site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Sababtii uu dhulgariirka oga dhacay Turkey.

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Sababtii uu dhulgariirka oga dhacay Turkey.
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Assalaamu Calaykum.
Walaalayaal sida aan TV-ga kala soconayba waxaa dhulka turkey ka dhacay dhulgariiryo aad u baddan kuwaasoo ay ku naf beeleen dad aad u ´baddan oo muslimiiniyo gaalo iyo munaafaqba. Hadaba qisadan waxaa soo guuriyay ninkii ay ku dhacday iyo sababta kaliftay in dhulgariirku dhoco.
Sheekh ´magaciisa la yiraahdo Sh. Cabdul muncin Abu Zand ayaa waxaa uu wayeysi la yeeshay ninkii qisadu ay ku dhacday, arintan oo ay in baddan ay qarinayeen saxaafada reer galbeedka, Allah waxaa uu sababay in ay kashifanto, hadaba ninkii isaga oo sheekadii wada waxaa uu yiri. Dhoolo tus ayaa waxaa mudo dhawr bari ahi kasocotay turkey taasoo loogu dan lahaa in la cabsi galiyo dadka doonaya inay dawlad muslim ah dhalato, markii uu dhamaaday dhoola tuskii ayaa waxaa dawlada turkiga ay qabatay xaflad lagu soo gunaanadayo dhoolatuskii ay wada sameeyeen Isreal, Turkey,& United states. Waxaa halkaas kasoo qayb galay askar aad u tiro badan waxaa ka mi´d ahaa 70 askari oo mareykan ah, 70 askari oo yuhuud ah, 70 askari oo turki ah, xafladii waxay socotaba waxaa uu ninkii qisada ay ku dhacday oo ahaa kabalyeeri ama meesha kuwa ka shaqeeyo uu yiri waxaa soo istaagay nin janaraal ah oo turki ah waxaa uuna istaagay makarafoonkii wuuna hadlay wuxuuna ku yiri ninkii waardiyaha ahaa (la soco meesha xaflada lagu dhigayo waa markab yaala xeebta IZMIT) in uu u keeno kitaabka Quráanka ah markaas ayuu u keenay wuxuuna yiri kala bixi, markaas ayuu kala bixiyay wuxuuna ku yiri akhri markaas ayuu akhriyay kadibna yiri fasir. Markii ay xaaladu halkaas maraysay ayuu ninkii diiday in uu fasiro waxaana laga yaaba (1)in uu kacabsaday Quráanka inuu si khalad ah u fasiro, (2) inuusan garanay, (3) inuu jaahil ahaa. Ninkii janaraalka ahaa ayaa waxaa uu yiri dadkii oo maqlaya away kii yiri (Anaagaa soo dajinay Quáanka Anagaana ilaalinayna) markaas ayuu intuu ku dhaxtuuray naagihii dhilooyinka ahaa hoostooda yiri bal Allah ha ilaaliyo.
Intaa kadib ninkii waardiyaha ahaa aad ayuu u cabsaday waxaa uuna isla markiiba dhex maray dadkii oo waa uu kasoo baxay markabkii wuxuuna usoo carayay magaaladii, wuxuu yiri ninkii waadiyaha ahaa waxaa fiiriyay gadaal markaas ayaa waxaan arkay duufaan waligay aanan arag oo isla markiiba kasoo kacday badda gudaheeda oo wadata dab iyo olol, intaa naxay ayaan istaagay markaas ayaa waxaan arkay iyadii oo la dagtay markabkii oo dhan. In yar kadibna waxaa dhacay dhulgariirkii weynaa ee turkiga, waxaana taas cadeynaysa dadkii ugu horeeyay ee usoo gurmada waxay ahaayeen Yuhuud.
Marka walaalayaal qabashada Allah waa sidaas cidii isku dayda inay diinta ku jeesjeesto kana dhigata waxaan jirin. Awey Fircoon oo sheegtay inuu ahaa ilaah.
Waxaan Allah ka baryaynaa in uu hanuuniyo muslimiinta caasiday,iyo gaaladaba intii xumaan ladoonaysa Islaamkana uu qabto qabasho tan turkida ka daran, isaga ayaa wax maqla oo arka.
Aamiin..
Assalaamu calaykum..

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Huska

Unrecorded Date
Asalamu Calaykum.

To: Anonymous

Jazaakallaahu kheyran sheekada murugada leh ee aad noo soo gudbisay, illahna waxaan ka rajeynayaa inuu sidaas iyo si ka daran u qabto kuwa diinta islaamka iyo dadkeedaba ku jeesjeesa, anagana allaha naga dhigo kuwii ku cibra qaata(Aamiin).

Asalamu Calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

anonymous2

Unrecorded Date
Anonymous nacasyohow dadkaas muslinka ah ee dhibaatadu ku dhacday haddii aadan ka naxayn, kala tag meesha sheeko ciyaaleedka raqiiska ah. Dhibaatadii baad rabtaa inaad propogando itixad u adeegsato. Haddaba nama gelin khuraafaadkaasi annaga.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Anonymous
Walaal mahadsanid. Waxaan rajeynayaa in aay ku cibri qaadan doonaan.

Anonymous2
Walaal maad Ilaah ka yaabtid. Caydu maa fiicna.
Wax san qor ama ka gaabso.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Assalaamu Calaykum..
To anonymous2.
Walaal marka hore waad salaaman tahay, marka xiga anigu kama tirsani wax xarako ah ee waxaan raacayaa jidkii Nabiga S.C.W iyo Salafu-Saalix ee hdii aad u jiran tahay xarako, waxaan ku dhihi lahaa inaad Allah ka cabsato oo aad iskaga cararto xarakooyinka maxaa yeelay ma keenayso ilaa burbur iyo khilaafaad aan micno lahayn..
Assalaamu calaykum.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abudujaana

Unrecorded Date
Assalaamu calaykum Intaa kadib wararka islaamka ahi oo la faafiyaayi waaa jihaad. anonymos ilaahay haka ajar siiyosu . ´Su´aasha meesha taalllaaaahi waxa weeye sababta ay gaaladu usoo saari waayeen dhacdadaani. Nin wadaad ah ayaa arinta ka shifay asagana waxaa lagu abaal guday xabsi. Xaqiiqatan waa arintii ay quraysh rasuulkeeni Muxamad(scw) kula dhaqantay waa tii ay qurayshi yiraahdeen, xujeydii baa soo socotee see Muxamad uga hortagnaa waa tii waliid bin MUQIIRA UTAGEEN arintiina waxay kusoo gababeeyeen Muxamad waa saaxir waxayse horey isugu qabteen Ma SAAXIR baanu niraahnaa mase waa WAALAN YAHAY mase GABYAA baan ku tilmaaannnaa waa tii ay isku waafaqeen waa saaxir. Maantana gaaladu waxay dhalinyarada xaqa fahan tay ku tiraahdaa WAA SEEFLABOOD, WAA SHUFTO, WAA TEEORISTE, WAA RAJCIYYIIN IYO hadallo la mid ah (MIYEY ISU DARDAAMEEN MAYEE WAA QOWM GARDARO BADAN)SUURATUDDAARIYAAT) Wassalaamu calaykum Abudujaana@somalitalk.com from dk

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.