site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

Siyaad barre ilaahay ha u naxariisto mala odhankaraa?

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): Siyaad barre ilaahay ha u naxariisto mala odhankaraa?
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

xildiid

Unrecorded Date
saaxiibayaal jsuaashan iga jaahil bixiya waxaanan rajeynayaa inaan loo adeegsan jacayl iyo nacayb midna laakiin loo eego cilmi iyadoo ilaahay laga baqayo

salaamu calaykum

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Skandanefiya

Unrecorded Date
Walaal keeygiyow haddaan nahay muslimiin, ma hor istaagi karno NAXARISTA Eebe. Haddii u doono wuu u dambi dhaafi haddii kalena wuu cadaabi.Ee aan ka dhex baxno.

Laakiin muuqaalka kor waxaan oran karaa, wuxuu ahaa nin aan ku dhaqmin ama aan ku ficneeyn DIINTA wax yaalo badan oo dhib iyo buur ayuu u keenay dalkeena.

Walaahu aclam

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

faysal

Unrecorded Date
Siaad Barre alla ha u naxariistee, haddaan la oran karin alla ha u naxariisto, wallee siddeda malyan ee somaliyeed in yar umbaa la oran karaa alla ha u naxariisto.
Faysal

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Anonymous

Unrecorded Date
Horta ma waxaa loo duceeyaa qofkii islaam ka ah daahirka sida aynu u aragno mise waxaynu fiirinaynaa qofka gefka ka dhaca? Walaalayaal yaa qiyaamihiisa siisanaya Siyad Barre wuxuu ahaa gaal?Walaalayaal maxaa naxariista Eebe ka qadinkara?Walaalayaal anigu waxaan qabaa in qofkii muslinimo ku dhinta ama ah in loo duceynkaro,mana hayno meel Siyad Barre ku ridoobay lakin dunuub waawyn wuu geystay wuxuuna u bandhiganyahay raxmadda Eebe inuu cafiyo in uu cadaababa.

Wa bilaahi towfiiq.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

N.S.S.

Unrecorded Date
OGAADAN IN UU DILAY KOW IYO TOBAN CAALIM ILAH DARTIINA AY U DHINTEEN

IN UU KU JEESJEESAY AYADAHA ALLE SUBXANUHU WATACALAA

IN UU KU TILMAMAY ISLAMKA DIIN MANSUUKH AH OO AAN LA SOCON WAAQICA

WABITAALII UU LA DAGAALAMAY DIINTA ISLAMKA IYO ILAHEDA WAXANA KA MID AH HADALADISA

HADDII MUXAMAD KU NOLAN LAHAA QABOWGA YOGOSLAVIA WUXUU XALALAYN LAHAA QAMRADA IYO KHINSIRKA,
MA JIRI DOONTO THULUTH IYO RUBUC IYO KHUMUS
MARKII AY KA HOR IMADEN CULUMADA ISLAMKANA IYOGOO "A'ANTA ACLAMU AMILLAH"WUXUU KU XUKUMAY DIL TOOGASHO WAXAYNA KU SHAHIDEN ISKUL BOLISIYO 1975 IYADOO UU DIIDAY IN MAYDKODA LOO CELIYO EHELADOODA

SIYAD WUXUU KA MID AHAA MADAX BADAN OO CARBED OO ISTICMARKU U DIYARIYAY IN AY U KHIDMEYAN LANA DAGAALAMAN ISLAMKA SIDA 'JAMAL C/NASIR OO DILAY ISAGA CULUMO ISLAM OO BADAN SIDA "SAYID QUDUB ASHAHIID C/QADIR COODAH IYO KUMANAAN KUN OO MUSLIM AH XABIB BURQIIBAH OO ILAH IYO RASULKIS KU JEESJEESAY IYO WALIBA KUWO KALE OO BADAN

