site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

the difference between shiate and sunny moslems

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Feb 2000): the difference between shiate and sunny moslems
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Oomaar

Unrecorded Date
Salaan farabadan ka dib.

waxaan ognahay in shiicada iyo sunnigu ay ku kala duwan yihiin waxyaalo badan.marka aniga shu,aasheydu waxay tahay ayaa saxa labadooda?
su'aasha kale waxay tahay waxa la yiraahdo mudcada oo ay shiicadu samayso ma saxbaa mise waa khalad?

ciddii jawaabteeda haysa ha ii sheegto.

Oomaar.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abu ahmed

Unrecorded Date
walaal waxa wacan suniga in kastoo labaduba muslin yihiin nabi maxamed c/s w s waxuu ahaa suni markaa suniga ka raac diinta muslinka

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Abu Ahmed,
Waano wanagsan baad Oomaar siisay, lakiinse suaalah uu soo bandhigay kama aad jawaabin.
Waa ee sahlantahay sida waano loo bixiyo, lakiin waxaa loo bahan yahay in dadka waxaa laga dhadhiciyo.
Ebbe ha inoo wada naxariisto, kuwu hadayey na ha inaga dhigo.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDIKHAALIQ

Unrecorded Date
asalaamu calayku
bacda salaan runtii waa suaal aad u muhima qof kastaana is waydiin karo,markaa waxaan jeclaystay inaan wax ka idhaahdo wixii ilaah iga garansiiyo.
marka koowaad hadaan milicsano taariikhda shiicada waa taariikh dheer oo bilaabatay dilkii cismaan ka dib ,markii la dilay cismaan ayaa waxaa soo baxay dad oo ku andacoonaya in maamulka ay xaq u leeyihiin ahlu baytku(qaraabadii nabiga )waxaa fikradaa ka faaiidaystay ninkii yahuudiga ahaa ee la odhan jiray (C/LAAHI IBNU SABA ) ninkani waxa uu ahaa nin islaanimo sheegtay laakiin qasadkiisu ahaa inuu mushkulad ka dhex abuuro dadka muslimiinta ah ( dadka qaar waxay leeyihiin isaga ayaa bilaabay fikrada shiicanimada iyo in lagu xad gudbo jacaylka loo hayo ahlu baytka) intaa wixii ka danbeeyay waxay ahayd fikrad jirta oo dad badani aaminaan,waxaanay noqdeen firqooyin badan oo ka mid yihiin RAAFIDAH,ISNAA CASHARIYAH,JAARUUDIYAH,SULAYMAANIYAH.BATRIYAH,SAYDIYAH....IWM,waxaanay isku khilaafeen arimo badan .
hadaan isu soo daadago waxyaalaha ay aaminsan yihiin waxaa ka mida (sida raafidada iyo isnaa cashariyada ).
1)in quraanka aan haysano wax ka maqan yihiin wax na ku siyaado yihiin,sidaa daraadeed waxay ku siyaadiyaan quraanka sida CALI WALIYULAAH.
2)waxay aaminsan yihiin in cali ibnu abii daalib uu ka fadli badan yahay anbiyada ilaahay.
3)waxay aaminsan yihiin in ilaahay jibriil ku yidhi quraankan cali ku daji ,dabadeedna jibriil khalad sameeyay oo uu maxamed kudajiyay.
4)waxay aaminsan yihiin in asaxaabta oo dhani gaalowday in yar mooyaane .
5)waxay nacladaan asaxaabta siiba abuu bakar iyo cumar iyo xaaskii nabiga ee caaisha
6)waxay yidhaahdaan in aad ilaahay xusto iyo inaad cumar nacdasho waxaa khayr badan in aad cumar nacdasho
7)waxay aaminsan yihiin in a,imadoodu aanay gafin (khalad aanu ka dhicin )
8)waxay yidhaahdaan ilaahay raali ayuu ka yahay in ay dadku gaaloobaan shiicada mooyaane
9)waxay baneeyeen MUTCADA waxaanay u arkaan inay tahay wax ilaahay loogu dhawaado ( MUTCADU waa in laba qof ay ku heshiiyaan in ay mudo is qabaan muda daasi markay dhamaatana uu guurkoodii fasakhmo TUSAALE :laba qof ayaa odhanay hal wiig ayaan is qabaynaa ,markuu wiigaasi dhamaadana waan kala tagaynaa .
waana shay aan banaanayn oo nabigu xaaraantimeeyay
10)waxay aaminsan yihiin in ay banaan tahay in qofku isagoo tukanaya uu wax cabi karo waxna cuni karo.
walaal lama soo koobi karo waxyaalaha ay inaga ga duwan yihiin.
qaarkood ayaa la qaatay oo inoo dhaw sida ZAYDIYADA .
hadaad doonayso inaad arinkan wax ka sii ogaato akhri kutubtooda waxaana ka mida :-
AL KAAFI oo uu qaray kulayni
SHARXU NAHJATUL BALAAQA
AL IXTIJAAJ
CAQAA,IDU SHIICAH
RAWDAATUL JINAAN
TAFSIIRUL CASKARI
TAFSIIRUL QAMAA
TAFSIIRUL DABRASI
MUFTAAXUL JINAAN.
walaal kutubtaas ayaa ka mida kutubta ay iyagu qoreen .
hadaan wax ka idhaah kutubta ay culumada ahli sunaha ah qoreen oo meelo ka mida ay shiicada kaga hadleen waxaa ka mida :-
minhaaju sunah
maqaalaatul islaamiyiin
al faslu fil milali wanixal
al farqu baynal firaq.
iyo kuwa kale oo fara badan ,walaal runtii waxaan aad ugu cudur daaranayaa wakhtiga oo igu yar .
hadaan wax khalday waad ila soo socodsiin kartaan ,waayo ibnu aadam ayaan ahay oo waan khaldami karaa .
walaal waxaan kaloo kugula talin lahaa inaad culumada aad isku meesha joogtaan aad waydiiso waayo wax la qoray iyo qof ku hor taagan way kal gadisan yihiin
wasalaamu calaykum ABDIKHALIQ@HOTMAIL.COM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SAHRA

