site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Ma banaantahay in loo dabaal-dego dhalashada Nebiga (S.C.W)???...Deeqo

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Ma banaantahay in loo dabaal-dego dhalashada Nebiga (S.C.W)???...Deeqo
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Asalaamu Alaykum

Waxaa mahad mudan Allaha nagu hanuunshay diinta Islaamka. Walaalayaal sida aad ogtihiin waxaa nagu soo socda bisha Rabiicul-Awal, oo ah bisha uu dhashay nebiga (S.C.W)(sida taariikhyahanadu badankoodu qabaan). Waxaa dad badan ay sameeyaan dabaaldegyo iyo xaflado ay ku xusaayaan Nebiga (S.C.W)oo lagu magacaabo MAWLIID. Hadaba waxaa is weydiin mudan Islaamku muxuu ka qabaa dabaaldegyada noocaas oo kale ah?? Goormeese ayay bilowdeen xafladaha noocaas oo kale ah?? Yaase bilaabay??. Waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa dhowr dersi oo aan uga hadlaayo mawduucan. Duruustu waxay u bixi doontaa sidan:

1) Goormuu ayuu Billowday u dabaaldega dhalashada Nebiga (S.C.W)?? Yaase bilaabay??
2) Ma banaantahay in loo dabaaldego dhalashada Nebiga (S.C.W)?? Sidee ayaase loogu dabaaldegaayaa??
3) Raddi ku saabsan Adillada ay soo daliishadaan dadka iyagu baneeya u dabaaldega Nebiga (S.C.W).

Inaan mawduucan ka hadlo waxaa igu dhaliyay in dad badan ay ka tageen ku dhaqanka sunnada Nebiga (S.C.W)iyo raacidiisa. Wakhtiga kaliya oo ay dadkaasi xasuustaan Nebiga (S.C.W) waa marka la gaaro dhalashadiisa waxay ku xusaana waa bidco iyo waxaan sunnadiisa ka mid ahayn.

Afeef: Waxaa laga yaabaa in dad badan ka hadlaan mawduucan iyagoo aqoon badan u laheyn diinta iyo taariikhda Islaamka. Walaal hadalkaaga ha noqdo mid ku saleysan daliil iyo cilmi. Kana fogow dood iyo muran aan faa'iido leheyn.

1) Goormuu ayuu Billowday u dabaaldega dhalashada Nebiga (S.C.W)?? Yaase bilaabay??

Culumo & taariikhyahano badan ayaa waxay cadeeyeen in dadkii ugu horeeyay ee u dabaal-degay dhalashada Nebiga (S.C.W) ay ahaayeen dawlada Banii Cubeyd oo ku caanbaxday FAATIMIYIINTA oo xukunka haystay inta u dhexeysay 297-578H, 909-1171M. Qofkii ugu horeeyay ee jideeyay u dabaaldega Nebiga (S.C.W) wuxuu ahaa Khaliifka la magac baxay Al-Mucuzi Li-Diinillaahi markay taarrikhdu ahayd 362H. Dabaaldegii ugu horeeyay wuxuu ka dhacay magaalada Qaahira oo xarun u ahayd Dawladaasi. Dawladaasi waxay jideysay 5 dabaaldeg oo kale U dabaaldega dhalashadii Cali Bin Abii Dhaalib, U dabaaldega dhalashadii Xasan & Xuseyn, U dabaaldega Faatima binti Nebi (S.C.W), U dabaaldega khaliifka markaa xukunka haya. waxaa sidaa sheegay Taqiyu-Diin Ahmed bin Cali oo ku magac dheer Al-Miqriizi kitaabkiisa "Al-mawaacid Wal-ictibaar Bidikri Al-khudadi Wal-aathaar" 1/432

Dawlada Faatimiyiinta waxay ahayd dawlad ka fog ku dhaqanka Islaamka iyo raacida Nebiga (S.C.W). Waxay ahayd dawlad Shiico Raafida ah, Taasna waxaad ka dareemi kartaa dabaaldegyada ay sameeyeen oo ay ku gooni yeeleen Aalu beytka oo kaliya. Culumo badan ayaa cadeeyay inay ahaayeen Baadiniyiin gaalo ah. Ibnu Taymiyah wuxuu leeyahay "Waa dad aad uga fog Rasuulka iyo Sunnadiisa oo ku taagan baadi waxaana dadka uga digaa diintooda iyo fikradahooda" Al-Istigaatha Fir-raddi Calal Bakri.