MAXAMMED SIYAD INTUU DALKA HAYAY DHIBATOUIN BADAN BUU U KEENAY ISAGOO LUNSADAY HANTIDII DALKA KANA DHIGAY SOMALIA MISKIN TUUGSADA DUNIDA XITAA KUWA AY CADAWGA YIHIN,WUXUNA SAMEYAY KHULAFO ISAGA KA DARAN OO DADKII SOMALIDA DHIIGODI KA GANACSADYA,KANA FURTAY BUSNISS DHIIGA UMMADA SOMALIYED,SIDA CAYDIID C/LAHI YUSUF CIGAL MORGAN ZOBE CALIMAHDI CAATO IYO JUNIORMUUSE,

INKASTOO AY TAHAY KHALD IYO DOQONNIMO IN LA FURO MAWDUC WAQTI LUMIS AH OO AAN FAA'IDO LAHYN SIDA KAN AYAA HADANA MARARKA QAAR WAXA FICAN IN LAGA HADLO XAQIQADAHA,WAXANA KACODSANA FURAHA BARNAMIJKAN IN UU XIRO UUNANA WAQTI UGA LUMIN MASAKINTA KALE EE CAAMADA AH OO KA RAACDAN DANAHOODA

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samiira

Tuesday, June 27, 2000 - 04:33 pm
salaamu calaykum,soomali waxaan idin oran lahaa intaad ruux dhintay daba cararaysaan siyaad tagyae danahiina ka tashada oo dar yeesha;nin dhintay kabahiisaa ka roon ilaahay qabrigiisa ha u waasaciyo nin muslin buu ahaa idinku xisaaba cidi idama oran.xun iyo sanba maanta wakaa soomali burburtay; midinku jiraa wax xalaynayo arimaha soomali iyo sida loo heshsiin lahaa

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Runsheeg

Friday, June 30, 2000 - 03:20 am
Siyaad bare haddaan la oran Alla ha u naxariisto, yaa kale oo la oran karaa, ma wax dhaamaad aragtay doqonyohow, Ilaahay waxaanu u naxariisanayn kuwii Naagaha beytariga ´ku gurayey dumarka iy caruurta iyo maatada laynayeyee araga xun xun, Siyaad Ilaahayoow Janno iyo raxmo sii, oo 10kii sanadood ee soomaali silcaysey aragtaye, hadduu nool yahay sidaas soomaali umay silicdeene ilaahoow u naxariiso ama dib noogu soo noolaay waad awoodaaye cid kale nama maamuli kartee!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

SH.MASHAAKIL

Wednesday, September 13, 2000 - 09:52 am
TO;XILDIID,SKAN-.FAYSAL,ANONY.
ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI .
WALAALAYAAL SU,AASHA JAWAABTEEDA WAXAY KU SALAYSAN TAHAY DIINTA MAXAY KA QABTAA QOFKA IN LAGU TUURO GAALNIMO ?GAALNIMADA INTA AY LA EG TAHAY? WAXAA JIRA FAL AY KU TILMAANTAY DIINTA GAALNIMO OO UUSAN KU GAALOOBAYN QOFKII SAMEEYA OO AAN XALAALSAN SIDA UU YIRI NABIGA CALAYHU SALAATU WASLAAM;[SIBAABUL MUSLIM FUSUUQUN WA QITAALAHU KUFRUN] OO AH CAYDA LA CAAYO QOFKA MUSLIMKA AH WAA FUSUUQ DILKIISANA WAA GAALNIMO.
MARKAA QOFKII GAALAYSIIYA QOF MUSLIM AH ISAGA AYEY KU SOO NOQONAYSAA , QOFKII INKIRA QOF KU SIFOOBAY GAALNIMO AMA KA SHAKIYA GAALNIMADIISA WAA UU KU GAALOOBAYAA.
SIDAAS DARTEED ARINTA SIDA UU YIRI XILDIID WAA IN LAGA SAARO CAADIFADA AAN KU DHISNAYN CILMIGA IYO CADAAWADA SHAKHSIGA AH .
JAWAAB.
WALAALAYAAL MA QOF KA JAAHIL AH AYAA JIRTA IN UU INKIRAY SIYAAD BARRE AAYADAHA QURAANKA AH OO MARKA AY CULUMADII HOR ISTAAGEEN KHALADKIISA UGU ABAAL MARIYE IN UU KU TOOGTO ISKOOL BOLIISYA HORTIISA ?
WAXAA UGU FILAN GAALNIMO INKIRAADA UU INKIRAY AAYADAHA DHAXALKA EE KU JIRTA SUURADA AL-NISAA.
WAXAA INTAA DHEER IN AY SOO SAARTAY IDAACADA BBC -DA AF SOOMALIGA BILOWGA SANADKAN 2000 TAARIIKHDA SOOMALIYA SOONA TABISAY HADALKIISA OON KU DHAGAYSTAY DHAGAHAYGA WAXAA UU KU HADLAAYE OO AH ;(QURAANKA BAR WAA LA NASAQAY BARKA KALE LAMA SOCON KARO WAQTIGAN ....WAXAA UU YIRI MAJIRAAN WAX LADHAHO SUDUS KHUMUS THUMUN RAGA IYO HAWEENKA WAA SIMAN YIHIIN).
WALAALAYAAL DIFAACAYAALKA SIYAAD BARRE WAXAA UU ILAA IYO INTA LAGA ERYE OO KA BAKHTIYE KU SUGNAA XAALADIISA EE HA KU AAKHIRO SAYGINA .
WASLAAMU CALAYKUM .

