax kakoobnaa ee saxiixa ahaa ee uu gudniinka kujiray waxaadna kaheli kartaa saxiixaynka alqitaamu baa kamid ahaa hadiise aad diidan tahay sunada nabiga c.s.w.oo ay dhabtahay sida uu walaalkey yaasir sheegay arinkaagu waa bariga dhexe oo qudlaan baad kusugantahay kan kale ee leh islaan ayaa gabdhaha loogu soo gabanayaa waxaan leeyahay waad xanuunsan tahaye isa soo daawee uma jawaabayo nin xanuunsan amaa gudniinka gabdhaha ma ahan waajib ee waa suno waxaana lakaraa inaan waxba laga taaban waana laga dhiijinkaraa laakiin kawiilasha waa waajib asalaamu caleykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abu-salma

Unrecorded Date
Asalamu caleykum waraxmah....

Ikhwaanii jawaabtii waxaa asiibay akhuunaa usaama insha allahu. Rasuulka qoolkiisana waa waxyi waana waajib in la qaato......walaalayaal waa iga nasteexo "axmed siduu hada ka hor sheegin waa uusoo noqday ee maxaad u fogeysaan?. haduu yahay nin wali fog aadaab dadka loo radiyo ayaa jirta ee hala raaco....
Ugu danbeyntii ilaahey hanago sugo diintiisa dhamaan......

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.