site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

LABA GARE OOKU GEFEY SHEEKH ALBAANI raximahullaah

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): LABA GARE OOKU GEFEY SHEEKH ALBAANI raximahullaah
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuukhuseyma

Unrecorded Date
labagare oo kugafay sheekh albaani'''
M.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu khuseyma

Unrecorded Date
Culumada oo lagu gafaa ama la,aflagaadeeyaa waa dariiqa dadka lunsan waxa uuna keeni karaa gafkaasi ku xadgudub lagu xadgudbo diinta rasuulkuna(s.c.w)sida kucad axaadiis farabadan.
AL-imaam axmad ibnu xanbal waxa uuyiri( hadii aad aragtid qof waxkasheegaya xamaad ibnu salama tuhma islaamnimadiisa )sababta oo ah xamaad waxa uu ku adkaa dadka bidcada wata kafiiri hadalkaa qiimaha leh kitaabka layiraah(siyaralaclaam anubalaa 7/450)
Walaal balfiiri sida ay khatar utahay in culimada wax laga sheega ama aanlaqiimeyn culimaduna waxa ay dhaxleen cimigii anbiyada,Al-imaam shaafici waxa uu gabay ku yiri hadii uusan cilmi jiri laheyn ma,aysan farxeen rag lamana ogaadeen xalaal iyo xaraan.
Ibnu mubaarakna waxa uuyiri qofka caqliga leh waxa waajib ku ah in uusan yaraysan culimada qofkii kuxadgudbana waxaa lumeysa aakhiradiisa.
SABABTA UGU KALIFTEY QORAALKAN:
1-waxa aan akhriyey mudo dhowr bilood laga joogo qoraal lagu baahiyey internetka(elekteri jornaa) qoraalkaas oo lagu sifeenayo sh.albaani sifooyin aan asal laheyn.
2-qoraalkaasi waxa uu ahaa mid aan kusaleysneen cilmi ninka qoreyna ehel uma ahan in uu kabixiyo tarjumad culimada kadib markii aan baaray taariikhdiisa qoraagiisa
waxaa la yiraahdaa xirsi maxamed laba gare .
3: ma arag cid u jawaabtay ninkaas ku xad gudbay sheekha,
arimaha aan soo sheegay darteed ayaan u qoray qoraalkan ilaahayna ha i waafajiyo sawaabka.

hordhaca qoraalka:

DIFAACA CULIMADU WAA JIHAAD
===========================

imaam axmed binu xanbal ayaa lagu yiri waxaa nagu adag inaan niraahno hebel waa sidaas iyo sidaa imaam axmed waxa uu ugu jawaabay hadaad aamustaan anna aan aamuso goorma ayuu baranayaa jaahilka waxa khaldan iyo waxa saxan.
sheekhu islaam ibnu teymiyana wuxuu yiri: in la radiyo dadka khaldama waa jihaad,
yaxya bin yaxya waxa uu yiri sunada oo ladifaaco waykafadli badantahay jihaadka,walaal balfiiri difaaca sunada sida ay qiimaha uu uleeyahay iyo in la difaaco culimada fidineysa sunada iyo caqqdada saxiixa ah ,

INTA AADAN FALIN KA FIIRSO
*************************

qofka muslimka ahi waa inuu ka fiirsado wax walba uu sameynayo yuuna hilmaamin in lagula xisaabtamayo aduun iyo aakhiro haday noqoto qoraal iyo oraah u yidhaaba.
allena wuxuu yiri:
(WALLAA TAQFU MAALEYS LAKA BIHII CILMU)
oo macneheedu yahay: hana dhihin waxaadan cilmu u lahayn.
aayad kalena wuxuu alle ku yiri:
(MAA YALFIDU MIN QAWLIN ILLAA LADEYHI RAQIIBUN CATIID)
oo ah hadal laguma hadlo illaa waxaa qoraya raqiib iyo catiid.
aayadaahsi iyo kuwo kaleba waxay nagu baraarujinayaan inaan ka fiirsano hadaladeena intaanu oran.
imaam shaaficina wuxuu yiri:
ilaali carabkaaga qofyahow yuuna ku qaniinin waa abeesee imisa ayaa qabriyada ku jirta oo uu carabkoodu dilay lagana haybeysan jiray markay la joogeen aqraantooda.

kala soco maqaalada dambe laba gare iyo gefafkiisii iyo jawaabahooda.............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

skandaneefiya

Unrecorded Date
Walaal waxa aad qortay waan akhristay. Ilaa iyo HADDA ma´aadan soo guurinin wuxuu yiri ninkaa LABA GARE. BAL SOO GUURI WUXUU KU HADLAY......SI AAN U ARAGNO, WAXA AAD SHEEGEEYSID.

Iyo goortu soo qoray. Maxaa yeelay waan akhristaa SEJ,ilaa iyo hadda kuma aan arag wax hadal haayo Al-Calaama AL-BAANI

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,Nimanyahoow Nimankankade ee Carabta ahi kolmay barteen afka Soomaaliga Waatanoo meel walba aad uun ku arki mid Abuu Caamir la yidhaa iyo ku kalee isna Abuu Khuseyma la yidhaah iyo Horin kaloo iyana Abuu Qawalah iyo la wada yidhaah Abuu DarDarsha,,,Abuu Xajar ,,Abuu Khanjar iyo Abuu Khanaaziir,,,...


Afkii Soomaaliga ahaa dadku wada baray oo Carabtii baaba inaga badisa oo meel walbaa ku difaaceysa Odayadoodii iyo Awoowyaashoodii Qabaliga ahaa,,,,......


Abuu Khuseeymoow ma waxaad sheegeysaa Ninka la yidhaaho Xirsi LabaGadhle oo Reer Brunei ahi walee anigu waan Akhristaa oo Somali Electronic Journal se kumaanan arag isagoo Carabta reerahaaga ahi wax ka sheegahaya ,, oo isagaanba u heystay intaas inuu faafinhayo Thaqaafa Carabiya oo inta meel waliba la taagan Dimna wa Xikaayaatul qaraam ee Carabta ee Adigu halkeed iska aragteen oo ma biyo hoostoodaat iska aragteen ,, Oo Anigu koleey waxaan ogaa kolkii uu odaygaa Wadaadka ahi uu Xijaabtay inuu Tacsi u dirayay eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday intaba ,,,,,,Ma garanayo halka aad iska maagteen oo aad Xirsi Diintiisa iyo Sharaftiisa aad u faragelineysid,,,,,,,,,Yaab iyo Amankaag

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum Intaa kadib Laba garre wargayskiisu khaladaad waa leeyahay waana loo sheegi karaa 2garre. Abu khusaymoow bal natus waxay raggu ka yiraahdeen Al imaam Albaani Intaa kadibna ninka caytamayoow oroodoo jidka ku caytan waxaanse kugula talin lahaa inaad muslimiinta magacyada islaamka labaxaaya inaad ka dhowrsatid oo aad aadid kuwa Maykal iyo johntuubad labaxaaya (Meesha cay looma iman) Khayr iyo wanaag in la isdhaafsado mooyee) Wassalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

NeefoowKaniini

Unrecorded Date
,,,,,,,Waar Dadoow hadda maxaan idin lahaa,, Soow taneey ina hayaan iyagoo magacyadoodii wata,,,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous.

Unrecorded Date
nimankiinnaan meelaha ka qeyl qeyliya, maxaad waddankii gaar ahaan meelaha dadkiinna deggan yahay wax uga qaban weydeen?. waa idinka daba tagan ragga idinkaga tegey busta aad dhex galgalaneysaan?. Soomaaliya dadbaa dharaar shan saacoo maalmeed aadaan meel la fuuley ciqaabta ay mariyeen nimanka burcadda ee jabhadaha daraaddood oo dadkii u diidey iney is aroosaan hadaan la bixin halmayan iyo shan boqol oo soomaali ah, dadkii baa beerihii falan waayey, suuqii baa laga adeegan waayey, geel jirihii iyo kii lo'da lahaa xoolihii bey iibsan waayeen illeyn waa la dhacyaa suuqa dhexdiisa, walaalayaal sidaasaa dadkii aan qabiilka laheyn soomaaliya u dhibaateysan yihiin oo lafaha yar yar ka dhashey oo waxey u baahan yihiin gargaarkii dadka diinta u nasab sheegta. Dadbaa u kacay oo tuugadii hilfaha u laabey. Halkii aad uga mahadin laheydeen baad adinku ugu horreysaan dacaayaddooda iyo wax ka sheeggooda. Waxaan idin leeyahay nabsiga diinta ha idin qabto intaad qurunka ku dhex jirtaan iyo jirrada idin heysa.

Inaadan xishooneyn dhul gaaleed baad ku nooshihiin markaasaad dadkii waddankii islaamka ahaa ku harey ku sheegeysaan baadi o waliba laga yaabo waxaad ku heystaan iney tahay arrimo qilaaf ka imman karo. Waxaad timmaaddeen meel dad diin in la baro u baahan buuxaan oo halkii aad wax u faa'iideyn laheydeen ka billoowdeen yaa axmar ah yaa aswad ah .

Qilaafkii horaa xal loo waayey haddana waad saddexeyseen idinkana marka waxaa hadda i heysa inaan nin walba ka shakiyo oo sidii sidii kro u kaadiyey markii la wareystey yiri waan wareerey inaan anna wax xil leh sameeyo oo aan jamacada gooyo iyo islaamka. Waxaad nala daba taagan tihiin shaki iyo waswaas manto dhan illeyn dad hal xaddiis wada aqriyaaya haddana nin waliba kan kale leeyahay waa munaafaq iyo salfi mahan waa wareer. Xigmadii baa idinka maqan sidaad soomaali wadaaddadeeda u tihiin cudur iyo Baqtiyoo dhanna wuu Idin hayaa ee haddaad islaamka sheegatan. War nin walowba intaad mas'alada qilaafiga iska deyso walaalkaa maku raaci kartaa usuusha diinta?. Hadaad DIIDDAAN NIN WALOOW QABIILKAAGA WAX U SHEEG MARKA WARKA SIDAASUU KU DHAN YAHAY OO INTAD ADIGOO JIRRAN DIINTA KU GABBAN LAHEYD RUNTA CADDEYSO OO WAXAAD TIRAHDAA REER HEBELOOW KAALAAYA AAN WAX IDIN SHEEGEE.

Nabsiga diinta ha idin qabto, islaamka waad dhibteene ilaahey ha idinka qabto.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuukhuseyma

Unrecorded Date
MUXUU KU GAFEY LABAGARE ???
=========================
1-wuxuu yiri:sh.Albaani waxaa laguduraa inuusan sheekh laheyn wuxuuna ahaa saxafi qaladaad badan ku dhacay .
jawaab:sida dhabta ah sh.albaani ilaahay ha unaxariistee wuxuu cilmiga kaqaatey culimo kala duwan waxaana ka mid ah:
aabihiis nuux najaati oo ka mid ahaa culimadii ugu cilmiga badnaa madhabka xanafiga gaar ahaan wuxuu ahaa muftigii dalka albaaniya.
2: sheekh siciid alburhaani
3: sheekh albahjatul baydaar
4: sheekh maxamed raaqib adabaakh oo ahaa muxadiskii reer xalab ahaana ninkii siiyey sheekha ijaaso xadiisi ah, taas oo ah waxaynu inagu u naqaano shahaadada uuna u qiray inuu yahay nin cilmigaas ku xeel dheer,
akhristoow sheekh albaani culimadaas ayuu ka qaadatay cilmiga waana laga faaiideystey cilmiga sheekha mana inkiri karo illaa jaahil ama xaasid mooyee,
ninkii doonaya faahfaahin intaa dheer ha ka fiiriyo kitaabka la yiraahdo (xayaatul albaani iyo majatul asaalah cadadka 23aad iyo majalada alqurabaa ee ku soo baxda afka soomaaliga cadadkeeda 1aad)
2: wuxuu yiri Sheekh albaani wuxuu ahaa saxafi?
jawaab: waxaan leeyahay tanina waxay la mid tahay tii hore waxbana kama jiraan waayo saxafiga macneheedu waa ninka ka barta cilmiga kutubta keliya isagoo wax sheekha ka meersan, taasina waxaa inoogu filan inaan hore u soo cadeynay culimadii uu wax ka qaatay sheekh albaani raximahullaah.
3: wuxuu yiri sheekhu waxa uu leeyahay dariiq u gooni ah oo uu ku baaro cilmiga xadiiska oo la yiraahdo (manhaj taxliili tarkiibi).
JAWAAB: imaam ibnu xajar wuxuu yiri qofkii ka hadla fankiisa fan aan ahayn wuxuu la yimaadaa cajaa,ib,
walaal sheekh albaani cilmiga u ku baari jiray xadiiska waa cilmigii ay ku baari jireen raggii ka horeeyey, hase ahaatee ciladu waa aqoon darada ka haysa cilmigan walaakey labo gare,
4: wuxuu yiri muxadisiintu cilmiga fiqiqa dan weyn kama gallaan ee sanadka xadiiska ayay daneeyaan?
JAWAB:akhristow walaal imaamu maalik iyo shaafici iyo axmed iyo bukhaari iyo muslim iyo kuwo fara badan waxay ahaayeen muxadisiin fuqaha ah waxaana arinkaas inuu cadeynaya kutubtooda sida musnad imaamu shaafici oo ahaa kitaab xadiis ah iyo kitaabkiisa fiqiqa ah al um,
aimada aan hore usoo sheegnayna waxay leeyihiin kutub ka hadleysa labada dhinacba,
waxay u yiraahdeen culimadu hore nin walba oo muxadis ahi waa faqiih laakiin faqiih kasta maha muxadis.
waxayna amaan iyo sharaf u tahay muxadisiinta, nin gabyeyna hore wuxuu u yiri ,(ku dalbayey cilmigii nebiga (xadiis) idinka iyo dadka kale ma sinin .
5-wuxuu yiri:sh.Albaani fiqiga xariif kuma ahayn usuusha fiqigana kuma fiicneyn?
JAWAAB: sida dhabta ah waxaa lala yaaba in labagare inuuxukumo caalim kamida culimada islaamka ah inuusan aqoon fiqiga mase ogtahay inaan ku baranay magacaaga ku xadgudubka aad ku xad gudubtay sheekh albaani raximahullaah waxaase wax lala yaaba ah sida ay uga qarsoomeen kutubta fiqiga ee sheekha sida: ( irwaa ul qaliil, axkaamul janaais, sifatul salaati nebiyi, tamaamulmina, )iyo kuwo fara badan oo la soo koobi karin maktabad walbana kama marna kutubtaas .

Codsi: walaalayaal waxaan idinka rajeynayaa ragiinan meesha soo booqanaya gaar ahaan neefoowkiniini inaad ilaahay ka baqataan ilaalisidna aadaabta xiwaarka carabna meeshan ma joogto laakiin waxaa halkan lagu daafacayaa caalim ka mid ah culimada islaamka oo meel looga dhacay, difaacooduna waa jihaad.


waa socdaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu khuseyma

Unrecorded Date
to abuudujaana iyo scandaneefiya

walaalayaal taariikhda uu nashriyey mawduucan uu uga hadlayo albaani laba gare waxay ahayd 17-10-99.

wallaahu shahiidun callaa maa naquul.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FU'AADKHADAR

Unrecorded Date
ASSALAAMU CALAYKUM
ALXAMDU LILLAAHI
WASALALLAAHU CALAA MUXAMAD
INTAAS KADIB
Walaalkayga mawduuucan noo soo qoray ABUUKHUSAYMA waxaan ku leeyahay XAFIDAKALLAAH wax wanaagsan baad samaysay masalkaaga ALAAH hanoo BADIYO, waa saad sheegtay CULIMADA difaaceedu waa XAQ, ruuxii caadaysta waxka sheegoodana CIDHIBXUMO baa u danbaysa.
Cilmiga ALLAAH hakuu furo, qudhaadu ilaali adaanta NASEEXADA iyo RADINTABA.

Walaalkaa
fu'aadkhadar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

just passing

Unrecorded Date
NeefoowKaniini, lol....@ carabta soomaaliga baratay. Saaxiib ha la yaabin in argagixiso ayadu isku dhacayso. Soo arkimaysid in hebelkaa khusaam uu leeyahay waan ku jihaadaynaa ):)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuukhuseyma

Unrecorded Date
wuxuu la socdaa maqaalkii hore ee la soco........

6: wuxuu yiri buudi iyo albaani waxay isku radiyeen labo kitaab oo caan ah?
buudi waxa uu qoray kitaab la yiraahdo (ALLAA MADHABIYATU TU HADIDU ISLAAM)
albaanina wuxuu ku radiyey kitaab la yiraahdo (almadhabiyatu bidcatul mutacasiba)
JAWAAB:
walaal sheekh albaani ma qorin kitaabkan loo tiirinayo laakiin waxaa qoray ardaygiisa maxamed ciid cabaasi.
waxaase taa ka sii daran sida uu isu barbar dhgay labada kitaab oo uu u dhexeeyo faraq weyn,
waayo kitaabka buudi wuxuu daafacayaa fikrada khilaafsan kitaabka alle iyo sunaha rasuulka ee ah in lagu tacasubo lana taqliido madaahibta , halka kitaabka ciid ku boorinayo in laga dheeraado tacasubka iyo taqliidka madaahibta taas oo u keenay muslimiinta khilaaf aan dhamaaneyn laakiin wax laga qaato kitaabka alle iyo sunaha rasuulka iyo manhajkii salafka,
7: wuxuu yiri sheekh albaani waxay madhabtiisu ahayd xanbali?
JAWAAB:
cajiib ...... tani waxay la mid tahay walaaleheedii hor maray laba garena waxaan ka codsaneynaa inuu hubsado akhbaaraha uu soo naqlinayo,
sheekh albaanina manhajkiisu caan buu ahaa sida raggii ka horeyey wuxuuna aaminsanaa in dadka lagu celiyo looguna yeero manhaju salafuna saalix oo ah manhajkii rasuulka(n.n.k) iyo saxaabadiisa iyo a,imadii wanaagsaneyd sida imaamu maalik ,axmed ,shaafici ,abii xaniifa ,ibnu mubaarak ,awsaacii,iyo raggii la midka ahaa ,mar wax laga weydiiyey sheekh albaani madaahibta afarta ah wuxuu yiri aad baan uga xmahay in dadka midba madhab qaato oo ay kala qaybsamaan waxaana dadka ugu yeerayaa inay mid noqdaan waxaana leeyahay siduu yiri immaamu maalik raximahullah (umadini hagaagi meyso illaa waxay ku hagaageen kuwii hore)

GABAGABO YAAB LEH
wuxuu ku soo gebagebeeyey arimo dhowr ah

1: inuu ka xun yahay inuu mawduuca xaqiisa siin karin
2: inuu cilmigiisu yar yahay meeshuna ay ku yar tahay
3: in figrad gaaban uu ka bixiyey sheekha isagoo aaminsan inay figrad xun tahay.

JAWAAB KOOBAN

waxaa gabogabo yaable ah labagarow ma gef kale ayaa kuu harsan maxaase kugu kalifay adoo og mustawahaaga cilmiga mise hilmaamtay in lagu xisaabinayo,
maxaadse u qortay qoraalkan aan ku saleysneyn asal fiican sida daahirka ah fadeexadna ay ka buuxdo adigoo u adeegsanaya fidinta gefkaagan internetka si ay u gaarto aduunyada oo dhan waqti gaaban .
ugu dambeyn waxaan kugu cabsi gelinayaa allihii yiri:
( yaa ayuhu ladiina aamanuu itaqu laaha wal tandur nafsun maaqadamat liqad)
gunaanadkiina waxaan ku leeyahay u soo noqo xaqa waa fadiillee

wabilaahi atowfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

liibaan

Unrecorded Date
walaalayaal waxaaan aad ula yaabanahay dadka kuxadgudbaya caalimkii geeriyooday alle ha,unaxariistee waxaanse ku faraxsanahay in sheekhaas in cid difaacdo oosoomaali ah lahelayo sida uu udifaacay walaalkeen abuukhuseyma oo soomaali ah .
qaarkamid ah dadka waxey ufameen difaaca waa jihaad qalad
sababta oo ah qoraal iyo oraah lagu difaaco waajihaad dagaalkana qoraalka wuugalaa.
waxaanse codsanayaa in si cilmiyeysan in loola niqaasho cidii dooneyso mawduucaan ama daneyneysa sidagan haloo wada hadlo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUU-MUCAAD.A.M.

Unrecorded Date
بسم اللّه الرحمن الرّحيم
السللام عليكم ورحمة اللّه وبركاته
TO:walaalkay abuu-khusayma,

حفظك الله وبارك فيك
Walaal ALLAh ha kaa abaal mariyo difaaca ahlu cilmiga aad ku jirto, Waxaan kugula tali nayaa inaadan dhag udhigin kuwa NACNACLEH ee mawduucaga wado......ABUU-MUCAAD.A.M.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

yaabbane.

Unrecorded Date
Waxaan u maleeyey abuumucaad iyo abuukhuseyma iney hal yihiim markii laga reebo A.M dambe. Difaaca xaggiisa haddaan wax ka iraahdo, sheeqa ilaahey addoonkiisa miyuunan aheyn oo loogama goyn doono qofkii wax u geysta isagoon waliba is difaaci karin?. Mise waxaad ugu gabbaneysaan hawlihiinnii kalee nushaaharadda la idin kusiin jirey idinkoo islaamka u maleegaaya siriq idinka uun aad ku dhacdaan?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu khuseyma

Unrecorded Date
To:yaabane
Bismilaahi raxmaani raxiim wabacdu
Waxaa Alle mahadii ah in aan kuugu jawaabin qaabka aad uhadashey oo aad uga fog akhlaaqdii wanaagsaneyd ee uu na,amrey alle subxaanahu watacaalaa waxaana kuxusuusinayaa qowlkii Alle (yaa,ayuhaladiina,aamanuu ijtanibuu kathiiran mina dani ina bacda dani ithmun)srada Alxujuraad 12
micnaheedana kafiiri tafsiirka afsoomaaliga.
Walaalkeygi islaamka,ahow cidna haku xukumin wax,uusan aheyn waxaanse kugu waaninayaa in aad hubsato arinka aansoo bandhigey hadii aan ku qaldanahay itus qaladkeyga adigoo daliishanaya diinta Alle iyadaa nahogaamiso saadkaadana ha,ahaado taqwada Alle
hadaadse layaabantahay caalim ladifaaco waxaan kuleeyahay uguma horeyn inla difaaco caalim oo waxaa iga horeeyay culimo waaweyn oo aad jeceshay oo ay ku kalsoonyihiin muslimiinta oo dhan sida Al,imaam shaafici oo difaaci jirey culimada kale iyo culimakale oo aan soo koobikarin illaa hadana waala difaacaa culimada oo kaligey kuma ahi mawduucan aqoona uma lihi abuu macaad hadalkeygana waan cadeesanayaa oo cidna kuma aan xadgudbin labagarana waan unasiixeeyay sadaxjeer jawaabcadna kama aanhelin bal waxaan ukaadiyey dhawr bilood anigoo isleh qalakiisa ayuu kanoqonayaa maqaalkii gafka ahaana suuqaan ku arkaa marka miyaan xaq ulaheyn in aan aragtideyda gudbiyo anigoo iska dhawraya in aan cid kuxadgudbo.
waxaana diyaar u,ahey cidwalba oo igala niqaashto maqaalkeygan si cilmi ah illaa iyo hadana mahayo aad ayaan uga xumahey in dadka qaarkiis ay caaytamaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUU-MUCAAD.A.M.

Unrecorded Date
:::::::::::::: NASIIXO GAABAN ::::::::

Waxaan ugu naseexaynayaa walaalaha waxku qora halkan inay iska ilaaliyaan gafafka diiniga ah waayo waxan arkaa in lagu qorayo AAYADAHA QURAANKA Afsoomaali Waana khlad aan banaanayn in lasameeyo.
Hadaad ka fursan waydo tilmaam suurada iyo nambarka aayda aad rabto qofkii raba isa ayaa unoqonaya kitaabka oo ka eegaya................
ABUU-MUCAAD.A.M.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaabbane.

Unrecorded Date
Abuukhuseyma.

Waad asiibtey. Nin qaboow bad tahay. Waan ka noqdey dacayaddeyda. Malahana waan sheegey inaan mid idin maleeyey adiga iyo abuumucaad. Waan arkaa hadda inaadan isku mid aheyn. Difaaca sheeqa waa arrin hagaagsan laakiin dad baa waxey ka dhigteen gaashaan. Adna kuwii baan ku moodey.

Abuumucaad.

Su'aal baan qabaa. Qofkaan heysan computer qora afka carabiga ee xarfihii aan ku qorneyn afsoomaaliga oo carabiyeysan ma qaladbaa sida abuukhuseyma qorey. Aniga maba aqrin karo billowgaada matalan oo waa igu adag yahay haddaad cadab igu xukumi laheydna waxaaba halis inaan aammiin ku iraahdo oo aanan is difaaci karin ee maxaad u daliishatey xaaraannimada. Quraanka maku jirtaa (wamin aayaatihi waqtilaafu alsinatikum wa al waanikum). OO markaa quraanka acjammi haddaan nahay afsoomaali baa nalagu baraa lafdigiisa taasina ma xaaraanbaa?. Alif wax male, ba hooskale dii dugisiyada waa xaaraan iyana ka warran?. Daliilkii maadan sheegin waadna xaaraantinnimeysey arinta. Marka sideed wax u waddaa?.

*maa lakum laa tandhiquun*?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Assalamu calaykum Intaa kadib Ilaahay hakaa abaal mariyo Abuu khusaymoow waxa aad noo sheegtay. Waxaanse ku weydiin lahaa ninka laba garre la yiraahdo mala hadashay mase la xiriirtay oo qoraal ma udirtay aad khaladaadkiisa u caddeyneysid. Wassalaamu calaa manittabacal hudaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUU-KHUSEYMA

Unrecorded Date
To: abudujaana Asalaamu caleykum intaa kadib
Walaal waan unasiixeeyay waana udirey qaladaadkiisa dhowr mar ayaana laxiriiray oo aan udhibriyay lacala xaqa uu ku soo noqdo lakiin madhicin warqadihii aan kula xiriirijirey wey ii xafidanyihiin labo mar ayuuna ila soo xiriirey hadalkiisa oo koobana waxa uu ahaa anugu magaranayo qalad aan kagalay sheekha ee ixasuusi .
aad ayaana urajeyay in hadii aan udiro qaladyadiisa in uu kanoqonayo waxaan udagdegay in aan udiro qaladyadiisa iyo jawaabahoodii si uu uga noqdo uguna soo nashriyo wargeyskiisa in gafka dhacey walaalaha qaarkamid ahna ay kubaraarujiyeen arinkaas isagoo aan sheegin magaceyga sababta oo ah aniga muhiim iima ahan mana doonayo in aan muujiyo nasiixada aan ujeediyey walaalkey haduu aqbali lahaa in uu kanoqdo qaladkaa. AL-imaamshaafici raximahu laah waxa uuyiri hadii aan qof isku qabano arin oo uu kumuujiyo ALLE xaqa carabka qofka kale waan qaadan.sababta oo ah xaqa ayaa saad u ahaa sidoo kale aniga waxa igubay gafafkaas meel walbana lagaarsiiyey.

Walaakaa: ABUU-KHUSEYMA
=========================

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUU-KHUSEYMA

Unrecorded Date
TO:ABUU-Mucaad asalaamucaleykum
walaal xafidakalaah waan aqbaley nasiixadaada qaaliga ahaheyd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Yaska

Unrecorded Date
Salaam Calaykum;

Abuu-Mucaad;

Akhii Maxaaad ula jeedaa Gafka ah in aayadaha Qur'anka lagu qoro Afsoomaali?