WAA SH.MASHAAKIL

LONDN U,K.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Walaalkiin

Wednesday, September 13, 2000 - 10:53 am
Nabad iyo Naxariis Ilaahay Korkiina Ha Ahaato

"ILAAHAY HA U NAXARIISTO"

Naxariista yaa leh: ILAAHAY

Yuu u naxariistaa: CIDDII UU DOONO

Xitaa haddii u dambili galay: GAAR AHAAN HADDII UU DAMBI GALAY

Xitaa haddii uu sinaystay oo wax xaday: GAAR AHAAN KA SINAYSTAY OO WAX XADAY

Naxariista ILAAHAY Baa Leh oo cidna la qaybsan aniga iyo adiguna waan u baahan nahay NAXARIISTA Ilaahay ee kuwa Ilaahay U Liibaanay oo Naxarasiistiisa hela Eebe Ha Inaga Yeelo.

Oo haddaad gaftood godob gasho Ilaahay Ha Noo Naxariisto..

Oo haddaad weecatood talada gafto Ilaahay Ha Noo Naxariisto..

Oo haddaad necdood dhibsato Ilaahay Ha Noo Naxariisto..

Maalinta Qiyaame oo qawm walba quurta tiisa loo gashay Ilaahay Ha Noo Naxariisto..

Ogowna Naxariista Eebahay ma GURTO..

Ilaahayow Noo Naxariiso

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Warfaa

Wednesday, September 13, 2000 - 02:42 pm
MAdaxweynaheeni M.Siyaad Bare ALLAHA U NAXARIISTO. kii ka nixi lahaayoow ka nax kii kaloowna farax.

ILAAH NAXARIISTIIS CIDNA KALAMA TASHTO CIDUU DOONUU AYUU UNAXARIISTAA.
Yoomalqiyaame inta qof oo uu marxuunkani qabsani oo uu ajarkoodi aay shaqaysteen looga qaadi badanaa!
Soomaali waligeed horimar gaarimayso inta aay is dafirayaan. Siyaad Barre wuxuu qabtay xumaan iyo samaanba waanu ogayn.

Rabiyoow u naxariiso madaxweynaheeni aanu xumaynay erinayna abaalxumadeenana waanu aragnay iyo waxa inoo soo baxay (dugaag dadka cuna).

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Rageedi

Friday, September 15, 2000 - 11:51 am
saxibayaal, ninkaas Ilahay ha u naxariistee ka hadha oo iska daaya ilaahay ayey u talaa arintaas mar haduu ruuxu dhinto waxaa iska´leh Ilaahay isagaana og siduu dhi marka waxaan soo jeedin lahaa in ay daan ku daalin arin aydaan lahayn.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.