hadaba walaalayaal waxaa noo muuqanaysa in MAWLIIDKA aan la sameyn jirin intii ka horeysay Qarnigii Afaraad ee Hijriyada!!!.. Waxaa kaloo noo muuqaneysa in MAWLIIDKA ay bilaabeen Dawladii Faatimiyiinta oo ahaa dawlad Baadiniyah ah kana fog ku dhaqanka Islaamka ujeedadoodana ay ahayd inay Muslimiinta ku mashquuliyaan waxyaalo bidcooyin ah oo aan jirin!!

Hadaba waa maxay kheyrka uu Nebiga, Asxaabta iyo culumadii ka dambeysay ay arki waayeen oo ay arkeen Dawlada Faatimiyiinta!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

allaale

Unrecorded Date
jazaakillaahu khayran deeqo, waxaan rajaynayaa in aad noodhamystiri doonto mawduuca.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

postman.

Unrecorded Date
war ninkan axmed kaafir ah iska ilaaliya waa ninka qorey warkan. War ninkaan waa ey doofaar
ah oo baqtiga xalaaleysta ee iska ilaaliya yaannu idin galaafan. eega waxa uu qorey:

Ahmed GAAL is out in the OPEN now promoting GAYISM, somalis beware of this GAAL and
DISBELIEVER. and Here what he WROTE:

"yah, umar, there is a muslim gay world...open and happy and VERY righteous. those who are
locked in prejudice will never see that. i'm just very sorry that i ever believed anything
different -- but then again, i'm growing every day...and god watches my steps to goodly oft.
blessed are those who OPEN their hearts -- and CAST satan away; "Oh, Lord, i seek refuge in


you from the accursed satan." that is one freaking spell that our lord gave us against our
enemy -- it would be wise to use it more often! lol! ;)"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum Intaa kadib Jazaakillahu khayran yaa Deeqa. waxaan kaloo ku darayaa in faadimiyyiintu ay yahuuda marooko dagan in ay kasoo astaameen. falillaaahil xamdu wal minnah hadaanu halnay dad na xasuusiya bidcooyinka xumaantooda.
wassalaam

Abudujaana Form Denmark

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Asalaamu Alayku

2) Adillada Tusaysa in MAWLIIDKA uusan banaanayn

Addillo badan ayaa waxay tusaysaa in MAWLIIDKA uusan banaanayn waxaana ka mid ah:

A) In MAWLIIDKA uu yahay bidco (Bidco: waxaa loo yaqaanaa jid cusub oo la hindisay diinta dhexdeeda iyadoo looga dan leeyahay in Allaah loogu dhawaado (Ash-shaadibi kitaabkiisa Al-ictisaam).
Nebiga (S.C.W) aad ayuu uga digay waxyaalaha bidcooyinka ah oo diinta lagu soo daro. Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri "Ruuxii sameeya camal aysan diinteena jideynin waa lagu celinaayaa". Nebiga (S.C.W) xadiis kale wuxuu ku yiri "Shay walba oo diinta lagu soo daro waa bidco, bidco walibana waa baadi". Axaadiistaa waxaa u marqaati kacaaya aayada micnaheedu yahay "Maanta ayaan Diintiina idiin dhamaystiray, nimcadeydana kdushiina ku tamyeelay Diin ahaana Islaamka ayaan idinkiga raali noqday".

