site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Married couple

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Married couple
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Is it allowed married couple to have an oral sex? please give me details where it says in quran thanks iga jaahil saar hadaad wax igu dhaantid walaalaha islaamka ee soomaaliyeed

salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Can add one more question, Can a Man kiss his wifes nipples ??? its an honest question.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Su'aalahan waa aay soo noq-noqdeen. Haddii aad rabtaan waxaad ka heli kartaan jawaabahooda arkifiyada SomaliNet qaybta Islam ama waxaad booqataan (ka radi jawaabaha insha'Allah) boggan:

http://www.islam-qa.com/index_eng.html

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

FU'AADKHADAR

Unrecorded Date
BISMILLAAHI ARRAXMAANI ARRAXIIMI
ALXAMDU LILLAAHI RABILCAALAMIINA
WASALALLAAHU CALAA MUXAMAD
INTAAS KADIB;
ASSALAAMU CALAYKUM

.......Walaalahayga muslimiiinta ahoow marka u horaysa ALLE ka baqa, wuxuu ALLE sareeye inoogu sheegay QUR'AANKIISA " ALLE KA BAQA WAX BUU IDIN BARAYAAYE".
.......Walaalayaal waxaan saas u iri SABABO badan oo aanan soo koobi karin aanse kasoo qaadanayo 2 kamid ah:
.......1;;; waxaa inagu yaraatay cabsidii ALLE weyne markaas baa waxaa aad u batay JAHLIGII oo waxaan dhexdeena ku arkaynaa inay yaraatay AQOONTII DIINTA iyo tii MAADDADA (cilmiga ku kooban Aduunka) ama iyadoo la akhrinaaayo baa FAHAMKEEDII aad inoogu yaraaday.
.......2;;;waxaa dhexdeena ku soo badanaya SU'AALO aad u qiima daran sida tan halka lagu soo qoray iyo kuwo lamida saad wada aragteenna dhoowr goor la isasoo weydiiyey, taas oo aan u arko inay inoogu wacan tahay CABSI & XISHOOD aan ALLE loo hayn.
.......Markaad dib u tiriso topicyada halka lagu soo qorey waxaan u malayn inuu ahaa kan 10aad ama wax u dhoow waxaa ka mid ahaa qof qaylinaya oo cinwaankiisu ahaa "AAWAY AKHYAARTII AMA WAXGARADKII SOMALINET" markaan u tagnayna wuxuu qoray SU'AASHAN wax la mid ah sida;

