site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

ALLAHAYOOW RAXMAANOOW ADIGAA AWOOD LEHE, GABDHAHA....

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): ALLAHAYOOW RAXMAANOOW ADIGAA AWOOD LEHE, GABDHAHA....
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

islaam@usa.com

Unrecorded Date
BISMILLAAHI SADAR HORE, SIFO EEBE WEHELISO,
SALIGII RASUULKEEN, NAXARIIS DUL SAARANOO,
EHELKU SAAMI QAATEEN, SAXAABADU SED LEEDAHAY,
SAAN QAADAYAAL RAACAY IDILKOOD, SAATIRKU HAKU WADA SIMO.
INTAAS KADIB;

ASSALAAMU CALAYKUM,

.......Walaalayaal waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa arin ay la keli noqdeen GABDHAHA SOOMAALIYEED, waxaan ALLAHA awooda badan u weydiinayaa inuu denbigooda iyo kan waalidkoodba dhaafo e, Aamiin.

.......Walaalayaal intaanan Arinkaas guda gelin waxan rabaa inaan soo hormarsado DUCO labaad oo aan u ducaynayo GABDHAHA MUXAJABAADKA AH:

ALLAHAYOOW RAXMAANOOW ADIGAA AWOOD LEHE, ADIGAA ABAALKIIS GUDI YAQAAN RUUX KU CAABUDA E, ADIGAA DULQAADKAAGU KA AAMUSAY KII KU CAASIYEY E, ADIGAY AWOODAADU KU AHAATAY AHOOW (kun) KELIYE, ADIGAA ADOOMADA DHAMAANTOOD KA AAR GUDAN KARAAYEE, HADDANA ADOO TAA AWOODEED LEH ISKA KAAYA DAAYEE,ALBAABKAAGA NAXRIISTU ALLAHAYOOW AAD U WEYNAAYE, KA BALAADHEY KII CARADAADU DHOOBNAYD E,

ALLAHAYOOW RAXMAANOOW ADIGAA AWOOD LEHE GABDHAHAN GUUDKOODA QARIYEY GAARSII NAXARIISTAADA WAASACA AH KA WARAABI KOWTHAR IYO FARACYADII FIRDOOWSAAD, KUWA AANAN WELI LIIBAANTAAS GARANINNA HIDAAYADA ADIGAA HAYEE QALBIGOODA GAARSII, Aamiin.

.......Walaalahayga muslimiinta ahoow haddaan intaas ku dhaafo DUCADAYDII anoo ALLAHA awooda badan weydiisanaya inuu iga aqbalo baan waxaan u tahniyadaynayaa una dUcaynayaa dhamaan GABDHAHA MUSLIMIINTA meel kasta oo ay aduunka ka joogaan KHAAS ahaan gabdhaha SOOMAALYEED oo muuujiyey NOLOL lagu farxo, waxaan si gaara ugu bogaadinayaa xirashada xijaabka ama JALBAABKA.
.......Waxaa dad badan isla markaba maskaxdooda ku soo dhacaysa imisaa belaayo xijaaban maanta yaacaysa, oo haddana laga acuudu billaystaa, walaal kheyr qabe ama kheyr qabto waxaan ka hadlayaa waa XIJAABKA keenay inay dad kale soo jiitaan gabdhaha wataa, XIJAABKA keenay inuu gaalo iyagoon lala hadal soo islaamiyo, XIJAABKA qofka gashan akhlaaqdiisa iyo dhaqankiisaba aad jeclaanayso, XIJAAABKA loo qaatay QANAACO, JECAYL, iyo IIMAAN iyadoo maanta uu ka dhamays tirmay dumarkii Soomaaliyeed ALLE weyne mahadi ha gaadhee, iyadoo ay jiraan DUMAR badan oo aan u qaadan qasdigii laga lahaa iyadoo duruufo badani keeneen in la xirto sida ( QOF ALLE DARTIIS U WATA kuwaan soo sheegnay IYO QOF DADKA DARTIIS U WATA, kuwan soo socda) GABDHO yar yar oo waalid kheyr badani dhaleen oo xijaabka qaata aanse iyagu weli ku qancin oo aan maxabo iyo doorasho u qaadan khaas ahaan kuwa debedaha jooga ALLE qalbigooda haku sugee!, iyadoo ay iyana jiraan shayaadiin jecel ceebaynta dhaqanka ISLAAMKA oo intay xijaab soo qaataan ficilo xunxun ku kaca, ALLE haka aar gutee!.
.......Marka walaalahayga qadarinta mudanoow waxaa magaalada SAN DIEGO, CA, yimi shiikh DAACI ah dhul badanna maray wuxuu yiri:

"waxaan tegey meelo badan oo Aduunka ka tirsan mase arag XIJAABKA GABDHAHA SOOMAALIYEED wataan cid wadata marka lagu daro dhukaan tegey XARAMAYNKA xittaa!!" mana ahayn Soomaali skiikhu.

Walaalayaal wuxuu ALLAAH QUR'AANKA inoogu sheegay SIFO aad u qaaliya oo la inaga rabo inaan ku dadaalo, taasoo ah oogista SHACAA'RTA ama ZEYGA taasoo GABDHUHU runtii aad u nooleeyeen, dhinaca WIILASHA waxaad moodaa in lagu yiri SHACAA'IRTA waxaad la timaadaan MAALINTA JUMCAHA oo keliya, ALLE baan wiilaloow idinku dhaarshee gabdhaha DUCFI baad ku xamataane maxaa GAALADA la idinkaga gartaa ilayn sida GABADHA Muslimadda ah loo garanayo markay banaankaas marayso baa idinkana la idiinka rabaa in la idin garto e, mise GARKA barkiin XIIRO baa SHACAA'IR idiinku filan.

Wallaahu Aclam
Walaalkiin
islaam@usa.com

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

muniira

Saturday, June 24, 2000 - 02:39 pm
TO: ISLAAM
walaal waxaan alle kaaga rajaynayaa caafimaad taam iyo cibaado suuban
jazaakallaahu khayran
sida aad xaqa uga hadashay!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

walaashiin

Wednesday, July 05, 2000 - 02:04 pm
Asalaamu calaykum waraxmatul-laahi wabarakaatuhu
Walaal Allaha kaa abaal mariyo Ducada qiimaha badan ee aad noo ducaysay miizaanka xasanaadkaagana hakuugu daro anaga hanaga dhigo kuwa ugu dhaqma Sharciga Alle si dhab ah hana nagu daro inshaa'alaah addoomadiisa saalixiinta ah anaga iyo dhamaak muslimiinta hana u gargaaro addoomadiisa mujaahidiinta ah iyo kuwa kale ee la taag daraysanaayo asagaa awooda arrintaas. Alle waxaan ka baryaynaa inuu cizeeyo ciddii cizayza diintiisa uuna duleeyo ciddii dulaysa diintiisa uuna dabar gooyo Mujrimiinta iyo dhaalimiinta.
Subxaanakal-alhumma wabixamdiga ashhadu an laa'ilaah illaa anta astaqfiruka wa atuubu ilak. Wasalil-alaahumma caalaa muxammadin wa aalihi wasaxbihii wasalim. WASALAAMU CALYKUM WARAXMATUL-LAAHI WABARAKAATUHU.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.