Hadaba walaalayaal hadii MAWLIIDKU wanaagsanyaahay Nebiga ayaa inoo jideen lahaa, Asxaabtiisa ayaa sameyn lahaa, Culumadii wanaagsanaa ee ka dambeysay (Abuu xaniifah, Maalik, Shaafici, Ahmed, Sufyaan etc.) ayaa daaha ka qaadi lahaa LAAKIIN waxay ogaayeen inaan Eebe lagu caabudin shay bidco ah!!!. Culumo badan oo ka hadlay MAWLIIDKA ayaa jirta waxaana ka mid ah:

1) Sheykhul-Islaam Ibnu Taymiyah wuxuu kitaabkiisa Iqtidaa'u As-siraadul Mustaqiim ku yiri " Salafku ma aysan sameyn iyagoo awood u lahaa inay sameeyaan wax u diidaayana aysan jirin. Hadii uu yahay (MAWLIIDKA) kheyr Salafka (Nabiga (S.C.W), Asxaabta, Taabiciinta IWM) ayaa noogaga haboonaan lahaa sameyntiisa waayo ayaga ayaa nooga jeceyl Nebiga (S.C.W) noogana wayneyn badnaa kheyrkana noogaga dadaali ogaa. Nebiga (S.C.W) jeceylkiisa iyo weneyntiisa waxay ku jirtaa raacidiisa, adeecidiisa, fulinta amarkiisa, nooleynta sunnadiisa kor(muuqaalka kore) iyo hoosba(Qalbiga), faafinta diintiisa iyo ku jihaadida jidkiisa iyadoo la isticmaalayo Gacanta, Carabka iyo Qalbiga. Taas ayaa ah jidka dadkii wanaagsanaa ee naga horeeyay ee Muhaajiriinta, Ansaarta iyo kuwa kaga dayday wanaaga )

2)Cumar bin Cali bin Saalim Al-lakhamiyyi Abuu xafsah Taaju diin Al-faakihaaniyyi wuxuu dhintay 732H wuxuu yiri " Ma jirto Aayad ama Xadiis baneynaaya MAWLIIDKA lagamana soo guurin culumadii wey-weyned oo ah kuwa loogaga daydo wanaaga oo si wanaagsan u heystay diinta. Bal waa BIDCO ay soo allifeen shaqo laawayaasha, waa naftu waxay jeceshahay oo ay ku qaraabtaan calooshood u shaqeystayaasha..." kitaabkiisa At-tabaruk 362)

La soco.. Inshaa Allaahu
Wasalaamu Alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam Calaukum,

Deeqa;

Fiqh Awla'wiyaat yaa ukhtii!!!

Walaashiis maxaa mowliidka qabashadiisa ku daba dhigay? ma wax kale oo aad umadda uga digto ayaad weyday? Logic hadii aan u fikirno, Mowliidku sanadkii marbuu dhacaa, Laakiin waxaa jira AAFOOYIN iyo DHIBAATOOYIN badan oo wadammadan Qarbiga aan ugu nimid oo u baahan taxliilin iyo baaris cilmiyeed si aan u wajahno, Maxaa Mowliidka calanka kuu saaray?? Ma masaa'isha khilaafaadka ayaad ka heshaa? mise Wax habayaraatee dhibaato kale oo aan mowliidka ahayn ayaan jirin?

Waxaa laga yaabaa in aad xaqiiqadda iska indho tirayso ama aad doonaysid in aad runta ka carartid, Dhibaatooyin ayaa jira u baahan UKHTII FILAAH in aad Wakhtigaaga iyo Juhdigaaga galisid si aan uga baxno, ukhtii filaah bi'ixtiraami shadiid fi ra'yiga, Laasim anaciisho fi wakhtinaa, wanuwaajih fi mushkilaatinal xaadiriya.....Laan uriiddu anuciishu,wa nuwajih fi mas'aaili ikhtilaafiya fil maadli!,, waxdatul umma; Waxdatul Umma; Waxdatul umma;;

Sideen Ugu Fikirnaa ISlAMKAN Soo Haajiray Mustaqbalkiisa? SIdeynu u waajihnaa dhibaatooyinka la soo gudboonaaday aqalilyad ama jaaliyadd muslimiinta ee Garbiga ku nool? Sidee bayno Islamkan ayno xambaarsanahay ugu gudbinaa dadka ayno la noolnahay???

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Asalaamu Alaykum

Ku Yaska:

Waad ku mahadsantahay naseexadaada, hasayeeshee, kuguma raacsani ra'yigaada. Yaska hadalkaaga waxaan ku darsan lahaa arimahan soo socda:

1)Mowliidku waa shay bidco ah oo diinta lagu soo kordhiyay, sidaan maqaalkaygii hore kusoo xusay, mudanna in laga hadlo oo ummada looga digo. Maaha shey khillaaf ku jiro sidaad sheegtay.