...........NAAGTU NINKA MA U NUUGI KARTAA!!!!!!!!!!
...........NINKUSE NAAGTA MA U CARABIN KARAA!!!!!!
KAFTAN;
.......War xishooda oo DOOBAB baad tihiin baan u malaynayaaye GUURSADA labo nolol wadaagey DIINNA lihi amaba xittaa waaya arag ahi ma ay hawaysteen arintaas e.
JAWAAB:
.......Walaalayaal waxaan anooka shidaal ama dinbil qaadanaya DIINTEENA sharafka leh idiinku soo gudbinayaa dhoowr qodob oo u baahan in la fahmo DIINTU WAA FAHAN E.
.......Ma ogtihiin Carabka aad rabtaan ama kula ordaysaan inaad nijaazaysaan inay DIINTU idin amartay inaad ALLE dartiis u NADIIFISAAN.
XADIIS:
.......Nebigenii Suubanaa calayhi salam wuxuu yiri:"CARABKIINNA cadaya ama nadiifiya waa wadooyinkii QUR'AANKA e", ALLAAHU AKBAR ilayn waa ALLE jecel nadaafadda e.
.......Markaas baynu inana rabnaa inaan wasakhayno bal wasakhayn iskaba daayoo waxaan rabnaa inaan NIJAAZAYNO meeshii la inaga amray inaynu nadiifino.
........Walaalayaal saad wada ogtihiin AXAADIIS badan baa ku soo arooray in MEELAHAAS loo fafakanayo ama dadkii beryahan laga celcelin la'yahay ay NIJAAZO yihiin, waxaana cadayn ku filan in markaad CARAB ha inoo danbeeyee gacan ku taabato ay WEESADII kaa jabayso.
.......Walaalayaal ma ogtihiin magaca ay ALLE iyo RASUULKIISU u YAQAANIIN ama ugu yeeraan labadaas meelood? runtii ma aydin hawaysateen balse DIINTEENA baynaan fahmin.
AKHRIYA QUR'AANKA IYO AXAADIISTABA WAXAAD IN BADAN KU ARKAYSAAN IYDOO LOOGU YEERAYO LABADAAS MEELOOD SOOW'AAT (labadii xumxumaa)
.......SUBXAANALLAAH WAA ALLE DAYIB AH,MANA AQBALO WAXAAN DAYIB AHAYN, WALAALAYAAL WAXAA INOO MACALIN AH DIINTEEENA EE ISKA JIRA DHAQAMADA QAARKOOD, SU'AASHAASINA INTII GAALADA LOO SOO QAXAYBA WAY SII BADANAYSAY EE WANAAGU WAA WAXA ALLE IYO RASUULKIISU AMAANEEN E DIINTEENA AAN BARANO, SIDII RASUULKEENU CALAYHI SALAAM INOO SHEEGAY WAXAA UMADIHII INAGA HOREEYEY HALAAGAY SU'AAL BADNIDOODIIYE SU'AALAHA QAARKOOD AAN KA FIIRSANO.
.......Walaalayaal anoo hadalkaygii soo ururinaya waxaan naftayda iyo tiinaba u dardaarmayaa CARABKEENU waa marinkii ama wadooyinkii QUR'AANKA ee aan nadaafadiisa ku dadaalo.
....... meelahaasina (LABADA MEELOOD) waa marinkii
KAADIDA!! MADIDA!! WADIDA!! XAYDKA!! NIFAASKA!! billaahi calaykum miyaanay intaasuba NIJAAZO jirka iyo dharkaba laga dhaqdo ahayn?
.......Waxaa laga yabaa inaad is tiraahdaan waa maxay Qu'aanka iyo xuska laga hadlayaa JINAABO baaba qarka loo saaran yahay e, waxaanse taa kaga jawaabi lahaa MUSLIMIINTU markay arinkaas nolosha ah guda gelayaan waxay dalbayaan AWLAAD saalixiin ah, waxayna DIINTEENU ina bartay AADAAB hawshaas loo guda galo si niyadaas wanaagsan iyo AWLAADAAS BAARIYIIN ah loo helo, taasoo ah in la akhriyo DUCADII soo aroortay (ALLAHUMA JANIBNA SHAYDAAN WAJANIBI SHAYDAANA MAA RAZAQTANAA)
.......Shayga mar walba inaan afka ku hayno la inaga rabo waa XUSKA ALAAH marka ma af (KARRIINKIISU) yahay MADI baad ALLAAH ku xusaysaan.
WALAALAYAAL WAXAAN ANIGU LA HADLAYAA RUUX ALLE INUU XUSO RABA CARABKIISUNA DIGRIGA ALLE KU QOYAN YAHAY RABA.
GUNAANAD;
.......WALAAL MEEL GACANTABA LAGA ILAALIYO MARKAAD DAHAARO DOON TAHAY CARABKAAGA HAW QUURIN.

WALAALKIIN
FU'AADKHADAR

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Tuesday, September 26, 2000 - 05:15 pm
Bismilaah Subxaanalaah
walaalayaal waxaa ku wareegaya somalinet
dad gaalo ah ee iska jira
wasalaam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Wednesday, September 27, 2000 - 07:18 am
asalaamu calaykum.
walaal fuaadkhadar,jazaakal-LAAHU KHAYR.SIDII WANAAGSANAYD XIKMADA,CIMIGA IYO NASTEEXAYNTAAADII KU SLAYSNAYD DIINTA.

