site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Dagaalka Eriteria iyo Itobiya?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Dagaalka Eriteria iyo Itobiya?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cumar

Unrecorded Date
Walaalayaal maxaad umalaynaysaan dagaalkaas siduu u saamayni Muslimiinta kunool Geeska Africa.

Waxaa jirta labo aragti.

1- inuu udaranyahay muslimiinta oo uu keeni fawdo iyo qalalaase kadhaca Geeska Africa oo dhan, taasoo waliba ugu daran soomaliya oo qabiilada ishaysto la'isku hubayn kadibna ay noqonayaan kuwo lugu adeegto sidaad lasocotaanba waxaa labo maalmood kahor tagay Asmara madax kamida madaxda qabiilada soomaalida, sidoo kale Waxaa jabuuti joogo ciidamo Itoobiyaan ah oo inta badan fadhiya xuduudka Jabuuti iyo Eriteria iyadoyna caddayn sababta ay meeshaas u joogaan inkastoo laqiyaasi karo. Waxaa kaloo jira ururro u halgama xuquuqda muslimiinta lagumaysto ee Eriteria iyo Itoobiya ururradasoo aad u badan ayaa hadda waxay taageero kakalaheleen labadaa dalee cadowga ah. Si midwaliba ay midda kale u naafeeyso.
Intaa waxaa siidheer inay dad badanoo muslinimo sheeganayo ay dagaalka kujiraan labada dhinacba oo waliba ay jirto dad soomaali ah oo laga aruuriyey gobollada ay Itoobiya gumaysato ma'aha dadkaa dad lakhasbay ee ayagoo raalli ah bay aadeen kadib markii lacag lasiiyey.
Sidaad lasocotaan Islaamku waa xarrimay in dagaal gaalo laga qaybgalo amaba dawlad gaalo ah ladifaaco haddaad rabto dalka udhalo ama ha'udhalan.

Quraankana wuxuu sheegay oo qudha (inay Kuwo gaaloobay udiriri jidka Ibliiska, kuwa Ilaahay rummeeyeyna ay udiriri jidka Alle)
Marka haddaad mu'min tahay faraha kaqaad dagaalkaas boos kaagama bannaanee.
Sidoo kale waxaa jirto meelo soomaaliya kamida ooy ciidamo Itoobiyaan ah fadhiyaan sida gobollada Bay, Bakool iyo Gado.
2- in muslimiinta geeska Africa kafaa'iidaysan doonaan iyadoo ay yaraani awoodda militeri, siyaasad iyo dhaqaale ee labada dalba sidaad lasocotaan Reer Galbeedku aadbay ugu kaceen labadaa dal oo kaalmadii militeri, dhaqaale iyo siyaasadeedba waa laga joojiyey haddana Ingiriiska iyo Maraykanku waxay rabaan inay cunoqbateeyaan labadaa shaydaan, Jarmalkana horuu ugu kacsanaa iyo EU guud ahaanba marka laga reebo Ireland oo iyadu xidhhidh adag laleh Itoobiya oo sicad u taagertay Itoobiya dagaalka ay kulajirto Eriteria waxaana arrintaa sheegay waziir kuxigeenka arimaha dibadda ee Ireland oo lawaraystay maray booqasho kujoogtay Itoobiya billowgii bishan.
Sidaa awgeed waxay u muuqataa inuu rafaad foodda kusoo hayo labadaa dal, waayo waxay lacag iyo kaalmo militeri kuqaadan jireen si'ay walaalaheen ulaayann (Cafar, Orormo, Sidaamo, Baniishanguul Uraago, Caruuso, Soomaali) iyo si'ay Suudan u dudumiyaan balse Ilaahay wuu kashifay oo kuwii dabada kawaday xitaa nece oo inay gooyaanbay marayaan.
Xitaa Israel oo rabtay inay saldhig milateri kasammysato jaziiradda (DAHLAQ) ee xeebta badda cas ee Eriteria, wararkii ugu danbeeyey waxay leeyihiin way usuurtoobi wayday kadib markay Israel diiday inay kaalmo miletari siiso Eriteria iyadoo kabaqayso inay kaxanaajiso Itoobiya, kadibna uu Afawerqi aaday Liibiya kaalmona kahelay sidaas awgeedna asaga iyo israel xidhiidhkoodii soo xummaanayo
Marka maxaad umalynaysaan idinkoo madaxa kuhaya intaasoo shay mamaslaxaa ugu jirto muslimiinta mise dhibaato dagaalkaa kulul ee la'iskule'day aadna mooddo inuusan qaboobi doonin.
Waxay labada dalba sheeganayaan inay baabi'iyeen kuwa kale. Eriteria waxay tidhi waxaan baabi'inay in kudhow 25000 oo Itoobiyaan ah wax dhintay iyo wax dhaawacaba. Itoobiya xaggeeda waxay tidhi waxaan baabi'innay 8 qayboodoo ciidamo Eriteriyaan ah oo tiradoodu gaadhay 40000 oo askari , waxaan ku'idhi Itoobiya hadduu hadalkeeda runyahay logika milerigu wuxuu leeyahay markay intaas kadilaan Eriteria waxay sitoos ah u qabsan karaan Asmara maadaama uu ciidanka Eriteria oo dhan yahay 80000 Asmarana ayan saas usii fogayn.