2)Mowliidka wuxuu ka mid yahay dhibaatooyinka iyo aafooyinka aad sheegtay oo ummada haysata. Marka la gaaro Mawliidka waxaa la sameeyaa waxyaalo badan oo diintu mamnuucday oo ay ka mid yihiin in la akhriyo kutub badan oo shirki ka buuxo (sida Mowliidka, Burdaha), in raga iyo dumarka is dhexgalaan, in xadgudub weyn lagu sameeyo Nebiga (S.C.W) oo darajadiisa la dhaafsiiyo Hadaba Yaskow miyaysan waajib ahayn in laga hadlo munkarkaas??!!

3)Fiqh Awla'wiyaat yaa ukhtii!!! Diinta Islaamka waxaa ugu weyn TAWXIIDKA. Marka laga hadlo dadka qubuuraha ku dawaafaya oo baryaaya dadka dhintay waxaad leedihiin maantoo dhan qubuuro iyo waxaan loo joogin ayaad ka hadlaysaan maad isticmaashaan Fiqh Awla'wiyaat!!! Manhajka Rasuulka iyo culumada waa in laga hadlaa dhibaatooyinka waaweyn ee ummadaa heysta oo ay ka mid yihiin Shirkiga iyo Bidcooyinka.


Wasalaamu Alaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE.

Unrecorded Date
YASKA.
Ass-alaama calykum.
Waxaa fiicnaan lahayd hadii aad haysid wax yaalo badan u baahan in inlagahadlo inaad soogud bisid adiguba ee aadan qofkii juhdigiisa bixiyay dhaliilo usoojeedin.

salaamun calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Unrecorded Date
Yaska.

Brother, Deeqo wey ku saxsan tahay. Mas'alo qilaafi ahna maahee waa bidcah shirki weheliyo oo kitaabada la aqriyo hadaadan hore u arag waxaa lagu baryaa nabiga caleyhi salaam oo istigaatha la weydiistaa. Waana arrin qofka tawxiidkiisa wax u dhimeysa "Waman yadcu macallahi ilaahan aakhara laa burhaana lah" "Adducaa huwal cibaadah" ayuuna rasuulka scw yiri inkasto marjica aan xusuusan.

Waxaana mawliidka billaabey sideedaba nin la yiraahdo "Muzafar ad-din ibnu zain ad-din" oo meel madax ka ahaa. Sheekadiisa waxaad ka heli kartaa kitaabka la yiraahdo "Al Qowlul Muctamad Fil Camalil Mawlid" ee uu qorey "Ahmed bin Muhammed Al misri".

Waxaa ninkaas ku caawiyey inuu hirgeliyo Mawliidka oo u qorey kitaab dhan nin la yiraahdo "Abdul Khattab Cumar binu Dihya" lacag abaal marinna uu kaga heley Muzaffar markuu aqriyey kitaabka oo ahaa boqorka irbil. Waxaad ka heli kartaa sheekada oo faahfaahsan "Ibn Kathir, al-Bidaya wa al-Nihaya, Vol.I3 pp.144-146". Kitaabkuu ninkaas qoreyna waxaa la oran jirey "Attanwiir fii mawlid alsiraajil muniir".

Ibnu xajar casqalani wuxuu ku yiri kitaabkiisa "Lisan al-Mizan, VoL 4 p.295"

"Wuxuu ahaa beenaale, been abuur badan, Culumaduu badanaa caayi jirey, Aragtidiisa xagga diintana masii fogeyn, Diintana waaba yasi jirey," arrinkaan waxaa laga wariyey Alaxafid diyaa"

Marka brother, masalo qilaafi maahee waa arrin muslimiinta laga rabo iney isaga fogaadaan sameynteeda si cibaadada ilaahey ugu qalis noqoto. Ninkii nabiga jecel caleyhi salaam sunnadiisa ha nooleeyo oo jidkii uu ku jihadey habeen iyo maalin haku jihaado si diintan uga sara marto diimaha kalee beenta ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam 'aekum;

Deeqo;

Ukhtii aad iyo aad baad u mahadsantahay, jawaabtaadana waan fahmay. kuma raacsani sida uu walaalkey Bashir Abdi qabo ee ah in ay masaladdu aanay ahayn khilaafi ee ay hal sawir leedahay.