In aad AAYAD qur'an ah af-soomaali lagu qoro miyaa gaf ah?Maxaase gaf ka dhigey? Akhii bal ii kala cadee waxoogaa meesha mugdi baa iga galeyey.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuucubayda

Unrecorded Date
ASSALAMA CALAYKUM

ABUU KHUSEYMA


walaal allah ha kaa abaal mariyo difaaca aad difaacday culimada islamka.

waanad noo faaiidaysaye alle cilmiga ha kuu badiyo

salaama calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

komaande

Unrecorded Date
War wadaadow waan degenahay ee hana rarin. 2Garraha aad sheegayso muxuu ahaa? SH.AL-BAANI inuu culimada ugu waawayn ku jiray muslimka shaki kagama jiree habar baa caysay iyo tanaa tan tiri maxaad noola soo aaday?....wax murti leh noo sheeg ama naga aamus ninyahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abumuscab

Monday, August 28, 2000 - 01:09 am
ABU-MUCAAD SAXIIB WAXAAD NOO SHEEGTAA SABABTA AY KHALAD KU TAHAY IN LAGU QORO SOMALI QURAANKA WAAN OGNAHY QURAANKU IN UU KU SOO DAGAY LUUQAD CARABI AH HASE AHAATEE HADII AAN KU QORO SOMALI OO QOFKII AKHRISTA UU CARABI AHAAN U AKHRINAYO SOW MAAHA ISKUMID BAL SHEEG QALADAADKA AAD KU TILMAAMTAY DALIILKOODA
WAXAAN KAA SUGAYAA JKAWAAB FAAH-FAAHSA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 11, 2000 - 06:40 am
Laba Gerre waxaan moodayay inuu yahay Wahhaabi ee maxaa isku diray Wahaabiyada? teeda kale Albaani waa nin geeriyooday ummadda dhibaatadii uu u geystayna waxaan leennahay Ilaah haka abaal mariyo kolley waxaan filaa ineysan u baahneyn ka hadal. Somalidana cudurka WAHAABINIMADA ah Allaha ka fogeeyo waayo, Albaani wuu tegay laakiin abuurkiisii ayaa yaalla asaga & Ibn C/Wahhaab.
Dr. Muxammad Saciid Ramadan Albuudhi waa caalim Suuriya u dhashay oo mithaalkiis Caalamka islamka uu maanta ku yar yahay, anigoo kula talinaayo dhallinyarada iney akhriyaan buugaagtiisa gaar ahaan kan uu kaga hadlaayo "alsalafiyatu marxalatun zamaniyatun mubaaraka laa mad-habun islaaamiyun" isagoo ku tusinaaya tanaaqudaadka sheekhooda Ibn Teymiyya si mowduuci ay oo cilmi ah. Ilaah ha innaga koriyo Wahhaabiyyah haddii ey noqon leheyd qeybaheeda kala duwan sida: saruuriyiinta, jaamiyiinta, mudaakhaliyiinta &..... tan nasir al camrii, safar al xawaali, khalid alcanbari, salmaan cowdah, muqbil al waadicii, c/Raxmaan cabdul khaaliq, maxammed saruur zeynil caabidiin, amaan aljaamii, raatib al xaddaad, al cutbii, wa gheyruh ....sida aad ka aragtaanna Ilaah ayaa tafaraaruq ku riday waayo xaq kumeysan socon ee iney umadda kala raacdeeyaan ayey u socdaan (walaa yaxiiqu makrul sayyi'i illaa bi ahlih) teeda kale waxaan ugu yeeraa dhallinta soomaliyeed mar labaad iney ka digtoonaadaan wahaabiya, waayo wahaabiya waa cudur dilaa ah, dhallin yara badan ayaanna aragnay oo Ilaah ka badbaadyiyay inkastoo markii hore ey afka ugu dhaceen waayo, markii dibadda ey soo aadeen ayagoon badeeco fiican wadan ayey afka u dhigteen.
F.G: haddii aad u baahan tahay tafaasiil ku saabsan ii soo sheeg wahhaabiyada & ujeedadooda, & sida loo aasaasay, & dhibaatada ey umadda gaarsiiyeen, adoo soo qoraaya emailkaaga, gaar ahaan haddii aad heli kartid midaan junk mail aheyn adigoo ii soo sheegaaya inta buug eed akhrisay (qiyaas ahaantii [shan boqol fiqh, 200 xadiith, 50 tafsiir, 20 towxiid, 30 siira, tusaala ahaan) & magacyadooda haddii ey macquul tahay & 10ka buug ee aad ugu jeclaatay amaad ugu jeceshay,
waad mahadsan tihiin,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnujamaacah

Monday, September 11, 2000 - 09:00 am
BISMILLAAHI.
ASSALLAAMU CALAYKUM.
TO:NINKA LA BAXAY IBN-XAZM!!!!!!
Walaal soo ma ogid magaca aad wadataa inuu
yahay magac muslimiintu sharaf ku taqaan
walaal in culimada la caayo ma xal baad u aragtaa
maxaadse hadda noosheegtay oo aan ahayn
culimadaas ka fogaada oo caalimkaas raaca!!!
walaal waa garanayaa qofkii la socda culimada
muslimiinta kuwii hore iyo kuwa maanta nool iyo kuwii kusoo dhawaaba ninkasta meesha uu
joogo, waa layaqaan BUUDHI waana layaqaan
ALBAANI IYO WAADICI,waxaan kaloo ku xusuusin lahaa
Xadiithkii nebiga{s.c.w)uu yiri [ha caayina dadkii
dhintay maxaa yeelay way gaareen waxay hormarsadeen]soomaalida badanaa caysa oo aflagaadaynaysa sheykhul islaam ibn-taymiyah waxay qabsadaan hadalkii uu qoray sheekhii la oran jiray ibn-xajar al-haytami[MAAHAN CASQALAANI]laakiin su,aashu waxay tahay camalka ay sameeyaan soomaalida maanta caynaysaa ibn-taymiyah ee ay leeyihiin isagaa diiday ma akhrin miyaa kitaabka uu qoray HAYTAMI EE [ZAWAAJIR CAN IQTIRAAFIL KABAAIR]labadaas sheekh iyagu ha isqabtaan laakiin wax walba iskumay khilaafsanayn
waxaan rajaynayaa IBN-XAZM ninka la baxayow
inaadan ka didsanayn allaha u naxariistee sheekhii dhawaan dhintay 97kii ee la oran jiray cabdifitaax ubu qudah waxaad akhrisaa kitaabkiisa uu ugu magacdaray[culumaa ulcuzaab aladiina aatharul cilma cala zawaaj] wuxuu ku soo aruuriyay 36sheekh iyo 1haween ah waxaad akhrisaa tartumada sheyhul islam iyo wuxuu ku soo gabagabeeyay wuxuu yirigunaanadkii[hoog wuxuu usugnaaday ninkii arki waaya sheekhaas fadligiisa xumaan ka buuxda qalbigiisa daraadeed].haddii aadan garanayn abii qudana waydii culimadaada waa ardaydii SHEEKHUL ZAAHID ALKOWTHARI.sidaas daraadeed ADIGA IYO LABAGARRE
waxaa xasuusin iga ah dhawr kalimo ugu horayn
dhagaysta hadalka imamu axmed [laysa fidunyaa mubtadicun illaa wahuwa yubqidhu alal xadiith]
(ma jiro aduunka qof ahlu bidco ah illaa waa necebyahay culimada xadiithka nebiga{s.c.w}taqaan
wuxuu kaloo ku yiri nin caayay ahlul xadiithka
kani waa zindiiq(diintay ugaleen inay dumiyaan}
wuxuu kaloo leeyahay qutaybah binusaciid {hadaad
aragtaan ninka isagoo jecel ahlal xadiithka wuxuu
ku taagan yahay qofkaasi sunadii qofkii khilaafa
sidanna{waa ahlul xadiithka oo la jeclaadee}ogow
waa ahlul bidace}.
waxaad ka fiirisaa hadaladan iyo kuwo kale oo ka
fara badanba[kitaabka jaamicbayaanulcilmi wafadhlihi libn-cabdilbari, sharfu asxaabul xadiith lilkhadhiibulbaqdaadi iyo xidhah lisadiiq
xasan khaan.
waxaadna noqotaan YAABBANE oo kale gartayna gefkiisa ilaahay haka abaal mariyee,waxaane oranlahaa NEEFOOWKINIINI hadda ka hor waxaan kugu
arkay xiwaarkale oo aad ku jirtay waxaa kuu nasteexeeyay walaal ka mida walaalaha waxaad ogaataa neefnimada aad labaxday si fiican inay
kuu asiibtay.
wixii gef ah alle hanaga cafiyo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 11, 2000 - 12:05 pm
Ibn Jamaacah: walaal waad mahadsan tahay sida deggan eed u soo hadashay taasoo na tuseysa inaadan aheyn dhallinta la marin habaabiyay inkastoo weli aanan kugu raacsaneyn ibn teymiyyah & albaani ayaa toosan. teeda kale magaca aad la baxday oo ah ibn Jamaacah inuu yahay magaca xaafidkii shaficiga ahaa ee xukmiyay inuu ibn teymiyya kufriyay? kolley waxaan garan karaa inaad tahay nin diinta jecel isla markaana u baahan macluumaad badan. teeda kale ma aqriday waxa uu ka qoray abu ghuddah wahaabiyada? mase ogtahay waxa uu ka qoray albaani abu ghuddah? kolley ma filaayo inaan haayno waqti aan luminno saa daraadeed akhil kareem waan akhriyay al zawaajir can iqtiraaf al kabaair, ee adigu ma akhrisay mubiidul niqam wa muciidul nicam lil xaafid al subkii? & fataawaa al xadiithiyyah libn xajar al heytami al makkii? sidoo kale ma u aqrisay suldhaan al culamaa: alcizz ibn c/Salaam & Rixlat ibn badhuudha? al xaasil, wax dhow ama fudud maaha ee yaa akhii iska jir yaan lagu sirin waxaa loo baahan yahay dadka in loo sheego runta haddey doonto ha qaraaraatee. kana raalli ahaaw haddii aan wax dhib ah ama faham la'aan ah kugu riday waayo umaan qasdin laakiin waan ka faksan waayay inaan laba eray halkaaan ka iraahdo.
waxaan xalay joogay masaajid lagu tukanaayo oo sheekh ahlusunnah wal jamaacaa ah (xagga furuucda shaafici ah, usuushana ashcari ah, tasawufkana juneydi) ayaa waxaa soo galay nin bidca ah oo wahaabiyada baladka ku jira ka mida isagoo salaad gooni ah tukaday oo ka dhaliyay lamo jamaaco iney hal masaajid ku tukato isku waqti. marka anigu maahi nin muhaddithiinta neceb ee albaani inkastoo uu dhintay bidaaca sidaasa muu wadan teeda kale sheekh inuusan leheyn waa la isku raacay (inkastoo ayan na khuseyn) waxaana jirta in taariikh dheer laga haayo ka soo billaaw berigii afartameyadii ee uu joogi jiray makatabada daahiriyya ee uu googooyn jiray kutubka aan waafaqsaneyn ictiqaadkiisa wahaabiga marka yaa akhii waa arrin aan soo qori doono haddii Ilaah cumriga ii daaayo waayo, marqaati ayaa la helay goob joog ahaa, waadna garan kartaa in xashawiyada nuuc kastoo ey yihiin ey yihiin dad amaana cilmiya xitaa aaanan qaamuuskoodu ku jirin waxaana daliil u ah kitaabka la yiraahdo ibn abiijamra oo xadiith (mukhtasar al bukhaari ah) sharaxiisa shinwaani sacuudi intaad tagtid ka soo iibso ama maktabadaha mujassamada meel kastoo ey caalamka uga taal iyagoo badanaa ka gooya cibaaratul maawaradi calal basmala (illaa & dhowr xaashi)sida aad ogtahayna waxey caan ku yihiin wureyqaat maahee maaha dad qori kara kutub cilmi ah taasna waxaa u daliila qiimaha ku qoran kutub ku sheegooda oo ah: r.s $1 (riyal sacuudi $1) ama $2 maximum. albaani waxaa uu sameeyay kutub rag qorteen ayuuu inta u tegay ayuu yiri kan waa daciif kanna waa saxiix kanna waa madow kanna waa caddaan (huraa) haddaa rabtid inaad wax ka ogaatid arrintiisa waxaad u akhrisaa xassan alsaqqaaf oo ah caalim yaqaanna albaani.
waad mahadsan tahay sabarka aad ku aqriday dhammaan inta aan degdegta ku qoray.
wassalam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 11, 2000 - 12:11 pm
saxid: cibaaratul maawardi calal basmala.
maawardi waa aqadal qudaati qaadii abil xasan al maawardi oo iska leh kitaabka xaawiga la yiraahdo, & adab aldunyaa wal deen, & al axkaam al sultaaniyyah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibn Casaakir

Monday, September 11, 2000 - 09:40 pm
To Ibn Xazm
Salaanta Islaamka ka dib, walaal waxaan aad ula yaabay aqoonta Ilaahay subxaanahu watacaalaa uu ku siiyay iyo jawaabtaada usluubta ku dheehan ee ah tii lagu yaqaanay culimada.Dad yar ayaa yaqaana amaba fahmi kara waxa aad ka hadlaysid iyo kutubta aad soo xiganaysid. Wahaabiyada aad la hadlaysid iyo kuwa aad ka digaysid midkoodna ma yaqaano culimada Islaamka ee ay ka mid yihiin Ciz bin Jamaaca, Taajud-diin As-subki, Ibn xajar Al-Haytami iyo kutubta Imaam Maawardi. Maxaa yeelay waxaa qalbigooda gashay bidcadii Najdi waxaana diin looga dhigay kutubaha xashawiyada ahlu-tajsiimka ah sida nuuniyada Ibn Qayim iyo foolxumo jiidka ina C/Wahaab iyo wiilka uu awoowaha u yahay ay qoreen. Waxaana ku taalla in aan saxaabada badankeedu aqoon xaqa Ilaahay ku leeyahay adoomadiisa ee ah in ayen u shariig yeelin iyo in nabi Ciise qabri ku jiro iwm. Walaal Ilaahay hakaa abaal mariyo diinka xaqa ah ee aad sheegaysid ee dadka u faaiidee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Tuesday, September 12, 2000 - 01:17 am
Ibn casaakir, magacaagu waxa uu i xasuusiyay kitaab beri aan yaraa soo marsaday oo la yiraahdo: "tanbiih kadib al muftarii calal imaam abil xasan al ashcari" oo ah kitaab ku tusinaaya xashawiyada fool xumadooda waayo kitaabkii abul xasan al ashcari ahaa ee al ibaanah can usuul al diyaanah ayey kharribeen oo ey ka dhigeen nooc kale oo waafaqsan hawadooda. waxaad kaloo jira kutub kaloo badan oo ey dhilqiyeen iyagoo muhiimad aanan tasxii, tadciif, tacliiq, "taxqiiq", taxriif, tajseem .... aanan aheyn laheyn haddii intaas la waayana ey qoraan kitaabo 10 xaashi illaaa & 20 ah oo yar yar sida kuwa loogu tala galay manaasikta xajka oo kale (adiga wax jeebkaagu qaado) oo aanan wax hilib ah uusan ku aallin haddi laga reebo aayadaha & axaaadiithta aan meelaan maxalkoodi aheyn loo soo daliishanaayo. (kuwii gaalada ku soo degay ayaa muslimiinta ahlu qiblada ah loo adeegsanayaa) al xaasil, yaa akhii kuwaan waqti yeysan kaa qaadin, waayo waqtigaagu waa ra'sul maalkaagii ee yeysan kugu dhaafin macno darro & muran waayo, wahaabiyadu waa dad aaminsan iney iyaga uun saxan yihiin wixii ka soo herana ey khaldan yihiin.
wassalam,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

qurbawi.

Tuesday, September 12, 2000 - 02:08 am
ibnu-xazm.


<(kuwii gaalada ku soo degay ayaa muslimiinta ahlu qiblada ah loo adeegsanayaa)

Saaxiib, intaanaan aad ula yaabey. Kawarran sifada gaalada nasaarada ee barya nebi ciise caleyhisalaam haddii qof muslim ah ku sifoobo?. Aayadihii ma qabsanayaan mise qabsan maayan?.

Maxaa daliil qur'aani ah ama xaddiis oo aad u heysaa kitaabka quraanka inuusan aheyn mid loo adeegsado reebitaanka falka munkarka ah cidii doonto haku kacdee?.

Mise kitaabka muslimmiintana in gaara yey ku leeyihiin, gaaladana in gaar ah yey ku leyihiin?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Tuesday, September 12, 2000 - 08:06 am
qurbaawi, waad mahadsan tahay sida deggan eed u qortay risaaladaada waayo wahaabiyada waxaa caadadeeda ka mida iney dadka diinta ka saaraan sida ugu dhaqsiyaha badan. markaa aad ayaan mar labaad kuugu mahad celinaa. ammaa su'aashaada aheyd yaa akhii qur'aanka waxaan u maleynaa haddii fiqgiga wax yar kaaga billaaban yihiin inaad la socotid in gaalada labo ukala baxdo oo kala ah: mid ahlu dimma ah & mid ahlu xarbi ah, marka mid kastana axkaam u gooni ah ayuu leeyahay inkastoo ey gaalo isla yihiin taa macnaheedu waxey noqonee in ruuxa muslimka inuu ka duwan yahay axkaam ahaan, haddii ey dhacdaba inuu muslim yahay waxaana uu ruuxa muslimkaa noqon karaa mid toosan ama mid marna sheeydhaanku ka adkaado marna iska celiyo. sidoo kale mulimka diinta ka baxay nasaari ama yahuudi noqon maayo ee wuxuu noqonaa murtad dhiiggiisu xalaal yahay haddii uusan ka soo noqon marka yaa akhii axkaamta yahuudda & tan nasaarada & murtadiinta & tan munaafiqiinta intaba wey kala duwan yihiin marka waxaan kugu dhiirri gelinaa yaa akhii inaad aqrisid axkaamta waayo xalaasha & xaaraamta ayaa kuu kala baxeyso teeda kale wahaabiyadu reera axkaam maaha oo iyagu madhabba ma oggola marka waxaad akhrisaa dhibta ey u geysteen umadda kitaabka uu qoray Dr. Buudhi ee ka hadlaayo allaamad-habiyya.... & Sheekh Abuu Zuhra oo ahaa caalim azhar wax ka dhigi jiray afartameeyadii cilmigiisana la isku raacay inuu yahay naafic waxa uu ka qoray wahhaabiyada & bidcadooda. mahadsanid dulqaadka aad i muujisay waayo, xaqqa cidna loogama heybeysto ee sida uu yahay ayaa loo sheegaa.
wassalam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnujamaacah

Wednesday, September 13, 2000 - 01:51 am
IBN-XAZM
Walaal waxaad tiri ma necbi ahlul-xadiithka
Waa sida laga rajaynayo qofkasta oo muslim ah
ee miyuusan ahayn IBN-TEYMIYAH (ACLAMUNAASI BISUNAH FII ZAMAANIHI)bal waxaad akhrisaa
tarjamada uu ka qoray imaamu DAHABI ASHAAFICI
IBN-TEYMIYAH markuu soo guurinayay hadaladii
ragii weeraray iyo ragii difaacay wuxuu yiri
ninka mida ragaas(xadiith kasta oo uusan aqoonin
ibn-teymiyah xadiith maaha) wuxuu ka wadaa waa
xadiith aan saxiix ahayn[walow aysan arintaasu
sax ahayn]laakiin waxay ishaaro u tahay ninkaas
caalimkaa cilmigiisii iyo fadligiisii.
waxaad kasoo qaadaa tusaale ahaan hadii uu saxsanaa IBN-TEYMIYAH oo aad lasoo taagan tahay
sheekh hebel baa gaalaysiiyay maxaad la hor tagaysaa allaah agtiisa,haddiise uu qaldanaa miyaa adiga laguu qabsanayaa maxaad u oranwaysay
wuu gafsanaa ama gaal buu ahaa MIYAADAN ALLAAH
KA BAQAYNIN OO AADAN OGAYN IN XISAABI NAGA DAMBAYSO.
midda labaad waxba igama aadan oran hadalkii
abii qudah aan ka ahayn albaani ayuu waxka qoray
iyo albaani ayaa wax kaqoray maaha taan kaala
hadlay taasu waxaan kaala hadlay hadalka ku aadan
SHEYKHUL ISLAAM IBN-TEYMIYAH ee uu yiri kitaabkiisa culumaa ulcuzaab markuu kasoo sheekeeyay sheekha ayuu ku soo gunaanaday(WEYLUN LIMAN CAMIYA CAN HAADAA LIBAALIQI XASADIHI WAXTIRAAQI KABADIHI)waadna garanaysaa kitaabka ciwaankiisa oo ah(CULIMADII KA DOORATAY CILMIGA
INAY GUURSADAAN)culimadii uu ku qaray waxaa ka mid ahaa IMAMU NAWAWI,IMAMU DHABARI IYO CULIMO KALE.
intaas ka dib walaal waxaa kaa dhadhamaysa inaadan maqlaynin xitaa culimadaada naseexadooda waayo haddii laguu sheego aqwaashoodii waxaad leedahay waa lagu falaaday kitaabka oo amaana cilmiya ayaa maqan haddii aadan isdiidsiinayn
culimadaas aad soo sheegtay dhamaantood ugu yaraan adiga waa kaa cilmi badan yihiin waxaadse uquurtay waxaad naftaada aadan raali uga noqoteen oo ah inysan amaana cilmiya lahayn!!!!!!.
WELI HADAL BAA II LAABAN

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibn casaakir

Wednesday, September 13, 2000 - 04:13 am
To qurbawi'
saaxiib su'aashaada ah haddii qof muslim ah ku sifoobo sifada gaalada aayaduhu ma qabanayaan mise qabanmayaan? waxaan ka oran lahaa:aayaduhu way qabanayaan qofka muslimka sheeganaya haddii uu la yimaado qawl ama ficil gaalnimo keenaya, isla markaasna uusan ahayn mid jaahilnimo loogu cudurdaaro. Tusaale ahaan waxaa ka mid ah gaalnimada caddaanka ah ee qaar muslim sheeganayaa ay la yimaadan Ilaahay {s.w} oo wax aan munaasab ahayn lagu sifeeyo sida uu yiri qaadi Abu-Yaclaa al-mujasim "Waxaan u sugayaa Ilaahay xibin kasta oo dadku leeyahay marka laga reebo garka iyo cawrada" Hadalada mujasimada ee diinta looga boxo waxaa ka mid ah Ilaahay carshiga ayuu ku fadhiyaa jiiq-jiiq ayuu markaa yidhaa culays awgii, habeenkii ayuu soo degtaa isaga oo socda, Nabi Adam [cs]ayuu Ilaah u egyahay, hadduu Ilaahay doono kaneeco dusheed ayuu ku fadhiisan kadhaa iyo kufriyaat badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin. hadaladaas intooda badan waxaad ka helaysaa kitaabka la yidhaa al-naqd ee uu leeyahay Cuthmaan bin Saciid al-daarimi ee mujasimka ahaa. Bilawga kitaabka waxay ku qoreen kuwii daabacay Ibn Taymiya aad ayuu u jeclaa kitaabkan wuuna ka dardaarmi jiray, <nasalullaaha salaamah> Waxaa diin kabaxa ka mid ah tawxiidka oo laga dhigo saddex tawxiid sida kan nasaarada <trinity> oo la yidhaahdo Ilaah iyo Rabbi midba gaar ha loo rumeeyo sidii inay labo kala yihiin. Ilaahay s.w wuxuu yidhi <Allaahu Rabbukum..>eeg Al-saafaat(126).Waa hal tawxiid iyo hal Ilaah oo aan khalqiga lagu shabihi karin.Intaa wixii ka badan waxaa iskaleh nasaarada iyo wahaabiyada mujasimada ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Wednesday, September 13, 2000 - 10:59 am
ibn casaakir, baarakallahu fiika wa kathara min amthaalika waa sida aad xaqqa u asiibtay, waayo nimankaan xashawiyadaa warna ma galo kamana baxo, waxaadna ka garan kartaa ninka la baxay inb-jamaacah isagoo ka dheehanaayo xaafidkii cizz ibn jamaacah ee raggii xukunka dhiibay ku saabsan ibn teymiyyah ka mid ahaa. waxaadba mooddaa inuusan waxba la socon teeda kale ma og yahay mise waa iska indho tirayaa nasiixadii xaafid al dhahabi uu u qoray ibn teymiyyah? waa wax lala yaabo in dhallinta somalida si fudud loo afduubay oo looga buuuxiyay caqiidadii axmad ibn cabdul xaleem al xarraani. waxaase hubaal ah in zabadku dhammaan doono oo wixii dadka anfacaayo ey soo heri doonaan. berigii hore waxaa ey dhihi jireen shaaha waa xaaraan, qaxwaha waa xaaraan, ochialaha waa xaaraan, microphoneka waa xaaraan, nalka cassaanka & cagaarka waa xaaraan waayo, marka hore nabigu ma ogeen marka labaadna traffic lightka waxaa ka dambeeyay gaaalo, marka in la adeeco ma banaana waadna la socotaan in hadda ey ka soo yara debceen waayo hadayaan (ama calwasaad ayuu aad ugu dhawaa) iyaguna wey is garteen ineyan soconeyn diin cusub ee ey tahay diinu tii nabigeenni suubanaa inkastoo ayan weli qiran. waxaa kaloo la yaab leh fatwooyinka fardigaa ee qaabka daran oo mar walba ey soo saaraan taasoo ey ka mid tahay naagu gaari ma kaxeyn karto ee waa in darawal gaal ama islaam dibadda ama gudaha looga keenaa!!!!! && taswiirta shamsigaa waa xaaraan laakiin tan videoga waa xalaal 150% maa aqbaxa qaalatahum.
waxaan kaloo kuu sheegaa in markii hore ibn teymiyyah culimadu xusnu danni ey kula dhaqmeen oo tazkiyada aad sheegeyso ee culimadu siisay ey aheyd intii uusan balaayadaan faraha badan ee maanta gaal & islaam ku wareeray uusan keenin. waxyaabihii ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa qabriga nabiga looma aadi karo ziyaaro laakiin masaajidka haa, daliil & madluul aanan is laheeyn caadi ayey u leeeyihiin maahee ceebtooda maaha lakin waxaa ku habbonaan laheyd inta ayan kuxugunka ridin iney manziladiisa gartaan.
markii aan firaaqo heli waan idinka haqab tiri doonaa inshaAllah, waxaanna halkaan ka sii caddeynaa in ibn xajar al heytamii uu si fiican uga hadlay ibn teymiyah ee qofkii raba ha raadsado waayo, inta maaha in wax kasta laga sheego waayo, dadku isku mustawa maaha. waxyaabihii ugu yaabka badnaana waxaa ka mida ahaa naag aaanan kaa furmeynin si doonto ood u furtid waayo waad xanaaqsaneyd (bal Ilaahaan idinku dhaarshee ma iyadoo la qoslaayaa la is furaa mise waa .... idinku dhameys tira [dhabcan waa jiraa xadiith dhahaayo laa dhalaaqa fii ighlaaqin laakin iyagu waxba uma kala soocna ee waa somalia ha noolaato sheekadoodu]) anigoo weliba ka hadleyn ijmcaaca uu ibn teymiyyah (caamalahullahi bicadlihi) ijmaaca uu qaririyay ee uu yiri naagtu ma kaa furmeyso dhalaaqa bidcada ah.
alxaasil, ruuxii raba wax dheeraad ah ii soodir emailkaaga anigaa markaan waqti hela kaa dherjiyi doonee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abuu Khaliifah

