site-wide search

SomaliNet Forums: Archives

This section is online for reference only. No new content will be added. no deletion either...

Go to Current Forums ...with millions of posts

I need advice quick!!!

SomaliNet Forum (Archive): Islam (Religion): Archive (Before Sept. 29, 2000): I need advice quick!!!
Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

zahra axmad

Wednesday, August 16, 2000 - 07:12 am
Asalamu calekum
walalahey mu,mininta ,dibato aya igaqabsatay xaga gurkayga.aniga iyo zowjkayga aya isfahmiwaye
waxan damcay inanukalatagno. Markan furid dhalbay si dhegdheg ayu igusiyey.dhalqadaheyga manausan iidhamaystirin.Waxyar kadib anigo cidhada damaysanin ayu igusonoqday.Jacayl, ama wanaag igumasonoqonin balse dibato iyo xujo un moye.Wayo hadii wanaag udoni laha wuisoxaririnlaha wunaidhaqan laha, cilka ,iyo carada ayu igatirtiri laha,walaakin waxaas odhan masamaynin balse intuu RAJACTU afka kairi ayu mel faristay.Anigana xagiisa weyigasodamatay, wayo dibatada uu imariye ayan niyadayda kasari laahay.akhawatii fil islaam,idinko diniyan suaasheydha ogajawabaysan maxaa igulatalinaysan.
zahra.

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Sumaya

Wednesday, August 16, 2000 - 03:15 pm
Salaama Caleykum

Abaayo Zahra hadalkaaga waan akhriyey, marka talo ayaan kuu haysaa meeshaan waxa yimaada dad Caqli yar una badan Dumar Feminist ah ayeysan kuwaalin,
waxaan kugu talinayaa inaad arinta u sheegtid dadka Diinta yaqaan iyo ehelkaaga, Weliba ninkaaga
Runta u sheeg dhibka jira iga daadhe abaayo, runtii meeshaan talo fiican ka heli maysid dad hore ayaa loo gugooyey.Lucky ayaad tahay Maanta hadii lagu qabo, kuwo badan markay ninkuu qabay ku ka ceen ayey meel qabsata waayeen marka samir walaalo

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Samia

Wednesday, August 16, 2000 - 04:53 pm
Salaama Calaykum:

Walaal Sahro waxaan kuu sheegayaa in aanu jirin wax samir ka fiican. Laba qofkasta oo wada noolna waa is qabtaan(dagaalamaan), carab iyo ilko ayaa isugu dhow waana is qaniinaan. Marka waxaan ku dhehi lahaa sabir walaalo intaad sabri kartid. Furitaankuu waa waxyaabaha uu ilaahay baneeyey uguna caro badan yahay. Marka waxaan kuu sheegayaa waligaa furitaan ha ku degdegin Maxaa yeelay furitaanku shaydaan ayuu ka imaadaa. Sabir samraa sed leh!!!!

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

Mohamed

Wednesday, August 16, 2000 - 07:11 pm
Asalaamu Calaykum Waraxmatulahi..
Intaas kadib Walaal Sahra waan aqriyay, war qadaadi inkastoo ay u baahantahay su,aalo badan. I]Walaal anigu waxaan ku oran la,haay sidii walaalahay horayba kuu sheegeen oo ah in aad raadiso dad ahlul cilmi ah, abaayo nikaaxo waa arin aad iyo aad qaali u ah marka ma galyo ku ciyaarid,,
2]Walaal aniga waa layga cilmi badan yahay, laakin waxaan soo xasuustay xadiiskii nabiga ee ahay[Baliguu canii walow aayah]Marka Sahro nikaaxu kuma dhisno xoog, laakin waxaa loo baahanyahay sidii ay wax u dheceen, markale abaayo waydii dadka diinta yaqaan...
Hadii aad u baahantahay wax faah faahin ah,
ii soo dir E.mail: mhasan1999@hotmail.com.
Walaal sabar kaasho, Ilaah ha kuu yasiro, Aamin

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

islaam@usa.com

Sunday, August 20, 2000 - 04:20 am
Assalaamu Calaykum

Walaal Sahro

WAXAAD OGAATAA IN ALLAAH U XAQSOORAY QOYSKA MUSLIMKA AH, aLLE KITAABKIISAA QOYSKU KU XIRMAA ALLE KITAABKIISUUNA KU FURMAA E ALLE U NOQDA HADDAAD WADA NOOLAANAYSAANNA RAALI AHAAN KU WADA NOOLAADA HADDAAD KALA TEGAYSAANA RAALI AHAAN KU KALA TAGA.
TAASINA WAXAY SUURO GELAYSAA OO KELIYA MARKA ALAAH LA RAALI GELIYO WALOOW MID IDINKA MID AHI HA FIICNAADEE.
WALAAHI WAXAAN AQAAN LABO IS FURAY OO MARKAY KALA TEGAYEEN KA HOR IYAGOO USII SOCDA SHIIKHII KALA FURAYEY CASUMAAD IYO FARXAD ISKU MACASALAAMEEYEY.
TAASI WALAAL DHAYAL IGAMA AHA EE WAXAY LABADAAS QOFI FAHMEEN IN NOLOSHU KU XIRAN TAHAY IS FAHAMKA LABADA QOF, AYNA WADA NOOLAADAAN MARKAY SUURA GAL TAHAY, HADDII WADA JOOG IYO NOLOL WANAAGSANI DHICI WAYDONA MIDAAN LOO SMRI KARIN CULIMADA LALA TASHADO.
ALLE HAKA BAQEEN RAGA MARKAY DOONAAN GABDHAHA FURAYA MARKAY DOONAANNA RAJACTU ORANAYA IYADOON CIDI OGAYN.
WALAALAYAAL WAXAA FIICAN SIDA XARIGA NIKAAXU MEEL LA WADA JOOGO UGU DHACAYO IN FURIINKANA MARKHAANTIYAAL LABO UGU YAR TAHAY LOO SAMEEYO.

WALAALKIIN ADAM

Top of pagePrevious messageNext messageBottom of pageLink to this message  

deeqa

Monday, August 21, 2000 - 10:22 am
Salaamu calykum;
Walaal Zahro marka ugu horraysa aad iyo aad baan uga xumahay dhibka ku haysta, waxaanna Ilaahay kaaga baryaya in uu kaa bixiyo.
Midda labaad macaaneey diintu ma xaaraantimayn in labada qof markay is fahmi waayaan oo dhibkoodu bato ay in muddo ah kala maqnaadaan iyaga oon is furin si mid kastaa uu u helo muddo uu kaligii ku fekero, inta ay doonto haqaadatee. Taasina inta badan qooysku dib ayay isugu soo celisaa oo labada ruux mid waliba khaladaadkiisuu dib u soo saxaa. Midda sedexaad la tashada dad diinta aqoon u leh iyo eheloba, Macaaney ogoow sabirku waa wax weyne.

Feel like posting? Pleaase click here for the list of current forums.