Tan kale ee dadka xadka ka bixinaya wixii ilaahay xadeeyey, ama tadaruf la imanaya marka ay cibaadooyinka alle sameynayaan Aniguba waan kugu taageersanahay in aan diintu Tadaruf ogoleyn isla markaana ayna nusqaan ogoleyn.

Mida aan kaaga figrad duwanahayse waxay tahay, Qabuurahan la siyaaranayo iyo Xuskan Nabiga ee Foosha xun ee aad ka hadlaysid xagay ka dhacaan? ma Europe iyo North America ayaa qabuuro la xusaa?
Ukhtii filaah Adiga Goor maa kuugu danbaysay mar aad Qabuuro Muslimiinta tagtid?

Malaha West-ga qabuuro lama siyaartee Material/Dunida ayaa la siyaartaa. Ukhtii Waxaan jeclaa uun in aan kugu baraarujiyo in waxyaabihii la siyaaran jiray iyo wixii laga barakaysan jirayba ay isbedeleen maanta oo Bidcooyin iyo aratiyo mulxidnimo oo cusub ayaa soo baxay, markaa miyeynan habooneyn in aan kuwaa ku radino oo aan maskaxdeena iyo maankeenaba siino, sidii culimaddeenii horeba ay BIDCADDA WAKHTIGOODII jirtay u radiyeen?

ALLALE;
Waad ku mahadsan tahay soo jeedintaadda. Dhibaatooyinka jira ee doonayo in ayno xal u raadinana waxaa ka mid kuwa aan qoraalkeyga hore ku soo gudbiyey ee ah: SIDEE BAYNO ISLAMKAN AAN XAMBAARSANAHAY U GUDBINAA?-SIDEE BAYNO RESOURCE AAN HAYSANO U ISTICMAALNAA SI AAN U WAJAHNO MUSHKILAATKA WEST-IGA AAN KALA KULANAY?-SIDEE BAYNO ISBEDELKA WAKHTIGA ULA SOCONAA, SI AYNO U DHIGNO SHEY WALBA MEESHII LOOGU TALA GALAY,,,,,MARKA WAKHTIGIISA LA JOOGO.......Fiqh tawaasun wal awlawiyaat !!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

bashir abdi.

Unrecorded Date
Yaska.

Waad mahadsan tahay walaal. Brother, arrinkaan wajigeda kale iisoo ban dhig adigoo sharaf mudan inshallaah si aan isu bar bar dhigo haddaad awooddo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ALLAALE

Unrecorded Date
YASKA.
Arimaha aad sheegtay waa arimo loobaahanyahay in lataxliiliyo laakiin waykamadaxbanaan yihiin mawduuca deeqo saaxiib bog ufur oo halkaas halagu gorfeeyo.

kuguma raacsani sida aad u cabirtay mawduuca deeqo kahadashay iyo in uusan tathiir bulshada maanta kulahay.

DEEQO.

Way fiicnaan lahayd hadii aad mawduuca dhamaystirto!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Deeqo

Unrecorded Date
Asalaamu Calaykum

2)Qaladaadka waaweyn ee la sameeyo marka loo dabaal degaayo Mowliidka.

Bidcanimada Mowliidka waxaa kaloo wehliya qaladaad waaweyn oo dadka dabaaldegaya ay sameyaan. Dadku isku si uguma dabaaldegaan Mowliidka. Wadan walba ama bulsho walbo waxay leedahay qaab iyo hanaan ay ugu dabaaldegaan Mowliidka. Waxaynu wax ka taaban doonaa qaladaadka ugu waaweyn oo dadku badankoodu sameeyaan kolkay u dabaaldegaayaan dhalshada Nebiga (S.C.W):