Wednesday, September 13, 2000 - 06:55 pm
Abuukhusayma wuxuu ku mahadsanyahay sida wanaagsan ee uu u difaacay Wahaabiyada (Albaani), wuxuuna raacay wadadii lagu yiqiinay wahaabiyada oo ah inaysan aqoonin meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan. Taasna waxaan ula jeedaa laba walxaatood. Tan koowaad, Wahaabiyadu waxay muslimiinta ku soo kordhiyeen in ay yiraahdaan cidna yaan la raacin gaar ahaana madaahibta iyo culumadooda, (iyadoo taasi khilaafsantahay amarkii Ilaahay cazza wajalla), caawa oo idilna Mr. Abuukhusayma wuxuu daliishanayay culumadaas. Miyuusan ogayn in Wahaabiyada sheekheedu oo dhamaantood gaalnimo ku xukumay markuu yiri 600 sano aniga ka hor dadku gaalo ayay ahaayeen? Abuukhusaymow miyey noo qaadantaa (haddii aan nahay akhristayaasha Somalinet) inaad Albaani oo wahabiya ama salafi ah ku difaacdo war culumo mar hore la gaalaysiiyey ay yiraahdeen? (sida aad ogtahayna ama inta wax akhrisaa ogthay waxaa gaalaysiiyey ninkii Wahaabiyada keenay) oo aad caawa dhan nugu mashquuliso Shaafici,Xambali, wuxuu yuri? Walaalow waxay joogtay in kitaabka iyo sunada la raaco ee ma joogin in la soo daliishado dad warkood sida wahaabinimadu qabto.Yes waa kaa dhegaysanaynaa ibnu Teymiya, Albaani, bin baz wuxuu yiri, maxaa yeelay wahaabiyadu wax waa isu sheegi karaane. Tan labaad,waxad tiri "culumada oo lagu gafaa ama la aflagaadeeyaa waa dariiqa dadka lunsan" Waxaan walaalow ku waydiinayaa adigoo Ilaahaygii ku abuuray ka cabsanaya culumadaasi ma kowa wahaabiyada oo kelya ahaa mise waa ku jiraan culumada Islaamku? Haddi ay yihiin kuwa wahaabiyada oo keliya war dambe ma jiro.Hadiise ay ku jiraan culumada Islaamku, waxaan ku waydiinayaa maxay tahay wahaabiyanimadu? waxaan filaayaa inaad garatay- wahaabiyanimadu waa in Rasuulka (csw)la yaso oo la yiraahdo wuxuu ahaa bostaale, Asxaabta oo la yiraa badankood ma'aqoon micnaha towxiidka (xaqu laahi calal cibaadi waxaqul cibaadi calalaahi) iyo culumada oo la caayo, sida iyadoo la yiraa ma raacin kitaabka iyo sunada. iwm.(haddii aad u baahantahay references ku saabsan arrimahan ila soo xiriir), tanina waa qodobka labaad oo lugu yaqaan wahaabiyada. Waxaad moodaa in Abuukhusayma uu difaacayo wahaabiyo aan weli soo bixin maxaa yeelay waa la yaqaanaa wahaabiyada maanta joogta iyo waxay yiraahdeen, laakiin waxaa ayaan darro ah in wahaabiyadu aysan aqoonin wahaabiyanimadooda, iskana daa inay fahmaan wax intaa kasii wayn. Runtuna waxay tahay markuu qofku magaciisa garto ayuu ajiibaa markii loogu yeero. Waad mahadsantihiin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ismahaan

Thursday, September 14, 2000 - 03:55 am
Aslaamu Alaykum

Waa maxay Abuu khaliifahaan maskaxda yar. Waxaad ku hadlayso waa waxay ku hadli jireen habraha ee maaha nin weyn wuxuu lasoo shirtago. Waxaan u maleynaayay in waxyaalahan oo kale laga qaangaarey. Culumada aad difaaceyso iyo kuwa aad wax ka sheegeysaba iyaga ayaa isaga kaa dhow oo is jecel. Bal akhri kutubta albaan, ibnu baaz ibnu taymiyah dhamaantood waxay soo daliishadaan Qur'aanka Sunnada iyo hadllada culumada sida Shaafici Ahmed Maalik Xanafi. Waxaad u muuqataa nin maskaxda wax looga soo shubay indhaha kala fur oo wax akhri oo hadalka habraha kala tag meesha

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu khaliifah

Thursday, September 14, 2000 - 04:13 pm
To Ismahaan, waxay ila tahay inaad u maahsantahay sida magacaaga ka muuqata. Mana iskaa gelinayo waqti sidaa u badan sababtoo ah markii aan maroodi ka hadlay ayaad u fahmtay inaan ka hadlay dawaco. Taasina wax la yaableh ma'aha ee wax lagu yaqaan wahaabiyada iyo wixii ay gaarsiyaan inay ismaahiyaan. Waxaana arintaa kor uga hadlay ibnu xazm iyo ibnu casaakir. Ma haysaa wax intaa dhaafsiisan oo aan ka marqaati kaca maahsanaantaada?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Thursday, September 14, 2000 - 04:55 pm
Ibnu xazm
Ibnu casaakir
ibnu khaliifah

Waxaad ku duceysataan "rabbanaa laa tajcal fii quluubinaa gillan lilladiina aamanuu innaka ra'uufun raxiim" Xadgudubkana iska ilaaliya aad ku xadgudbeysaan dadka muslimmiinta ah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn casaakir

Thursday, September 14, 2000 - 06:45 pm
To formerguest
waxaad ku ducaysataa "Allaahumma arinaa al-xaqa xaqan warzuqnaa itibaacahu wa arinaa al-baadila baadilan warzuqnaa ijtinaabahu" Mslim iyo gaalana kala baro, bidco iyo ahlu sunnana kala baro, wahaabiyada kalena u sheeg.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

formerguest.

Thursday, September 14, 2000 - 08:58 pm
Ibnu casaakir.

Waa duco fiican ducadan. Wahaabiyadana waxa ku waalnaan jirey oo na oran jirey iska ilaaliya mashaayiqda noo aqrin jirtey arbacada haddan si fiican u xusuusto:

Kuntu maca ibrahima mulqan binaarihi
Wamaa baradda niiraanu illaa bidacwatii
waKuntu maca muusaa munaajaatu rabbihi
Wamuusaa casaahu casaaya istammaddatii

Iyo

Wahiimuu washrabuu antum junuuddii
famaa niltum culuwwii wa ittisaalii

Saaxiib, Maxammed cabdi wahhaab iyo ibnu teymiyana waxa wax ka sheega Asxaabul quraafada walcaqaa'iid suufiyah dadka aamminsan sida XULUULIYADA ma taqaan:

Alcabdu raabbun warrabbu cabdun
yaa leyta shicrii manil mukallaf.


Wamal kalbu wal khinziiru illaa ilaahunaa
wamallaahu illa raahibun fii kaniisatih

Dadka waxaa aamminsan yaa la col ah mashaayiqda aad kor ku gaaleysiineysaan.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibn casaakir

Friday, September 15, 2000 - 06:20 am
To formerguest
Ilaahow xaqa noo tus xaq naguna arzaaq inaan raacno; baadilkana noo tus baadil naguna arzaaq inaan ka dheeraano.
Saaxiib haddaad aaminsantahay Arbacada kaliya in awal shirki laguu aqriyi jiray, ogow in hadda todobada bariba shirki laguu aqriyo. Maxaa yeelay caqiidada mujasimadu waa WATHANIYAH ama sanam caabud sida uu yiri imaam al-Qurdubi,waxaa isna kufri ku xukmiyay mujasimada Imaam Nawawi oo uga hadlay Sharxul-Muhadab. Ogow kufri waa kufri cidduu doono ha ka yimaadee. XULUULKU in uu gaalnimo yahay iyo wamal kalbu illaa ilaahunaa waan kugu raacsanahay ee TAJSIIMKU inuu gaalnimo yahay ma igu raacsantahay? mise waxaad taagan tahay cawo iyo maalin WAHAABIYO!. Tan kale saaxiib yaan lagu hodin Ibn Taymiyah cidda ka soo horjeesatay markuu IJMAACA ka baxay waxay ahaayeen culimadii Islaamka ee fuqahada iyo muxadithiinta ahaa oo idil. Waxaa taa u daliil ah ardaydiisii oo ka soo horjeesatay, risaalada uu xaafid al-dahabi u diray Ibn taymiya wuxuu ku yiri "watacuddu al-nasaaraa mithlanaa, wallaahi fil-quluubi shukruka in salima laka iimaanuka bi-shaadatayni fa anta saciid" "amaa xaana laka an tatuub" eeg Al-iclaanu bitawbiikh lil xaafid al-sakhaawi (b77). saaxiib ogow Ibn taymiya gaal buu ahaa in aanan oran maxaa yeelay caqiida uu ku dhintay Ilaah baa og. Laakiin waxaan sheegaynaa oo ka digaynaa hadalada TAJSIIMKA ah ee kutubtiisa ku qoran si aan qudwa looga dhigan.Wallaahu yaquulu al-xaqa wahwa yahdi sabiil.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

siraad

Friday, September 15, 2000 - 08:05 am
Ismahaan
Asalaamu calaykum
walaaleey waxaa tiri "waxaad ku hadlayso waa waxay ku hadli jireen habraha" walaaleey nooma aadan sheegin da'daada waxaana dhici karta inaad adiguba habar tahay oo warkii habraha laftiisa sheegaysid. Haddii aad gabar tahayna markaad habar noqotid warkaagu qabasho maleh. Haddii aad tahay nin magac naageed la baxayna dumarka ha u gafin qaar badan oo cilmi leh ayaa ku jiree.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

simba

Friday, September 15, 2000 - 09:21 pm
ABAA-SHIBRIN IYO ARDAYDIISA
IBN-XAZM,IBN-CASAAKIR,IBN-KHALIIFAH

wuxuu yiri ninka mida culimada islaamku:

OGOW ahlul bidacu waxay leeyihiin calaamaad lagu
lagu garto,calaamada ahlul bidaca(khuraafada}waa
cayda ahlul atharka(xadiithka)calaamada zanaadiqadu waa magacaabida ay ku magacaabaan
ahlul atharka xashawiya waxayna rabaan (ibdhaalul
aathaar),calaamada qadariyadu waa magacaabida
ahlul atharka ay ku magacaabaan mujbira, calaamada
jahmiyadu waa magacaabida ay ku magacaabaan ahlu
sunada mushabiha,calaamada raafidadu waa magacaabista ay ku magacaabaan ahlul atharka naasibiya,waxaas dhamaantoodna(waa waxa ay sheegayaane)waa casabiyah iyo xumaan ay u qabaan
ahlu sunnaha mana laha magacyo hal magac maahane
waana asxaabul xadiith,mana ku dhagayo oo maqabsanayo waxay ugu yeerayaan ahlul bidacu.
ALLAAHU AKBAR (FAMAA ASHBAHA LAYLAH BILBAARIXA)
waxaase ayaan daro ah ninka ay ku kulmeen dhamaan
sifaadkii ahlul bidaca oo dhami oo ay quluubtiisa
ka buuxaan xiqdiga iyo xumaantii ka buuxday dhamaan firqooyinkii haadimada ahaa,waxaadse ogaataan markaad waxqoraysid waxaad soo bandhigaysaa waa caqligaagii waxaadse ogtahay inaaad maanta huwantahay magacaagii midaan ahayn
ee hadaad ogaanlahayd inlagu yaqaan waad xishoonlahayd inkastoo ragaagu aysan xishoon inay baqaan maahane(inyar oo alle u naxariistay maahane}waqaliilun maahum.
MAXAAN ULA JEEDAA ABAA SHIBRIN
(qiila alcilmu thalaathada ashbaarin,mandakhala
fii shibril awali takabbara,waman dakhala fii shibri thaanii tawaadaca,waman dakhala fii shibri
thaalith calima anahu maa yaclamu)[xilyatu dhaalibul cilmi](safxa79} ama tadkiratu saamic
walmutakalim[safxa65}hadaba kuwaani waxay muqalidiin u yihiin abaa shibrin ee iyaga naftoodu maahan abaa shibrinka hore.
WAXAAN KA CUDURDAARANAYAA raalina galinayaa
akhyaarta kale ee akhrinaysa waayo nimankani sida
uu sheegay imamu shaafici raximahullaahu sadexberi ninkii ka tirsanaada oo ku dhexjira suufiyada illaahay caqliguu ka qaadaa fiiri
[fadaa,ixu suufiyah]lisheykh cabdiraxman c/khaalaq
waxay rabaan intaan ka harno culimadii uu soo
tiriyay inaan raacno BUUDHI IYO SAKHAAF[xarafka kh ayuu kaga fiican yahay qdee}
MA ISTAAHILAAN IN LALA HADLO KUWAN OO WAA LAQWIGII INLAGA FOGAADO LA RABAYE LAAKIIN......
qofkii xalkale hayaa hanoo sheego aan isaga fogaano laqwigoodee.
subxaanaka allahuma wabixamdika nastaqfiruka wanatuubu ilayka.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abucabdala

Saturday, September 16, 2000 - 04:13 am
to.Ashcariyinnta.
Ma'ogtihiin in ashaaciradu ay gu daciifsan yihiin xaga sifaadka daliilna aysan haysan sababtoo ah sifaadkii qaarna way sugayaan qaarna waadiideen markiilawaydiiyayna waxay dheheen caligaa intaan ogol waxaan la'ogyahay in uusan ahayn caqligu masdar liltashriic.

TUSAALE. waxaad ogoshihiin SAMCI iyo BASAR waxaan la'ogyahay in ay yihiin sifaad makhluuq marka waxaad ku tashbiihisayn eebe khalqigiise oo waxaad tihiin mujasimaha calaa xadi qawlikum, hadii kale sheega waxaad kulasaarteen sifaadka ood qaarna u diideen qaarna usugteen, falsafadii yuunaankana looma baahnee daliil keena.

hadiikle sooraaca madhabka ahlusunaha oo aan daldaloolka lahay oo ah IN ILAAHAY LOOSUGO WIXII UU ISKU TILMAAMAY AYADOON LOO EKAYSIINAYN KHALQIGIISA.
#LAYSA KAMITHLIHI SHAY'UN WAHUWALSAMIICULBASIIR#.

Intaas wixii kasoohara waxuluul iyo ilaahay meelwalba waajoogaa bithaatihi iyo abaadiishii Ibnicarabi iyo Ibnujaham ilaa aymarkii danmbe sida uu sheegay akh Simba ay yiraahdeen qofwalba meelwalba iyo qafkasta ilaahay ba kudhx jira.tacaalallaahu camaa yaquuluuna culawan kabiiran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

simba

Saturday, September 16, 2000 - 07:21 am
INTAAS MAXAA SII DHEER:
Maadaama akhyaari bilowday mawduucan aan fiirino
Gabagabadii iyo gunaanadkii sidii allaah xaqa Utusay culimadii ashaacirada iyo ragii falsafada
U waawaynaa iyo inay ka noqdeen hadaladoodii hore
Oo ay qabsadeen qolka xaqa ah waa kan ahlu-sunaha
Qowlkaasuye,aan ku bilaabo ugu horayn..
ABUU XASAN AL-ASHCARI:wuxuu dhintay(324)H wuxuu yiri kitaabkiisa (IBAANAH)safxada 182 waana kutubtii uu alifay aakhiru xayaatihi mid ka mida
wuxuu yiri: haddii uu nagu yiraahdo qofi waad diideen qowlkii muctasilada,qadariyada,jahmiyada,
xaruuriyada(khawaarijta),raafidada,murji,ada,noo
cadeeya qawlka aad leedihiin iyo waxaad ka diin dhiganaysaa,wuxuu yiri waxaa lagu leeyahay qowlka aan leenahay iyo waxaan ka diin dhiganaynaa waa
KITAABKA ALLE OO LA QABSADO,IYO SUNADII NEBIGA(S.C.W)iyo wixii laga weriyay saxaabadiisii iyo taabiciyiintii iyo a,imadaii xadiithka ayaanu qabsanaynaa iyo wixii uu oranjiray ABUU-CABDULAAH
AXMED BN MUXAMED BN XAMBAL,ILLAAHAY WEJIGIISA HANUURIYEE,darajadiisana kor ha uqaadee,ajarkiisa-
na habadiyee ayaanu leenahay WIXII KHILAAFA qawlkiisana waanu khilaafaynaa maxaa yeelay waa imaam faadil ah iyo ra,iis kaamil ah illaahayna uu ku cadeeyay xaqa sababtiisa uuna ku qaaday dalaalka uuna ku cadeeyay dariiqa uuna ku burburiyay bidcada mubtadiciinta iyo kuwa dhunsan
dhumintooda iyo kuwa shakisan shakigooda ilaahay ha unaxariisto imaamkaas horeeya ee qiimaha badan
INTAHAA KALAAMUH.
waxaanu waydiinaynaa abaa-shibrin bal inuu soo cadeeyo maxay ahayd caqiidadii imamu ahlu-sunah waljamaacah AXMED IBN XAMBAL.
Wuxuu kaloo yiri kitaabkiisa (maqaalaatul islaamiyiin)safxa290-297) markii uu kasoo sheekeeyay asxaabul xadiithka qawlkooda iyo ahlu sunaha ictiqaadkooda waxaana ka mid ahaa sifaadka alle oo la sugee iyadoon cidna loo ekaysiinayne
sidii uu ku sheegay kitaabkii hore ee IBAANAH
wuxuu yiri waxaan soo sheegnay oo hadaladooda ah dhamaantood waynu leenahay oo waanu kutagaynaa oo qabsanaynaa(WAMAA TAWFIIQUNAA ILLAA BILLAAH, WAHUWA XASBUNAA WANICMAL WAKIIL,WABIHI NASTACIIN,
WACALAYHI NATAWAKAL,WA,ILAYHILMASIIR.INTAHAA
Waxaa ii dhiman culimadii kale gadaal baan ka
qori doonaa insha-allaah.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL-ATHARI

Saturday, September 16, 2000 - 10:06 am
To;suufiyaalka gubtay iyo ashaacarada mushabihada ah mucadilada ah (labada jaahil) i.w.m.
.........HORDHAC......
Waxaan u iri mushabiha waxay sifaadka allah isku sheegay u suuradaysteen tii khalqiga ahayd markaa waxay u dhibaatoodeen in ay AWILAAN .
markaa mid kasta oo wax awli waa Mushabiha.
Waxa ay jahli ku noqdeen waa kan ;
Waxaa uu yiri ibnu xazm;[waxaa ku xasuustay magaca ibnu casaakir kitaab uu leeyahay oo la dhaho -TAMBIIH KADBI ALMUFTARAA CALAA ABILXASAN ALASHCARI].
Waxaan leeyahay jaahilkan culumada afka ku taagaya bal wax baro oo ibnu casaakir malaha kitaabkaas ,aniga majaan kugu baraaya ee hoo kitabku waa;[TABYIIYNU KADBU AL-MUFTARAA FIIMAA NUSIBA ILAA AL-IMAAMU ABIIL XASAN AL-ASHCARI ].
Ibnu casaakir kan la baxayoo fatxi almajiid ma laha maxamad cabdi wahaab oo aad u nisbaysay waxay daliil u tahay jahligiina .
Waxaa uu yiri al-xaafid al-cayni ;[RUUXII DHAHAA SH,AL-ISLAAM IBNU TAYMIYA WAA GAAL ISAGA AYAA GAAL XAQIIQA AH,RUUXII U NISBAYA ZANDAQA ISAGA AYAA ZANDIIQ AH] taqriidka uu saaray kitaabka [AL-RADU AL-WAAFIR CALAA MAN ZACAMA BI,ANA MAN SAMAA IBNU TAYMIYA SHAYKH AL-ISLAAM FAHUWA KAAFIR ]libna naasiru diin aldimishiiqiyi al shaafici.
waxaan ka hadli doonaa ;
1-SUUFIYADA IYO BAADIDOODA .
2-ASHCARIYADA " " " " " " "
3-BUUDI IYO KOOFARI .I.W.M

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibn casaakir

Saturday, September 16, 2000 - 03:59 pm
al-callaamah!!simba!!
al-callaamah!!abucabdala!!
al-callaamah!!shihaabu diin al-athari!!

1) iga raalli ahaada haddii aan idin galiyay wax aadnaan ka bixi karin.

2) ima dhacsana caqiido aan adduunka lagu difaaci karin sida loo rabo in aakhiro janno loogu galo.Taasi waa (caqiidatul-bacuuda) oo ah Ilaah baa kaneeco ku dul seexan kara!! subxaanallaahi cammaa yasifuun.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

simba

Saturday, September 16, 2000 - 07:30 pm
ibn-casaakir:
HADII aad ula jeedid magacyada aad callaamah
leedahay dhab adiga kulama aanaan hadalneen!
taasi waxay cadaynaysaa inaad ciyaar ula jeedo
haddaba magaca calaamah laguma ciyaaro,tan labaad
sheekadii waxaad ka dhigtay googaalaysi!!!
AAN USOO NOQDO mawduucii hore.
2)wuxuu yiri imamu alqaadii abu bakar baaqilaani
kitaabkiisa tamhiid(s260)hadii uu yiraahdo qofi
ma waxaad leedihiin allaah mawjuud fii kuli makaan
waxaa lagu leeyahay macaadallaah!maya ee alle waa
ka sareeyaa carshigiisa,sida uu ku sheegay kitaabkiisa(arraxmaanu calalcarshi istawaa)iyo aayada kale,hadalkiisii buu sii watay oo wuxuu yiri,haddii la yiraahdo meelkastuu alle joogaa
daatadiisu(waa caqiidada suufiyadee)waxaa ka dhalanaysa inuu ku jiro qofka calooshiisa iyo afkiisa iyo qashinka iyo meelaha la necebyahay in
la sheegsheegaba,walawajaba an yasiida bisiyaadatil amkinah idaa khalaqa minhaa maa lamyakun,wayanqusa binuqsaanihaa idaa badhala minhaa maakaana,......... waxayna ku ijmaaceen
muslimiintu arintaas khilaafkeeda iyo qofkii yiraahda gefkiisa.(wuxuu dhintay sheekhaasu(403)h
3)wuxuu yiri,calaamah abu muxamed cabdulaahi bn yusuf aljuwayni(waalidu imamu xaramayn)dhintay
(438)h risaaladiisa [ithbaatul istiwaa,i walfowqiyah]wuxuu yiri:waxaan mudo ku sugnaa wareer sadex mas,alo,mas,alada sifaadka,mas,alada
fowqiyada(alle inuu kasareeyo khalqigiisa)iyo mas,alada alxarfu wasawt fii quraanil majiid,waxaanan ku kala wareersanaa aqwaasha ku kala qoran kutubta raga samanka jooga ee isugu jira tawiil iyo taxriif,iyo inlayska akhriyo aayadii iyadoo aan la macnaynayn iyo in lasugo
iyadoo aan latawiilinayn,latacdhiilinayn, oo aan la tashbiihinayn,waxaanan helayaa
oo uu arkayaa qofkastaa in nusuusta kitaabka alle
iyo sunada nebigu(s.c.w)inay kaga hadleen si xaqiiqa ah sifaadka oo ay tahay in alle loo sugo sifaadkiisa sidoo kale waxay sugeen CULUWIGA IYO FOWQIYADIISA ...hadalka wuxuu sii wadaba wuxuu sii cadeeyay inuu kalaabtay jahwareerkii ashaacirada wuxuuna ku soo gabagabeeyay:
RUUXII insaaf sameeya waa garanayaa waxaan niri
waana ictiqaadinayaa waana aqbalayaa naseexadeena
wuxuuna allaah uga diin dhiganayaa inuu sugo dhamaan sifaadkiisa tan iyo taasba(wuxuu ishaarayaa todobada sifo ee ay ashaaciradu ogoshahay iyo sifaadka kale ee ay diidanyihiine)
wuxuuna ka ilaalinayaa dhamaantood tashbiiha iyo tacdhiilka iyo tawiilka iyo wuquufka,waana muraadka alle naga doonayo inaan sifaadkisa isku meel marino waayo sifaadka dhamaantood waxay ka yimaadeen masdar kaliya waana kitaabka alle iyo sunadii nebiga(s.c.w)haddii aan sugno qaar kamida qaarna aan diidno oo aan awilno waxaan noqonaynaa sidii kuwo rumeeyay kitaabka qaarkiis
qaybkalana beeniyay intaan baa ku filan balaaq iyo kifaayah,intahaa.
CUDURDAAR hadalka sheekha lama soo wada qori karo waa risaalo dhan laakiin waa risaalo qayim ah
ee ninkii heli karaa inuu akhristaa waa wanaagsantahay.
qaybo kale ayaa haray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

simba

Saturday, September 16, 2000 - 07:36 pm
ibn-casaakir:
HADII aad ula jeedid magacyada aad callaamah
leedahay dhab adiga kulama aanaan hadalneen!
taasi waxay cadaynaysaa inaad ciyaar ula jeedo
haddaba magaca calaamah laguma ciyaaro,tan labaad
sheekadii waxaad ka dhigtay googaalaysi!!!
AAN USOO NOQDO mawduucii hore.
2)wuxuu yiri imamu alqaadii abu bakar baaqilaani
kitaabkiisa tamhiid(s260)hadii uu yiraahdo qofi
ma waxaad leedihiin allaah mawjuud fii kuli makaan
waxaa lagu leeyahay macaadallaah!maya ee alle waa
ka sareeyaa carshigiisa,sida uu ku sheegay kitaabkiisa(arraxmaanu calalcarshi istawaa)iyo aayada kale,hadalkiisii buu sii watay oo wuxuu yiri,haddii la yiraahdo meelkastuu alle joogaa
daatadiisu(waa caqiidada suufiyadee)waxaa ka dhalanaysa inuu ku jiro qofka calooshiisa iyo afkiisa iyo qashinka iyo meelaha la necebyahay in
la sheegsheegaba,walawajaba an yasiida bisiyaadatil amkinah idaa khalaqa minhaa maa lamyakun,wayanqusa binuqsaanihaa idaa badhala minhaa maakaana,......... waxayna ku ijmaaceen
muslimiintu arintaas khilaafkeeda iyo qofkii yiraahda gefkiisa.(wuxuu dhintay sheekhaasu(403)h
3)wuxuu yiri,calaamah abu muxamed cabdulaahi bn yusuf aljuwayni(waalidu imamu xaramayn)dhintay
(438)h risaaladiisa [ithbaatul istiwaa,i walfowqiyah]wuxuu yiri:waxaan mudo ku sugnaa wareer sadex mas,alo,mas,alada sifaadka,mas,alada
fowqiyada(alle inuu kasareeyo khalqigiisa)iyo mas,alada alxarfu wasawt fii quraanil majiid,waxaanan ku kala wareersanaa aqwaasha ku kala qoran kutubta raga samanka jooga ee isugu jira tawiil iyo taxriif,iyo inlayska akhriyo aayadii iyadoo aan la macnaynayn iyo in lasugo
iyadoo aan latawiilinayn,latacdhiilinayn, oo aan la tashbiihinayn,waxaanan helayaa
oo uu arkayaa qofkastaa in nusuusta kitaabka alle
iyo sunada nebigu(s.c.w)inay kaga hadleen si xaqiiqa ah sifaadka oo ay tahay in alle loo sugo sifaadkiisa sidoo kale waxay sugeen CULUWIGA IYO FOWQIYADIISA ...hadalka wuxuu sii wadaba wuxuu sii cadeeyay inuu kalaabtay jahwareerkii ashaacirada wuxuuna ku soo gabagabeeyay:
RUUXII insaaf sameeya waa garanayaa waxaan niri
waana ictiqaadinayaa waana aqbalayaa naseexadeena
wuxuuna allaah uga diin dhiganayaa inuu sugo dhamaan sifaadkiisa tan iyo taasba(wuxuu ishaarayaa todobada sifo ee ay ashaaciradu ogoshahay iyo sifaadka kale ee ay diidanyihiine)
wuxuuna ka ilaalinayaa dhamaantood tashbiiha iyo tacdhiilka iyo tawiilka iyo wuquufka,waana muraadka alle naga doonayo inaan sifaadkisa isku meel marino waayo sifaadka dhamaantood waxay ka yimaadeen masdar kaliya waana kitaabka alle iyo sunadii nebiga(s.c.w)haddii aan sugno qaar kamida qaarna aan diidno oo aan awilno waxaan noqonaynaa sidii kuwo rumeeyay kitaabka qaarkiis
qaybkalana beeniyay intaan baa ku filan balaaq iyo kifaayah,intahaa.
CUDURDAAR hadalka sheekha lama soo wada qori karo waa risaalo dhan laakiin waa risaalo qayim ah
ee ninkii heli karaa inuu akhristaa waa wanaagsantahay.
qaybo kale ayaa haray

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN

Sunday, September 17, 2000 - 09:50 am
.......(1)-SUUFIYADA IYO BAADIDOODA -.........
A-Maxay ku bilaabatay suufiyada ?.
Waxay ku bilabatay markeeda hore (zuhdi) ahaan ka dib waxay banaysteen (SAMAACA IYO RAQSI) markaa waxaa ku biiray caamada iyaga oo aakhira dalbaaya ka dib marka ay ku arkeen ZUHDI ka muuqda ,waxaa kale oo raacay kuwa adduunya doon ah oo ku raacay RAAXADA IYO CIYAARTA.ka fiiri kitaabka {TALBIISU IBLIIS -LIBNU AL-JAWZI -BOGGA (161)
Ma ahayn kalimada SUUFIYADA mid ay isticmaali jireen SAXAABADA IYO TAABICIINTA IYO (3)QARNI EE FADLIGA LAHAA waxay soo baxday waqtigii ay bidcada ay bilaabatay .
B-Waxay u qaybsameen saddex qaybood oo kala ah: 1-qolada zuhdyaadka ah oo ku mashquulay RIYAADATU NAFSI OO AY GAAJOON JIREEN NAFTANA KA REEBAY WAXA MACAAN. QAARKOODANA HADII AY MAQLAAN QU'RAANKA dhiman jiray.
Waxaa uu yiri JUNAYD;(KAMA QAADAN TASAWUFKA AL-QAAL WA QIIL,OO WAXAAN KA QAADANAY GAAJO IYO KA TAGID ADDUUNYO).eeg{siyar aclaamu al-nubalaa mujaladka 14 bogga 69.
2-Qolada labaad waa WAXDATUL WAJUUD oo u haysta waxa jira (MOWJUUDKA ) oo dhan waa mid kaliya wax kasta aan arkayno waa daatad allah-ilaah ka nasahan waxaas.
Waxaa hor booda qoladaan IBNU-CARABI ALMAKI CULUMADANA AY GAALAYSIISAY oo uu ka mid yahay IBNU JAMMAACA oo hore ugu been abuurta ninka la baxay ibnu xazm oo yiri waxaa uu gaalaysiiye ibnu taymiyah mana gaalaysiin.
Waxaa uu rumaysan yahay IBNU CARABI gaalnimada ah
ÇáÚÈÏ ÑÈ æÇáÑÈ ÚÈÏ íÇáíÊ ÔÚÑí ãä ÇáãßáÝ
Çä ÞáÊ ÚÈÏ ÝÐÇß ÍÞ Çæ ÞáÊ ÑÈ Çäí íßáÝ
Waxaa ay noogu yeerayaan labada jaahil waa gaalnimadaas oo waxay u yaqaaniin ibnu carabi
ÇáÚÇÑÝ ÈÇááå -ÇáÞØÈ ÇáÇßÈÑ
Waxaa ay rumaysan yihiin [QOLADII CAABUDAY DIBIGA EE REER BANII ISRAA,IIL MA CAABUDIN WAXAAN ILAAH AHAYN .FIIRI ÇáÝÕæÕ áÇÈä ÚÑÈí Õ 201.
Waxaa uu yiri ;FIRCOON wuxuu ku dhintay Úáí ÃáÇíãÇä

Nabi HAARUUN waxaa uu ku eedaye in uu ku inkiray qoomkiisa caabudaadi ay caabudeen cijilkii (DIBIGII).
.........LA SOCO.......INTA DHIMAN......