Unrecorded Date
aboowe aad baad u mahadsan tahay ilaahna ha kaa abaal mariyo sida fiican ee aad noogu sharaxday

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muxsin

Unrecorded Date
asalaamu caleykum walaal c/xaq aad iyo aad ayaad ugu mahadsan thay jawaabtaasi aad ka bixisay shiicada oo halis ku ah diinta xaniifka ah,aana ka baqayo in ay soomaali badan oo jaahiliin ka ah diintooda ay khaldaan ee halkaa ka sii wad dadaalkaas iyo dacwadaas.jasaaka allahu khayraa.
walaalkaa abu muxsin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Muuse

Unrecorded Date
c/khaaliq bro ilaahay khayr ha ku siiyo,runtii jawaab aad u fiican ayaad ka bixisay nimankaa .
ilaahay ha kaa abaal mariyo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

ABDULAHI

Unrecorded Date
ABDUL KHAALIQ
WAAD MAHAD SAN TAHAY JAWAABTAADU WAA MID KOOBAN KAAFINA AH

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mumin

Unrecorded Date
Salaama calleykum!

to: Abdikhaaliq
Waxaad noo kordhisay cilmi, Jasaakallaah

Mumin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Amina

Unrecorded Date
asalamu caleykum warahmatu lahi wabrakaatu
Waaa slaamantihiin dhamaantin.

Waxaan jeclaan lahaa inaan sameysano qeyb ah dood oo laiskuweydar sanayo su;aalo diini ah maxaad kaqabtiin
By Amina