A) Nebi ammaanada dadku badankloodu akhriyaan waxaa ku jira shirki iyo xad-gudub lagu xad-gudbaayo Nebiga (S.C.W). Nebiga (S.C.W) wuxuu yiri (Ha igu xad-gudbina siday Nasaaradu ugu xad-gudbeen Ciise (calayhi Salaam) oo kale. Waxaan ahay Addoon Eebe, waxaad tiraah: Adoonkii Eebe iyo Rasuulkiisa). Dadku qaarkood, markaay isagu yimaadaan xaflada Mowliidka, waxay ku tawasulaan, baryaan, gar-gaar weydiistaan Nebiga (S.C.W). Kutubta dadku akhriyaan oo ay kamidka yihii Mowliidka iyo Burdaha waxaa ka buuxa kelmado shirki ah sida:

Yaa Akramal khalqi maalii man aluudu bihi
Siwaaka cinda xuduusi xaadithil camami
oo macnaheedu yahay (Rasuulka Allow ma jiro ruux aan megen galaayo oo aan adiga aheyn markay dhibaatooyinka waaweyn yimaadaan!!!!)

waxaa kaloo ka mid ah:

Fa inna min juudiga dunyaa wa darratahaa
wa min culuumika cilmu lowxi wal qalami

oo macnaheedu yahay (Rasuulka Allow deeqdaada waxaa ka mid ah Aduunka iyo Aakhiro, cilmigaadana waxaa ka mid ah Cilmiga looxul maxfuudka ku qoran!!)

B)Bidcooyinka waaweyn oo ay dadku sameeyaan waxaa ka mid ah inay istaagaan marka lasoo gaaro ka sheekeynta dhalashadiisa iyo dhimashadiisa, iyagoo aaminsan in Rasuulkuba goob joog yahay (uu la fadhiyo xaflada dhexdeeda).

C)Waxaa is dhex gala raga iyo dumarka, waxaa la isticmaalaa meelaha qaarkood qalabka muusikada iyo heeso Nebi Ammaan ah. waxaa wada ciyaara oo kuwada luqeeya rag iyo dumar isku dhex jira oo aan kala xijaabneyn.

D)Waxaa ku sugan ku dayasho aan ku dayaneyno Nasaarta ayaga ayaa u dabaaldego dhalashado Nebi Ciise (Calayhi salaam). Nebigana (S.C.W) wuu noogua digay inaan ku dayano Ahlu Kitaabka.

Walaalayaal waxaa yaableh oo caqli xumo ah in aan dhahno waxaan u dabaal degeynaa dhalashada Nebiga (S.C.W) oo aan ugu dabaal-degno wixii uu diiday. Waxyaalaha aan soo sheegnay dhammaantood waa wixii uu Nebiga (S.C.W) ka digay oo uu diiday.

Waxaan leeyahay ma aha oo kaliya in Nebiga (S.C.W) loo dabaal-dego sanadkii hal maro, bal waa in loo dabaal-degaa maalin kasta iyo saacad kasta. Waxaa loogu dabaal-degaa muujinta sunnadiisa, raacida jidkiisa, qaadashada amarkiisa, ka fogaanshaha caasintiisa. Waxaa la yaab leh inaad aragto ruux ku dhahaya waxaa u dabaal-degaayaa dhalashada Nebiga (S.C.W) oo aan salaadayn, soomayn khilaafaya jidkiisa. jaceylka noocaas oo kale ah waa jaceyl dhalanteed ah. Hadii jacaylka daacad kaa yahay waad ku dayan lahayd oo raaci lahayd. Waxaa kugu dhaboobay gabayga ah:

Law kaana xubbaka saadiqan la adactahuu
Innal muxibba liman yuxibbu muddiicu

oo macnaheedu yahay (Hadii jacaylkaadu dhab yahay waad raaci lahaeyd waayo qofku qofka uu jecelyahay wuu u dhega nuglaadaa!!!)


Wasalaamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam 'aleukum;

Bashir Abdi

Raali iga ahow marka hore waan soo daahay, mashquul dartiis, marka kale ereyga bidco fahamkiisa iyo hadba sidaad u xadidid ayaa koobaya ula jeedadaydda in mas'aladdu tahay mas
alo ikhtilaafi ah.

Islaamku wuu reebay oo diiday BIDCADDA(waxa lagu daro diinta) sababaha soo socda daraadood:
1-
Diinta waa dhamaystiran tahay umana baahna dhamaystir xaga soo dajinta: "Al youma akmaltu lakum diinakum wa'atmamtum calykum nicmatii.."