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN

Sunday, September 17, 2000 - 09:54 am
N.B-WALALAYAAL WAXA KU QORAN XURUUFTA AAN LA FAHMEEN WAA CARABI SAAS ISKU BADELAY EE DIB DAMBE AYAAN HAGAAJIN DOONAA HADII ALLAH IDMO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL-ATHARI

Monday, September 18, 2000 - 02:20 am
......SAXID......SAXID.......SAXID.....SAXID.... Kalimaadkii carabiga ahaa ee is badalay waa tan ;
waxaa uu yiri IBNU CARABI; AL-CABDU RABUN WA RABU CABDUN YAA LAYTA SHICRII MANIL MUKALF.
Waxaa ka eegtaa [AL-FATUUXAATU AL-MAKIYA ]oo uu qoray IBNU CARABI oo ay u yaqaaniin suufiyada (AL-CAARIF BILAAHI).
Waxaa uu leeyahay ibnu carabi;adoonka waa rabbi -rabina waa adoon.ilaah baa ka nasahan waxaas.
Waxaa uu ku sheegay FIRCOON inuu ahaa MU,MIN,waxaa uu ku eedaye NABI HAARUUN inuu ka reebay cibaadad cijilka (dibiga).eeg kitabka AL-FUSUUS uu leeyahay IBNU CARABI (201).
AXMED TIIJANI waxaa uu rumaysan yahay in wardigiisa ka fadli badan yahay lix mar QU,RAANKA. eeg JAWAHIRU AL-MACAANI mujaladka (1)boga (103) oo leh ibnu xaraazim.
QASIIDADA BURDAHA oo dad badan u haystaan in ay ka fadli badan tahay QU,RAANKA oo aan dhagahayga ku maqlay in ay naag u keentay wiil xanuunsan qola XER ah oo ay tiri; BURDAHA ha lagu aqriyo ,markaas ayey dhaheen ma hayno kitaabkii markaas ayey tiri walbo QU,RAANKA iigu aqriya.
BURDAHAAS waxaa ku yaal baryo la baryaayo RASUULKA calayhi salaatu wasalaam ,iyo xadgudub lagu xadgudbaaya,isaga oo naga reebay .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 18, 2000 - 06:42 am
ninka shihab al deen la baxay: waxaan jeclaan lahaa marka hore inaan kuugu mahad naqo inaad magacyadii kutubta qaarkood aad soo guurisay haba iska qaldanaadeenee, waxaanse jeclaan lahaa inaan ka iraahdo risaaladii aad qortay 16 bishaan -3:
taasoo aad nagu tustay amaana xumada xashawiyada ey ku sifoobeen waayo waxaad ku soo guurisay waxaanan qorin adoo qoutation geliyay gaar ahaan magaca kitaabka ibn casaakir uu qoray ee la yiraahdo tabyiinu kadibil muftarii fii maa nusiba ilal imaami abil xasanil ashcari, haddaba amaana xumada waxaa ka mida ruuxa wax uusan dhihin waa dhahay inaad tiraahdo sababtoo ah:
inkastoo sabaqul qalam iga dhacay oon magaca kitaabka tanbiih iri inti aan dhihi lahaa tabyiin haddana anigu ismi faacil kamaan dhigin ismi mafcuul oo adigu Ilaah ka baqa maxaa kugu kallifay inaad iga been sheegto, idinkoo ka arki kara risaalada aan qoray 12 bishaan saacaddu markii ay aheyd 6:17am. Sidaad aragtaan waxaa uu iga soo guuriyay inaan ..muftaraa iri anigoo sida meesha aad ka arki kartaan iri ..mutarii sidoo kale waxuu igu sheegay jaahilnimo anigoo huba inaan jaahil wax badanoon ka ahay ey jiraan waayo, sida sayidnaa abubakar laga soo guuriyay waxa uu yiri : kasid la’aantu (inaadan waxa oo dhan aadan kaseynin) waa kasid sida ku qoran kitaabka imaam suyuudhi, dhabcan qof kasta wax ayuu jaahil ka yahay sida xashawigaan hadda aan l la hadlaayo uu cilmul aalaha uga yahay oo ah miftaaxa culuumtoo kale waayo, haddaadan shaqli karin si sax ah waxaad ka dhigee (laba jeer) ismi mafcuul halkii laga rabay ismi faacil. Haddana waxaa ii cadaatay walaalkeen inuusan nasiib u yeelan naxwaha inuu barto waayo ninkii hal kitaab magaciisa kasi waayay eenan kala aqoon wax la godo, wax la hoos dhabo & wax la kordhabo & ismi faacil & isma mafcuul waxaan filaa inuusan u baahneyn in waqtiga la isaaga lumiyo ee marka hore intaad baxdid wax soo akhriso si aad lughatul kalaam u isticmaashid si sax ah, haddii kale hamajnimo ku noolow sida sayidnaa cali laga sheegay inuu yiri: "..wahamajun rucaacun atbaacu kulli naaciq, yamiiluuna maca kulli riixin,lam yastadiiuu binuuril cilmi walam yalja’uu ilaa ruknin wathiiq"
teeda kale ruux fatxa & damma & kasra kala garan waayay ma filaayo inuu fahmi karaayo wax uu qoray Imaam Buusiirii & al sheekhul akbar raxmatullahi caleyhimaa, wajacal fildowsal aclaa mathwaahumaa. saa maxaa yeelay caamil & macmuulba kalama yaqaanee. Xashawiyada & akhyaarta kale oo dhan iga raalli noqda inaan waqtigu igu yar yahay, waayo, xashawiyadu laftirkoodu waa in la baraa diinta waayo, waxaan aheyn seddax towxiid (oo macnahedu yahay seddax Ilaah sidi chrishtaha oo kale) ma loo meerin marka Ilaah ha na tusiyo tubta toosan, waayo, Ilaah & rabbi laba ayey kala yihiin ayaa laga haayaa oo tawxiidul uluuhiyya & towxiidul rubuubiyyah & towxiid al asmaa wal sifaat waa sida gaalada ey yiraahdeen oo kale oo ah:
bismil abi, wal ibni wa ruuxul qudsi Allah (seddax Ilaah oo hal ah & hal seddax ah) subxaanallahi cammaa yaquuluuna culuwwan kabiiran,
wassalam,
email me: mao_africa@hotmail.com haddii aad u baahan tahay macluumaad ku saabsan xashawiyada & xaaraanta ey umadda la dhex wareegayaan, adoo ii soo sheegaya lughada aad jeceshahay inaad wax ku aqrisatid, meeshaad joogtid & heerka cilmi eed gaartayna ii soo sheeg (tusaale ahaan: meeqa boqol ama kun oo kitaab ayaad dhaalacatay/meersatay?)
wassalam,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 18, 2000 - 07:02 am
waxaa uu yiri imaamka jaliilkaa Cali Ibn Cuthmaan Al Owshi:
nusammillaaha sheyan laa kal ashyaai:
wadaatan can jihaatil sitti khaalii
haddii kale wexey noqonee haddii jihadaasuu jiraa aad tiraahdid: shimbirta kor buubeysa & gaalka dayax gacmeedka saaran ayaa Ilaah kaaga dhow waayo jihaad u nisbeysay,
miyeysan sidaas kula aheyn simbow?
ninka waalan ee shihaabkaa waayo al deen looguma dari karo inti laga ogaado bidaacada uu wato midaan aheyn inta uu kala imaanayo ee shihaab uun iska ag joog, fahamkaaga saqiimkaana hala soo madar tegin ee iska aamus maxaa yeelay (fabaalal kalbu fii fiihi ) ayey ku sifeeyeen culimadeenna reer somaaliyeed ruuxii aanan sarfi aqoon hadalkiisa. marka najaasada macnawigaa iska soo dhahiri,
mahadsanid,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL-ATHARI

Monday, September 18, 2000 - 09:14 am
To; ninka la baxay ibn-xazm.
Marka hore been abuurka uma khasdin caaydana waa laga fiican yahay oo adigaba hadda waa igu been abuuratay oo waxaa i tiri (ninka shihaab al deen ) la baxay .lamana bixin ee waxaa la i yiraahdaa [SHIHAABU DIIN]markaa calaa dariiqatika waa igu been abuuratay .
waxaad tiri ;....imaam buusiirii & alsheekhul akbar...... WAJACAL FILDOWSAL aclaa....
Hadii aan kuu qabano qaladkaas waxaad tahay nin aan aqoon carabiga ee soo baro (wajacal) waa cajam ee carabi ma aha ee soo baro ammaa FILDOWSAL maa han carabi walaa cajami, ma ogi hadii ay tahay luqada xayawaanka .
hadii aan xaqiiqda ka hadalno waxa wax aan ku qorno waa AF-SOOMALI had iyo jeerna ka dhacaaya qof kasto qaladaad ee muhiimada aan ka raacno.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 18, 2000 - 09:49 am
anigu qoutation maan gelin ee waan iska furay ee adigu iska ilaali inaad gelisid qoutation waayo amaana xumo ayey noqonee

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL-ATHARI

Monday, September 18, 2000 - 09:55 am
.........LA SOCOTA SUUFIYADA IYO BADIDOODA........

(3)MADHABKA 3aad waa AL-XULUUL oo ay ula jeedaan [ILAAH AYAA DEGAY KHALQIGIISA] TACAALA ALLAH WAXAA AY KU SHEEGEEN .Waxaana hor boodaaya waa XALAAJ oo awoowgiis ahaa MAJUUSI waxaa ay fuqahada ku ijmaaceen inuu yahay ZANDIIQ oo ku xukumeen in la dilo oo waxaa loo dilay ZANDIIQNIMO (309)HIJ.[SIYAR ACLAAMU NUBALAA] JUZKA (14) BOGGA (313-354).

.........LA SOCO KARAAMADA SUUFIYADA.............

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 18, 2000 - 10:08 am
waxaa meesha ka muuqata caadadii xashawiyada wahaabiyadaa oo ku raaxeysta iney dadka diinta ka saaraan marka waxaad ku mahadsan tahay inaad taa ayada ah aad soo muujisay maqaalkaagaan ugu dambeeyay. teeda kale islaamku aad ayuu uga soo jeedaa in ruuxa cirdigiisa lagu xad gudbo. tusaala ahaan waan ognahay oo anuuba isoo maray kitaab uu qaran boqor c/Caziiz ee sheegaya abtirsigiisa uu ku abtirsado yahuudda laakiin lama dhihi awowgaa ayaa ahaa yahuudi saa daraadeed ma lihid wax xaq islaam ahaan. maxaa yeelay shardi maaha islaamnimadu inuu waalidkaa islaam ahaa. marka yaa akhii kabiira weyn ayaad ku dhacday ee ka towbad keen oo haku qatal min. Xussein Ibn Mansuurna waxaa uu ahaa culimada islaamka ee waaweyn laakin nasiib darro lagu dilay faham la'aan la fahmi waayay hadalkoodii, waxaanna nasiib darra ah inaan ku raaxeysanno gaal ama zandiiq ayuu ahaa, waayo, waqtiyo waxaa jira quuxu uusan mukallaf aheyn sida hadduu waasho oo kale ama uu miyirka ka tago (gubasho uu u gubanaayo jaceelka Eebe) mana ah wax cusub ama xun ee wax ku soo arooray kutubta waawayen ee axaadiithta sida saxiixa bukhaari oo kale. ninkii maraayay saxaraha ee baadidiisii ka luntay ee iska seexday markuu soo toosayna uu arkay baadidiisii oo kor taagan markaasuu ku dhawaaqay ereyo la mida kuwii uu yiri xallaj ama abaa yaziid al basdhaamii,
marka yaa akhii ruuxii Ilaah kheer la doono faham ayuu siiyaa sida ku soo aroortay xadiithka shariifkaa ee bal yaan la degdegin eee wax halla hubsado.
wassalam,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 18, 2000 - 10:13 am
ogeysiis: dhammaan waan ka xumahay inuusan shaqeyneyn emailkega ee waxaad isku daydaan inaad emailkiina halkaan iigu soo qortaan ruuxii u baahan inuu ila soo xiriiro. inkastoo aan hubin xitaa kuwii aad soo qorteen inaan heli doonin.
wassalam,

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, September 18, 2000 - 01:30 pm
ogeysiis labaad, al xamdulillah waa shaqeeyay emailkii xumaa marka waad mahadsan tihiin, idinkoo isku dayaaya inaad ka dhigtaan waraaqahiina kuwa kooban,
wassalam,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnu Musa

Monday, September 18, 2000 - 04:46 pm
To: SHIHABU DIIN AL-ATHARI
Waxaad ku mahadsatahay sida wanaagsan ee aad noola socosiisay wax meel walba dadka qaarkii ku sheeg-sheegaan oo aan lahayn sal iyo meel loo raaco toona, taasna waxaa keenay faham-xumo dadka qaarkii ay fahmi waayeen diinta Islaamka. Marka waxaan kugula talin lahaa inaadan waqtiga nooga cunin wax aan cid maqashay aysan jirin, mase waxaad wadaa Soomaliya waxay muslim tahay 40 sano oo keliya, taas oo ah markii ay soo bilowdeen dadka adiga kusoo abaabiyey. Haddii kale sheeg culumada Soomaalida ah oo rumaysan ama dadka u sheegta waxaad aad sheegayso, waxaan u jeedaa inaad soo magacaawdo caalimiinta la yaqaanno oo waxaa shaagay, haddii kale iska aamus.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

TAAJI DIINI ASIBKI

Monday, September 18, 2000 - 05:34 pm
bismilaahi alhamdulilaah wanacuudu billaahi minal mulxidiin wabacdu walaalayaal waad ku mahadsantihiin xiwaarka diiniga ah balse waxaa jira markii wax la sheegayo oo ay diintahay ma aha in fadhi kudirir noqoto ama afbaa kugu yaalee hadal la is yiraado intaas ka bacdi dadka meesha ka hadlay waxay u kala muuqsaan rag diintoodu mutassil tahay oo shuyuukhdoodu mutasil tahay iyo ragg munqadic ay tahay diintoodu horta ibnu casaakir iyo ibn xasam iyo amthaalkooda garanaye yaa weeye shuyuukhdiin kuwa kalow waxaan uga danleeyahay ninbaa soo daliilshaday al-qaadi baaqilaani horta ugu horeyn yuu ahaa baaqilaani waxaan la yaabaa iyaga oo dhaha ibnu xajjar al casqalaani ama nawawi baa yiri hadana yiraahda waxay ahaayeen waxaan loo baahnayn imaamkiinualbaani soo tuu lahaa midkii kasoo warinayay imaamku waxuu aaminsanaa in umada laga daayo madaahib hadana waa maxay aad u soo daliilsan culumada ahlu mad hab kaa sababtu waa: waahibiyo ma laha sheikh muctamad ah marka mar ay kitaab tii soo qabsadaan oo taxriif ama tacliiq ku sameeyaan mooyee ma hayaan tabar kale walillaahil minnah ikhwaanii al muslimiin ha ku noogina bidcatul najdi cajjal shiikha iyo illah ay dheheen meel buu fadhiyaa kolba maha ahan xiwaar wax laga gali karo raggiinaasu waadla hadasheen balse waxaa la yiri(kayfa yahdil illaahu minhum quluuban _xashwuhaa min xabiibihil baghdaa"u) rag nabigii yiri waa boostaale oo eraygaa u quurey idinkaa isku daalin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-abiishaamah

Monday, September 18, 2000 - 08:27 pm
ALXAMDULILLAAH.
WAA ILAAHAY MAHADI HADDII MAANTA NIN SUUFI
AHI UU KA SHEEKAYNAYO MUTASIL IYO MUNQADHIC,
MAXAA YEELAY SHEEKADU WAXAY AHAAN JIRTAY (CINDA
SUUFIYAH)[XADDATHANII QALBII CANRABII,DAWQ IYO
MANAAMAAD]haddaba allaah kasakow fadligaasi wuxuu
unoqonayaa ahlul xadiith zebankasta iyo meelkasta
oo ay joogaan,waxaana horay noogu sii sheegay
nebigeena suubanaa (s.c.w}wuxuu yiri [yaxmilu haadal cilma minkuli khalfin cuduulah,yanfowna cantaxriifal qaaliin,wantixaal mubdhiliin,watawiil jaahiliin]awkamaala rasuululaah.
SHIHAABUDIIN,SIMBA IYO RAGA LA MIDKA AH WAXAAN xasuusin lahaa hadalkii sheekh bakar(abu zeyd)ee ku yiilay risaaladiisa xilyatu dhaalibul cilmi:
[laatadha busaadha manyaqshowna fiinaadiihim almunkara wayahtikuuna astaaral adab mutaqaabiyan candaalika fa,in facalta daalika fina jinaayataka
alcilma wa ahlihi cadiimah].
WAXAAD kaloo xasuusataa qawlkii imamu shaafici ee ahaa macnahiisu HADDII AAD JAAHILKA LA HADASHO KA FAYDAY HADII AAD KA AAMUSTANA CIIL AYUU LA DHIMAN.
nimankani wax asluub ahi kama muuqato mana garanayaan hadii aad qof ka dhigaysid oo aad dadka uga digaysid inaad sheegto wuxuu yiri adigoo aan waxba ku siyaadin waxna ka nusqaamin,
hadiise lala sii wado waxaa ka dhalanaysa
JUHALADAASI inay caayaan culimadii diinta CADUWAN BIQAYRI CILMIN.
waxaase yaableh IBN-XAZM hadaladiisa mawaxay ka tahay dhagar uu dhagrayo wax magaratada mise xitaa haddii uu laba kitaab akhristay ikhlaaskii alluu hilmaamay markuu leeyahay 200..50. tafsiir fiqi iyo waxyaabaha la midka ah,runse ma tahay inuu fahmayo kutubta waayo kitaabka uu leeyahay yaraan baan ku aqristay ee ibn-casaakir ma fahmay ibn-casaakir sababtuu u alifay??!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rabacatul-cadawiyah

Monday, September 18, 2000 - 08:56 pm
As-salaamu claykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu
walaalaha meeshaan diinta uga hadlaya oo idil
waxaan idin kugula talin lahaa inaad wax kala faaiidaysataan oo aan muran wixiinu noqon ee ay aqoon arintu ku salaysnaato.

waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa walaalaha kala ah ibn xazm, ibn casaakir abu khaliifa, ibnu musa taaju diin asubki ee sida cad xaqa iyo baadilka u kala saaray, waxaan idil leeyay jazaakullaahu khayran.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL-ATHARI

Tuesday, September 19, 2000 - 03:46 am
......LA SOCOTA SUUFIYADA IYO BAADIDOODA.........
Waxaan wax ka leeyahay SUUFIYADA IYO KARAAMADA.
Waxaa ay rumaysan yihiin in shiyuukhdooda uu ilaah siiye kalimada TAKWIIN oo ay oranaayaan shayga KUN oo fayakuunu ahaanayo oo xitaa MOOTADA ay soo nooleenayaan bal fiiri .
1- Kaylaani ayaa laf digaaga oo uu cunaye gacantiisa saaray oo yiri ku istaag idin allah markaa ayey istaagtay.(2)-Dimyaadi ayaa loo keenay digaag shiilan markaas ayuu yiri ;ku duul idan allah markaas ayey duushay.(3)-Abuu yusf addahmaan ardaygiisa ayaa ka dhintay wiil markaas ayuu ka murugooday markaas ayuu sheekhu yiri ;ku istaag idin allah markaas ayuu istaagay oo noolaaday waqti dheer.KA EEG KITAABKA [AL KAWAAKIB AL DURIYAH] oo uu qoray CABDI RA,UUF AL MANAAWI bogga (11).
--EEYUHU waa AWLIYO SUUFI sida uu ku sheegay SHACRANI kitaabkiisa ADDABAQAAT JUZKA (2) BOGGA (61)TARJAMADA AL-CAJAMI wuxuu yiri ;[ sh al-cajami ayaa aragiisu ku dhaceen eey markaa ayey eeyada oo dhan u hogaansameen dadkan waxay ka dalbi jireen xajooyinkooda markaa waxaa xanuunsaday eeygii oo eeyaha oodhan baa ku heeraarsaday dhinacyadiisa marka uu dhintay ayeey eeyihii kale u baroorteen markaa ayaa dad duugayn oo eeyaha soo ziyaaran jireen. shacraani ayaa yiri ka dib; midaan waa aragti uu eegay sh. al- cajami EEYGA maxay kula noqon lahayd haddii uu eegi lahaa dad .
----TUUGANIMADA (JEEBSIIBKA) WAA KARAAMA SUUFI .
Waxaa uu yiri ;AL-DABAAG;[waliga saaxiba tasarufka ah gacantiisa ayuu u taagaya jeebka uu doono markaas ayuu ka qaadanaaya wax uu doono oo DARAAHIM ah isag uusan dareemin saaxibal jayb ].ka eeg kitaabka ALIBRIIYZ oo uu leeyahay AL-DABAAG juzka (2) BOGGA(12)...................... Waxaa uu yiri sh.cabdullaahi qudubi markii la dilay sh.awees ;[NINKII DILA NIN SAALIXYA AH WAXAY LA MID TAHAY NIN DILA (70)GAALO] .
WASLAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAHI WABARAKAATUHU .

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Tuesday, September 19, 2000 - 06:46 am
ninka la baxay shihaab al deen al athari, al abyad, al camaamat al beydaa`a, al waasical ceyneyn, al aakilil luxuum, al kathiiiril fahm, al qaliilil cadhaa`, .....al al al..
jaahilnimadu ma moodeeyn iney intaas gaarsiisan tahay laakin waxan isku dayi doonaa maanta laga billaabo inaan waqti kugu dayicin waayo, nimaanba aqoon arbaciinul nawaawi ma haboona in diin lagala munaaqashood (waayo, dadka ayuu jaahilnimo ku dhejinaa isagaana murakkab ah oon basiidh aheyn jahligiisu). waxaadna gebi la socotiin xadiithka xitaa bukhaari ku yaal ee abuhureyra uu weriyay een filaayo [haddii aanan qaldaneyn] inuu yahay kan 38aad ee arbaciinka ayaa ka hadlaaya hadayaanka uu ka sheegay suufiyada mana filaayo inuu la socdo waxa uu sheegaayo waayo, culimada islaamka ee muctabiriintaa waxey ahaayeen suufiya. suufinimaduna maaha sida wahaabiyada jurxi mihno ka dhigtay oon tacdiil inuu jira qaamuuskooda gashan. [teeda kale ninka ey ku abtirsadaan ee axmad ibn c/xaliim al xarraani ayaa la weydiiyay ka waran sheekh c/Qaadir al jeylaani waa ninka uu ku sheegay messagekiisa ugu dambeeyay, inkastoo laga yaabo inuu ku magacaabay keylaani laakin [laa mushaaxata fil asmaa i idaa fuhimal macnaa], markaasuu ku jawaabay "nuqilat ileynaa karaamaatuhu mutawaatiratan" marka tanaaqudka ey ku nool yihiin ayey ka mid tahay in sheekhooduna wax yiraahdo iyaguna wax kale la soo madar tagaan si xaqqa loo defero khilaafkiisna loo sugo.]
xadiithku waxaa uu leeyahay :
`` man caadaa lii waliyyan faqad aadantuhu bil xarbi...... illaa uu ka yiraahdo fa idaa axbabtuhu kuntu samcahulladdii yasmacu bihi wa basarahulladii yubsiru bihi wa yadahullatii yabdhishu bihaa, wa rijlahullatii yamshii bihaa,
wa la in sa alanii la ucdhiyannu, wa la inistacaadanii la uciidannahu``
ow kamaa qaala sallalahu caleyhi wasalalam.
marka sida aad ka garan kartaan xadiithka waa cad yahay oo uma baahna tafsiir ee bal ninkaan aafada heshay ka warrama oo ah fahmuhul saqiim. waayo, karaamadu & mucjizadu waxa ey ku kala duwan yihiin: tan hore ruuxa ey gacantiisa ku soo daahirtay ma sheeganaayo nabinimo laakiin kan dambe haa gebigiinna waad lawada socotaan xadiithkii riyaadka ku yaallay ee 3dii nin ee godka galay ee camalkoodii saalixa ahaa ku tawasulay in Ilaah ka feydo mashaqada haaysata asey ku leeyihiin nabiga laguma tawasuli karo waayo, wuu geeriyooday, iyagoo isla markaana aqrinaaya axaadiith ey ka mid yihiin nabiyaashu wey ku nool yihiin qubuurtooda oo xitaa wey ku tukadaan hadii ayan noolaan laheyn habeenkii nabiga la dheelmiyay ee uu la kulmay nabiyaal badan eyna ka mid ahaayeen nabi ibraahim oo u soo dardaarmay umadda dardaaran uu jannada nagu dhiiri gelinaayo & nabi muuse oo uu u sheegay ineysan qaadi karin umadda muxamadiyadaa 50 salaadood ee uu yiri u noqo rabigaa weydiina inuu kuu fududeeyo (hadde wexey noqonee sida ey wax ku wadaan haddii loo daayo shanta salaadood ma jirto ee 50 ayaa jirto waayo nabi muuse wuu geeriyoosnaa oo waqtigaa ma nooleyn, teeda kale nabi waxba ma tari kareyo ayay ku leeyhiin haddii nabi muuse nafcigii aannu ka helnay ahaan laheyn isagoo "geeriyooday" [waa haddii loo raaco tooda oo ey leeyihiin ruux geeriyooday kabtiisaa dhaanto, nabi yaashuna wey geeriyoodeen], marka maxey ku fasiri lahaayeen arrintaan ayada ah????!!!)
waan ka xumahay waana nasiib darro in ruuxaan aaaladiisa soo dhameysan fanniga jurxiga shaqo ka dhigto sida wahaabiyada deydankoodu yahay, teeda kale dad wax kala og maaha haddii kale meysan soo daliishadeen al qaadii abubakar oo ah ragga ugu waaweyn ashaacirada sida ibn fowrika & fakhrul raazi & sharaf al nawaani, & ibn xajar casqalaani & sheekhul islaam zakariyal ansaari oo ah ninka ey ku kulmaan asaaniidka quraanka sida ibnul jazari al shaafici oo kale.

