site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Jiri, Mooryaan iyo day-day ayay arintii dhaafi wayday!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Jiri, Mooryaan iyo day-day ayay arintii dhaafi wayday!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samowade

Unrecorded Date
Bismillaah.
Asalaamu calaykum.
Walaalayaal markii in badan laysku dayey in ummada Soomaaliyeed dhibtii ay ku jirto dhinac u dhaafto ayaa hadda waxaa cadaatay in shabaabkii iyo dhalinyadii sheeganaysay inay ay Islaamka jecelyihiin ayaa waxaa la arkay iyagoo midba mid nacladayo.
Marka waxaan rabnaa in ciyaalkeena iyo dadka waawayne ay u dhintaan abaaro iyo aafo ka dhalata dulmiga iyo fusuqa Soomaaliya ka jira?
Marka shabaabkii lays baray oo markii wadaadada xoogaa ay haystaana Shacaa'ir baa muuqata markay ka jajabantahayna waa bakayloow nin iyo bur.

Marka diintaan Ilaah nagu manaystay aad bay u qiimo badantahay. Bal ka waran hadaad ahaan lahayd Tigree gaal ah ama kuukuuyo gaal ah IWM.
Marka waxaa la rabaa wax walba inay diintu ka horayso. Hadii diinta la soo weeraro waa in maalka la huraa hadii dhibtu soo dhaafto maalka waa inta nafta la huraa.
Marka hadda shabaabkii la gabaye waa inaan hadda u yeerano jirida, mooryaanta iyo day-dayga oo aan Ilaah uga baryeyno in uu hanuuniyo iyagaa ah dad dhiifoone.
Wasalaamu calaykum.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.