2-
In aan loo ogolayn in dadku wax sharciyeeyaan oo kadib insaanka ku khasbaan wax aanu ilaahayn sharciyeynin" Walaa taquu limaa tasafa alsinatikum alkadiba Hadaa xalaal wa hadaa xaraamu litaftarow cala'Laah al kadiba.."

3-
In ummadda caqligeedda aan lagu mashquulinin wax aan khayr ugu jirin si wakhtigeedda aan looga dayicin oo wax qiimo aan ugu fadhin lagu shuqlin

4-
In aan sunnadda asliga ahayd aan lagu bedelin wax kale oo dadka naftooda u dhow ama aanay ku doorsanin wax ka fudud iyagoo hawadoodda iska raacaya

ARIMO U BAAHAN KAFIIRSASHO IYO FOOGIJNAAN

Dadka marka uu IIMAANKOODU dabco isla markaana DADDALKOODU yaraado amaba dhamaadaba waxaa la arkaa in ay seddex mid uun noqdaan
1- In ay dayacaan nusuus ama ay ka gaabiyaan amaradda alle amaba ay casyaan kale la yimaadaan
2-In ay tartiibtii iyo kala hormarintii takaalifka khalal kaga dhaco oo la arko in ay soo hormariyaan kii yaraa dibna u dhigaan kii weynaa ee mudnaa horumarinta, ama ay quursaddaan Arimaha kuwoodda waaweyn iyagoo ihtimaam siinayaa kuwa yar yar.
3-In ay iyagu waxyaabo cusub iska samaystaan, lana yimaadaan arimo farabadan oo asalaka iyo farciyadda diinta ku shuqul leh oo iyagu la yimaadeen.

Haddaba marka ladoonayo in dadka iimanku ka sii gudhayo in lala mucaamalo si loogu soo duwo loona xoojiyo IIMAANKOODDA mar labaad in tartiib iyo tawaasun lagula dhaqmo ee aan lagula mucaamaltamoonin sifo caam ah oo kale íyaddo oo la leeyahay" Kula Bidcatu Dalaala, Wakula Dalaalatu FINAAR.

Sideed u tadbiiqineysaa goodigan Alle ee leeyahay..."Waman yacsi lahaa warasuulahu fa ina lahu naar jahanama khaalidiina fiihaa abada" qof ku sinbiriixday amaba tartiibtii kala hormariyey amaba kala janjeera oo aan maqaasidda diintaba si fiican u arkayn maxaa arinkiisu noqonayaa? Waa ahlunaar miyaa!!!!

Mieyeysan lagama maarmaan ahayn hadaba in ayno kala hubsano oo aan kala saarno BIDCADAN aanu ka hadlayno? mise "Naqcaddu cinda xarafiyah"oo erayadda uun baan ag fariisanaa oo bidco waa bidco ma qaybsanto mana kala roona ...kab iyo xaarkeed waa la isla tuuraa baan ka dhignaa?
Kan danbi yar la yimid iyo kan danbi weyn layimid isla si ayeyno u wajahnaa miyaa?

Arinta ku saabsan imisa ayey u qaysan taa bidcaddu iyo sidee loola mucaamiloonayaa waxaan u arkaa in ay soo galayso mowduucyadda ama daairaadda khlaafka fiqiga, khilaaful fiqiguna sidaan ognahayba wuxuu yeelan karaa oo lagu xanbaari karaa aragtiyo kala dwuan oo isagu dhib maleh.

Waa socotaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaamu 'aleukum

Bashir Abdi.

Ma arinta ku saabsan XUSKA Nabi Mohamed(scw):-

Arintani waa weyneyn iyo ixtiraam(sidaan anigu u fahamsanahay) la ixtiraamayo Nabi Muxamed(scw), arintan waxaa laga yaabaa in sawir xun laga bixiyey wax aan shuqul iyo sheekotoona ku lahayna lagu lifaaqay. Taasna ay sababtay in kuwa doonaya in ay saxaana ay iyaguna kab iyo xaarkeed waa la isla tuuraa kaga dhigeen.