Raabica waad mahadsan tahay inaan taxsiil nagu tuhuntay laakin inoo soo ducey waayo, qalbi madoowaad ayaa innala geliyay oo dad ghaayadoodu ey tahay in shaaribada la xiiro, maradana kor dheer la geeyo, garkana la daayo iyadoo aan la nadiifin la shalleynin, ee timahu duugeen indhaha aadna moodid nimankii dirbiga madaxa ku garaacaayay ee falastiin xoogay, gawaaridooda & gurigoodana Ilaah kuma geeyo waayo uur xumaad u lèànee oo caruurtooda xitaa waxey ku nool yihiin nolol gheerul caadi ah waayo, wax kasta waa xaaraan. maraa la weydiiyay sheekh ka mida sheekh ku sheegyadooda maxaad ka dhihi laheyd: haddii gabadha ey libisato surwaal gurigeeda dhexdiisa gaar ahaan habeenii marka ey la seexaneyso saaxiibkeeda (zowjkeeda) waxaa uu yiri fatwadu waa: xaaraam (diyaar ayey u aheyd inta ayan warkaba sheegin maxaa yeeelay wax kasta waa xaaraan agtooda) wexeyna ku nool yihiin cajalaad maahee ma qabaan kutub qiima cilmiya leh badankoodna maba aqriyi karaan oo culuumta lughada carabigaa ee laba & tobankaa mid kama xasishan. ibn musa & taj al subkina waa ey mahadsan yihiin. deg deg ayaan ku soo qoray ee iga raalli noqda haddii ey adkaato fahamkeeda anigoo dooneyn inaan halkaas gaarsiiyo munaaqashada laakin mararka qaarkood xirigga dhuujiska ey ka badinayaan oo ey geynaayaan meelaan laga maarmin in ....
wassalam,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheeq muriidi.

Tuesday, September 19, 2000 - 07:03 pm
Sheeq ibnu xazm.

Karaamada mad halkan inoogu soo taxdid sheeq mutawaatirka ah?. Malagga nafta wiilka yar uu ka soo dhiciyey intuu dambiisha ka haraatiyey kadib markii islaanta duqda ah ay u dacwootey Iyo kuwo kaloo ka daran taa. Sheeqaada karaammadiisa maad innooga warrantid iyana?. Casarka xajka muu kusoo tukadaa isagoo masjidka dhex fadhiya adinkuna aad jamaacada oogeysaan?. Idaa qulta lisheyqika lima lan tuflixdii ka warran?. Wali wax ma su'aashaa maadaama xorriyatul qowlka hadda aad ku baratey halkan illeyn mashaayiqda suufiyada noomeysan oggoleyne?. Ayeeyadey sheeq nuur yey u guurguuran jirtey haddana waa reer maxammed cabdi wahhaab oo gurguuradkii markey soo xusuusato wey ka shalleysaa ee bal saaxib maxaa dawo ah, sideen baryadii awliyada iyo qabriga marada ay ku xiran jirtey ugu celiyaa ina adeer?. Afartii sheeqee adduunka afartiisa dacal kala heyn jirtey wali manool yihiin iyana?. War heedhe karaamada kusoo tax halkan haddii akle warka innaga daa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibn casaakir

Tuesday, September 19, 2000 - 10:36 pm
As-salaamu calaa manitabal-hudaa,
Dad waxaa ugu ayaan daran kuwa shiikhyadooda (Ibn Taymiyah & Ibn Qayim) ka raacsan inta ay IJMAACA ku khilaafeen kaliya; isla markaasna ka soo hor jeeda inta culimada Islaamka iyo shiikhyadoodu isku waafaqsanyihiin!!! Waxaan taas uga jeedaa waxaa jira masaa'il Ibn Taymiya iyo Ibn Qayim ay ku khilaafeen muslimiinta inteeda kale oo caqiido iyo furuuc isugu jira. Caqiidada ay IJMAACA ku khilaafeen waxaa ka mid ah TAJSIIMKA IYO TASHBIIHA iyo Naartu waa dhamaanaysaa iwm. Xagga furuucda waxay ummadda ku diideen dalaaqa saddexda ah inuu hal meel ku dhacayo iyo Ziyaarada Nabiga csw in loo safri karo iwm.
Intaasoo idil wahaabiyadu way ku raacsan yihiin mashaa'ikhdooda. Laakiin nasiib darradooda waxyaabaha mashaaikhdoodu ay Islaamka kale ku raaceen ayay iyagu shiikhyadooda ku sii khilaafsanyihiin!! waxaa ka mid ah waxyaabahaas Tasawufka oo Ibn Taymiya iyo Ibn Qayim labaduba ay aad u amaaneen.
Toloow wahaabiyadu ma ogyihiin in Ibn taymiya uu sharxay Sh. Jiilaani (RC)kitaabkiisa tasawufka ah ee Futuuxul-ghayb isagoo isticmaalay hadalada suufiyada sida thawqa uu wax ka sheegayo ibn abii shaama, mise ogyihiin in Ibn qayim uu sharxay kitaabka Manaazilu-saairiin ee tasawufka ah uuna alifay shiikha suufiga ah ee la yiraahdo sh. Ismaaciil al-harawi, Ibn qayim sharaxiisa wuxu u bixiyay Madaariju-saalikiin!!!
Ma ogyihiin inuu yiri Ibn Qayim " Diintu kulligeed waa akhlaaq, qofkii akhlaaq ku dheerina wuxuu ku dheeryahay diin, sidoo kale weeye suufinimaduna."!!! Madaariju-saalikiin (2/307).
Masa ogtahay Wahaabiyadu in shiikhooda Maxamed Cabdulwahaab uu yiri "Dadka diinta u nisba sheegta waxaa ka mid ah qaar daneeya cilmiga iyo fiq-higa sida fuqahada, waxaana ka mid ah kuwa daneeya cibaadada iyo aakhiro dalabkeeda sida suufiyada, waxaana ilaahay nabigiisa ku soo bixiyey diin labada noocba kulminaysa."!!! Mu'allafaat Muxamed Cabdulwaxaab (3/31).
Maxamed Cabdulwahaab wiilkiisa, Cabullahi ayaa isna ku yiri kitaabkiisa Alhidaaayatul-saniya (b 50) "Inkirimayno dariiqooyinka suufiyada iyo in baadinka laga sifeeyo danbiyada qalbiga iyo xibnaha kaleba" !!!
Haddaba waxaad ogaataa Ibn taymiya, Ibn qayim iyo M.C/wahaabka aad difaacaysaan inaadnan isfahamteen haddii ay qabuuraha ka soo bixi lahaayeen maanta. Waxaan idin kugula talinayaa inaad kolba iyaga raacdaan haddaadnaan muslimiinta kale raacayn!! wallaahu yahdii man yashaa'.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABUCABDALA

Wednesday, September 20, 2000 - 04:27 am
Ibn casakir.
MARKA HORE OGOW QOFNA SI DUUB DUUB AH LOOMA RAACO AMA AQWAASHIISA OO DHAN KAHASAB MA'AHAN IN LAQATAA, SIDA AY QABAAN SUUFIYADA EE WAA NABIMAXAMED (SALLA LAAHU CALAYHI WASALAM) MIDKA AY KHASABTAHAY IN LOORAACA SI DUUB DUUB AH TAAS WAA MID AY KULALA DUWAN YIHIIN AHLU XAQA IYO AHLU AHWAAGA.
MIDA LABAAD AY KUKALA DUWANYIHIIN LABADAAS WAA IN QOFKA WANAAGIISA LOOSUGO XUMAANTIISANA LAGADIGO, SIDAASAAS DARAADEED BAY CULAMADU U AMAANEEN SUUFIYADA WIXII WANAAG OO AY KU OGYIHIIN UGANA DIGEEN WIXII GAF AH OO AYKU ARKEEN,
LAAKIIN ADIGU WAXAAD NOO SHEEGTAY HAL QAYB AYADOO LABADA IMAAMBA AY AAD OOGA HADLEEN BAADIDA SUUFIYADA IYO AHLU TACDIILKA OO DHAN.

MIDKALANA OGOW SUUFIYADU WAXAY KUBILAABATAY NIYAD WANAAG IYO ZUDI IYO TAQWO LAAKIIN GADAAL BAA LAGA KHARIBAY!.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Nuur

Wednesday, September 20, 2000 - 06:40 am
Waydii Wahaabiyada Maxamed C/wahaab xagga ma loo dhaafsiin karaa Wahaabiyanimada ay difaacayaan? Waxaan marag madoonto ah wahaabigii wahaabiyada yaqaannaa waa ogyahay xaqiiqada, laakiin ragga weli ku hadlaya wixii aan cajaladaha ka dhegaysan jirnay ee diintayadii nalaga wareeriyey. Waxaa mahad leh macbuudkii wahaabiyada i fahmsiiiyey inay baadil aan meel loo raaco lahayn oo diintooda oo dhan tahay caay iyo in wax la gaalaysiiyo. Bal eeg kutubada wahaabiyada oo dhan waa caay iyo kufrimimo la gaalaysiiyayo dad muslimiin ah marka laga reebo kutubada Suufiyadu leeday ay sharxeen ibn Taymiya iyo ibu Qayim.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Wednesday, September 20, 2000 - 10:39 am
ninka sheekh muriidi la baxay, waxaa nasiib darraa inaadan aqrin warkii aan shalytoole halkaan ku harriiqay marka hanna daalin ee waxaad sameysaa marka hore xadiithkaa xadiithul qudisiga ahaa ee nabigu soo wariyay soo meerso oo soo baro macnihiisa. teeda kale karaamadu maaha wax aan dhici karin bal waa wax ku jira quraanka & sunnada. waadna la wada socotaan nabi muuse & cabdigii saalixa ahaa qisadoodii quraanka ku soo aroortay oo culimada qaarkood ey qabaan xitaa inuusan nabi aheyn khadir ee uu ahaa weli. sidoo kale dhallin yaradii kahfiga gashay iyadana arrintooda ruuxii quraanka nasiib u yeeshay wuu garan karaa, & maryama binti cimraan oo loo badan yahay ineysan aheyn nabi balse ey aheyd weli Ilaah. Cuzeyr isaguna waa tusaale kale & asxaabul ukhduud. dhanka sunnadana waad kawada dheregsan tihiin jureyj & qisadiisii. al xaasil, aayadahaas & kuwa kaloo badanoo la mida ka saara quraanka waayo, karaamadu wax jira maaha (waa haddii la idiin raaco ictiqaadkiinnee). teeda kale karaamada weliga gacantiisa ku soo daahirtay waa mucjizo nabigaas uu ka tirsan yahay umaddiisa iska leeyahay (waayo, nebigaas la'aantiis waxba ma ahaadeen weligu). teeda kale dhanka abdaasha waxaa ku soo arooray axaadith ee marka hore soo meerso intaadan afkaaga muggiisa furin, iskana jir nabiga aad ku jeesjeeseysid waayo, waa arrin caaqibadeeda aan loo aayi doonin. waxa ey wadaan waa hawada oo la raaco waayo, diintu maaha shopping marna meel aad ka soo qaadaneysid wixii kuu qalma maxaa yeelay arrintaasu wexey sheegee zandaqanimo iney meesha ku jirto oo ayan ahayn diyaanatan lillahi.

waxaan ka cudurdaaranaa shalay inaan qalday qoridda magaca qiblatul culamaa'i (degdeg darteed) oo ah Imaamul Nawaawi al shaafici fil furuuci al ashcari fil usuuli) oon u qoray Nawaani, marka mar labaad iga raalli noqda waa hafwatul qalamee.


wassalam,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

sheeq muriidi.

Wednesday, September 20, 2000 - 02:39 pm
ibnu xazmi.

Saxaabada yaa ka karaamo badan ummadda nabiga caleyhi salaam?. Wax iyaga ku salladan maad aragtey?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-abiishaamah

Wednesday, September 20, 2000 - 08:23 pm
IBN-CASAAL(NOT CASAAKIR):
WUXUU YIRI IMAMU AXMED:[MAN IDACAA ALIJMAACA
FAHUWA KAADIB WAMAA YUDRIIHI LACALAHUM IKHTALAFUU.
WUXUU KALOO YIRI IBN-QAYIM ALJAWSI:[SAARA MAN LAAYACRIFU KHILAAFA MINAL MUQALIDIIN IDAXTUJA CALAYHI BILQUR,AANI ,WASUNAH QAALA HAADAA KHILAAFU IJMAAC!!!!!.
mida kale maba aadan gaarin inaad garato xagee laysku khilaafay iyo meesha lagu ijmaacay waayo maba awoodid inaad fahamto waxaad akhrinayso.
ARINTA DHALAAQA HADII AAD LEEDAHAY IBN-TAYMIYAA DIIDAY,HADDII UU ISAGU IJTIHAADAY OO UUSAN ASIIBIN ANAGA YOOLKEENU WAA QOLKII NEBIGA S.C.W
IYO KHULAFADIISII RAASHIDIINTA AHAYD IYO SAXAABADIISII IYO QOFKASTA OO XAQA ASIIBA,
TAN II XIGTA,XADIITHKII NEBIGAS.C.W WUXUU AHAA
INAAN LOO SAFRIN MEELNA CIBAADO AHAAN SADEX MASAAJID MAAHANE,MARKA HADAAD U SAFRAYSO MASAAJIDKA NEBIGA s.c.w oo aad kadibna siyaaranayso nebigeenii s.c.w doodi kama taagna
wixii intaas ka duwan cida ku ijmaacday bal soo cadee walow sidaan ka dareemay qoraaladaada aadan kala saari karin oo aadan fahmi karin tafsiilka noocaasa oo aad tahay kuwii marka la yiraahdo war nebiga s.c.w waxaad ugu salidaan sidii uu jideeyay ileen ilaahay hawo laguma caabudee oran jiray NEBIGII BAALADIIDAY,NEBI DIIDOOW DILAAC iyo qubxi waxaas lamida.
HADDA KA HOR waxaad tiri foolxumo jiidka waxaa kutaal(waa sidaad hadalka u dhigtaye,waanad asiibtay oo foolxumadii ugu waynayd buu jiiday
oo waa SHIRKIGIIYE)inaysan saxaabadu garanayn tawxiidka haddaba hadii wax iimaan ahi uu kugu jiro ilaahay ka cabso oo nin culimada ku jira iska daaya DAJAAL ADIGOO KALAA toos warkaas afka uguma dhufteen,waxaase weeye arintu mas,alada 15aad ee ah inaysan saxaabadu badankeedu aysan garanayn waa xadiithka laftigiisa waayo xadiithka waxa uu sheegay mucaad aakhiru xayaatihi mana uusan sheegeene wuxuu ka baqay kitmaanul cilmi,xadiithka aakhirkiisana waa isagii waydiiyay nebiga s.c.w dadka miyaananan ugu bishaaraynaynin oo uu nebigu s.c.w yiri maya way isdhiganayaan,miyaadan akhrinse mas,alada kale ee 16aad ee ah in la qarinkaro cilmiga hadii ay maslaxo ku jirto waa midaas mida la leeyahay saxaabada badankeedu ma garanayn intii uu noolaa mucaad oo xadiithkaas ah ee maahan SAXAABADII NEBIGA AYAAN GARANAYN TAWXIID,SUBXAANAKA HAADAA BUHTAANUN CADIIM.
QABRIGA AAD SHEEGTAY MAGARAN WAXAAD ULA JEEDO HADII aad ka wadid sheegista la yiri qabrigii ciise ayay dawaafaan waxa laga hadlayo waa siday
ICTIQAADSAN YIHIIN EE in nebi ciise c.s uu alle kor u qaaday oo aysan dilin uuna soo noqon doono taas waxaa ogsoon sidaan umalaynayo adiga oo ka jaahilsan DAMEERKA CIDIINU AY XAABADA KUSOOGURATO
maxaad umalaynaysaa caalimkii ilaahay sababtiisu uu dulmigii ku qaaday waana shirkigiiye yuusan maskaxdaada ka bixin,hadiise aad leedahay maxaa loo sheegay qabriba waxaad noosoo sharaxdaa xadiithkiii nebiga s.c.w.ee mutafiqa ahaa ee ka mid ahaa hadaladii ugu dambeeyay hadaladiisii ee ahaa ALLAAH HA NACLADO YUHUUD IYO NASAARAA,QABRIYADII NEBIYADOODA AYAY KA DHIGTEEN OO KA SAMAYSTEEN MASAAJID.
Marka su,aashu waxay tahay nasaara meeqa nebi ayay lahayd mise waxaad leedahay nebigaa aaminsanaa inuu ciise c.s dhintay jawaabteeda
lagaa sugi maayo illeen waxba ka garanmayside.
CUDURDAAR:HALA YAABINE ereyada qalafsan ee aan adeegasanayo maxaa yeelay walaal waxba looga heli maayo,tan kalana waa calaa xadi qowli shaacir ALAA LAAYAJHALANNA AXADUN CALAYNAA ,FANAJHALA FOWQALJAHLI JAAHILIINAA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Thursday, September 21, 2000 - 10:30 am
"sheekh muriidi" ma cadda warkaagu waayo, ma waxaad ula jeedaa: saxaabadu karaama ma laheyn? taasoo aan rajeynaayo ineyan dhicin, mase waxaad ula jeedaa wey lahaayeen? taasoo micnaheedu noqonaayo iney karaamadu tahay wax jira. marka tanaaqudka iska jir yaa akhii haddii kale waxaad aqrisataa kitaabka uu qoray abuu isxaaq al shiiraazii "almacuunah fil jadal" si aad ugu guuleysatid jadalka aad shaqo ka dhigatay. teeda kale haddii umadihii hore aad u ogolaatay iney helaan dad karaamo leh maxaad ugu diidan tahay umaddaan muxammadiyadaa? waxad ka dheregsan tahay nebi muuse hooyadiis iney aheyd weli Ilaah oo karaamadeedu ey ka mid aheyd "wa owxeynaa ilaa ummi muusaa an ardiciihi..." marka yaan la is daallinin ee adigu ma waxaad leedahay umadihii hore haa karaamo laakiin tan maya? maxaadse ka faa iidee? abaa idriis al khuwalaani waad la socotaa in dab lagu riday saxaabina maaheeyn (sidii nabi ibraahim la yeelayoo kale laakin isaga mucjisey u aheyd sida abaa idriis ey karaamo ugu aheyd). al xaasil, ku dadaal inaad tanaaqud ka fogaatid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cadde

Thursday, September 21, 2000 - 11:55 am
sheeq murudi
karaamada aad raadinayso adiga mar hore ayaa lugu siiyey waxayna ahayd noqoto Wahaabiyo. Waxaana xaqiiqa ah wahaabiyada intooda badan inay yihiin kuwo ku caasiyey waalidkood, macalimiintoodii, mashaa'ikhdoodii good ahaan muslimiinta, ama waxay ahaayeen kuwo qaatillo ah oo godka jilicow joogijiray ama dadka dili jiray. Ama waxay ahaayeen daba ka fuullo aan diin shaqo ku lahayn markii ay somaliya joogeen. Dabadeedna qurbaha ayaa loogu sheegay diin somaliya luguma hayn, dabadeedna way rumaysteen ilayn iyagu shaqo kuma lahayn. Ilahahow yaa ninka magacan la baxay soo baara intaas ayuu mid ku dhamaandoona.Wasalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cadde

Friday, September 22, 2000 - 06:10 pm
Mahadsanid Mr. Somalienet
Walaal waa ku mahadsantahay qoraalkaaga wanaagsan ee waanada, caqli celinta iyo wadani-nimada isugu jiray, aniguna khaasatan waxaan isku deyi doonaa inaan raaco sida aad sheegtay. Laakin waxaa jira wax wadani-nimada ka wayn oo ah Islaanimada, taas ayaana u baahan in laga hormariyo wax kasta, haddii ay tahay haysashadeeda iyo difaaceedaba. Haddii halkan lugu faafinayo baadil cad waxaa qofkii wax garanaya laga rabaa inuu radiyo oo diinta Islaamka u gargaaro. Mahadsanid

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAAMICUL-BIDAC

Friday, September 22, 2000 - 08:46 pm
cadde:
LAA FIL,ISLAAMI NASARTA WALAA FILKUFRI KASARTA:
ibn-xuzni:
carabtu waxay tiraahdaa:cish rajab taraa cajab.
jahli murakaba waxaa layiraahdaa sheyga oo aad
u taqaano calaa ghayri wajhihi,waana maanta qofkii waxgaranayaa wuxuu ka dhadhansankaro xiwaarkaaga waayo?!.
ugu horayn haddii aan adeegsado asluubkaaga iyo inta meesha ku qoran ee ku hadlaysa magaca suufiyada waxaad ku laasimisaan qofka sheekha uu magaciisa wato ama uu difaacayo waxkasta oo uu yiraahdo inuu qofkaasi ku gowracanyahay,taasina maahan wuxuu ku hadlo qof caqli leh iska daa nin cilmi sheeganayee laakiin haddii aan asluubkiinaas qabsano ugu horayn ma taqaana qiyaaskan aad rabtid inaad isaga qiyaas qaadato
ragii kutawasulay camalkooda iyo in lagu tawasulo nebiga s.c.w inuu yahay qiyaas macalfaariq arimo dhowr ah ugu horayn NEBIGA s.c.w oo lagu tawasulaa waa daatadiisa shariifka ah oo lagu tawasulo,nimankaanuse waxay ku tawasuleen camalkoodii saalixa ahaa ulamana jeedo in camalkoodii uu ka fadli badnaa nebiga s.c.w ee waxay ku kala gedisan yihiin ayaan rabaa inaad ogaatid,tan kale qofna wuxuu leeyahay allow camalkaygii haddii aan dartaa usameeyay qofna wuxuu leeyahay allow nebigaaga fadligiisa iyo jacaylka aan jeclahay,ama wejiga uu agtaada ku leeyahay iyo ereyo la mida,marka taasi nas cad maahan ee waa in lahelaa nas cad qiyaasna maahan oo qiyaas macalfaariq,muxuuse ka yiri qiyaaska IBN-XAZM waa markaan adeegsado asluubkiiniiye
isaga oo aan kala saarin wuxuu yiri:
[ALQIYAASU KULUHUU BAADHIL,WINKAANA MINHU XAQUN FAHUWA CAYNUL BAADHIL]magaratay cibaaradiisa?
waxaadse umalaysaa inuu ka hadlayey sheekhu allaha unaxariistee qiyaaskaagan oo kale oo aad ula jeedid wax uun sheeg hana la yiraahdo ibn-xazm baa waxsheegay,tankale waxaad isku raacdeen in aan dalilsanay baaqilaani maxaa loo daliilsan waayay sow culimadii muslimiinta ka mid maahayn, waxaanse kuugu soo guurinay hadalkiisii waa inuu ka tawaqufay caqiidadii ashaacirah sidii uu uga
tawaqufay abu-xasanba,adinkuba sowdinkan ku haya ibn-taymiyah,ibn-qayim,maxamed c/wahaab ayaa amaanay suufiyada LAA TANHA CANKHULUQIN WATATI MITHLAH CAARUN CALAYKA IDAA FACALTA CADIIMUU,
waxaadse ogaataa suufiyadii hore ee wanaagsanaa inay amaaneen laakiin qulaadii ka dambaysay
ee dariiqii badashay inaan cidi amaaninin xitaa ragii bilaabay haday maanta arki lahaayeen waxay fadwoon lahaayeen in unuunka laga guro sidii qoorta looga dajiyay XALAAJ horay ayaana loo yiri
INNALLAAHA LAYANSICO BISULDHAANI MAALAA YASICO BILQUR,AAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBNU-TAYMIYYAH

Saturday, September 23, 2000 - 05:50 am
WAA HAGAAGE:

MIYAYDAAD HORE U AQOON AAYADANHAN IYO AXAADIISTAN AAD SOO AROORINAYSAAN?

MA IMIKAA OGAATEEN WAXA AY AXMED IBNU XAMBAL, SHAAFICI IWM KA YIRAAHDEEN QOFKA CULIMADA WAX AANAY AHAYN KA SHEEGA?

MA IMIKAA IDIINKU HORESA IN LAGU JIHAADO QOFKA SAALIXIINTA WAX KA SHEEGA?

WAAYAHAYE IDINKU MAXAAD ISUGU SHEEGI WEYDEEN HORTA?

MIYAYDAAN CULIMADA IYO DADKA SAALIXIINTA AH CAAYIN, CAAYIJIRIN?

MISE AAYADUHU WAXAY UUN DIFAACAAN CULIMADIINA OO IDINKUUNBAY IDIIN ADEEGAAN? MALAA DIINTUBA HAHWADIINAY U ADEEGTAABA? waa sidaad ka wadaane.

IMISA SHEEKH AYAA CAJALADAHA IYO BUUGTA DIINTOODA WAX LOOGU DHIMAYO FAAFISEEN, OO FAAFISAAN?

WAXAAN IDIN NIRI: BUUS, BAN IYO KIR!!

ORDAHA OO IDINKU WAXAN AAD SHEEGAYSAAN KU DHAQMA MARKA HORE!! OO IDINKU ISKU JIHAADA HADDAAD WAX GARANAYSAAN.

MIYAANUU NINKAN AAD DIINTIISII MASAXDEEN MUSLIM AHAYN? AYAA IDIIN BANEEYEY INAAD CIRDIGIISA IYO DIINTIISA HALKAN KU RIFTAAN?

MIYAANUU ISAGU SAALIXIINTA KAMID AHAYN? MIYAANUU TURJUMI JIRIN OO JUHDI KAGA BIXIJIRIN KITAABKA TAWXIIDKA EE SH- AL-ISLAAM, MAXAMED CABDI WAHHAAB?

HADDIISE AAD WANAAG WADAAN MAAD U NASEEXAYSAAN AMA BOGGIISA KU QORTAAN HADDAAD CILMI KU HAYSAAN.

ILLAAH DADKA IDINKA QABAY OO IDIN QABAY, HANA IDINTOOSIYO

HADDAAD
WANAAG
RABTAAN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

IBNU-TAYMIYYAH

Saturday, September 23, 2000 - 06:26 am
WAXAAN KALOO KU DARAYAA INTAA.

INAAN AKHRIYO JOORNAALKA SEJ EE 2GARRE MASUULKA KA YAHAY WAX QALADANA KUMA ARAG. WAXAN AAD NANABTEENA WAA WAX BUUNBUUNISEEN. IKAMANA XIGTAAN SH. ALBAANI (RA).

MIDDA KALE HADDII SANAD KA HOR LA QORAY (BAL EE QARNIGII HORE) MAXAAD MAANTA U KEENTEEN!

NASEEXO MA KA SAMAYSEEN. ILLEEN WAA WAAJIBE. TAN AAD IMIKA SAMAYNAYSAAN MAAHA NASEEXO EE WAA FADEEXO (INKASTOO WAX AAD KU FADEEXADAYSAANBA MEESHA OOLIN)

"AL MUSLIMU MAN SALIMAL MUSLIMUUNA MIN YADIHII WA LISAANIHI, aw kama qaal", XADIIS.

WAAR HA LAYDINKA NABADGALO.

HADDAYDAAN JOOJININ WAXAAD WADAAN ALLAH AYAA IDINKA AAR GOOSANDOONA.

MAXAAD CULIMADIINU MARKAY CAAYAYAAN CULIMADA KALE EE HADDAANAY KA FADLIGA BADNAYN SH. AL-CALLAAMAH ALBAANI, SIDA CALLAAMAH DR. YUSUF AL-QARADAAWI UGA DIFAACI WAYDEEN?

MISE DIINTA WAXA LOOSOO DEJIYEY INAAD KU ADEEGATAAN?

MAXAAD JIHAAD UGU QAADI WAYDEEN GEBGEBLAYAASHIINA MARKAY AFKOODA NAARTA KU KASBANAYAAN?

WALLAAHI HADDAYDAAN DAYNIN QUDHUNKAYDUN WADAAN WAYDUN ARKI. IDINKAANA CEEB ISUSOO JIIDI

WAAR HALKAA MAYDUN KU DAYN?