WAA SIDAAD SHEEGTAYOO INTII DHULALKAN LOO SOO QAXAY WAXAA BADATAY SUAALO LA XIRIIRA SEX ETC.

WAAYO WAXAYNU LA SOO DEGNAY UMMAD AAN MARNABA XUSAYN ALLAAH,ISUGUNA TAGAYSA SIDII XOOLAHA,BAL XOOLAHA AYAA AAN SAMAYNIN ARIMAHA LAGA CELIN LAYAHAY XATAA DADKEENII MUSLIMKA AHAA!!!

WAXAA LAGA SOO WERIYEY INAY XATAA QAAR KAMIDA GABDHAHA MUSLIMIINTA AH AY DOONAYAAN INAY GUURSADAAN JINZIYADO RAGU XATAA AYAGOO MUSLIMA ARIMAHAA KU CAANAMAALAAN!!

XALKA KALIYA WAA INAYNU KU DHAQANO DIINTEENA DAAHIRKA AH,WADANKEENIINA KU NOQONO,RAGANA WAXAA LAGA CODSANAYAA INAY GUURKA WAAFAQSAN ISLAAMNIMADA BADIYAAN WAAYO XATAAA DUMARKII AYAA AAN HADA QARSANIN KHATARTA AY LEEDAHAY IYO DARNAANTA SHAHWADA.

SH.CUMAR-FARUUQ AYAA AAD U SHARXAYA AAYADA UU ILAAHAY LEEYAHAY"DUMARKIINU BEER AYEY IDIIN YIHIIIN EE UGU TAGA BEERTIINA SIDAAD DOONTAAN"

SHEEKHU WUXUU YIDHI WAXAA LOOLA JEEDAA KAYFIYA EE MAAHA MEEHSA WAAYO MEESHA BEERTA AHI WAA MEESHA MARKA WAX LAGU BEERTO WAX KA SOO BAXAAN"
(FARJIGA)
WUXUU AAD U CANAANANAYAA KUWA KU DAYANAYA UMADAHAN EE DUMARKA UGU TAGAYA SI AAN BANAANAYN.

QOFKII DOONAYAAA HA DHAGAYSTO TAFSIIRKA AAYADAA.

WAXAA KALE OO LA SHEEGAY INAY BANAANTAHAY IN NAASKA XAASKAAGA AAD NUUGI KARTO ADIGOO AAN CAANO KACABAYN EE CIYAAR IY RAAXO UGA JEEDA!

WALAALAYAAL CILMIGA SHAREECADEENU WAA NUUR AYNU U BAAHANAHAY IN AYNU KU IFTIINSANO ADDUNYADA IYO WIXII DHEX YAALA EE NUURKAAS QOFWALAWBA RAADSO.
HANA LAGA BARTO CILMIGA KUWA KU TOOSAN MANHAJKII RASUULKA IYO SAXAABADA(SALAFU-SAALAX)
RASUULKA WAXAA LAGA SOO WERIYEY INUU YIRI
"DADKU QIIMO MALE ILAA MID QURAANKA BARANAYA IYO MID BARAYA MOOYAANE"

WAA INAYNU LABADAA MIDUUN NOQONAA.

WALAALAYAAL IGA RAAALI AHAADA ANIGOO QORAALKA IDINKU DHEEREEYEY,DARDAARANKEENU WAA CABSIDA ILAAHAY.IYO BARASHADA DIINTA.
WALAALHUL-MUSTACAAN!
umalkhair@hotmail.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

umalkhair

Wednesday, September 27, 2000 - 07:23 am
WAXAAN KALOO JECELAHAY INAAN IDINKA SAXO WALAALIHII KU SOO QORTAY JAWAABAHA HALKAN,INANAY
MANIDA(SEMEN) RAGU NIJAASO AHAYN.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.