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

CABDI

Unrecorded Date
ASALAMA CALAYKUM
TO: AAMINA.
SOO WAD WALAAL, HANA KA BOODIN, MA AQAANO CILMIGA INAY KA MID TAHAY, CULIMADA HA LA SOO WAYDIIYO WAXII LA GARAN WAAYO.
WA JASAAKUMU LAAHU KHAYRA.
BRO C/ KHAALIQ ALAHA KAA AJAR SIIYO HALKAAS KA SII WAD SOONA TIXRAAX KUTUBTA RAGA MUCAASIRIINTA AH OO AAD U FARO BADAN OO SHIICADA KA WARAMAYA, IYO KHUDBOOYINKII SHEEKH UMAL OO SOOMALI AH NAIROBINA DAGAN, TAASOO AAD NOOGA CAAWIN DOONTA FAHAMKA SHIICADA OO MAANTA BOOLA XOOFTAYNTOODA DAD BADAN OO MUSLIMIIN AH JUHALANA AH KU KHALDAMEEN.
WASALAAMU CALAYKUM.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Gidigood walaalaha meeshatan wax ku qoray waa ay ku mahadsanyihiin, ninkastana say kula qumanayd ayuu ka hadlay,bal anna aan wax ka iraahdo.
Waxaan moodayaa waxa uu ka sheegay cabdikhalaq shiicada in kabadbadis ku jiro.
Guud ahaan shiicada culimada muslimiintu way ka hadleen wayna cadeeyeen farqiga u dhaxeeya ayaga iyo suniga.
Farqigaa waxaa lagu soo koobay lix,waxaana ka mid ah 1)In xagga axaadiista aan ku kala duwanahay.
2)In ay aaminsanyihiin wax la yiraahdo tuqyah ayagoo daliil keensanaya.
3)Inay aaminsanyihiin imaam macsuun ah.
4)Inay aaminsanyihiin nin waqti danbe soo bixi doona oo ay ugu yeeraan mahdilmuntadir.
Waxyaabaha laysku raacsanyahay oon hadal ku ka taagnayn waxaa ka mid ah,shahaadad islaamka lagu soo galo,qur'aanka gebi ahaantiis iyo kuwa kaloo farabadan.Calaa iyo taxaal guud ahaan shiicada waa la cadaadin jiray xukunkana waxaa haysan jiray suniga ninkii la rabo in unuunka laga jarana waxaa shiici ayaa lagu sheegi jiray,ninkastoo ahlu bayt ahna waa la cadaadin jiray waxaana ka mid ah dadkaas imaamka ay soomaalidu mahdabtiisa haysato ee imaam shaafici marmarna lagu xiray ayadoo loo diidayo inuu xukunka u soo dhawaado walow uusan imaamku xukunka hunguri uga jirinin.
Waxey ku aasaasantayna waxaa soo baxay niman la yiraahdo khawaarij ayagu waxay ahaayeen radulficilkii nimankaas.
Midatan ku saabsan inay ka farcameen firaq aad u xun waxaan moodayaa inaysan aheyn fikrad sax ah, maxaa yeelay meeqa firqo ayaan diinta sal kulahayn sunina ka soo jeeda.
Anigu ma arag nin culumadii hore ah oo gaaleeya shiicada sida saa'id ka ahna waa muslimiin ay wax ka khaldanyihiin.
Iga raali noqda hadaan hadalka idinku dheereeyey,hadaan gafku kacayna golaha saamax baan waydiistay.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Abdi

Unrecorded Date
WASALAAMUCALEYKUM
waxaan aad ugu faraxsanahey in dad somaliyed diintoodii kala faa'iideysanaya.Mowduuca shiicada hadii aan wax ka yara taabto:
qaladaad wuu ku jiraa shiicada iyo sunnigaba(qaladaad aad u waaweyn oo diinta iyo ummaddaba laga galey), kolkaas waa dhexdhexaad la noqdo oo marka shiicadda qaladkeeda la sheegayo sunnigan la sheegaa. Ta kale ma jiro cid culimada islaamka oo gaaleysey shiicada Iyagu waa ahlu qiblah muslimiin weeyaan waa walaaladeen yaan laga saarin diinta. falahum maa lilmuslimiin wacaleyhim ma calal muslimiin. Buunbuuninta gaalad iyo fikrada ah kalafogeyna sunniga iyó shiicada waa figrad laga soo waaridey galbeedka taas oo uu ka dhashey dagaal ay ku naf waayeen million muslimiin ahi socanaayeyn decade. Kolkaas markaa arimahaas aan ka hadlaayo. Ma lihi qalad ma lah ee qaladaadka jira waxaa lagu xalin kara isjeclaansho dhexmara sunniga iyo shiicadda xidhiidh wanaagsan oo lala sameeyo dowladdooda iyo inay carabtu fahmaan inay shiicadu yihiin walaaladood iyo xoogooda qarnigan lagu jiro iyo ka soo socdaba.Gaar ahaan innaga soomaalida waxaa na ilaga dhaadhiciyey figrad qaldan oo ku saabsan dhinaca shiicada qof waliba maskaxdiisa ha furo diintiisa yuu ka tagin. Illaahey xaqa ha ina waafajiyo. AAAAMMIIN wasaalaamucaleykum warahma

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Alyisa

Unrecorded Date
Please it's not Moslems it's Muslims

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Ansaari

Unrecorded Date
Salamu caleykum

KU: Anonymous

Walaal waxaad markii aad ka hadleysey SHIICADA aad maqaalkaadan kore ka dhadhansaday ood tiri sidan: "Sh. Shaafici oo soomalidu madhabtiisa haysato ayaa marmarna lagu xiray ayadoo loo diidayo inuu xukunka u soo dhawaado walow
uusan imaamku xukunka hunguri uga jirinin."!

Markaa su'aasheydu waxeey tahay, Iimaam Shaafici maa shiicuu ahaa ayaad leedahay? mise maxay?

Wa salamu aleykum

ansaari

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.