FG: IMIKANA WAXAAD TIRAAHDAAN IBNU-TAYMIYYAH XAQA MUU SHEEGI JIRIN EE MAGACA NOO DAA!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

RA,YIGAYGA

Saturday, September 23, 2000 - 05:26 pm
TO:NINKA LA BAXAY IBN-TAYMIYYAH
WAAN ISKU DAYAY BAL INAAN GARTO UJEEDADAADA,IYO CIDA AAD LA HADLAYSID TOONA,MAWAXAAD LA HADLAYSAA NIMANKA LEH YAAN LACAAYIN ALBAANI,MISE WAXAAD LAHADLAYSAA KUWA CAYNAYA SHEEKHA AAD MAGACIISA WADATO (ibn-taymiyyah)iyo albaani iyo wixii jidkooda haya,hadaba sida hadalkaaga ka muuqata waxaad lahadlaysaa nimanka hore,maxaad ula hadli la,dahay kuwa caayay oo gaalaysiinaya ibn-taymiyyah,ibn-qayim,maxamed c/wahaab,iskaba daa albaaniye.
[ITHBAATU DIDAYNI MACAN FII XAALIN,AQBAXU MAA YATII MINAL MUXAAL]
taasi macnaheedu waxaa weeye inaysan isku meel galaynin culimadaas jacaylkooda iyo la duubnaanta nimankaas,oo aad adeegsanaysid ereyo fool xun oo aad u isticmaalaysid kuwii difaacayay culimadaas.
HADDII AADAN dareensanayn waa sidii horay loo yiriye FA,INKUNTA LAATADRII FATILKA MUSIIBATUN,WAINKUNTA TADRII FALMUSIIBATU ACDAMUU.
Taasi mawaxay kaa tahay mudaahano mise waxaadanba kala garanayn ninkaad xaqa ku taageeri lahayd iyo kaad gacanta qabanlahayd.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

AROOSAY

Tuesday, September 26, 2000 - 11:50 pm
TO;IBNU IBLIIS SORRY KAN LA BAXAY IBNU TAYMIYA .
WAXAAD TAHAY JAAHIL AAN WAX AQOON HADAAD KU WAALATAY 2-GARRE IYO YUUSUF QARDAAWI OO DIINTA WAX KA SOO HORJEEDA IFTOODA SIDA (RIBADA ) AYAA U BANAAN QOFKA KU NOOL DHULKA GAALO ,ILAAH WAXAA KA WOOD BADIN LAHAA (NITANYAH) YAHUUDIGA AHAA ,MUUSIKADA OO UU XALAALSADAY ,HAWEENKA OO UU YIRI DOORASHADA U DAREERA .MASAA,IBTA UU KU HAYO UMMADA ISLAAMKA AH LAMA SOO KOOBI KARO.
SHEEKH AL-BAANI WAA MUJADIDKA QARNIGAN BILAA MUNAAZIC IN LAGA HUFO BEEN ABUURKA (SUUFIYADA -IKHWAANKA - SARUURIYADA OO AH KHAWAARIJ CASRIYA -SIDA ITIXAADKA OO UMMADA DHIIGOODA BANAYSTAY )

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

DearCritic

Wednesday, September 27, 2000 - 06:43 am
A calykum
Boggaani waa dheeraadi u guura bogga cusub ee ah "LABAGARE OO....(SUUFIYAH vs WAHAABIYAH) oo dooda sii wada aan ka faa'iideysanee. Dadka qaar ayaa cilmi qoraaya qaarna ra'yi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Cade

Wednesday, September 27, 2000 - 05:47 pm
Qaamicul Bidac
Wuxuu wixii aan wahaabiya ahayn ku sheegay inay yihiin jahli murakaba, wuxuuna ku fasiray inay tahay shayga oo aad u taqaan calaa ghayri wajhihi. Haddii aan kuu raaco fasirkaagaas, waxaad halmaantay oo aanad sheegin derejadaas tii kasii waynayd oo ah (haddii aadan aqoon) "shayga oo aad u haysatid siduusan ahayn adiga oo aan cilmi u lahayn, welibana aadna ogolayn in luguu sheego siduu yahay". Tusaale ahaan, Wahaabiyadu waxay sheegeen oo ay kutubadooda ku qoreen, in Ilaahay meel joogo, kursi ku fadhiyo, carshigana jiiq-jiiq ka yeertay iyo waxyaabo la mid ah.
1-waxay u haystaan si aysan arintu ahayn
2- jaahil ayay ka yihiin arrinta oo dhan
3-mana ay ogola inay bartaan oo ay xaqaa fahmaan
Hadaba QAAMICUL BADAC ha ogaado in dadkii uu wax ka baran lahaa oo xaqa ku fahmi lahaa uu ku sifeeyey jaajil murakab,isagu inuu hal darajo ka sareeyo oo uu yahay 2Xmurakab. Taasina waa meesha haddii qofku gaaro aanay u badnayn inuu xaqa fahmo wana sida wahaabiyadu maanta u badanyihiin. Ilaah baa iraadada iyo waafijintaba iska leh!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAAMICUL-BIDAC

Wednesday, September 27, 2000 - 08:13 pm
cade:
walaal cade adiga qoraalkaygii waxaa kaa quseeyay
cibaaradii ugu horaysay ee ahayd:
LAA FIL,ISLAAMI NASARTA WALAA FIL,KUFRI KASARTA.
hadaadan fahmin macnuhu waa ISLAAMKANA WAXBA UMA AADAN TARIN,GAALANA WAXBA UMA AADAN DHIMIN.
oo aan ula jeedo waxa aad ka hadashay inaysan qiimo ku fadhiyin,sidaas daraadeed ayaan isaga jeestay qoraalkaagii.
intaas wixii ka dambeeyay waxaan la hadlay ninka la baxay ibn-xazm.
haddiise hadda aan usoo jeesto kaaga ugu horayntii waxaan wahaabiyo (waa sidaad hadalka u dhigtaye)ka ahayn kuma sheegin inay jahli murakaba yihiin,hadalkaygiina dib ugu noqo.
FASIRAADA aad ii raacaysaana maahan jeebkaygee fiiri kitaabka ugu yar ee USUULU-FIQHI AH waaba hadduu agtaada yaalee,wuxuu ku fasiro jahli murakabana soo qor,mida kale waxaad tiri waxaad halmaantay taas tii ka waynayd oo ah ADIGOON AQOON SHEYGIIBA,taasi maahan tan wayn ee waxaa la yiraahdaa jahlu basiidh,fiiri kutubu usuulul fiqi,tan aad leedahay sheyga oo aad u haysatid siduusan ahayn inaad soo celceliso waa kaa hoosbaxdaye waa MURAKABKII aan soo sheegay!!!!
WAXAAD TIRI waxay qoreen ilaahay ayaa meel jooga,meeshaas waxaad ka wado anigu ma garan,haddii aadan aqoonin meel aad ku sheegto allahi ku khalqay caqiidada AHLU-SUNNAH waa inuu allaah ka sareeyo makhluuqaadkiisa,uuna kula joogo,cilmigiisa iyo qudradiisa,haddii aad rabtidna waa laguu sii faahfaahin doonaa insha-allaah.
WAXAAD TIRI waxay yiraahdaan kursi buu ku fadhiyaa SUBXAANAKA HAADAA BUHTAANUN CADIIM.
taas inaad tiraahdid xaq uma lihid laakiin maanta muslimiintii inyar oo alle u naxariisrtay uun baa garanaysa wixii qabta walaalkiis iyo waxaan qaban.
WAXAAD TIRI carshiga jiiqjiiq baa ka yeeraysa
IYANA BEEN ABUURAD KALE DHEH,waxaanse kaa codsanayaa arin aad ka simantihiin haddaad tihiin SUUFIYADA inaad iska daysaan oo ah inaad qofka haddii aad isqabataan aan lagu been abuuran ee waxa aad wadataa haddii ay xaq yihiin inaad qofkaas dadka uga digtid adigoo soo guurinaya aqwaashiisii iyo wuxuu qoray bilaa nuqsaanin walaa ziyaadah.
mida kale magacaygu waa QAAMICUL BIDAC oo aad ku bilowday laakiin markaan kale ma aqaan inaad kas ula jeedid iyo sabqul qalim miduu yahay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Thursday, September 28, 2000 - 07:09 pm
qaamicul sunnati (bidcati calaa zacmihi), waxaad ku mahadsan tahay inaad afkaaga igu difaacday waayo, been abuurad ayaad igu sheegtay adigaana igu been abuurtay waayo, inti aan qorayoo dhan meeshaan ayey ku taallaa oo meel kale wax kumaan qorin, marka maanta dadweynaha halkaan wax ka aqriya ayey ku xiran tahay iney noo kala gar qaadaan aniga & qaamicul sunnati oo laga yaabo inuu marmarsiiyo sheegan lahaa laakin maanta waxaa Ilaah mahaddii ah in wixii aan qoray & wixii aad qortay ey halkaan ku qoran yihiin taasoo tusaale cad u noqon doonta amaana xumada ey xashawiyadu caan ku tahay.
waxaaad igu sheegtay inaan idinku sheegay inaad tiraahdiin: kursi ayuu ku fadhiyaa jiiq jiiqna waa ka siiyaa (inkastoo ibnu teymiyyah uu aad ugu ceeboobay arrintaas iyada ah waxaana ruuxii raba arrin ku saabsan soo degow & fuulow sida manbarka oo kale ha aqriyo kitaabka la yiraahdo rixlat ibn badhuudha oo uu qoray nin maghribi ah waqtigii ibn teymiyyah uu noolaa).
al xaasil, amaana xumadu iney caadadoodu tahay waxaad arki kartaan inta maqaal een qoray inuusan ku jirin mid keliya een ku sheegay arrintaas uu sheegtay iyadoo aad innoogu dhiiri gelineysa inaan xashawiyada aanan lagu aaminin wax kasta diinna haba sheegin waayo, ruuxaan run & been & been abuurad kala aqoon, hadde ma aqaan si loola dhaqmo ama loola mucaamiltamo (lacallahu inow macduur yahay oo xagga dhimirka wax ka gaareen Ilaah ha caafiyo ayaan leennahay haddii ey sidaa tahay arrintu)
wixii kasoo haroo dhan maba haboona inaan waqti isaaga lumiyo maxaa yeelay sifooyinka munaafiqiinta sifo ka mida ayaa meesha soo gashay oo ah "wa idaa khaasama fajara"

wassalam,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

QAAMICUL-BIDAC

Friday, September 29, 2000 - 08:29 pm
to:ibn-xuzn
war maxaa kugu dhacay anigaabad igu lahayd caqligaa ciladi kaaga jirtaa baa dhici karta,ha isku qaldin jawaabtaan dambe ayaan ku sheegay sheekadaad ka hadlaysid,adigana kulama hadlaynine waxaan lahadlayaa CADE,isagaana sheegay sheekadaad ka dagaalamaysid,bal akhri hadaad rabtib qoraalkayga iyo kaaga midka ka koreeya ee uu qoray cade,anigu waxaan kuugu jawaabay qoraal ka horeeyay midkaas aan cade kula hadlay.
MIDDA KALE NINYAHOW CAYDA ISKA DAA,iyo masabidaada aad wadid,XASHAWIYA,MUJASIMA,qoraalkasta oo aad qortid waa ku jiraan hadaladaasu,caqiidadeenana kuma jirto in allaah lagu sifeeyo waxyaabaha caynkaasa.
HADDA WAXAAD LEEDAHAY anigu warkaas ma oran fiican,laakiin waxaad sii daba dhigtay ibn-taymiyaa ku ceeboobay,adigu waxaad difaacaysaa shey lagugu haysto,waxaanad nagu nabaysaa waxaanaan ogolayn oo aanaan shaqo ku lahayn.
WELIGAASE shay aad damacday intaad samaysid intaad allahii ku khalqay xasuusatay maka tagtay.
haddii jawaabtaadu HAA tahay ilaahay xasuuso markaad wax qoraysid waxaanad ogaataa(luxuumul culumaa masmuumah).
MAXAASE CAYDA KAA SOO TAAGAY,WAR NINYAHOW SHARAFTAADA DHOWRO,XITAA HADII AAN CIDDI KUU JEEDIN SOW ALLAAH KUUMA JEEDO.
HANA LAYS CAFIYO.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Saturday, September 30, 2000 - 05:47 pm
qaamic, waad mahadsan tahay inaad ku dadaashay sidii amaana xumida aad isaaga ilaalin laheyd, laakin weli walaal kuma qanacsani jawaabtaada waayo, markasta damiirka meesha ugu dhew ayuu ku laabtaa marka cadde & ibn-xazm kan dambaa dambeeyay adiguna maad cadeyn, calaa kullin, iska jir marka aad wax qoreysid iney isku dhex yaacaan waayo, dadku ma oga niyadaada ee waxaad qortay uunbey kugu tix gelinayaan ama kugu qiimeynayaan.
wassalam,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Sunday, October 01, 2000 - 01:42 am
qaamicul bidac

ilaahay waxan kaaga baryayaa inuu bidcada sababtaada kudabar jaro adiga iyo inta manhajka salafka unusraynaysa amiiin aaamiiin aamiiin a

amaaa ibnu xuzni

waxan qoraaladiisa ku arkay isagoo kolba darbi isku qaadaya oo qiyaas macal faariq ah marba ku dhagaya
wuxu usoo daliishada xadiiska israaga inuu qof dhintay wax anfici karayo ama lagu tawasuli karaya

su'aashu waxay tahay tolow marumaysan yahay xadiisku mowduuca uu bilaa qiyaash sitoos ah utusinaya waana

in alle kor jiro sareeye

waliba riwaayada muslim waxay ku daraysaa (inuuu nabigu noq noqnayay muuuse iyo inta alle udhaxaysa ilaaa shan salaad laga dhigay mid walibana ay udhiganto toban fadligeed))


tolow ibnu xuzni maru´maysan yahay dalaaladaa cad ???????????????

jawaabtu isagay utaaaal

una malayn maayo inuu sidaa urumaysan yahay


waayo saan hadaladiisa kadhadhan sanayay wuxu umuuqday qolyaha yidhaa

alaah laaa fowq, walaa taxt, walaa yamiin walaa shimaal, laaa daakhilal caalam walaaa khaaaarijahu


aquuul wahathaaa caynul cadam


qoraaladiisa kuma arag cibaaradan lakiin waxan arkay raga uu ku dan danayo ayaa saa uhadla

(wal bacratu tadulu calal baciir).

waxan walaaladay salafi yiinta ah ku leeyahay (macthirantan cala ta'akhur )

wax kalena ma'aha waxan ku mushquul sanahay iskuul sidaa darteed inta iskuulku bilowday waan ku yaraaday saaxada xiwaaarka


waxan leeyahay walaalkay qaamicul bidac waxad kawaanisay inuu iska dhaafo culumada uu wax ka sheegaya

siduu isaga daayaa waaba calaamada ay salafku ku gartaan ahlul bidaca e

siduu yidhi ibnu abiil xaatim(rxm)(calaamatu ahlul bidac alwaqiicatu fii ahlil athar )

wabillaahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Sunday, October 01, 2000 - 06:31 am
ninka salafi la baxay, waad mahadsan tahay inaad halkaan caadadii lagu yaqaannay mujassamada mushabahadaa halkaan ku soo muujisay. marka hore: arrinta tawasulka waa wax jira oo quraanka & sunnada ku soo arooray. suuradda aala cimraan la yiraahdo ka eeg haddii aad heli kartid musxaf (walow annahum id dalamuu anfusahum jaa uuka fastaghfarullaha wastaghfara lahumurrasuulu lawajadullaha tawwaaban raxiiman) aayadu ma sheegin marka uu nool yahay keliya ama marka uu dhintay keddib saa daraadeed aayadda quraanka ah ayey noqonee inaad ku dhacdid ood diidid ama jahliga aad ku sifowdsay ka soo noqotid waayo, Ilaah waa ghafuururraxiim (qofki raba war dheeraad ah oo ku saabsan arrintaas hala xiriiro kitaabka cimaadul diin al xaafid ibn kathiir al shaafici haka eego)dhanka xitaa geerida waad la wada socotaan acraabigii nebiga qabrigiisa yimid sida ibn kathiir uu intuu qoray sugay tafsiirkisa kaasoo tiriyay laba beyt oo gabay ah isagoo yiri:
yaa kheeyru man dufinat fil qaaci acdumahu:
fadhaaba min dhiibihinnal qaacu wal akumu
nafsii fidaaun liqabrin anta saakinuhu:
fiihul cafaafu wafiihil juudu wal karamu
marka acraabigu qabrigii nebiguu yimid isagoo shafaaco dhalbaaya si naxariis & dembi dhaaf uu u helo mana ku xirin nebigu waa dhintay ee malagu tawasuli karo,
weliba kitaabka xanaabilada agtooda muctamadka ka ah ee la yiraahdo almughnii libn qudaamatal maqdisii ayuu ku yaallaa sidoo kale . dhanka xadiithk, waxaad lawada socotaan sunan al daarami xadiithki ku yaalay ee hiinda Caaisho loo tegay markii madiina abaar ba ani ka dhacday markaasey tiri: qabriga nebiga taga ee ka fura 'kawa' samada u duleesho si saqaf uusan u jirin, markaasaa isla markiiba la waraabiyay oo dhirtiina soo dhalatay geeliina cayilay.....)
teeda kale raggaan meelaha ordaaya haddii ey ogolaadeen in 3 nin ee godka mixnadu ku heshay eey camalkooda saalixaa ku tawasuleen ee laga qaaday dhibtii haaysay miyeysan aheyn jeclaanshaha nebiga camal saalix ah hadii ey tahay waaba tahay (waana min aqrabil qurubaati cindallahi maxaa yeelay naftaada & maalkaaga inaad ka jeclaataa lagu faray si aad mumin saxa u noqotid [ama dhaha waa dhintay calaa zacmil xashawayyati ama ha ahaado mid nool] haddiise aad ogolaataan iney tahay camal saalixa, maxaad u diidan tihiin in lagu tawasulo caleyhi afdalussalaati wa azkassalaami? qofki dheeraad raba arrintaas ku saabsan ha dhaalacdo al bidaayah wal nihaayah & fatxul baarii oo ka mid ragga ugu waaweyn muslimiinta culimada soo martay calaa raghmil xashawiyati.
waxaa ku fiicnaan laheyd xashawiyada iney tagaan majaalistooda xeedka & nifaaska keliya looga hadlo & fataawaa sacuudiya laga soo diray. nimaa maanta waxow ii sheegaayay sacuudia madiinah oo lagu gedaayo alaab ey ku qoran tahay "made in isreal" maxaa yeelay shuyuukhda xashawiyadaa fatwa siisay ah :laguma aado yahuudda ee haleeska dhaafo iyagoo illaawsan ama is ilaawsiinaaya aayada ku soo arooray oo ciidaan ka badan eyna ka mid yihiin kuwa suuratul israa billaawgeeda ku yaalla iyo (waquflnaa libanii islaa iilaskunul arda fa idaa jaa a wacdul aakhirati ji'naa bikum lafiifan (sida hadda Ilaah isugu soo uruuriyay xaramka al aqsaa agtiisa))...
kolley markalaan u jawaabi doonaa jaahilkaan canjahigaa ee iska qaraaya waqtigoo igu yar dartiis, wassalam,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Sunday, October 01, 2000 - 02:27 pm
salafi, haddii aad tiraahdid Ilaah kor ayuu jiraa ama hoos waxaad martay dariiqadii mujassamada mushabahadaa lagu yaqaannay oo uu ka mid yahay sheekhaaga halkaan looga hadlaayay oo xitaa caqiidadii imaam dhaxaawi daba geddiyay oo siduu raba ka dhigtay. suldhaanul culamaai risaaladiisa ayaa aheyd:
"... leysa bijimsin musawwarin walaa bijowharin maxduudin muaqaddarin, walaa yushbihu sheyan walaa yushbihuhu sheyun,walaa tuxiidhu bihil jihaatu,walaa taktanifuhul araaduuna walassamaawaatu,kaana qabla an kawwanal akwaana wa qaddaral zamaana, wahuwal aana calaa maa caleyhi kaana, khalaqal khalqa wa acmaalahum, wa qaddara arzaaqahum wa aajaalahum, fakullu nicmatin minhu fahiya fadlun, wakullu niqmatin minhu fahiya cadlun. istawaa calal carshil majiidi bimacnalladii qaalahu,wa bimacnalladii araadahu, istiwaa an munazzahan canil mamaasati wal istiqraar,wattamakkuni wal xuluuli wal intiqaal,fatacaallahul kabiirun mutacaali cammaa yaquulu ahlul baghyi wal fasaad, bal laayaxmiluhul carshu, balil carshu waxamalatuhu maxmuuluuna biludhfi qudratihi, maqhuuruuna fii qabdatihi. waa socotaa..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAYFUL MASLUUL CALAA DAJAALKA LA BAXAY IBN-XAZM

Sunday, October 01, 2000 - 07:37 pm
SALAFIYOW WALAAL NINKAAD LA HADLAYSAA
MALAHA DUX IYO IIMAAN:
culimadii hore ninka ka mida wuxuu yiri:
[MANDAKHALA BIGHAYRI FANIHI ATAA BILCAA'IB]
waxaad ka garanaysaa ninkan isku dayay inuu tacqiibiyo mujadidkii(alqarnu saabic)sheykhul islam IBN-TAYMIYAH,daliilaadkiisa iyo sida uu u jaahwareersan yahay wuxuu daliilsaday ACRAABI
ma iswaydiinin miyaa acraabigu muxuu ahaa
MA CAALIM BUU AHAA MISE JAAHIL,la yaab malahan oo waa kuwa ka diindhigta KULU MAA HABBA,WADABBA
WAXAASE KU DHABOOBAY CIBAARADII AHAYD ....WALMUCADHILU YACBUDU CADAMAN.
waxaa ka mida hadaladiisa MUJASIMA,MUSHABIHA,XASHAWIYAH IYO HADALO KALE OO AY KA MUUQATO AKHLAAQ XUMO,HADABA BAL NOO CADEE
TAJSIIMKA IYO WAXAAD SHEEGAYSO MEESHAAD KU ARAGTAY
IYO CIDII TIRIBA.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, October 02, 2000 - 10:48 am
waxaan filaa ineyan u baahneyn in waqti lagugu dhumiyo maxaa yeelay nin afkiisa muggiis ciyay ayaad tahay oo xitaa aanba la socon halka wax maraayaan & waxa laga hadlaayo. haddii aad waqtigaaga gelin laheyd kutubta xalaasha ah ee ka hadleysa acraabiga aan ku sheegay halkaan ee ahaa waqtigii "salafka" aad isku dhejineysaan (inkastoo iyagu ey barii idinka yihiin) wey fiicnaan laheyd inti afkaaga muggiis aad ciyi leheyd.
xashawiyadu wax kale maaha ee Ilaahii waqtiga & makaanka abuuray ayey leeyihiin dhaxduu uga jiraa, marka ahlul xashwi wal tajsiim dadkaas ayaa la yiraahdaa aadan la socon halka ey ka yimideen & waxa ey yihiin. teeda kale, ibn-teymiyyah waxaad mooddaa inuu xoogaa idin dhaamay inkastoo labo sano ka hor dhimashadiisii ey aheyd markii uu yiri: qabriga nebiga looma aadi karo ziyaaro ruuxii u aadana macsi ayuu ku dhacday saa daraadeed ma gaabin karo salaadda (ileen safarkiisu waa macsiye) haddii ey ahaan laheyd bidaayat xayaatihi waa loo cudur daari lahaa laakin 726 hijriya waxaan filaa iney habooneyd inuusan ijmaacul culamaa uusan ka dhex bixin (faham la`aanta dhibaatada ey leedahay waxaan filaa waa la garan karaa ruuxii wax garan kara maxaa yeelay xadiithku kama hadleyn qabri ee wuxuu ka hadlaayay masaajid marka orangio & tuffaax ayaa isku mida ayey noqonee amaba ka fool xuntahay). al xaasil, jaahil marka uu kula hadlo waxaa haboon in la yiraahdo "nabadeey" waayo, waqti uun baa kaaga lumaayo maahee tiisiina ma ahan mid la aqbali karo tii toosneydna towfiiq la'aanaa ka hor taagan. maanta laga bilaabo insha Allah waxaan isku dayi doonaa inaan waqtigeyga qaaligaa ku gelin ama hal magac ku soco ama boqol magac la baxe. markaad waqtigaaga intaad ka gooysid safsadhadaan aad ku jirtid eed gelisid al bidaayah wal nihaayah libn kathiir & fatxul baari libn xajar, & al mughni libn qudaamata (walow kan dambe aan lafteydu waqti badan gelin haddana aan fileyn inaan u haayo laakin aan jeclahay mustaqbalka haddii waqtigu xoogaa ka soo roonaado) & sunan al daarami, al beyhaqi, intaasoo keliya haddaad soo martid ayaan filaa inaan aqrin karaayo waxa aad halkaan ku qortay oo hadda ah (non-sense)
huraa` teeda kale rucaacnimada intaad iska illoowdid isku day inaad maanta intaan ku waano qaadatid maxaa yeelay maalin kasta arrintu internet ma ahaan doonto ee waxaa leesugu soo bixi doonaa amaakin caammah oo aan la iska yeeleynin waxaan doonanaa kuteybaat (fatawaa & ruduud) keliya ku qoran ama 1800-fatwa ayaan wacanaa.
alxaasil, mustaqbal sameyso oo internet yuusan ku sirin haddii kale xashawinimo tajsiimiya ku qaraabo; get life looser yahoow.
thanx for all of those who sent me emails and show their support of my articles and please as some of you stayed away from writing continue doing so, because these people will never take heat of what is been said. may Allah reward you for the beuatifull messages that you sent me all, and sorry for not been able answring them all, but i will try to reply as time permitts and things get easier.
wassalam,
ibn-xazm
"nusammillaaha sheya`n laa kal ashyaa,i
wadaatan can jihaatissitti khaalii"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Monday, October 02, 2000 - 11:00 am
F.G: qalad xagga qoraalkaa:
risaalada suldhaanul culmaa i ee towxiidka ka hadleysay aniguu ugu jawaabaayay ninka salafi la yiraahdo waayo, wax badan ayaa isaaga dhex yaacay, anigoo rejeynaaya inuu ka soo laabtay tajsiimkii uu ku labnaa sida risaaladiisa kore uu ku xusay. qeeybteeda kore sadarka labaad ayaan ku qoray: muaqaddarin waana muqaddarin,
sidoo kale sadarka labaad (hoos kasoo billaaw risaalada) waxaan qoray: kabiirun waana kabiirul

akhwaanka jecel diinta waxaan ku dhiiri gelinaa iney akhristaan ama loo aqriyo jowharada sheekh ibraahiim allaqqaani al maaliki al ashcari haddii ey heli karaan sharaxa sheekh ibraahiim al baajuuri wey ka sii fiican tahay, xitaa hala isku dayo in la xafido waayo, wax badan maaha (boqol & dhowr beyt keliya)

wassalam,
ibn-xazm
nusammillaaha sheyan laa kal ashyaa i
wadaatan can jihaatil sitti khaali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SHIHAABU DIIN AL-ATHARI