Ilaahay wuxuu amaanay adoomadiisii wanwanaagsann ee khalqigiisa, wuxuuna nagu baraarujiey akhlaaqdoodii iyo wadadooddii.
-"Wadkur fil kitaab IBRAAHIM inahu kaana sidiiqan nabiyah"(Maryam 41)
-"Wadkur fil kitaabi ISMAA'IL inahu kaana saadiqal wacdi wakaana rasuula nabiyah ** Wakaana yammuru bi'ahlihi bisalaati wasakaati".

Marka xuska(Tadkiradda)aad ka sheekaysid wanaagiisii, halgenkiisii, akhlaaqdiisii si aad jiilka cusub ugu gudbiso oo aad ugu dhaliso geesinammadiis iyo tusaalihiisii Ma.....Danbi baa?Xusidaasi ma ah shardi in ay wakhti mucayan ah noqoto ama goob mucayn ah noqoto, waayo tadkiraddu waa xusid, sheegis, soo gudbin loo soo gudbinayo arinkaas si aan ugu cibro qaadano oo aan waxuga barano. Xuska nabiga (around the clock through out the year) ma u arko in ay gaf tahay.

Ilaahay markii uu nuux ka hadlayey wuxuu yidhi:
-"Wataraknaa Calayhi fil AAKHARIIN** Salaamu calaa nuux fil caalamiin**Inaa kadaalika najsil muxsiniin**Inahu min cibaadinaal mu'miniin"

Xadiiskii Mash-huurka ahaa waa kii ahaa "Al maru maca man axibu" ....Markaa su'aasha haddaba isweydiinta lihi waxay tahay qofku ma soo bandhigi karaa jaceylkaa iyo xubigaa uu u hayo qof? Mise waa in aad godaha ka jeclaataa uun?

Waxaan u malaynayaa in Muujinta la soo muujiyo jaceylkaasna uusan dhib ku jirin oo taas waa laga dheregsan yahay.Al-faad ama Amaanid ma la amaani karaa? Jaceylkiisa miyuusan ku filnayn Saliga Nabiga oo lagu Saliyaayi? Kii Ilaahay qudro u siiyey oo Amaanaase Ma gafbuu sameeyey?

ARINTA XADGUDUBKA: ama inxiraafka ama ka badbadinta laga badbadiyo shey ha noqoto Xuska Nabiga ama Amaanta Eebe, IWM waa ARIN AAN DIINTU INKIRAYSO!!!!!, Suufiyadda qayb ka tirsan baa ku talax tagay amaanta EEBE ilaa wax aan loo dirsan ay gaarsiiyeen, Laakiin taasi macneheeddu ma aha Suufiyaddu waa bidco oo wey xun yihiin.

Xuska Nabiguna waa la mid, Mid kii xadgudba oo wax aan diinta khilaafaya la yimaadda waa lagu celiyaa oo la radinayaa. Ilaahay wxuu qeexay oo dajiey Border ama xuduud aan la ogoleyn in dhaafo, laakiin intii xuduudaa ka sokeysa ikhtiyaar ayuu ilaahay siiyey dadka. ma 10 quluwale ayaan akhristaa mise 1000 jeer ayaan Nabiga (scw) ku saliyaa? Ma qu'an baan akhristaa? mise salaadaan badsadaa?Sideen Ilaahay U BARYAA? Ma ducooyin gaar ah ayaa jira mise anigu xitaa nafteyta duco cusub intaan samaysto ayaan ilaahay ku baryaa?. XUSKA NABIGA MA CEYNTIISAA AYAA BIDCA AH?haday jawaabtu tahay HAA markaa waxaan hore kuuugu soo sheegay in ereyga "bidca" laftiisaba malaha wajiyo kala duwan loo fahmay.

Europe & North America Xuska Nabiga ma uga baahanahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salamu Caleykum!

Runtii waxaa jira meelo badan oo caalamul islaamka ah in si xun oo qatar ah Xuska Nabiga (scw) loogu dhaqmo.

Maxaad meel kale ka dooneysaa Soomaliya oo aan ka dhalanay fiiri waxaa jira meelo badan oo sida aay wax u xusayaan (la isku dhex qasan yahay) iyo qasiidooyinka aay qaadaanba aad ka yaabeysid.

Taasina sida aay Deeqoba sheegtay keeni kareysa Shirki WEYN.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.