Aniga cumar ah waxaan leeyahay ha'is rifeen intaan cawrada kadadanayno si'ayna noo qabsan illeen inayna gaalo ixsaan noo falayn Allaa noosheegayee.

Ilaahoow shartisana namooti khayrkiisana nagusoo aaddi.

cumar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cumar

Unrecorded Date
Waxaan illoobay inaan idin xusuusiyo in uu dagaalka labadaa dal dhaxmarayo uu kadhacayo meel aad ugu dhow goobtii ay masjidka kadhisteen saxaabadii Rasuulka (scw) markay kasoo carareen mushrikiintii carbeed.

Waa Jacfar rasuulka adeerkii iyo mu'miniintii lasocotay degmadii ay dageen kana dhisteen masjid ay Illaahay kucaabudaan.
Waayo waayo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salaamu caleykum!

Walaal Cumar, aad ayaad ugu mahadsan tahay sida aad noola wadaagtay maqaalkan cajiibka leh iyo sida wacan ee aad akhbaarka noo siisayba. Mahadsanid walaal.

Ok!, inkastoo aanan si aada (sidaada oo kale) ula socon, bal aan wax ka iraahdo dagaalkan Itoobiya & Eritareeya. Runtii waa sidii aad u sheegtayee yurub (EU) iyo mareykan/yuhuuda ma doonayaan in labadan dal ee gaaladu (kirishtaanku) hogaamiyo in aay waxyar is khilaafaan oo dagaal ka dhexdhaco. Wax kasta waa ay suubiyeen siddii aay dagaalkan looga fursan lahaa, balse markasta "nakata" waa soo taagan yihiin.

EU-da & mareykanka ma doonayaan in aay mid taageeraan oo aay mid kale u aamusaan, waayo labada dalba waa umihiim istratiiji ahaan iyo siyaasad ahaanba. Waanu la soconaa inta milyan oo muslim ah oo Itoobiya ku nool hadana madaxa cagta looga hayo, sidoo kale Eritareeya.

Marka ma la doonayo in awooda dalki (power-ku) gacanta u galo cid aanan gaalo ahayn.
Sidaas darteed waxaan ayidsanahay ama taageerayaa ARAGTIDA 2aad ee aad kor ku qortay. Sidoo kalena, walaalkiis waan kugu raacsanahay in aanu daawano Allaahna u barino in aay isku baa-ba'aan:

(HA IS RAACAAN DIIDE'E HA IS-RAAMSADEENEE DAAYA!)

Mideeda kale, waa runtaa waxaa jira dad muslim sheeganaya oo hadana dagaalka labada dhinac kaga jira oo maanta haddii aay jaanis isku helaan is-cafineyn. Dadkaasi ayaga ahi waxaa wada caadifad NATIONALISM & mid HUNGURI ah ee ma aha dad ISLAAMNIMADU ku weeyn tahay amaba wax ka og. Maanta waa la helayaa dad ka dooranaya nationalism-ka Islaamka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

cumar

Unrecorded Date
Ansaari
Salaam calaykum brother

Waxaad kamidtahay dad yaroonan dhaafin qoraaladooda markaan arko. Meesha bulshadeennii lugu kadeeday xudduud beenaad uu shaydaan qabiil layiraahdo jeexay inyaroo ilaah rummaysaybaa fiirfiiriso xudduudka uu rasuulka (SCW) jeexay ee ah xuduudka uyaallo Ehlul iimaan iyo Ehlul kuffaar.
Iimaan siyaado ahbaa kaa muuqdo hadalka waxaan uga bixi( Thaalika fadlullaahi yu tiihi manyaashu wallaahu thulfadlul cadiim)

Walaalkaa cumar

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Cumar
Salamu Caleykum!

Walaalkiis Cumar aad ayaad u mahadsan tahay. Intii aad ila jeceshahay iyo KA BADANBA waan kula jeclahay walaalkiis.

Iimaanka Allaha inoo sugo (adiga & annigaba) iyo dhamaanba walaalaha islaamka oo dhan.
Kuwii kheyrka & Iimaanka isku jeclaado Allaha innaga dhigo. Walaalo, mahadsanid mar labaad. Kuwaar cimri dheer - caafimaad- cibaado suuban.


Walaalkaa
Ansaari

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.