Monday, October 02, 2000 - 11:21 pm
TO ; NINKA LA BAXAY IBN XAZM .
WAR ILAAH KA CABSO OO UMMADA HA UGU YEERIN MAD-HABKA ICTIZAALKA AH , OO MA OGTAHAY IN UU KITAABKA SHARAXA BAAJUURI UU LEEYAHAY QU,RAANKA WAA MAKHLUUQ ?.
WAXAA UU YIRI BAAJUURI (MABXATHKA AL QUR,AANU KALAMU LAAHI) AYUU SHARXAAYE HADALKII IMAM MAALIK OO AHAA [AL QUR,AANU KALAAMU LAAHI ,WA KALAAMUHU MINHU , WALAYSA MINA LAAHI BISHAY,IN MAKHLUUQ ]WAXAA UU KU SHARXAY BAJUURI ( KHALAQAHU FII LOOXIL AL MAXFUUD)
MA WAXAAS AYA DADKA UGU YEERAYSAA WAR ILAAH KA CABSO WAXAAD AQOONIN DADKA HA KU LUMININ.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Tuesday, October 03, 2000 - 04:09 am
inal xamda lilaah naxmaduhuu wanas taciinuhuu wanas taqfiruhu wanacuudu bilaahi min shuruuri anfusinaa wamin sayi'aati acmaalinaa wabac


ibnu xuzni

awalan ninkani wuxu iska soo qorayaa wax bilaa marjic ah iyo waliba meel looraaco waxana laga yaabaa qofkaan wax ilmaam ah uluhay cilmiga sharciga inuu umaleeyo nin xooga bidaaco ah wata lakiin waxan idíinku bishaaraynayaa inuu yahay durbaan hoos ka xordan oo kale wax ka qaylo badan majiro hadaad qaadidna isagaa ugu fudud ashyaada

saaa waxaaa lamid ah ibnu xuzni

waxan rabaa inaa idintuso ninkan iyo kuwuu ka dhaxlay arinkanba inayna ka dhowrsan marnaba been abuuradka ayna caadi utahay shayga beenta layidhaa waxana ognahay inuu nabigu(scw)markii lawaydiiyay qofka mu'minka ah zinaystaa uu yidhí haa wax maxadaa haa been masheegaa maya owkama qaala

hada kahor ibnu qayim(xrm) nuniyadiisa ku yidhi isagoo been tooda ka hadlaya (falbuhtu cindahum rakhisun sicruh @@@@@@@ xathuu bilaa keylin walaa miiizaani)fiiri(2/182)nuuniyadisa

wuxu yidhi ninka ibnu xuzni((inkastoo ibnu teymiyyah uu aad ugu ceeboobay arrintaas iyada ah waxaana ruuxii raba arrin ku saabsan soo degow & fuulow sida manbarka oo kale ha aqriyo kitaabka la yiraahdo rixlat ibn badhuudha oo uu qoray nin maghribi ah waqtigii ibn teymiyyah uu noolaa).
)

walaal layaan waxad ogaataan in kitaabkan rixlatu ibnu badhuudha layidhaa qoray uu ku qoranyahay inuu yidhi ibnu badhuudha(waxan galay baclabak waqti cishe ah waana ka kalahay anoo aad ugu riyaaqsan galitaanka dimishiq waxana gadhay maalin khamis ah sagalkii bisha ramadaan sanadkii 726H dimishq shaam, waxan dagay madarasada looyaqaan SHARAABIISHIYAH dhexdeeda -----

hadalkuu siiwada oo wuxu yidhi (waxa kamid ahaa fuqahada xanaabilada ugu waawayn taqiyu diin ibnu taymiyah )markasu siiraaciyay(waxan xaadiray malin jimce ah isag oo dadka wacdinaya mimbarka jaamica korkiisa oo waaninaya waxana kamid ahaa hadaladiisa inuu yidhi -yacni ibnu taymiyah- (alle wuxu usoo dagaa samada soke sadaa aan usoo dagayo oo kale)markasu hal jaran jar hoos mimbarka uga soo dagay waxana ku gacan saydhay faqiih maaliki ah oo layidhaa ibnu zahraa)

akhriste xususnow inayna qoomku beenta ka dhowrsan ilaa qof alle una xariistay mooyee


hadaba buhtaantan iyo radiskeedu waakan waxanu wada ognahay ibnu taymiyah in laxidhay

lixdii shacbaan sanadkii 726H yacnii halbil kahor ibnu badhuudha galitaankiisa dimishiq wuxuna kaga soo bixay ibnu taymiya xabiska isagoo lagu wado naxash waayo wuu ku dhintay jeelka dhexdiisa waxaynu kahelaynaa akhbaartiisa tariikhda ibnu kathiir iyo dhamaán tarjamadiisa marka nin walba oo haya kutubtiisa ha eego tarjamada sheekha .

hadaba su'aashu waxay tahay mimbarku ma intuu duulay ayuu dhexgalay jeelka !!!!!!!!!!!!!!

masaladan lafteedana oo ah inaan alle makhluuqa lagu shabihi kutubta sheekhá wayka buuxdaa

wuxu yidhi sheekhul islaam(....sidoo kale haduu lamid dhigosifaadka alle safaadka makhluuqa oo kale oo uu yidhaa istawaha alle waa istawaha makhluuqa oo kale amaba wuxu usoo dagaa sida makhluuqa oo kale imw qofkaasi waa mubtadic )firi fatawadiisa(5/262)

waxa kalu yidhi
(laguma matalo istawaha alle istawaha istawaha makhluuqa oo kale, lakiin alle waxa loosugaa wuxu alle susugay oo magacyo iyo sifaad ah waxana laga hufaa alle in makhluuqa lagu shabaho hana la'ogaado inuuna jirin wax alle lamid ah ama thaatadiisa ha'ahaato ama sifaadkiisa iyo afcaashiisa )buugii hore(5/263)
markasu wuxu sii raaciyay isla safxadaas qowl uu iska leeyahay Nucaym binu xamaad alkhuzaacii wuxu yidhi nucaym(ninkii ku shabaha alle khalqigiisa wuu gaaloobay ninkii diida wuxu alle isku tilmaamayna wuu gaaloobay, kumana jiro wuxuu alle naftiisa ku sifeeyay ama rasuulkiisu(scw)uu ku sifeeyay TASHBIIH)

waxa kaagaa cad in ninkani wuxu dusha kasaarayo ibnu taymiyah ama salafiyiinta aytahay been abuurad uu ka dhaxlay kuwii kahoreeyay waanad arkaysa siday ugu been abuurteen ibnu taymiyah


su'aal muhiim ah baan waydiinaya ibnu xuzni oo uu nabigu waydiiyay jaariyadii mucaawiya ibnu xakam asulami waana

::::::::::::::::EYNALLAAAH:::::::::::::::::::????

haduu bixiyo jawaabtii ayjaariyadu kumutaysatay inuu nabigu iimaan uqiray wuukasoo baxay su'aashaas jawaab teeda hada iska daba wareegaystana waynu uwada joognaa


amaa karaamaatul owliyaada uu korka naga saaray inaan in kirayno kudar qaamuus koodii magiciisu aha

::::::::::::::BEEN ABUURAD:::::::::::::::::::::::

bal sheekhan uu korka kasaran yahay waa ibnu taymiya wuxuu baadhan ugu sameeyay ktaabkiisa layidhaa CAQIIDATUL WAASIDHIYAH qofkii rabow ee

lakiin huduu rabo ibnu xuzni inaan uqirno waxay suufiyadu ku magacaabaan karaamo oo ah nin aan waligii tukan in layidhaa waa wali gortaad waydiiso war maxaad utagi wayday masajidada uu kujawaabo waxan ku soo tukaday xaramkii taas waan diidnay waa runtaa amaa tan jurayj iyo qisooyinka lamid ka ah karaamada noocaas ah waan qiraynaa

lakiin sixrool dab afka ku sita amaba marba waran dhanka kale isaga bixinaya waan kaa diidnay inaad noo latimaad ood tidhaa waa karaamee qira

wan siiwada ishaa alaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Tuesday, October 03, 2000 - 09:21 am
shihaab, maan rabin inaan kuu jawaabo yaa akhii laakin ma ogtahay inuu yahay sheekh ibraahiim al baajuuri sheekhul islaam somaliya haddii aad tahayna masaail badanoo laga fiirshay kitaabkiisa laguugu dhalay ama laga bartay. marka jisaarnimada iska daay, waayo, xashawiya ( oo yiraahdeen Ilaahey makaanuu ku jiraa & zamaan! markuu abuuraayay makaanka & zamaanka ma jirin miyaa Ilaahu? [subxaanahu cammaa yaquuluddaalimuuna]), amaa kan damba ee salaf la baxay (wassalafu minhu barii'un) waxaa ku habboon inuusan ceebaha xashawiyada halkaan keenin waayo, macruuf ayaad ku tihiin kutubta xalaashaa ood nijaaseysaan saa ma allifi kartaane. alxaasli, wax hadda cusub ama lala yaabo maaha inaad ibn badhuudha kitaabkiisii isku toos toosisaan si uu hawadiina ugu ekaad waayo, kitaabo ka daran ayaad tosheen waxyaabihii iigu yaabka badnaa waxaa ka mid ahaa albaani oo kitaab uu leeyahay xaafid al dahabi "tasxiix" & "tadciif" ku sameynaaya si toohuu intuu fahamkiisa gaaray dhaafay, markaasuu leeyahay [ceebta meeha taal xooggeeda] halkaan waan ka 'dhilqiyay' oo waxaa ku qornaa wax aanan jecleysan [calal aqal hadduu dhihi lahaa warkaan ayuu qoray xaafid al dahabi aniguna sidaan ayaan u arkaaa wexey noqon leheyd amaana cilmiya oo la gutay (yowsanba meeluu dahabi kun sano maray mari karine). hadde haddiiba sheekhoodii yahay sidaan waxaan filaa ineysan meesha wax badan oolin oo dadku ey yihiin dad ku nool "sharaa idh" cajalado laga soo duubay sacuudi oo ey ku duuban tahay "qiyaas macal faariq" sida beryahaan ey isticmaalayeen shuyuukh ku sheegga xashawiyada. waxaan idinkula talin lahaa inaad dadka wax idiin aqriya aad runta u sheegtaan ood dhahdaan: waa run in loo baahan yahay xeed & nifaas masaail ah. laakin waxaan rabnaa wax kaloon la goob tagno hadde cajalad & internet masononaayiine. waxaan filaa amaanadii maadaama ey luntay ineysan habooneyn in waqtiga la isaaga qaado, teeda kale umadda nebiga naceebka loo qabo intuu la eg yahay waxaa u daliila ninkaan yiri: jureyj waaan u oggol nahay laakiin (sida laga fahmay hadalkiisa) abaa idriis al khuwalaani & uweys alqarani uma oggolin saa maxaa yeelay waa umadda nebigee.....!!!!!!
amaa su'aalihiisa kale dheg uma dhigaayo waayo, ilaah ayaa quraankiisa ku sheegay sifadiisa suuradda aala cimraan billaawgeeda "fa ammaladiina fii quluubihim zeygun fayattabicuuna maa tashaabaha minhu ibtigaa al fitnati..."
markii hore wexey yiraahdeen ma jiro wax la yiraahdo madhab (welina qaarkood ey aaminsan yihiin sida kamuuqata ninkaan aananba aqoonsheekhulislaam sheekh ibraaahiimal baajuuri oo kitaabkiisa fiqhigaa sheekhi aabihiis & hooyadiis markey is xalaashiisanayeen isku darayay
ka soo meersaday kheerka uu xadiithka nebigu ku sheegay "ruuxii Ilaah ladoono kheer diinkuu fahsiiyaa" ayuu leeyahay waa ....! wax laga yaxyaxoodo cilmi la'aanta meesha taal, Alla maanakaan yaabin.
wassalam,
ibn-xazm
"leysa kamithliHi sheyun waHuwassamiicul basiiru"

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAYFUL MASLUUL CALAA DAJAALKA LA BAXAY IBN-XAZM

Tuesday, October 03, 2000 - 08:38 pm
ibn-xaziin:
Rasuulkii alle s.c.w waxaa laga wariyay inuu yiri
[HADDII AADAN XISHOONAYNIN,WAXAAD DOONTO SAMEE]
Waxaase arin laga murugooodo ah maanta inaad helaysid oo aan aniguba akhriyay qaar ku kadsoomay xoogaaga badeecada raqiiska ah ee aad wadatid,iyagoo u malaynaya inay wax kaa dheefayaan
waxbase kaa dheefimaayaan aan ka ahayn mugdi oo uu u dheeryahay mugdigoodii,laakiin ninkii ilaahay nuurkiisa la maago(falaa raada lifadlihi).
WAXAANSE XASUUSIN LAHAA WALAALAHA U QABA INAY KHAYR KAA DHEEFAYAAN inaysan ku kadsoomin kutubta aad magacyadooda intaad aragtay aadan garanayn xitaa fahaaristooda,iyagana agtooda aad ka tahay caalim(ZACAMUU)oo aysan daba gelin (KULU NAACIQ)
WAANA midkastoo iska qayliya ee inay ka tashadaan kaasoo kale waxna bartaan(maca ikhlaas)ayna ogaadaan in sheydhaanba ha ahaadee inuu midkastaa dadka ka soogalo KHAYR BAAN KULA DOONAYAA,waxaana tusaale idiinku filan qisadii allaah uu kitaabkiisa noogu sheegay ee ahayd waswaasintii sheydhaan uu waswaasiyay ABUUNAA AADAM IYO HOOYADEEN XAAWO wuxuu ku yiri waxaan idiin ahay nin khayrka idinla jecel hadana aamin ah ee cuna geedka allaah wax kale idinkaga reebi maayo inaad ahaataan kuwa weligood waara ama laba boqor,markay rumaysteen una maleeyeen inuu khayr la maagan yahay waad garanaysaan dhamaantiin wixii dhacay,halkaanse si fiican ugu fiirsada SHEYDHAAN ISAGU SI CAD AYUU UGU TALO GALAY AMA UGU TALA GALAA INUU DHUMIYO ADOOMADA ALLE,LAAKIIN IBN-XAZIIN WUXUU RABAA INUU DHUMIYO ADOOMADA ALLE(MIN XAYTHU LAA YADRII,WALAA YASHCUR).
WAXAANSE IBN-XAZIIN ORANLAHAA WAXAAD SOO BANDHIGAYSAA WAA CAQLIGAAGII intaad wax qoraysid.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Wednesday, October 04, 2000 - 03:09 am
BISMILLAH WALXAMDU LILAAH WABACDU

AWALAN WAXAn WADA OGNAHAY INUU U QAYBSAMO tawasul sadex qaybood oo mid afraysa lahay ninkii wax ka saa'ida layimaadana ogow inuu baadi ku daba dhagan yahay

1 waa inaan ku tawasulo sifaadka iyo magacyada alle waxana udaliil ah qowlkii alle (alle wuxu leeyahay magacyo wanwanaagsane ku barya)acraaf (180)

2 camal wanaagsan oo aan ilaahay dartii usamaynay taana waxa udalii ah sadexdii nin ee godku ku daboolmay

3 qofsaalix oo aad tidhaa alle inoo bari daliilkeeduna waa xadiiskii cabaas binu cabdil mudhalib


amaa shubahaad ibnu xuzni iyo jawaabtooda wasidan



wuxu yidhi ibnu xuzni(dhanka xadiithk, waxaad lawada socotaan sunan al daarami xadiithki ku yaalay ee hiinda Caaisho loo tegay markii madiina abaar ba ani ka dhacday markaasey tiri: qabriga nebiga taga ee ka fura 'kawa' samada u duleesho si saqaf uusan u jirin, markaasaa isla markiiba la waraabiyay oo dhirtiina soo dhalatay geeliina cayilay.....)
xadiiskan waxa wariyay daarami(1/43)
sheekheena salafiga ahna wuu daciifiyay xadiiska waa albaaniye oo wuxu ku sheegay inay kujirto sadex jiro

1 waxa sanadkiisa ku jisra buu yidhi nin daciif ah oo layidhaa saciid binu zeyd

2 ninka uu kawarinaya daarami ee layidhaa abuu nucmaan sanadadii ugu dambeeyay cumrigiisa ayuu isku dhexyaacay marka intuuna isku dhexyaacin cidii kawarisay waa laga aqbalayaa xadiiska kadib cidii kawarisayna lagama aqbalay
marka xadiiskan buuyidhi lama hubo inuu daarami kaqaatay isku dhexyaaca kahor ama isku dhexyaaca xifdigiisa kadi(fiiri risaalada uu soo uru riyay sheekh ciid cabaasii ee layidhaa atawasul anwaacuhu wa axkaamuh(140-141)

3 tasadexaadna wuxu yidhi xadiisku waa mowquf.

aquul waxana ognahay inuu mowquufku kamid yahay qaybaha diciifka sidaa darteed waxan ku leenahay ibnu xuzni(xadiithuka yaa haathaa daciifun faruddahuu::::::::::wamaa kaana yowman fishawaahidi yuqbaluu)

waxa kalu yidhi

.( suuradda aala cimraan la yiraahdo ka eeg haddii aad heli kartid musxaf (walow annahum id dalamuu anfusahum jaa uuka fastaghfarullaha wastaghfara lahumurrasuulu lawajadullaha tawwaaban raxiiman)

waxan leenahay wax xujo ah oo kuugu sugan jirto aayadan waayo jumlada ku jirta oo ah (kuuyimaadaan)baatusanaysa inay kahadlayso aayadu wakhtiguu noolaa nabigu(scw)mathalan aayada kadanwaxa kahad laysaa inaan u xugun tagno ninka maanta yidhaa labadii isqabataba ordaya oo qabriga nabiga u xugun taga bal kawarama xaalkiisa jawaabta akhristahaan udaayay

waayo haduu nool yahay isagaa loo xugun tagayay laakiin haduu dhintay waxan uxugun tagaynaa sunnadiisaa,marka waxad tidhaa nin meel uu cuskado waayay .

waxa kaloon idiin sheegayaa arin faa'iido leh waxana tahay sida alle uu nabigiisa(scw)iyo inta raacdaba uu ugaleexiyo cayda acdadooda

waxa laga warinayaa abuu hurayrah(rdc)inuu yidhi nabigu(scw)miyaydaan layaabayn siduu alle iiga leexiyay cayda qureesh iyo nacladooda? waxay caayayaan MUTHAMAM waxayna nacdalayaan MUTHAMAM, ANNA MUXAMAD BAA LAY YIDHAA)rawahu bukhaari

wuxu ku yidhi ibnu qayim isagoo ka hadlaya ibnu xuzni iyo ragiisa siduu caydooda alle uga leexiyay ahlu sunnada

baa wuxu kuyidhi nuuniyadiisa(haathaa wathamma ladhiifatun ukhraa bihaaa::::::::::silwaanu man qad subba bil buhtaanii::::::::::tajidul MUCADHILA laacinan liMUJASIMII ::::::::::WAMUSHABIHIN lilaahi bil insaanii::::::wallaahu yasrifu thaaka can ahlil hudaa ::::::::::ka MUXAMADIN wa MUTHAMAMIN ismaanii:::::::hum yashtumuun MUTHAMMAMAN wa muxamudun can shatmihim fiimaczilin wa siyaanii::::::::saanal ilaahu maxamadan fillafthi wal macnaa humaaa sinwaanii::::::::::ka siyaanatil atbaaci can shatmil MUCADHILI LILMUSHABBIHI haakathal irthaanii:::::::wassabbu marjicuhuu ilayhim ith'humuu ::::::::::ahlun likili mathamatin wahawaanii::::::::wakathal MUCADHILU yalcanis mamushabihin:::::::::wasmal MUWAXIDI fiiximarraxmaanii..

waxa iyana kuwan lamid ah oo uu mowduucani khuseeyaa kuwa casrigan salafiyiinta ku magacaabaya magacyo ayna labixin iyago qasadkoodu yahay inay dadku ka didaan (calayhim minalaahi maa yastaxiquun)


::::::::::::IBNU XUZNI OO KU JEES JEESAYA SUNNADA NABIGA(SCW) EE SAXEEXA AH:::::::::::::


WUXU YIDHI

(dad ghaayadoodu ey tahay in shaaribada la xiiro, maradana kor dheer la geeyo, garkana la daayo iyadoo aan la nadiifin la shalleynin, ee timahu duugeen indhaha aadna moodid nimankii dirbiga madaxa ku garaacaayay ee falastiin xoogay,)

HADABA AKRISTOW MA CAAQIBAAD KASUGAYSAA NIN KU JEES JEESAYA SANADA NABIGA EE TUSINAY IN GADHKANA LASII DAAYO MACAWUUSTANA LAGAAB SADO

IBNU XUZNI WAXAN OGNAHAY INUU INAGU SOO WAREEYAYA QORAALADIISII HORE NABIGAAN JECLAHAY HADUU

MISKIIN MA OGA IN NABIGA JACAYLKIISU UU KU TAXQIIQSAMAYO SUNADIISA OO LARAACO AMABA WUU OGYAHAYE (IBTIDAAC BUU KA DOORTAY ITTIBAACA)
WAXASE LAYAAB LEH NINKU SIDUU ISUGU OOMINAYO AXAADIIS DACIIF AH KU DHAQAN KOODA SIDA KAA KOR KUQORAN OO KALE IYO SIDUU UGU JEES JEESAYO SUNADA QADHKA OO LASIIDAYO IYO MARADA OO LAGAAB SADO ,'
WAXA HADALKAN OO KALE HADA KAHOR KU HADLAY NINKA LAYIDHAA QUDUBI MARKA NIMANKU WAA ISKU WADO E KU BARAARUG WALAAL OO HADA KAHOR WUXU YIDHI NINKA LAYIDHAA ´XASSANUL BANNA HADAL MICNIHIISU YAHAY INUU IKHTILAAFKA TAWASULKU AHAYN IKHTILAAF CAQADI AH

MARKA BARAARUGA WALAALAYAAL

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Wednesday, October 04, 2000 - 04:36 am
istidraaak

aayada uu ku sheegay ibnu xuzni inay ku jirto aala cimraan kuma jirto e waxay ku jirtaa


suuratu nisaa aayada 64

waxan ka cudur daaranyaa inaan qoray warqadaa kore anoo dag dag sanaya marka wixii khalad aan u qoray halaga raali noqdo


ibnu xuzni waxaa kalon arkaynaa inuu diin tiisa ku dhisayo nin acraabi ah oo yimid qabriga nabiga(scw) iyo wax lamid ah

su'aasha iswaydiin leh baa waxay tahay maxa looga waayay sunanta axaadiis tusinaysa inay saxaabadu baryi jireen qabriga nabiga(scw) waxad halkaa ka fahmaysaa inayna wax jira ahayn bal saxaabadu waxay u arkayeen inay shirkiyaad tahay waayo nabigaa baray .

nacuudu bilaahi min hadal jaahil, addajaaal


waana cadayn doonaa ishaa allaah beenta iyo khuzac balaadka uu meeshan ku soo qorayo


waxa kamid ah talbiisaad kiisa inuu (yatashabac) dadka ila soo xidhiidhaya raali ahaada marna e-mailkii waa shaqayn waayey marna waa shaqaynayaa

siloomoodo inuu dad haysto yaa usheega inay dadkayaga somaliyeed xataa kuwa aan diin dcimidheer ulahayn ka dharag sanyihiin khuzac balaadkiina.


walxamdu lilaaaah

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xaq doon

Wednesday, October 04, 2000 - 12:21 pm
bismillaah al-xamdulillaah
Walaal Ibn xazm waad mahadsantahay,diin farabadan oo aanan aqoonna waan kaa faaiiday. Anigu waxaan ahay caami oo cilmi badan malihi laakiin markaan akhriyay doodaan waxaa iiga soo baxday inaan nimanka surweelka gaabani cay mooyee cilmi kale meesha ku hayn. Waxaa intaas ii dheer anigu iga waan difaaci jiray markii hore laakiin xaq baad ii iftiimisay ee Allah ha ku iftiimiyo. xalqadood dambena tegi maayo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Thursday, October 05, 2000 - 01:04 am
Xaq-doon.

Amaad xalqada horeba u xaadiri jirin saaxiib?. Xaqqa uu iftimiiyey ibnu xazmi wax manooga taataaban kartaa oo aad ku raacsan tahay?. Mise waxaad ku raacsan tahay:

1- Awliyada in la baryo.

2- Nabiga caleyhi salaam in la baryo.

3- XULUULIYADA sida kirishtaanka aamminsan yihin in diin laga dhigto.

4- Sifaadka ilaahey in la inkiro ama laga leexiyo macnahooda.

5- Quraanka in la abuurey oo uusan aheyn kalimaatkii ilaahey.

6- In lagu been abuurto culumada islaamka?.

Kani waa sheydaan ee haddaad sheydaannimada la wadaagto sheeg oo aad iska dhigeyso nin xaqqa fahamey.

formerguest.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

marti.

Thursday, October 05, 2000 - 01:24 am
walaalaha kalee ahlusunnah waljamaacada ah ee ka badbaadey inxiraafka ashcariyada iyo suufiyada:


Waxaa idin saaran waajib ah inaad ka hadashaan towxiikda sida dadka aan aqoonta u laheyn looga badbaadin lahaa caqiidada haddamada ah ee ninkan ibnu xazmi la baxay ka xoojiyo meesha. Noo fura cinwaan aad kaga hadleysaan:

1- Baryada iney cibado tahay.

2- Ilaahey wax kasoo harey inaan la baryi karin nabi muxammed scw markii lagu daro oo arrintaa waciid adag u kasoo aroorey kirishtaankana ay ka mid tahay wax yaalaha diinta eebbe ay uga baxeen.

3- Sifaatka ilaahey iyo in la sugo wuxuu isaga sugtey oo nabiga caleyhi salaam iyo saxaabadiisana ay u sugeen. iN LOOGA DIGO MOWJUDKAN OO LA MID AH TYAN KRISHTANKA AY KA AAMMINSAN YIHIIN ilaahey inuu hdex galey nabi ciise sidaana uu isu tusey dadka maadaama aan ilaahey cayaan loo arki karin.

4- Quraanka inuu kalaamkii ilaahay yahay sida ku cad "wakallamallaahu muusaa taklimma" oo ilaahey uusan abuurin kalaamkiisa.

Hadal alla hadalkuu ninkan ku hadley ee gafsan xaqqa cinwaan ka dhigta si dadka ay u arkaan xaqqa iyo baadilka midka sarreeya oo meesha aysan u noqon in la isku tuur tuuro sadaro aan baahi tireyn su'aalaha dadka is weydiin karaan. Anigaa canaawiinta idiin furayee adinka mowduucyada soo diyaariya.

Wassalaamu caleykum waraxmatullaahi.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Thursday, October 05, 2000 - 02:07 am
xaq doon, adigaa mudan walaal, nimankaan wax yaabihii ugu yaabka badnaa een ku arkay waxaa ka mid ahaa nin iyaga "cansanaa" jiray oo xitaa meeshi laga taabto dhiig ka imaaneyn ayaa waxaa dhacday inaan magaaladii uu joogay ka tegay markii aan soo noqday muddo keddib ayaa waxaa dhacday inuu ninkii qaatay dhagax oo markuu tukanaayo dhagax ku tukado (waa shiicoobay) ahlu sunna ayuu kaga baxay cuqdada uu u qaaday nimankaan uu difaaci jiray berigii uu yimid wax gartay illaa & hadda. nimankaanu wexey diideen acraabi asaxaabadi waqtigoodi joogay oo haddii uusan xitaa aheyn saxaabi uu noqonaayo taabici maxaa yeelay wuxuu la kulmay saxaabadiiye, laakin lalama yaabaayo, saa maxaa yeelay meel bukta & fartaa is og oo wexey nimanku raacsan yihiin ninkii ahaa "dul khuweysira al tamiimi" oo nabiga yiri: cadaadal samee! iyaguna ey yiraahdeen postaaluu ahaa! maa ashbahal leyla bil baarixati!
wexey ku leeyihiin nabiga tawasulkiisa waa caabudaad iyagoo og inuu ka kheer badan yahay jannada, carshiga, kursiga & makhluuqaadka Ilaah oo idil. waxey yiraahdeen waad caabudaan nabiga laakin waxeysan ogeyn in nabiga jaceelkiisa uu ka muhiimsan yahay kan xajarul aswadka waayo, ruuxa muminkaa ayaa ka kheer badan maca daalika waa la dawaafaa oo waa loo qasdaa ziyaaradiisa, oo ducada buurta carafo agteeda ahaatay & maqaamka oo agtiisa lagu tukto ayaa waxaa lagu helaa waxyaabo fara badan oo Ilaah agtiisa ahaaday, marka tolow ma is weydiiyeen nabigu postale keliya maaheyn oo Ilaah agtiisa ayuu ka leeyay jaah ama ha noolaado ama ha geeriyoodee? teeda kale: nabiga ayaa yiri: tawassaluu bijaahii fa inna jaahii cindallahi cadiim. marka waxaad aragtaa ineysan xitaa ogoleyn axaadiithta nabiga ilaa ey ka soo marto ninka aan sifooyinkiisa horey ku soo sheegnay oo kitaabkii imaam dahabi dhilqiyay isagoo weli sheegay inu dhilqiyay sida c/Qadir arnaauuudh uu u dhilqiyay kitaabkii imaam nawaawi ee adkaarka ahaa (oo weli koobi kiisaa la helo) isagoo illowsanaa in boqol dabco laga haayo ee aanan sidi yahuudda & masiixiyiinta loo beddeli karin. alxaasil, sheekhoodu waaba isagoo ka cilmi badan culimadii imaam daarami keddib temid ee uu ka mid ahaa ibn xajar & ibn kathiir & ibn qudaamata (teeda kalena acraabiga aan maalin hore soo sheegay kutubtoodow ku yaallaa marka ma filaayo in nimaan xishooneyn inuu kitaabada muslimiinta xalaashaa qorteen uu taxriifiyo in lagu aamini karaayo axaadiithta nabiga.
waa socotaa
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Thursday, October 05, 2000 - 02:27 am
teeda kale akhristoow marka aad akhrineysid isku day inaadan gudbin nabiga magaciisa adigoon ku salliyin waayo, Ilaah ayaa na faray (oo maaha caabudid aan caabudeyno sida ey nimankaan warka u dhigeene). waxaa soo if baxaaya in beryahaan lacagtii ey istaagtay waayo, wadaadkii lacagta farriqi jiray ee ahaa ibn baaz wuu geeriyooday waxaana jirta inuu door weyn ka ciyaaray manhajkaan najdi laga keenay gaar ahaan wixii ka dambeeyay 1973 dii oo ah markii uu banziinku qiimiisu cirka isku shareeray isla markaana ey soo geli jirtay wadaadka sanadkii (sida journaallada qaarkood ey qoreen 500 oo malyuun) si uu u faafiyo dacwada najdiyadaa ee tashaddudka ku saabsan wax kastana xaaaran ka dhigeysa ama xaaraan ku dhow. al xaasil, hadda wadaadkii tag & sakhinimadiisii sidaad la socotaanna iyaga dhaxdoodii ayaa isku kacsanoo mid kasta midka kale uu lacnad dusha kaga tuuraa; iyagoo u kala baxay boqol firqo sida: saruuriyiin, jaamiyiin, mudaakhala, maalaayaclamuhu Illaah. almuhim, waxaan idiin sheegaa nabigu inuu yiri sida nabi ciise ey kirishtaanku ka dhigeen oo kale (Ilaah ayuu ahaa ama Ilaah wiilkiisa) ha iga dhigina laakin wexey garan waayeen in waxa la reebay ey tahay sida kirishtaanku sameeyeen oo ah Ilaah ayuu ahaa ama Ilaah wiilkiis iyagoo kala garan waayay mafhuum & mandhuuq & diintu ineysan aheyn naceeb nabiga loo qaado ee tahay inaad ka jeclaaatid naftaada & inta aad jeceshahay oo dhan waayo, iimaankaagu kaamil ma noqonaayo inta aad ka jeclaatid, jeclaanshahaasuna waa camal saalix ah, marka haddii la ogolaaday in camalkaaga saalixaa lagu tawasuli karo (sida uu wahaabigaba uu igu raacay kor ku xuwan) yaa turaa mexey ku diidan yihiinaad filee nabiga tiisa? adinkaan idiin daayay oo waa arrin aan u baahneyn taxliil dheer. amaa suurada al nisaa'a waa iga saxan yahay inkastoo weli aanan fiirin musxafka laakin, waxaan ka soo qoray can dahri qalbin oo bini aadamku waa sahwiyaa, waana hilmaa ee ayagu ma oggol yihiin iney sahwi weyn ku dhaceen?
waad mahadsan tihiin,
ibn-xazm

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibn-xazm

Thursday, October 05, 2000 - 07:55 am
n.b: waxaa jirta in qalinku iga boobay erayada qaarkood marka waxaan rajeynaa in la saxan doono. teeda kale, mar horena waan sheegay korna waan ku xusay hadda laakin inaan fududeeyo ayaan jeclaadaday jaceelka nabigu inuu yahay camal saalixa laguna tawasuli karo maxaa yeelay:
camal saalixa=waa lagu tawasuli karaa, nabiga jaceelkiisu= waa camal saalixa, wa lidaalika waa lagu tawasuli karaa (ruuxii diidana waxaan filaa inuu ku ceeboobi doono oo kharaab adduun & mid aakhiro ku dhici doono.
wassalam,
ibn-xazm
nusammillaaha sheyan laa kal ashyaai
wadaatan can jihaatil sitti khaali

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

salafi

Thursday, October 05, 2000 - 09:59 am
walaalayaal ninkani nin wakhti layskaga lumiyo uma eka lakiin waxan idiin hadiyaynaa oo aan adinkaga tagayaa kitaabkan oo waxa uu soo daliishanayooo dhan iyo inay axaadii mowduuc ah tahay qof sicilmiyaysan uniqaashi karaya ma'aha waxaana ka muuqata sifatu tacaalum bal halkan booqda si'aad wuxu ku hadalaba madaxa sida maska uga dishaan

http://kotob.hypermart.net/tawasul5.htm

waxa waqti ahna iska qaadi maaayo kan isagaaba dar allo godkiisa ugu abaadi doona waayo waxaba la'arkaa inuu saxiix iyo saqiim toona kala aqoon
dhanka axaadiiska oo uu xaadhibu layl iska yahay sida kamuuqata, marka maxa lagala niqaashaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xariir/London

Thursday, October 05, 2000 - 04:33 pm
ASALAAMA CALAYKUM.

KU DHAMAAN WALAALAHA REDINAYA NINKA SUUFIGA AAD KU TILMAANTEEN.
MARKA HORE ILAAHAY XAQA HA INA WADA TUSIYO ISAGA IYO IANAGABA, DHAWR ARIMOOD OO NINKAN KA MUUQATA

1.WAXA JIRTA AKHLAAQ QOFKA MUSLIMKA AHI LEEYAHAY HADDII UU WAX SHEEGAYO IYO HADDII UU WAX RADINAYOBA NINKANNA SIDA KA MUUQATA QORAALADIISA KAMA MUUQATO AKHLAAQDAAS. CAY IYO AFLAGAADO KU WAAJAHAN DADKA AY WAX ISU QORAYAAN IYO CULIMADA UU KA SOO HORJEEDA AYAA KU BADAN QORAALKIISA.
2. WUXUU MARARKA QAARKOOD KU CILADAYNAYAA DADKA UU LA HADLAYO IMISA KITAAB AYAAD AKHRIDAY IMASA XADIIS AYAAD XAFIDAY IMISA... IMISA.. OO HADDII QOFKU AANU WAXBA XAFIDSANAYN AMA KUTUB BADAN AANU AKHRIYIN MIYAANU KHALADKAAGA KUU SHEGI KARIN?
3.WUXUU KU ANDOCOONAYAA INUU KUTUB AAD U BADAN AKHRIYEY QAAR KALENA AKHRIYI DOONAA, KAMANA MUUQATO KU DHAQANKEEDU. WAXBAAN AKHRIYEYNA MACNO BADAN MALAHA HADAANAD CAMEELKEEDA LAHAYN.
4.WUXUU AFLAGAADEEYEY DAD CULIMO AHAA OO DIINTA WAX BADAN U QABTAY (AKHDAA'NA LAHAA ILEEN MACSUUMIIN MAAHEE)HADANNA AAN NOOLEYNBA OO WIXII AY SHAQAYSTEEN KHEYR & SHARBA LA KULMAY.

WAXAAN HADABA LEEYAHAY NINKAAS.
1.ALLAAH KA CABSO OO OGSOONOW INAAD KELIGAA LA KULMI DOONTO ALLAAH, DADKA AAD CAYDA KA BADISAYNA WAXAY SAMEEYEEN WAXBA LAGAA WEYDIINMAAYO IYAGAA ALLAAH KULA XISAABTAMAYAA , HADDAAD LEEDAHAY AKHDAA AY DIINTA KU SAMEEYEEN AYAAN TOOSINAYAA, MARKA HORE DHAB AHAAN U HUBSO OO AAD U XAQIIJI AKHDAA'DA AY SAMEEYEEN WAXAAD ADIGU ADEEGSANAYSAANA INAY KA SAXANYIHIIN WAXAAD TOOSINAYSO AAD U HUBI, MA LAGA YAABAA INAY IYAGU SAXNAAYEEN OO AAD ADIGU QAR JAFAYSO.
2.WAXA AY CULMIDAASI KU KHALDANAYD HADDII AAD HUBSATAY OO AAD XAQIIJISAY 100%, MEELAHAN KELMADU HA KU QORINE KUTUB ALLIF, CULIMADA ISLAAMKA U BANDHIG ILEEN KELIGAA DIINTA MA TAQAANIDE WAXAA JIRA CULIMO AAN ADIGA AHANY OO DADKU WADA YAQAAN ADIGANA KAA CILMI BADANE, HA NOQOTO AKHDAA WAAWEYN OO AAD SAXDAY OO CAALAMUL ISLAAM KU BAAHDA , YAANAY NOQONIN KELMAAD AAD HALKAN DHALIYARO KU BAACSATAY.
3.BAL WALAAL ISKU DAY INAAD XAQA QAADATO OO AANAD MURAN UUN KU JIRIN
4.HADDII AAD ISLEEDAHAY WAA LAGAA KHALDANYAHAY ISKU DAY INAAD KELIYA SAXDO WAXAAD ADIGU KHALDAKA U ARAGTO ADIGOON CULIMO AMA QOFKA KULA HADLAYA CAAYIN AMA WAX U DHIMIN QOFKA LAFTIISA
5.OGOW DADKA MUSLIINTA AH EE NOOL IYO KUWA DHINTAYBA XAQ BAY KUGU LEEYIHIIN (ACDI KULLU DII XAQIN XAQAH).

DHALIYARADANA WAXAAN LEEYAHAY
1.ALLAAH KA CABSADA MEEL AAD JOOGTAANBA
2.IDINKA OO AAN RAACRAACIN HADALADA NINKANI SOO QORAYO SI GUUD OO HUFAN UGA JAWAABA AKHDAA'DIISA
3.ISKA ILAALIYA INAAD WAX U DHINTAAN AMA KA SHEEGTAAN SHAKHSIYADDA QOFKA. WAAYO WAXAA LOO BAAHANYAHAY NAQDUL BANAA'
4.ARINTA OO U MUUQATA MURAN IYO GOOGAALAYSINA U BEDELA DARAASAAD IYO CILMI BAADHIS SI LOOGA WADA FAA'IIDAYSTO , WAAYO JAWAABTA TOOSKA AH EE AAD QOF SIISAA XATAA HADDAY XADIITH TAHAY WAXAY U EKAANAYSA JAWAAB QOFKAASI KU KOOBAN.

TALLO DHAMAANTEEN
MIYAANAY HABOONAYN INAAN MAGACYEDEENA RASMIGA AH ISTICMAALLO OO AYNAAN LA BIXIN MAGACYO NETKA KU KOOBAN? MIYAANAY DENBI INAGU NOQONAYN?

HADALKAN KU XUSAN WANAAG MOOYEE XUMAAN ULAMA JEEDO HADDII AAN CID KU GEYFAYNA ADIGOON I CEEBAYN I TOOSI DIYAAR BAAN U AHAYE.
WASALAAMA CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu khaliifah

Thursday, October 05, 2000 - 05:32 pm
Xariir/Lodon
Waad mahadsantahay sida yara degan ee aad isugu dayday inaad dejisid arrinta, wayna fiicnaan lahayd haddii sidaad sheegtay lawada yeeli lahaa, mana dhecayso maxaa yeelay horey ayaa loo waayey. Taasina waxay cadaynaysaa Xaqnimada Nebigeenna (SCW) iyo diinteenna. Maxaa yeelay isagaa sheegay inay imaan doonaan rag wada dhalinyara ah oo qur'aan akhriskoodu aad u fiican yahay, laakiin uusan dhaafayn dhuuntooda. (Allahu mana jinaa), miyeyna taasi maanta joogin? Kuwaas halayska jiro ayuu yiri nabigu(ncw) uu yiri. Waxaad arkaysay siday ugu goobteen ninka (sida aad adigu hadalka u dhigtay). Waxaan marka ku leeyahay waxaad iska dhigtay nin cadaalad samaynaya mana aad samaynin sababta oo ah:
1-ibn-xazm waxaad ku magacaawday ninka inta kalena dhalinyaro
2-waxaad tiri waa akhlaaq xunyahay
3-waxaad ka sheegtay cay iyo aflagaado
dabadeedna waxad ugu dabamarisay inaad ula jeeday intaas wanaag.Hadaba walaalow taasi wanaag iyo cadaalad midna ma'ahan. Maxaad u sheegi wayday ceebaha dhinaca kale hadii aad run sheegaysid?
Maxaadse ugu gambataan Ilaah ka cabso iyo kitabka iyo sunada ayaan raacaynaa, sida ninkii saxaabiga jaliilka ahaa ku yiri waxaan xukunka Ilaahay ahayn wax luguma xukumi karo, ee loogu jawaabay waa kelimatu xaq oo loola jeedo baadil.Marka walaalow waxba ha ku gamban diinka islaamkee goobashada xaqa lugu goobanayo wax ka gal.
Wasalaamu Calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu khaliifah

Thursday, October 05, 2000 - 06:36 pm
MAXAA LOO CADAYN WAAYEY WAXAA LAYSKU HASYTO?

In shaa'allahu wixii maanta ka dambeeya waxaan walaalkeen ibnu-xazm ka codsanaynaa inuu noosoo faaqido waxyaabaha aan halkan kusoo bandhigi doono kadib marka ay xashawiyadu kusoo jawaabaan [MAYA ama HAA] si muslimiinta aanay weli u cadayn waxa laysku haysto ay mugdiga uga baxaan. Waxaana aan garsoorayaal ka dhiganaynaa (sida ay hadaba u yihiin) walaalaha Somaaliyeed ee ay weli ku dambayso diinta Islaamka ee xaqa ah. Walaalaha kale ee ay arintani khusayso waxaan ka codsanayaa in haddii ay yaqaanaan ay kasoo jawaabaan haddii kalena ay u cid dirtaan qofkii ay isleeyihiin wuu idinka dheereeyaa xashawiyanimada. Marka aan helno jawaabaha ka dib, waxaan sheegi doonaa arrintan waxa ka jira, kutubka ay ku taal iyo sheekha qoray.

MA RUNBAA IN WAHAABIYADU QABTO;-
1-in "3 towxiid jirto"? (mid khaas ah iyo 2 kale)
2-in "Ilaahay laba indhood oo dhab ah leyahay"? (subxaanalaah camaa yasifuuna)
3-in "saxaabada badankood aysan aqoonin xaqulahi calal cibaadi wa xaqul cibaadi calalahi"?
4-in Wahaabiyadu "muslimiinta kale mushrikiin utaqaanno"?
5-in Wahaabiyadu marar badan muslimiin jihaad ku qaadeen, gaar ahaanna somaliya?
----------intaa hanoo joogto, markii aan intaa isla fahamno ayaan kuwa kalena u gudbi doonaa inshaa'alhu.
*******MUHIIM*******
Muslimiinta inteeda kale waxaa muctamid u ah culumada Islmaamka sida I.Shaafici,Axmed, Xambali, AL-ashcari, Junayd, Sh. C/qaadir iwm. ee
xashawiyada muctmid ma'uyihiin?
-ibn Taymiya
Maxamed C/dul wahaab
Al-bani
ibn-Baaz
ibn qayim
cuthaymin
al-tamiimi
Fadlan haddii aad xashawiya tahay oo aadan culumadan ku raacsanayn waxa ay qoreen, noosoo sheeg haddii wahaabiya culumo kale qabto!!!

Waxaan Ilaahay ka baryayaa in arrintan uu ka dhigo mid isaga dartii loola jeedo. (AAMIIN)

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnu Musa

Thursday, October 05, 2000 - 07:06 pm
ibn-xazm
Ilaahay ajar iyo xasano hakaa siiyo dadaalkaaga aad ka wadid halkan. Ragga aad la hadlaysid uma baahna daliil iyo diin ee waxay u baahanyihiin wax iyagoo kale ah oo aan diin iyo sharaf midna dhowranayn, adigana taasi kaama suurowdo. Anagana waxay noo tahay imaan kororsi maxaa yeelay waxaa dhaboobay qowlkii nabiga (csw), waana xaq in bidcooyinku adduunka joogaan oo ay muslimiinta dhibaan. waad aragtaa sida xaqii god hoostii u galay haddii ay tahay muslimka iyo gaalada ama muslimka iyo bidcada.
Gaaladun maanta muslimka sidaa uma gumaysateen bidcooyinka la'aantood sida wahaabiyada iyo Qadyaaniyada iwm.Waxaana la'ogyahay in wahaabiyadu qaybtii ugu waynady ka qaateen riditaankii dowladdii ee Turkiya, taasina sababtay dhibaatada muslimku ilaa maanta ku jiro.(qofkii u baahan faah-faahin arintaa ku saabsaan ha ii soo sheego E-mailkiisa). Marka Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu bidcada muslimiinta baro, dabadeedna iyaga ayaa iska yaraan doonaa. Mana u badna in nin xashawiya ah wax kasta oo loo sheego uu ka towba keeno. Haddii xashawiyadu u qaataan sida diinta Islaamku tahay, bidcanimo lugu cadaabaa, haddii munaafiqiin la waayo yaa munaafiqnimo lugu cadaabaa, haddii kaafirnimo la waayo yaa gaalnimo lugu cadaabaa?
Hadal iyo dhamaantii culumadu waa inay halkaa kasii wadaan sheegidda xaqa ama ha la qaato ama yaa la qaadan. Alla caz wajalla waxaan ka baryaa inuu jidka xaqa ah waa ku taaganaheye uu nugu sugo.ALLAHUMA YAA MUQALUBUL QULUUB THABIT QULUUBANAA CALAA DIINICA. ==AAMIIN YAA ALLAH==

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Xariir/London

Friday, October 06, 2000 - 12:34 pm
KU Abuu khaliifah

ASalaama calaykum
Walaal marka hore waad mahadsantahay.
Waxaad igu eedaysay inaan Ibnu-xasm ku sheegay NIN qolada kalena DHALINYARO waxaan u malaynayaa anigoo isku tiriya dadka afsoomaaliga wax ka yaqaanna in labada eray midna midna aanu cay ahayn waxaaba dhalili ka muuqataa eryga (dhaliyaro) taas oo ah da' yar oo aan waayo arag ahayn. Hadalka kale ee aad igula yaabtay oo ah inaan wanaag ula jeedo qoraalkayga waa iga dhab wanaag moyee xumaani qof muslim ah iiguma jirto beenina inoomaba banaana.
Adiga walaal haddii aan su'aal ku weydiiyo culimada aad magacyadooda taxday kuwa aad muslimiinta ku sheegtay mooyee kuwa kale maxaad u bixisay. ma qolada aad u bixiseen xashawiya miyaa?
Waxaana laga yaabaa mashquul awgeed inaan halkan ku soo noqon karin hase yeeyhee jawaabtaada awgeed mar waan usoo booqan doonaa insha Allaah.

Ugu danbayntiina waxaan ku waaninayaa naftayda iyo dhalinyarada Soomaaliyeedba inaan wax barano (diinta)oo aan iska dhaafno muranka badan iyo inaan dhex muquuranno arin laga yaabo inaynaan wax badanba ka ogeyn gaar ahaan arimaha ku saabsan diinta. Qofkii diinta aqoon fiican u lihi haka hadlo iyadoo la raacayo aadaabta xiwaarka iyo xuquuda muslimiintu isku leeyihiinba.

Waa iga waano iyo dardaaran waanan ka baxay Alla ha ina waafajiyo manhajkiisa saxa ah AAMIIN.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saykoolojist

Friday, October 06, 2000 - 07:39 pm
Waxaan la hadlayaa suufiyada, ashaacirada akhwaanka, Xaqdoon iyo Xariir/London oo aanan ogayn dhinaca uu iga jiro laakiin runtii akhlaaq wanaagsan.
walaalayaal anigu waxaan wax ka aqaan cudurka dilaaga ah ee dadka maskaxda ka gala ee WAHAABIYA loo yaqaanno.Cudurkaasi marka uu qofka ku dhoco waxaa ka dhumaya koontroolka wuxuuna qofku bilaabayaa inuu col la noqdo dadka kuwa ugu xaqa badan sida waalidkiisa oo uu yiraahdo nikaax xalaal ah iguma ay dhalin, macallinkiisa ama shiikhiisa oo uu gaalnimo ku xukumo iwm. Baaritaan dhawaan la sameeyay ayaa sheegay astaamaha cudurka wahaabiyada ee dadka waala lagu garto waxaana ka mid ah sida ay dhakhaatiirtu sheegeen:
(1)qofka oo aad u caatooba ama aad u cayila (2) qofka oo ilooba inuu isdaryeelo oo markaas garkiisu aad u dheeraado surweelkiisuna aad u gaabto (3)qofka oo ku hadla hadallo iska hor imaanaya markuu damco inuu wax wanaajiyana wax kharribaya iyo astaamo kale oo badan. Waxay ii sheegeen kuwo waallida wahaabiyada rabbi ka daaweeyay kadib markii Qur'aan badan lagu aqriyay inay ku kici jireen falal aad u xun. Nin dhawr sano ka hor ka soo daahay waallida wahaabiyada ayaa igu yiri Kismaanyo ayaan ku tooganay gabdho rabay inay nala qaxaan, maxaa yeelay ma xijaabnayn! Kuwo kale oo aan wali caafimaadin laakiin daawo u socoto oo ka mid ah salafiya jadiida ayaa iyaguna sheegay inay macallinkoodii ku dileen dagaalkii Gedo intay itixaadka ahaayeen.
Marka walaalayaal dhalinyarada waa in loo sabraa laguna dadaalaa daawayntooda. laakiin haddaad caydaan ama aad la murantaan ogaada dad waalan inaad la murmaysaan wixii ka yimaadana adinkaa ka mas'uul ah ee iyagu mas'uul kama aha maxaa yeelay waaba jiranyihiin. Aan ku dadaalno sidaan walaaleheen u daawayn lahayn ee yaanan ku dadaalin sidaan u sii waali lahayn, waa iga talo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ibn casaakir

Saturday, October 07, 2000 - 09:56 am
To: Saykoolojist
Saaxiib kuguma raacsani wahaabiyadu in ay waalan yihiin. Laakiin haddii aad ka waddo waalida in ay bidco yihiin kuguma diidani. Waxaanse ku waydiin lahaa adigu haddii aadan Ashcari ahayn oo wahaabi ahayn oo akhwaan ahayn, maxaad tahay?

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Saykoolojist

Sunday, October 08, 2000 - 02:17 am
Ibn casaakir
Salaama calaykum
Anigu waxaan ahay dabiib nafsaani ee ma ihi wax kale. adiga waxaan ku iri malaha adigaaba lugu soo hayaa sidaad dad waalan ula hadlaysay.Iska jir waallida waa la isqabadsiiyaaye, tan wahaabiyaduna kumaba sii jirto. waxaan ku leeyahay mar labaad hala hadlin dadka waallida wahaabiyada qaba oo ha isdaalin anagana hawsha hanagu adkayn dadbaan rabnaa inaan daawaynee.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnu Musa

Monday, October 09, 2000 - 07:05 pm
XARIIR/LONDON
Walaal waad mahadsantahay sida degan ee aad usoo gudbisay ra'yigaaga, waxaadna iila muuqataa nin ilaa muddo lala heshiin karo oo cudurka dhaktarku halkan ka sheegay aanu hayniin waqtigan xaadirkaa. Haddii in culumada nin lugu magacaabo, culumo u yaalkana dhallinyaro ama walaal lugu magacaabo ay adiga agtaada iskaga mid ka yihiin xagga af somaliga, waan kuu daayey, weliba adigoo sheeganaya inaad wax ka taqaan af Somaliga. Laakin waxaad ogaataa in arrimaha aad qortay ay intaa ka badnaayeen oo xataa akhlaaqdiisa aad taabatay, taasina wax wayn ma'aha ee waa cudurka saykalojiistuhu sheegay. Aadba is moodid inaad fayowdahay. Ugu dambayntii waxaan adiga iyo ragga aad xashawiyanimada isku walaalaysateen idinku wanaagsan in aad daawada la helay qaadataan, waxaana weeye in suuratul kaafiya laydinku akhriyo. Teeda kale, haddii aadan aqoon xashawiyada culumadooda, fadlan, wax kale ha kusoo qorin halkan.

Wabilahi towfiiq

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

abuu khaliifah

Monday, October 09, 2000 - 07:20 pm
MAXAA XASHAWIYADII/WAHAABIYADII KU DHACAY?

Walaalayaal waxaan idinka sugaynay inaad kasoo jawaabtaan 4-ta su'aalood oo kor ku xusan.Mise caadadiinii ahayd in haddii runtu timaado hala cararo ayaad xitaa halka aan la'idin arkayn ka bilowdeen. Wallee tan waxaa ka daran markii yowmul xisaabka la tato ee lays waydiiyo maxaad muslimiinta u dhibteen. Marka inta ilaahay ka cabstaan culumadu ha idinka jaahil bixiso waxa aydan aqoonine arrimaha kore maxaa jira,mise kuligiin waxaad tihiin ragga jihaadyada mulimiinta lugu qaadayo uun la geliyo. Taasi waa ceeb iyo aakhiro xumo!!!!!!!!!!!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Taliban

Tuesday, October 24, 2000 - 11:23 pm
Assalaamu calaykuum!

Intaas kadib ninkaan laba garre la baxay iyo wuxuu dabada ku wadaa hadayna ka dayn waxa ay culumada islaamka ku sheegayaan waxay la kulmi doonaan abaal marin.

War ma culimada umada islaamka ayaa laydinka la'yahay iska daaya.

Waxaan idiin sheegayaa laba garre iyo waxa la midka ahoow waa idin aqaanaa meeshaad degantihiin iyo waxaad qabataan oo igama aha handadaad oo keliya ee waxaa la socda waxa afka carabiga lagu dhalo (shadiid al lahja).ee hadaydaan ka waantoobin culimada islaamka walaahi waxaad maraysaan meeshii ay mareen kuwii beeniyey Nebigeena suuban SCW oo ugu horeeyey ABUU JAHAL

Waxaadna haysataan hada wakhti ee ka fiirsada, idiin qarin maayo anigu waxaan ag joogaa ILLaah deeqdii ha u fidiyee mujaahidka weyn ee OSAMA BIN LADIN, waanan hayaa dhamaantiin ciwaanadiina iyo magacyadiina.

Marka hadaad ka waantoobi weysaan waxay ka dhawaaqaysaa gondihiina waana wax la hubo.

wassalaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Axmed

Wednesday, October 25, 2000 - 09:09 am
Yaah handadaad yaah, yaa wax ka qaadeeysaa ninkaaga iska nac nacleeynaayo.
Orod oo ha noqo, mid lagu baabuur kacsado.
Muxuu kaa sameeyay 2Garre iyo nimankiisa?.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ibnu Musa

Wednesday, October 25, 2000 - 07:36 pm
Taliban, daawa u doono sayakoolojisstaha isagaa ku takhasusay cuduro badan oo uu ka midyahay midka ku haaya oo waalida ah.Horay ayuuna u daaweeyey 10 talibaan oo hadda mana ma cayilna caatana ma aha, weliba waalidii waa ka yaraatay, waxaana ka mid ah;- xariir/London,qurbawi,salafi iyo kuwo badan. Waana kuwaas aamusay. Sidaas ayaan kuu rajaynaynaa.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Taliban

Wednesday, October 25, 2000 - 09:06 pm
Assalaamu calaykuum!!

To Axmed iyo Ibnu musa

Salaantaas islaamka ka dhaxaysa kadib, anigu wax aan handaday ma jiraan ee waxaan sheegay waxa jira iyo sida xaal noqon kari hadii waxa la wado la joojin waayo.

Mida kale saykoloji idinkaa u baahan, waayo war culumada afkiina ka daysta ayaa laydinka kari la'yahay, marka umdau waa aragtaa cida u baahan dabiib al nafsi..

Waxaan idiin sheegayaa, ninmarkiina laga kari la'yahay culumada walaahi oo walaahi waa iga dhaar ee waad ka shalaayaysaan ee maad ka joogtaan hadaad fiyoowdihiine, hadii kale aan waxa dhaca wada fiirino.

Waryaadha waxyoow qudhunka ahi culumada oo la difaacaa waa qayb JIHAADKA ka mid ah.

Mida kale anagu qof aan ILLaah ahayn ka biqi mayno gaalo iyo waxay wataan way isku tageen siday wax nooga qaadi lahaayeen laakiin ILLaah baa nagaga filan sharkooda, waana wadaynaa Jihaadka illaa kaayaga ugu danbeeye godka laga dhigo..

Wassalaamu calayku
Taliban From Afganistan

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.